[{"id":1,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan."},{"id":2,"translation":"2. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka."},{"id":3,"translation":"3. Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista Badan [1].","footnotes":"[1]. Ar-Raxmaan iyo Ar-Raxiim waa labo magac uu leeyahay Alle ee ka soo jeeda kelmedda Raxmah. Xagga naxwaha afka Carabiga labada magacba waa ku xeel dheeraansho Naxariisashada. Waa Deeq ballaaran iyo Naxariisasho guud ahaaneed labaduba. Raxmaan waxaa lagu tilmaamaa Alle oo keliya, waana sifad aan cid kale la wadaagin, halka Raxiim lagu tilmaami karo qof gaar ah. Nabiga s.c.w. waxaa uu Qur’aanku ku tilmaamay inuu yahay Raxiim. Raxmaan se waa wax ka sarreeya heerka Aadmiga (waa Naxariisasho durba ah oo guud ahaaneed) oo waqti ku kooban oo uunka oo idil gaadha, caddaaladdu waa qayb ka mid ah Naxariistan. Alle wuxuu isku tilaamamay sidoo kale Raxiim oo ah Naxariisasho joogto ah oo gaar ahaaneed oo u naxariisto mu’miniinta, denbi dhaafka iyo ceeb asturidda waa qayb ka mid ah Naxariistan."},{"id":4,"translation":"4. Boqorka Maalinta Jaazeynta [2].","footnotes":"[2]. Qiyaamada ee iska leh wax walba."},{"id":5,"translation":"5. Adigoo Keliya baynu (Allow) ku caabudi, oo Adigoo Keliya baynu ku weydiisan kaalmo."},{"id":6,"translation":"6. Nagu hanuuni (oo sug) Jidka Toosan."},{"id":7,"translation":"7. Jidka kuwa aad u Nicmaysay [3], aan aheyn (jidka) kuwa loo cadhooday [4] iyo (jidka) kuwa lunsan midna [5].","footnotes":"[3]. Kuwo Alle siiyey Galladdiisa waa Nabiyada, runlowyada, suubbanayaasha, iyo shuhadada. \n[4]. Kuwa uu Alle u cadhooday waa kuwa iyagoo u cilmi leh aan ku camal falin diinta ee diida xaqa, sida Yuhuudda iwm. \n[5]. Kuwa lunsan waa kuwo cilmi la’aan iska cibaadeysta iyagoo ku socda caqiidooyin gurracan sida Nasaarada iwm."}]},{"id":2,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif laam miim [1].","footnotes":"[1]. Suuradaha Qur’aanka qaarkood waxay ku billowdaan xarfaha alifbeetada, sida alif laam miim, alif laam raa, iwm waxay ka mid yihiin afar iyo toban xaraf oo ku billaabasho iyo furitaan ahaan ku soo arooray sagaal iyo labaatan suuradood oo ku jira Qur’aanka.Waxaa la yidhi xuruuftaas waa magacyada suuradaha, waxaa sidoo kale la yidhi waa baraarujin iyo soo jeedin ahaan dadka, waxaa kaloo la yidhi, waa tilmaan in Qur’aanka uu ku soo degay afka Carabiga ee ka kooban xarfaha alifbeetada sidaas oy tahay ma jiro cid la imaan karta isagoo kale oo keeni karta oo waa kitaab mucjiz ah. Inkastoo siyaabahaas kala duwan loo fasiray, dhabta waxaa weeye Alle keliya baa u cilm u leh oo ogsoon macaanidooda, oo og muraadka uu ka leeyahay iyo wuxuu ula jeedo."},{"id":2,"translation":"2. Kitaabkaa (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa u hanuun dhowrsanayaasha [2].","footnotes":"[2]. Waa kuwa dhowra amarrada Alle ee iska jira shirkiga iyo xumaha kale sida gaalnimada, ku caasinta waalidka, xumeynta qaraabada iyo deriska, ku daadinta dhiig xaq darro, zinada, xatooyada, ribada, kibirka, sixirka, beenta, khiyaanada, qadafka, xasadka, xanta, diradirada, iwm."},{"id":3,"translation":"3. Ee ah kuwa rumeysan Ghaybka [3], ooga salaadda, waxaan siinnayna wax ka bixiya.","footnotes":"[3]. Waxa aan muuqan ee qarsoon sida malaa’igta, Jannada, Naarta, iwm."},{"id":4,"translation":"4. Ee (ah) kuwa rumeysan waxa (Qur’aanka) lagugu soo dejiyey (Nabi Muxammadow), iyo waxa la soo dejiyey (oo Waxyi ah) adiga hortaa [4], Aakhirona yaqiinsan.","footnotes":"[4]. Kutubta la soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w hortiis waa Towraadda, Injiilka, Zabuurka iyo Suxuftii Ibraahiim iyo kuwo kaleba."},{"id":5,"translation":"5. Kuwaasaa ku sugan hanuun (toosan) xagga Rabbigood ah, waana kuwaa kuwa ah liibaanayaasha."},{"id":6,"translation":"6. Kuwa gaalooba (ee xaq diidka ah) waa isugu mid haddaad u digto iyo haddaadan u digin, ma rumeynayaan."},{"id":7,"translation":"7. Wuxuu Alle ku dhigay shaabbad daboosha quluubtooda iyo maqalkooda, araggoodana waxaa ku rogan Caad [5]. Waxayna leeyihiin cadaab weyn.","footnotes":"[5]. Caad u diida qaadashada hanuunka. Arrintannina waxaa u sabab ah kibirkooda iyo ku madax adeyggooda denbiyada."},{"id":8,"translation":"8. Waxaa ka mid ah dadka kuwo (munaafiqiin ah) yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Alle iyo Maalinta Aakhiro oo aan ahaynba mu’miniin [6].","footnotes":"[6]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa lay amray inaan la dagaallamo dadka intay ka qiraan oo yidhaahdaan ma jiro ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Allaah, iyo in Muxammad yahay Rasuulkii Alle, hadday sidaas yidhaahdaan way iga ilaashadeen dhiiggooda iyo maalkooda, waxaan xaq (Islaam ama xaq dadow) ahayn, xisaabintoodana waxaa leh Allaah Kor ahaaye.” (W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim)."},{"id":9,"translation":"9. Waxay (dooni inay) dagaan Alle iyo kuwa rumeysan, mase dagayaan waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana."},{"id":10,"translation":"10. Quluubtooda waxaa ah cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm), markaasuu Alle u kordhiyey cudur. Waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan waxay been sheegi jireen darteed."},{"id":11,"translation":"11. Marka lagu yidhaahdo: Ha fasaadanina (hallaynina) arlada, Waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay uun wax hagaajiyaal."},{"id":12,"translation":"12. Ogaada, hubaal, Waa iyaga kuwa wax bi’iska ahi ee wax halleeya, mase ay dareensana."},{"id":13,"translation":"13. Marka lagu yidhaahdo: Rumeeya sida ay dadku wax u rumeeyeen, waxay yidhaahdaan: Ma waxaanu u rumeyn siday maangaabku u rumeeyeen? Ogaada, hubaal, waa iyaga kuwa maangaabka ahi, mase oga."},{"id":14,"translation":"14. Markay la kulmaan kuwa (Xaqa) rumeysan, waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay innaguba. Markase ay isla keli noqdaan shaydaamadooda (madaxdooda xun), waxay yidhaahdaan: Innagu idinkaynu idinla jidhnaa; waa uun iska jeesjeeseennay."},{"id":15,"translation":"15. Alle baa ku jees-jeesi, wuxuuna kaga tagi xadgudubkooda banbaxsan ee ay ku jaha wareersan yihiin indha la’aan."},{"id":16,"translation":"16. Kuwaasi waa kuwa iibsada habowga halkii hanuunka, sidaas awgeed ganacsigoodu ma keeno wax faa’ido ah, Mana aha kuwo hanuunsan."},{"id":17,"translation":"17. Mataalkooda, wuxuu ka dhigan yahay sida mid shitay dab; markiise uu ifiyey waxa hareerihiisa ah oo dhan, wuxuu Alle ka qaaday nuurkoodii, ugana tegay gudcurro mugdi ah oo aanay waxba arkeyn"},{"id":18,"translation":"18.(Xaqa) waa ka dhego la’ yihiin, af la' yihiin, indho la' yihiin, umana soo laabtaan."},{"id":19,"translation":"19. Ama (waa) sida roob darar ah ka yimaada daruuraha oo wata gudcurro madow, onkod, iyo hillaac: waxay geliyaan farahooda xagga dhegahooda biriqyada dartood baqe ay ka qabaan mowtka. Allena waa ku hareersan yahay gaalada."},{"id":20,"translation":"20. Hillaacu wuxuu sigaa inuu dafo arragooda, mar kastoo u ifiyo (jidka) way ku socdaan, markase mugdi ku yimaado dushooda way joogsadaan. Hadduu Alle doono, wuxuu la tegi lahaa maqalkooda iyo araggooda. Hubaal Alle wax walba Wuu Karaa."},{"id":21,"translation":"21. Dadow! Caabuda Rabbigiin, ee idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyay, si aad u dhowrtaan (amarrada Alle oo Isaga jirtaan shirkiga iyo xumaha kale)."},{"id":22,"translation":"22. Allahaasoo idiinka yeelay dhulka gogol (fidsan), cirkana saqaf, idiinkana soo dejiyey daruuraha biyo (roob), kuna soo bixiyey midhaha risiqa idiin ah. Ee ha u yeelina Alle shariikyo aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon (inaysan jirin cid la mid ah)."},{"id":23,"translation":"23. Haddaad ka shakisan tihiinna waxaan ku soo dejinnay addoonkayaga ( Nabi Muxammad) oo Waxyi ah, keena Suurad la mid ah (Qur’aanka), una yeedha markhaatiyadiinna (kaalmeeyayaashiinna) Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan."},{"id":24,"translation":"24. Haddaydaan falin, mana faleysaane, iska jira Naarta shidaalkeedu yahay dad iyo dhagax (sanamadii ay caabudayeen), ee loo diyaarshay gaalada."},{"id":25,"translation":"25. Ugu bishaaree kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, inay leeyihiin beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Mar kasta oo laga siiyo midho, Waxay odhan: Kani waa wixii hore naloo siiyey oo kale, waxaana la siiyey iyagoo isu eg (muuqaal ahaan kala duwan se dhadhan ahaan), waxayna ku leeyihiin dhexdeeda (Jannada) xaasas la daahiriyey, wayna ku dhex waari weligood."},{"id":26,"translation":"26. Dhabtii Alle kama xishoodo inuu u soo qaato tusaale - kaneeco ama wax ka sii yarba [7]. Ma kuwa rumeysan, waxay og yihiin inuu yahay xaq ka yimid Rabbigood, kuwase gaalooba waxay yidhaahdaan: Muxuu ugula jeedaa Alle tusaalaha kani? Wuxuu ku habaabiyaa in badan, kuna hanuuniyaa in badan. Kumana habaabiyo waxaan ahayn caasiyaasha (macangagga ah madaxa adag).","footnotes":"[7]. Markay gaaladu yidhaahdeen: Maxaa looga jeedaa caadhada iyo duqsiga lagu sheegay Qur’aanka buu Alle Kor ahaaye soo waxyooday Aayaddan."},{"id":27,"translation":"27. Ee ah kuwa ka baxa ballanka Alle kaddib sugiddiisa, oo gooya waxa Alle uu amray in la xidhiidhiyo (oo la wanaajiyo sida qaraabada iyo deriska), ee ku fala fasahaad arlada, kuwaasi weeye kuwa khasaaray [8].","footnotes":"[8]. Khasaaro ama fisiq (caasiyoobid) ama dulmi (gef - gardarro) ama kufri (gaalnimo) oo lagu sheego cidaan muslim ahayn waxaa loola jeedaa heer gaalnimo weyn ee diinta bannaanka lagaga yahay, wixii se khasaaro ama fisiq ama dulmi ama gaalnimo ah oo Alle ku sheego qof Muslim ah waxaa loola jeedaa inuu ku jiro denbi aad u weyn aanse diinta looga bixin."},{"id":28,"translation":"28.Sidee baad (dadow) ugu gaaloobeysaan Alle idinkoo ahaa meyti (ku jira uurarka hooyooyinkiin) buu markaa idin nooleeyey (naf idin galiyey), dabadadeed idin dhinsiin, dabadeedna idin soo nooleyn mar kale (Aakhirada), kaddibna Xaggiisa la idiin soo celin (Qiyaamada)."},{"id":29,"translation":"29. (Alle) waa Kan idiin abuuray waxa dhulka korkiisa ah oo dhan, markaas u qasday samada, oo aheysiiyey toddobo samood, wax walbana wuu Og yahay."},{"id":30,"translation":"30. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan yeeli dhulka facyo is xigsada oo maamula. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad yeelaysaa gudaheeda kuwo fasahaadsha oo dhiig daadsha, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga oo ku hufna, oo ku xurmo weyneyna. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ogahay wax aydaan ogeyn."},{"id":31,"translation":"31. Wuxuu (Alle) baray Aadam magacyada shey waliba, markaasuu u soo bandhigay malaa’igta oo yidhi: Ii sheega magacayda kuwani, haddaad run sheegaysaan."},{"id":32,"translation":"32. Waxa yidhaahdeen: \"Xurmo oo dhan Adigaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan. Ma lihin cilmi aan aheyn waxaad na bartay\". Hubaal waa Adiga wax kasta Ogaha, Xakiimka ah."},{"id":33,"translation":"33. (Alle) wuxuu yidhi: Aadamow! U sheeg magacyadooda. Markuu u sheegay magacyadooda, Wuxuu (Alle) yidhi: Miyaanan idinku odhan waxaan Anigu Ogahay waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, waxaana Ogahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaan?"},{"id":34,"translation":"34. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, markaasay sujuudeen Ibliis mooyee, waa uu diiday oo isla weynaaday, oo ahaaday mid ka abaal dhaca Alle (oo ku caasiya Amarkiisa)."},{"id":35,"translation":"35. Waxaanu nidhi: Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaga Jannada, oo ku cuna bashbash iyo barwaaqo meeshaad doontaanba, hase u dhowaannina geedkan, si aydaan ugu dhicin gef (denbi)."},{"id":36,"translation":"36. Shaydaanka baase ka sidbiyey oo ka soo saaray (halkaa) ay ku jireen (Jannada); Waxaana nidhi: Ka dega (dhammaantiin halkan) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Waxaadna ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh."},{"id":37,"translation":"37. Markaasuu Aadam ka helay Rabbigiis ereyo uu ku ilhaamiyey [9], wuuna ka tawbad aqbalay. hubaal (Alle) waa Tawbad Aqbalaha, Naxariista Badan.","footnotes":"[9]. Alle wuxuu baray Aadam kelmedo lagu tawbad dalbo uu ka aqbalay, waana kelmedaha ku soo arooray Suuradda Al- Acraaf Aayadda: 23."},{"id":38,"translation":"38. Waxaanu nidhi: Ka dega xaggeeda (Jannada) dhammaantiin, markuu Xaggayga idiinka yimaado hanuun, qofkii raaca Hanuunkayga, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan."},{"id":39,"translation":"39. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, waa iyaga ehlu-Naarka, gudaheeday ku dhex waari weligood."},{"id":40,"translation":"40. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddayda aan idiinku nicmeeyey, oo oofiya ballanteyda (idin saaran, ee ah inaad rumeysaan Nabi Muxammad), waxaan oofin ballantaan idinka qaaday (oo ah inaan markaas idinku abaalmariyo janno), Anigoo Keliyana iga cabsada."},{"id":41,"translation":"41. Rumeeyana waxaan soo dejiyey (Qur’aanka) xaqiijinaya waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka), oo ha noqonnina kuwa u horreeya ee ku gaalooba (Qur’aanka iyo Nabi Muxammad), hana siisannina Aayadahayga (ku cad Kutubtiinna ee ka hadlaya imaanshaha Nabi Muxammad) qiimo yar (si aad u qarisaan), Anigoo Keliyana iga cabsada (oo iska jira xumaha)."},{"id":42,"translation":"42. Hana ku dheehina Xaqa waxaan jirin oo been ah,oo ha qarinnina Xaqa (imaanshaha Nabi Muxammad ee ku qoran Kutubtiinna Towraadda iyo Injiilka) idinkoo ogsoon."},{"id":43,"translation":"43. Ooga salaadda, bixiyana Sakada, lana rukuuca jamaca Rukuucayaasha."},{"id":44,"translation":"44. Ma waxaad amraysaan samaan dadka oo hilmaameysaan nafahiinna [10] idinkoo akhriya Kitaabka? Miyeydaan wax fahmin?","footnotes":"[10]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa Maalinta Qiyaame la keeni nin oo lagu tuuri Naarta, markaasuu wuxuu ku dhex wareegaaleysan ehlu Naarka sida dameerka ugu wareegsado shiidkiisa, markaasay isugu soo ururi ehlu Naarka oo weydiin: Hebelow, ma waadan fari jirin samaanta oo reebi jirin xumaanta, markaasuu wuxuu odhan: Waxaan fari jirey samaanta mana fali jirin oo reebi jirey xumaanta anigaana fali jirey.”"},{"id":45,"translation":"45. Kaalmaysta Sabarka iyo salaaddda, wayna ku weyn tahay (culus tahay salaadda) kuwa 'ku' khushuuca 'salaadda' mooyee."},{"id":46,"translation":"46. Kuwa huba inay la kulmi Rabbigood, iyo inay Xaggiisa u soo laaban (Qiyaamada)."},{"id":47,"translation":"47. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmad- deyda aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka doortay dadkii (waqtigiinna Anigoo idiin soo diray Rusul oo idinku soo dejiyey Kutub oo idinka yeelay boqorro)."},{"id":48,"translation":"48. Iska jirana Maalin marka aysan nafi wax u tareyn naf kale, oo aan laga aqbaleyn shafeeco, lagana qaadanayn madax furasho, loona gargaareyn."},{"id":49,"translation":"49. (Xusuusta) markaan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon [11], ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegtaan), waxaana taas ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.","footnotes":"[11]. Fircoon waa naynaas lagu magacabi jirey boqorradii Masar ee waa’ hore jirey, waxaa ku soo arooray taariikhda in Fircoonkii xukumayey Masar waagii Muuse uu ahaa Menephthan ina Ramsiis."},{"id":50,"translation":"50. Markaan idiin kala dhanballay badda, oo aan idin badbaadinnay, oo aan harqinnay dadkii Fircoon idinkoo arkaya."},{"id":51,"translation":"51. (Xusuusta) markaan la sameennay ballan Muuse muddo afartan habeen ah, markaas aad yeelateen dibi (aad caabuddaan) kaddib (markuu tagey), waxaad tihiinna daalimiin (gar ma qaatayaal)."},{"id":52,"translation":"52. Markaasaan idin cafinnay intaas oo dhan kaddib si aad u mahdisaan (Alle)."},{"id":53,"translation":"53. (Xusuusta) markaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kala saaraha (xaqa iyo baadilka) si aad u hanuuntaan."},{"id":54,"translation":"54. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkaygiiyow! Waxaad dulmideen nafahiinna ka dhigashadiinna dibiga (ilaah darteed). Ee u tawbad keena Uumihiinna oo is dila [12], Sidaasaa idiin khayr badan Uumihiinna xaggiisa, markaasuu (Alle) idinka aqbalay tawbaddiinnii, hubaal waa Tawbad Aqbalaha, Naxariista Badan.","footnotes":"[12]. “ Is dila”. waxaa lagu fasiray kuwii aanan caabudin dibiga inay dilaan oo laayaan kuwii caabuday dibiga, qolo kale waxay ku fasirtay inay kuwii caabuday dibiga iyagu is dileen dhexdooda, waxaana jira qolo ku fasirtay in la amray inay is dilaan kuwaasi tawbad keen ahaan."},{"id":55,"translation":"55. (Xusuusta) markaad tidhaahdeen: Muusow! Kuma rumeysaneyno jeer aan u aragno Alle si caddaan ah. markaasaa biriq idinku dhacday idinkoo eegi."},{"id":56,"translation":"56. Haddana waan idin soo nooleynay dhimashadiinnii kaddib, si aad u mahdisaan (Alle, af, uur, iyo addinba)."},{"id":57,"translation":"57. Waxaana har idiinka yeellay daruuraha, oo idiin soo dejinnay Manna (kimis macaan malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimibireed sida Samaanka): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan aanu idin siinnay; waxbana nooma dhimin, waxayse uun dulmeen oo wax u dhimeen nafahooda."},{"id":58,"translation":"58. (Xusuusta) markaan nidhi: Gala magaaladan (Qudus), oo wax ka cuna meeshaad doontaan bashbash iyo barwaaqo, galana albaabka idinkoo hoggaansan oo dhaha: Naga rid culeysyadayada (denbiyada), Waanu idiin dhaafi (markaa) gafafkiinna, waxaana u kordhin sama falayaasha (ajar)."},{"id":59,"translation":"59. Markaasay ku beddeleen kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) falay hadalkii lagu yidhi mid aan ahayn, markaasaan waxaan ku soo dejinnay kuwaasi dulmiga falay cadaab (daacuun) kaga yimid samada caasintoodii darteed."},{"id":60,"translation":"60. (Xus) markuu Muuse u biyo doonay qolodiisii, markaasaan ku nidhi: Ku dhufo ushaada dhagaxa, waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood. Waxay (qolo) walbaa ogaadeen halkay ka cabbayaan biyaha. Cuna oo wax ka cabba risiqa Alle, hana ugu dhaqmina si foolxun arlada idinkoo ku faafinaya fasaad."},{"id":61,"translation":"61. (Xusuusta) markaad tidhaahdeen: Muusow! Kuma samri karno hal nooc oo cunto ah. Ee noo bari Rabbigaa ha noo soo saaro'e waxa dhulka ka soo baxa,oo leh bagalkiisa, qiyaarkiisa, sareenkiisa, toontiisa, digirtiisa iyo basashiisa. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad ku beddelaneysaan waxa khayr roon wax ka hooseeya? U daadega magaalo uun, waxaad ka heli waxaad dalabteen. Dulli iyo darxumo baana lagu daboolay, oo la laabteen Cadho xagga Alle (oo dushooda ah). Taasi waxaa ugu wacnaa waxay (marar badan) diideen Aayadaha Alle, oo ku dileen Nabiyo gar darro. Taasi waxaa ugu wacnaa inay caasiyoobeen oo xadgudbi jireen."},{"id":62,"translation":"62. Hubaal kuwa rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan) iyo kuwii heystay Yuhuudiyada ama Nasaarada ama Saabbi’iinta (ka hor Nabi Muxammad s.c.w), kuwaa ka midka ah ee rumeeyay Alle iyo Maalinta dambe (Aakhiro) oo sama falay, waxay ka heli abaalkooda xagga Rabbigood, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan."},{"id":63,"translation":"63. (Xusuusta) markaan idinka qaadnay ballan adag, oo kor u soo qaadnay Buurta dushiinna (Annagoo leh): Ku qaata waxaan idin siinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusa waxa ku yaal, si aad isaga jirtaan (shirkiga iyo xumaha kale)."},{"id":64,"translation":"64. Markaasaad jeesateen intaas kaddib, haddaanu Fadliga Alle iyo Naxariistiisu korkiinna ahaateen, waxaad ka mid ahaan laheydeen kuwa khasaaray."},{"id":65,"translation":"65. Waxaad dhab ahaan ogtihiin 'Yuhuudey' kuwaas idinka mid ah ee ku xadgudbay arrinkii Sabtida, Waxaanuna ku nidhi: Noqda daayeerro dulleysan oo deyro ah."},{"id":66,"translation":"66. Waxaana ka yeelnay ciqaabtan mid ay ku cibrad qaataan kuwaa joogay waqtigaa iyo kuwii ka dambeeyey iyo waano ku socota kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha)."},{"id":67,"translation":"67. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Alle wuxuu idin amri inaad gowracdaan sac [13]. Waxay yidhaahdeen: Miyaad nagu jeesjeesi. Wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galayaa Alle inaan ka mid noqdo jaahiliinta.","footnotes":"[13]. Xikmadda gowricidda saca waa si looga gooyo qalbiyadooda xurmeynta dibigii ay horay u caabudeen. Markiina qayb ka mid ah saca la gowracay lagu dhuftay ninkii la dilay. Wuxuu Alle u soo celiyey nafta ninkii, kaasoo u sheegay ninkii dilay."},{"id":68,"translation":"68. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa; inuu noo caddeeyo waxay tahay. (Muuse) wuxuu yidhi: (Alle) Wuxuu leeyahay, waa sac aan duq aheyn iyo ugub midna, oo u dhexeysa labadaa xaaladood; ee fala waxa la idin amray."},{"id":69,"translation":"69. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waa maxay midabkee- du. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, Waa sac huruud ah oo midabkeedu cad yahay, ay u bogayaan arkayaasha."},{"id":70,"translation":"70. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxay tahay, lo’dii (oo dhan) baa isaga kaaya ekaatay, haddii Alle idmo waxaan ahaan kuwo hanuunsan."},{"id":71,"translation":"71. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoy ku dhowaadeen inayan sameyn (cinaad darti)."},{"id":72,"translation":"72. (Xusuusta) markaad disheen nin, oo isku qabateen (cidda dishay), Allese wuxuu ahaa mid u soo saaraya debedda waxaad qarineyseen."},{"id":73,"translation":"73. Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) wax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaasuu Alle u soo nooleeyaa meytida, wuxuuna idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan."},{"id":74,"translation":"74. Markaasay qallashay quluubtiinnu intaa kaddib, waana sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo waxaa jira dhagaxyada qaar ay ka soo burqadaan webiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Alle darteed [14]. Alle ma mooga waxaad falaysaan.","footnotes":"[14]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaan garan dhagax ku yiil Makkah oo I salaami jirey intaan lay soo dirin Nabi ahaan.”w.w. Muslim."},{"id":75,"translation":"75. Ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan (Yuhuuddu) iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Alle, haddana beddelaan (Towraadda) [15] intay fahmeen kaddib iyagoo og (inay gefsan yihiin)?","footnotes":"[15]. waxaa loolaa jeedaa Yuhuuddii ku nooleyd Madiina ee beddelay Towraadda gaar ahaan wixii ku saabsanaa oo la xiriiray imaanshaha Nabi Muxammad s.c.w."},{"id":76,"translation":"76. Markay la kulmaanna kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta), waxay yidhaah- daan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad uga warramey- saan waxa uu Alle idiin caddeeyey [16], si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan wax fahmeyn?","footnotes":"[16]. Towraadda waxaa ku yiil caddeyn in Nabi Muxammad s.c.w. yahay kan lagu khatimayo anbiyada Alle, ha yeeshee Yuhuuddu way qariyeen iyagoo ka cabsaday inay ku dheef waayaan oo ka soo gaaro dhib iyo waxyeello."},{"id":77,"translation":"77. Miyeyna ogayn in Alle og yahay waxay qarin iyo waxay muujin?"},{"id":78,"translation":"78. Waxaa ka mid ah (ehlu Kitaabka) caamo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku maaweeliya hididdiilooyin been ah, ee se iska maleeya uun (inuusan Nabi Muxammad ku qorneyn Kutubtooda)."},{"id":79,"translation":"79. Hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka gacmahooda, markaas yidhaahda: Kani wuxuu ka yimid xagga Alle, si ay u siistaan qiimo yar. Hoog bay leeyihiin waxay gacmahooda qoreen darteed, hoog bayna leeyihiin waxay kasbadaan darteed (oo denbiyo ah)."},{"id":80,"translation":"80. Waxay (Yuhuuddu) yidhaahdeen: Naari nama taabaneyso waxaan aheyn ayaamo tirsan. Dheh: Ma waxaad ka heysataan ballan xagga Alle, marka Alle ma ka baxo ballankiisa? Mise waxaad ka sheegeysaan Alle wax aydaan ogeyn?"},{"id":81,"translation":"81. Haayoo, Qofkii kasbadaa xume (ku dhaca shirki) ee uu gefkiisu hareereeyo, kuwaasu waa ehlu Naar, way ku dhex waari weligood."},{"id":82,"translation":"82. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala [17], kuwaasu waa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.","footnotes":"[17]. Cabdullaah bin Mascuud a.k.r. Waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuul Allow camal kee baa u fiican? Wuxuu yidhi: Salaadda oo waqtigeeda la tukado, wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: Labada waalid oo la wanaajiyo oo baarri loo ahaado. Wuxuu weydiiyey: Haddana maxaa xiga? Wuxuu yidhi: In loo jihaado Alle darti. (W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim)."},{"id":83,"translation":"83. (Xus) markaan la galnay Ilmahii Isaraa’iil ballan (leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah, waalidkana u sama fala, qaraabada, agoomaha iyo masaakiinta, oo kula hadla dadka hadallo san, oogana salaadda, oo bixiya Zakada, markaasaad jeesateen in yar oo idinka mid ah maahee (imminkana sidoo kale) dhinac baad u jeesataan."},{"id":84,"translation":"84. (Oo xusuusta) markaan idinla gallay ballan (leh): Ha daadinnina dhiiggiinna (midkiinba midka kale), hana iska qixinnina guryahiinna, markaasaad qirteen idinkaana marag ka ah."},{"id":85,"translation":"85. Haddana, waa isla idinka kuwa is-dila oo ka qixiya qaar idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmeyn denbi iyo colaad. Hadday idiin yimaadaanse iyagoo qafaal ah oo xidhan, waad madax furataan, iyadoo qixintooda ay xaaraan idinka ahayd. Ee ma waxaad rumeyney- saan qaar ka mid ah Kitaabka oo diidey- saan in kale oo ka mid ah [18]? Muxuu yahay abaalka kuwa idinka mid ah ee sidaa sameeya (rumeeya Kitaabka qaar, diidana qaar) aan aheyn dulli nolosha adduunkan ah; Maalinta Qiyaamana waxaa loo celin cadaab tan ugu daran. Alle ma mooga waxaad falaysaan.","footnotes":"[18]. Dhammaan heshiiyadii iyo ballamahii ay galeen ilmo israa’iil ee ku xusan Aayadaha 83 iyo 84 waa ka baxeen oo khilaafeen. Waxaa taariikhda ku xusan in labadii qabiilood ee Yuhuudda ee ku nooleyd Madiina ee ahaa Banuu Quraydah iyo Banuu Nadiir uu ka dhexeeyey dagaal joogto ah, haddiise Yuhuudi ka tirsan labadan qabiilood ay qafaashaan qabiilo kale, sida qabiilada Aws oo xulufo la ahaa Banuu Quraydah, ama Khazraj oo xulufo la ahaa Banuu Nadiir waxay labada qabiiloba u kulmi jireen soo furashadiisa, waxay ahaayeen Yuhuuddu is eegato aan is oggoleyn."},{"id":86,"translation":"86. Kuwaasi waa kuwa gatay nolosha adduunkan halkii Aakhirada, sidaas awgeed cadaabka lagama khafiifiyo loomana gargaaro."},{"id":87,"translation":"87. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waxaana soo dirnay Rusul isaga kaddib midba mid kale xigsaday. Oo Waxaanu siinnay Ciise ina Maryam xujooyin cad oo ku xoojinnay Ruuxa daahirka (Jabriil). Ee ma mar walba uu Rasuul idiinla yimaado waxaanay nafahiiinnu rabin, miyaad is kibrisaan markaas qaar beenisaan, qaarna disheen."},{"id":88,"translation":"88. Waxay (Yuhuuddu) yidhaahdeen: Quluubtayadu waa qufulan yihiin. Mayee, Alle baa ku nacladay gaalnimadooda darteed, marka waa wax yar intay rumeeyaan."},{"id":89,"translation":"89. Markuu uga yimid (Yuhuudi) Kitaab (Qur’aan) xagga Alle rumeynaya waxay haystaan (Towraadda), iyagoo ka hor ay baryi jireen guul laga siiyo gaalada mushrikiinta ah, markuu u yimid (Nabi) ay garteen bay rumayn diideen. Ee naclad Alle dushooda ha ahaato gaalada."},{"id":90,"translation":"90. Xumaa waxay ku gateen nafahooda, inay ku gaaloobaan waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah xasad darti in Alle uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho [19]. Gaaladu waxay leeyihiin cadaab dulleysa.","footnotes":"[19]. Cadho loo geeyey cadho, cadhada hore waa khilaafiddoodii Nabi Muuse c.s. iyo diiddadooda Nabi Ciise c.s. , tan labaadna waa diiddadooda Nabi Muxammad s.c.w."},{"id":91,"translation":"91. Marka lagu yidhaahdo, Rumeeya waxa Alle soo dejiyey (Qur’aanka), waxay yidhaahdaan: Waxaanu rumeysannahay waxa naloo soo dejiyey (Towraadda). Waxayna beeniyaan waxa la barbar ah (sida Qur’aanka), isagoo xaq ah rumeyn waxay haystaan (oo Kitaab ah). Dheh: Maxaad haddaba u disheen Anbiyadii Alle kal hore, haddaad tihiin mu’miniin?"},{"id":92,"translation":"92. Wuxuu dhab ahaan Muuse idiin la yimid xujooyin cad, markaasaad ka dhigateen dibi (ilaah ahaan) maqnaashahiisii, waxaadna tihiin daalimiin."},{"id":93,"translation":"93. (Xusuusta) markaan idinla galnay ballan, oo kor u qaadnay Buurta dushiinna: Xagsada waxaanu idin siinnay (Towraadda) si sugnaan leh oo ahaada daacad wax maqla. Waxay yidhaahdeen:Waan maqallay waana caasinnay. Waxaana laga waraabiyey Quluubtooda (jaceylkii) dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed. Dheh: Xumaa wuxuu iimaankiinnu idinku amro haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":94,"translation":"94. Dheh: Hadday daarta Aakhiro Alle agti ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku laheyn cid kale oo dadka ka mid ah, janta dhimasho haddaad run sheegaysaan."},{"id":95,"translation":"95. Mase jamanayaan waligood, waxay geysteen gacmahoodu awgii (oo denbiyo ah). Alle wuu og yahay daalimiinta."},{"id":96,"translation":"96. Waxaad heli inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu dadaal badan noolaansho, (waxay ka sii dadaal badan yihiin) weliba kuwa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Cimri dhererna kama fogeeyo in yarna ha ahaatee cadaabka uu mudan yahay. Alle wuu arkaa waxay falayaan."},{"id":97,"translation":"97. Dheh: Qofkii u ah cadow Jabriil – hubaal wuxuu ugu soo dejiyey (Qur’aanka) qalbigaaga Idanka Alle, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), waana u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta."},{"id":98,"translation":"98. Qofkii cadow u ah Allaah, Malaa’igtiisa Rusushiisa, Jabriil iyo Miikaal, hubaal Alle waa u cadow gaalada."},{"id":99,"translation":"99. Waxaanu dhab ahaan kugu soo dejinnay (Nabi Muxammadow) Aayado cad, mana beeniyaan waxaan aheyn caasiyaasha (madaxa adag)."},{"id":100,"translation":"100. Mar kasta oo ay ballan galaan (ah inay rumeeyaan Nabigii la soo diro oo ayan hiil siin mushrikiinta), waxaa ka baxa koox ka mid ah? Mayee, badankoodu (Yuhuuddu) maba ay rumeysna (diinta ay sheegan)."},{"id":101,"translation":"101. Markuu halkaa ugu yimid Rasuul ka yimid xagga Alle (Nabi Muxammad) oo rumeyn waxay haystaan (ee ah Towraadda), ayaa koox ka mid ahi kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda) ka tuureen Kitaabka Alle (Towraadda) dhabarradooda gadaashood, sidii oo ayna garaneyn."},{"id":102,"translation":"102. Waxayna raaceen waxay shayaadiintu been shubayeen [20] waqtiga xukunkii Sulaymaan. Sulaymaanna ma gaaloobin, shayaadiinta baase gaalowday, waxay bareen dadka sixir iyo wixii lagu soo dejiyey labadii Malag (ama boqor ama nin) ee Baabil, Haaruut iyo Maaruut, waliba labadaa cidna ma barin sixirka iyagoo horta ku yidhaahda maahee, innagu waxaanu nahay imtixaan, sidaa awgeed ha gaaloobin. Waliba markaa dadku waxay ka barteen labadaa waxay ku kala furi kareen nin iyo xaaskiis, kumana waxyeelleyn karin cidna Isagoo Alle idmo ma’ahee. Waxay barteen wax waxyeelleeyey oo aan wax tarin. Waxayna ogaayeen (Yuhuudda in) kii iibsadaa (oo doortaa sixir halka Kitaabka Alle) inaanu ku lahaaneyn wax saami ah Aakhirada. Xumaa qiimahii ay ku iibiyeen nafahooda, hadday ogaan lahaayeen.","footnotes":"[20]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii u taga faal dhige wax sheega ama saaxir oo rumeysta waxa uu sheego waa qof ku gaaloobay waxa (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w.” w.w. An-Nisaa’i."},{"id":103,"translation":"103. Hadday rumeeyaanna (Xaqa) oo iska jiraan (shirkiga iyo xumaha kale), abaalgudka Alle baa u khayr badan, hadday ogaan lahaayeen."},{"id":104,"translation":"104. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha odhannina Raacinaa (na dhowre, macno kale oo xun se leh sida kii noogu xumaayow) ee waxaad tidhaahdaan, \"undurnaa (na sug oo aan macno kale lahayn oo xun) oo ahaada daacad wax maqla. Gaalada waxaa u sugnaaday cadaab xanuun badan."},{"id":105,"translation":"105. Kuwa gaalooba ee ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta ma jecla in wax khayr ahi idiinkaga yimaado (Muslimiintoy) xagga Rabbigiin. Alle wuxuu ugu doortaa si gaar ah Naxariistiisa cidduu doono. Alle waa Kan iska leh Galladda weyn."},{"id":106,"translation":"106. Aayad kastoo aan nasakhno ama aan sababno in la illaabo, waxaan keennaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Miyaadan ogeyn inuu Alle wax walba Karo?"},{"id":107,"translation":"107. Miyaadan ogeyn in Alle leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, oo aydaan lahayn Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna."},{"id":108,"translation":"108. Mise ma waxaad rabtaan inaad su'aalo hor dhigtaan [21] Rasuulkiinna sidii Muuse horey loo su'aalay. Qofkiina qaataa iimaan darro halkii Iimaanka, wuxuu ka lumay jidka toosan.","footnotes":"[21]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle wuu xaaraanshay muranka, maalka oo lagu baxsho wax xun oo reebban, ku tiri ku teenta, iyo su’aasha badan.” W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim."},{"id":109,"translation":"109. In badan oo ka mid ah ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay dib idiinku soo ceshaan gaalnimo Iimaankiinna kaddib, xasad ay idiin qabaan darteed, kaddib markuu u caddaaday Xaqa. Ee iska cafiya oo iska dhaafa, ilaa inta Alle uu ka keeno Amarkiisa. Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":110,"translation":"110. Ooga Salaadda, bixiyana Zakada, wax waliboo khayr ahna aad u hormarisaan nafahiinna, Waxaad ka heli Alle agtii. Hubaal Alle waxaad fashaan wuu Arkaa."},{"id":111,"translation":"111. Waxay (Yuhuudda iyo Nasaarada) yidhaahdaan: Qofna ma galo Jannada aan aheyn mid ah Yuhuud ama Nasaaro. taasi waa hididdiiladooda maran [22]. Dheh: Keena caddayntiinna haddaad run sheegaysaan.","footnotes":"[22]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii fala camal cibaado ah aan waafaqsaneyn amarkayaga (amarka Nabiga) lagama aqbalayo.” W.w. Al-Bukhaari."},{"id":112,"translation":"112. Haayoo! Qofkii isu dhiiba isagoo wada dhan Alle oo isagu sama fale ah (raaca dowga Nabi Muxammad s.c.w.), wuxuu ka heleyaa abaalgudkiisa (ah Janno) xagga Rabbigiis, mana ahaaneyso cabsi dushooda (xagga waxa soo socda ee arrinka Aakhirada) mana ka murugoodaan (waxa ku seega adduunka)."},{"id":113,"translation":"113. Yuhuudi waxay yidhaahdaan: Nasaaradu (Kirishtaanku) ma raacaan wax wanaagsan; Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Yuhuudi ma raacaan wax wanaagsan; iyagoo akhriya isku hal kitaab. weliba sidaasoo kale bay yidhaahdaan kuwaasi aan cilmiga lahayn (mushrikiinta), sida waxay yidhaahdaan oo kale. Ee Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsan yihiin."},{"id":114,"translation":"114. Yaa ka dulmi badan kan u diida (dadka) Masaajidda Alle, in lagu xuso Magaciisa, oo ku dadaala inuu kharaabiyo? Kuwani kuma habbooneyn inay soo galaan iyagoo cabsanaya ma’ahee. waxay la kulmi dulli adduunkan, waxayna leeyihiin cadaab weyn Aakhirada."},{"id":115,"translation":"115. Alle baana iska leh bariga iyo galbeedkaba, meel kastoo aad u jeedsataanna waxaa jira Wejiga Alle [23]. Hubaal Alle waa Deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon.","footnotes":"[23]. Waxaa sidoo kale lagu fasiray qowlka Alle: فَثَمَّ وَجۡهُ ٱللَّهِۚ : \"Meel walba oo aad u jeedsataan waa qiblo Ilaahay\", sida abbaarta ahse ee sii saxsan labada qowl waa in lagu fasiro Wajiga Ilaahay, inkastoo labadaa qowl ee culimadu ku wada fasireen Aayadda is diidaynin."},{"id":116,"translation":"116. Waxay (Yuhuudda, Nasaarada iyo mushrikiinta) yidhaahdaan: Alle wuxuu leeyahay ilmo. Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo ka hufan. Balse wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada, dhammaan Isagay adeecsan yihiin."},{"id":117,"translation":"117. Waa unkaha samooyinka iyo arlada. markuu arrin gooyo, Wuxuu uun ku yidhaahdaa, Ahow, markaa wuu yahay."},{"id":118,"translation":"118. Kuwa aan waxba ogeyni \"mushrikiinta' waxay yidhaahdeen: Muxuu Alle noola hadli waayey si toos ah ama calaamo ay noogu iman weydey (inaad Rasuul Alle tahay)? Weliba sidaas oo kale bay yidhaahdeen kuwii ka horreeyay, wax la mid ah hadalkooda oo kale, Quluubtooda baa dhammaan ah kuwa isa shabbaha. Waxaanu uga dhignay Aayadaha caddaan ciddii yaqiinsan."},{"id":119,"translation":"119. Waxaan Annagu kula soo dirnay (Nabiyow) Xaqa, bishaareeye iyo dige ahaan, waxnana lagaa weydiin maayo asxaabta dabka ololaya [24].","footnotes":"[24]. Waa ehlu Naarka, waayo xilkaagu waa gaarsiinta diinta keliya oo xil kaama saarna rumeyntooda."},{"id":120,"translation":"120. Kaama raalli noqonayaanna Yuhuuddda iyo Nasaaradu (Kirishtaanku) jeer aad raacdo diintooda (iyo dhaqankooda). Dheh: Hanuunka Alle (Islaamka), kaasaa ah hanuunka (Xaqa ah). Haddaad raacdona hawadooda kaddib cilmiga kuu yimid, ka heli meysid xagga Alle sokeeye iyo gargaare midna."},{"id":121,"translation":"121. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Qur’aanka) baa u akhriya siday tahay in loo akhriyo [25], kuwaa baana rumeysan. Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) kuwaa weeye kuwa khasaari.","footnotes":"[25]. Kuwa u akhriya Qur’aanka si xaq ah waa kuwa ku dhaqma waxa uu Qur’aanku amro, oo ka jooga waxa uu ka reebay oo u akhriya sida uu Alle u soo dejiyey."},{"id":122,"translation":"122. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddeyda aan idiinku nicmeeyey iyo inaan idinka kor marshay ummadahii (jiray waqtigiinnii)."},{"id":123,"translation":"123. Iska jirana Maalin aanay nafi abaal u galeyn naf kale, madax furashona laga aqbalayn, shafeecona aanay wax u tareyn loona gargaareyn."},{"id":124,"translation":"124. (Xus) markuu Rabbigi ku imtixaanay Ibraahiim ereyo cayiman, markaasuu wada oofiyey. Wuxuu yidhi: Waxaan kaaga dhigi Iimaam (hoggaamiye) dadka. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Iyo qaar ka mid ubadkeyga. (Alle) wuxuu yidhi: Axdigeyga kuma jiraan daalimiinta (gar ma qaatayaasha)."},{"id":125,"translation":"125. (Xus) markaan ka dhignay Beytka (Kacbada) rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Kana yeesha meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Waxaanu u xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beytkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda."},{"id":126,"translation":"126. (Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow, ka dhig beledkani (Makkah) magaalo nabad ah, kuna galladeyso dadkeeda midho, kuwooda rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. (Alle) wuxuu yidhi: Qofkiise gaalooba, waxaan u raaxeyn in yar, markaas kaddib waxaan ku dirqin cadaab Naar ah, oo ugu xun meel la ahaado."},{"id":127,"translation":"127. (Xus) markuu Ibraahiim kor u qaadayey aasaaska Beytka (Kacbada) iyo Ismaaciil (iyagoo leh): Rabbigayow! Naga aqbal, hubaal Waxaad Adigu tahay Maqlaha wax kasta, wax kasta Ogsoon."},{"id":128,"translation":"128. Rabbigayow! Naga yeel kuwo kuu hoggaansan (kana soo saar) ubadkayaga ummad kuu hoggaansan, nana tus hababkayaga cibaadeysiga, nagana tawbad aqbal. Hubaal Waxaad Adigu tahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan."},{"id":129,"translation":"129. Rabbigayow! U soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya Aayadahaaga, barana Kitaabka iyo Xikmadda oo daahiriya. Hubaal Waxaad Adigu tahay Adkaadaha, Xakiimka ah."},{"id":130,"translation":"130. Yaa isaga taga diinta Ibraahiim (Islaamka), mid makas jaahil ah maahee? Waxaan hubaal ku doorannay (Ibraahiim) adduunkan, Aakhirana wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan."},{"id":131,"translation":"131. (Xus) markuu Rabbigii ku yidhi: Hoggaansan, (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaan u hoggaansamay (Allaah) Rabbiga uumanka."},{"id":132,"translation":"132. Wuxuuna u dardaarmay isla arrinkaa Ibraahiim ilmahiisii, Yacquubna wuu u dardaarmay (wuxuu yidhi): Maandhooyinow! Alle wuxuu idiin doortay diintan (Islaamka) ee ha dhimannina idinkoo aan Muslim ahayn."},{"id":133,"translation":"133. Mise ma waxaad aheydeen goob joog markay geeridu u timid Yacquub? Markuu ku yidhi wiilashiisii: Maxaad caabudeysaan gadaashay? Waxay yidhaahdeen: Waxaan caabudeynaa Ilaahaaga iyo Ilaaha aabbayaashaa Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo isxaaq, oo ilaah keliya ah, Isagaanu u hoggansannahay Muslimiin ahaan."},{"id":134,"translation":"134. Taasi waa ummad tagtay: Waxay leedahay waxay kasbatay, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbataan. Ma la idin weydiinayona inaad ka jawaab bixisaan waxay camal falayeen."},{"id":135,"translation":"135. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Noqda Yuhuud ama Nasaaro, waad hanuuni. Dheh: Mayee, (waxaanu raaceynaa) diintii Ibraahiim (Islaamka), toosnahii, kamana aanu mid aheyn mushrikiinta."},{"id":136,"translation":"136. Dhaha: Waxaanu rumeynay Alle iyo waxa nalagu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii firkiisa ahaa, iyo wixii la siiyey Muuse iyo Ciise, iyo wixii laga siiyey Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala sooceynona axad ka mid ah (Rususha), oo (Alle) baan u hoggaansannahay."},{"id":137,"translation":"137. Hadday rumeeyaan waxaad rumeysan tihiin oo kale, waa kuwo hanuunsan, haddiise ay jeestaan waxay uun ku sugan yihiiin gaalnimo iyo khilaaf. Alle baana kaaga filnaan doona. Waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon."},{"id":138,"translation":"138. Qaata Aslidda (diinta) Alle, yaa ka wanaagsan Alle aslid (diin) ahaan. Isagoo (Keliya) baanu caabudnaa."},{"id":139,"translation":"139. Dheh: Ma waxaad nagala doodeysaan arrinka Alle Isagoo ah Rabbigayo iyo Rabbigiin? Waxaanu leennahay acmaashayada, idinkuna waxaad leedihiin acmaashiinna. Innaguna Isagaan daacad u nahay oo u Keli yeelnaa cibaadada."},{"id":140,"translation":"140. Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinkaa ogsoon mise Alle? Yaa ka dulmi badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Alle? Alle ma mooga waxaad fashaan."},{"id":141,"translation":"141. Taasi waa ummad tagtay. Waxay leedahay (abaalka) waxay kasabtay, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbataan. Ma la idin weydiinayona inaad ka jawaab bixisaan waxay camal falayeen."},{"id":142,"translation":"142. Maangaabyada ku dhex jira dadka (Yuhuudda iyo mushrikiinta qaarkood) waxay odhan: Maxaa ka duway qibladdooda ay lahaayeen [26]? Dheh: Bariga iyo galbeedkaba waxaa leh Allaah; Wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jid Toosan (Islaamka).","footnotes":"[26]. Ka hor amarka ku soo arooray Aayadda 144 in Nabiga s.c.w. iyo asxaabtiisa u jeedsadaan Kacbada Makkah ku taal markay tukanayaan, waxay u jeesan jireen Muslimiinta Qudus oo xagga waqooyiga ah. Hirgelinta beddelidda qiblada waxaa lagu xusay Aayadaha xiga."},{"id":143,"translation":"143. Sidaasaan idiinka dhignay ummad dhexdhexaad (caadil) ah, si aad marag uga ahaataan dadka [27], iyo (si) uu Rasuulku marag idiinka ahaado. Kamana aanaan dhigin qibladdaad qaabili jirtay, waxaan ahayn inay kala muuqato qofka raaca Rasuulka iyo kan cirbihiisa rogta (gaalooba). Waxayna aheyd wax ku adag marka laga reebo kuwa uu hanuuniyey Alle. Allena ma aha mid ajar tiraya iimaankiinnii (salaadahiinnii hore). hubaal, Alle dadka waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay.","footnotes":"[27]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi waxaa loo yeedhi Nuux c.s.Maalinta Qiyaamaha oo dhihi: Waa I kan oo adeeggaaga ahay, khayr oo dhanna waa xaggaaga Rabbiyow. Alle wuxuu odhan: Ma gaarsiiyey Fartiinteydii ummaddaadii? Wuxuu odhan: Haah. Waxaa la weydiin doonaa ummaddiisa: Miyuu idin soo gaarsiiyey Fartiinteydii? Waxay ku jawaabi: mayee, nooma iman wax dige ah. Alle wuxuu ku dhihi Nuux: Yaa haddaba kuu markhaati ah? Nuux wuxuu odhan: Muxammad iyo ummaddiisa, markaasay uga marag kacayaan inuu gaarsiiyey Fartiintii Alle, Rasuulkuna s.c.w. idinku marag furi idinka, waana sidaas Qowlka Alle : \"Waa si aad ugu ahaataan marag dadka, Rasuulkuna (Muxammad s.c.w.) ugu ahaado marag korkiinna\". W.w. Al-Bukhaari."},{"id":144,"translation":"144. Waan aragnaa ku gedgeddinta wejigaaga (eegidda) xagga samada. Ee Waxaan kuu jeedin Qiblad aad raalli ku tahay, ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (ee Makkah), meel kastoona aad joogtaan, u jeedsha wejiyadiinna xaggiisa. Kuwa la siiyeyna Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Alle ma mooga waxaad fashaan."},{"id":145,"translation":"145. Haddaad u keentona kuwa (xaq diidka ah) ee la siiyey kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) calaamo kasta ma ay raacayaan Qibladdaada. Adiguna ma ahid mid raacaya qibladdooda. Iyaguna ma aha kuwo raacaya Qibladda mid walbaa midka kale. Haddaad raacdona hawadooda kaddib Cilmiga kuu yimid, markaa waxaad ka mid noqon gar diidka."},{"id":146,"translation":"146. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaaan (Nabi Muxammad ee ku yaal Kutubtooda) siday u gartaan wiilashooda oo kale. Koox ka mid ahna waxay qariyaan Xaqa (arrinka Qiblada, tilmaamaha Nabiga, iwm) iyagoo ogsoon."},{"id":147,"translation":"147. Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabayaasha."},{"id":148,"translation":"148. Mid walba wuxuu leeyahay jiho uu u jeesto (iyo hadaf uu higsado) uu Alle u jeediyey. Ee u tartama sama falka. Meel kastoo aad joogtaan, Alle wuu idin wada keeni idinkoo dhan. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":149,"translation":"149. Meel kastoo aad u baxdo (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga xagga Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada); oo hubaal waa Xaq kaaga yimid xagga Rabbigaa, Alle ma mooga waxaad fashaan."},{"id":150,"translation":"150. Meel kastoo aad u baxdana (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wejiyadiinna jihadiisa (markaad tukanaysaan) si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee Aniga iga Baqa (Alle Keliya), si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan."},{"id":151,"translation":"151. Waliba sidaan u soo dirnay dhexdiinna Rasuul idinka mid ah oo idiin akhriya Aayadahayaga oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka iyo Xikmadda, oo idin bara wax aydaan horey u aqoon."},{"id":152,"translation":"152. Ee i xusa aan idin Xusee [28], oo ii mahad naqa hana iga abaal dhicina [29].","footnotes":"[28]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: Haddaad keli igu xusto, waxaan kugu xusi si keli ah Nafteyda, haddaad I xusto adigoo dad la joogana waxaan kugu xusi kulan ka khayr badan kiinna.” \n[29]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu jecel yahay inay nicmadda raadkeeda ka muuqato addoomahiisa.”"},{"id":153,"translation":"153. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Kaalmaysta samirka iyo salaadda. Hubaal! Alle wuxuu la jiraa kuwa samirka badan."},{"id":154,"translation":"154. Ha ka odhannina kuwa lagu dilo jidka Alle waa meyd; mayee way nool yihiin, waydaanse dareemeyn."},{"id":155,"translation":"155. Waxaan idinku imtixaani wax xoogay cabsi ah iyo gaajo iyo nusqaamin maalka iyo nafaha iyo midhaha, ee u bishaaree kuwa samra."},{"id":156,"translation":"156. Kuwa markay ku dhacdo musiibo, yidhaahda: Alle baa na leh [31] oo Xaggiisaana u noqon.","footnotes":"[31]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa la yaab leh xaalka mu’minka, hadduu kheyr helo wuu mahdiyaa, waana u kheyr, haddii dhib ku dhacana wuu ku samraa, waxayna u noqotaa khayr. W.w. Al-Bukhaari."},{"id":157,"translation":"157. Kuwaasi weeye kuwa ay korkooda ahaatay barakooyin xagga Rabbigood iyo naxariis, oo kuwaas weeye kuwa hanuunsan."},{"id":158,"translation":"158. Dhabtii Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Alle. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beytka (Makkah ku yaal) ama u soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa (buur) dhexdood [32], qofkii iskiis u falana khayr, hubaal Alle waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon.","footnotes":"[32]. Mu’miniinta qaar waxay ka baqeen inay arritani tahay wax ka mid ah dhaqankii jaahiliyadda, markaasuu Alle sheegay in sacyigu ka mid yahay acmaasha diinta. Socodka iyo rucleynta toddobo jeer Safa iyo Marwa dhexooda marka la xajinayo ama la cumraysanayo, wuxuu Alle u sheegay inaysan denbi lahayn dawaafka labadaas buurood dhexdooda, waayo saxaabada qaarkood waxay ka dareemeen culays inay ku sacyiyaan halkaas, waayo waxay ahayd meel uu ka taagnaa sanam, oo waagii jaahiliyadda lagu sacyin jirey, si looga suuliyo dareenkaas buu Alle u soo dejiyey Aayaddaas."},{"id":159,"translation":"159. Hubaal kuwa qariya [33] waxaan soo dejinnay oo Aayado cad ah iyo hanuun, kaddib markaanu ugu caddeynay dadka Kitaabka, kuwaa weeye kuwa uu Alle nacladi, oo kuwaa wax naclada (malaa'igta, iyo mu'miniinta) ay nacladi doonaan.","footnotes":"[33]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii la warsado cilmi oo qariya isagoo og, waxaa lagu faruur xidhi Qiyaamaha faruur xidh dab ah”."},{"id":160,"translation":"160. Kuwa tawbad keena mooyee ee wanaagsanaada, oo si cad u muujiya (Xaqa ay qariyeen). Kuwaa weeye kuwa aan ka tawbad aqbali. Waxaana ahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan."},{"id":161,"translation":"161. Dhabtii kuwa gaalooba oo dhinta iyagoo gaalo ah, kuwaa weeye kuwa ay korkooda ahaatay Nacaladda Alle, iyo malaa’igta, iyo dadka oo dhan."},{"id":162,"translation":"162. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, mana la siiinayo nafis."},{"id":163,"translation":"163. IIaahiinnu waa Ilaah keliya (Allaah), ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Naxariistaha, Naxariista Badan."},{"id":164,"translation":"164. Dhab ahaan abuurista samooyinka iyo arlada iyo is dhaafka habeenka iyo maalinta iyo doonyaha kula dhex maaxa badda wax anfaca dadka, iyo wuxuu Alle ka soo shubo daruuraha oo biyo (roob) ah ee uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, oo uu ku fidsho gudaheeda (nooc) kasta ee nafleyda ah, iyo isbeddelka dabeylaha iyo daruuraha la sakhiray samooyinka iyo arlada dhexdooda, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii garasho leh."},{"id":165,"translation":"165. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yeesha Alle sokadi wax ay la mid dhigaan oo u shariig yeelaan ayna u jecel yihiin siday u jecel yihiin Alle. Kuwase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Alle. Hadday arki lahaayeenna kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale), markay arkaan cadaabka, in Xoog oo dhan uu leeyahay Alle, iyo in Alle uu Daran yahay Cadaabkiisu."},{"id":166,"translation":"166. Marka kuwii la raacay (ee madaxda ahaa) iska barii yeelaan kuwii raacay, oo ay arkaan cadaabka, oo uu kala go'o xidhiidhkoodii."},{"id":167,"translation":"167. Kuwii raacayna waxay odhan: Haddii uun aan lahaan laheyn dib u laabasho (adduunka), markaa waxaan uga barii noqon lahayn siday nooga barii noqdeen. Sidaasuu Alle u tusi acmaashooda oo qoomammo daran ku ah. Ma ahana kuwo laga soo bixin Naarta."},{"id":168,"translation":"168. Dadow! Ka cuna xalaasha wanaagsan waxa laga helo dhulka [34], hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.","footnotes":"[34]. Waxaa la soo weriyey in Sacad bin Abii Waqqaas a.k.r. ku yidhi Nabiga s.c.w.: Alle ii bari inuu ducadayda aqbalo. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ahow xalaal quute, markaas ducadaada waa la aqbali."},{"id":169,"translation":"169. Wuxuu (Shaydaan) uun idinku amraa macsi iyo xumaan [35], iyo inaad ka sheegtaan Alle wax aydaan u lahayn aqoon.","footnotes":"[35]. Sida zinada, ku daadinta dhiig xaq darro, xatooyada, cabbista khamrada, ribada, iwm."},{"id":170,"translation":"170. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo, raaca waxa uu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah, waxay yidhaahdaan: Mayee! Waxaanu raaci waxaan ka hellay aabbayaashayo. Ma walow aanay aabbayaashood waxba garaneyn, oo ayan hanuunsanayn."},{"id":171,"translation":"171. Mataalka gaalada waa sida mataalka mid u dhawaaqa (xoolo) aan maqlayn waxaan ahayn qaylo iyo dhawaaq. Waa kuwo (gaalada Xaqa ka) dhego la’, af la’, oo indho la’. Marka ma garowsadaan."},{"id":172,"translation":"172. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan [36] oo aan idinku galladeysannay, una mahad naqa Alle, hadduu Isagu yahay Kan aad caabuddaan.","footnotes":"[36]. Xadiis wuxuu leeyahay: “Alle wuu wanaagsan yahay, mana aqbalo waxaan ahayn wax xalaal lagu shaqeystey oo wanaagsan”."},{"id":173,"translation":"173. Wuxuu uun idinka xaaraameeyay xoolaha iskood u dhinta (baqtiga), dhiig, hilib doofaar, iyo waxaa dushooda lagu xusay magac kale aan ahayn kaa Alle. Qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanan dooneyn oo aan xad gudbeyn, ma jiro wax denbi ah oo saaran korkiisa. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":174,"translation":"174. Xaqiiq kuwa qariya waxa Alle soo dejiyey oo Kitaabka ah, siistana qiimo yar, kuwaas ma cunaan oo geliyaan caloolahooda waxaan dab ahayn. Alle lama hadlayo Maalinta Qiyaame, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan."},{"id":175,"translation":"175. Kuwaa weeye kuwa iibsada habow halkii Hanuunka, iyo cadaab halkii Denbi Dhaafka. Ee ku dhiirranaa (denbiyada lagu galo) Naarta dabka 'aan dameyn' ah."},{"id":176,"translation":"176. Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Alle u soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) Xaq. Kuwase isku khilaafa Kitaabka waxay ku sugan yihiin khilaaf fog."},{"id":177,"translation":"177. Ma aha samahu inaad u jeedisaan wejiyadiinna bariga iyo galbeedka; waxaase sama ah inuu qofku rumeysan yahay Alle, Maalinta Aakhiro, Malaa’igta, Kitaabka (Alle) iyo Nabiyada, ee siiya maal isagoo jecel [37] kuwa qaraabada ah, agoomaha, masaakiinta, tub ku joogga (socotada go’doonsan), kuwa wax weydiista, iyo ku xoreynta addoomaha, ee ooga salaadda, oo bixiya Sakada, oofiyana ballantooda markay ballan galaan, oo samir yeesha waqtiga faqriga, jirrada iyo dagaalka - Kuwaa weeye kuwa run sheegga ah, oo kuwaa weeye kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).","footnotes":"[37]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Sadaqo waxaa u fiican taad bixiso adigoo fayow, maal yar, rajeyn hodantinnimo, ka cabsan faqri”. W.w. Al-Xaakim."},{"id":178,"translation":"178. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idiin qoray Qisaas xagga dilalka, xorka xor, addoonkana addoon, dheddigtana dheddig. Qofkiise laga siiyo cafis xagga walaalki (lagu tacaddiyey) markaa waa u raacasho ( diyo) si gar ah, waana in qiimaha magta loogu gudo si wanaagsan. Arrinkani waa fududeyn iyo Naxariis xagga Rabbigiin ah. Ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan."},{"id":179,"translation":"179. Waxaa idiinku sugan nolol xeerka dhaawac simidda dadka wax garadkow, si aad u dhowrsataan."},{"id":180,"translation":"180. Dardaaran baa la idinku waajibiyey markay geeri ku soo dhowaato midkiin hadduu ka tagayo maal uu u dardaarmo labada waalid iyo qaraabada xigta si la yaqaan ah [38]. Waa xil saaran kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Ciqaabkiisa) [39].","footnotes":"[38]. Dardaaranka waa inaysan dhaafin seddex maaleedoo meel maalka,\n[39]. Aayaddan lama xiriirto warasada, waayo waxaa lagu nasakhay Aayadda dhaxalka ee Suuradda An-Nisaa Aayadaha 11-12."},{"id":181,"translation":"181. Qofkiise beddela (dardaaranka) inta uu maqlay kaddib, denbigeedu markaa wuxuu saaran yahay uun kuwa beddela. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og."},{"id":182,"translation":"182. Qofkiise uga cabsada eex ama denbi dardaarmaha ee ka sameeya heshiis [40] dhexdooda oo wax hagaajiya, ma saarna denbi korkiisa. hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[40]. Hagaajinta iyo sama ka talinta Aayaddu xustay waa amar in dardaarmaha uu ku caddaalad falo dardaarankiisa si waafaqsan xuduudda sharciga."},{"id":183,"translation":"183. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idinku faral yeelay soon [41] sidii loogu faral yeelay ummadahii idinka horreeyay, si aad (u dhowrtaan Amarrada Alle oo) isaga jirtaan xumaha.","footnotes":"[41]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo denbiyo ah”."},{"id":184,"translation":"184. Maalmo tirsan, ee qofkii idinka mid ah ee buka ama safar ah, markaa waxaa saaran (inuu soomo) isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. kuwaa aan awoodinna (inay soomaan) [42] waxaa saaran fidyo ah inay quudiyaan miskiin [43]. Qofkii iskii u falaa khayr isagay u roon tahay. Inaad soontaan baana idiin khayr badan haddaad og tihiin.","footnotes":"[42]. Sida qofka buka ama kuwa da’da ah iyo haweenta uurka leh iyo tan ilmo nuujineysa \n[43]. Inuu quudiyo miskiin maalin walba uu afuro."},{"id":185,"translation":"185. Bisha Ramadaan ee la soo dejiyey Qur’aanka, hanuun u ah dadka iyo caddeymo hanuun iyo kala saarid (Xaqa iyo baadilka). Ee qofkii jooga (degaankiisa isagoo fayow) ha soomo, qofkiise buka ama safar ah waxaa saaran isla tirada (maalmahaa uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. Alle wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays, (wuxuu rabaa) inaad dhammeystirtaan tirada (maalmaha) iyo inaad (xurmo) weyneysaan Alle inuu idin hanuuniyey darteed, iyo inaad ku mahdisaan."},{"id":186,"translation":"186. Markay addoomahaygu i kaa weydiiyaan, Anigu (waa Alle'e) waan dhowahay, waan ajiibaa baryada markuu qofku i baryo [44]. Ee ha i ajiibeen hana i rumeeyeen, si ay u hanuunaan.","footnotes":"[44] Si toos ah, dhexeeye la'aan isagoo cidna ii soo marin sida anbiyo ama awliyo ama qeyrkood."},{"id":187,"translation":"187. Waxaa la idiin banneeyay habeenka soonka inaad u galmootaan xaasaskiinna. Waxay idin yihiin hu’, idinkuna hu’ baad u tihiin. Alle wuu ogaa inaad khiyaamayseen nafahiinna [45], wuuna idinka tawbad aqbalay oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan u taga (galmooda) iyaga oo doona waxa Alle idiin qaddaray (oo ilmo ah), oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Hana u tegina (galmoonina xaasaskiinna) idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Alle ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Alle ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (shirkiga iyo xumaha kale).","footnotes":"[45]. Intayan soo degin Aayaddan, galmada ninka iyo naagtiisa ma bannaaneyn habeennada ka horreeya maalinta la soomayo. Qaarkood way ku adkaatay inay ka joogaan xaasaskooda oo si qarsoodi ah u caasiyeen, mase khiyaameyn Alle. Kaddib waa la idmay inuu habeenkii u tagi karo, maalintase aysan bannaaneyn."},{"id":188,"translation":"188. Ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, idinkoo siin (laaluush) madaxda, si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah maalka dadka denbi idinkoo ogsoon."},{"id":189,"translation":"189. Waxay wax kaa weydiin Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Ma ahana samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda [46], waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), ugana imaada guryaha albaabbadooda, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle si aad u liibaantaan.","footnotes":"[46]. Waagii jaahiliyaddda qofka u xarman Xajka wuxuu ka soo gali jirey guriga duleedka iyo halka dambe, oo kama soo geli jirin horay, markaasay asxaabtii wax ka weydiiyeen taasi Rasuulkii Alle, markaasay soo degtay Aayaddan."},{"id":190,"translation":"190. Kula dagaallamana Jidka Alle kuwa idinla dagaallama, hana xadgudbina. Hubaal Alle ma jecla xad gudbayaasha."},{"id":191,"translation":"191. Ku dila (kuwaa weerarka idinku ah) meeshaad ka heshaanba, kana saara meeshay idinka saareenba. Fidnada (faafinta shirkiga iyo gaalnimada) baana ka daran dilka. Ha kula dagaallamina Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi agtiisa in maahee ay iyugu (marka hore) idinkula dagaallamaan. Haddayse idinkula dagaallamaan la dagaallama. Waa sidaas jazaha gaaladuye."},{"id":192,"translation":"192. Haddayse ka joogaan (xumaha), Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan."},{"id":193,"translation":"193. La dagaallama (gaalada) si ayna u jirin wax dambe oo fidmo ahi (iyo dulmi), Diintuna u ahaato tan Alle oo keliya. Hadday ka joogaan (shirkiga iyo macaasida), markaa waa inaan colaad loo qaadin waxaan ahayn daalimiinta."},{"id":194,"translation":"194. Bisha xurmadda gaarka ahi leh (dagaalka la idinku soo qaado) waxaa laga hortegi isla bishaa xurmadda gaarka ah leh, dhammaanna waxyaalaha xurmadda gaarka ahi lihi qisaas baa ah. Qofkii idin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay oo kale [47]. Alle ka cabsada, oo ogaada inuu Alle la jiro kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarradiisa).","footnotes":"[47]. Haddii la soo wareero muslimiinta bilaha leh xurmmadda gaarka ah ee dagaalku caaggan yahay (waa Muxarram, Rajab, Dul Qacdah, iyo Dul Xijjah) markaas waxaa u bannaan inay ka hortagaan weerarka isla bilahaas."},{"id":195,"translation":"195. Ku bixiyana wax jidka Alle, hana isugu tuurina gacamahiinna tahluko (wax bixin la'aan), una sama fala (dadka); hubaal Alle wuu jecel yahay sama falayaasha."},{"id":196,"translation":"196. U dhammeystira Xajka [48] iyo Cumrada Alle darti. Haddiise la idinka xannibo (dhammeystirkooda), gowraca Hadyi [49] waxaad heli kartaan ah, hana xiidhina madaxyadiinna jeer hadyigu gaaro meesha gowraciisa. Qofkiise idinka mid ah ee buka ama ka qaba cudur oogada madaxiisa (oo xiira timahiisa isagoo xarman), waxaa saaran fidyo ah soomid [50] ama bixin sadaqo [51] ama neef gowracid [52], markaadse aamin tihiin, Qofkii ka faa’ideysta inuu ku daraa Cumrada Xaj, waa inuu gowraco hadyi wuxuu heli karo ah, qofkiise aan heli karin (hadyi), waa inuu soomo seddex maalmood inta lagu jiro Xajka iyo toddobo maalmood markaad laabataan, intani waa toban buuxda. Arrinkani wuxuu ku gaar yahay midka aanay reerkiisu deggeneyn Masjidka Xaramka. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle. Ogaadana in Alle ciqaabkiisu daran yahay.","footnotes":"[48].Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii xajiya isagoo aan xajkiisa kula iman galmo iyo af lagaaddo, wuxuu noqdaa isagoo denbi ka ah sida maalintay hooyadi dhashay.” W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim.\n[49]. Hadyi waxaa la yidhaahdaa waxa la gowraco si loogu kabo ka tegista waajib ka mid ah waajibyada Xajka, ama bixin kaffaarad haddaad fasho mid ka mid ah waxyaalaha ku caaggan Xajka.\n[50]. Soomid seddex maalmood.\n[51]. Quudin lix miskiin.\n[52]. Gowrac neef adhi ah ama ido."},{"id":197,"translation":"197. Xajka (waxaa la gutaa) bilaha la yaqaan [53]. Ee qofkii goosta inuu guto Xaj dhexdooda markaa waa inaysan ka dhicin galmood [54] iyo macsi iyo muran midna Xajka gudahiisa. Waxaad fashaan oo khayr ah, Alle wuu og yahay, ee sahay qaata, hubaal sahayda ugu wanaagsan waa qofka oo iska ilaasha (xumaha). Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, dadka wax garadka ahow!","footnotes":"[53]. Bilaha xajka waa bisha Shawwaal, Dul Qacdah iyo Xajka. \n[54]. Ar-Rafath waxaa loola jeedaa hadalka dareenka shahwada kiciya ama af lagaaddada ah ama galmada."},{"id":198,"translation":"198. Ma aha korkiinna wax eed ah inaad doonataan Deeq Rabbigiin [55]. Markaad ka soo dareertaan Carafaat, markaa ku xusa Alle Mashcaril-Xaramka (Muzdalifa) agtiisa. Oo xusa siduu idiin hanuuniyeyba, inkastoo arrinkani ka hor aheydeen kuwo ka mid ah kuwa lunsan.","footnotes":"[55]. Ku sameynta ganacsi Xajka."},{"id":199,"translation":"199. Markaas ka dareera meeshuu dadku ka dareero, weydiistana denbi dhaaf Alle, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":200,"translation":"200. Markaad dhammeysataan cibaadoo- yinkiinna, Xusa Alle sidaad u xustaan aabbayaashiin [56] ama xusid ka badan [57]. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaah- da: Rabbigayow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahayn Aakhirada qaybna.","footnotes":"[56].Waxaa caado u ahayd Carabta kaddib gudashada Xajka xuska awoowooyinkood, markay soo degtay Aayaddan waxaa lagu beddelay caadadan xusidda Ilaahay. \n[57]. Waxaa loola jeedaa dikirga halkan qowlka Allaahu akbar, Subxaanallaah, Al-Xamdu Lillaah, iwm."},{"id":201,"translation":"201. Waxaa ka mid ahna kuwo yidhaahda: Rabbigayow! Nagu sii wanaag adduunka , iyo wanaag Aakhirada, nagana badbaadi cadaabka Naarta."},{"id":202,"translation":"202. Kuwaasi waxay leeyihiin qayb(tooda) ka mid ah waxay kasbadeen. Alle wuu ku Dhakhso Badan yahay xisaabta."},{"id":203,"translation":"203. Xusa Alle inta lagu jiro maalmaha tirsan [58]; qofkii degdega si uu u tago labo maalmood gudahood [59], ma jiro wax denbi ah oo saaran, qofkiina dib u hara [60] ma jiro wax denbi ah oo saaran, (kani) waxaa iska leh kan iska jira (xumaha), oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.","footnotes":"[58]. Maalmo tirsan waa seddexda maalmood ee xiga maalinta Ciidda Adxada waana maalinta kow iyo tobnaad iyo maalinta labo iyo tobnaad iyo maalinta seddex iyo tobnaad , waxaana loo yaqaan ayaamu tashriiq maalmaha hilba waradka.\n[59]. Waa maalinta 12aad ee Xajka.\n[60]. Maalinta 13aad ee Xajka."},{"id":204,"translation":"204. Waxaa ka mid ah dadka mid uu ku cajab gelin hadalkiisu noloshan adduunka, oo u marag gashada Alle waxa ku jira qalbigiisa, isagoo waliba ah kan u muranka badan colka [61].","footnotes":"[61]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle wuxuu dadka u neceb yahay qofka dabciga xun, qallafsan, ee doodda badan”.w.w. Al-Bukhaari."},{"id":205,"translation":"205. Markuu jeesadana wuxuu ku socdaa arlada si uu u fasaahadiyo oo u baabbi’iyo tallaalka iyo taranka. Alle ma jecla fasahaadka."},{"id":206,"translation":"206. Marka lagu yidhaahdo, Alle ka cabso (oo iska jir Ciqaabkiisa); qabweyni u geyso denbi. Ee Naar baa ku filan, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo."},{"id":207,"translation":"207. Waxaa ka mid ah dadka mid iibsha naftiisa isagoo doonaya Raalli gelinta Alle [62]. Alle wuu u Turid Badan yahay addoomahiisa.","footnotes":"[62]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan u ballan qaadayaa guri ooggagga jannada ah qofkii iska daaya doodaha iyo muranka gartaba ha lahaadee, iyo guri jannada dhexdeeda ah qofkii iska daaya beenta kaftanba ha ula jeedee, iyo guri halka jannada u sarreysa ah qofkii dabciga iyo dhaqankiisu wanaagsan yahay. (W.w \nAbuu Daawuud)."},{"id":208,"translation":"208. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! U soo gala Islaamka si dhan waaxid iyo wadarba, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad."},{"id":209,"translation":"209. Haddaad sidbataan kaddib iyadoo ay xujooyin cad idiin yimaadeen, ogaada inuu Alle yahay Adkaade, Xakiim ah."},{"id":210,"translation":"210. Ma waxay sugi (kuwaa aan u hoggaansaneyn Alle) waxaan ahayn inuu Alle ugu yimaado hogollo daruuro cad ah (si uu u kala xukmiyo uunkiisa) malaa’igtuna (si ay u fuliyaan Amarradiisa)? Arrinkana (horey) baa loo gooyey. Xagga Alle baana loo celiyaa umuurahoo idil."},{"id":211,"translation":"211. Weydii ilmahii Israa’iil intee baan calaamo cad siinnay. Qofkii beddela Nicmadda Alle kaddib intay u timid, hubaal Alle Ciqaabkiisu wuu daran yahay."},{"id":212,"translation":"212. Nolsoha adduunkan baa loo qurxiyey kuwa gaalooba, waxayna ku jeesjeesaan kuwa rumeysan, kuwase iska jira (shirkiga iyo xumaha kale), iyaga baa ka sarreyn doona oo ka kor ah (gaalada) Maalinta Qiyaamaha. Alle wuxuu arzaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan."},{"id":213,"translation":"213. Dadku (dhammaan) wuxuu ahaa ummad keliya (ka hor weecashadooda), markaasuu Alle soo diray Nabiyada bishaareeyaal iyo digayaal ahaan,Wuxuuna la soo dejiyey Kitaabka oo Xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafaan, oo iskuma khilaafin waxaan ahayn isla kuwii (Kitaabka) la siiyey kaddib markay u yimaadeen Xujooyin cad xasad dhexdooda ah dartiis. Markaa- suu Alle Idankiisa ugu hanuuniyey kuwaa rumeysan Xaqa waxay gudahooda isku khilaafeen. Alle wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":214,"translation":"214. Mise ma waxaad mooddaan inaad gelaysaan Jannada iyadoo aanay idiin iman wax la mid ahi wixii u yimid kuwii tegay ee idinka horreeyey? Waxaa taabtay faqri iyo jirro oo la gilgilay jeer uu Rasuulku iyo kuwii rumeeyay la jirki ay yidhaahdeen: Goormuu iman Gargaarka Alle? Ogaada, \n Hubaal, Gargaarka Alle wuu dhow yahay."},{"id":215,"translation":"215. Waxay ku weydiin waxay tahay inay bixiyaan (nafaqo ahaan). Dheh: Wax kastoo aad bixisaan oo maal ah waxaa u mudan waalidiinta, qaraabada, agoomaha, masaakiinta iyo tub ku joogga (socotada go’doonsan), waxaad fashaanna oo khayr ah, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay."},{"id":216,"translation":"216. Waxaa la idinku waajibiyey dagaal gelid inkastoo aad neceb tihiin, waxaa laga yaabaa inaad wax nacdaan isagoo khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad wax jeclaataan isagoo shar idiin ah, Alle baana ogsoon, idinkuse ma ogidin."},{"id":217,"translation":"217. Waxay wax kaa weydiin bisha xurmadda gaarka ahi leh (Rajab iyo bilaha la midka ah) in la galo dagaal. Dheh: In dagaal la galo waa (xad gudub) weyn, (waxaase ka sii daran) Alle agti ka hor istaagidda dadka raacidda Jidka Alle iyo ku gaaloobiddiisa, in laga hor istaago dadka gelidda Masjidka Xaramka, iyo ka saaridda dadkeeda, fidnadaana [63] ka daran dilka. Ma dayn doonaanna (gaaladu) la dagaallankiinna jeer ay dib idiinka celiyaan diintiinna, hadday awoodaan. Qofkii idinka mid ahna ee ka riddooba diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwaa weeye kuwa ay buri camalladooda adduun iyo aakhiraba, waana iyaga ehlu Naarka; wayna ku waari dhexdeeda weligood.","footnotes":"[63]. Fidno waxaa soo galaya macnooyinkeeda gaalnimo, khilaaf, kala tag, dagaallo sokeeye, dulmiga, caddibaadda, caddaalad darrada, isku dirka, iwm."},{"id":218,"translation":"218. Hubaal kuwa rumeeyay (Xaqa) iyo kuwa soo haajiray ee ku jihaaday Jidka Alle, kuwaa waxay rajayn Naxariista Alle. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":219,"translation":"219. Waxay wax kaa weydiin Khamriga [64] iyo Qamaarka [65]. Dheh: Waxaa labadaba ku jira denbi weyn iyo wax tar ay dadka u leeyihiin, denbigoodaase ka weyn waxtarkooda. Waxay ku weydiin maxay tahay inay bixiyaan. Dheh: Wixii dheeraad idinku ah. Sidaasuu Alle idiin ka dhigaa wax cad Aayadaha si aad uga fakartaan.","footnotes":"[64]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma zineysto zaaniga isagoo mu’min ah, mana cabbo qof khamri markuu cabbayo isagoo mu’min ah, qofna wax ma xado markuu wax xadayo isagoo mu’min ah. Mana boobo oo wax ma dhaco isagoo mu’min ah”. \n[65]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dhaarta oo ku yidhaahda dhaartiisa waa igu Allaat iyo Al-Cuzzaa ha yidhaahdo: Laa ilaaha illal Laah, qofkii ku yidhaahdana saaxiibki kaalay aan qamaarnee, ha ka joogo (qamaarka) oo ha la baxo sadaqo. W.w Al-Bukhaari."},{"id":220,"translation":"220. Noloshatan adduunka iyo Aakhirada- ba. Waxay wax kaa weydiin agoomaha. Dheh: Inaad u hagaajiso (arrimahooda) baa khayr badan, haddaad shuruko la noqotaanna waa walaalihiin. Alle wuu og yahay kan wax halleeya iyo kan wax hagaajiya. Hadduu Alle doonona, wuxuu idin hor dhigi lahaa dhibaatoooyin; hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah."},{"id":221,"translation":"221. Ha guursannina haweenka mushrikadaha ah jeeray (Xaqa) rumeeyaan, addoonad mu’minad ah baana ka khayr roon mushrikad haba idin cajabisee. Hana u guurinnina (gabdhihiinna mu’mindaha ah) ragga mushrikiinta ah jeeray (Xaqa) rumeeyaan. Addoon mu’min ah baana ka khayr roon Mushrik haba idin cajabiyee. Kuwani waxay idiinku yeedhi Naar, Allena wuxuu idiinku yeedhi Janno iyo denbi dhaaf si idankiisa ah, wuxuuna u caddayn Aayadahiisa dadka si ay u xusuustaan."},{"id":222,"translation":"222. Waxay wax kaa weydiin xaylka (dhiigga caadada ee dumarka ku dhaca). Dheh: Waxaa weeye waxyeello, ee ka fogaada dumarka waqtiga xaylka, hana u dhowaanina intay ka daahir noqdaan. Markay daahir noqdaan uga taga meesha Alle idinku amray; Hubaal Alle wuxuu jecel yahay kuwa tawbad keenka badan, wuxuuna jecel yahay kuwa isdaahiriya."},{"id":223,"translation":"223. Xaasaskiinnu waxay idiin yihiin beer, ee u taga beertiinna markaad doontaanba, una hormrsada (khayr) nafahiinna. Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana inaad la kulmi doontaan, oo u bishaaree mu'miniinta."},{"id":224,"translation":"224. Ha ka dhigina ku dhaarashadiina Alle wax idinka xanniba inaad sama fashaan oo ka joogtaan (xumaha), iyo inaad kala maslaxdaan dadka. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon."},{"id":225,"translation":"225. Alle Idiin ma qabanayo dhaaro qasad la'aaneed aan niyad aheyn, wuxuuse idiin qabanayaa waxay quluubtiinna goostaan oo u bareeraan (dhaar niyad ah). Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan."},{"id":226,"translation":"226. Kuwa ka dhaarta xaasaskooda [66], waxaa la sugayaa afar bilood [67], Hadday ka soo noqdaan (Muddadaa ka hor), hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[66]. In muddo ah inaysan u galmooneyn.\n[67]. Markay dhammaato muddada afarta bilood ah uu ka dhaartay xaaskiisa, waa in la joojiyo ilaa uu ka furo. Mana dhacayo furriinka jeer uu furo."},{"id":227,"translation":"227. Hadday goostaanna furid, Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon."},{"id":228,"translation":"228. Haweenka la furayna waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), mana u bannaaana inay qariyaan wuxuu Alle ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Nimankoodaana u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; waxayna (haweenku) leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo si wanaagsan ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo (mas'uuliyad ah). Alle waa Adkaade, Xakiim ah."},{"id":229,"translation":"229. Furitaan waxaa (lagu dhawaaqi karaa) labo goor (oo kolba mid ah aan isku mar aheyn), ee u haysta (xaasaskiinna) si wanaagsan, ama u sii daaya si wanaagsan. Idiinmana bannaana (raggow) inaad dib uga qaadataan wax ka mid ah waxaad siiseen (oo meher ah), in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, haddaad ka cabsataan inay dhowri waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, markaa ma saarna wax eed ah korkooda waxay isku furato si ay u madax bannaanaato. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Alle, ee ha ku xadgudbina. Qofkii ku xadgudbaa xuduudaha (uu dhigay) Alle, waa kuwaa daalimiinta (gar ma qaatayaasha)."},{"id":230,"translation":"230. Haddiise uu furo (mar seddexaad, dalqaddii u dambeysay) uma bannaana wixii taa ka dambeeya jeer ay soo guursato nin kale. hadduu (ninkaasi dambe) furo (ama dhinto), ma saarna wax eed ah dushooda (haweentaa iyo ninkeedii hore) inay isku noqdaan (markay ciddo baxdo), hadday u malayn inay dhowri karaan xuduudaha (uu dhigay) Alle. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Alle, uu uga dhigo caddaan ciddii garasho leh."},{"id":231,"translation":"231. Markaad furtaan haweenka, oo ay ku dhowaadaan gaaridda muddada loo qabtay, markaa ama u heysta si wanaagsan ama u sii daaya si wanaagsan. Hana u heysannina dhibaateyn si aad u xadgudubtaan, qofkii sidaas fala, wuxuu dulmiyey naftiisa. Ha ka dhigannina Aayadaha Alle dheel-dheel, oo xusuusta Nicmadda Alle korkiinna, iyo wuxuu idiin soo dejiyey oo ka mid ah Kitaabka iyo Xikmadda oo uu idinku waaninayo, oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Alle wax walba Og yahay."},{"id":232,"translation":"232. Markaad furtaan haweenka oo ay dhammeystaan muddadooda sugitaanka (ciddada), markaa ha ka hor istaagina guursiga nimankooda, markay ka heshiiyaan dhexdooda si la yaqaan. (Arrinkan) waa mid lagu waaniyo qofkii idinka mid ah ee rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan. Alle baana ogsoon oo idinku ma ogidin."},{"id":233,"translation":"233. Hooyooyinku waxay nuujin ilmahooda labo sano oo kaamil ah, ciddii doonta inay taam yeesho muddada nuujinta, masruufkooda iyo marashadooda waa inuu xilkeeda qaado aabbaha si la yaqaan. Ma saarna nafna waxay awooddo maahee. Hooyona waa inaan laga yeelin inay dhibtooto ilmaheeda darti iyo aabbe ilmaha uu dhalay darti. Oo xil la mid ah (wuxuu saaran yahay) warasada (aabbaha). Haddayse labaduba doonaan inay ka gooyaan naaska raalli iyagoo ku ah wada tashi kaddib, ma jiro wax eed ahi oo saaran. Haddaad u doontaan hooyo nuujiso ah oo kale ilmahiinna, ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad siisaan (hooyada) waxaad ku heshiisaan (inaad siisaan) si la yaqaan. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Alle uu Arko waxaad fashaan."},{"id":234,"translation":"234. Kuwiinna idinka mid ah ee dhinta oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay sugaan (xaasaskaa) afar bilood iyo toban maalmood, markay gaaraan muddadooda (dhammeystaan ciddada) ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo si la yaqaan ah. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan."},{"id":235,"translation":"235. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxaad sarbeebtaan [68] ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Alle wuu og yahay inaad xusi doontaan, hase ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur inaad ku dhahdaan maahee hadal wanaagsan, hana tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Ogaada inuu Alle og yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Ogaada inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.","footnotes":"[68]. Waa haweenka ay ka dhinteen raggii qabay ama kuwo la furay furriin kama dambays ah, kuwase la furay furriin la soo ceshan karo ma aha in la doono ama xitaa si aan toos aheyn oo sarbeeb ah loogu muujiyo doonis guur."},{"id":236,"translation":"236. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad furtaan haweenka idinkoo aan weli taaban, ama aydaan u goyn wax meher ah, siiyana sahay, kan ladan tabarti, faqiirkuna tabarti, sahay la yaqaan, (kani) waa waajib saaran sama falayaasha."},{"id":237,"translation":"237. Haddaad furtaan haweenka ka hor intaydaan taaban, aadna u goyseen Meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay iyagu cafiyaan maahee, ama uu cafiyo (ninka_waliga) uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa. Inaad cafidaan (waa ninka oo siiya meherkii oo kaamil ah ama inay iyadu iska cafido meherkaa nuskiisa ay leedahay) baa u dhow (samaha iyo) Alle ka cabsiga. Ha halmaamina wanaagga dhexdiinna. Hubaal Alle wuu Arkaa waxaad fashaan."},{"id":238,"translation":"238. Dhowra (ilaaliya) salaadaha iyo salaadda dhexe [69] una istaaga (salaadda) dar Alle idinkoo si run ah u adeecsan.","footnotes":"[69]. Salaadda dhexe sida ku cad xadiis saxiix ah waa salaadda Casarka. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii ay si ula kac ah u dhaafto salaadda Casar ilaa uu waqtigeedu baxo waa sida inuu waayey oo dhaafeen ehelkiisa iyo maalkiisa”. Werin kale waxay leedahay: “waxaa qofkaasi bura camalkiisa san oo dhan”."},{"id":239,"translation":"239. Haddaad ka cabsataan (cadow, markaa tukada) idinkoo lug ku socda ama fuushan gaadiid. Markase aad nabad tihiin, markaa (ku) xusa Alle (salaadda) siduu idiin baray waxaydaan aqoonin (u tukada sida caadiga ah)."},{"id":240,"translation":"240. Kuwa dhinta ee idinka mid ah oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay u dardaarmaan xaasaskooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn [70], haddayse iskood u baxaan, ma jiro wax eed ah oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo gar ah. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.","footnotes":"[70]. Arrinkan waxaa lagu nasakhay Aayadahaa dib laga soo dejiyey ee ku soo arooray 2: 234 iyo 4: 12"},{"id":241,"translation":"241. Haweenka la furona (waa in la siiyo) sahay la yaqaan. Kani waa xil saaran kuwa Alle ka cabsada ee dhowra (Amarradiisa)."},{"id":242,"translation":"242. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadahiisa, si aad u fahantaan."},{"id":243,"translation":"243. Miyaadan ogaan (qisada) kuwii (reer Israa'iil) ee ka soo baxay guryahoodii (ku yiil Masar) iyagoo kumanyaal ah iyagoo ka baqaya geeri (oo diiddan jihaadka)? Markaasuu Alle ku yidhi: U Dhinta (silic iyo saxariir), oo nooleeyey (waa facii ka dambeeyey tiiha, markay oggoladeen jihaadka). Alle waa u Roon yahay dadka, dadkuse badankiisu ma mahad naqaan."},{"id":244,"translation":"244. Ku dagaallama Jidka Alle, oo ogaada inuu Alle yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon."},{"id":245,"translation":"245. Kee baa amaahin Alle amaah wanaagsan (sadaqo la bixi ama siin deyn qof baahan kor saar la'aan) uu u labo laabaa labo laab badan? Alle wuu (ku) cidhidhiiyaa (risiqa cidduu doono) ama u ballaariyaa. Xaggiisaana la idiin soo celin."},{"id":246,"translation":"246. Miyaadan ogaan (arrinka) xildhibaannadii ilmahii Israa’iil ee ka dambeeyey (waqtigii) Muuse? Markay ku yidhaahdeen Nabi loo soo diray: Noo magacow boqor, waxaanu u dagaallami Jidka Alle. (Nabigoodii) wuxuu yidhi: Ma laga yaabaa inaad dagaallami weydaan, haddii la idinku waajibiyo dagaal gal? Waxay yidhaahdeen: Maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Alle innagoo nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii. Markiise lagu waajibiyey dagaalka dhabarkay jeediyeen, in yar oo ka mid ah maahee. Alle wuu og yahay daalimiinta."},{"id":247,"translation":"247. Nabigoodii (Samuel) wuxuu ku yidhi: Alle wuxuu idiin soo baxshay Daaluut boqor ahaan. Waxay yidhaahdeen: Sidee buu noogu noqon karaa boqor, innagoo uga xaq leh boqortooyada, lana siinin hayd iyo hanti ballaaran? Wuxuu yidhi: Alle baa idinka xushay, wuxuuna siiyey kororsiin cilmi iyo jidhba ah. Alle wuxuu siiyaa boqortooaydiisa qofkuu doono. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon."},{"id":248,"translation":"248. Nabigoodii (Samuel) wuxuu ku yidhi: Astaanta mulkigiisa waxaa weeye inuu idiin yimaado taabuut (sanduuq) ay ku jidho xasilooni ka timid Rabbigiin iyo haraa ah waxay ka tageen reer Muuse iyo reer Haaruun oo ay siddo malaa’ig. Arrinkani waxaa idiinku sugan calaamo haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":249,"translation":"249.Markuu Daaluud la baxay ciidammadii, wuxuu yidhi: Alle wuxuu idinku imtixaani webi. Ee qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, qofkiise aan dhadhamin waa iga mid, mid isagu mar ku darsada gacantiisa ma’ahee; markaasay ka cabbeen in yar maahee. Markaasuu markuu ka gudbay (webigii) isaga iyo kuwii rumeeyay ee la jiray, waxay yidhaahdeen: Ma lihin maanta awood aan kaga hor tagno Jaaluut iyo ciidammadiisa. Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmayaan Rabbigood,waxay yidhaahdeen: Badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan Idanka Alle, Allena wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha."},{"id":250,"translation":"250. Markay u soo muuqdeen Jaaluut iyo ciidammadiisii, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow! Nagu shub samir oo noo sug cagahayaga, oo guul naga sii qolodan gaalada ah."},{"id":251,"translation":"251. Markaasay ku jabiyeen Idanka Alle, Daawuudna dilay Jaaluut, wuxuuna Alle siiyey (Daawuud) boqortooyo iyo Xikmad (Nabinnimo), uuna baray wax ka mid ah wuxuu doono. Haddayan jirin ku celin Alle dadka qaarba qaar kale, waxaa fasaadi lahaa arlada. Allese waa u Roonaan badan yahay uumanka."},{"id":252,"translation":"252. Kuwani waa Aayadaha Alle, aanu kuugu akhrinno (Nabiyow) si xaq ah. Hubaal adigu (Muxammadow) waxaad xaqiiq ka mid tahay Rususha (Alle)."},{"id":253,"translation":"253. Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Alle (toos) ula hadlay (sida Aadam, Muuse, iyo Muxammad); wuxuuna kor u qaaday qaarkood darajooyin (Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise iyo Muxammad); Waxaanuna siinnay Ciise, ina Maryam, Xujooyin cad, oo ku xoojinnay Ruuxa Daahirka (Jabriil). Hadduu Alle doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, (wuxuuse siiyey akhyaar xagga diinta, sidaa awgeed) way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahoo rumeeyey, iyo kuwo gaaloobay. Hadduu Alle doonona, ma ay is dagaaleen, wuxuuse Alle falaa wuxuu doono."},{"id":254,"translation":"254. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxaan idinku arsaaqnay ka hor inta aanay imaan Maalin aanay jirin beecshuro, saaxiibtinnimo iyo shafeeco midna, gaaladuna waa iyaga daalimiinta."},{"id":255,"translation":"255. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha iyo Maamulaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Ma koobi karaan (uumankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu doono ma’ahee. Kursigiisu [71] wuu ka ballaadhan yahay samooyinka iyo arlada, mana cusleeyaan ilaalintoodu [72], waana Sarreeyaha weyn [73].","footnotes":"[71]. Kursiga waa halka cago dhigashada Alle Cazza Wajalla, mana jiro cid og sida uu yahay, waana inaan la isku khaldin Kursiga iyo Carshiga, Carshiga waa ka weyn yahay Kursiga oo wuxuu u yahay sida farraati yar ee lagu tuuray dhul hayjad ah. waxaa sidoo kale lagu fasiray Kursiga Cilmiga Alle. \n[72]. Nabigu s.c.w. wuxuu mar weydiiyey Ubay bin Kacab: Aayaddee baa u weyn Qur’aanka? Ubay wuxuu ku jawaabay: Alle iyo Rasuulkiisa baa iga sii ogsoon. Markaasuu Nabigu s.c.w. mar kale weydiiyey: Ubay wuxuu yidhi: Aayatul Kursi. Markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha kuu shifoobo cilmiga Abuu Mundirow. \n[73]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii akhrista Aayatul Kursi habeenka marka uu seexanayo wuxuu Alle u yeelaa malag waardiya ah oo ilaaliya, umana soo dhowaado shaydaan ilaa waagu baryo”."},{"id":256,"translation":"256. Ma jirto wax isku khasbid ah (aqbalaadda) diinta. Hanuunka waa mid si cad uga muuqda habowga. Ee qofkii ku gaalooba Daaquudka [74] oo rumeeya Alle, wuxuu ku dhagey guntin adag oo aan go’ayn. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.","footnotes":"[74]. Daaquud waa shaydaan iyo wax kastoo la caabudo Alle sokadi oo ku raalli ah arrinkaa."},{"id":257,"translation":"257. Alle waa waliga [75] kuwa rumeysan. Wuxuu kaga saaraa mugdiyada xagga Nuurka [76]. Kuwase aan (Xaqa) rumeysneyn gargaarayaashoodu waa shaydaammada Waxay kaga saaraan Nuurka xagga mugdiyada. Kuwaa weeye ehlu Naarka, gudaheeda bay ku dhex waari.","footnotes":"[75]. Wali waxaa halkan loola jeedaa difaace, taageere, gargaare, sokeeye, iwm.\n[76]. Nuurka waa mid oo waa Xaqa, halka mugdiyada badan yihiin sida shirkiga, gaalnimada, shakiga, nifaaqa, macaasida, iwm."},{"id":258,"translation":"258. Miyaadan u fiirsan kaa (Namruud) ee kala dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi, inuu Alle siiyey boqortooyo darteed? Markuu Ibraahiim yidhi: Rabbigay waa Kan bixiya nolol ee sababa dhimasho. wuxuu yidhi: Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho [77]. Ibraahiim wuxuu yidhi: Alle wuxuu qorraxda ka soo saaraa xagga bari ee adigu ka soo saar xagga galbeed. Markaasuu kaa gaaloobay amakaag aamusay. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).","footnotes":"[77]. Isagoo midna sii daayey midna dilay, wuxuuna sidaas u yidhi oo u yeelay ku jeesjees Ibraahiim c.s."},{"id":259,"translation":"259. Ama sida kaa (Cuzayr) ee soo ag maray magaalo, oo iyadu iskula soo kor duntay saqafyadeedii; wuxuu yidhi: Goorma buu Alle nooleyn tani dhimashadeeda kaddib? Markaasuu Alle sababay inuu mowtanaado boqol sano, markaasuu soo nooleeyey. Wuxuu yidhi: Intee baad negaatay? wuxuu yidhi: Waxaan negaaday maalin ama maalin gelinkeed. Wuxuu yidhi: Mayee, waxaad negaatay boqol sano, ee eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii, waayuhu ma doorin; eegna dameerkaagii, waxaanuna kaaga dhigaynaa calaamo dadka. Eeg lafaha, sidaan isugu soo ururinno, markaas aan u huwinno hilib; markay u caddaatay wuxuu yidhi: Waxaan ogahay inuu Alle wax walba Karo."},{"id":260,"translation":"260. (Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! I tus sidaad u nooleyso meytida. Wuxuu yidhi: Miyaadan rumaynin? Wuxuu yidhi: haayoo, laakiinse, inuu ku sii dego (Iimaanka) qalbigeyga. Wuxuu yidhi: Soo qaado afar shimbirood, oo jarjar, markaas dhig buur walba korkeeda qayb ka mid ah (googga'a) shimbiraha, markaas u yeedh, waxay kuu imaan iyagoo duulaya. Ogowna in Alle yahay Adkaade, Xakiim ah."},{"id":261,"translation":"261. Mataalka kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Alle, wa sida mataalka iniin bixisa toddobo madax, madax walba bixiyo boqol xabbo. Alle wuxuu u labo laabaa (ajarka) qofkuu doono [78]. Alle waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.","footnotes":"[78]. Waxaa ku soo arooray xadiis in Nabigu s.c.w. yidhi: \"Qofkii ku bixiya maal jidka Alle waxaa loo labo laabi toddobo boqol oo jeer.\""},{"id":262,"translation":"262. Kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Alle, markaas aan raacinin waxay bixiyeen waxtar sheegasho [79] iyo waxyeello midna, waxay abaalgudkooda ka heli Rabbigood agti, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.","footnotes":"[79]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma gali doono janno caasi waalidka, kan ugu faana dadka waxtar uu u sameeyey iyo abaal uu u galay ee sheegsheega, iyo khamriya cabka iyo beeniyaha Qaddarka. W.w. Axmad."},{"id":263,"translation":"263. Hadal san iyo saamaxaad baa ka roon sadaqo ay raacdo waxyeello. Alle waa Deeqtoone, Dulqaad Badan."},{"id":264,"translation":"264. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku burinnina sadaqooyinkiinna waxtar sheegasho iyo waxyeello, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro. Marka mataalkiisu wuxuu ka dhigan yahay sida sallax ciidi kor saaran tahay, oo uu helo mahiigaan roob ah oo markuu qaado soo baxo meel maran. Ma kari doonaan in waxba ay ku helaan waxay kasbadeen, Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada ah."},{"id":265,"translation":"265. Mataalka kuwa u bixiya maalkooda doonista Raalli gelinta Alle iyo sugitaanka nafahooda darteed, waa sida beer ku taal meel taag ah oo uu helo mahiigaan roob ah oo soo saarta midhaheeda labolaab. haddiise aanu helin mahiigaan roob weyn ah uu ku fillaado roob yar. Alle waxaad fashaan wuu Arkaa."},{"id":266,"translation":"266. Miyuu midkiin jecel yahay inuu lahaado beer timir iyo canab leh, oo ay hoostoodu qulqulayaan webiyo, oo ay ugu yaallaan midho kasta, oo da’i hesho, uuna leeyahay ilmo tabar yar, markaas ay ku dhacdo beertii xiisad dabeyl ah oo dab wadata oo ay gubato? Sidaasuu Alle idiinka dhigaa Aayadaha caddaan, si aad uga fikirtaan?"},{"id":267,"translation":"267. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxyaalaha wanaagsan aad kasbataan iyo waxaanu idiinka soo saarnay arlada, oo ha u kas bixinnina kiisa xun [80], oo idinkuba aydaan ku qaadateen indho damuuqsi maahee. Ogaadana inuu Alle yahay Deeqtoone, Ammaanan.","footnotes":"[80]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii sadaqeysta maal xaaraan ah lagama aqbalo, hadduu ka tagana maal xaaraan ah wuxuu ku noqon dab naareed”."},{"id":268,"translation":"268. Shaydaan wuxuu idiinku gooddiyaa faqri, wuxuuna idin amraa inaad ahaataan bakhayllo masuug badan; Allese wuxuu idiin ballan qaadaa denbi dhaaf Xaggiisa ah iyo deeq badan. Alle waa Deeq Ballaadhane, wax kasta Ogsoon."},{"id":269,"translation":"269. Wuxuu siiyaa xikmad qofkuu doono, qofkii la siiyona xikmad, waxaa la siiyey khayr tiro badan. ma xusuustaan 'arrinkaa' waxaan aheyn wax garadka."},{"id":270,"translation":"270. Waxaad bixisaanna oo sadaqo ah ama aad nadartaan oo nadar ah, Alle wuu ogsoon yahay. Daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci)."},{"id":271,"translation":"271. Haddaad u bixisaan sadaqooyinka si caddaan ah, waa hagaag, haddaadse qarisaan, oo aad siisaan fuqurada, waa sida idiin khayr badan. Waxaa la idiinku dhaafi wax ka mid ah camalladiinna xun. Alle waxaad fashaan waa u Xog Ogaal."},{"id":272,"translation":"272. Hanuunkoodu ma aha xil ku saaran, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Waxaad bixisaan oo khayr ah, idinka naf ahaantiinnay u roon tahay, oo idinku wax ha u bixinnina aan ahayn doonista Wajiga Alle. Waxaad bixisaan oo khayr ahna waa la idiin oofin si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmineyn."},{"id":273,"translation":"273. (Sadaqada) waxaa ugu mudan in la siiyo fuqarada u heegan xayirmay Jidka Alle (jihaadka), ee aan kareyn dhoof iyo dhaqdhaqaaq dhulka (ay xoogsi ku raadsadaan) midka aan aqooni uu moodayo inay hodan yihiin naf samaantooda awgeed iyo ka dhowrsigooda (baryada), waxaad ku garan kartaan astaamahooda, ma ay baryaan dadka sideedaba. Waxaad bixisaanna oo khayr ah, Alle wuu Ogsoon yahay."},{"id":274,"translation":"274. Kuwa bixiya maalkooda habeen iyo maalinba, qarsoodi iyo caddaanba, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan."},{"id":275,"translation":"275. Kuwa Ribada ku macaamila kama soo kacaan (qubuurahooda) waxaan aheyn sida mid uu sheydaan ku daandaanshay taabashadiisa u kaco [81]. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yidhaahdaan: Beecu wax kale maahee waa sida ribada. Alle wuu xalaaleeyey beeca oo xarrimay Ribada. Qofkii waano uga timaaddo Rabbigi markaa ka reebtooma, wuxuu leeyahay wixii horay uu u qaatay [82]; arrinkiisana waxaa go’aankiisa leh Alle (oo cafiyey); qofkiise u noqda (ribada), waa kuwaa kuwa ehlu Naarka ah, way ku dhex waari doonaan.","footnotes":"[81]. Riba qaataha ma xasilo, ma deggana, wuxuuna noqon sida qof waalan oo dhacdhacaya Maalinta Qiyaamaha. \n[82]. Intaan la xarrimin oo looma raacanayo. Ribadii la qaatay ka hor soo degidda Aayaddan way bannaan tahay inaan la soo celin."},{"id":276,"translation":"276. Alle ma barakeeyo Ribo, oo sababaa Sadaqooyinka inay bataan. Alle ma jecla mid kastoo abaal laawe ah, denbi badan."},{"id":277,"translation":"277. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo ooga salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan."},{"id":278,"translation":"278. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada oo iskaga taga waxa ka baaqi ah ribada (kor saarka), haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":279,"translation":"279. Haddiise aydaan falin sidaa, markaa ku tala gala dagaal uu idinku qaado Alle iyo Rasuulkiisu, haddaad tawbad keentaan, waxaad leedihiin raasumaalkiinna, waa inaydaan wax u dhimin (deyn qabaha) oo kor saar ka qaadan, idinkana waa inaan waxba la idinka dhimin (raasumaalkiinna ka mid ah) [83].","footnotes":"[83]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: \"Waxaan ku imid habeenkii israha iyo micraajka dad aad u caloolo waaweyn oo xaalad xun ku jira, waxaan idhi waa kuwama kuwaani? Malaggii wuxuu yidhi: waa kuwa qaata ribada.”"},{"id":280,"translation":"280. Haddii (deymeysanuhu) daneynsan yahay waa in laga sugo (deynta) intay uga fududaato (bixinteeda), oo inaad u dhaaftaan baa idiin khayr badan, haddaad ogaan lahaydeen [84].","footnotes":"[84]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa jirey nin ganacsade ah oo dadka wax amaahin jirey, markiise uu arko nin daneysan wuxuu odhan jirey: “U dhaafa oo iska cafiya si Alle noo cafiyo oo noogu denbi dhaafo, markaasuu Alle u denbi dhaafay.” w.w. Al-Bukhaari."},{"id":281,"translation":"281. Iska jirana Maalin (Qiyaamada) la idiin soo celin xagga Alle. markaas naf walba loogu oofin si dhan waxay kasabtay iyagoo aan la dulmineyn."},{"id":282,"translation":"282. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad kala deynsanaysaan deyn ilaa muddo magacaaban ah, qora. Hana idiinku kala qoro dhexdiinna qore si caddaalad ah. Oo yaanu qorahu diidin inuu u qoro sida uu Alle u baray, ee ha qoro, oo ha yeedhiyo (waxa la qorayo) kan xaqa (deynta) qaadan, oo ha dhowro (xilkuu saaray) Alle, Rabbigi, oo yaanu ka dhimin wax ka mid ah waxa lagu yeesho. Haddiise kan xaqa lagu leeyahay uu yahay mid makas ama daciif ah ama aanu awoodin inuu wax yeedhiyo, kan ugu dhow xigaalo ahaan ha u yeedhiyo si caddaalad ah, marag gashadana labo markhaati oo Raggiinna ka mid ah. Haddaanay joogin labo nin, marag gashada nin iyo labo haweenood oo aad ku raalli tihiin marag ahaan, si hadday middood u hilmaanto, ay u xusuusiso tan kale. Waa inaysan diidin markhaatiyadu haddii loogu yeedho (markhaati). Ha ka caajisina inaad qortaan (deynta aad kala qaadataan) ha yaraado ama ha badnaado ilaa muddadiisa la qabtay, tan baa caddaaladsan Alle agtiisa oo toosan markhaati ahaan, oo ugu dhow si loo reebo shakiyo dhexdiinna gala, inay tahay maahee ganacsi joogta ah oo aad isku dhaafsataan isla meeshaa dhexdiinna, markaa ma jiro wax eed ahi korkiinna haddaydaan qorin. Ee marag u yeela markaad wax kala gadanaysaan. Oo yaan loo geysan wax dhibaato ah qore ama markhaati midkoodna, haddaad fashaan (dhibaato) waa caasinnimo idinku jirta. Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle; Alle wax buu idin bari. Alle wax waliba wuu Og yahay."},{"id":283,"translation":"283. Haddaad safar tihiin oo aydaan helin qore, markaa ha la qaato rahan (curaar damaanad ahaan), haddiise uu midkiin aamino midka kale, markaa waa inuu kan la aaminay u guto ammaanadiisa (si daacad ah) oo ha ka cabsado Alle, Rabbigi. Hana qarinnina marag furka, qofkii qariya, qalbigiisu waa denbiile. Alle waxaad fashaan wuu Og yahay."},{"id":284,"translation":"284. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo wax ku sugan arlada, haddaad muujisaan waxa ku jira nafahiinna ama aad qarisaan, Alle wuu idin ku xisaabin, markaas wuxuu u denbi dhaafi qofkuu doono, oo u cadaabi qofkuu doono. Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":285,"translation":"285. Rasuulku wuxuu rumeeyey waxa lagaga soo dejiyey Waxyi ahaan xagga Rabbigi, oo (waa sidaas) mu’miniintu. Waxay kulligood rumeeyeen Allaah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa iyo Rusushiisa; Ma kala soocno midkoodna ka mid ah Rusu- shiisa dhexdooda, waxayna yidhaahdaan: Waanu maqallayoo adeecnay. Rabbigayow! Denbi Dhaafiddaada (yaanu kaa baryi), waana Xaggaaga meel noqodka dambe."},{"id":286,"translation":"286. Alle ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (denbi) kasabtay. Rabbigayow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbigayow! Ha na saarin culays sidaad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbigayow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur oo denbidhaaf, oo noo naxariiso [85]. Adigaa ah Gargaarahayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah [86].","footnotes":"[85]. Wuxuu Alle swt ku soo gunaanuday Suuraddan u tilmaamidda addoomahiisa sida loo baryo iyo waxyaalo u fiican inay ka baryaan, siduu ugu barayba suuradda Faatixada sida loo ammaano oo looga dalbo hanuun. \n[86]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waa ay ku filan tahay qofkii akhirsta habeenkii labada Aayadood ee u dambeeya Suuradda Al-\nBaqarah ”. Waxaa la yidhi waxay ugu filan tahay dhowris iyo xafidid, ama ka kaafisaa Salaatu Leylka."}]},{"id":3,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif – Laam - Miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1. \nAal Cimraan waa Suuradda seddexaad ee Musxafka, macnaha Aal Cimraan waa reer Cimraan. Cimraan waa qoyska Cimraan oo ah Maryam aabbaheed, Nabi Ciise hooyadi, nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.\nWaxaa jiray nin kale oo la odhan jiray Cimraan oo reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo ahaa Muuse iyo Haaruun C.S. aabbahood, laakiin qoyska Cimraan ee lagu xusay suuradda Al Cimraan waa qoyska Cimraan, Maryam aabbaheed iyo Ciise awoowgi."},{"id":2,"translation":"2. Allaah, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Noolaha Daa'inka ah, Daryeelaha waxa uunka jira oo dhan,"},{"id":3,"translation":"3. Wuxuu kuugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), Wuxuuna soo dejiyey Towraadda iyo Injiilka,"},{"id":4,"translation":"4. Kal hore, hanuunin dadka, oo wuxuu soo dejiyey Al-Furqaan (Qur’aanka). Hubaal kuwa aan rumeynin Aayaadaha Alle, waxay leeyihiin cadaab daran. Alle waa Adkaade, Aargoosi leh."},{"id":5,"translation":"5. Hubaal, Alle waxba kama qarsoona ku sugan arlada ama samada."},{"id":6,"translation":"6. Waa Kan idiinku sawira (qaab siiya) ilma galeennada siduu doono. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah."},{"id":7,"translation":"7. Waa Isaga Kan kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka), qaar ka mid ah Aayadahiisa xukunkoodu cad yihiin, waa iyaga aasaaska Kitaabka, qaar kalena waa kuwo isu eg (oo macno kala duwan leh). Marka ma kuwa ay quluubtoodu ku jirto weecashada, waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya inay wax ku habaabiyaan oo doonaya inay ka bixiyaan fasir iskood ah [2], umase cilmi laha fasirkiisa waxaan aheyn Alle. Kuwana ku xeel dheer cilmiga waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; dhammaantood iyagu waa xagga Rabbigayo. Mana \nxusuusataan oo waantoobaan wax garadka mooyee.","footnotes":"[2]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: \"Haddaad aragtaan dad ku murmaya Qur’aanka, ka digtoonaada waa kuwa uu Alle magacaabaye\"."},{"id":8,"translation":"8. Rabbigayow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay [3], noogana hibee xaggaaga Naxariis. Waxaad Adigu tahay Kan Deeq Bixinta Badane.","footnotes":"[3]. Nabigu s.c.w. wuxuu wax badan ku duceysan jirey: 'Allow gedgeddiyaha quluubtow, ku sug qalbigeyga diintaada'."},{"id":9,"translation":"9. Rabbigayow! Adigaa isu soo kulmin dadka Maalin aan shaki lahayn (waa Qiyaamada); Alle ma ka baxo Ballankiisa."},{"id":10,"translation":"10. Kuwa gaalooba waxba ugama taraan maalkoodu iyo ilmahooda Alle agtiisa; kuwaana weeyaan kuwa ah shidaalka Naarta."},{"id":11,"translation":"11. Waa sida caadadii reer Fircoon oo kale iyo kuwii ka horreeyay; waxay beeniyeen Aayadahayagii, markaasuu qabtay Alle duntuubtoodii darteed. Alle Ciqaabkiisu wuu daran yahay."},{"id":12,"translation":"12. Ku dheh kuwa gaalooba: Waa la idinka adkaan, waxaana la idinku soo kulmin wada jir Jahannama, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo."},{"id":13,"translation":"13. Waxaa idiinku sugan calaamo labadii ciidammood ee ku kulantay (dagaalkii Badar): Koox u dagaallameysay Jidka Alle darti, iyo tan kaloo gaal ahayd, waxay u arkeen labo jibbaarkood tiro ahaan xagga aragtida isha (inkastoo ay ahaayeen seddex jibbaarkood). Allena wuxuu ku xoojiyaa Gargaarkiisa qofkuu doono. hubaal arrinkani waxaa ugu sugan cibrad kuwa aragtida dheer leh."},{"id":14,"translation":"14. Waxaa loo qurxiyey dadka Jaceylka waxyaalaha naftu rabto, oo leh haween, ilmo, iyo kayd badan oo dahab iyo qalin ah (maal) iyo fardo laylan oo qurxoon (gaadiid fiican) iyo xoolo iyo dhul si fiican u beeran (iyo guryo waasic ah oo wanaagsan). Kaasi waa raaxada nolosha adduunkan; Allena waxaa agtiisa ah meel noqodka wanaagsan (Janno)."},{"id":15,"translation":"15. Dheh: Ma idiin sheegaa waxa ka fiican waxyaalahani? Waxay leeyhiin kuwa Alle ka cabsada ee iska jira (xumaha) - beero Rabbigood agtiis ah ay hoostoodu qulqulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood, iyo xaasas daahir ah iyo raalli ahaansho xag Alle ah. Alle wuu Arkaa Addoomihiisa."},{"id":16,"translation":"16. Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Waanu rumeynay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, nagana dhowr cadaabka Naarta."},{"id":17,"translation":"17. Ee ah kuwa samra, runlowyada ah, adeeca Alle, oo wax sadaqaysta, oo (Alle) weydiista denbi dhaaf waqtiyada suxuurta."},{"id":18,"translation":"18. Alle wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, malaa’igtuna (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga leh; Wuxuu (Alle) ku maamulaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah."},{"id":19,"translation":"19. Hubaal diinta Xaqa ahi Alle agtiisa waa Islaamka. Ismana khilaafin kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) markuu u yimid cilmiga mooyee, xasad dhexdooda ah darti. Qofkii ku gaalooba Aayadaha Alle, hubaal Alle waa degdeg xisaabtiisu dhaqso ah."},{"id":20,"translation":"20. Hadday kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan oo u hoggaansanahay Alle, waana sidaas qofkii I raaca. Ku dheh kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo kuwa ah mushrikiinta:Miyaad hoggaansameysaan? [4]. Hadday hoggaansamaan, markaa waa hanuunsan yihiin; haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), waxaa uun ku saaran Gaarsiin cad (ee Xaqa) lagula soo diray. Alle wuu arkaa addoomahiisa.","footnotes":"[4]. Marba hadday hoggaansamaan dadka ehlu kitaabka waxaa loo dhowraa xuquuqdooda iyo sharaftooda inkastoo ay jirto diiddadooda Xaqa, waase inay bixiyaan jizyo halkii sakada iyo difaaca laga rabo muslimiinta. Kaddib waxaa mas’uul ka ah ilaalintooda dawladda Islaamka."},{"id":21,"translation":"21. Hubaal kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle, oo u dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah [5]. Ugu bishaaree cadaab xanuun badan.","footnotes":"[5]. Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. yaa dadka ugu cadaab daran Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu yidhi: Qof dilay Nabi ama dilay qof faraya wanaag oo ka reebaya xumaan. W.w. Ibnu Abii Xaatim."},{"id":22,"translation":"22. Kuwaas waa kuwa ay burtay acmaashooda adduun iyo Aakhiraba, mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada)."},{"id":23,"translation":"23. Miyaadan arag (xaalka) kuwaa (Yuhuudda ah) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Towraadda)? waxaa loogu yeedhaa Kitaabka Alle si uu u kala xukumo dhexdooda, markaasay qaar ka mid ah jeesadaan iyagoo (Xaqa) diiddan."},{"id":24,"translation":"24. Waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Naar nama taabaneyso waxaan aheyn maalmo tirsan. Waxaana ku hoday diintooda waxay been abuuran jireen."},{"id":25,"translation":"25. Ee sidee bay ahaan markaan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin (Qiyaamada), naf walbana loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmayn?"},{"id":26,"translation":"26. Dheh: Allahayow! Kan Boqortooyada (runta ah) iska lahow, Waxaad siisaa boqortooyada midkaad doonto, oo ka qaaddaa boqortooyada midkaad doonto, waxaadna ciseysaa midkaad doonto, oo dulleysaa midkaad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayroo dhan. Hubaal Adigaa wax kasta Kara."},{"id":27,"translation":"27. Waxaad habeenka dhex gelisaa maalinta, maalintana dhex gelisaa habeenka, kana soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool [6]. Waxaadna arzaaqdaa midkaad doonto xisaab la’aan.","footnotes":"[6]. Mufasiriinta qaarkood waxay tusaale ugu soo qaateen wax nool wax dhintay ka soo bixidda shimbirka yar ukunta, iyo ukunta oo ka soo baxdo digaagadda."},{"id":28,"translation":"28. Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada sokeeye halkii mu’miniinta, qofkii sidaa fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Alle, inaad sidaa isaga ilaalineysaan mooyaane dhib xaggooda idiinka yimaada [7]. Alle wuxuu idiinka digi Naftiisa [8], xagga Alle baana lagu dambeyn.","footnotes":"[7]. Hadduu mu’minku ka baqo dhibaato ka soo gaarta cadow, waxaa u bannaan inuu iska yeelo inuu ku waafaqsan yahay cadowga waxay ku qasbayaan maadaama qalbigiisa iyo niyaddiisa ku lahayn wax saameyn ah, iimaankana ku xasilan yahay. \n[8]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma jiro axad ka qiiro badan Alle, sidaas daraadeed buu u xaaraanshay zinada, mana jiro axad ka jecel Alle in la ammaano oo loo xamdi iyo mahad naqo”."},{"id":29,"translation":"29. Dheh: Haddaad qarisaan waxa ku jira laabahiinna ama muujisaan, Alle wuu ogsoon yahay, wuxuuna ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":30,"translation":"30. Maalinta naf waliba heli waxay khayr fashay oo la hor keeno iyo waxay xume fashay, waxay jeclaan in dhexdooda iyada iyo xumahaa ay ahaan lahayd muddo dheer. Alle wuxuu idiinka digi Naftiisa. Alle waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay addoomahiisa."},{"id":31,"translation":"31. (Nabi Muxammadow) dheh: Haddaad Alle jeceshihiin, i soo raaca, Alle baa idin jeclaan oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":32,"translation":"32. Dheh: Adeeca Alle iyo Rasuulka (Muxammad). Haddayse jeesadaan, hubaal Alle ma jecla gaalada."},{"id":33,"translation":"33. Alle wuxuu hubaal ka doortay Aadam, Nuux, reer Ibraahiim iyo reer Cimraan ummadaha dhan dushood."},{"id":34,"translation":"34. Durriyad qaarkoodba ka yimid qaar, Alle waa wax kasta Maqle,wax kasta Og."},{"id":35,"translation":"35. (Xus, Nabiyow) markay marwadii Cimraan tidhi: Rabbiyow! Waxaan anigu kuu nadar galay in waxa ku jira uurkayga uu u madax bannaanaado (cibaadadaada) ee iga aqbal. Waxaad Adigu tahay wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon."},{"id":36,"translation":"36. Markiise ay dhashay waxay tidhi: Rabbiyow! Waxaan dhalay ilmo dheddig ah, Alle wuu ka ogaa (cid kale oo dhan) waxay dhashay – labkuna ma aha la mid dheddiga, waxaana u bixiyey Maryam [9], waxaana kaa magan gelinayaa iyada iyo durriyaddeedaba Shaydaanka la fogeeyay.","footnotes":"[9]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa u khayr badan haweenka caalamka afar: Maryama binti Cimraan, Aasiya marwadii Fircoon, Khadiija binti Khuwaylid, iyo Faadimah binti Rasuulilaah."},{"id":37,"translation":"37. Markaasuu Rabbigeed ka aqbalay aqbal fiican, kana yeelay inay korto koritaan wanaagsan, una dhiibay xilka daryeelkeeda Zakariya. Mar kastuu Zakariya ugu soo galo Mixraabka (si uu u arko) wuxuu ka helaa agteeda riziq. Wuxuu yidhi: Maryameey: Xaggee bay waxakani kaaga yimaadaan? Waxay tidhi: Waa xagga Alle. Hubaal Alle wuxuu u arsaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan."},{"id":38,"translation":"38. Halkaas buu Zakariya ku baryey Rabbigii, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga sii Xaggaaga ubad wanaagsan. Hubaal Waxaad tahay Maqlaha baryada."},{"id":39,"translation":"39. Waxaa u dhawaaqay malaa’igta isagoo taagan oo ku tukanaya Mixraabka: in Alle uu kuugu bishaaraynayo Yaxyaa, rumeynaya Eray xagga Alle ah (waa rumeyn Nabi Ciise), oo sharaf leh oo dhowrsoon oo Nabi ah ka mid ah kuwa wanaagsan."},{"id":40,"translation":"40. (Zakariya) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan wiil (ii dhasha) , anigoo da' noqday, haweentayduna ma dhaleys tahay? Wuxuu yidhi: Sidaasuu Alle u falaa wuxuu doono."},{"id":41,"translation":"41. Wuxuu yidhi: Rabbbiyow! Ii yeel calaamo. Wuxuu yidhi: Calaamaddaadu waa inaadan la hadlin dadka saddex maalmood tilmaamo ma’ahee. Oo xus Rabbigaa wax badan oo xurmo weynee oo tasbiixso galab iyo subaxba."},{"id":42,"translation":"42. (Xus) markay malaa’igtu tidhi: Maryameey! Alle wuu ku doortay oo ku daahiriyey, kaana doortay dumarka caalamka."},{"id":43,"translation":"43. Maryameey! Adeec Rabbigaa una sujuud, oo la rukuuc kuwa (Alle) u rakuuca."},{"id":44,"translation":"44. Kani waa wax ka mid ah wararka waxa aan muuqan ee Ghaybka ah ee aanu kuu waxyoonno (Nabiyow), lamana aad joogin markay qallamadooda tuuranayeen (si ay go’aan uga gaaraan) kooda kafaala qaadaya Maryam; lamana aad joogin markay isla doodayeen."},{"id":45,"translation":"45. (Xus) markay malaa’igtu tidhi: Maryameey! Alle wuxuu kuugu bishaaraynayaa Erey ka yimid Xaggiisa, magaciisuna yahay Al-Masiix, Ciisaa, ibnu Maryam, oo ku leh sharaf adduunkan iyo aakhiradaba, kana mid ah kuwaa ka ag dhow (Alle, Maalinta Qiyaamaha)."},{"id":46,"translation":"46. Wuxuu la hadli dadka isagoo ilmo dhashay ah oo dhabta saaran iyo isagoo gar madoobe ah, oo (ahaan) mid ka mid ah kuwa wanaagsan."},{"id":47,"translation":"47. Waxay tidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan wiil (ii dhasha) isagoo aanu nin i taaban? (Malaggii) wuxuu yidhi: Sidaasuu Alle u abuuraa wuxuu doono. Markuu arrin gooyo wuxuu uun ku yidhaahdaa Ahow, waana yahay."},{"id":48,"translation":"48. Wuxuuna bari (Ciise) qoraalka, Xikmadda, Towraadda iyo Injiilka."},{"id":49,"translation":"49. Waana Rasuulka ilmaha Israa’iil (isagoo ku dhihi): Waxaan idiin la imid Calaamo xagga Rabbigiin ah, waxaan idiinka sameyn dhoobo wax sida muuqaal shimbir leh, markaasaan afuufi oo ay noqon shimibir Idanka Alle. Waxaan bogsiin indhoolaha iyo baraslaha, oo soo nooleyn meytida Idanka Alle, waxaan idiinka warrami waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsataan guryihiinna. Arrinkani waxaa idiinku sugan calaamo, haddaad tihiin mu'miniin."},{"id":50,"translation":"50. Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey ee Towraadda ah, iyo inaan idiin xalaaleeyo qaar ka mid ah waxa la idinka xaaraameeyey. Waxaan idiin la imid calaamo xagga Rabbigiin ah. Ee Alle ka cabsada oo i Adeeca."},{"id":51,"translation":"51. Hubaal Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiin, ee caabuda Isagoo Keliya, waa kane Jidka Toosan."},{"id":52,"translation":"52. Markiise uu Ciise ka dareemay gaalnimo xaggooda, wuxuu yidhi: Yaa iigu gargaari xagga (diinta) Alle? Xawaariyiintii waxay yidhaahdeen: Annagaa ah gargaarayaasha (diinta) Alle; waxaanu rumeynay Alle, maragna ka ahow inaanu nahay Muslimiin."},{"id":53,"translation":"53. Rabbigayow! Waxaanu rumeynay waxa aad soo dejisey oo Waxyi ah, oo raacnay Rasuulka, ee nagu qor (naga dhig) la jirka markhaatiyada (Alle ee kuu hoggaansan)."},{"id":54,"translation":"54. Oo tab ayey dhigeen, Allena (sidoo kale) tab ayuu dhigay. Allaana ah Kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa."},{"id":55,"translation":"55. (Xus) markuu Alle yidhi: Ciisow! Waan ku oofsanayaa (seexin dhimasho la'aan) oo kuu soo kor yeelayaa Xaggeyga (jidh iyo ruuxba), oo kaa daahirin gaalada, oo ka yeeli kuwa kugu raaca (Towxiidka) kuwa ka sarreeya (Xujo ahaan) kuwa gaalooba tan iyo Maalinta Qiyaamaha. Markaas waa Xaggeyga meel noqodkiinna, waana idiin kala garsoori dhexdiinna waxaad isku khilaafsaneydeen."},{"id":56,"translation":"56. Ee ma kuwa gaalooba, waxaan cadaabi cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, mana leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci)."},{"id":57,"translation":"57. Kuwase (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, wuxuu u oofin abaalgudyadooda oo dhan. Alle ma jecla daalimiinta (gar diidka)."},{"id":58,"translation":"58. Kaa baan ku akhriyeynaa (Qur’aanka) oo Aayado ah iyo waano xikmad leh."},{"id":59,"translation":"59. Mataalka Ciise xagga Alle waa sida mataalka Aadam. Wuxuu ka abuuray carro, markaasuu ku yidhi: Ahow, wuuna ahaaday."},{"id":60,"translation":"60. (Kani) waa Xaq ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid noqon shaki qabeenka."},{"id":61,"translation":"61. Qofkii se kaala dooda arrinkan, kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kolkaa dheh: Kaalaya, aan u yeerno wiilasheenna iyo wiilashiinna, iyo dumarkayaga iyo dumarkiinna iyo kuwa dad noo xiga iyo kuwa dad idiin xiga, markaas aan baryootanno, inay Nacaladda Alle ku dhacdo kuwa ah beenalayaasha."},{"id":62,"translation":"62. Kuwani waa qisooyinka runta ah, oo ma jiro ilaah (xaq ah) aan ahayn Allaah. Alle waa Adkaadaha, Xakiimka ah."},{"id":63,"translation":"63. Hadday (Xaqa ka) jeesadaan, Alle wuu ogsoon yahay kuwa wax fasaadiya."},{"id":64,"translation":"64. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! U kaalaya Kelmed aan u simannahay ee noo dhaxeysa innaga iyo idinkaba, inaynaan caabudin cidna Alle maahee, iyo inaynaan la wadaajin (cibaadada) waxba, iyo (inaan) qaarkeen ka dhigan qaar kale rabbiyo ay la barbar caabudaan Alle. Hadday (Xaqa ka) jeesadaan, markaa dhaha: Ka markhaati ahaada inaan innagu nahay Muslimiin."},{"id":65,"translation":"65. Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga doodeysaan arrinka Ibraahiim, lamana soo dejin Towraadda iyo Injiilka isaga kaddib maahee? Ee miyeydaan wax fahmeyn?"},{"id":66,"translation":"66. Bal eega! Idinka weeye kuwa ku dooday waxaad aqoon u lahaydeen, Ee maxaad uga doodaysaan wax aydaan aqoon u lahayn? Alle baana ogsoon, idinkuse ma ogidin."},{"id":67,"translation":"67. Ma uusan ahayn Ibraahiim Yuhuudi ama Nasraani midkoodna [10], wuxuuse ahaa toosane, Muslim ah, kamana uu mid aheyn mushrikiinta.","footnotes":"[10]. Labada qoloba ee Yuhuudda iyo Nassarada (Kirishtaanka) waxay sheegteen in Ibraahiim uu ka mid yahay xisbigooda, markaasuu Alle ugu jawaab celiyey in Ibraahiim uu ahaa iyaga hortood."},{"id":68,"translation":"68. Kuwa u xiga Ibraahiim dadka waa kuwaa raacay, iyo Nabigaan (Nabi Muxammad) iyo kuwa rumeeyey (Muslimiinta). Alle waa Gargaaraha mu’miniinta."},{"id":69,"translation":"69. Qayb ka mid ah Ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay idin lumiyaan. Mase lumiyaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana."},{"id":70,"translation":"70. Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Alle idinkoo marag ah (og Xaqnimadooda)?"},{"id":71,"translation":"71. Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu dheeheysaan xaqa baadilka, oo u qarisaan xaqa idinkoo ogsoon?"},{"id":72,"translation":"72. Koox ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda) waxay yidhaahdeen: Rumeeya waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah kuwa rumeeyey (Muslimiinta) gelinka hore ee maalinta, kuna gaalooba aakhirkeeda, bal inay ka soo noqdaan 'diintooda' [11].","footnotes":"[11]. Xagga kuwa idin la diinta ah (Yuhuudda iyo Nasaarada) si ayan u gelin diinta islaamka, xagga muslmiintana horay idinla diinta ahaa si uu u daciifo iimaankooda oo ugu soo laabtaan gaalnimada."},{"id":73,"translation":"73. Hana aaminina cid aan aheyn kan isagu raaca diintiinna (iyo dhaqankiinna). Dheh: Hanuunka (xaqa ah) waa hanuunka Alle (Islaamka), (oo ma xasdeysaan) si aan cidna loo siin (cilmi) la mid ah kan la idin siiyey, ama si ayan idinkula doodin Rabbigiin horti. Dheh: Fadli oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Alle; Wuxuu siiyaa kuu doono. Alle waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon."},{"id":74,"translation":"74. Wuxuu u doortaa Naxariistiisa kuu doono. Alle waa Kan iska leh Fadliga Weyn."},{"id":75,"translation":"75. Waxaa ka mid ah Ehlul-Kitaabka (Yuhuudda) mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin; waxaana ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudeyn inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah 'nalagu eedeeyo' [12]; waxayna Alle ka sheegaan been iyagoo ogsoon.","footnotes":"[12]. Yuhuudda uma arkaan denbi inay khiyaameeyaan ama been u sheegaan dadka aan iyaga ahayn."},{"id":76,"translation":"76. Haayoo, qofkii oofiya ballankiisa ee ka cabsada Ilaahay, hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale)."},{"id":77,"translation":"77. Kuwa ku iibsada Axdiga Alle [13] iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma laha wax saami ah Aakhirada. Alle lama hadlayo, mana eegayo Maalinta Qiyaamaha, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.","footnotes":"[13]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii ku goosta maal qof Muslim ah xaq darro isagoo dhaar ku mari, wuxuu la kulmi Alle oo u cadheysan”w.w. Axmad."},{"id":78,"translation":"78. Waxaa ka mid ah (Yuhuudda) koox ku leexisa carrabyadooda Kitaabka (Towraadda) si aad u mooddaan inuu ka mid yahay Kitaabka, isagoon ka mid ahayn Kitaabka, waxayna yidhaahdaan: wuxuu ka yimid Xagga Alle isagoo aan ka iman xagga Alle, waxayna ka sheegaan Alle been iyagoo ogsoon."},{"id":79,"translation":"79. Kuma habboona qof inuu Alle siiyo Kitaab iyo Xukun iyo Nabinnimo, markaas uu ku yidhaahda dadka: Ii noqda addoomo halkii Alle; (wuxuuse halkii taa yidhaahdaa): Ahaada caabudayaal Rabbi, Kitaabka aad bareysaan dartiis, iyo waxaad akhrinaysaan."},{"id":80,"translation":"80. Idinmana amrayo inaad ka dhigataan malaa’igta iyo Nabiyada rabbiyo, ma wuxuu idin amrayaa gaalnimo intaad Muslimiin noqoteen kaddib?"},{"id":81,"translation":"81. (Xus) markuu Alle ka qaaday Nabiyada ballan adag [14]: waxaan idin siiyoba ee Kitaab iyo Xikmad ah, markaas idiin yimaado Rasuul xaqiijin waxaad haysataan, waa inaad rumeysaan oo u gargaartaan; Wuxuu yidhi: Ma qireysaan oo ma qaadeysaan wacadkay (arrinkan)? Waxay yidhaahdeen: Waanu qirnay. Wuxuu yidhi: Markhaati ka ahaada; Aniguna (sidoo kale) waxaan ahay la jirkiin mid ka mid ah markhaatiyada.","footnotes":"[14]. Anbiyadu waxay ballan kula galeen Alle in hadduu yimaado Rasuul magaciisu yahay Muxammad ay rumeyn oo u gargaari, ballantoodaasina waxay sidoo kale saaran tahay ummadahooda."},{"id":82,"translation":"82. Qofkii jeesada intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah caasiyaasha."},{"id":83,"translation":"83.Ma waxaan ahayn diinta Alle (Islaamka) bay rabaan (inay raacaan), Isagoo ay (Alle) u hoggaansan yihiin waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, oggolaan ama sandulleba, Xaggiisaana loo celin."},{"id":84,"translation":"84. Dheh: Waxaanu rumeynay Alle, iyo waxa nalagu soo dejiyey (ee Waxyi ah), iyo waxa lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo (Nabiyadii ahaa) firkiisa iyo waxa laga siiyey Muuse iyo Ciise iyo Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna. Innaguna Alleynu u hoggaansannahay."},{"id":85,"translation":"85. Qofkii doonana waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama aqbalayo, wuxuuna Aakhirada ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha."},{"id":86,"translation":"86. Sidee Alle u hanuunin qolo gaaloobay rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar diidka)."},{"id":87,"translation":"87. Kuwaasi abaalkoodu waa inay korkooda ahaato Nacladda Alle , iyo malaa`igta iyo dadkoo dhan."},{"id":88,"translation":"88. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, lamana siinayo nafis."},{"id":89,"translation":"89. Kuwa tawbad keena (xumo falkooda) kaddib oo wanaagsanaada mooyee. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":90,"translation":"90. Hubaal, kuwa gaalooba rumayntoodii kaddib, haddana kororsada gaalnimo, lagama aqbalo tawbadooda (ay sheegtaan), waana kuwaa kuwa lunsan."},{"id":91,"translation":"91. Hubaal, kuwa gaalooba oo dhinta iyagoo gaalo ah, lagama aqbalo midkoodna dhulka muggi oo dahab ah walow uu u isku furto. Kuwaa weeye kuwa leh cadaab xanuun badan, mana leh wax u soo gargaari (oo u shafeeci Aakhirada)."},{"id":92,"translation":"92. Marnaba ma haleeleysaan ajarka wanaagsan (ee lagu muto Jannada) jeer aad bixisaan wax ka mid ah waxaad jeceshihiin; waxaad bixisaanna oo wuxuun ah, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay."},{"id":93,"translation":"93. Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd Ilmahii Israa`iil, wixii uu Israa`iil (Nabi Yacquub) ka xaaraameeyay naftiisa maahee intaan la soo dejin Towraadda [15]. Dheh: Keena Tawraadda oo Akhriya, haddaad run sheegaysaan.","footnotes":"[15]. Kaddib soo degitaanka Towraadda waxaa Yuhuudda laga xaaraanshay cunitaanka qaar ka mid ah noocyada cuntada, ciqaab ahaan denbiyadoodii, magacyada waxaasi laga xaaraanshayna waxay ku qoran yihiin Towraadda, eeg suuradda An-Nisaa Aayadda 160 iyo Suuradda Al-Ancaam Aayadda 146."},{"id":94,"translation":"94. Qofkii ka been sheega Alle intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah daalimiinta."},{"id":95,"translation":"95. Dheh: Run buu sheegay Alle; ee raaca diinta Ibraahiim, toosnihii, kamana mid aheyn mushrikiinta."},{"id":96,"translation":"96. Xaqiiq, Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah [16], barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha [17].","footnotes":"[16]. Ehlu kitaabka waxay yidhaahdeen Beytkii ugu horreeyey ee loo cayimay cibaadada waa kan ku yaal Baytul Maqdas, markaasuu Alle u jawaabay. \nAbuu Dar a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan idhi: Rasuul Allow, Masjidkee u horreeyey masaajidda? Wuxuu yidhi: Masjidka xurmadda badan ee Makkah, waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Masjidka Al-Aqsaa ee Qudus. Waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Meeshii salaad kugu haleeshaba ku tuko dhammaan dhulka waa masaajide. W.w. Axmad.\n[17]. Eeg suuradda Al-Baqara Aayadda 125."},{"id":97,"translation":"97. Waxaa ku dhex yaal (Kacbada) calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. U xajinta beytkana (Kacbada) waa xil saaran dadka dar Alle, qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggiisa [18]. Qofkii beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle wuu ka kaaftoon yahay uumanka.","footnotes":"[18]. Qofkii awooda ee haysta sahay iyo gaadiid uu ku tago Xajka, ee isagu caafimaad qaba oo safarku aamin yahay ugana soo tagay masaariif ku filan reerkiisa."},{"id":98,"translation":"98. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Alle, Allena wuu u jeedaa waxaad fashaan?"},{"id":99,"translation":"99. Dheh: Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Alle kan rumeysan, waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Alle ma mooga waxaad fashaan."},{"id":100,"translation":"100. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin gaalo ahaan iimankiinna kaddib."},{"id":101,"translation":"101. Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Alle, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Qofkii si sugan u qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":102,"translation":"102. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka cabsada Alle ka cabsashada xaqa ah uu mudan yahay (oo u dhowra si dhan Amarradiisa), hana dhimannina idinkoo aan aheyn Muslimiin (kuwo u hoggaansan Alle)."},{"id":103,"translation":"103. Oo si sugan u qabsada (Xadhiga) Axdiga Alle (Islaamka) dhammaantiin, hana qaybsamina, xusuustana Nicmadda Alle dushiinna, waa tii idinkoo col isu ah, markaa isu furay quluubtiinna, ee aad Nicamaddiisa darteed ku noqoteen walaalo (is jecel); waxaadna qarka u saarnaydeen bohol Naar ah (khilaaf iyo dagaallo sokeeye), markaasuu idinka badbaadshay. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, inaad hanuuntaan."},{"id":104,"translation":"104. Ha idinka mid ahaato koox ku baaqda khayrka, amartana samaha oo reebta xumaha. Kuwaana weeye kuwa liibaani."},{"id":105,"translation":"105. Ha noqonnina sida kuwa kala qaybsamay oo iskhilaafay kaddib marka xujooyinka cad ay u yimaadeen. Kuwaana weeye kuwa leh cadaab daran."},{"id":106,"translation":"106. Maalinta wajiyo (qaar) ay nuurayaan, wejiyona ay madoobaan; kuwa ay wajiyadoodu madoobaadaan (waxaa lagu odhan): Ma waxaad gaalowdeen Iimaankiinnii kaddib? Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed."},{"id":107,"translation":"107. Kuwase ay wajiyadoodu nuurayaan, waxay dhex ahaan Naxariista Alle (Jannada) iyagoo ku dhex waari weligood."},{"id":108,"translation":"108. Kuwani waa Aayadaha Alle ee aan kuugu akhrinno (Nabi Muxammadow) xaq, Allena lama doono wax dulmi ah uumanka."},{"id":109,"translation":"109. Alle baana leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. xagga Allayna umuurahoo dhan u noqdaan."},{"id":110,"translation":"110. Waxaad tihiin (Muslimiintoy) tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, reebtaanna xumaha, oo rumeysan tihiin Alle. Haddayna ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen (Islaamka), waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah (oo islaamay), badankooduse waa caasiyaal."},{"id":111,"translation":"111. Idiinma geysan karaan waxyeello, dhib yar maahee; oo hadday idin la dagaalla- maan dhabarkay idiin jeedin, loona gargaari maayo."},{"id":112,"translation":"112. Dulli baa la raacshay dushooda meel kastoo laga helo (marka ma leh awood iyo magan gelyo), waxaan aheyn markay ku hoos jiraan axdi (magan) xagga Alle ah (iyagoo bixin jizyo), ama axdi (magan) xagga dadka ah, waxayna la noqdaan Cadho xag Alle ah, oo dar xumo baa la saaraay korkooda. Arrinkani waxaa ugu wacan inay diidaan Aayadaha Alle oo ku dilayeen Nabiyadii xaq darro. Arrinkani waxaa ugu wacan inay (Alle ku) caasiyaan oo xadgudbaan."},{"id":113,"translation":"113. Ma aha isku wada mid; waxaa ka mid ah ehlul Kitaabka koox toosan [19]; waxay akhriyaan Aayadaha Alle waqtiyada habeenka oo sujuudaan.","footnotes":"[19]. Waa ehlu kitaabkii islaamay."},{"id":114,"translation":"114. Waxay rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro; waxayna amraan samaha oo reebaan xumaha [20]; oo iskula tartamaan u degdegidda camallada khayrka, kuwaa waxay ka mid yihiin kuwa wanaagsan.","footnotes":"[20]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle baan ku dhaartee wanaaggaad amreysaan oo xumaantaad reebeysaan, ama wuxuu Alle idiin soo diri ciqaab Xaggiisa ah, markaasaad baryeysaan mase idinka aqbalayo baryada.”"},{"id":115,"translation":"115. Waxay falaan oo khayr ahna lagama dayrin doono abaalkooda; Alle wuu Og yahay kuwa ka cabsada ee iska jira (xumaha)."},{"id":116,"translation":"116. Hubaal, kuwa gaalooba wax ugama taraan maalkooda iyo awlaaddoodu midna xagga Alle. Waana kuwaa ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood."},{"id":117,"translation":"117. Mataalka waxay ku bixiyaan nolosha adduunkan waa sida dabeyl aad u qabow oo ku dhacda abuurka beer qolo gef u geystay nafahooda, oo baabbi’isa. Alle ma uusan dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyey."},{"id":118,"translation":"118. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina saaxiibbo hoose (sokeeyayaal, idinkoo la wadaagaya sirahiinna) kuwo kale aan idinka idin ka mid ahayn (Yuhuudda, Nasaarada iyo munaafiqiinta), oo aan ka gaabinayn inay dhibaato idiin geystaan. Waxay jecel yihiin waxa idin dhiba. Necbaan cad waxay horayba uga soo muuq baxday afafkooda, waxay laabahoodu qarsadaan baana weliba ka sii daran. Waxaan idiin caddeynay Aayadaha haddaad fahmeysaan."},{"id":119,"translation":"119. Eeg! Idinka baa jeclaada iyaga (qaraabo iyo deris ahaan darteed iyo muujintooda saaxiibtinnimo dusha ah xaggiinna), halkay iyagu idin jecleyn (oo idinku colaadiyaan diintiinna darteed), waxaadna rumeysan tihiin Kutubta Alle oo dhan (Towraadda, Injiilka, halkay ku gaaloobaan Qur’aanka). Markay idinla kulmaanna waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay. Markase ay yihiin keligood, waxay qaniinaan foodaha farahooda ciil ay idiin qabaan awgii. Dheh: U dhinta ciilkiinna. Hubaal, Alle waa Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka)."},{"id":120,"translation":"120. Hadday idin haleesho samo, waa ay murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday idinku dhacdona xumaani way ku farxaan. Haddiise aad samir yeelataan oo aad iska jirtaan (dhagartooda, Allena u hoggaansan tihiin, iskana ilaalisaan xumaha), tabtooda wax dhib ah haba yaraatee idiin ma geysan doonto. hubaal Alle wuu koobaa waxay fali."},{"id":121,"translation":"121. (Xusuuso) markaad (Nabiyow) ka kallahday ehelkaaga si aad u dejiso mu’miniinta fariisimo si ay u dagaal galaan [21]. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.","footnotes":"[21]. Dhacdadan waxay dhacday duullaankii Uxud sannadkii seddexaad ee hijrada siday sheegeen taariikhyahannada."},{"id":122,"translation":"122. Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan [22], Alle baana ahaa Gargaarahooda. Ee Alle uun ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniintu.","footnotes":"[22]. Waxay ahaayeen Banuu Salama oo qabiilka Khazraj ah, iyo Banuu Xaaritha oo qabiilka Aws ah, oo labadaba ka tirsanaa Muslimiinta."},{"id":123,"translation":"123. Wuxuu Alle idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee Alle ka cabsada, si aad u mahdisaan."},{"id":124,"translation":"124. (Xusuuso) markaad ku lahayd mu’miniinta: Miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo soo degi?"},{"id":125,"translation":"125. Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan (gaalada) iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri shan kun oo malaa’ig ah oo calaamadeysan."},{"id":126,"translation":"126. Uma yeelinna Alle (arrinkaas) waxaan ahayn bishaaro la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Guusha kama timaaddo waxaan aheyn xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah."},{"id":127,"translation":"127. Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah [23].","footnotes":"[23]. Kaddib markii laga dilay gaalada toddobaatan ka mid ah madaxdooda, oo laga soo qafaashay toddobataan kale."},{"id":128,"translation":"128.Waxba amarka kuma lihid 'Nabiyow' [24], ama wuu ka tawbad aqbali ama wuu ciqaabi, hubaal iyagu waa daalimiin.","footnotes":"[24]. Wuxuu Al Iimaam Al-Bukhaari ku xusay kitaabkiisa sababta soo degitaanka Aayaddan in Rasuulku Alle ka baryey inuu badbaadiyo mushrikiinta qaarkood oo halaago inta kale."},{"id":129,"translation":"129. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":130,"translation":"130. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii labo laabay, Allena ka cabsada aad liibaantaane."},{"id":131,"translation":"131. Iska jira Naarta loo diyaariyey gaalada."},{"id":132,"translation":"132. Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad) si la idiinku naxariisto."},{"id":133,"translation":"133. U degdega denbi dhaaf xagga Rabbigiin ah iyo Beer (Janno) ballaceedu le'eg yahay samooyinka iyo arlada, loo diyaariyey kuwa 'ka' dhowrsada 'xumaha'."},{"id":134,"translation":"134. Ee ah kuwa wax bixiya waqtiga ladnaanta iyo lurnaanta, iyo kuwa liqa cadhadooda, oo iska cafiya dadka. Alle wuu jecel yahay sama falayaasha."},{"id":135,"translation":"135. Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan nafahooda [25], xusuusta Alle, weydiistana in laga dhaafo denbiyadooda; yaa dhaafa denbiyada aan Alle aheyn, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxay faleen (oo denbi ah).","footnotes":"[25]. Waxaa loola jeedaa faaxishada denbiga weyn ee ciribta xun, cirib xumadiisana ku koobneyn falaha oo keliya bal saameysa dadka kale, sida zinada, xatooyada, ribada, waxaa se loola jeedaa dulminta nafta inaad fasho dunuub gef ah uu qofku ka galo naf ahaantiisa ha ahaado denbi yar ama mid weyn sida cabbitaanka khamriga, iwm."},{"id":136,"translation":"136. Kuwaa abaalgudkoodu waa denbi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero (Jannooyin) ay hoostoodu qulqulaan webiyo oo ay ku dhex waarayaan weligood, wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha."},{"id":137,"translation":"137. Waxaa jiray tusaalooyin idinka hortiin, ee mara dhulka oo fiirsha siday ku dambeysey cidhibta kuwa (Xaqa) beeniyay."},{"id":138,"translation":"138. Kanu (Qur’aanku) waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha)."},{"id":139,"translation":"139. Ha tabar yaraannina, hana murugoonnina, idinkaa sarreyn, haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":140,"translation":"140. Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa soo gaaray dhaawac la mid ah qoloda (gaalada) ah; waxaana ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, si uu Alle u muujiyo kuwa rumeysan, idiinkana sameysto shuhado. Alle ma jecla daalimiinta (gar diidka)."},{"id":141,"translation":"141. Waa si uu Alle u daahiriyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo u baabbi’iyo gaalada."},{"id":142,"translation":"142. Mise waxaad mooddaan inaad gali jannada isagoon Alle muujin kuwiinna jihaada [26] oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin samrayaasha?","footnotes":"[26]. Jihaadku wuxuu leeyahay macnooyin badan b. Jihaadka waa dadaal lala yimaado oo kor loogu qaadayo islaamka ee lagu difaacayo muslimiinta t.La jihaadka nafta j. Ku bixinta maalka danaha islaamka iyo muslimiinta x. Jihaadka tiridda fasahaadka iyo oogidda xaqa. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha jeclaannina la kulanka cadowga, ee weydiista Alle caafimaad, markaadse dagaal kula kulantaan cadowgiinna adkeysta oo ogaada in Jannadu tahay hooska seefaha."},{"id":143,"translation":"143. Waxaadna jecleydeen dhimashada (shaiidnimo) ka hor intaydaan la kulmin. waadna aragteen 'geerida' idinkoo eegaya."},{"id":144,"translation":"144. Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul (Alle), Waxaa tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto [27] ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Qofkii dib ugu gaddooma cirbihiisa, waxba uma dhimayo Alle. Alle waa u abaal gudi kuwa mahdiya.","footnotes":"[27]. Rasuulka Alle waa qof Aadmi ah uu soo diray Alle Rusul hortiis. Qaarkood la dilay, qaarna u dhinteen jirrooyin, sidaas oo kale Nabigu sc.w. wuu dhiman sida Rusushii horeba. Dagaalkii Uxud waxaa faafay warka dilidda Nabiga s.c.w. warkaasoo qas iyo qalalaase geliyey muslimiiintii, heer muslimiinta qaarkood ay magan weydiisteen Abuu Sufyaan oo ahaa markaas odayga Quraysh. Munaafiqiintiina waxay yidhaahdeen hadduu Muxammad ahaan lahaa Nabi lama dileen. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan si uu u dejiyo quluubta muslimiinta iyo jawaab celin ahaan waxay yidhaahdeen munaafiqiinta. (Saxiix Al- Bukhaari Baabka Jihaadka).\nAbuu Bakar a.k.r. wuxuu soo daliilsaday Aayaddan maalintii uu geeriyooday Nabiga s.c.w. si uu u dejiyo Cumar bin Al-Khaddaab iyo saxaabada qaarkood ee rumeysan waayey dhimashada Nabiga s.c.w. ( Saxiix Al- Bukhaari qaybta Taqwada Saxaabada)."},{"id":145,"translation":"145. Nafna ma dhimato Idanka Alle ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Qofkii raba abaalka adduunyadan, wax baan ka siin, qofkii rabana abaalka Aakhirada, wax baan ka siin. Waanu u abaal gudi kuwa (Alle) mahdiya (af, uur, iyo addinba)."},{"id":146,"translation":"146. Badanaa inta Nabi oo ay la jireen Rabbi yaqaanno dagaallami oo tiro badan. Marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Alle, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Alle wuu jecel yahay kuwa samra."},{"id":147,"translation":"147. Ma ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo dhaaf denbiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, noo sugna cagahayaga, noogana gargaar qoloda gaalada ah."},{"id":148,"translation":"148. Markaasuu Alle siiyey abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada (Janno). Alle wuu jecel yahay sama falayaasha."},{"id":149,"translation":"149. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi idinkoo khasaaro ku sugan [28].","footnotes":"[28]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Anigu barii baan ka ahay muslim kasta oo ku nool gaalo dhexdood. Waxay yidhaahdeen: Rasuul Allow? Sidee? Wuxuu yidhi: Waa inay is arkin labadooda dab. W.w. Abuu Daawuud."},{"id":150,"translation":"150. Mayee! Alle baa ah Gargaarihiin, Isagaana u wanaagsan gargaarayaasha."},{"id":151,"translation":"151. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaalooba, sababta la wadaajintooda Alle waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; hoygooduna waa Naar. Xumaa hoyga daalimiinta (gar ma qaatayaasha)."},{"id":152,"translation":"152. Dhabtii Alle wuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen [29] kaddib markuu idin tusiyey waxaad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, waxaana idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaasuu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Dhabtiina wuu idiin cafiyey. Alle wuu u Roon yahay mu`miniinta.","footnotes":"[29]. Ganayaashii wixii uu amray Nabiga s.c.w oo ahaa inay ku sugnaadaan meeshooda la amray wax kastoo dhaca."},{"id":153,"translation":"153. Markaad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, Rasuulkuna uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna [30], markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna [31], si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.","footnotes":"[30]. Muslimiinta kuma ayan guuleysan inay ka adkaadaan. \n[31]. Waxay muslimiintii ka xumaadeen inayan adeecin amarka Rasuulka s.c.w. taasoo ahayd sababta jabkooda. Marka hammiga hore wuxuu ahaa jabka loo geystey, hammiga kalena markii la yidhi waa la dilay Rasuulka Alle, taasoo uga darneyd jabkii soo gaaray."},{"id":154,"translation":"154. Markaas cidhiidhigaa kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, lulmo qabaneysa koox idinka mid ah [32], halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen [33], waxay ku maleeyeen Alle male xun aan xaq ahayn malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Arrin oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Alle. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn [34], iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan [35]. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, waana si uu Alle u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna. Alle wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha.","footnotes":"[32]. Muslimiinta lahaa yaqiinta xoogga leh.\n[33]. Muslimiintii shakiday. \n[34]. Ictiqaadka in Muxammad haddii uu yahay Nabi iyo Rasuul Alle aan looga adkaadeen dagaalka.\n[35]. Hadalkan wuxuu u jeedaa Nabiga s.c.w. iyo saxaabada jees jees ahaan, waayo waxay munaafiqiinta qabeen in Nabigu s.c.w. uusan aqoon u lahayn xeesha dagaalka, waayo wuxuu u baxay dagaal iyagoo muslimiinta tiro yar yihiin. markaasaa loogu jawaabay hadalkan."},{"id":155,"translation":"155. Xaqiiq, kuwii idinka midka ahaa ee dhabarka jeediyey maalintii labada col is-heleen (dagaalkii Uxud), Shaydaan uun baa doonay inuu sababo inay simbiriirixdaan waxoogay (denbi) ah oo ay kasbadeen awgeed. Allese wuu cafiyey. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan."},{"id":156,"translation":"156. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwa gaalada ah, oo ka yidhaahda walaalahood markay ku socdaalaan dhulka ama duullaan qaadaan: Hadday nala joogi lahaayeen ma dhiman lahayn lamana dili lahayn, waa si uu Alle uga dhigo tani arrin u keenta qoomamo daran quluubtooda. Alle baana bixiya nolol oo sababa dhimasho. Alle wuu arkaa waxaad fashaan."},{"id":157,"translation":"157. Haddii la idinku dilona Jidka Alle ama aad dhimataan, Denbi dhaaf xagga Alle ah iyo Naxariis baa ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah)."},{"id":158,"translation":"158. Haddaad dhimataan ama la idin dilo, hubaal Alle Xaggiisaa la idiin soo kulmin."},{"id":159,"translation":"159. Sidaas waa Naxariista Alle darteed inaad ula dhaqanto si nugul, haddaad ahaan laheydna mid qallafsan, qalbi adag, waxay ka kala yaaci lahaayeen hareerahaa- ga; ee iska cafi oo u denbi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, markaad goosato arrinna isku hallee Alle. Alle wuu jecel yahay kuwa isku halleeya oo tala saarta."},{"id":160,"translation":"160. Hadduu Alle idiin gargaari, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; hadduu idinka goostona, waa kuma kan idiin gargaari Isaga ka dambow? Alle uun ha isku halleeyeen mu’miniintu oo ha tala saarteen."},{"id":161,"translation":"161. Kama suurowda Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), qofkiina wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama mid qaran) wuxuu keeni waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha [36]. Waxaana naf walba loogu oofin si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.","footnotes":"[36]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Yaan garan midkiin oo imaan Qiyaamada isagoo xambaarsan riti ciyi (xoolo ama maal booli ah) markaasuu odhan: Muxammadow, Muxammadow, waxaan ku odhan: Waxba kuuma qaban karo waa ku soo gaarsiiyey inaad iska ilaaliso maal xaq darro iyo xoolo booli ah."},{"id":162,"translation":"162. Ma mid raaca Raalli gelinta Alle baa la mid ah kan mutaysta Cadhada Alle, hoygiisuna yahay Jahannama, oo u xun meel la ahaado."},{"id":163,"translation":"163. Waxaa jira darajooyin (kala duwan) Alle agti. Alle wuu arkaa waxay fali."},{"id":164,"translation":"164. Alle wuxuu ku manneystay (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul ka mid ah (Nabi Muxammad), u akhriyaya Aayadihiisa, daahirinaya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor ay ku sugnaayeen habow cad."},{"id":165,"translation":"165. Ma markay idinku dhacday dhibaato, iyadoo idinkuba aad ku dhigteen (gaalada) labo laabkeed ayaad billowdeen inaad tidhaahdaan: Xaggee buu nooga yimid arrinkani? Dheh: Waa xagga nafahiinna. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":166,"translation":"166. Waxa idinku dhacay maalintay labada col isku heleen (Uxud), waa Idanka Alle, iyo inuu muujiyo mu’miniinta."},{"id":167,"translation":"167. Iyo inuu muujiyo munaafiqiinta oo lagu yidhi: Kaalaya, U dagaallama Arrinka Alle amaba difaaca nafahiinna. Waxay yidhaahdeen: Haddaanu naqaan dagaal, waa idin raaci lahayn. Waxay ahaayeen maalintaas, kuwa uga dhow gaalnimo iimaanka. Waxay ka yidhaahdaan afafkooda waxaan ku jirin quluubtooda. Allena wuu Og yahay waxay qarin."},{"id":168,"translation":"168. Kuwa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Ka dhawra nafahiinna dhimashada, haddaad run sheegaysaan."},{"id":169,"translation":"169. Ha moodina kuwa lagu dilay Arrinka Alle meyti, Mayee, way nool yihiin, oo Rabbigood agtiisa lagu arzaaqaa."},{"id":170,"translation":"170. Iyagoo ku faraxsan waxa uu Alle ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin [37], inaanay cabsi ahaaneyn dushooda oo aanay murugoonayaan.","footnotes":"[37]. Asxaabtooda nool ee weli u jihaadayey jidka Alle."},{"id":171,"translation":"171. Waxay ku faraxsan yihiin Nicmad xag Alle ah iyo Deeqdiisa darteed, iyo inaanu Alle dayaceyn ajarka mu’miniinta."},{"id":172,"translation":"172. Kuwii (ku) ajiibay (Uxud) Alle iyo Rasuulka kaddib intuu soo gaaray dhaawacu; kuwooda ka mid ah ee sama falay oo amarka qaatay, waxay leeyihiin ajar weyn (Janno)."},{"id":173,"translation":"173. Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse u kordhisay Iimaankoo- da, waxayna yidhaahdeen: Alle baa nagu filan, Isagaana u fiican wakiil."},{"id":174,"translation":"174. Markaasay la noqdeen Nicmo xag Alle \nah iyo Deeqdiisa, oo ma aanay taaban xumaato waxayna raaceen Raalli gelinta Alle. Alle waa Kan leh Galadda iyo Deeqda aad u weyn."},{"id":175,"translation":"175. Waa uun Shaydaanka kan idinku bajiya xulafadiisa ee ha ka cabsannina, ee Anigoo Keliya (waa Alle'e) iga cabsada, haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":176,"translation":"176. Oo yey ku murugo gelin kuwa ugu dhaca gaalnimada si degdeg ah [38]; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Alle marnaba. Alle Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax saami ah Aakhirada, waxayna leeyihiin cadaab daran.","footnotes":"[38]. Xaalka munaafiqiinta ku dhex jira muslimiinta."},{"id":177,"translation":"177. Kuwa siistay gaalnimo qiimaha Iimaanka, waxba kama dhimayaan Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan."},{"id":178,"translation":"178. Yey gaaladu moodin in u dib dhigiddeyda (Ciqaabka) ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan denbiyo, waxayna leeyihiin cadaab dulleysa."},{"id":179,"translation":"179. Sinnaba Alle ugama tagayo mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Mana aha Alle mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, wuxuuse Alle ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa. haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad leedihiin ajar aad u weyn (Janno)."},{"id":180,"translation":"180. Yey moodin kuwa ku bakhayla bixinta wuxuu Alle siiyey oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha [39]. Alle baana iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.","footnotes":"[39]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Addoonkaan bixin sakada, maalkiisa waxaa laga dhigi Qiyaamaha mas bara leh oo raacaya, markaasuu ka carari oo raacayaa isagoo leh: Waxaan ahay kaydkaagii, markaasuu Aayaddan akhriyey. W.w. Axmad."},{"id":181,"translation":"181. Dhab ahaan wuu maqlay Alle odhaahda (Yuhuuddii) yidhi: Alle waa faqiir innagaana hodan ah. Waanu qori waxay yidhaahdeen iyo ku dilkoodii anbiyada gar darro, oo waxaanu odhan: \"Dhadhamiya Cadaabka Gubashada.\""},{"id":182,"translation":"182. Waxakani waa waxay gacmihiinnu horay u geysteen (oo denbiyo ah) iyo sababta inaanu Alle ahayn mid ku gardarrooda addoomaha."},{"id":183,"translation":"183. (Kuwaas weeye) kuwii yidhi, Alle wuxuu nagula ballantamay inaanaan rumeyn Rasuulna jeer uu noo keeno qurbaan uu dab (cirka ka yimaada) cuno. Dheh: Waxay idiinla yimaadeen Rusullo iga horreeyey xujooyin cad iyo waxaad dalabteenba, ee maxaad u disheen haddaad run sheegaysaan?"},{"id":184,"translation":"184. Hadday ku beeniyaan sidaa oo kale baa loo beeniyey Rusul kaa horraysay, oo la yimid xujooyin cad, Qoraallo iyo kitaab iftiimaya."},{"id":185,"translation":"185. Naf walba waxay dhadhamin dhimasho, waxaa uun la idiin oofin ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada wuu liibaanay. Ma aha nolosha adduunka waxaan ahayn raaxo lagu dagmo."},{"id":186,"translation":"186. Waan idinku imtixaami maalkiinna iyo nafahiinnaba, waxaadna xaqiiq ka maqleysaan kuwa la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo xagga kuwa ah mushrikiinta hadal badan oo idin dhiba, haddaad samir yeelataanna oo Alle u hoggaansantaan, hubaal, arrinkaas waa ka mid umuuraha la go’aansado."},{"id":187,"translation":"187. (Xus, Nabiyow) markuu Alle la galay axdi (ku cad Towraadda) kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), inaad u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin 'imaanshaha Nabi Muxammad' [40], waxayse ka tuureen dhabarradooda gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxay iibsan.","footnotes":"[40]. Waxaa ka mid ah waxyaalaha ay qariyeen wixii ku tacalluqay sifaadka Nabi Muxammad s.c.w ee ku xusan kutubtooda."},{"id":188,"translation":"188. Ha moodina in kuwa ku farxa waxay la yimaadeen, oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin - ha moodina inay ka badbaadayaan cadaabka, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan."},{"id":189,"translation":"189. Alle baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba. Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":190,"translation":"190. Xaqiiq, abuurista samooyinka iyo arlada iyo isbeddelka habeenka iyo maalinta, waxaa ugu sugan calaamooyin wax garadka."},{"id":191,"translation":"191. Kuwa xusa Alle joog iyo fadhi iyo iyagoo u jiifa dhinacyadoodaba, kana fekera abuurista samooyinka iyo arlada: Rabbigayow! Uma aadan abuurin waxakani baadil, Adigaa ka hufan (xumaan) oo xurmoo dhan leh, ee naga badbaadi cadaabka Naarta."},{"id":192,"translation":"192. Rabbigayow! Qofkii aad geliso Naar, xaqiiq waa dulleysay, daalimiintuna ma leh (Aakhirada) gargaarayaal (iyo shafeecayaal midna)."},{"id":193,"translation":"193. Rabbigayow! Waxaanu maqallay baaqe (Nabi Muxammad) ku baaqaya Iimaanka (oo leh): Rumeeya Rabbigiin, markaasaan Rumaynay. Rabbigayow! Ee noo dhaaf dunuubtayada,oo noo astur xumayaalkeenna, na oofsana la jirka baarriyiinta."},{"id":194,"translation":"194. Rabbigayow! Na sii waxaad noo ballan qaadday ee Rusushaadu na soo gaarsiisay oo hana dulleyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu ballanka kama baxdide."},{"id":195,"translation":"195. Markaasuu Rabbigood ka aqbalay (ducadoodii oo yidhi): Anigu ma dayaco camalka uu mid idinka mid ah falo, ha ahaado lab ama dheddig, midkiin walbaa uu ka ahaaday midka kale, ee kuwa iyagu soo haajiray, ee looga soo saaray guryahooda debedda, ee loogu dhib geystey Arrinkayaga (Islaamka darti), ee dagaallmay ee loo dilay Dartay, Waxaan asturi xumayaalkooda, waxaana gelin beero ay qul-qulaan hoostoodu webiyo; Abaalgud xagga Alle ah, Alle baana haya oo weliba baxsha abaalgud wanaagsan."},{"id":196,"translation":"196. Yaanay ku dagin galoo baxa kuwaa gaalada ah magaalooyinka cabsi la’aan."},{"id":197,"translation":"197. Waa raaxo yar; kaddibna hoygoodu waa Jahannama; oo ugu xun gogol la yeesho."},{"id":198,"translation":"198. Kuwase dhowra (Amarrada) Rabbigood, waxay leeyihiin beero (Jannooyin) ay qul-qulaan hoostooda webiyo, oo ay ku dhex waarayaan weligood, marti qaad uu u fidiyey Alle; waxa Alle agti ah baana u khayr badan kuwa baarriga ah."},{"id":199,"translation":"199. Ehlul Kitaabka waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Alle, iyo waxa la idiin soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka), iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah (Towraadda iyo Injiilka), una khushuuca Alle, oo aan ku iibsan Aayadaha Alle qiimo yar. Kuwaa waxaa u sugnaaday ajarkooda Rabbigood agtii; hubaal Alle wuu ku Dhaqso Badan yahay xisaabinta."},{"id":200,"translation":"200. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan [41], Allena ka cabsada aad liibaantaane.","footnotes":"[41]. Idinkoo ku sugan rugahiinna oo ka ilaalinaya cadowga dhulka Islaamka, ama ku sugan masaajidda idinkoo sugaya salaadaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Naari ma taabato labo indhood, il u oyday cabsi Alle iyo il u soo jeedday ilaalinta xuduudaha Muslimka."}]},{"id":4,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray lammaankeeda (Xawwaa), kana tafiirmay xaggooda rag tiro badan iyo haweenba; oo ka cabsada Alle ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), (dhowrana xaqa) qaraabada [1]. Hubaal Alle waa idin dhowri oo u jeedaa (acmaashiinna oo og yahay).","footnotes":"[1]. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: \"Ma galo janno qof qaraabo goys ah\"."},{"id":2,"translation":"2. Siiya agoomaha maalkooda, hana kaga beddelannina (waxyaalo) xun oo liita (aad leedihiin) waxooda wanaagsan; hana ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Arrinkaa hubaal waa denbi weyn."},{"id":3,"translation":"3. Haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo, seddex iyo afarba. Haddaadse ka cabsataan inaydaan u caddaalad falin [2] markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya [3] ama waxay gacmahiinnu midig hantaan [4]. Arrinkaa baa u dhow inaydaan dulmi falin.","footnotes":"[2]. Caddaaladda waxaa loola jeedaa waxay u baahan tahay xaaska xagga masruufka, marashada, degaanka iyo hoyaadka, gogosha, iwm ee arrimaha muuqda ama qarsoon.\n[3]. Islaamku wuu banneeyey guursiga wax ka badan hal xaas, wuxuuse ku xiray shuruud ay ka mid yihiin inuu qof u leeyahay awood inuu dhaqi karo oo dhaqaale u heysto, iyo inuu ogaado cadaaladda. Ka hor inta ayan soo degin Aayaddan way jirtay guursiga wax hal xaas ka badan , waxay xitaa anbiyo Alle isla guursadeen dumar aad u baan oo boqollaal gaara, Aayaddanse waxay oggolaatay inuu ninka guursan karo oo keliya ilaa afar xaas hadduu ka soo bixi karo shuruudda lagu xiray guursiga wax hal xaas ka badan.\n[4]. Addoon iyo addoonsiga sidan ah ma jiro waqtigan bal waa laga mamnuucay caalamka, oo waxay jirtay waayihii hore."},{"id":4,"translation":"4. Siiya haweenka meherradooda siismo waajib ah idinkoo ku niyad san, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherka), markaa ku qaata wanaag iyo kal samaan."},{"id":5,"translation":"5. Ha siinnina makasta (aan maamuli karin) maalka uu Alle idiinka dhigay waxaad ku nooshihiin [5], kase quudiya oo uga arrad tira, kulana hadla hadal wanaagsan oo gar ah.","footnotes":"[5]. Makas, waxaa halkan loola jeedaa agoonka aan qaan gaarin ama qofka aan si fiican u maamuli karin maalkiisa. Inkastoo uu yahay maalkooda, Alle wuxuu ka dhigay wadar isagoo ina xusuusinaya in maalka oo dhan uu Isagu yahay kan bixiyey si loogu daryeelo ummadda wadar iyo waaxidba."},{"id":6,"translation":"6. Imtixaama agoomaha markay gaaraan Guur; haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, hana u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, qofkiise fiqiir ah, (wax) ha ka cuno si la garwaaqsan karo. Markaad u dhiibeysaanna maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; Allena waa ku filan yahay xisaabiye ahaan."},{"id":7,"translation":"7. Ragga waxay saami ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan (oo maal dhaxal ah). Haweenkuna waxay saami ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan - ha yaraado ama ha badnaado; qayb cad."},{"id":8,"translation":"8. Hadday joogaan qaybta qaraabo, agoomo iyo masaakiin (aan dhaxalka wax ku lahayn) wax ka siiya [6], kulana hadla hadal san oo naxiiriis leh.","footnotes":"[6]. Siismo aan ka badnayn seddex meeloodoo meel maalka laga tagay ee dhaxalka. Waana in marka hore la bixiyo deymaha. Marka deymaha la bixiyo iyo wixii uu mowtanaha ka daraarmay, inta soo hartay baa waxaa loo qaybinayaa warasda si waafaqsan sharciga. Qof dhaxalka wax ku lehna oo warasada ka mid ah si gaar ah wax looguma dardaarmi karo."},{"id":9,"translation":"9. Hana u baqaan (siday tooda ugu baqi lahaayeen) kuwa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan.Ee ha ka cabsadeen Alle, hana ku hadleen hadal toosan oo abbaar ah."},{"id":10,"translation":"10. Kuwa ku cuna maalka agoomaha xaq darro,waxay uun ku cuni caloolahooda dab, waxayna gali oo ku guban dab huraya."},{"id":11,"translation":"11. Alle wuxuu idiin dardaarmi (wanaajinta iyo daryeelka) carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay saami u dhigma labo dheddig [7]; haddayse yihiin haween labo ka badan, waxay leeyihiin saddex meelood labo meel wuxuu ka tagey mowtanaha ee dhaxal ah; hadday tahay mid keliya, waxay leedahay kala bar oo bar. Labadiisa waalid mid walbaa wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel waxa dhaxal laga tagey, haddii mowtanaha uu leeyahay ilmo, haddaanuse lahayn ilmo – oo ay dhaxlayaan (oo keliya) labadiisa waalid, markaa hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; hadduu se leeyahay walaalo, hooyadi waxay leedahay lix meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka wuxuu ka dardaaramay [8] ama deyn (lagu leeyahay). Ma ogidin aabbayaashiin ama ilmahiinna kooda idiinku dhow waxtar ahaan. Waa faral uu qaddaray Alle [9]. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.","footnotes":"[7]. Labku wuxuu leeyahay saamiga labo dheddig, waayo waajibaadka iyo xilalka saaran ninka baa ka badan haweenta, sida bixinta meherka, masruufka iyo marashada reerkiisa, iwm. Eeg Suuradda An-Nisaa.\n[8]. Isagoo aan ku waxyeeleyn cidna sida: a-Inuu ku dardaarmo wax ka badan seddex meeloodoo meel maalka dhaxalka. b- inuu dardaarmo isagoo ugala jeedo inuu yareeyo maalka warasada, xitaa hadduu ka dardaarmo wax ka yar seddex meeloodoo meel hadduu ugala jeedo inuu yareeyo xuquuqda warasada, taasina ma bannaana. \n[9]. Waxaa loogala jeedaa saamiyada dhaxalka."},{"id":12,"translation":"12. Waxaad (raggow) leedihiin kala bar oo bar waxay ka tagaan xaasaskiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meeloodoo meel waxay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxay ka dardaarmeen ama deyn. (Xaasaskiinnuna) saamigooda dhaxalka waa afar meeloodoo meel waxaad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meeloodoo meel waxaad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxaad ka dardaaranteen ama deyn. Hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi saddex meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn [10]. Waa Amar ka yimid Alle. Alle waa wax kasta Oge, Dulqaad badan.","footnotes":"[10]. Inaad u dardaarantaan. Waayo oo keliya qaraabadaa lagu xusay aayadaha 11aad, 12aad baa dhaxla saamiyo go’an. Arrinkani waa shardiga ku xiran dardaaran kasta. Hadduu xadgudub sameeyo mowtanaha, waa in dardaarankiisa aan la fulin, ama waa inuu hagaajiyaa fuliyaha dardaaranka. Eeg Q2: 182."},{"id":13,"translation":"13. Kuwakani waa xuduudaha Alle, qofkii adeecaa Alle iyo Rasuulkiisa wuxuu gelin beero (Jannooyin) ay qulqulaan hoostoodu webiyo, oo ay ku dhex waari; waana taas liibaanta weyn."},{"id":14,"translation":"14. Qofkiise ku caasiya Alle iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, Wuxuu gelin Naar isagoo ku dhex waaraya weligi; wuxuuna leeyahay cadaab dulleysa."},{"id":15,"translation":"15. Kuwa la yimaada xumaan (zino) oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, hadday ku marag furaan [11], markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Alle jid u yeelo [12].","footnotes":"[11]. Markhaatiyada waa inay ku dhaartaan inay dhab ahaan arkeen ficilkaa oo lagu gudo jiro. \n[12]. Inuu Alle waddo u sameeyo waa tilmaan soo degidda suuradda An-Nuur, Q 24: Aayadda 2aad ee xadka zinada. Waxaana lagu nasakhay xukunka aayaddan. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: «Iga qaata: Labada bikrada ah aan horay u guursan ee zineysta ciqaabtoodu waa boqol jeedal iyo ka saaritaan degaanka, labada wax soo guursatayna ama xaas ah markaa oo zineysta waa boqol jeedal iyo in dhagax lagu dilo.» W.w. Muslim."},{"id":16,"translation":"16. Labadii la yimaada xumaan [13] ee idinka mid ah ciqaaba. Hadday tawbad keenaan oo wanaagsanadaan ka jeesada xaggooda. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[13]. Badi mufasiriinta waxay ku fasiraan zinada, waxaa sidoo kale soo galaya ninka oo nin u taga iyo naagta oo naag u tagta."},{"id":17,"translation":"17. Sideedaba Alle wuxuu aqbalaa tawbada kuwa u fala xume aqoon darri [14], ee kolkiiba ka soo laabta, Kuwaana weeye kuwa uu Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.","footnotes":"[14]. Qof kastoo Alle ku caasiya waa jaahil ilaa uu ka tago macsidaas."},{"id":18,"translation":"18. Uma furna tawbad kuwa isaga sii socda xume falidda ilaa markay geeri u timaaddo midkood uu yidhaahdo: Hadda ayaan tawbad keen ahay, iyo kuwa dhinta iyagoo gaalo ah midna. Kuwaas waxaan u diyaarinnay cadaab xanuun badan."},{"id":19,"translation":"19. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Idiin ma aha xalaal inaad ku qaadataan haweenka dhaxal si khasab ah iyagoo dooneyn [15], hana xayirina si aad uga qaadataan qaar ka mid ah waxaad siiseen inay la yimaadaan xumaan cad maahee. Oo ula dhaqma (xaasaska) si wanaagsan oo jaceyl leh. Haddaad nacdaanna waxaa suurowda inaad nacdaan wax, uu Alle yeeli dhexdiisa khayr badan.","footnotes":"[15]. Aayaddan loola ma jeedo in dhaxlidda haweenka qasbid la’aan ay bannaan tahay hadday doonayaan. Waagii jaahiliyadda hadduu nin ka dhinto xaaskiisa, waxaa arka xigaaladiisa sida walaalki ama ina adeerki iwm inuu kaga xaq badan yahay xaaskiisa nin kale oo dhan, oo wuxuu ka ilaashaa qeyrki ha jeclaato ama yeysan jeclaan, hadduu jecleysto wuxuu ku guursadaa meherkii uu isagu doono isagoo aan iyada oggolaansho ka helin, hadduusan jecleysanna waa uu xayiraa oo uma guuriyo waxaan ahayn ninkii uu isagu doono, marmarna waxaaba dhici jirtay inuu u diido inay guursato ilaa ay wax ka siiso dhaxalkii ninkaa dhintay ay qaraabada yihiin ama meherkeeda, haddii kale inuusan u guurineyn. Aayaddan waxaa ku cad in ninka dhintay warasadiisa ayan uga xaq lahayn ragga kale guursigaa haweentiisa uu ka dhintay iyo dhaxliddeed, iwm."},{"id":20,"translation":"20. Haddaad doontaanna inaad ku beddelataan xaas meesheed xaas kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah?"},{"id":21,"translation":"21. Sidee baad uga qaadaneysaan idinkoo isu galmooday, oo ay idinka qaadeen axdi adag?"},{"id":22,"translation":"22. Ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma’ahee. Arrinkani waa xumaan iyo wax aad loo naco, oo u xun jid."},{"id":23,"translation":"23. Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin [16] iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga [17] oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan [18], wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan [19].","footnotes":"[16]. Hooyooyinkiin: sida hooyo, hooyo hooyadeed, ayeeyo hooyadeed, ku wad, gabadhahiinna : sida gabadha aad dhashay iyo wiilka aad dhashay gabadhi iyo gabadheed, ku wad, \n[17]. Rabaa’ib gabdhaha xaasaskiinna ee gurigiinna jooga, waxay badi mufasiriinta qabaan inay sidoo kale soo galayaan rabaabita aan guryahooda joogin. \n[18]. Islaamka ka hor. Kaddib markuu Alle soo dejiyey Aayaddan, waxaa la amray ragga inay sii daayaan dumarkaa aan xalaasha u aheyn sida xaaska aabbihi, hadduu isla qabo labo gabdhood oo walaalo ah waa inuu mid sii daayo, ama hadduu leeyahay xaasas tiro ahaan ka badan afar, waa inuu afar keliya ka doorto. Isla xukunkan oo kale baa saaran marka uu nin soo galo islaamka. \n[19]. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxay toddobo ku xarrimantay xigto ahaan, toddobana xidid ahaan, sidoo kale cidda wax nuujisa iyo tan kula nuugta. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa ku reebban nuugmada naaska waxa ku reebban nasabka, waase inay ahaato shan nuugmo. Sidoo kale waxaa xaaraan ah guursiga haweeney la qabo."},{"id":24,"translation":"24. Iyo dhammaan haweenka la qabo kuway midigtiinna hanato maahee [20]. (Kani waa) waxa uu Alle faral idiinka dhigay. Waxaa xalaal idiin ah (haween oo dhan) intaa aan ahayn [21], waase inaad ku doontaan maalkiinna idinkoo ku qaadanaya guur oo aan dooneyn gaabsi. Kuwase aad guur ku raaxo gashaan, siiya meherradooda la gooyey; oo ma jiro wax eed ahi oo korkiinna ah waxa aad isaga raalli noqotaan waxa la gooyey kaddib [22]. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.","footnotes":"[20]. kuway midigtiinna hanato maahee, waxaa loola jeedaa kuwa ayan nimankooda qafaalka ku jirin, eeg Suuradda An-Nisaa: 3 \n[21]. Waxaan ahayn haweenka lagu xusay Suuradda An-Nisaa Aayadda 23aad. \n[22]. Inuu kordhiyo ama naaqusiyo amaba uusan bixin meherkii lagu heshiiyey."},{"id":25,"translation":"25. Ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah [23], Alle isagaa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa kala bar ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Arrinkani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco denbi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[23]. Shareecada islaamka way ku bannaan tahay guursiga addoonta markay kaamil noqoto shuruudda lagu guursan karo."},{"id":26,"translation":"26. Alle Wuxuu rabaa inuu idiin caddeeyo oo idinku hanuuniyo jidadka kuwii idin ka horreeyay, oo uu idinka tawbad aqbalo. Alle waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah."},{"id":27,"translation":"27. Alle Wuxuu rabaa inuu idinka tawbad aqbalo, kuwase raaca shahwadooda, waxay rabaan inaad weecataan weecasho weyn."},{"id":28,"translation":"28. Alle Wuxuu rabaa inuu idinka fudeydsho culeysyadiinna, aadmigana waxaa la abuuray daciif ahaan (xagga jidhka iyo xagga doonidda dumarka oo kama samri karo)."},{"id":29,"translation":"29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, inay tahay ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin mooyee. Hana dilina nafahiinna [24] (hana is dilina). Hubaal, Alle wuu idiin Naxariis Badan yahay.","footnotes":"[24]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Nin baa waxaa soo gaaray dhaawac, markaasuu is dilay. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Addoonkeyga wuxuu u sababay naftiisa geeri degdeg ah uu gacantiisa ku doontay, waa ka xaaraan jannada. W.w. Al-Bukhaari."},{"id":30,"translation":"30. Qofkii u falaa arrinkaa xadgudub iyo dulmi, waxaanu gelin Naar, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay."},{"id":31,"translation":"31. Haddaad ka fogaataan denbiyada waaweyn ee la idinka reebay, waxaan idin dhaafi denbiyadiinna (yar yar), waxaana idin gelin meel gelitaan sharaf leh (Janno)."},{"id":32,"translation":"32. Ha u hanqal taagina wuxuu Alle dheereysiiyey qaarkiinba qaarka kale. Raggu waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, haweenkuna waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, weydiistana Alle Deeqdiisa. Hubaal, Alle wax walba wuu Ogsoon yahay."},{"id":33,"translation":"33. Mid walbaa Waxaan u yeelnay dhaxlayaal (dhaxla) waxa (hanti ah) ay waalidka iyo qaraabada dhow ka tagaan. Kuwase aad iskula gunti xirateen dhaarahiinna ballan (walaaltinnimo) siiya saamigooda (inaad wax u dardaarantaan gaar ah). Hubaal, Alle wax kasta waa u marag shaahid ah oo wuu u jeedaa."},{"id":34,"translation":"34.Raggu iyagaa ka mas'uul ah haweenka, waxa u Alle dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed [25], iyo masruufka (ragga) maalkooda ay ka baxshaan. Haweenka wanaagsanna way adeecaan (nimankooda), ilaaliyaan maqnaanasha (nimankooda) ilaalinta Alle darteed [26]. Kuwase aad ka cabsataan caasinimadooda [27], waaniya, (hadday wax ku qaadan waayaan waanada) ka goosta dhinac jiifka, (hadday taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) [28], hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Alle waa Sarreeye, Weyn.","footnotes":"[25]. Wuxuu Alle ku waajbiyey ninka inuu wanaajiyo oo si fiican ula dhaqmo xaaskiisa. \n[26]. Maalka ninkeeda, iyo dhowrsanaan- teeda oo xafiddaa jirkeeda. \n[27]. Nushuush, waxaa la yidhaahdaa haweenta oo ka tagta gudashada waajibaadka saaran, sida inay ka baxdo guriga idan la’aanta ninkeeda ama u idinto inuu soo galo guriga qof uusan u idmin xitaa hadduu yahay aabbaheed ama hooyadeed, iwm. \n[28]. Xalka u dambeeya ee edbintooda waa garaacidda garaac aayar ah, ma bannaana inaad wax uga dhufato wejiga ama jir disho ama waxyeello u geysato. Taasina waa hadday garaaciddu faa’ido keeni oo arrinka ka sii dareyn."},{"id":35,"translation":"35. Haddaad ka cabsataan kala go’ dhex mara (ninka iyo xaaskiisa), markaa xil saara garsoore ka tirsan ehelkiisa iyo garsoore ka tirsan ehelkeeda, hadday rabaan heshiis, Alle wuu is waafajin. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xog Ogaal ah."},{"id":36,"translation":"36. Caabuda Alle hana la wadaajinina cibaadada waxba, wanaajiyana labada waalid, qaraabada, agoomaha,masaakiinta, jaarka qaraabada ah, jaarka shisheeyaha ah [29], saaxiibka ku dhinac jooga, tub ku joogga (socotada go’doonsan) [30], iyo kuwa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Alle ma jecla mid kastoo islaweyn, faan badan.","footnotes":"[29]. Sokeeyaha iyo shisheeyaha, waxaa lagu fasiray meesha iyo qaraabannimada, waxaana jira culimo ku fasirtay qofka muslimka ah iyo qofka aan muslimka ahayn. Saaxiibka dhinacana waxaa la yidhi waa saaxiibka aad xiriirka wadaagtaan, sidoo kale waxaa lagu fasiray xaaska. \n[30]. Ibnu Sabiil, tub ku joogga, waa socotada aan safar u soo galin macsi darteed uu ka go’ay jiscinkii, waxaa soo galaya u axsaan falka iyo daryeelka ilmaha aan la garanayn aabbayaashood ee dib jirka ah, qaxootiga, ajaanibta iyo soo galootiga aan degaanka u dhalan ee dhoofka ku yimid ee dadka qalaad ah."},{"id":37,"translation":"37. Kuwa ah bakhaylka oo ugu yeera dadka bakhaylnimada [31], ee qariya waxa uu Alle siiyey ee ka mid ah Deeqdiisa. Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.","footnotes":"[31]. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: Maalin walba ay waabbariistaan aadmiga waxaa soo dega labo malag oo midkood leeyahay Allahayow sii qofka wax ku bixiyaa Arrinkaaga beddel wanaagsan, kan kalena wuxuu yidhaahdaa: Allahayow ka yeel maalka bakheylka mid talfa oo aan wax ugu turnaan (W.w. Al-Bukhaari)."},{"id":38,"translation":"38. Iyo kuwa u bixiya maalkooda (sadaqo ay ugala jeedaan) istuska dadka, aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro. qofkii uu Sheydaan ku xiriiro; muxuu xiriir xun yeeshay."},{"id":39,"translation":"39. Maxaana ka bi’i lahaa hadday rumeeyaan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo wax ka bixiyaan waxa uu Alle siiyey? Allena iyaga aad buu og yahay."},{"id":40,"translation":"40. Hubaal, Alle ma dulmiyo 'dadka' wax saxar le’egba ha ahaatee, hadday wanaag falaanna, wuu labo laabaa, wuxuuna ka bixiyaa Xaggiisa Ajar Weyn."},{"id":41,"translation":"41. Ee sidee (bay ahaan) markaan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan ku keenno adiga (Nabiyow) si aad uga ahaato markhaati kuwan?"},{"id":42,"translation":"42. Maalintaas waxay jeclaan kuwa gaalooba oo caasiya Rasuulka in lala simo (liqo) dhulka, kamana qariyaan Alle waxna."},{"id":43,"translation":"43. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan [32] jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan (janaabada). Haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haween [33], oo aydaan heli karin biyo, ku gagabeysta carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.","footnotes":"[32]. Isticmaalka khamrada si dhan baa loo xaaraanshay: eeg Q 5: 90-91\n[33]. Culimada qaar waxay ku fasireen taabashadaas taabashada caadiga ah ee la isku taabto gacanta nin iyo naag, waxaa sidoo kale jira qaar ku fasiray jimaaca oo ah isu tagga ninka iyo naagtiisa - galmoodka, waana sida xoogga badan."},{"id":44,"translation":"44. Miyaadan u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) laga siiyey qayb Kitaabka? Waxay iibsadaan habow, oo rabaan inaad ka luntaan Jidka Toosan (ee Islaamka)."},{"id":45,"translation":"45. Alle baana yaqaan cadowyadiinna. Alle ku filan Wali (Xafide) ahaan, oo Alle ku filan Gargaare ahaan."},{"id":46,"translation":"46. Qaar ka mid ah kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda (waxaa jira kuwo) ka duwa erayada meelahooda oo yidhaahda: Maqallay oo caasinnay, maqal, laguma maqashiiye eh, Raacinaa, iyagoo ku iilaya (kelmedda) carrabkooda oo ku duraya diinta, hadday odhan lahaayeen (taa beddelkeed): Waan maqallay waana adeecnay, maqaloo na soo day, baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, Alle baase ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka ma rumeeyaan wax yar maahee."},{"id":47,"translation":"47. Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxaan soo dejinnay (Qur’aanka) ee xaqiijin waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka) ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidaan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Amarka Alle waa mid abad fula."},{"id":48,"translation":"48. Alle ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; qofkiina Alle wax la wadaajiya cibaadada, wuxuu been abuurtay denbi weyn [34].","footnotes":"[34]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu ku odhan qofka ugu cadaab fudud naarta gudaheeda. Haddii aad leedahay waxa arlada korkeeda ah oo dhan ma u bixin lahayd madax furasho ahaan si aad naftaada uga xoreyso Naarta? Wuxuu odhan? Haa. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu ku odhan: Adigoo ku jira dhabarka Aadam, waxaan kaa dalbay wax taa wax badan ka yar : inaadan cidna iigu shariik yeelin cibaadada, waxaadse ku adkeysatay shirkiga (inaad ila wadaajiso cid kale cibaadada). w.w.Al-Bukhaari."},{"id":49,"translation":"49. Miyaanad u fiirsan kuwa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo [35]. Mayee Alle baa daahiriya qofkuu doono, lagamana dulmiyo kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta.","footnotes":"[35]. Waa inay yidhaahdaan waxaannu nahay ilmahii Alle iyo kuwa uu jecel yahay."},{"id":50,"translation":"50. Fiiri, siday uga been sheegaan Alle, arrinkani baana ugu filan denbi cad."},{"id":51,"translation":"51. Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (waa Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa gaalooba 'mushrikiinta': kuwakani baa ka hanuunsan (toosan) kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta) jidkooda."},{"id":52,"translation":"52. Kuwaas weeye kuwa uu Alle nacladay, qofkiina uu Alle naclado weligii uma heleysid gargaare (shafeece Aakhirada)."},{"id":53,"translation":"53. Mise waxay qayb ku leeyihiin Boqortoo- yada (Alle)? markaase, ma ay siinayaan dadka kolay ku tahay xuubka ku dahaaran lafta timirta."},{"id":54,"translation":"54. Mise waxay ku xasdaan dadka wuxuu Alle siiyey oo ka mid ah Deeqdiisa? Waxaanse siinnay reer Ibraahiim Kitaabka iyo Xikmadda, waxaanuna siinnay boqortooyo weyn (waagii xukunkii Daawuud iyo Sulaymaan)."},{"id":55,"translation":"55. Marka waxaa ka mid ah mid rumeeyey (Nabi Muxammad), waxaana ka mid ah mid ka jeesada; Jahannama baana ku filan inay gubto."},{"id":56,"translation":"56. Hubaal, kuwa rumeyn diida Aayadahayaga, waxaanu galin Naar. Mar kasta oo ay gebi ahaan ku gubtaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka. Hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah."},{"id":57,"translation":"57. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaanu galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waxay leeyihiin gudaheeda xaasas daahir ah, waxaana gelinaynaa hoosas harac ah."},{"id":58,"translation":"58. Alle wuxuu idin amri inaad siisaan ammaanooyinka cidda iska leh, iyo in markaad u kala garsooreysaan dadka aad ugu kala garsoortaan caddaalad. Waxaa wanaagsan wuxuu Alle idinku waaniyo. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka."},{"id":59,"translation":"59. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Alle oo adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), iyo kuwa idinka mid ah ee idiin haya talada. Haddaad wax isku qabataanna, u celiya Alle iyo Rasuulka, haddaad rumeysan tihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa khayr badan oo cidhib wanaagsan."},{"id":60,"translation":"60. Miyaadan arag kuwa sheegta inay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey oo Waxyi ah hortaa? Waxay rabaan inay u xukunta- maan Shaydaanka iyagoo la amray inay ku gaaloobaan, wuxuuna rabaa Shaydaanka inuu lumiyo lumitaan fog."},{"id":61,"translation":"61. Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka) iyo xagga Rasuulka (Nabi Muxammad), waxaad arki munaafiqiinta oo kaa jeesanaya jeesasho muuqata."},{"id":62,"translation":"62. Ee sidee bay noqon markay ku dhacdo musiibo waxay gacmahoodu horey u geysteen awgii (oo denbiyo ah)? Markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Alle: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq."},{"id":63,"translation":"63. Kuwaa waa kuwa uu Alle og yahay waxa ku jira quloobtooda; ee iskaga jeeso, waanina, oo kala hadal nafahooda hadal saameyn weyn leh."},{"id":64,"translation":"64. Uma aanu soo dirin Rasuul waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Alle. Hadday markay dulmiyeen nafahooda kuu imaan lahaayeen oo ay weydiisan lahaayeen denbi dhaaf Alle, oo Rasuulku (sidoo kale) denbi dhaaf u dalbi lahaa; waxay heli lahaayeen Alle oo tawbad aqbal Badan, Naxariis Badan."},{"id":65,"translation":"65. Mayee, waa igu Rabbigaaye, ma aysan rumeyn (dhab ahaan) jeer ay kaaga dhigtaan garsoore waxay isku qabtaan, markaasna ayan ka helin wax dhibsi ah nafahooda waxaad guddoomiso, oo ay u hoggaansamaan hoggaansamid dhan."},{"id":66,"translation":"66. Haddaan ku faral yeeli laheyn (munaafiqinta): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Hadday fali lahaayeenna waxa lagu waaniyo baa u roonaan laheyd, oo xoojin laheyd (iimaankooda);"},{"id":67,"translation":"67. Waxaan markaas ka siin laheyn Xaggayaga Ajar Weyn."},{"id":68,"translation":"68. Waxaana ku hanuunin laheyn Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":69,"translation":"69. Qofkii adeeca Alle iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), kuwaa waxay ahaan la jirka kuwa uu u nicmeeyey Alle, ee leh Nabiyada iyo run badnayaasha iyo shuhadada iyo wanaagsanayaalka, wanaagsanaana kuwaas oo lala noqdo rafiiq."},{"id":70,"translation":"70. Kani waa Fadli xagga Alle ah, kuna Filan Alle inuu yahay wax kasta Oge."},{"id":71,"translation":"71. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa (dagaalka) idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula giddigiin idinkoo wada jira."},{"id":72,"translation":"72. Waxaa idinka mid ah mid isagu dib idiin dhiga. Hadday idinku dhacdo musiibo yidhaahda: Alle waa iigu nicmeeyay in aanaan goob joog la ahayn."},{"id":73,"translation":"73. Haddaadse ka heshaan fadli xagga Alle, wuxuu odhan - sidiiyoo ayna idinka iyo isaga marnaba ka dhexeynin kalgacal: Alla aniguye! Haddaan la jiri lahaa, markaa waxaan liibaani lahaa liibaan weyn."},{"id":74,"translation":"74. Ee ha ku dagaallamaan Jidka Alle kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, qofkii u dagaallama Jidka Alle, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siineynaa Ajar aad u Weyn."},{"id":75,"translation":"75. Maxaadse u heysataan cudur daar inaydaan u dagaallamin Jidka Alle, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh ragga iyo haweenka iyo carruurtaba (oo ka mid ah) kuwa dhaha: Rabbigayow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin daalimiinta oo nooga yeel Xaggaaga ilaaliye na xafida, oo nooga yeel Xaggaaga gargaare."},{"id":76,"translation":"76. Kuwa (Xaqa) rumeysan waxay u dagaallamaan Jidka Alle, kuwase gaalooba waxay u dagaallamaan jidka Shaydaanka. ee la dagaallama xulufada shaydaanka; hubaal dabinka shaydaanku waa daciif."},{"id":77,"translation":"77. Miyaadan arag kuwa lagu yidhi: Ceshada gacmahiinna [36] oogana salaadda, oo bixiya Sakada, markase loo qoray inay dagaal galaan, mise koox ka mid ah waxay uga baqaan dadka siday tahay in looga baqdo Alle ama baqdin ka daranba. Waxayna yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu faral yeeshay dagaalka? Haddaad noogu dib dhigi laheyd muddo dhow? Dheh: Raaxada adduunka waa wax yar. Aakhirada baana u khayr badan kan iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale) laydinkamana dulmiyo wax xuub le’egna ha ahaatee.","footnotes":"[36]. Waxay ahayd intaan la soo dejin amarka jihaadka."},{"id":78,"translation":"78. Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin haleeli, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Alle. Haddiise ay ku dhacdo xumaan, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Alle, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka?"},{"id":79,"translation":"79. Wax kastoo ku haleela oo wanaag ah (Aadmigow) waa xagga Alle, waxase kugu dhaca oo xumaan ah waa xagga naftaada. Waxaana kuu soo dirnay (Nabiyow) dadka Rasuul ahaan, oo Alle baa ku filan Marag ahaan."},{"id":80,"translation":"80. Qofkii adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu Adeecay Allaah, qofkii (Xaqa ka) jeesadana, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan (dadka) dushood."},{"id":81,"translation":"81. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Daacad (baa nahay). Markase ay ka tagaan agtaada, koox ka mid ah waxay goostaan habeenkii waxaan aheyn oo ka duwan waxaad tidhaahdo. Alle wuu qoraa waxay goostaan habeenkii. Ee ka jeeso, oo Alle talo saaro. Alle ku filan wakiil ahaan."},{"id":82,"translation":"82. Miyeynan u dhug yeelaneyn Qur’aanka? Hadduu ka imaan lahaa cid aan aheyn Alle, waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan."},{"id":83,"translation":"83. Markuu u yimaado war la xiriira nabad ama cabsi, waxay ku faafiyaan debedda, hadday u celin lahaayeen Rasuulka iyo kuwa talada u haya oo ka mid ah, waxaa ogaan lahaa kuwaa ka mid ah ee sal gaari kara. Haddaanu Fadliga Alle korkiinna ahaan lahayn iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Shaydaanka in yar oo idinka mid ah ma’ahee."},{"id":84,"translation":"84. Ee ku dagaallan Jidka Alle, xil kaama saarna (oo lagu weydiin maayo) waxaan naftaada ahayn, oo ku guubaabi mu’miniinta inay geesinnimo muujiyaan. Waa intaasoo Alle idinka qabto dagaalka kuwa gaaalada ah. Alle baana Baas Badan, oo ku daran inuu dhigo ciqaab lagu dersin qaato."},{"id":85,"translation":"85. Qofkii ku garab siiya (qof kale) arrin wanaagsan wuxuu leeyahay qayb ka mid ah (wanaaggeeda), qofkiise ku garab siiya (qof kale) xumaan wuxuu leeyahay qayb culeyskeeda (denbigeeda) ah. Alle baana wax walba ilaaliya oo shaahid ka ah."},{"id":86,"translation":"86. Marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa salaan (la mid ah). Hubaal, Alle waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye)."},{"id":87,"translation":"87. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Yaa ka run sheeg badan Alle oo hadla."},{"id":88,"translation":"88. Muxuu yahay arrinkiinnu oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta? [37] Isagoo Alle uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah)? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Alle lumiyey? Qofkiina uu Alle lumiyo, uma heleysid marnaba jid (uu ku hanuuno) [38].","footnotes":"[37]. Koox ka mid ah mu’miniinta ee difaacayey munaafiqiinta iyo koox ka mid ah mu’miniinta ee colaadinayey.\n[38]. Waxaa la soo weriyey in Carabta qaarkood ay ugu yimaadeen Rasuulka s.c.w. Madiina, markaasay isalaameen, kaddib waxaa ku dhacay xummadii Madiina, markaasay u laabteen gaalnimadii oo ka baxeen Madiina. Waxay la kulmeen qaar ka mid ah asxaabtii Nabiga s.c.w. markaasay asxaabtii waxay weydiiyeen sababta ay uga soo baxeen Madiina. Markaasay waxay u sheegeen inay ku dhacday xumaddii Madiinah. Asxaabtii waxay yidhaahdeen: Oo maxaad tusaale ugu qaadan weydeen Rasuulka Alle s.c.w., markaasay asxaabtii u qaybsameen labo kooxood: koox arkay inay yihiin kuwaa munaafiqiin iyo koox aragta inay weli yihiin muslimiin. Markaasay soo degtay Aayaddan ka canaaneysa muslimiinta inay ku qaybsamaan arrinkooda, oo amreysa inay qafaashaan oo laayaan reer miyiga Madiinah hareeraheeda deggan haddii aanay u soo haajirin Madiinah iyo inay iyagu la mid yihiin mushirkiinta kale."},{"id":89,"translation":"89. Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan siday u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Alle darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, hana ka yeelannina xaggooda sokeeye iyo gargaare midna."},{"id":90,"translation":"90. Waxaan aheyn kuwa gaaraya qolo idinka iyo iyaga uu u dhexeeyo heshiiis (nabadeed), ama kuwo idiin yimaada iyagoo ay ka ciriiryoon tahay laabahooda inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan qolodooda. Hadduu doono Alle, wuu idinku salladi lahaa, wayna idinla dagaallami lahaayeen, ee hadday idinka fogaadaan oo aanay idinla dagaallamin oo ay idiin soo bandhigaan nabad, markaa Alle idiinma furin wax jid ah (idinka aad kula dagaallantaan)."},{"id":91,"translation":"91. Waxaad heli kuwo kale oo raba inay idinka nabad galaan oo ka nabad galaan qolodooda. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo waxay isugu tuuraan madaxmadax. Ee haddaysan idinka fogaan oo idiin soo bandhigin nabad, oo aanay laaban gacmahooda, markaa qabqabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwaa waxaan idiin siinnay ka hor taggood xujo cad."},{"id":92,"translation":"92. Uma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan helin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah [39], u tawbad keen ahaan Alle. Alle waa Wax walba Oge, Xakiiim ah.","footnotes":"[39]. Labo bilood aan kala go’ lahayn marka laga reebo wixii cudur daar leh sida marka ay soo gasho bisha Ramadaan, ama labada maalmood ee ciidda (ciidda soon furka iyo ciidda adxada), ama xagga dumarka markuu ku dhaco xayl, iwm."},{"id":93,"translation":"93. Qofkiise u dila mu'min si kas ah, jazahiisu waa Jahannama, uu ku dhex waari, Cadho Alle iyo Nacladi baana dushiisa ah, wuxuuna u diyaariyey cadaab daran [40].","footnotes":"[40]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofka mu’minka ah wuxuu ku sugnaan khayr xagga diintiisa marba haddii uusan galin denbiga ah inuu qof ku dilo xaq darro.” Wuxuu sidoo kale yidhi: Adduunka oo rogmada yaa ka sahlan Alle agtiisa dil qof Muslim ah."},{"id":94,"translation":"94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad u baxdaan (jihaad) Jidka Alle ah, wax hubsada, hana ku odhannina qofkii idiin soo bandhiga nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Alle agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaasaad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Alle ku manneystey iimaan iyo khayr dushiinna, ee wax hubsada. Hubaal Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan."},{"id":95,"translation":"95. Ma ay sinna kuwa ka jooga (jihaadka) ee ka mid ah mu'miniinta iyagoo aan qabin wax dhib ah iyo kuwa kula jihaad gala Jidka Alle maalkooda iyo nafahoodaba. Alle wuxuu ka yeelay kuwa kula jihaad gala maalkooda iyo nafahooda inay dheeraadaan kuwa ka jooga (jihaadka) darajo (sare). Dhammaan wuxuu Alle u ballan qaaday wanaag; wuxuuna Alle kaga faddali kuwa jihaada kuwa ka jooga (Jihaadka) Ajar aad u Weyn."},{"id":96,"translation":"96. Derejooyin (sare) oo Xaggiisa ah, iyo denbi dhaaf iyo Naxariiis. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":97,"translation":"97. Kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo dulminaya nafahooda [41], waxay (malaa'igtu ku) odhan: Maxaad ku sugneydeen oo xaal ah? Waxay odhan: Waxaanu ahayn kuwo tabar yar dhulka gudahiisa. Waxay odhan: Miyaaney ahayn arlada Alle mid ballaaran oo aad ku haajiri karteen [42]? Marka waa kuwaa kuwa hoygoodu yahay Jahannama, oo u xun aayotiin ahaan.","footnotes":"[41]. Inay dhex degeen gaalada oo ka soo haajirin darteed.\n[42]. Inaad doorato inaad ku dhex noolaato gaalo, adigoo awooda inaad ka soo haajirto degaan uu qofku muslimka ku awoodin inuu ugu dhaqmo diintiisa si xorriyad leh. Muslimiintii Makkah aan la soo haajirin Nabiga s.c.w. iyagoo awooda, waxaa laga dulmiyey xagga gaalada, waxayna ku qasbeen inay u soo raacaan dagaalkii Badar, markaasaa qaar la dilay oo waxaa haleelay fallaarahii dagaalka."},{"id":98,"translation":"98. Marka laga reebo kuwa la daciifsado oo leh ragga iyo dumarka iyo carruurtaba oo aan xeelad lahayn, oo aan heli karin jid (loo baxsado)."},{"id":99,"translation":"99. Kuwaa waa intaasoo uu Alle iska cafiyo. Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan."},{"id":100,"translation":"100. Qofkii u soo haajira Alle Darti, wuxuu ka heli dhulka meelo badan oo magan gal leh iyo risiq waasic ah. Qofkii ka soo baxaana gurigiisa isagoo u ah muhaajir xagga Alle iyo Rasuulkiisa oo markaas mowdku helo, wuxuu ajarkiisu saaran yahay Alle. Alle waa Denbi Dhaaf badane, Naxariis Badan."},{"id":101,"translation":"101. Haddaad ku socdaashaanna dhulka (oo safar ku jirtaan), idin ma saarna eed haddaad soo gaabisaan salaadda [43], haddaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan gaalada, hubaal, gaaladu waxay idiin yihiin cadow cad.","footnotes":"[43]. Waqtiyada cabsida ee la joogo goobta dagaalka. Siduu ahaa dhaqanka Rasuulka iyo asxaabtiisa waxaa ku cad in cabsidu ahayn sabab lagu soo gaabiyo salaadda, waxaa la soo gaabin salaadda markaad ka soo safarto degaankaagii. Afarta rakcadood waxaa lagu soo koobaa labo rakcadood."},{"id":102,"translation":"102. Markaad (Nabiyow) dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, hana qaateen hubkooda, markay sujuudaan ha aadeen gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay hana kula tukadeen, oo ha qaateen digtoonidooda iyo hubkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah). Ma aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubkiinna, qaatana digtoonidiinna. Hubaal, Alle wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa."},{"id":103,"translation":"103. Markaad gudataan salaadda, xusa Alle joog iyo fadhi iyo idinkoo u jiifaba dhinacyadiinna, Markase aad nabad degtaan, u ooga salaadda si wanaagsan. Hubaal, salaadda waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an."},{"id":104,"translation":"104. Ha ka qalbi dabcina dabagalka qoloda (cadowga ah); haddaad idinku dareentaan xanuun, iyaguba (sidoo kale) waxay dareemaan xanuun sidaadba u dareentaan xanuun, waxaadna ka rajaysaan Alle wax aanay rajaynin. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah."},{"id":105,"translation":"105. Waxaanu kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Alle ku baray. Ha noqon qareen u dooda khaa’imiinta."},{"id":106,"translation":"106. Weydiiso Denbi Dhaaf Alle, Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan [44].","footnotes":"[44]. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle s.c.w. oo leh: Wallaahi, Waxaan denbi dhaaf weydiistaa Alle oo u toobad keenaa wax ka badan toddobaatan jeer maalintii.» (W.w. Al-Bukhaari)."},{"id":107,"translation":"107. Ha u doodin kuwa khiyaameeya nafahooda. Hubaal, Alle ma jecla mid kastoo ah khaa’in, denbiile."},{"id":108,"translation":"108. Waxay ka qariyaan (niyooyinkooda iyo camalladooda xun) dadka, kamase qarin karaan Alle, wuuna la jiraa (kula joogaa Cilmigiisa) markay ku caweeyaan habeenkii hadal uusan raalli ka ahayn, Allena wuu koobaa waxay camal falaan."},{"id":109,"translation":"109. Eega! Idinka weeye kuwa (ay dhici karto) inay u doodaan noloshan adduunka, ee yaa uga doodi Alle agti Maalinta Qiyaamaha, ama u noqon wakiil difaaca?"},{"id":110,"translation":"110. Qofkii fala xumaan ama dulmiya naftiisa, markaas weydiista Denbi Dhaaf Alle, wuxuu heli Alle oo ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":111,"translation":"111. Qofkiise gala denbi, wuxuu u galaa oo keliya dhibaateynta naftiisa oo isagay ka go'an tahay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah."},{"id":112,"translation":"112. Qofkii kasbada gef ama denbi, markaas ku eedeeya mid aan waxba galabsan [45], wuxuu xambaartay been abuurasho iyo denbi iska cad.","footnotes":"[45]. Aayaddan iyo Aayadaha ka dambeeya waxay ku soo degeen waxa uu falay ducmah ee inta wax xaday ku qarshay guri nin Yuhuudi ah uu leeyahay, markaasuu inkiray oo yidhi waxaa xaday Yuhuudiga, markaasay xigtadii ducmah u sheegeen Nabiga s.c.w. oo ka dalbeen Nabiga s.c.w. inuu difaaco ducmah, oo xukumo Yuhuudiga, iyagoo ku qiray inuu kan wax xaday yahay Yuhuudiga, wuxuu Nabigu s.c.w. ku sigtay inuu rumeysto hadalka ducmah qaraabadi iyo masabbishadoodii Yuhuudiga."},{"id":113,"translation":"113. Hadduusan jirin Fadliga Alle korkaaga iyo Naxariistiisa, waxay hammin (dooni) lahayd koox ka mid ah inay ku marin habaabiyaan, mase marin habaabiyaan waxaan aheyn nafahooda, waxnana kuma yeeli karaan. Wuxuuna Alle kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka iyo Xikmadda oo ku baray wax aadan horay u aqoon. Fadliga Alle ku siiyeyna waa mid aad u weyn."},{"id":114,"translation":"114. Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxid dadka, qofkiina fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Alle, Waxaanu siin abaalgud weyn (Janno)."},{"id":115,"translation":"115. Qofkii khilaafa Rasuulka kaddib inta uu u caddaaday hanuunka oo raaca waxaan aheyn jidka mu'miniinta. Waxaan u jeedin waxaas uu isagu (naf ahaantiisa) u jeestay, oo galin Jahannama, oo u xun aayotiin ahaan."},{"id":116,"translation":"116. Hubaal, Alle ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo (cibaadada), wuxuuse u dhaafaa waxa aan (shirki, iwm) ahayn qofkuu doono. Qofkii la wadaajiya wax uun Alle (cibaadada), wuxuu lumay lumid aad u fog."},{"id":117,"translation":"117. Ma la barbar caabudaan (Alle) waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, mana caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah."},{"id":118,"translation":"118. Alle uu Nacladay. (Shaydaanna) wuxuu yidhi: Waxaan ku yeelan addoomahaaga qayb go'an;"},{"id":119,"translation":"119. Waana habaabin oo gelin hididdiillooyin been ah; oo amri (xumaanta) sidaas darteed waxay jeexjeexi dhegaha xoolaha [46], oo waan amri sidaas darteed waxay doorin abuurka Alle [47]. Qofkii ka dhigta shaydaan sokeeye (iyo gargaare) halkii Alle, wuxuu khasaaray khasaare caddaan ah.","footnotes":"[46]. Carabtii jaahiliga ahayd waxay qabeen in xoolaha loo hibeynayo asnaamta, la gooyo dhegahooda, xoolahaana ma bannaana in la fuulo ama la isticmaalo oo waa in la iska daayo oo la xarig furo.\n[47]. Waxaa suura gal ah in loola jeedo beddelidda abuurka Alle calaamadaha jirka lagu qoro ee washamka - tattoo -, in xoolaha la dhuufaano ama waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa beddelidda diinta Alle."},{"id":120,"translation":"120. Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, mana u ballan qaado shaydaan waxaan dhagar ahayn."},{"id":121,"translation":"121. Kuwaa hoygoodu waa Jahannama, kamana helaan xaggeeda meel ay ka hirgalaan."},{"id":122,"translation":"122. Kuwa se (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaan galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Alle oo Xaq ah. Yaa ka run badan Alle Hadalkiisa (waa cidna)."},{"id":123,"translation":"123. Ma aha hididdiillooyinkiinna [48] iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga goyn, mana u helayo naftiisa Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.","footnotes":"[48]. “Kum” halkan waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa muslimiinta, sidoo kale waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa gaalada mushrikiinta ah, gunta Aayaddana waxaa weeye in abaalgudka aakhiro aan lagu helin ididdiilo iyo iska rajeyn, laakiinse lagu helo iimaanka iyo sama falka."},{"id":124,"translation":"124. Qofkii fala camallo wanaaagsan lab ahaayaa ama dheddig oo mu'min ah, waxay kuwaa geli Jannada, lagamana dulmiyo dalool laf timireed wax le’eg."},{"id":125,"translation":"125. Yaa ka diin fiican mid isu wada dhiiba Alle isagoo sama fale ah oo raaca diintii Ibraahiim, toosnihii. Wuxuu Alle ka yeeshay Ibraahiim saaxiib u gaar ah."},{"id":126,"translation":"126. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa wax walba koobe."},{"id":127,"translation":"127. Waxay ku weydiin xukun ku saabsan haweenka (iyo maalkooda dhaxalka ah), dheh: Alle baa idiin sheegi xukunka arrinkooda [49], iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey [50], xagga arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta (waa inaad siisaan xuquuqdooda) iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Waxaad fashaan oo khayr ahna, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.","footnotes":"[49]. Eeg Suuradda An-Nisaa Aayadda : 3. \n[50]. Ee dhaxalka, idinkoo dooneyn inaad guursataan, una diidaya inay guursadaan rag kale damac idiinka jira maalkooda darteed, marka waa inaydaan sidaasi yeelin. Caadada Carabta waagii jaahiliyadda waxay ahayd in waliga uu xaq u leeyahay inuu guursado gabdhaha agoomaha ee mas’uulka uu ka yahay, iyo inuu xaq ku leeyahay maalkooda. Hadday qurxoon tahay wuu guursanayey, si uu wax uga qaato maalkeeda , haddayse fool xun tahay waa uu diidaa inay guursato nin kale si uu u hanto maalkeeda. Aayaddani waxay reebtay arrintaas."},{"id":128,"translation":"128. Hadday haweeney ka cabsato fogaansho [51] ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, heshiiska baana khayr badan, nafaha Aadmigana waxaa lagu laray masuugnimo. Haddaadse samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.","footnotes":"[51]. Eeg macnaha nushuush ee xagga xaaska sharaxa suuradda An-Nisaa Aayadda 34. Nushuushka ninka waa inuu si qallafsan ula dhaqmo xaaska oo ku adadkaado, iyo inuu diido inuu u tago oo u galmoodo, oo uusan siin masruuf iyo marasho."},{"id":129,"translation":"129. Ma kartaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidiiyoo ay tahay mid lalmata (dayacan). Haddaad wax wanaajisaanna oo iska ilaalisaan 'xumaha', Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":130,"translation":"130. Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Alle ku kaafin mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Alle waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xigmad Badan yahay."},{"id":131,"translation":"131. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waxaana u dardaarannay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo idinkaba inaad ka cabsataan Alle, haddaadse gaalowdaan, hubaal Alle baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa Hodan, Ammaanan."},{"id":132,"translation":"132. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waa ku filan yahay Alle Wakiil ahaan."},{"id":133,"translation":"133. Hadduu doono, Wuu idin tagsiin, dadow, oo keeni kuwo kale. Alle wuu Karaa inuu sidaa yeelo."},{"id":134,"translation":"134. Qofkii raba abaalka adduunyadan, Alle baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka."},{"id":135,"translation":"135. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Alle darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraaboba, hadduu yahay hodan ama faqiir, Alle baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina hawada nafta si aydaan uga iilan (Xaqa), haddaadse iilataan ama jeesataan [52], Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.","footnotes":"[52]. Waxaa Nabiga s.c.w. la weydiiyey dunuubta waaweyn ee lagu halaagsamo. Wuxuu yidhi: waa Shirkiga, ku caasinta waalidka, dilka xaq darrada ah iyo markhaati beenaadka.” W.w. Al-Bukhaari."},{"id":136,"translation":"136. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka (Qur’aanka) uu ku soo dejiyey Rasuulkiisa, iyo Kitaabka uu hore u soo dejiyey, qofkiise rumeyn diida Alle iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, iyo Maalinta Aakhiro, wuxuu lumay lumid aad u fog."},{"id":137,"translation":"137. Kuwa rumeeya, haddana gaalooba, haddana rumeeya (mar kale), haddana (mar kale) gaalooba, markaas sii kororsada gaalnimo; Alle ma cafiyo, kumana hanuuniyo Jid (Toosan)."},{"id":138,"translation":"138. Ugu bishaaree munaafiqiinta inay leeyihiin cadaab xanuun badan."},{"id":139,"translation":"139. Kuwa ka dhigta gaalada sokeeye [53] halkii mu’miniinta, ma waxay ka doonayaan ciso (iyo sharaf) xaggooda? Hubaal, Alle baa iska leh Ciso oo dhan.","footnotes":"[53]. Sida faafinta asraarta mu’miniinta iyo gaarsiinta arrimahooda gaalada ama inay marka ay ka bar bar jihaadayaan mu’miniinta hagradaan, iwm."},{"id":140,"translation":"140. Wuxuuna idiinkugu soo dejiyey Kitaabka in markaad maqashaan Aayadaha Alle oo la beeninayo ama lagu jeesjeesayo, ha la fadhiisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan kaa aheyn, haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale. Hubaal Alle wuxuu ku soo kulmin munaafiqiinta iyo gaalada oo dhan Jahannama gudaheed."},{"id":141,"translation":"141. Kuwa idin la suga (dhibaato idinku dhacda); markaad guul ka heshaan xagga Alle, waxay yidhaahdaan: Miyaanaan idin la jirin? Haddayse gaaladu lib yeelato, waxay yidhaahdaan, Ma waanaan idin adkeynin oo aan idinka celin mu’miniinta? Marka Alle baa idin kala xukumi dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Alle kama siinayo gaalada jid mu'miniinta."},{"id":142,"translation":"142. Munaafiqiintu [54] waxay (u heystaan inay) dagayaan Alle, Isaga baase daga. markayna u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, mana xusaan Alle wax yar ma’ahee.","footnotes":"[54]. Alle wuxuu u daayey sheegashadooda inay yihiin mu’miniin, sidaa darteed baa loola dhaqmay dhaqanka ehlu iimaanka adduunyada, wuxuuse Alle u diyaariyey Naar khiyaanada iyo mukurgooda awgi. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaad arki doontaa kuwa ugu xun dadka dhexdooda inay yihiin labo wejiilayaasha ee ula taga kuwaasi weji, kuwaasna weji kale.” W.w. Al-Bukhaari."},{"id":143,"translation":"143. Waxay kala dhex wareegaan kuwaas (gaalada) (iyo kuwan), oo kama tirsana kuwan, iyo kuwaa midna. Qofkii uu Alle lumiyo, uma heli doontid jid isaga."},{"id":144,"translation":"144. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka yeelannina gaalada sokeeya halkii mu’miniinta. Ma waxaad dooneysaan inaad isaga yeeshaan Alle xujo cad?"},{"id":145,"translation":"145. Munaafiqiintu [55] waxay ahaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; umana heli doontid gargaare (shafeece Aakhirada).","footnotes":"[55]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: \"Qofkii kastoo leh tilmaamahan afarta ah waa munaafaq dhan: Marka la aamino, khiyaanaa ku soo baxda, markuu warramo wuxuu sheegaa been, markuu ballan galo, wuu ka baxa ballanka, markay cid doodaanna wuu caytamaa.”"},{"id":146,"translation":"146. Marka laga reebo kuwa tawbad keena oo wanaagsanaada, oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), una keli yeela cibaadadooda Alle, kuwaa waa la jirka mu’miniinta. Wuxuu Alle siin mu’miniinta Ajar aad u weyn (Janno)."},{"id":147,"translation":"147. Muxuu Alle ku fali caddibaadiinna haddaad ku mahdisaan oo rumeysaan? Alle waa tixgeliye camalkii darti loo qabtaa, abaal gud fiican bixiya, Wax kasta Og."},{"id":148,"translation":"148. Alle ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof la dulmiyey (oo dacwoonaya). Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon."},{"id":149,"translation":"149. Haddaad u fashaan khayr si caddaan ah ama qarsoodi, ama aad iska cafidaan xume- haddaba Alle waa Cafis Badane, Awood Badan."},{"id":150,"translation":"150. Hubaal, kuwa ku gaalooba Alle iyo Rusushiisa (iyo kuwa) raba inay kala geeyaan Alle iyo Rusushiisa oo yidhaahda, Waxaan rumayn qaarkood, oo ku gaaloobi qaar kale, rabana inay qaadaan jid u dhexeeya (labadaa)."},{"id":151,"translation":"151. Kuwaa weeye kuwa run ahaan ah gaalo. Waxaana u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa."},{"id":152,"translation":"152. Kuwase rumeeyey Alle iyo Rusushiisa oo aan kala soocin midkoodna ka mid ah oo kala saarin, kuwaas wuxuu Alle siin ajarradooda. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":153,"translation":"153. Ehlul Kitaabka (Yuhuudda) waxay ku weydiin inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxayba horay kaga dalbeen Muuse arrinkaas mid ka weyn, oo yidhaahdeen: Noo tus Alle si caddaan ah, markaasaa waxaa qabtay onkod daran iyo biriq dulmigoodii dartiis. Haddana waxay samaysteen dibi (ilaah ahaan) kaddib markay xujooyin cad u yimaadeen waanu se ka cafinnay arrinkaa (markay ka tawbad keeneen). Waxaanuna siinnay Muuse Xujo Cad."},{"id":154,"translation":"154. Waxaana kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. Waxaan ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Waxaana ka qaadnay ballan adag."},{"id":155,"translation":"155. (Sidaa awgeed waan lacnaday) axdigay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Alle iyo ku diliddooda Anbiyada xaq darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Alle baa yeelay shaabbad daboosha gaalnimadooda darteed marka ma rumeeyaan in yar ma’ahee."},{"id":156,"translation":"156. Iyo rumeyn la’aantooda darteed iyo odhaahdooda ay ka sheegaan Maryam ee been abuur weyn ah."},{"id":157,"translation":"157. Iyo odhaahdooda: Waxaan dilnay Masiixa Ciise ina Maryam, Rasuulkii Alle [56], _mase ay dilin [57] mana ay daldalin, waase loo arag ekeysiiyey. Oo kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa kaga jira shaki. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Mana ay dilin oo la hubo.","footnotes":"[56]. Waxay u yidhaahdeen Ciise Rasuulkii Alle jeesjees ahaan, waayo ma rumeysneen Risaaladii Ciise c.s. \n[57]. Aayaddan waxay burineysaa sheegashada Yuhuudda inay dileen Ciise c.s.: Alle wuxuu leeyahay ma ay dilin iyagoo huba inuu shakhsi ahaan isaga yahay, taasi macnaheedu waxaa weeye waxay dileen qof kale iyagoo moodayay Ciise c.s."},{"id":158,"translation":"158. Mayee! Alle baa kor u qaaday (jidh iyo ruuxba) Xaggiisa. Alle waa Adkaade, Xakiim ah."},{"id":159,"translation":"159. Ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) aan rumeyn doonin isaga (Nabi Ciise inuu yahay addoon Alle iyo Rasuulkiisa, iyo inaan la dilin lana daldalin) ka hor inta aanu dhiman [58]. Maalinta Qiyaamahana wuxuu ku marag furi lidkood iyaga.","footnotes":"[58]. Yuhuudi iyo Nasraani kasta ka hor dhimashadiisa (Ciise) waxay aamini inuu Ciise yahay Rasuul Alle, iyo inuusan ahayn wiilkii Alle siday lahaayeen. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Mid walba oo ka mid ah Yuhuudda iyo Nasaarada wuxuu aamini sidaa ka hor dhimashadiisa (waqtiga geeridiisa)."},{"id":160,"translation":"160. Dulmi ay galeen kuwaa heystay (diinta) Yuhuudiyadda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalo wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaal, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Alle."},{"id":161,"translation":"161. Iyo qaadashadooda Ribada iyagoo laga reebay inay qaataan, iyo ku cunistooda maalka dadka been (laaluush). Waxaana u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee ka mid ah cadaab xanuun badan."},{"id":162,"translation":"162. Kuwoodase ku xidideystey cilmiga oo ka mid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey (Nabiyow) oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey Waxyi hortaa, iyo kuwa u ooga salaadda si wanaagsan ee bixiya Sakada ee rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, kuwaa waxaan siin doonnaa Abaalgud Weyn (Janno)."},{"id":163,"translation":"163. Waxaanu kuugu waxyoonnay (Nabi \nMuxammadow) sidaan ugu waxyoonnay Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay; Waxaana u waxyoonnay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Al-Asbaad (Nabiyadii ahaa firka Yacquub), Ciise, Ayyuub, Yuunus, Haaruun iyo Sulaymaan, Daawuudna Waxaanu siinnay Zabuur."},{"id":164,"translation":"164. (Waxaana soo dirnay) Rusul aan kaaga warrannay horey, iyo Rusul aanaan kaaga warramin. Alle wuxuu ula hadlay Muuse si toos ah hadlid [59].","footnotes":"[59]. Wuxuu Alle la hadlay Muuse toos dhexeeya la’aan, waxayna ka mid yihiin tilmaamahiisa, sidaa awgeed baa loo yidhaahdaa kaliimul Laah, halka Rususha kale waxyiga la soo marsiiyey Jabriil, wuxuuna Alle la hadlay Nabi Muxammad s.c.w. toos habeenkii Micraajka."},{"id":165,"translation":"165. (Waxaan soo drinay) Rusul ah bishaareeyaal iyo digayaal si aanay dadku ugu yeelan Alle wax cudur daar ah (imaanshaha) Rususha ka dambow. Alle waa Adkaade, Xakiim ah."},{"id":166,"translation":"166. Laakiinse Alle wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo dejiyey wuxuu ku soo dejiyey Cilmigiisa, malaa’igtuna [60] waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Alle waa ku Filan yahay Markhaati ahaan.","footnotes":"[60]. Malaa’igta Carshiga hareerahiisa ah sida Jabriil, Miikaa’iil iyo Israafiil."},{"id":167,"translation":"167. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, waxay habaabeen habow aad u fog."},{"id":168,"translation":"168. Hubaal, kuwa gaalooba ee dulmi fala (iyagoo ka hor istaagaya dadka Jidka Alle), ma aha Alle Mid u denbi dhaafaya oo ma aha Mid ku hanuunin jidna."},{"id":169,"translation":"169. Jidka Jahannama mooyee, iyagoo ku dhex waaraya weligood, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay."},{"id":170,"translation":"170. Dadoow! Wuxuu idiinla yimid Rasuulku xaq ka yimid Rabbigiin, ee rumeeya waa wax idiin roon idinka’e. Haddiise aad gaalowdaan, hubaal Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah."},{"id":171,"translation":"171.Ehlul-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina diintiinna (iyo camalkiinna), hana ka sheegina Alle waxaan xaq ahayn. Masiixa Ciise ina Maryam waa uun Rasuul Alle iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa, hana odhannina: Waa saddex (ilaah), Ka hara waa wax idiin roon’e. Alle waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Alle ka taliye ahaan arrimaha uunka."},{"id":172,"translation":"172. Masiixa (Ciise ina Maryam) sinnaba isagama kibriyo inuu ahaado addoon Alle, iyo sidoo kale malaa’igta u dhow (Alle). Qofkii iska kibriya Caabudidda (Alle) oo islaweyn, Wuxuu u soo kulmin Xaggiisa dhammaantood."},{"id":173,"translation":"173. Ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, wuxuu siin ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase iska weyneeya Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan. Mana u helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna."},{"id":174,"translation":"174. Dadow! Waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin (waa Nabi Muxammad s.c.w), Waxaana idiin soo dirnay Nuur cad (Qur’aanka)."},{"id":175,"translation":"175. Ma kuwa rumeeya Alle oo si sugan u qabsada (Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulkiisa) wuxuu gelin Naxariis Xaggiisa ah iyo Fadli, wuxuuna ku hanuunin Xaggiisa Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":176,"translation":"176. Waxay ku weydiin inaad wax uga sheegto xukun sharci ah. Dheh: Alle baa idinka siinaya xukun arrinka qofaan lahayn waalid iyo ubad midna. Hadduu dhinto nin aan ilmo lahayn (iyo waalid midna), leh se walaaley (ay isku aabbe iyo hooyo yihiin ama isku aabbe keliya) waxay leedahay kala bar wuxuu ka tago (dhaxal), isaguna wuu dhaxli maalkeeda oo dhan haddaanay lahayn ilmo (iyo waalid midna). Hadday yihiinna kuwa dhaxli labo (gabdhood oo walaalo ah) waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meel wuxuu ka tago (dhaxal); haddayse yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay wax la mid ah saamiga labo dheddig. Alle Wuxuu idiinka dhigaa caddaan (Xeerarkiisa) si aydaan u lumin. Alle wax walba wuu Ogsoon yahay."}]},{"id":5,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Oofiya ballamaha [1] aad gashaan. Waxaa la idiin xalaaleeyey xoolaha nicmooleyda ah marka laga reebo waxa la idiinku yeedhin (halkan), waana inaydaan banneysaneyn ugaarsiga markaad xidhataan (Xajka ama Cumrada), Alle wuxuu xukumaa wuxuu doono.","footnotes":"[1]. Ballamaha, waxaa halkan loola jeedaa ballanta lala galo Alle, iyo ballamaha dadka dhexdooda ah, cahdiyada la galo, heshiisyada la kala saxiixdo, dhaaraha la maro, xilalka la qaado, iwm waa in aad loo dhowro oo looga run sheego."},{"id":2,"translation":"2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha banneysan- nina xurmadda calaamooyinka uu dhigay Alle iyo bil xurmad gaar ah leh midna, hana (ku xadgudbina) hadyiga, iyo xoolaha la luqun xidhay (ee qurbaanka ah) iyo dadka u socda Beytka Xurmadda leh (Kacbada), iyagoo doonaya Fadliga Rabbigood iyo Raalli gelintiisa. Markaad bogtaan howlaha (Xajka ama Cumrada), markaa ugaarsada (haddaad doontaan), yeysanna naceybka dad idinka hor istaagay Masjidka xurmadda gaarka ahi leh idinku xambaarin inaad xad gudubtaan. Isuguna kaalmeeya sama falka iyo ka dhowrsiga (xumaha), oo ha isugu kaalmeynina denbiga iyo duullaanka (gardarrada ah). Alle ka cabsada, hubaal, Alle ciqaabkiisu wuu Daran yahay."},{"id":3,"translation":"3. Waxa la idinka xaaraameeyay (cunto ahaan) waa baqtiga, dhiig, hilib doofaar, iyo wixii lagu xuso (gowraco) waxaan magac Alle ahayn, iyo xoolaha lagu dilo ceego, ama jug, ama meel ka soo dhacay, ama hirdin - iyo wuxuu cuno dugaag [2] - waxaad (awood u yeelataan inaad) gowracdaan mooyee (dhimashadooda ka hor), iyo waxa loo (gowraco) asnaamta, (waxaa kaloo reebban) inaad wax ku kala qaybsataan ama ku nasiib doonataan faal iyo qori tuur, kaasi waa fisiq. Maantayna gaaladu ka quusteen diintiinna, ee ha ka baqina, ee Aniga (Alle) Keliya iga baqa. Maantaan [3] idiin dhammeystiray diintiinna, oo idiin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiinka raalli noqday Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan. Qofkii se ay ku qasabto gaajo daran (inuu cuno baqtiga) isagoo aan u dan laheyn u iilasho denbi, hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.","footnotes":"[2]. Wixii ay idiin soo qabtaan dugaagga oo uusan dugaaggu wax ka cunin. \n[3]. Waxaa loola jeedaa maanta Xajkii Sagootinta uu Nabigu s.c.w. gutay Xajka, wax yar kaddibna uu dhintay markuu u soo laabtay Madiina."},{"id":4,"translation":"4. Waxay ku weydiin waxa loo xalaaleeyey. Dheh: Waxaa la idiin xalaaleeyey waxyaalaha wanaagsan iyo waxaad barteen dugaagga iyo shimbiraha wax dhaawaca idinkoo u laylinaya ugaarsiga – aad bartaan wuxuu idin baray Alle; ee cuna waxay idiin soo qabtaan, oo ku xusa Magaca Alle korkooda. Alle ka cabsada.\nAlle waa ku Dhakhsi Badan yahay xisaabta."},{"id":5,"translation":"5. Maanta (dhammaan) waxyaalaha wanaagsan waa la idiin xalaaleeyey; cuntada (xoolaha ay gowracaan) kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waa idiin xalaal, cuntadiinnuna waa u xalaal iyaga. (Oo waa idiin xalaal guursiga) dhowrsanooyinka ka mid ah mu’minaadka iyo dhowrsanooyinka ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, markaad siisaan meherradooda idinkoo ku qaadanaya (guur) aan gaabsi ka dooneyn kana yeelanayn saaxiibbooyin qarsoodi ah. Qofkii beeniyana Iimaanka, waxaa bura camalkiisa, Aakhiradana wuxuu ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha weyn."},{"id":6,"translation":"6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad u kacdaan salaadda meyra wajiyaddiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna [4], meyrana lugahiinna ilaa canqawyada. Haddaad janaaba qabtaan, meyrta, haddaad bugtaanna ama safar tihiin ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro ama aad taabateen haween oo aydaan heli karin biyo, doonta carro daahir ah oo ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Ma rabo Alle inuu idin kor dhigo wax dhib ah, wuxuuse rabaa inuu idin daahiriyo, iyo inuu idiin dhammeystiro Nicmaddiisa dushiinna; si aad u mahdisaan.","footnotes":"[4]. iyo dhegahiinna intooda dusha ee muuqata iyo intooda gudaha ahba."},{"id":7,"translation":"7. Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna (waa Islaamka) iyo axdigiisa uu idiin ku guntay si adag, markaad tidhaahdeen: 'Waan maqallay waana adeecnay,' oo Alle ka cabsada. Hubaal, Alle wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka)."},{"id":8,"translation":"8. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo toosan oo u taagan Alle Darti, markhaatiyo caadil ah, yeysanna naceybka dad kale idinku xambaarin inaydaan caddaalad falin. Caddaalad fala: sidaasaa u dhow dhowrsanaanta. Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan."},{"id":9,"translation":"9. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwa rumeeyey oo samaha fala inay leeyihiin denbi dhaaf iyo Ajar weyn (Janno)."},{"id":10,"translation":"10. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, waa kuwaa ehlu Naarka."},{"id":11,"translation":"11. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna, markay qolo (Cadow idiin ah) goosteen inay idiin soo fidshaan gacmahooda xaggiinna, wuuse idinka qabtay gacmahooda ee Alle ka cabsada. Alle uun ha tala saarteen mu’miniintu."},{"id":12,"translation":"12. Wuxuu dhab ahaan Alle la galay axdi Ilmahii Israa'iil, waxaana ka soo saarnay dhexdooda labo iyo toban oday. Wuxuu Alle yidhi: Anigu waa idin la jiraa: haddaad oogtaan salaadda, oo bixisaan Zakada oo aad rumeysaan Rusushayda; oo u gargaartaan, oo amaahisaan Alle amaah wanaagsan (waa sadaqo siisaan fuqurada iyo masaakiinta). Waxaan idiin asturi xumaatooyinkiina oo idin gelin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qulqulaan.Qofkii se gaalooba intaas kaddib oo idinka mid ah, wuxuu ka lumay Jidka Toosan (ee Islaamka)."},{"id":13,"translation":"13. Hase yeeshee ka bixiddooda (Yuhuudda) axdigoodii awgii waan nacladnay oo ka dhignay quluubtooda adeyg; waxay ka duwaan ereyada (sharciga ee la xiriira tilmaamaha Nabi Muxammad iyo arrimo kale) meelahoodii, waxayna dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah (raacidda Nabi Muxammad); waxaadna ka arki mar walba khiyaano ku jirta xaggooda in yar oo ka mid ah maahee. ee iska cafi, iskagana jeeso. Hubaal, Alle wuxuu jecel yahay sama falayaasha."},{"id":14,"translation":"14. Kuwa yidhaahda waxaanu nahay Nasaaro, Waxaan la galnay axdi, wayse dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah (heysashada iimaanka iyo camalka wanaagsan). Markaasaan ku tallaalnay cadaawad iyo isnac dhexdooda ah ilaa Maalinta Qiyaamaha, wuxuuna Alle uga warrami doonaa waxay samaynayeen."},{"id":15,"translation":"15. Ehlu Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) oo idiin caddeynaya wax badan oo ka mid ah waxaad qariseen ee Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) ka midka ah (sida tilmaamaha Nabi Muxammad), oo iska dul maraya in badan. Xaqiiq waxaa haatan idiinka yimid xagga Alle Nuur iyo Kitaab cad (Qur’aanka)."},{"id":16,"translation":"16. Uu Alle kula hanuuniyo kan raaca Raalli ahaanshahiisa jidadka nabadda, kagana saaro mugdiyada xagga Nuurka Idankii, oo ku hanuunsha Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":17,"translation":"17. Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle waa Masiixa ina Maryam. Dheh: Yaa wax ka tari kara Alle hadduu doono inuu halaago Masiixa ina Maryam iyo hooyadi, iyo waxa ku sugan arlada oo dhan? Alle baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":18,"translation":"18. Yuhuudda iyo Nasaarada waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay ilmahii Alle iyo kuwa uu jecel yahay. Dheh: Muxuu haddaba idiinku cadaabaa denbiyadiinna?. Mayee, waxaad tihiin Aadmi ka mid ah wuxuu abuuray. Wuxuu u denbi dhaafi qofkuu doono, oo cadaabi qofkuu doono. Alle baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya. Waa Xaggiisa aayotiinka dambe iyo meel noqodkiinna."},{"id":19,"translation":"19. Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) isagoo idiin caddeynaya (Xaqa) hakasho kaddib (soo diristii) Rususha, si aydaan u odhan, Nooma imaan bishaareeye iyo dige midna. (Haatan) waxaa idiin yimid bishaareeye iyo dige. Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":20,"translation":"20. Oo (xus, Nabiyow) markuu Muuse ku yidhi qolodiisii: Tolkaygiiyow! Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna, markuu idinka soo dhex saaray Nabiyo, idinkana dhigay boqorro, idin siiyeyna waxaan la siin cid ka mid ah caalamka (waqtigiinnii)."},{"id":21,"translation":"21. Dadkaygiiyow (Muslimiinta ah)! Gala arladaan daahirka ah (Qudus) ee Alle idiin qoray (oo idinku waajibshay ka xoreynteeda mushrikiinta) , hana u noqonnina gadaashiinna, waayo markaas waxaad soo laaban idinkoo ku sugan khasaaro dhan."},{"id":22,"translation":"22. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Waxaa jooga halkaa qolo xoog badan (haraagii reer Caad oo ahaa dad dhaadheer oo xoog badan oo mushrikiin ah), mana galeyno jeer ay ka baxaan; hadday ka baxaan markaas baanu gali."},{"id":23,"translation":"23. Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Alle u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, markaad gashaan idinkaa adkaan. Alle tala saarta, haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":24,"translation":"24. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Innagu ma galeyno weligayo intay ku jiraan. Ee taga adiga iyo Rabbigaa oo dagaal gala labadiinnu, innagu halkan baanu fadhin."},{"id":25,"translation":"25. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Anigu ma hanto waxaan ahayn nafteyda iyo walaalkay (Haaruun), ee na kala saar innaga iyo qolodaa caasiyiinta ah."},{"id":26,"translation":"26. (Alle) wuxuu yidhi: Iyadu (dhulkan daahirka ah) waa ka xaaraan iyaga afartan sannadood, ay ku jaha wareeri dhulka. Ee ha u murugoon qoloda caasiyiinta ah."},{"id":27,"translation":"27. Uga warran qisada labadii wiil ee Aadam oo xaq ah; markay labaduba bixiyeen qurbaan ee laga aqbalay midkood [5], oo aan laga aqbalin kii kale [6]. (Qaabiil) wuxuu (ku) yidhi (Haabiil): Waan ku dili. (Haabiil) wuxuu yidhi: Sideedaba wuxuu Alle wax ka aqbalaa kuwa dhowrsoon ee u hoggaansan.","footnotes":"[5]. Waa Haabiil, oo ahaa xoolaley isagoo la baxay xoolihiisii inta u fiican sadaqo ahaan.\n[6]. Qaabiil, oo ahaa beeralay isagoo la baxay dalaggiisii inta u xun."},{"id":28,"translation":"28. Haddaad iigu soo fidiso gacantaada xaggeyga inaad I disho, Anigu kuugu soo fidin maayo gacantayda xaggaaga inaan ku dilo, waxaan anigu ka cabsan Alle, Rabbiga caalamka."},{"id":29,"translation":"29. Waxaan dooni inaad la gaddoonto denbigaad iga gasho iyo denbigaagaba, markaas waxaad ka mid noqon ehlu Naarka, taasina waa abaalka daalimiinta."},{"id":30,"translation":"30. Markaasay u qurxisay naftiisii dilka walaalki (Haabiil); oo uu dilay [7], wuxuuna ka mid noqday kuwa ku jira khasaaraha cad.","footnotes":"[7]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma jirto naf lagu dilo xaq darro uusan wiilkii Aadam ee hore (Qaabiil) qayb ku lahayn denbigaa.” W.w. Al- Bukhaari."},{"id":31,"translation":"31. Markaasuu Alle soo diray tuke fagaya dhulka si uu u tuso siduu u aasi lahaa maydka walaalki. Wuxuu yidhi: Hoogaye! Miyaan kari waayey inaan noqdo tukahaan oo kale oo aaso maydka walaalkay? Wuxuuna ahaaday mid ka qoomameeya."},{"id":32,"translation":"32. Sidaas darteed baan ugu qornay Ilmahii Israa’iil (iyo dadkoo dhammi) in qofkii dila naf aan ( loo dileyn) naf (ay disahay) ama fasaadin arlada darteed - waa sida isagoo dilay dadka oo dhan. Qofkii nooleeyana naf waa sida qof nooleeyey dadka oo dhan [8]. Waxay Rusushayadii ula yimaadeen xujooyin cad, haddana iyadoo taasi jirto bay intaas ka dambow in badan oo iyaga ka mid ah ku falaan xadgudub arlada.","footnotes":"[8]. Xukunkan ma khuseeyo Ilmihii Israaill oo keliya, ee waxaa soo galaya dadka oo dhan, wuxuu Alle guddoonshay in qofkii dila nafsad waa sida inuu dilay dadka oo dhammi, qofkiina nooleeya nafsad waa sida inuu nooleeyey dadka oo dhan."},{"id":33,"translation":"33. Jazaha kuwa la dagaallama Alle iyo Rasuulkiisa [9] ee ku dadaala inay ku falaan fasahaad arlada wax kale maahee waa uun in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo addimahooda is dhaaf [10], ama laga fogeeyo arlada. Arrinkani waa dulli ku raaca adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin Cadaab daran.","footnotes":"[9]. Ku qaada dagaal Alle iyo Rasuulkiisa waxaa loola jeedaa kuwa sameeya oo la yimaada fadqallo, fowda, fasahaad iyo argagixin dadka ama khiyaano qaran ama jid gooyo, ama ku soo qaada weerar dawladda islaamka.\n[10]. Goynta gacanta midigta iyo lugta bidix, oo hadduu mar kale fasahaadkaa oo kale falo waxaa laga goyn gacanta bidix iyo lugta midig."},{"id":34,"translation":"34. Kuwa tawbad keena maahee inta aydaan qaban ka hor, marka ogaada inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":35,"translation":"35. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada, oo u doonta xaggiisa dhowaansho, una jihaada Jidkiisa Aad liibaantaane."},{"id":36,"translation":"36. Hubaal, kuwa gaalooba hadday lahaan lahaayeen waxa jira arlada oo dhan iyo wax sidaa oo kale u badan oo wehliya si ay isaga furtaan cadaabka Maalinta Qiyaamaha lagama aqbalayo, waxayna leeyihiin Cadaab xanuun Badan."},{"id":37,"translation":"37. Waxay dooni inay ka soo baxaan Naarta, kamana baxaan xaggeeda, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah."},{"id":38,"translation":"38. Tuugga iyo tuugadda gooya gacmahoo- da, ciqaab ahaan waxay kasbadeen awgii, waa ciqaab eed siin ah xagga Alle. Alle waa Adkaade, Xakiim ah."},{"id":39,"translation":"39. Qofkii se tawbad keena kaddib markuu gef galay ee hagaajiya (naftiisa), Alle wuu ka tawbad aqbali. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":40,"translation":"40. Miyaadan ogeyn in Alle leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Wuxuu cadaabi qofkuu doono oo u denbi dhaafi qofkuu doono. Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":41,"translation":"41. Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah munaafiqiinta ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeynay, quluubtooduse aanay rumeyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa heysta Yuhuudiyada, waa aad u dhageystayaal beenta - dhageysta dad kale aan kuu imaan [11]. Waxay ka duwaan ereyada (Xukunnada sharciga) meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan [12] qaata, haddiise aan la idin siinin [13], markaa (ha qaadannina oo) digtoonaada. Qofkii uu Alle doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Alle, kuwaasi weeye kuwa uusan Alle doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay leeyihiin adduunyada dulli, waxayna leeyihiin Aakhirada Cadaab weyn.","footnotes":"[11]. Yuhuudda waa kuwo ka dhageysta been culimadooda aan la kulmin Nabiga s.c.w. ama waxay dhageystaan hadalka Nabiga s.c.w. kaddib waxay ugu gudbiyaan culimadooda iyo asxaabtooda si been ah.\n[12]. Xukunka ay rabaan oo ah in la jeedalo kuwa zinaysta ee horey u soo guursaday.\n[13]. Oo ay tahay in dhagax lagu dilo sida Towraadda ku taal."},{"id":42,"translation":"42. (Yuhuuddaa) waa been dhageystayaal, xaaraan quutayaal. Sidaas awgeed hadday kuu yimaadaan, u kala garsoor ama iskaga jeeso, haddaad ka jeesato waxba kaama dhimaan. Haddaad u kala garsoortana, ugu kala garsoor caddaalad dhexdooda. Hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa wax u garsoora si caddaalad ah."},{"id":43,"translation":"43. Sidee bay kaaga dhigan garsoor, iyagoo heysta Towraadda oo uu ku yaal xukunkii Alle [14]?. Markaasna ay jeestaan intaasi kaddib. Kuwani ma aha mu’miniin.","footnotes":"[14]. Oo cad oo ah in dhagax lagu dilo cidday ku caddaato zino iyagoo guur horey u soo maray."},{"id":44,"translation":"44. Waxaanu soo dejinnay Towraadda uu ku sugnaa Hanuun iyo Nuur, oo ay Nabiyadii u hoggaansamay (Alle) ugu kala garsooreen (arrimaha) kuwaasi ahaa Yuhuudda, sidaas bayna yeeleen Rabbi yaqaannadii iyo culumadii (Yuhuudda), kuwaasoo la saaray inay wax ka dhowraan Kitaabka Alle, waxayna ka ahaayeen markhaati. Ee ha ka baqina dadka ee iga baqa Aniga (Alle) Keliya, hana ku iibsannina Aayadahayga qiimo yar. Qofkii aan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaasi weeye kuwa gaalada ah."},{"id":45,"translation":"45. Waxaana ugu qornay (Towraadda): in naf loo qaado naf [15], ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta [16] waxaa loogu dhaafi denbigiisa. Qofkaan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka).","footnotes":"[15]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma bannaana in la daadsho dhiig qof Muslim ah oo qira inuusan jirin la caabude xaq ah aan ahayn Allaah iyo inaan anigu ahay Rasuulkii Alle haddii uusan la iman seddex arrimoood middood: Qof horay u guursaday oo zineysta, ama qof loo dilo qof uu dilay, ama qof ka baxa diinta Islaamka oo ka taga kulanka Muslimka. w.w. Al-Bukhaari.\n[16]. Iska saamaxa oo ka tanaasula xaqiisa Alle darti."},{"id":46,"translation":"46. Waxaan raacsiinnay raadkoodii Ciise ina Maryam, rumeyn wixii hortiisa ahaa ee Towraadda; Waxaana siinnay Injiilka uu ku sugnaa Hanuun iyo Nuur oo rumeyn wixii hortiis ahaa ee Towraadda, oo hanuun iyo waano u ah kuwa dhowrsoon."},{"id":47,"translation":"47. Ee ehlu Injiilka wax ha ku garsooreen waxa Alle ku soo dejiyey [17]. Qofkiina aan wax ku garsoorin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah caasiyiinta.","footnotes":"[17]. Waa inay Ehlu Injiilka wax ku xukumaan waxa uu Alle ku soo dejiyey, ilaa uu Qur’aan ka soo dego la xiriira waxaa."},{"id":48,"translation":"48. Waxaana kugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) oo Xaq ah isagoo rumeyn wixii ka horreeyey oo Kitaab ah oo isla markaa markhaati iyo ilaaliye u ah. Ee ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Alle soo dejiyey, hana raacin hawadooda adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin ka mid ah, waxaan u yeellay sharci iyo waddo (cad ee diinta). Hadduu doono Alle, wuxuu idin ka yeeli lahaa (dhammaantiin) ummad keliya, waase si uu idiinku imtixaano wuxuu idin siiyey; ee u tartama samaha. Waa Xagga Alle meel noqodkiinna dhammaantiin; markaasuu idiin sheegi waxaad isku khilaafsaneydeen."},{"id":49,"translation":"49. Ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah, hana raacin hawadooda, oo ka digtoonoow inay kaa jeediyaan qaar ka mid ah wuxuu Alle kugu soo dejiyey oo Waxyi ah. Hadday jeesadaanna, markaa ogow inuu Alle rabo inuu ku ciqaabo denbiyadooda qaarkood. In badan oo dadka ka mid ahina waa caasiyaal."},{"id":50,"translation":"50. Ma garsoorkii (waqtigii) jaahiliyadda baa waxay rabaan? Kumaa se Alle uga garsoor wanaagsan ciddii yaqiinsan?"},{"id":51,"translation":"51. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina Yuhuudda iyo Nasaarada gacallo iyo sokeeyayaal, iyagaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale, qofkii idinka mid ah ee ka dhigta sokeeye, wuxuu ka mid yahay iyaga. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah."},{"id":52,"translation":"52. Waxaad arki kuwa uu quluubtooda ku jiro cudur (shaki, nifaaq, iwm) oo u degdegaya xaggooda, iyagoo leh: Waanu baqaynaa si ayan noogu dhicin dhibaato (socota). Waxaase laga yaabaa in Alle keeno guul ama ciqaab Xaggiisa ah oo markaas ay ahaadaan kuwo waxay ku qarsanayeen nafahooda ka shallaaya."},{"id":53,"translation":"53. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Ma kuwan baa kuwii ku dhaartay Alle dhaarahooda midda ugu culus inay idin la jireen? Acmaashooda waxba kama jiraan, waxayna ahaadeen kuwo khasaaray."},{"id":54,"translation":"54. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa, wuxuu Alle keeni qolo uu jecel yahay, iyaguna jecel, u nugul mu’miniinta, ku ad-adag gaalada, u jihaada Jidka Alle, oo aan ka cabsan canaanta canaante. Kaasi waa Fadliga Alle, Wuxuu siiyaa qofkuu doono. Alle waa Deeq Ballaarane, wax kasta Og."},{"id":55,"translation":"55. Sideedaba Gargaarahiinnu Waa Allaah, iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey - kuwa ooga salaadda, oo bixiya Zakada iyagoo rukuucsan (u hoggaansan Alle)."},{"id":56,"translation":"56. Qofkii sokeeye ka dhigta Alle iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey, hubaal xisbiga Alle waa iyaga kuwa lib heli."},{"id":57,"translation":"57. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina kuwa ka dhigta diintiinna jeesjees iyo ciyaar ee ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, iyo gaalada (mushrikiinta ah) sokeeye. Alle ka cabsada, haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":58,"translation":"58. Markaad u addintaan salaadda, waxay (gaaladu) ka dhigtaan jees jees iyo cayaar. Arrinkani waxaa ugu wacan waa qolo aan garasho lahayn."},{"id":59,"translation":"59. Dheh: Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ma waxaad nagu eedeysaan waxaan ahayn inaan rumeynay Allaah, iyo waxa naloo soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey oo Waxyi ah awal hore, iyo inaad badankiin idinku tihiin caasiyaal."},{"id":60,"translation":"60. Dheh: Ma idiin sheegaa (waxa) ka meeqaan liita kani abaal marin ahaan xagga Alle, (waxaa ka meeqaan liita) kan uu Alle nacladay oo u cadhooday, oo uu ka yeelay daayeerro iyo doofaarro, iyo kan caabuday Shaydaanka; kuwaa baa u liita meeqaan ahaan aadna uga lunsan Jidka Toosan (ee Islaamka)."},{"id":61,"translation":"61. Markay idiin yimaadaan waxay yidhaahdaan: Waanu rumeynay (Xaqa); iyagoo xaqiiq la soo gala gaalnimo, oo la baxa. Alle wuu og yahay waxay qarin."},{"id":62,"translation":"62. Waxaad arkeysaa in badan oo ka mid ah oo kula tartamaya midkoodba kan kale u degdegidda denbiga iyo xad gudubka, iyo cunistooda waxa xaq darrada lagu kasbado. Xumaan badanaa waxay falaan."},{"id":63,"translation":"63. Maxay uga reebi waayeen Rabbi yaqaannada iyo culimadu hadalkooda denbiga ah iyo cuniddooda waxa xaqdarrada lagu kasbado. Xumaan badanaa waxay sameeyaan."},{"id":64,"translation":"64. Yuhuuddu waxay yidhaahdeen: Gacanta Alle way xidhan tahay! Gacmahoodu baa la xidhi oo waxaa loo nacladaa waxay ku hadleen dartii. Mayee, Labadiisa Gacmood way fidsan yihiin. Wuxuu (Alle) wax u baxshaa siduu doono. Wuxuu u kordhiyaa kuwo badan oo ka mid ah iyaga waxa lagaaga soo dejiyey oo Waxyi ah xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo. Waxaana dhignay cadaawad iyo isnac dhexdooda ilaa Maalinta Qiyaamaha; Mar kasta oo ay huriyaan dab dagaal, Alle baa damiya; waxayna ku dadaalaan inay ku fidiyaan fasahaad arlada. Alle ma jecla kuwa fasahaad falayaasha ah."},{"id":65,"translation":"65. Oo hadday ehlu-Kitaabku rumeeyaan oo ay iska ilaaliyaan (shirkiga iyo denbiyada kale ee waaweyn) waxaan u asturi lahayn xumahooda (denbiyadooda yar yar), waxaana galin laheyn beero barwaaqo ah (Janno)."},{"id":66,"translation":"66. Hadday oogaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxaa looga soo dejiyey xagga Rabbigood (Qur’aanka), waxay ka cuni lahaayeen (risiq) korkooda iyo cagahooda hoostooda. Waxaa ka mid ah ummad qaadda jid dhexdhexaad ah, in badanse oo ka mid ah waxaa xun waxay falaan."},{"id":67,"translation":"67. Rasuulkow! Gaarsii (dadka) waxa lagaaga soo dejiyey oo Waxyi ah xagga Rabbigaa. Haddaadan falin, ma aadan gaarsiin Fartiintiisa. Alle baa kaa ilaalin dadka. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada ah (ee madaxa adag)."},{"id":68,"translation":"68. Dheh: Ehlu-kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ma raacdaan waxba wax ku ool ah jeer aad oogtaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxa la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka); wuxuuna u kordhin in badan oo ka mid ah iyaga waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo. Ee ha u murugoon qoloda gaalada ah."},{"id":69,"translation":"69. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan), kuwii heystay Yuhuudiyadda, Saabbi’iintii, iyo Nasaaradii (ahaa Nabi Muxammad horti) - qofkii rumeeyey Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo sama falay, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan."},{"id":70,"translation":"70. Dhabtii waxaan la galnay Axdi Ilmahii Israa’iil oo Waxaan u dirnay Rusul. Mar kasta uu ula yimaado Rasuul wax aanay nafahoodu dooneyn, qaar (ka mid ah) way beeniyeen, qaarna way dileen."},{"id":71,"translation":"71. Waxay moodeen inaysan jireyn wax Fidna ah, markaasay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa), haddana Alle wuu ka tawbad aqbalay, haddana in badan oo ka mid ahi waxay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa). Alle wuu arkaa waxay falaan."},{"id":72,"translation":"72. Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle, waa Masiixa ina Maryam; Masiixuse wuxuu yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Caabuda Alle Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiin. Qofkii wax la wadaajiya Alle (cibaadada), wuxuu Alle ka xaaraantinimeeyey Jannada, hoygiisuna waa Naarta. Daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada ama u shafeeci)."},{"id":73,"translation":"73. Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle, waa saddexeenka seddexda. Mase jiro Ilaah (xaq ah) aan ahayn Alle Keliya. Haddayna ka hari waayaan waxay leeyihiin, waxaa taaban kuwa gaaloobay oo ka mid ah cadaab xanuun badan."},{"id":74,"translation":"74. Miyeyna u tawbad keeneyn Alle oo weydiisanayn Denbi Dhaafkiisa? Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":75,"translation":"75. Masiixa ina Maryam ma ahayn waxaan ahayn Rasuul; waxaa tagey hortiis Rusul badan, hooyadina waxay ahayd run badan; waxay labaduba cuni jireen cunnada. Eeg sidaan ugu caddeyno Aayadaha, misna eeg sida loo iilo."},{"id":76,"translation":"76. Dheh: Ma waxaad caabudeysaan Alle ka sokow wax aan idiin hanan karin dhib iyo dheef midna? Alle waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah."},{"id":77,"translation":"77. Dheh: Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina camalkiinna xaq darro, hana raacina hawada dad dhumay mar hore, oo in badan dhumiyey, oo ka dhumay Jidka Toosan (ee Islaamka)."},{"id":78,"translation":"78. Kuwii gaaloobay ee ka midka ahaa Ilmahii Is’raaiil waxaa lagu nacladay carrabka Daawuud iyo Ciise ina Maryam. Waxaa arrinkani ugu wacnaa inay caasi-yeen darteed oo xadugudub sameyn jireen."},{"id":79,"translation":"79. Iskama ay reebi jirin waxyaalaha xun ay falaan. Xumaan badanaa waxay falayeen."},{"id":80,"translation":"80. Waxaad arki in badan oo ka mid ah oo ka dhiganaya sokeeye iyo gacallo gaalada. Xumaa waxay naftoodu u hormarisay iyaga oo ah inuu Alle u cadhooday, oo cadaabtay ku waari weligood."},{"id":81,"translation":"81. Hadday yihiin kuwo rumeysan Alle iyo Nabiga iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah, kama ay dhigteen sokeeyayaal iyo saaxiibbo (gaalada), in badanse oo ka mid ah waa caasiyaal."},{"id":82,"translation":"82. Waxaad heli kuwa uga cadaawad qaad badan mu’miniinta inay yihiin Yuhuudda iyo kuwa ah mushrikiinta, waxaadna heli kuwa ugu jaceyl dhow mu’miniinta inay yihiin kuwa yidhaahda: Waxaanu nahay Nasaaro. Waxaa arrinkani ugu wacan inay ka mid yihiin qaysas iyo ruhbaan, iyo inaysan iskibrin darteed."},{"id":83,"translation":"83. Markay maqlaan waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah Rasuulka, waxaad arki indhahooda oo ay ka qubanayso ilmadu Xaqa ay garteen awgii.Waxay yidhaahdaan: Rabbigayow! Waan rumeynay; ee nagu qor la jirka kuwa ka marag kaca Xaqa."},{"id":84,"translation":"84. Maxaanaan u rumeyneyn Alle iyo waxa noo yimid ee Xaqa ah, oo aannaan u damceyn inuu Rabbigeen na geliyo (Jannada) la jirka dadka wanaagsan (Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa)."},{"id":85,"translation":"85. Markaasuu Alle ku abaal mariyey waxay yidhaahdeen awgeed beero (Jannooyin) ay webiyadu hoos qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya. Taasina waa abaal marinta sama falayaasha."},{"id":86,"translation":"86. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, kuwaa waa ehlu Naarka."},{"id":87,"translation":"87. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha xarrimina Waxyaalaha wanaagsan uu Alle idiin banneeyey, hana xad gudbina. Hubaal, Alle ma jecla kuwa xadgudba."},{"id":88,"translation":"88. Cuna wuxuu Alle idin siiyey oo xalaal wanaagsan ah, kana cabsada Alle, ee ah Kan aad rumeysan tihiin."},{"id":89,"translation":"89. Alle idiin ma qabto waxa aydaan dan ka lahayn ee aad isaga dhaarataan (ujeeddo la’aan), wuxuuse idiin qaban (jabinta) dhaaraha aad si kas ah u gashaan. Kafaaragudkeedu waa quudin toban qof oo miskiin ah (aad siisaan) kan u fiican waxaad ku quudisaan reerihiinna ama u arrad tirkooda, ama xoreyn addoon. Qofkii aan heli karin waa inuu soomo seddex maalmood (oo xidhiidh ah). Kani waa kafaara gudka dhaarihiinna markaad dhaarataan. Ee dhowra dhaarihiinna. Sidaasuu Alle idiinka dhigaa caddaan Aayadihiisa si aad u mahdisaan."},{"id":90,"translation":"90. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Sideedaba Khamrada iyo qamaarka iyo (wax u hibeynta) sanammada iyo faalku [18] waa qurun camal shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaataane.","footnotes":"[18]. Azlaam: waa fallaar aan lahayn baal ama dhogor ay qaadan jireen dadkii jaahiliyadda waagii jaahiliyadda ay ku qori tuuran jireen markay arrin damcaan, waxay soo qaadan jireen seddex fallaarood: ay midi ku dhigan tahay: fal, midka labaadna ha falin, kan seddexaad: ku celi mar kale. Waxaa la dhigi jirey meel, kaddib lagu xafidi jirey Kacbada. Hadday arrin damcaan waxay amri jireen furahayeenka Kacbada inuu midkood soo qaado, hadday gacantiisa ku soo dhacdo midka ay ku dhigan tahay fal, wuxuu wadanayey howshiisa, haddayse u soo baxdo midka ay ku dhigan tahay ha falin, wuu iska deynayey arrinkaa, hadduu u soo baxona ku celi, wuu ku celinayay qori tuurashada."},{"id":91,"translation":"91. Shaydaan wuxuu rabaa inuu idinku dhex dhigo colaad iyo isnac khamrada iyo qamaarka, oo idinka jeediyo xusidda Alle iyo salaadda, ee ma ka joogeysaan?"},{"id":92,"translation":"92. Adeeca Alle adeecana Rasuulka oo digtoonaada. Haddiise aad jeedsataan, ogaada waxaa uun saaran Rasuulkayaga Gaarsiin Cad."},{"id":93,"translation":"93. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala ma jiro wax denbi ahi oo ku saaran waxay cuneen (ama cabbeen intaan la xaaraanti- meyn), hadday haatan iska jiraan xumaha (oo gutaan waajibyada Alle saaray), oo rumeeyaan oo camallo san falaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo gutaan (waajibyada saaran) oo rumeeyaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo sama falaan. Alle wuxuu jecel yahay sama falayaasha."},{"id":94,"translation":"94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wuxuu Alle idinku imtixaani wuxuun (la xidhiidha) ugaadha oo ay gaari karaan gacmihiinna iyo warmihiinnu, si uu Alle u muujiyo kan ka cabsada isagoo aan cidi arkeyn. Qofkii se xadgudba intaa kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan."},{"id":95,"translation":"95. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha dilina ugaadha [19] idinkoo xidhan (Xaj ama Cumro), qofkii idinka mid ah oo u dila ula kac (ugaadh isagoo xidhan Xaj ama Cumro), ganaaxiisu waa xoolo nicmooley ah oo u dhigma wuxuu dilay oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ahi hadyi la keenayo Kacbada, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soon ah, si uu u dhadhamiyo culeyska (natiijada) falkiisa, Alle wuu idinka cafiyey wixii tegay, qofkiise u noqda (denbigaa) mar kale, Alle wuu ka aar gudan. Alle waa Adkaade, Aar goosi leh.","footnotes":"[19]. Ugaadha waa isku wada mid kuwa ay bannaan yihiin cunistooda iyo kuwa aanay bannaanayn, marka laga reebo tukaha, dib qallooca, jiirka, iyo eyga falya goyska ah, werinna waxay leedahay waa sidoo kale maska waa la dili karaa iyaga goor kasta."},{"id":96,"translation":"96. Waxaa la idiin banneeyey ugaadha badda aad ugaarsataan iyo cunnadeedaba - sahay aad leedihiin idinka iyo kuwa socdaalka ah, waxaase la idinka reebay ugaadha barriga aad ugaarsataan inta aad xidhan tihiin (Xaj ama Cumro). Dhowra (amarrada) Alle ee ah Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin."},{"id":97,"translation":"97. Alle wuxuu u yeelay Kacbada Beytka Xurmadda leh daryeel dadka awgi iyo bilaha xurmadda leh iyo hadyiga iyo xoolaha qurbaanka ee calaamadeysan, arrinkani waa si aad u ogaataan in Alle og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, iyo in Alle Og yahay wax walba."},{"id":98,"translation":"98. Ogaada in Alle Ciqaabkiisu Daran yahay, iyo in Alle Denbi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay."},{"id":99,"translation":"99. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn gaarsiinta (dadka Diinta Alle). Alle wuu Ogyahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaanba."},{"id":100,"translation":"100. Dheh: Ma sinna waxa xun iyo waxa fiican, walow aad la yaabto badnaanta waxa xun. ee dhowra (amarrada) Alle wax garadkow aad liibaantaane."},{"id":101,"translation":"101. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka keenina su’aalo waxyaalo haddii la idiin caddeeyo aad ku dhibtoon kartaan. Haddiise aad ka keentaan su’aalo marka Qur'aanka la soo dejinayo waa la idiin caddeyn, Alle wuu idinka cafiyey. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan."},{"id":102,"translation":"102. Dad idinka horreeyey baa keenay su’aalahaa oo kale, markaasay noqdeen kuwo Xaqa diida oo ku gaalooba."},{"id":103,"translation":"103. Ma uusan amrin Alle (yeelashada) Baxiirah [20] ama Saa’ ibah [21] ama Wasiilah [22] ama Xaam [23] gaaladuse waxay ka been sheegaan Alle, badankooduna ma laha garasho.","footnotes":"[20]. Xoolo caanahooda sanamyada loo bixiyo.\n[21]. Xoolo sanamyada dartood loo sii daayo.\n[22]. Xoolo sanamyada lagu sadaqeysto. \n[23]. Riti sanamyada loo daayo."},{"id":104,"translation":"104. Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya waxa uu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah iyo xagga Rasuulka. Waxay yidhaahdaan: Waxaa nagu filan waxaanu ka hellay aabbayaashayo, oo haddii aysan aabbayaashood wax ogeyn oo aanay hanuunsanayn (ma raacayaan)."},{"id":105,"translation":"105. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wuxuu xil idinka saaran yahay nafahiinna. Wax dhib ah idinkama soo gaari karaan ciddii lunta markaad idinku hanuunsan tihiin. Waa xagga Alle meel noqodkiinna dhammaantiin, markaasuu idiinka warrami waxaad camal falayseen."},{"id":106,"translation":"106. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maragga dhexdiinna ah markay geeridu ku soo dhowaato midkiin, marka uu dardaarmayo, waa labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ah ama labo kale oo qeyrkiin ah, haddaad socdaal ku tihiin arlada oo ay musiibada mowdku idin hesho. Labada (marag) waa inaad joojisaan salaadda (Casar) kaddib, markaa haddaad ka shakidaan [24], waa inay ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya): Innagu ku qaadan meyno wax dheef adduun ah arrinkani, qaraababa ha ahaadee, mana qarineyno Maragga Alle, (haddii kale markaa) waxaanu ka mid ahaan denbiilayaasha.","footnotes":"[24]. Inay markhaati been ah fureen ama been ku dhaarteen."},{"id":107,"translation":"107. Markaa haddii la ogaado inay muteen denbi, labo kale baa meeshooda joogsan (oo la dhaarin), ka mid ah kuwaa xaq ku sheeganaya, labada u xiga qaraabo ahaan. Markaa waa inay labadaa ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya) wallee maraggayaga baa ka xaqsan maraggooda, mana xadgudbin, (haddaan xadgudubno) waxaanu markaa ka mid ahaan daalimiinta."},{"id":108,"translation":"108. Arrinkaa baa wanaagsan si ay ula yimaadaan maragga wejigiisa runta ah, ama waxay ka cabsan in dhaaraha (kale) la qaato [25] dhaarahooda kaddib. Ee Alle ka cabsada, waxna maqla. Alle ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha ah (madaxa adag).","footnotes":"[25]. In la celiyo dhaarahooda waa markhaatiyada dadka aan idinla diinta ahayn, waxaa lagu celiyaa markhaatiyada dadka idiin dhow, kuwa been ku dhaartana waxaa laga goyn adduun iyo aakhiroba beentaas ay ku dhaarteen."},{"id":109,"translation":"109. (Xus) Maalinta uu Alle wada kulmin Rususha oo ku odhan: Maxaa la idiinku jawaabay? Waxay odhan: Ma aynu ogin, Adaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon."},{"id":110,"translation":"110. Marka Alle odhan: Ciise ina Maryamow! Xusuuso Nicmaddeyda aan ku dul mannaystay adiga iyo hooyadaaba, markaan kugu xoojiyey Ruuxa Daahirka (Jabriil), waxaad la hadashay dadka adigoo caydin dhashay ah iyo adigoo garmadoobe ah; iyo markaan ku baray Qoraalka, Xikmadda, Tawraadda, iyo Injiilka; iyo markaad ka yeelaysay dhoobo wax u eg shimbir Aniga Idankay, oo aad afuufaysay, markaasna ay noqonaysay shimbir Idankay, oo aad bogsiisay indhoolaha iyo baraslaha Idankayga, oo aad ku soo saartay meytida Idankeyga. Markaan kaa celiyey Ilmahii Israa’iil kolkaad ula timid Xujooyin cad, ha yeeshee kuwii gaaloobay ee ka midka ahaa yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad."},{"id":111,"translation":"111. Markaan u waxyooday xawaariyiintii (anigoo ku leh): I rumeeya Aniga iyo Rasuulkaygaba, waxay yidhaahdeen: Waan rumeynay oo marag ka how inaanu nahay Muslimiin."},{"id":112,"translation":"112. (Xus) markay xawaariyiintii yidhaahdeen: Ciise ina Maryamow! Ma karaa Rabbigaa inuu nooga soo dejiyo xeero cunto ah samada? Wuxuu yidhi: Alle ka cabsada, haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":113,"translation":"113. Waxay yidhaahdeen: Waxaan rabnaa inaan wax ka cunno, oo ay ku degaan quluubtayada, oo aan ogaanno inaad run noo sheegeyso, oo ka ahaanno markhaatiyo arrinkaa."},{"id":114,"translation":"114. Ciise ina Maryam wuxuu yidhi: Allahayow! Rabbigayow! Nooga soo deji xeero cunto ah samada, oo u noqota ciid kaayaga hore iyo kaayaga dambeba iyo calaamo xaggaaga ah; oo na sii risiq, Adigaa u wanaagsan inta wax arsaaqda'e."},{"id":115,"translation":"115. Alle wuxuu yidhi: Waan idinku soo dejin, ee qofkii idinka mid ah ee gaalooba markaas kaddib, waxaan cadaabi cadaab aan cadaabeyn qof ka mid ah ummadaha."},{"id":116,"translation":"116. Marka Alle odhan: Ciise ina Maryamow! Ma adigaa ku yidhi dadka: Iga dhigta Aniga iyo hooyaday labo ilaah Alle ka sokow? Wuxuu odhan: Xurmoo dhan Adigaa (Allow) leh oo ka hufan (xumaan)! Igama suurta gasho inaan idhaahdo wax aan xaq u lahayn. Haddaan odhan lahaa, waad ogaan laheyd. Waxaad Og tahay waxa ku jira nafteyda, Aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Adiga ayaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon ee aan muuqan."},{"id":117,"translation":"117. Kuma aan odhan waxaan ahayn waxa aad i amartay oo ah: Caabuda Alle Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiin, Waxaana anigu markhaati ka ahaa intaan la joogay, markaad se i qabatay anigoo nool (oo kor ii qaadday samada), Adigaa dhowrayey dhowrid dhan oo joogto ah, Adigaana Marag ka ah wax walba oo u jeeda."},{"id":118,"translation":"118. Haddaad cadaabeyso, waa addoommahaaga, haddaad u denbi dhaafeysona, Adigaa ah Adkaadaha aan laga adkaan, Xakiimka ah (Falka iyo Odhaahda san)."},{"id":119,"translation":"119. Alle wuxuu odhan: Kanu waa Maalin ay runtoodu wax u tari runlowyada, waxay leeyihiin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qulqulaan iyagoo ku dhex waaraya weligood. Alle raalli buu ka yahay, iyaguna raalli ka yihiin. Taasina waa liibaanta weyn."},{"id":120,"translation":"120. Alle baa iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa gudahooda ah. Alle wax kasta (uu doono) wuu Karaa."}]},{"id":6,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa gaalada ah waxay u yeelaan shariigyo ay la mid dhigaan Rabbigood."},{"id":2,"translation":"2. (Alle) waa Kan idinka abuuray dhoobo, markaas (idiin) qaddaray muddo (aad ku dhimataan), waxaana jira muddo (kale oo) magaacaban (Saacadda Qiyaame) uu Isagu (Alle keliya) Og yahay, idinkuse (gaaloy) waad ka shakisan tihiin oo ka dooddaan."},{"id":3,"translation":"3. (Alle) waa Isaga Ilaaha (Keliyee Xaqa ah ee lagu caabudo) samooyinka gudahooda iyo arlada, wuxuu Ogsoon yahay sirtiinna iyo caadkiinnaba, wuxuuna Ogsoon yahay waxaad kasbataan (oo camallo ah khayr ama shar)."},{"id":4,"translation":"4. Uma timaaddo Aayad (Calaamad, mucjiso, xujo, daliil, iwm) ka mid ah Aayadaha Rabbigood, waase ka jeesadaan."},{"id":5,"translation":"5. Waxay beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxaase u iman doona xaqiiqda arrinkay ku jees jeesayeen."},{"id":6,"translation":"6. Miyey ogaan intaan hallignay hortood (wax badan) oo facyo ah, kuwaasoo aan ku awood siinnay dhulka si aanaan idiinku awood siin? Waxaan uga soo dirnay daruuraha (roob) mahiigaan ah, waxaana ka yeelnay webiyada kuwo socda hoostooda, waanse hallignay denbiyadoodii dartood, waxaana ahaysiinnay iyaga kaddib facyo kale."},{"id":7,"translation":"7. Haddaan kugu soo dejinno (Nabiyow) qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, waxay gaalada odhan lahaayeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad."},{"id":8,"translation":"8. Waxay yidhaahdeen: Maxaa malag loola soo diri waayey? Haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, markaasna lama siiyeen fursad (ay ku tawbad keenaan)."},{"id":9,"translation":"9. Haddaan ka yeello malag, waxaan ka yeeli laheyn nin, markaasaan iskaga dari lahayn arrinka siday iyaguba isaga daraan."},{"id":10,"translation":"10. Waxaa dhab ahaan lagu jees jeesay Rusul kaa horreysey, waxaa se ku digtayaashii ka midka ahaa ku dhacay (Ciqaabtii) waxay ku jeesjeesayeen."},{"id":11,"translation":"11. Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibta (Xaq) beeniyayaasha."},{"id":12,"translation":"12. Dheh: Kumaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis; wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Kuwa khasaariyey nafahooda, ma rumeynayaan."},{"id":13,"translation":"13. Alle baa iska leh waxa ku xasilan habeenka iyo maalinta, waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah."},{"id":14,"translation":"14. Dheh: Ma waxaan yeeshaa wali (sokeeye, gargaare, ilaah, rabbi) aan aheyn Alle, askumaha samooyinka iyo arlada? Isagaa wax quudiya, lamana quudiyo. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). Ha ka mid noqoninna mushrikiinta."},{"id":15,"translation":"15. Dheh: waxaan ka cabsan, haddaan ku caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin Weyn."},{"id":16,"translation":"16. Kan laga duwo Maalinkaas (Cadaabka). Alle wuu u Naxariisatay, taasina waa Liibaanta Cad (ee muuqata)."},{"id":17,"translation":"17. Hadduu Alle ku taabsiiyo dhib, ma jiro wax kaa kor qaadi karaa aan Isaga ahayn, hadduu ku taabsiiyona khayr, Isagaa wax walba Kara."},{"id":18,"translation":"18. Waa Maquuniyaha (sandulleeya daalimiinta iyo isla weynayaasha) ee ka korreeya addoomahiisa, waana Xakiimka, Xog Ogaalka ah Xeesha dheer."},{"id":19,"translation":"19. Dheh: Maxaa u weyn Marag? Dheh: Alle baa ah Maragga dhexdeenna aniga iyo idinka; waxaana la ii waxyooday Qur'aankan inaan idiinku digo idinka iyo cid kasta uu gaadho. Ee idinku ma waxaad ka marag kacdaan inay Alle la jiraan ilaahyo kale? Dheh: Anigu kama marag kacayo. Dheh: Waa uun Ilaah Keliya, aniguna waxaan barii ka ahay waxaad la wadaajisaan (Alle cibaadada)."},{"id":20,"translation":"20. Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) siday u gartaan carruurtooda. Kuwa khasaari nafahooda (Aakhirada) ma rumeynayaan."},{"id":21,"translation":"21. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadihiisa? Hubaal daalimiintu ma liibaanaan."},{"id":22,"translation":"22. Maalintaan kulmineyno (dadka) dhammaan, markaas baan ku odhan kuwii la wadaajiyey (Alle) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay Alle shariigyo la yihiin)."},{"id":23,"translation":"23. Markaas ma ahaan doono cudurdaarkoodu waxaan ahayn inay dhihi: Wallaahi, Rabbigayow, ma aanu aheyn gaalo mushrikiin ah."},{"id":24,"translation":"24. Eeg Siday uga been sheegeen nafahooda, ugana dhumeen waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo aan jirin ah)."},{"id":25,"translation":"25. Waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, waxaana yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin (Xaqa), iyo culeys dhegahooda; hadday arkaan calaamo (mucjiso) kasta ma rumeynayaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa gaalooba yidhaahdaan: Kani (Qur’aanka) ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore."},{"id":26,"translation":"26. Waxay ka reebaan dadka (rumeynta Nabiga iyo dhageysiga Qur’aanka) iyaguna ka sii fogaadaan, mana halligayaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana."},{"id":27,"translation":"27. Haddaad arki lahayd iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka), ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, waxaana ka mid noqon laheyn mu’miniinta."},{"id":28,"translation":"28. Waxaase u muuqan waxay kal hore qarinayeen, oo haddii dib loogu celin lahaa (adduunka), waxay ku noqon lahaayeen wixii laga reebay, waana beenalayaal."},{"id":29,"translation":"29. Waxay yidhaahdeen: Ma jirto (nolol kale) aan aheyn noloshayada (tan) adduunkan, nalamana soo saarayo (dhimashadayada kddib)."},{"id":30,"translation":"30. Haddaad arki lahayd marka la hor joojiyo Rabbigood. Wuxuu odhan: Soo ma aha kani (Naarta) Xaq? Waxay odhan: Haah,Rabbiyow.Wuxuu odhan: Haddabs dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed."},{"id":31,"translation":"31. Waxaa dhab u khasaaray kuwa beeniya la kulanka Alle (ee Aakhiro), jeer markay Saacadda (Qiyaame) ugu timaaddo si kedis ah, waxay odhan: Alla innaguye waxaan ka gaabinnay oo ku gabood fallay darteed, waxayna ku xambaari culeysyadooda (denbiyadooda) dhabarradooda, xumaa waxay xambaari (oo denbiyo ah)."},{"id":32,"translation":"32. Ma aha noloshan adduunka waxaan aheyn cayaar iyo madaddaalo. Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha), ee miyaydaan garowsaneyn?"},{"id":33,"translation":"33. Waxaan ognahay inay waxay (been) sheegaan runtii ku murugo geliso (Nabiyow): Mase aha adiga waxay beeninayaan, waase Aayadaha Alle waxay daalimiintu (gar diidku) dafirayaan."},{"id":34,"translation":"34. Waxaa dhab ahaan la beeniyey Rusul kaa horreeyey, wayse ku samreen beenintii iyo dhibkii loo geysanayey ilaa uu u yimid Gargaarkayaga, mana jiraan wax beddeli kara kelmedaha Alle. Waxaana ku soo gaaray warkii Rususha."},{"id":35,"translation":"35. Hadday kugu weynaatayna (cuslaatay) ka jeedsigoodu (xaggaaga Nabiyow iyo Xaqa lagula soo diray oo aadan u samri karin), haddaba haddaad karto inaad god ka yeelato arlada gudaheeda, ama sallaan (aad ku fuusho) samada si aad ugu keento calaamo (samee). Hadduu Alle doono wuxuu ku soo kulmin lahaa iyagoo dhan hanuunka, ee ha ka mid noqon jaahiliinta."},{"id":36,"translation":"36. Kuwaa wax maqla (mu'miniinta) uun baa ajiiba (baaqa Alle), meytidase (gaalada), Alle baa soo bixin, Xaggiisaana loo celin."},{"id":37,"translation":"37. Waxay yidhaahdeen: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo (Mucjisad) xagga Rabbigi ah? Dheh: Alle wuu Karaa inuu soo dejiyo calaamo, badankooduse ma oga."},{"id":38,"translation":"38. Ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duula labadiisa baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka [1], markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin.","footnotes":"[1]. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Kitaabka waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka, taasina waa in arrimaha uunka oo idil ay ku qoran yihiin Looxa Maxfuudka, qaarna waxay ku fasireen Qur’aanka oo sheegeen inay ku yaalliin aasaasyada diinta iyo suluugga iyo axkaanta iyo xikmadaha, iyo jidka lagu liibaano labada daaroodba adduunka iyo aakhirada."},{"id":39,"translation":"39. Kuwa beeniya Aayadahayaga waa kuwo ka dhega la’ (Xaqa) oo ka af la’ oo ku jira mugdiyo daran. Qofkuu doono Alle wuu lumiyaa, qofkuu doonana wuxuu yeelaa Jid Toosan."},{"id":40,"translation":"40. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado Cadaabka Alle ama ay idiin timaaddo Saacaddu (Qiyaame), ma cid kale aan Alle ahayn ayaad baryeysaan haddaad run sheegaysaan?"},{"id":41,"translation":"41. Mayee’ Isaga uun ayaad baryeysaan, markaasuu idinka dul qaadi (dhibta) waxaad ka baryeysaan hadduu doono, waadna illowdaan waqtigaa waxaad la wadaajineyseen cibaadada (oo Keligii baridaan)."},{"id":42,"translation":"42. Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen) markaas baan ku qabannay dhibaatooyin iyo jirrooyin si ay u soo dabcaan oo ugu hoggaansamaan (Alle)."},{"id":43,"translation":"43. Maxay markuu u yimid Ciqaabkayaga, u soo hogan waayeen? Quluubtoodaase qallashay, wuxuuna u qurxiyey Shaydaan waxay falayeen."},{"id":44,"translation":"44. Markay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey iyo wixii loogu gooddiyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxay ku sugan yihiin quus daran."},{"id":45,"translation":"45. Markaasaa la cidhibtiray dadkii falay dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale). Ammaan idilkeed iyo mahadna waxaa mudan Alle, Rabbiga uumanka."},{"id":46,"translation":"46. Dheh: Bal ka warrama hadduu Alle qaado maqalkiinna iyo araggiinna, oo yeelo shaabbad quluubtiinna daboosha; waa kuma ilaaha aan aheyn Allaah ee idiin keeni? Eeg sidaan ugu celcelinno Aayadaha, markaas ay uga sii jeestaan?"},{"id":47,"translation":"47. Dheh: Bal ka warrama, hadduu idiinku yimaado Cadaabka Alle kedis ama caddaan; Miyaa la halaagaa waxaan aheyn qoloda daalimiinta (gar diidka) ah?"},{"id":48,"translation":"48. Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyaal iyo digayaal, ee qofkii rumeeya oo sama fala, kuwaas cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan."},{"id":49,"translation":"49. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaa taaban (soo gaari oo ku dhici) cadaab caasintooda darteed."},{"id":50,"translation":"50. Dheh: Idinkuma dhaho waxaan hayaa khasnadaha Alle, mana ogi waxa aan muuqan ee qarsoon, idinkumana dhahayo waxaan anigu ahay malag. Waxaan uun raacaa waxa la ii waxyoodo. Dheh: Kan indhaha la’ iyo kan wax arka miyey siman yihiin? Miyeydaan fakaraynin?"},{"id":51,"translation":"51. Oo ugu dig (Qur’aanka) kuwa ka cabsan in loo soo kulmiyo xagga Rabbigood—ma laha gargaare iyo shaafeece midna Isaga sokadiis, bal inay iska jiraan (xumaha)."},{"id":52,"translation":"52. Ha eryin (Nabiyow) kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba, iyagoo dooni Wajigiisa. Waxba kaama saarna [2] Xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, (ee iska jir) inaad eriso, oo sidaas uga mid ahaato daalimiinta.","footnotes":"[2]. Qofna lama weydiinayo camallada iyo niyooyinka qof kale, Aayadaha 52-54 waxay ka hadlayaan fuqurada muslimiinta. markii uu Rasuulka s.c.w. la fadhiistay mu’miniintaa qaarkood, kuwaasoo ay Quraysh u arkeen inay yihiin kuwo liita oo daciif ah iyo masaakiin, waxay madaxdii Quraysh u yimaadeen Nabiga s.c.w. wayse diideen oo iska weyneeyeen inay la fadhiistaan mu’miniintaa, oo u soo jeediyeen inuu eryo si ay ula hadlaan, waxay ku yidhaahdeen haddii aad iska kala eriso, markaa waan ku raacaynaa. markaasaa waxaa soo degay Aayaddan."},{"id":53,"translation":"53. Sidaasaan isugu imtixaannaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay (kuwooda hodanka ahi) yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Alle uu ku mannaystay (hanuunka) dhexdeenna? Miyaanu Alle ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa?"},{"id":54,"translation":"54. Markay kuwa rumeysan Aayadahaya- ga kuu yimaadaan, dheh: Nabadi korkiinna ha ahaato, Rabbigiin wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis, sidaa awgeed, hadduu midkiin u falo xumaan jahli darti, markaas kaddibna tawbad keeno oo wanaagsanaa- do, hubaaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":55,"translation":"55. Sidaasaan u faahfaahinnaa Aayadaha si ay u caddaato waddada denbiilayaasha."},{"id":56,"translation":"56. Dheh: Waxaa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi. Dheh:Raaci maayo hawadiin- na, waayo (haddii aan sidaas yeelo), waan lumi, kamana mid ahaanayo kuwa hanuunsan."},{"id":57,"translation":"57. Dheh: Anigu waxaan ka heystaa Xujo Cad xagga Rabbigay, waadse beeniseen (Xaqa), ma hayo waxa aad degdegsaney- saan (Cadaabka). Go’aanka waxaa iska leh Alle Keliya, wuxuu soo tebiyaa Xaqa, waana Isaga Kan u wanagsan inta wax kala saarta."},{"id":58,"translation":"58. Dheh: Haddaan hayn lahaa waxaad dooneysaan in la soo dedejiyo (oo cadaab ah), arrinka wuxuu ahaan lahaa mid la gooyey aniga iyo idinka dhexdeenna. Alle wuu ogsoon yahay daalimiinta (gar diidka)."},{"id":59,"translation":"59. Wuxuu (Alle) hayaa furayaasha khaznadaha qarsoon, ma jiro wax ogsoon aan Isaga ahayn. Wuxuu og yahay wax kasta oo ku sugan barriga iyo badda; ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; ama iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhaammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka)."},{"id":60,"translation":"60. (Alle) waa Kan oofsada nafahiinna habeenka (hurdada gudaheeda), wuxuuna ogsoon yahay waxaad kasabtaan maalinnimada (oo khayr ama shar ah), haddana idinka soo kiciya mar kale si loo oofiyo muddo magacaaban, Xaggiisaana la idiin celin, markaasuu idiin sheegi wixii aad fasheen (oo dhan)."},{"id":61,"translation":"61. Waa Maquuniyaha awoodda badan, ee ka korreeya addoomahiisa, wuxuu idiin soo diraa ilaalo (malaa'ig) korkiinna ah, jeer markuu midkiin u yimaado mowtku, waxaa oofsada Rusushayada (Malaa’igta ah), mana gabood falaan."},{"id":62,"translation":"62. Markaasaa waxaa dib loogu celiyaa Allaah, Mudanahooda Xaqa ah. Isagaa leh go’aanka, waana Kan u dhaqso badan inta wax xisaabisa."},{"id":63,"translation":"63. Dheh: Waa kuma kaa idinka badbaadiya halisaha barriga iyo badda (marka) aad baridaan (si caddaan ah) isu dulleyn iyo qarsoodiba (idinkoo dhihi): Hadduu naga badbaadiyo (halis) tan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahadiya."},{"id":64,"translation":"64. Dheh: Alle baa idinka badbaadiya halis iyo kurba kasta, markaas ayaad haddana u shariig yeeshaan."},{"id":65,"translation":"65. Dheh: Wuxuu Karaa inuu idiinka soo diro cadaab korkiinna ama lugihiinna hoostooda [3] ama idin geliyo jahawareer (isagoo idinka dhigaya) kooxo kala duwan, oo ka yeelo qaarkiin inay dhadhamiyaan dhibka qaarka kale. Eeg sidaan ugu soo celcelinno Aayadaha inay fahmaan.","footnotes":"[3]. “ Cadaab korkiinna ah” waa sida roob dhagax ah iyo biriqda iyo danabka, iwm, iyo “ lugahiinna hoostooda” sida dhul gariirrada iyo daadadka, iwm"},{"id":66,"translation":"66.Dadkaaguna way beeniyaan (Qur’aanka) isagoo Xaq ah. Dheh: Anigu ma ahi wakiil dushiinna."},{"id":67,"translation":"67. War walbaa wuxuu leeyahay sal dhig iyo muddo uu ku dhammado, waadna ogaan doontaan (gaaloy waxa idinku dhaca)."},{"id":68,"translation":"68. Markaad aragto kuwaa gala warar been ah ay ka sheegaan Aayadahayaga iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay galaan war kale.Hadduu shaydaan ku hilmaansiiyo ha la fadhiisan xusuus ka dambow dadka daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha)."},{"id":69,"translation":"69. Kuwa dhowrsoon waxba kama saarna xisaabtooda (gaalada iyo caasiyaasha), waxayse ku leeyihiin waano, waa intaasoo ay iska jiraan (xumaha)."},{"id":70,"translation":"70. Iskaga tag kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, ku waaniya (Qur’aanka) si aan nafi loogu halligin waxay kasabtay (oo denbiyo ah), ma laha Alle sokadi wax gargaare ah iyo shafeeco midna. Hadday isku furotona madax furasho kasta aan laga aqbaleyn. Waa kuwaa kuwa loo halaagi waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah), waxaa lagu abaal marin sharaab biyo kulul oo karaya ah iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda darteed."},{"id":71,"translation":"71. Dheh: Ma waxaan barinnaa (caabudnaa) Alle sokadi wax aan noo hanan karin dhib iyo dheef midna, ma waxaana dib naloogu celin cirbahayaga kaddib markuu Alle na hanuuniyey? (markaas waxaan ahaaneynaa) sida kan ay ka yeeleen shaydaammadu inuu ku luufluufo dhulka dhexdiisa isagoo jaha wareersan? (halka) uu leeyahay saaxiibbo ugu yeedha hanuunka (oo ku dhaha): Noo kaalay. Dheh: Hanuunka Alle (Islaamka) uun baa ah hanuunka toosan, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabbiga uumanka."},{"id":72,"translation":"72. Ooga salaadda, oo ka cabsada (Alle), waa Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin."},{"id":73,"translation":"73. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada xaq. Maalinta uu yidhaahdo: Ahow, way ahaan. Qawlkiisu waa Xaq. Isagaa leh Boqortooyada (runta ah) Maalinta marka la afuufo Buunka. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, waa Isaga Xakiimka, Xog Ogaalka ah Xeesha Dheer."},{"id":74,"translation":"74. (Xus, Nabiyow) markuu Ibraahiim ku yidhi aabbihii Aazar [4]: Ma waxaad ka yeelataa asnaam ilaahyo? Waxaan kugu arkaa adiga iyo qolodaadaba habow cad.","footnotes":"[4]. Mufasiriinta qaar waxay yidhaahdeen aabbihi ee lagu xusay Aayadda waxaa loola jeedaa adeerki, waayo adeerku waa aabbe oo kale."},{"id":75,"translation":"75. Sidaasaan u tusinnay Ibraahiim Boqortooyada samooyinka iyo arlada si uu uga mid ahaado kuwa Xaqa yaqiinsan."},{"id":76,"translation":"76. Markuu ku madoobaaday habeenku wuxuu arkay xiddig, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markuu se dhacay, wuxuu yidhi: Ma jecli waxa dhaca."},{"id":77,"translation":"77. Markuu arkay dayaxa oo soo baxaya, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markuu se dhacay, wuxuu yidhi: Haddii uusan I hanuunin Rabbigay, waxaan ka mid noqon qoloda lunsan."},{"id":78,"translation":"78. Markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markay se dhacday, wuxuu yidhi: Tolkayow! Anigu waxaan barii ka ahay waxaad Alle u shariig yeeshaan."},{"id":79,"translation":"79. Anigu waxaan u jeediyey wejigayga anoo toosan xagga (Alle, ee ah) Kan askumay (ahaysiiyey) samooyinka iyo arlada, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta."},{"id":80,"translation":"80. Waxaa la dooday qolodiisii; wuxuu yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Alle? isagoo I hanuuniyey; ma ka cabsi qabo waxaad Alle la wadaajisaan cibaadada (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuxuu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi (iyo Awood). Ee ma waydaan waansamayn?"},{"id":81,"translation":"81. Sidee baan uga cabsan kuwa aad Alle la wadaajisaan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku ka cabsanin inaad la wadaajiseen Alle cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa labada qolo mudan amni, haddaad ogtihiin?"},{"id":82,"translation":"82. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo aan ku dheehin Iimaankooda dulmi (shirki ama danbi kale oo weyn), waa kuwaas kuwa uu u sugnaan amnigu, waana iyaga kuwa hanuunsan."},{"id":83,"translation":"83. Taasi waa xujadayada aan ka siinnay Ibraahiim qolodiisii. Waxaan kor u qaadnaa darajooyin ciddaan doonno. Hubaal Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon."},{"id":84,"translation":"84. Waxaana ku galladeysannay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waanu hanuuninnay, Nuuxna waanu hanuuninnay kal hore, waxaana ka mid ah ubadkiisa; Daawuud, Sulaymaan, Ayyuub, Yuusuf, Muuse iyo Haaruun. Sidaasaana u abaal marinnaa samo falayaasha."},{"id":85,"translation":"85. Iyo Zakariya, Yaxyaa, Ciise iyo Ilyaas, mid walbaa wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan."},{"id":86,"translation":"86. Iyo Ismaaciil, Al-Yasac, Yuunus iyo Luud, mid walbaa oo ka mid ahi waan ka faddilnay uumanka (waqtigoodii)."},{"id":87,"translation":"87. Iyo sidoo kale qaar ka mid ah aabbayaashood iyo ubadkooda iyo walaalahood - waan doorannay, oo ku hanuuninnay Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":88,"translation":"88. Kaasi waa hanuunka Alle uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Hadday la wadaajin lahaayeenna Alle cibaadada cid kale, waxaa ka buri lahaa waxay camal san faleen."},{"id":89,"translation":"89. Kuwaa waa kuwa aan siinnay Kitaabka, Xukunka iyo Nabinnimada. Hadday kuwani rumeyn diidaan, waxaan u xil saarnay qolo aan Xaqa diidin (Muslimiinta)."},{"id":90,"translation":"90. Kuwaa (Nabiyada) weeye kuwa uu Alle hanuuniyey, ee raac hanuunkooda. Dheh: Idinkuma weydiisto kani (Qur’aanka) wax abaalgud ah. Wax kalena ma aha ee waa u waano uumanka."},{"id":91,"translation":"91. Ma ayan qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay markay leeyihiin: Waxba Alle kuma soo dejin Waxyi ah qof Aadmi ah. Dheh: Yaa soo dejiyey Kitaabkii uu la yimid Muuse, oo u ahaa Nuur iyo Hanuun dadka, oo aad idinku (Yuhuudda ah) ka dhigteen qoraallo (kala gaar ah) aad muujisaan (qaar ka mid ah) qarisaanna wax badan? Waxaana la idin baray wax aydaan aqoon jirin idinka iyo aabbayaashiin midna. Dheh: Allaah (baa soo dejiyey). Markaas iskaga tag iyagoo baadilkooda ku madadaalan."},{"id":92,"translation":"92. Kani (Qur’aanka) waa Kitaab aan soo dejinnay oo barakaysan rumeyn (kutubtii) ka horreeyey, si aad ugu digto hooyada magaalooyinka (Makkah) iyo waxa hareeraheeda ah. Kuwa rumeysan aakhirada baa rumeyn 'Qur’aanka' waxayna u dhowraan salaadahooda si joogto ah."},{"id":93,"translation":"93. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle, ama yidhaahda: Waa la ii waxyooday isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kan yidhaahda: Waxaan soo dejin wax la mid ah wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah? Haddaad arki lahayd markay daalimiinta ku sugan yihiin sakaraadka mowtka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda (iyagoo ku leh): Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin cadaabta dulleynta waxaad Alle ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Waxaadna aheydeen kuwo Aayadahiisa iska weyneeya."},{"id":94,"translation":"94. Waxaad noogu timaaddeen keli keli sidaan idiin abuurnay awal horeba. Waxaadna uga timaaddeen dhabarradiinna gadaashood waxaan idinku galladeysan- nay. Ma aragno la jirkiin shafeecayaa- shiinnii aad ku sheegi jirteen inay shuruko Alle la yihiin. Dhammaan xiriirkii dhexdiinna ahaa haatan kala go’an yihiin, oo waxaad sheegeyseen (baryeyseen oo ilaahyo been ah) waad weydeen."},{"id":95,"translation":"95. Xaqiiq, waa Alle Kan dhanbala iniinta iyo lafta. Wuxuu ka soo saaraa noole wax meyd ah, oo ka soo saaraa meyd wax nool. Kaas ayaa ah Allaah, ee sidee baa la idiinka jeediyey?"},{"id":96,"translation":"96. Waa Kan waaga bariya, oo ka yeelay habeenka nasasho, qorraxda iyo dayaxana in wax lagu xisaabsado. Arrinkaasi waa Maamulka iyo Qaddarka Alle, Adkaadaha, wax kasta Ogsoon."},{"id":97,"translation":"97. Waa Kan idiin yeelay xiddigaha, si aad ugu toostaan dhabbaha markuu jiro gudcurka barriga iyo badda. Waxaan u faahfaahinnay Aayadaha ciddii wax garan."},{"id":98,"translation":"98. (Alle) waa Kan idinka ahaysiiyey naf keliya (Aadam), oo idiin yeelay rug aad degtaan iyo rug kaydin ah [5], waxaan u faahfaahinnay Aayadaha ciddii faham leh.","footnotes":"[5]. Waxay mufasiriinta qaar ku fasireen mustaqir dhabarka aabbaha ay ilmahiisa ku jiraan, mustowdicna ilma galeenka hooyada. Waxaana jira qaar ku fasriay mustaqir dhulka korkiisa uu aadmiga ku nool yahay, mustowdicna dhulka hoostiisa macnaha qabriga markuu qofku dhinto."},{"id":99,"translation":"99. Waa Kan ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, aan ku soo saarno dhir nooc kasta leh, markaasaan waxaan ka soo saarnaa cagaar, kaasoo aan ka soo saarno sabuul ku karooran (dhegtiisa). Waxaana ka soo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos u soo lusha, dhow oo aan fogeyn iyo beero ah canab, zaytuun iyo rummaan, oo (nooc ahaan) isu eg, ha yeeshee kala duwan (midab iyo dhadhan ahaan). U fiirsada midhihiisa markuu midho dhalo iyo bisaylkiisa. Waxaa waxa kani ugu sugan calaamooyin ciddii (Xaqa) rumayn."},{"id":100,"translation":"100. Waxay (gaaladu) u yeelaan Alle shuruko jin ah (ay la wadaajiyaan cibaadada), Isagoo abuuray, waxayna baadil ugu nasbeeyaan wiilal iyo gabdho cilmi la’aantooda awgii. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu (ka hufan yahay Alle) oo ka sarreeyaa waxay ku sheegi."},{"id":101,"translation":"101. Waa Askumaha cirarka iyo dhulka. Sidee buu u yeelan ilmo Isagoon lahayn xaas? Wax walbana abuuray, ee wax walba Ogsoon."},{"id":102,"translation":"102. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Abuuraha wax kasta, ee caabuda Keligii, Isagaa wax kasta u wakiil ah (ilaaliya)."},{"id":103,"translation":"103. Ma koobi karaan (Alle) aragga indhuhu, Isaguse wuu koobaa Arag walba [6]. Waana Roonaan Badanaha, Xog ogaalka ah.","footnotes":"[6]. Alle wuu arkaa wax kasta, lamase arko Isaga adduunka"},{"id":104,"translation":"104. Waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa (ku hanuuna), naftiisay dan u tahay, qofkiise ka indho la'aada isagay u daran tahay, aniguna ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah."},{"id":105,"translation":"105. Sidaasaannu ugu celcelinnaa Aayadaha inay yidhaahdaan: Waad soo baratay, iyo inaan u caddeyno arrinka ciddii garasho leh."},{"id":106,"translation":"106. Raac waxa lagaaga soo waxyooday xagga (Alle) Rabbigaa, ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn, isagana jeeso mushrikiinta."},{"id":107,"translation":"107. Hadduu doono Alle, uma ay shariig yeeleen cidna, ma aanu kaaga dhigin korkooda ilaaliye, kamana tihid wakiil."},{"id":108,"translation":"108. Ha caayina kuwaa ay baryaan (caabudaan) Alle sokadi (waa asnaamta), si aysan (gaaladu) iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Alle jahli darti. Sidaasaan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, wuxuuna u sheegi waxay fali jireen."},{"id":109,"translation":"109. Waxay ku dhaartaan Alle midka ugu culus dhaarahooda in hadday u timaaddo calaamo (mucjiso) ay rumaynayaan [7]. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Alle, maxaase idin ogeysiinaya markay (mucjiso) u timaaddo inayan rumayneyn?","footnotes":"[7]. Mushrikiinta waxay ku dhaarteen in hadday arkaan mucjiso ka yimid xagga Alle ay rumeyn, markaasay waxay mu’miniinta jecleysteen oo ka dalbeen Nabiga s.c.w. inuu soo dejiyo mucjisdaas, wuxuu Alle uga jawaabay Aayaddan."},{"id":110,"translation":"110. Waxaanu rogi quluubtooda iyo aragyadooda, siday iyaguba aanay u rumeyn kolkii hore, waxaanuna uga tegi xad gudubkooda ay ku jaha wareersanaan indha la’aan."},{"id":111,"translation":"111. Haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda Dhambaalkan), meytiduna ay kala hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn (Xaqa), in maahee Alle doono, badankooduse waa moog yihiin oo ma garanayaan (Xaqa aad uga keentay xagga Alle)."},{"id":112,"translation":"112. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walbaa cadow - shayaadiinta ku jira dadka iyo jinka, qaarkoodba u waxyoonayo qaar kale hadal (been ah oo) la qurxiyey ay ku hodaan. Rabbigaa hadduu doono, ma ay fali lahayn, ee iskaga tag iyaga iyo waxay been abuuranba."},{"id":113,"translation":"113. Waa si ay ugu iilato laabaha kuwa aan rumeysanayn Aakhirada oo ugu raalli noqdaan, iyo si ay u kasbadaan waxay kasban (oo denbiyo ah)."},{"id":114,"translation":"114. Ma cidaan ahayn Alle baan doonaa inuu noo kala garsooro innaga iyo idinka, Isagoo ah Kan idiin soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) ay wax walba ku cad yihiin. Kuwaan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in laga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya."},{"id":115,"translation":"115. Kelmadda Rabbigaa waxay ku taam noqotay run iyo caddaalad. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa. Waana Maqlaha (wax kasta),wax kasta ogsoon."},{"id":116,"translation":"116. Haddaad adeecdo intooda badan waxa dhulka jooga, waxay kaa lumin Jidka Alle. Ma raacaan waxaan ahayn male, oo been uun bay sheegaan."},{"id":117,"translation":"117. Hubaal Rabbigaa baa Og midka ka luma Jidkiisa, Isagaana Og cidda hanuunsan."},{"id":118,"translation":"118. Ee cuna waxa (hilibka neefka) lagu xusay Magaca Alle (markii la gowracayey), haddaad tihiin kuwa Aayadihiisa rumeysan."},{"id":119,"translation":"119. Maxaad la cuni weydeen waxa (hilibka neefka) lagu xusay Magaca Alle (markii la gowracayey), Wuxuu horay (Alle) idiinku caddeeyey wuxuu idinka xaaraanshay - waxay dani idinku qabato ma'ahee. Kuwo badan baa ku lumiya (dadka) hawadooda aqoon la’aan darteed. Rabbigaa waa Og yahay kuwa xadgudba."},{"id":120,"translation":"120. Ka taga denbiga muuqda iyo kan qarsoonba. Kuwa kasbada denbiga waxaa laga goyn waxay kasbadeen."},{"id":121,"translation":"121. Ha cunina waxa (hilibka neefka) aan lagu xusin Magaca Alle (markii la gowracayey), waayo waa caasiyoobid. Shaydaammaduna waxay u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan [8], haddaad adeecdaan, waxaad idinkuna tihiin gaalo mushrikiin ah.","footnotes":"[8]. Taasina waxay ahayd in mushrikiinta yidhaahdeen: Muxammadow bal waxaad nooga warrantaa ri’da? Hadday dhimato yaa dilay? Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle baa dilay. Waxay yidhaahdeen: Haddaba ma waxaad ku andacooneysaa waxaad dishaan adiga iyo asxaabtaada inay yihiin xalaal, waxana ay dilaan eyga iyo galleyrka iyo haramcadka ay yihiin xalaal, waxase uu Alle dilo ay xaaraan tahay in la cuno. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan."},{"id":122,"translation":"122. Ma mid ahaa meyd markaas aan noolaynay, oo aan u yeelnay Nuur uu ku dhex socdo dadka, baa la mid ah mid ku sugan mugdiyo uusan ka soo baxayn? Sidaasaa loogu qurxiyey gaalada waxay falaan."},{"id":123,"translation":"123. Sidaasaan u yeelnay magaalo walba gudaheed denbiilayaal waaweyn (madax iyo maalqabeenno xun) si ay ugu dhex maleegaan qorshe (xun), umase maleegaan qorshe (xun) waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana."},{"id":124,"translation":"124. Markay calaamo u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Rumeyn meyno jeer nala siiyo wax la mid ah waxa la siiyey Rususha Alle. Alle baa ogsoon meesha uu dhigayo Dhambaalkiisa. Waxaa ku dhici denbiilayaasha dulli xag Alle ah iyo cadaab daran waxay qorshe xun maleegi jireen awgeed."},{"id":125,"translation":"125. Qofkii uu Alle rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, qofkiise uu rabo inuu lumiyo wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidhi dhibboon sida isagoo kor ugu baxaya xagga samada. Sidaasuu Alle dusha uga saaraa fadarada kuwa aan (Xaqa) rumayn."},{"id":126,"translation":"126. Kani waa Jidka Rabbigaa ee toosan. Waxaan uga yeelnay Aayadaha caddaan ciddii xusuusan oo ku waantoobi."},{"id":127,"translation":"127. Waxay leeyihiin Daarta Nabadda (Jannada) Rabbigood agtiis ah, Isagaa ah Gargaarahood waxay camal san falayeen darteed."},{"id":128,"translation":"128. Maalinta uu soo kulmin dhammaan (kuna dhihi): Kulanka jinkow! Waxaad badsateen (luminta) in badan oo dadka ah. Saaxiibbadoodii ka mid ahaa dadka waxay odhan: Rabbiyow! Wuxuu ku dan gaaray qaarkayoba qaarka kale, waxaana gaarnay muddadayada aad noo goysay. Wuxuu odhan: Naartaa hoygiinna ah aad ku dhex waaraysaan, wuxuu Alle doono mooyee. Hubaal Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon."},{"id":129,"translation":"129. Sidaasaan ugu salladnaa daalimiinta qaarkoodba qaarka kale, waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah)."},{"id":130,"translation":"130. Kulanka jinka iyo dadkow! Miyaanay idiin imaan Rusul idinka mid ah, idiin soo tebinaya Aayadahayga idiinkana digaya la kulanka maalintiinnaan? Waxay odhan: Waxaan ku marag furaynaa nafahayaga. Waxaana hodday noloshan adduunka. Waxay ku marag furi nafahooda inay ahaayeen Xaq diid (gaalo)."},{"id":131,"translation":"131. Sidaasi waa inaan Rabbigaa ku halligeyn magaalooyinka gar darro iyagoo dadkooda war la’ yihiin (aan loo digin)."},{"id":132,"translation":"132. Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin (heerar) waafaqsan waxay camal falaan. Rabbigaa ma mooga waxay camal falaan."},{"id":133,"translation":"133. Rabbigaa (Alle) waa Hodan (ka deeqtoon wax waliba) Naxariis leh, hadduu doono wuu idin baabbi’in, idinkuna beddeli gadaashiin cidduu doono. Siduu awalba idiinka soo saaray firka qolo kale."},{"id":134,"translation":"134. Xaqiiq waxa la idiinku gooddiyo waa imaan, (Alle) kama baxsan kartaan."},{"id":135,"translation":"135. Dheh: Dadkaygiyow! Camal fala intii karaankiinna ah, Aniguna sidoo kale waan camal faliye, waadse ogaan doontaan keennee lahaan doona cidhibta (wanaagsan) daarta (Aakhiro). Hubaal ma liibaanaan daalimiinta."},{"id":136,"translation":"136. Waxay qayb u yeelaan Alle [9], ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Alle - sidaas bay ku andacoodaan, kanna waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxay leeyihiin sanamayadooda ma gaaraan Alle, waxase (qayb ahaan loo yeelay) Alle wuxuu gaaraa sanamyadooda! Xumaa waxay xukumaan.","footnotes":"[9]. Qaybta uu Alle leeyahay waxay siinayeen fuqurada iyo masaakiinta oo ku bixinayeen howlaha sama falka, waxayse ay ugu talo galeen sanammada waxay siinayeen kuwa ilaaliya sanammada, oo ma siineyn fuqurada iyo masaakiinta. Caadadan wuu nacladay Alle."},{"id":137,"translation":"137. Sidaasay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (Alle) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan camalkooda. Hadduu Alle doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxay been abuuraan."},{"id":138,"translation":"138. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa xoolo iyo beer reebban, aysan wax ka cuneyn ciddaan doonno maahee – sidaas bay ku andacoodaan - iyo xoolo la xarrimay dhabarradooda iyo xoolo aan lagu xusin Magaca Alle - iyagoo ku been abuuranaya. Wuu ka jaazeyn waxay been abuurteen darteed."},{"id":139,"translation":"139. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Waxa ku jira uurarka xoolahan (caano ama ilmo) waxaa gaar u leh labkayaga keliya, waana ka xaaraan xaasaskayaga, hadduu baqti yahayna, way wadaagaan dhammaantood. Wuu ka goyn waxay been u nisbeeyeen (Alle). Hubaal, Alle Waa Xakiim Fal iyo Odhaah san, wax kasta Ogsoon."},{"id":140,"translation":"140. Waxaa khasaara dhab ah ku sugan kuwa u dilay carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan darteed [10], xaaraameeyana waxa Alle uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Alle. Way lumeen, mana aha kuwo hanuunsan.","footnotes":"[10]. Waxaa ka mid ahaa Carabta qaar ku sugnaa diintii Ibraahiim. Wuxuu Alle amray Ibraahiim inuu gowraco wiilkiisa Ismaaciil, kaddib waxay ka dhigeen madaxdii hoggaamineysey diintooda arrinka gowraca waxaan caddeyn sababta keentay, ilaa ay la wanaagsanaatay raaceenkoodii inay gowracaan ilmahooda Alle u dhowaansho darteed inkastoo sababta runta ay aheyd inay ka cararayeen faqri iyo ceydh."},{"id":141,"translation":"141. (Alle) waa Kan soo saara beero (canab ah) dhis leh iyo kuwo aan dhis lahayn, iyo geedo timir, iyo sarac leh miro muuqaal iyo dhadhan kala duwan, iyo zaytuun, iyo rummaan, isu eg (nooc ahaan) kuse kala duwan (dhadhan ahaan), Wax ka cuna midhahiisa markay soo saaraan midho, bixiyana xaqa lagu leeyahay maalinta goyntiisa, hana xad dhaafina, Alle ma jecla kuwa xad dhaafa."},{"id":142,"translation":"142. Waxaa ka mid ah xoolaha (uu Alle abuuray qaar) xummuul qaada iyo kuwo u suubbada in la qasho oo keliya. Wax ka cuna waxa Alle idin siiyey, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad."},{"id":143,"translation":"143. Siddeed lammaane ah; labo ido ah iyo labo riyo ah. Dheh: Ma labada labka ah buu xaaraameeyey mise labada dheddig, mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Ii sheega si cilmi ah haddaad run sheegaysaan."},{"id":144,"translation":"144. Geelana labo (lab iyo dheddig) lo’dana labo (lab iyo dheddig). Dheh: Ma wuxuu xaaraameeyey labada labka ah mise labada dheddig; mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Mise goob joog baad ahaydeen markuu Alle idin amray arrinkani? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle, si uu dadka u lumiyo cilmi la’aan? Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha)."},{"id":145,"translation":"145.Dheh:Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah cunaa inuu cuno inuu yahay maahee baqti ama dhiig horay u soo butaaca (gowrac darti iyo wax la mid ah), ama hilib doofaar, waayo waa fadaro, ama taasi ah caasiyoobid ee wax kale aan aheyn (Magaca) Alle lagu xusay dusheeda (markii la gowracayey), qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanay rabitaan ka aheyn, aan xad gudbeynna, hubaal Rabbigaa waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":146,"translation":"146. Kuwa heysta (diinta) Yuhuudi- yadda waxaan ka xarrimnay (neef) kasta oo ciddi leh [11], xagga lo'da iyo adhiga waxaan ka xarrimnay buruurtooda wax Maahee ku dhegay dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehmay laf. Sidaas waxay ahayd ciqaab aan ku abaal marinnay dulmigoodii dartiis, run baana sheegaynaa.","footnotes":"[11]. Xoolihii ciddi leh: Waxaa loola jeedaa xoolaha aanay ciddayahooda kala tagsaneyn sida geela, iwm. Qaar kale waxay yidhaahdeen: waxaa loola jeedaa xoolaha leh hal ciddi oo keliya, sida faraska, dameerka, iwm."},{"id":147,"translation":"147. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow) waxaad dhahdaa: Rabbigiin waa Rabbiga Naxariista Ballaadhan, Ciqaabkiisana lagama celiyo qoloda denbiilayaasha ah."},{"id":148,"translation":"148. Kuwa ah mushrikiinta waxay odhan: Hadduu Alle doono, ma aanu u shariig yeelneyn innaga iyo aabbayaasheenba, mana aan ka xarrimneen (nafahayaga) waxba (uu Alle banneeyey). Sidaasoo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay jeer ay ka dhadhamiyeen Ciqaabkayaga. Dheh: Ma heysaan wax cilmi ah aad noo soo saareysaan? Waxaad uun raacdaan wax iska male awaal ah, waxaadna uun sheegtaan beeno."},{"id":149,"translation":"149. Dheh: Alle baa iska leh Xujada Xeesha Dheer. Hadduu doono wuu idin hanuunin lahaa dhammaantiin."},{"id":150,"translation":"150. Dheh: Keena markhaatiyadiinna ka marag kacaya in Alle xaaraameeyey waxakani. Ee hadday ka marag kacaan, ha la marag kicin. Hana raacin hawooyinka kuwaa beeniya Aayadahayaga, iyo kuwaa aan rumeysaneyn Aakhirada, ee Rabbigood wax la sima oo la mid dhiga."},{"id":151,"translation":"151. Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Alle) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada Alle) la wadaajin waxba; u muujiya wanaag oo baarri u ahaada waalidiintiin, ha u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed - Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina xumaano oo dhan (denbiyada waaweyn sida zinada) kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, hana ku dilina nafta uu Alle xaaraameeyey arrin xaq ah [12] maahee, Sidaasuu idinku farad yeelay, bal inaad garowsataan.","footnotes":"[12]. Uu sharciga qiray sida qisaaska, dilka murtaddiinta, dhagax ku dilidda zaaniga horay u guursaday ama guursatay haddii lagu caddeeyo zinada ama iyagu qirtaan."},{"id":152,"translation":"152. Ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee, jeer uu gaaro da’diisa tabar galka iyo xoogga; u oofiya si dhan beeggidda iyo miisaanka oo caddaalad ah - Ma saarno nafna waxaan ahayn karaankeeda; markaad hadleysaan ahaada caadil haba ahaatee qaraabo dhow (lidkeed), oofiyana Axdiga Alle; (arrin)kani buu idinku farad yeelay, inaad xusuusataan."},{"id":153,"translation":"153. (Ogow) in kani (Islaamka) yahay Jidkayga midka toosan ee raaca, hana raacina jidadka kale ee idinka duwi Jidkiisa. (Arrin)kani buu idinku faral yeelay si aad uga dhowrsataan (xumaha)."},{"id":154,"translation":"154. Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay (waa Muusee), kitaabkaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan."},{"id":155,"translation":"155. Kanina waa Kitaab (Qur’aan) aan soo dejinnay, barakeysan, ee raaca oo iska jira (xumaha) si la idiinku naxariisto."},{"id":156,"translation":"156. Si aydaan u odhan: Waxaa uun Kitaab lagu soo dejiyey labo qolo oo naga horreeyay, innaguna waxaan aheyn run ahaan kuwo moog waxay akhristeen."},{"id":157,"translation":"157. Ama aydaan u odhan: Haddii Kitaab naloo soo dejin lahaa, waxaan ahaan kuwo ka hanuunsan iyaga. Haatan waxaa idiinka yimid Xujo Cad (Qur’aan) xagga Rabbigiin, oo ah hanuun iyo naxariis. Ee yaa ka dulmi badan mid beeniya Aayadaha Alle oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku abaal marin doonnaa kuwa ka jeesta Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda (Aayadahaa) darteed."},{"id":158,"translation":"158. Ma waxay sugi waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama Rabbigaa yimaado, ama qaar ka mid ah calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan. Maalinta ay qaar ka mid ah Calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan, wax uma taro naf iimaankeedu iyadoo aan horay u rumeyn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh: Suga idinku (mid ka mid ah waxyaalahan), innaguna 'sidoo kale' waan sugaynaa."},{"id":159,"translation":"159. Hubaal, kuwa ku kala tagay diintooda oo noqday dariiqooyin (kala duwan), waxba isuma kiin gelin. Arrinkoodu wuxuu uun la jiraa Alle, markaasuu wuxuu u sheegi waxay falayeen."},{"id":160,"translation":"160. Qofkii la yimaada camal san, wuxuu heli toban laabkeed wax la mid ah, qofkiise la yimaada camal xun, waxaa lagu abaal marin mid la mid ah iyagoon la dulmeyn."},{"id":161,"translation":"161. Dheh: Aniga hubaal Rabbigay wuxuu igu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka), diin aad u sugan, diintii Ibraahiim, toosnihii. Kama mid aheyn mushrikiinta."},{"id":162,"translation":"162. Dheh: Xaqiiq salaaddayda, gowracayga, hannaanka noolaanshaheyga, iyo geeridaydaba waxaa (dhammaan) iska leh Allaah, Rabbiga uumanka."},{"id":163,"translation":"163. Ma leh wax shariik ah. Oo (arrin)kan baa la I amray, Waxaana ahay anigu kan ugu horreeya kuwa (u) hoggaansan (Alle)."},{"id":164,"translation":"164. Dheh: Ma waxaan doontaa Rabbi aan aheyn Alle? Isagoo ah Rabbiga wax walba; naf walbana waxay kasbato (oo denbi ah) waa dusheeda, nafna denbi naf kale ma qaaddo. Waa xagga (Alle) Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu wuxuu idiin sheegi waxaad isku khilaafi jirteen."},{"id":165,"translation":"165. (Alle) waa Kan idinka yeelay kuwo isku xigsada dhulka oo ka taliya, kana sare mariyey qaarkiinba qaar derejooyin, si uu idiinku imtixaamo wuxuu idin siiyey. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhaqso badan yahay Ciqaabka, waana Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan."}]},{"id":7,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif Laam Miim Saad [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. (Kani Qur’aanku) waa Kitaab lagugu soo dejiyey (Nabiyow), ee yeysan ahaan laabtaadu wax dhib (cidhiidhi) ah xaggiisa, inaad ugu digto (dadka), waana u waano mu’miniinta."},{"id":3,"translation":"3. Raaca 'Qur’aanka' la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin, hana raacina sokadii awliyo (aad la barbar caabuddaan Alle oo u yeedhataan).Yaraa intaad waantowdaan."},{"id":4,"translation":"4. Badanaa intaan magaalo hallignay (denbiyadoodii darteed) oo Cuquubadaya- da ay u timid habeennimo ama iyagoo hurda goor barqo ah."},{"id":5,"translation":"5. Calaacalkoodu markuu u yimid Ciqaabkayaga ma ahayn waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Waxaanu ahayn daalimiin (gar diid)."},{"id":6,"translation":"6. Waxaanu weydiin kuwa loo soo diray (Rususha waxay ku Jawaabeen) waxaanuna sidoo kale weydiin Rususha (inay gaadhsiiyeen Farriimahii Alle dadka)."},{"id":7,"translation":"7. Waxaanu hubaal ugu aqoon warrami (camalladoodii oo dhan), mana aanaan ahayn (marnaba) kuwo maqan."},{"id":8,"translation":"8. Miisaanku Maalintaasi (Qiyaamada) waa Xaq. kuwa uu ahaado miisankooda (camallada wanaagsan) culeys, waa kuwaasi kuwa liibaani."},{"id":9,"translation":"9. Kuwa se uu ahaado miisaankooda (camallada wanaagsan) fudeyd, waa kuwaasi kuwa khasaariyey nafahooda dulmigay ku falayeen Aayadahayaga dartiis."},{"id":10,"translation":"10. Waxaan idinku awood siinnay dhulka, waxaana idiinku dhex yeelnay asbaab noolaansho.Yaraa intaad mahdisaan (Alle)."},{"id":11,"translation":"11. Dhabtii waan idin abuurnay, oo idin suuraynay, markaasaan ku nidhi Malaa’igta u sujuuda Aadam. Markaasay sujuudeen Ibliis mooyee, kama uu mid ahayn kuwa sujuuday (xasad iyo kibir darti)."},{"id":12,"translation":"12. (Alle) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday inaad sujuuddo markaan ku amray? (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga (Aadam) ka abuurtay dhoobo."},{"id":13,"translation":"13. (Alle) wuxuu yidhi: Ka deg xaggeeda (Jannada), waayo ma lihid inaad isku dhex kibriso halkan. Ka bax (Jannada), waxaad ka mid tahay kuwa dulleysan."},{"id":14,"translation":"14. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Ii sug oo i sii fursad ilaa maalinta marka la soo bixinayo."},{"id":15,"translation":"15. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugi ee la siiyey fursadda (ilaa Qiyaamaha)."},{"id":16,"translation":"16. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Sidaad u sababtay inaan lumo darteed, Waxaan aniguna u fadhiisan (aadmiga) Jidkaaga Toosan."},{"id":17,"translation":"17. Waxaana kaga iman hortooda iyo gadaashooda, iyo xagga midigtooda iyo xagga bidixdoodaba, mana heleysid badankood oo mahad naqi."},{"id":18,"translation":"18. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax (Jannada) adigoo dulleysan oo dayro ah, qofkii ka mid ah oo ku raaca, waxaan idinka wada buuxin Jahannama dhammaantiin."},{"id":19,"translation":"19. Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaga Jannada gudaheed, oo wax ka cuna \n meeshaad doontaan, hase u dhowaannina geedkan, haddii kale waxaad labadiinnuba ahaaneysaan kuwo gefay."},{"id":20,"translation":"20. Ha yeeshee shaydaanka baa si hoos ah wax ugu sheegay, si uu ugu muujiyo waxa laga qariyey oo cowradooda ah; wuxuuna yidhi: Idiinkama reebin Rabbigiin geedkan waxaan ahayn inaydaan noqon labo malag ama inaydaan ka mid noqon kuwa waadha."},{"id":21,"translation":"21. (Alle) buu ugu dhaartay (isagoo leh): Waxaan anigu wallee idiin ahay daacad."},{"id":22,"translation":"22. Markaasuu ku dhiirra geliyey (cunista geedka) oo ku hoday: markay dhadhansheen geedka, waxaa u muuqday cowradooda, waxayna isla markiiba billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) nafahooda caleemaha Jannada; Rabbigood baana u yeedhay: Miyaanan idinka reebin geedkaa oo idiin sheegin in Shaydaanku idiin yahay cadow iska cad?"},{"id":23,"translation":"23. Waxay (Aadam iyo Xawwaa) yidhaahdeen: Rabbigayow! Waxaan dulminnay nafahayaga, haddaadan noo denbi dhaafin, oo aad noo Naxariisan, waxaan ahaaneynaa kuwo khasaaray."},{"id":24,"translation":"24. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannada), idinkoo cadow isu ah. Waxaana idiinku sugan dhulka degaan iyo sahay ilaa muddo."},{"id":25,"translation":"25. Wuxuu (sidoo kale Alle) yidhi: Halkaas (arlada) ayaad ku noolaan, oo gudaheed ayaad ku dhiman, xaggeedaana la idinka soo bixin (Qiyaamaha)."},{"id":26,"translation":"26. Ilma Aadamow! Waxaan idiin soo dejinnay dhar astura cowradiinna iyo dhar xarrago, dharkase dhowrsashada, kaas baa khayr roon. Kuwani waxay ka mid yihiin Aayadaha Alle, bal inay xusuustaan."},{"id":27,"translation":"27. Ilma Aadamow! Yuusan idin fidnayn shaydaanku, siduuba uga soo saaray labadiinnii waalid Jannada, isagoo ka siibaya dharkooda, si uu u qaawiyo oo u tuso cowradooda. Wuu idin arkaa isaga iyo qabiiladiisuba, idinkuse ma aragtaan. Waxaan Annagu uga dhignay shaydaadiin- ta sokeeye kuwa aan (Xaqa) rumeyn."},{"id":28,"translation":"28. Markay falaan xumaan waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya (waxa)kani, Alle baana nagu amray. Dheh: Alle ma amro xumaan. Ma waxaad ka sheegeysaan Alle waxaydaan cilmi u lahayn?"},{"id":29,"translation":"29. Dheh: Wuxuu Rabbigay amray caddaalad, una jeediya wejiyadiinna (qibladda, Kacbada Makkah ku taal markaad tukaneysaan) masjid kasta gudahi, baryana (Alle) idinkoo u keli iyo gaar yeelaya cibaadada. Siduu ifka idinku keenay billowgii hore yaad u soo noqoneysaan."},{"id":30,"translation":"30. Koox wuu hanuunshay, koox (kalena) habow baa xaq ugu dhaboobay; waayo waxay ka yeesheen sheydaammada sokeeyeeyaal halkii Alle, waxayna isu heystaan inay hanuunsan yihiin."},{"id":31,"translation":"31. Ilma Aadamow! Qaata quruxdiinna (inaad xidhitaan dhar daahir ah) markaad ku tukaneysaan masjid kasta, cuna oo cabba, hana xadgudbina, hubaal Alle ma jecla kuwa xad gudba."},{"id":32,"translation":"32. Dheh: yaa xaareemeeyey isku qurxinta dharka uu Alle u soo saaray addoomahii- sa iyo riziqyada wanaagsan? Dheh: Kuwani waxaa iska leh mu’miniinta nolosha adduunkan, gaarna (u leeyihiin) Maalinta Qiyaamaha. Sidaasaan ugu yeelnaa Aayadaha caddaan ciddii garasho leh."},{"id":33,"translation":"33. Dheh: Wuxuu Rabbigay xaareemeeyey xumaha oo dhan (zinada, iwm) si caddaan ah loo falo iyo qarsoodiba, iyo denbiga (cabbista khamrada) iyo gar darrada (dulmiga iyo aabiga), iyo inaad (cibaadada) la wadaajisaan Alle wax aanu wax xujo ah u soo dejin iyo inaad ka sheegtaan Alle waxaydaan aqoon u laheyn."},{"id":34,"translation":"34. Ummad walba (oo gaalowda) waxay leedahay ajal 'muddo' go’an (halaaggooda); markay ajashoodu timaaddona kama dib dhacaan saacadna, kamana soo hor maraan."},{"id":35,"translation":"35. Ilma Aadamow! Hadday idiin yimaadaan Rusul idinka mid ah, idin soo gaadhsiinaya Aayadahayga 'raaca', ciddii ka dhowrsata (xumaha) oo sama fasha, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan."},{"id":36,"translation":"36. Kuwase beeniya Aayadahayaga oo iska kibriya, waa kuwaa ehlu Naarku; way ku dhex waadhi weligood."},{"id":37,"translation":"37. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadahiisa? Kuwaasi, qaybtooda loogu qoray Kitaabka (Qaddarka) way gaadhi, ilaa markay Rusushayadu (malakul mowtka iyo kalkaaliyayaashiisa) u yimaadaan si ay u oofsadaan, waxay odhan: Meeye waxaad baryi (caabudi) jirteen Alle sokadi? Waxay odhan: Way naga dhumeen oo tageen: waxayna ku marag furi nafahooda inay ahaayeen gaalo."},{"id":38,"translation":"38. Wuxuu odhan: Gala Naarta, dhexdood ummado tegay hortiin oo leh jin iyo dadba. Mar kastoo ay ummad hor leh gashaba, waxay nacladi ummad tii ka horreysey, jeer markay isugu wada yimaadaan dhammaantood wadajir (Naarta). Middooda dambeysay waxay ka odhan middoodii horreysay: Rabbigayow! Kuwaan baa na lumiyeye, ee ku sii cadaab labo laab ah Naarta. Wuxuu odhan: Mid walbaa waxay leedahay (cadaab) labo laab ah, mase ogidin."},{"id":39,"translation":"39. Middoodii horreysay waxay ku odhan midda dambeysay: Wax nama dhaantaane, dhadhansha cadaabka waxaad kasbateen darteed (oo denbiyo ah)."},{"id":40,"translation":"40. Hubaal, kuwa beeniya Aayadahayaga ee iska weyneeya, looma furayo albaabbada samada, mana galayaan Jannada jeer rati maro daloolka irbadda. Sidaasaanna u abaal marinnaa denbiilayaasha."},{"id":41,"translation":"41.Waxay ku leeyihiin Jahannama gogollo dab ah, korkoodana waxaa ah daboollo dab ah. Sidaasaanna u abaal marinnaa daalimiinta (gar ma qaatayaasha)."},{"id":42,"translation":"42. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala ma saarno nafna wax dhaafsiisan karaankeeda, kuwaasu waa ehlu Jannaha, way ku dhex waadhi weligood."},{"id":43,"translation":"43. Waxaan ka siibi wixiiba ku jira laabahooda oo xumaan kala tirsi ah; webiyadu waxay qulquli hoostoodu, waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee nagu hanuuniyey (Islaamka), kumana aan hanuuneen haddii uusan Alle nagu hanuunsheen. Waxay la yimaadeen Rusushii Rabbigeen Xaq. Waxaana loogu dhawaaqi: Tani waa Jannadii la idinku dhaxal siiyey waxaad camalsan fali jirteen."},{"id":44,"translation":"44. Oo ehlu jannuhu waxay u dhawaaqi ehlu Naarka: Waanu hellay wuxuu noo ballan qaaday Rabbigayo oo xaq ah; ee idinkuna ma hesheen wuxuu Rabbigiin idiin ballan qaaday oo xaq ah? Waxay odhan: Haah. Markaas dhawaaqe baa ka dhawaaqi dhexdooda: in Lacnadda Alle ay dushooda tahay daalimiinta (gar diidka)."},{"id":45,"translation":"45. Kuwa ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle (Islaamka), ee doona inay ka dhigaan mid qalloocan, ahna kuwo aan Aakhiro rumeysneyn."},{"id":46,"translation":"46. Dhexdooda waxaa ahaan xijaab, meelaha sarena waxaa ahaan rag ku garanaya cid kasta astaamahooda, waxay u dhawaaqina ehlu Jannaha: Nabad korkiinna ha ahaato, waqtigaana iyagu (kuwa ku sugan meelaha sare - Al acraaf) weli ma ay gelin (Jannada), inkastoo damac ka hayo."},{"id":47,"translation":"47. Markase loo jeediyo indhahooda xagga ehlu Naarka, waxay odhan: Rabbigayow! Ha naga mid dhigin qoloda daalimiinta ah."},{"id":48,"translation":"48. Qoladii ku sugnaa Al Acraaf (taagga sare) waxay u dhawaaqi rag ay ku garan astaamahooda iyagoo ku odhan: Waxba idiin ma ay tarin urursigiinnii maalka, iyo iska weyneyntiinnii (Xaqa)."},{"id":49,"translation":"49. Ma kuwani baa kuwa aad dhaar ku marteen, in aanu Alle ku galladeysaneyn Naxariis dushooda? Gala Jannada, (ehlu acraafow) ma aha cabsi dushiinna, mana murugooneysaan."},{"id":50,"translation":"50. Ehlu Naarku waxay u dhawaaqi ehlu Jannaha (oo ku odhan): Noogu soo deeqa biyo ama wuxuu Alle idinku irsaaqay. Waxay odhan: Alle wuu ka xarrimay gaalada."},{"id":51,"translation":"51. Kuwa ka yeesha diintooda madaddaalo iyo dheel ay hoddayna noloshan adduunku. Marka maanta waanu hilmaami (uga tegi Naarta) siday u hilmaameen la kulankooda Maalintooda tani iyo siday Aayadahayaga u dafiri jireen."},{"id":52,"translation":"52. Waxaan u keennay Kitaab (Qur’aan) aanu u caddeynay si ogaal ah, oo u ah hanuun iyo naxariis ciddii rumayn."},{"id":53,"translation":"53. Ma waxay sugi waxaan aheyn fulinta (wuxuu ka digay Qur’aanka)? Maalinta (Qiyaamada) marka fulintiisa la gaadho, kuwii hore u hilmaamay waxay odhan: Waxay Rususha Rabbigayo keeneen xaq, ee ma leennahay wax shafeecayaal ah oo noo shafeeca qaada? Ama dib mana loo celin (adduunka mar kale) si aanu u falno (camallo) aan ahayn oo ka duwan waxaan falnay? Waxay khasaareen nafahooda, wayna ka dhumeen (waayeen) waxay (ilaahyo) been abuuran jireen (oo wax uma tarin waayo wax jira ma aheyn)."},{"id":54,"translation":"54. Hubaal, Rabbigiin waa oo keliya Allaah, ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, dabadeed dul ahaaday Carshiga. Wuxuu ku daboolaa habeenka maalinta, uu raacdo hayo si xowli leh, (wuxuu Alle abuuray) qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha ku laylan Amarkiisa. Ogaada, Isagaa leh Abuurista iyo Amarkaba. Waxaa Khayr iyo Barako badan Alle, Rabbiga uumanka."},{"id":55,"translation":"55. U barya (Alle) Rabbigiin si khushuuc leh iyo qarsoodiba. hubaal, ma uu jecla kuwa xadgudba."},{"id":56,"translation":"56. Ha ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, barya (Alle) idinkoo baqdin iyo rajoba qaba, hubaal, Naxariista Alle waxay u dhowdahay sama falayaasha."},{"id":57,"translation":"57. Waa Isaga Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Naxariistiisa (roobka) jeer markay soo qaadaan daruuro culus, waxaan u kaxeynaa korka dhul dhintay, kolkaas baan ku hoorinnaa biyo, waxaana ku soo saarnaa miro nooc walba. Sidaasaannu u soo saari maytida, inaad xusuusataan."},{"id":58,"translation":"58. Dhulka wanaagsani naqiisa wuxuu ku soo baxaa (si fudud oo badan) Idanka Rabbigiis, midkase xun (daaqiisu) kuma soo baxo waxaan dhib ahayn. Sidaasaan ugu caddeynaa Aayadaha ciddii shukrin."},{"id":59,"translation":"59. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux tolkiisii markaasuu wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah (xaq ah) aan Isaga ahayn. Waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin daran."},{"id":60,"translation":"60. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: waxaan kugu aragnaa inaad ku sugan tahay habow cad."},{"id":61,"translation":"61. (Nuux) wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Kuma sugni habow, waxaanse ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka."},{"id":62,"translation":"62. Waxaan idin soo gaarsiiyaa Farriimaha Rabbigay, waana idiin naseexeyn, waxaana ka ogahay xagga Alle waxaydaan ogayn."},{"id":63,"translation":"63. Ma waxaad la yaabteen inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo, iyo inaad ka dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale), si la idiinku naxariisto."},{"id":64,"translation":"64. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo kuwii kula jiray Doonnida, oo harqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Hubaal waxay ahaayeen qolo indha la’ (aan Xaqa arag)."},{"id":65,"translation":"65. (Waxaan u dirnay) Caadna walaalkood Huud, Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Ma waydaan Alle ka cabsaneyn (oo iska jireyn xumaha)."},{"id":66,"translation":"66. Xildhibaannadii gaaloobay oo ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu kugu aragnaa caqli xumo, waxaana kuu maleynaynaa inaad ka mid tahay beenalayaasha."},{"id":67,"translation":"67. Wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Ima heyso caqli xumo, waxaanse ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka."},{"id":68,"translation":"68. Waxaan idin soo gaarsiiyaa Farriimaha Rabbigay, waxaana idiin ahay nasteexeeye aamin ah."},{"id":69,"translation":"69. Ma waxaad la yaabteen inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin, uu soo faray nin idinka mid ah si uu idiinku digo? Xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxla (dhulka) qolodii Nuux kaddib, oo idiin kordhiyey abuur ahaan lixaad. Ee xusa Nicmooyinka Alle si aad u liibaantaan."},{"id":70,"translation":"70. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid inaan caabudno Alle Keliya oo aan ka tagno waxay caabudi jireen aabbayaashayo? (ma jirto) ee noo keen waxaad noogu gooddido haddaad run sheegeyso."},{"id":71,"translation":"71. Wuxuu yidhi: Waxaa idiinkaga dhacay xagga Rabbigiin Cadaab iyo Cadho. Ma waxaad igala doodaysaan arrinka magacyo (sanamo) aad bixiseen idinka iyo aabbayaashiin? Alle uma soo dejin wax xujo ah; ee suga (waxa idinku dhaca), anigana sidoo kale waan idinla sugiye."},{"id":72,"translation":"72. Markaasaan waxaan ku badbaadinnay isaga iyo intii la jirtayba naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana cidhib tirnay kuwii beeniyey Aayadahayaga, mana ay aheyn mu’miniin."},{"id":73,"translation":"73. (Waxaan u dirnay) Thamuud walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle Keliya, ma lihdin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Xujo cad baa idiinka timid xagga Rabbigiin. tani waa Hal Ilaahay aad leedihiin, oo ah Calaamo; ee iska daaya ha daaqdo’e arlada Alle, hana u geysannina wax waxyeello ah, haddii kale waxaa idin qaban cadaab xanuun badan."},{"id":74,"translation":"74. Xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxlay (dhulka) (reer) Caad kaddib, oo uu idin dejiyey dhulka idinkoo ka sameeya dooxooyinkeeda daaro waaweyn, kana qodataan buuraha guryo. Ee xusa Nicmooyinka Alle, hana ku bi'innina dhulka fasahaadka aad ku falaysaan."},{"id":75,"translation":"75. Waxay xildhibaannadii kuwaa isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii ku yidhaahdeen kuwii loo arkay daciif ee ahaa kuwoodii rumeeyey dhexooda: Ma waxaad ogtihiin in Saalix laga soo diray xagga Rabbigi? Waxay yidhaahdeen: Innagu waxa lala soo diray waanu rumeynay."},{"id":76,"translation":"76. Kuwii isla weynaa waxay yidhaahdeen: Innagu waxaad rumeyseen waanu diidnay oo ku gaalownay."},{"id":77,"translation":"77. Markaasay boqna gooyeen hashii (gowraceen); oo ay ka hor yimaadeen Amarkii Rabbigood, waxayna yidhaahdeen: Saalixow! Noo keen cadaabka aad noogu gooddisay haddaad ka mid tahay Rususha."},{"id":78,"translation":"78. Markaasuu qabtay dhul gariir, waxayna noqdeen (baqti) ugu dhex daadsan degaankooda dhaqdhaqaaq la’aan."},{"id":79,"translation":"79. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii Rabbigay, idin siiyeyna naseexo wanaagsan, ma se jeclidin kuwa idiin naseexeeya."},{"id":80,"translation":"80. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku yidhi tolkiisii: Ma waxaad la timaaddaan xumaato (khaniisnimo) aanu idiinka horreyn cidna ka mid ah caalamka?"},{"id":81,"translation":"81. Idinku waxaad ugu tagtaan ragga shahwad (macaansi), halkii haweenka. Waxaad tihiin qolo xad gudub badan."},{"id":82,"translation":"82. Jawaabtii qolodiisii ma ay ahayn wax kale aan ahayn inay yidhaahdeen: Ka saara (Luud iyo inta rumeysay) magaaladiinna, waa dad is daahirinayee."},{"id":83,"translation":"83. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba marwadiisii maahee; waxay ka mid aheyd kuwii ku haray gadaal cadaabka."},{"id":84,"translation":"84. Waxaana roob uga dhignay dushooda roob (dhagaxyo dab ah). Ee eeg siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha."},{"id":85,"translation":"85. Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle keliya, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Xujo cad waxay idiinka timid xagga (Alle) Rabbigiin; ee oofiya beegga iyo miisaanka ha ka dhimina dadka waxyaalahooda, hana ku falina fasahaad arlada inta la hagaajiyey kaddib, sidaasaa idiin khayr roon, haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":86,"translation":"86. Ha fadhiisannina jid kasta idinkoo gooddiyaya, oo ka leexinaya Jidka Alle (Islaamka) kan isagu rumeysan, idinkoo dooonaya inaad ka dhigtaan mid qalloocan, xusuusta markaad aheydeen kuwo yar, markaasuu idin badiyay. Oo eega siday ku dambeysey cidhibta kuwa wax fasahaadsha."},{"id":87,"translation":"87. Haddayse koox idinka mid ah rumeysay waxa la ila soo diray, kooxna ayna rumeyn, haddaba samra (suga) ilaa intuu Alle noo kala garsooro dhexdeenna, Isagaana u wanaagsan inta wax garsoorta."},{"id":88,"translation":"88. Xildhibaannadii, kuwii isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaanu kaaga saari debedda Shucaybow iyo (sidoo kale) kuwa rumeysan la jirkaa magaaladayada ama waa inaad u soo noqotaan diinteenna 'dhaqankayaga'. Wuxuu yidhi: Ma xataa haddaanu dooneyn."},{"id":89,"translation":"89. Waxaan ka been sheegnay Alle haddaan u soo noqonno diintiinna, kaddib markuu Alle naga badbaadiyey. Nagumana habboona inaan u noqonno, inuu Alle, Rabbigayo doono ma’ahee. Rabbigayo wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi. Alle baanu tala saarannay; Rabbigayow! Noogu kala garsoor innaga iyo tolkayaga xaq, Adigaa u wanaagsan inta wax kala saarta."},{"id":90,"translation":"90. Xildhibaannadii gaalowday oo ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Haddaad raacdaan Shucayb, waxaad idinku markaasi tihiin kuwo khasaaray."},{"id":91,"translation":"91. Markaasuu dhul gariir qabtay, waxayna noqdeen (baqti) daadsan degaankoodii."},{"id":92,"translation":"92. Kuwii beeniyey Shucayb, waxay noqdeen sidii inayan marnaba ku negaanin halkaas. Kuwii beeniyey Shucayb, waxay ahaayeen kuwa khasaaray."},{"id":93,"translation":"93. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Farriimahii Rabbigay oo idin siiyey waano wanaagsan. Ee sidee baan ugu diir naxaa qolo xaq diid ah (gaalo)."},{"id":94,"translation":"94. Ma jirto magaalo aan u soo dirnay Nabi oo aanaan ku qaban dadkeeda (markay caasiyoobeen) qaxar iyo jirrooyin, bal inay soo dabcaan oo na baryaan."},{"id":95,"translation":"95. Haddana waxaanu ugu beddelnay halkii dhibka, wanaag, ilaa ay bateen oo yidhaahdeen: Lurnaan iyo ladnaanba way soo mareen aabbayaashayo (sidoo kale). Markaasaan qabannay si kedis ah iyagoo aan dareemeyn."},{"id":96,"translation":"96. Hadday dadka magaalooyinka (Xaqa) rumeeyaan oo iska jiraan (shirkiga iyo xumaha kale), waxaan uga soo furi laheyn barakooyin samada iyo arlada, wayse beeniyeen, markaasaan qabannay waxay kasban jireen darteed (oo denbiyo ah)."},{"id":97,"translation":"97. Ee ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado habeennimo iyagoo hurda?"},{"id":98,"translation":"98. Ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado goor barqo ah iyagoo iska cayaaraya?"},{"id":99,"translation":"99. Ma waxay aamin ka yihiin Tabta Alle, cidise ma dareento inay ka yihiin aamin Tabta Alle aan aheyn kuwa khasaaray."},{"id":100,"translation":"100. Ma waysan u caddaanin kuwa dhaxla dhulka dadkeedii (hore) ee lahaa kaddib, in haddaan doonno, aan u qaban denbiyadooda? Waxaanuna yeeli shaabbad daboosha quluubtooda sidaa darteed ayna wax maqlayn."},{"id":101,"translation":"101. Magaalooyinkan, waxaan kuu soo tebinnaa wararkoodii, waxayna Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, mase aheyn kuwo rumeynaya waxay horey u beeniyeen. Sidaasuu Alle u yeelaa shaabbad daboosha quluubta gaalada."},{"id":102,"translation":"102. Ma aanu ka helin badankooda (daacadnimo iyo dhowris ) ballan, waxaan hellay badankood iyagoo ah caasiyaal."},{"id":103,"translation":"103. Markaasaan iyaga kaddib la soo dirnay Muuse Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, wayse diideen inay rumeeyaan oo dulmiyeen. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwa wax fasahaadsha."},{"id":104,"translation":"104. Muuse wuxuu yidhi: Fircoonow! Anigu waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga Caalamka."},{"id":105,"translation":"105. Waxaan mudanahay inaan ka sheegin Alle waxaan Xaq ahayn. Waxaan idiinka la imid Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageene ilmaha Israa’iil."},{"id":106,"translation":"106. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad la timid Calaamo (mucjiso), keen haddaad run sheegayso."},{"id":107,"translation":"107. Markaasuu (Muuse) wuxuu tuuray ushiisii mise! Waa mas cad (muuqda)."},{"id":108,"translation":"108. Wuxuu u soo saaray debedda gacantiisa, mise! Waa caddahay (oo u ifeysey) eegayaasha."},{"id":109,"translation":"109. Waxay xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon yidhaahdeen: Kani waa sixiroole xeel dheer."},{"id":110,"translation":"110. Wuxuu rabaa inuu idinka saaro dhulkiinna, ee maxaad ku talineysaan?"},{"id":111,"translation":"111. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig (xaalkiisa) isaga iyo walaalkiba (in muddo ah) oo u dir ergooyin xagga magaalooyinka."},{"id":112,"translation":"112. Kuu keena saaxir kasta oo xeel dheer."},{"id":113,"translation":"113. Sixiroolayaashii waxay u yimaadeen Fircoon (oo) yidhaahdeen: Ma leennahay ujro haddaan innagu adkaanno?."},{"id":114,"translation":"114. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haa yoo, waxaadna ahaaneysaan kuwa la ii soo dhoweeyo."},{"id":115,"translation":"115. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Ma adigaa (hor) tuuran mise innagaa ahaanna kuwa (hor) tuurta?"},{"id":116,"translation":"116. (Muuse) wuxuu yidhi: Tuurta. Markay tuureen, waxay sixreen indhihii dadka oo argagax geliyeen, waxayna la yimaadeen sixir weyn."},{"id":117,"translation":"117. Waxaana u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Tuur ushaada. Mise! waxay liqliqday isla markiiba waxay been dhoobdhoobeen oo ay soo bandhigeen."},{"id":118,"translation":"118. Marka xaqii baa sugnaaday, oo baabba' waxaa noqday waxay falayeen."},{"id":119,"translation":"119. Sidaasaa (Fircoon iyo dadkiisii) looga adkaaday halkaa, oo ay noqdeen kuwo la jabiyey."},{"id":120,"translation":"120. Sixiroolayaashiina ula dhaceen (dhulka) sujuud (xagga Alle)."},{"id":121,"translation":"121. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeynay Rabbiga caalamka."},{"id":122,"translation":"122. Rabbiga Muuse iyo Haaruun."},{"id":123,"translation":"123. Fircoon wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen ka hor intaan idiin idmin? Arrinkani waa tab aad ku soo degteen si qarsoodi ah magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan."},{"id":124,"translation":"124. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna is dhaaf, waana idin wada dal-dali dhammaantiin."},{"id":125,"translation":"125. Waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu u noqon xagga (Alle) Rabbigayo."},{"id":126,"translation":"126. Ma jiro waxaad nagu naceyso aan ahayn inaan rumeynay Calaamooyinka Rabbigayo markay noo yimaadeen! Rabbigayow! Nagu shub samir oo na oofso innagoo kuu hoggaansan Muslimiin ah."},{"id":127,"translation":"127. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon waxay yidhaahdeen: Ma waxaad u deynaysaa Muuse iyo qolodiisa inay fasahaadiyaan arlada, oo ka tagaan adiga iyo ilaahyadaadaba? (Fircoon) wuxuu yidhi: Waxaan dili wiilashooda, oo deysan haweenkooda (si ay noogu adeegaan oo u addoonsanno), waxaanu nahay kuwa ka sarreeya oo maquuniya."},{"id":128,"translation":"128. Muuse wuxuu ku yidhi qolodiisii: Ka barya kaalmo Alle oo samra, arlada waxaa iska leh Alle, Wuxuu dhaxalsiiyaa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, cidhibta (sanna) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha oo ku dhaqma diinta Alle)."},{"id":129,"translation":"129. Waxay yidhaahdeen: Waxaa na soo gaaray dhibaatooyin ka hor intaad noo imaan iyo kaddib intaad noo timidba. Wuxuu yidhi: Waa intaasoo uu Rabbigiin halligo cadowgiinna oo idiinka yeelo madax arlada, markaas wuxuu eegi sida aad u dhaqantaan."},{"id":130,"translation":"130. Waxaana ku qabannay reer Fircoon abaaro iyo mirahoo ka yaraada bal inay waansamaan."},{"id":131,"translation":"131. Markay samaan u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Innagaa leh tani. Haddii (xaalad) xun ku dhacdona, waxay baaseystaan Muuse iyo kuwa la jira. Ogaada, baaskoodu, wuxuu uun jiraa Alle agti, badankooduse ma ogsoona."},{"id":132,"translation":"132. Waxayna yidhaahdeen: Wax kastoo calaamo ah aad noola timaaddo si aad noogu sixirto, innagu kuma rumeyneyno."},{"id":133,"translation":"133. Markaasaan ku soo dirnay dushooda: daad (qaada oo keena dhimasho baahsan), iyo ayax iyo injiro iyo rah iyo dhiig, calaamooyin cad, wayse isweyneeyeen, waxayna ahaayeen qolo denbiilayaal ah."},{"id":134,"translation":"134. Markuu daacuunku ku dhacay waxay yidhaahdeen: Muusow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kugula ballamay darteed. Haddaad daacuunka naga kor qaaddo, waanu ku rumayn, waxaana kugu dari Ilmaha Israa’iil."},{"id":135,"translation":"135. Markiise aan ka kor qaadnay daacuunka ilaa muddo go’an oo ay aheyd inay gaadhaan, bay markaas ka baxeen ballankii ay qaadeen."},{"id":136,"translation":"136. Markaasaan ka aargudannay oo aan ku harqinnay badda, waayo waxay beeniyeen Aayadahayaga, waxayna ahaayeen kuwo ka dhoohan."},{"id":137,"translation":"137. Waxaana dhaxalsiinnay qolodii loo arkay kuwo tabar daran gobollada bari ee dhulka iyo kuwa galbeedba ee aan barakaynay [2]. Kelmadda wanaagsan ee Rabbigaana waa loo oofiyey Ilmahii Israa’iil, samirkoodii awgi iyo u dul qaadashadoodii (dhibaatooyinka). Waxaana baabbi'nnay waxay Fircoon iyo qolodiisii sameeyeen iyo waxay dhismooyin taageenba [3].","footnotes":"[2]. Suuriya, Masar iyo magaalooyinka hareerahooda ah.\n[3]. Ee lagu dhisay xoogga ilmihii Israa'ill sida magaalada Ramsiis, iyo taalladdii uu ku dhisay Haamaan amarka Fircoon."},{"id":138,"translation":"138. Waxaana ka yeelnay Ilmahii Israa’iil inay ka tillaabbaan (si nabad ah) badda, markaasay waxay ku yimaadeen dad dul yuurarsan sanammadooda (oo caabudaya). Waxay yidhahadeen: Muusow! Noo yeel ilaah innagana siday iyaguba u leeyihiin ilaahyo. Wuxuu (Muuse) yidhi: Waxaad tihiin qolo jaahiliin ah [4].","footnotes":"[4]. Oo aan garanaeyn Weynida Alle iyo Haybaddiisa iyo waajibka idin saaran oo ah inaad caabuddaan Alle oo keliya oo waxbana u shariig yeelin."},{"id":139,"translation":"139. Hubaal, kuwani (gaalada ahi) waxay ku sugan yihiin waa baabbi’i, waana baadil waxay falayaan."},{"id":140,"translation":"140. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaan idiin doonaa ilaah kale aan aheyn Alle, isagoo idinka faddilay caalamka."},{"id":141,"translation":"141. Xusuusta markaan idinka samata bixinnay reer Fircoon ee idin dhadhansii- yey cadaab daran, iyagoo dilayey wiilashiin- na, oo u deynayey haweenkiinna nolol (si ay ugu adeegtaan). Arrinkaana waxaa ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah."},{"id":142,"translation":"142. Waxaan la ballannay Muuse muddo soddon habeen ah, kuna taam yeelnay inaan ku darno toban dheeri ah, marka muddada ballanka Rabbigi waxay ahayd afartan habeen oo buuxda. Muuse wuxuu ku yidhi walaalki Haaruun: \"Qabo xilkeyga qolodeyda dhexdood intaan maqnahay , u dhaqan si wanaagsan, hana raacin jidka kuwa wax fasahaadsha\"."},{"id":143,"translation":"143. Markuu u yimid Muuse ballankayagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iskay tus aan ku eegee. (Alle) Wuxuu yidhi: Ima arki kareysid (adduunka oo ma awooddid), laakiinse eeg buurta, hadday ku sugnaato meesheeda markaas ayaad i arki. Markiise uu Rabbigi isu muujiyey buurtii [5], wuxuu ka yeelay burbur, Muusena dhulkuu ugu dhacay suuxdin. Markuu soo miyirsaday wuxuu yidhi: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), waan kuu tawbad keenay (Allow), waxaana ahay kan ugu horreeya mu'miniinta.","footnotes":"[5]. Wuxuu Alle isu muujiyey buurta qaddar dhan ciddida far yarada, markaasay buurtii burburtay oo budo noqotay. Muuqashada Alle la mid ma aha muuqashada Aadmiga, ee waa si ku habboon oo u qalma Weynida Alle, dadku ma ay suureysan karaan arrinkaasi."},{"id":144,"translation":"144. (Alle) wuxuu yidhi: Muusow! Waxaan kaa doortay dadka (waqtigan si aad u qaaddo) Farriimaheyga aan kula soo diray iyo Hadalkeyga ee qaado waxaan ku siiyey oo ka mid ahow kuwa (ku) mahdiya (Alle)."},{"id":145,"translation":"145. Waxaan ugu qornay alwaaxda wacdi la xiriira wax kasta iyo faah faahinta waxyaalaha oo dhan ee ku qaado si sugnaansho leh, amarna qolodaada inay qaataan kan ugu wanaagsan. Waxaan idin tusi daarta caasiyaasha."},{"id":146,"translation":"146. Waxaan ka duwi Aayadahayga kuwa isku kibriya arlada xaq darro; hadday arkaan calaamo kasta ma rumeynayaan. Hadday arkaan jidka hanuunka (Islaamka) kama yeeshaan jid, haddayse arkaan jidka habowga waxay ka yeeshaan jid, arrinkani waxaa ugu wacan waxay beeniyeen Aayadahayaga, oo ahaayeen kuwo ka dhoohan."},{"id":147,"translation":"147. Kuwa beeniya Aayadahayaga iyo la kulanka Aakhirada (Maalinta Dambe- Qiyaamada), waxaa buray acmaashooda. Miyaa laga abaal marin waxaan aheyn waxay falayeen?"},{"id":148,"translation":"148. Waxay ka yeesheen qolodii Muuse markuu ka soo tagey kaddib (si uu wada hadal ula yeesho Rabbigi, waxay ka yeesheen) dahabkoodii dibi qolof ah leh cod beynaax ah 'ay caabudaan' [6]. Miyaanay arkaynin inaanu la hadleyn, kuna toosineynin jid? Wayse yeesheen (si ay u caabudaan) waxayna ahaayeen daalimiin.","footnotes":"[6]. Sameyntooda sanam leh muuqaal dibi iyo caabudaadda ay caabudeen waxay ahayd imtixaan laga imtixaanay xagga Alle si uu u muujiyo qofka iimaankiisu sugan yahay oo xoog leeyahay iyo kan shakiga qaba. Kuwa iimaankooda daciifka ahaa waxay raaceen Saamiri,. Halka kuwa iimaankoodu xoog lahaa ay ku sugnaadeen Xaqa."},{"id":149,"translation":"149. Markay ka shallaayeen oo ay arkeen inay lumeen ayey (tawbad keeneen oo) yidhaahdeen: Haddaanu Rabbigayo noo naxariisan oo noo denbi dhaafin, waxaanu ka mid noqon kuwa khasaaray."},{"id":150,"translation":"150. Markuu Muuse ku soo noqday qolodiisii isagoo cadhaysan oo walbahaar-san buu yidhi: Xumaa waxaad fasheen kaddib (tagisteydii). Ma waxaad ka degdegsasteen amarka Rabbigiin?Wuxuuna tuuray looxyadii, oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo u soo jiidaya xaggiisa. (Haaruun) wuxuu yidhi: Ina hooyoow! Qolodani waxay ii arkeen daciif, waana I dili gaareen, ee ha igu farax gelin cadowga, hana igala mid dhigin qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha)."},{"id":151,"translation":"151. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii denbi dhaaf aniga iyo walaalkay, oo na gali Naxariistaada, Adigaa U Naxariis Badan inta naxariisata."},{"id":152,"translation":"152. Xaqiiq, kuwii yeeshay dibiga (ilaah ahaan) Cadho xagga Rabbigood ah iyo dulli baa noloshan adduunka ku dhici.Sidaasaan ku abaal marinnaa been abuurtayaasha."},{"id":153,"translation":"153. Kuwase fala camallo xun markaas tawbad keena intaas kaddib, oo rumeeya (raacana xaqa), Rabbigaa intaas kaddib waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":154,"translation":"154. Markay Muuse Cadhadii ka degtay, wuxuu soo qaatay looxyadii, waxaana ku qornaa wax hanuun iyo naxariis u ah kuwa Rabbigood ka cabsada."},{"id":155,"translation":"155. Wuxuu ka doortay Muuse qolodiisii toddobaatan nin ballankayaga dartiis, markuuse qabtay dhul gariir daran, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaad doonto, Waxaad halaagi laheyd iyaga awal hore iyo anigaba; ma waxaad noo halaageysaa waxa kuwa maan gaabka ah ee nagu jira ay faleen? Wax kale maahee waa oo keliya jarribaaddaada aad ku habaabiso qofkaad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta qofkaad doonto. Adigaa ah Gargaarahayaga, ee noo denbi dhaaf noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta denbi dhaafta."},{"id":156,"translation":"156. Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba, waan kuu soo noqonnay si aan u hanuunno. (Alle) wuxuu yidhi: Cadaabkayga waxaan ku ridi kaan doono, Naxariistayduna waxay koobtaa wax kasta, waxaana u qori (gaar ahaan) kuwa (iska jira shirkiga iyo xumaha kale ee qaata daahirsanaanta -Towxiidka Islaamka, ee salaadda ooga) sakadana bixiya ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan."},{"id":157,"translation":"157. Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga aan waxna qorin, waxna akhrin, oo ay ka helayaan isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka - kaasoo amra wanaagga kana reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan kana xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa [7]. Kuwa rumeeya (Nabigaa) oo sharfa, oo u gargaara oo raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.","footnotes":"[7]. Shareecada Nabi Muxammad ma leh iskallifaad culus oo adag sida xilalka adag ee la saaray ilmihii Israa’iil. Haddii aynu tusaale ka bixinno taa waxaa sharcigooda ka mid ahaa in la dilo qofka si ay u ansaxdo tawbadiisa, iyo in la dilo qofkii qof dila ha u dilo kas iyo ula kac am ula kac la’aan, iyo in la gooyo xubinta uu ka sameeyo xumaanta, in la gooyo marada meeshay najaaso gaarto."},{"id":158,"translation":"158. (Nabi Muxammadow) dheh: Dadow! Anigu waxaan ahay Rasuulka Alle ee loo soo diray idinka oo dhan, Allahaasoo iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Ma jiro Ilaah (xaq ah) Isaga Maahee; Isagaa wax nooleeya waxna dhinsiiya. Ee rumeeya Alle iyo Rusuulkiisa, Nabiga aan waxna qorin, waxna akhriyin, ee rumeysan Alle iyo Kelmadihiisa, raacana si aad u hanuuntaan."},{"id":159,"translation":"159. Waxaa ka mid ahaa qolodii Muuse qayb ku hanuunineysey (dadka) si xaq ah oo ku oogayey caddaaladda."},{"id":160,"translation":"160. Waxaana u qaybinnay labo iyo toban qabiilood oo ummado ah. Waxaana u Waxyoonnay Muuse markay qolodiisii weydiisteen biyo: Ku dhufo dhagaxa ushaada, markaasaa waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood: qolo walba waxay ogaatay meeshay biyaha ka cabbi laheyd. Waxaana ka yeelnay daruuraha inay harsiiyaan dushooda, oo ku soo dejinnay Manna (kimis macaan oo malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimbir wanaagsan - Samaan): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan ee aan idin siinnay. Nama ayan dulmin innagee, waxayse dulmeen nafahooda (oo u soo jiideen shar)."},{"id":161,"translation":"161. Markii lagu yidhi: Dega magaaladan 'Qudus' [8] oo wax ka cuna meeshaad doontaan, oo dhahaya,’ (Allow naga) rid culayska na saaran’; kana gala albaabka idinkoo sujuudsan (hoggaansan), aan idiin dhaafnee gefefkiina: Waana u ziyaadin (ajarka) sama falayaasha.","footnotes":"[8]. Magaalada Eliyah (Qudus) ee ku taal gacanka badda cas ee u dhexeysa magaalada Madyan iyo buurta Siinaay."},{"id":162,"translation":"162. Waxayse kuwoodii ka midka ahaa ee dulmiga falay ku beddeleen hadal ka duwan midkii lagu yidhi [9]. Markaasaan kaga soo dejinnay cirka cadaab dulmigoodii dartiis.","footnotes":"[9]. Waxaa la amaray inay yidhaahdaan xiddah Allow noo denbi dhaaf, waxayse u beddeleen jeesjees ahaan inay yidhaahdeen xindah gallay tin ku jirta,"},{"id":163,"translation":"163. Weydii (Yuhuudda) magaaladii (Eila) ee ku ag tiil badda (cas, dadkeedii), markay ku xadgudbeen arrinkii (Maalinta) Sabtida, oo kalluunkoodu u imanayey maalinta Sabtida ah isagoo muuqda, maalintaan Sabti aheynna uma timaaddo. Sidaasaan u imtixaannay caasintoodii awgii."},{"id":164,"translation":"164. Markay jameeco ka mid ahi tidhi: Maxaad u waanineysaan qolo uu Alle halligayo, ama ku cadaabi cadaab daran? Waxay yidhaahdeen: Waa si aan eed naloogu raacan Rabbigiin horti, iyo inay Alle ka cabsadaan."},{"id":165,"translation":"165. Markayse iska halmaameen waxa lagu waaniyey, Waxaan badbaadinnay kuwii reebayey xumaanta, waxaana ku dhignay kuwii dulmiga falay cadaab daran caasintoodii awgeed."},{"id":166,"translation":"166. Markay ku madax adeygeen wixii laga reebayey, waxaan ku nidhi: Noqda daayeerro dulleysan."},{"id":167,"translation":"167. (Xusuusta) markuu Rabbigaa ogeysiiyey inuu ku soo dirayo (Yuhuudda) ilaa Maalinta Qiyaamaha kuwo dhadhansiinaya cadaab xun. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhakhsi Badan yahay Ciqaabka, waana Denbi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay."},{"id":168,"translation":"168. Waxaana ugu kala googaynay arlada iyagoo qaybo ah, waxaa ka mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo (kale) oo ka mid ah aan sidaas ahayn. Waxaana ku imtixaannay wanaag iyo dhibba inay u soo laabtaan (adeecidda Alle)."},{"id":169,"translation":"169. Markaa baa waxaa yimid iyaga kaddib dad (xun) oo dhaxlay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) oo qaadanaya waxyaalaha (aan bannaaneyn ee) nolosha tani soke (ee adduunyada), iyagoo leh: waa naloo denbi dhaafi. Hadduu u yimaado (mar kale) alaabo (raaxo adduunyo aan bannaaneyn) oo la mid ahi, way qaataan (sidoo kale). Miyaan lagaga qaadin ballan Kitaabka in aanay ka sheegin Alle waxaan ahayn xaq, iyagoo akhristay waxa ku yaalla (Kitaabka), Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha). Ee miyeydaan wax fahmeyn?"},{"id":170,"translation":"170. Kuwase qabsada Kitaabka oo iyaga ka mid ah (kuwooda soo islaamay) oogana salaadda, Annagu Marnaba ma dayacno abaalgudka kuwa camalkooda hagaajiya."},{"id":171,"translation":"171. (Xus) markaan gilgilnay buurtii (Siinaay) dushooda sidii isagoo harayn dallad oo kale, waxayna moodeen inuu ku soo kor dhacayo. (Waxaanu ku nidhi): Ku qaata waxaanu idin siiinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusuusnaada waxa ku yaal si aad uga dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale)."},{"id":172,"translation":"172. Oo (xus) markuu Rabbigaa ka soo saaray ilma Aadam dhabarradooda durriyadooda oo uu uga markhaati dhigay nafahooda: Miyaan Anigu ahayn Rabbigiin? Waxay yidhaahdeen: Haayoo! Markhaati baan ka nahay. Waa si aydaan u odhan Maalinta Qiyaamaha: Waxaan Innagu ahayn kuwo arrinkani moogganaa."},{"id":173,"translation":"173. Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la wadaajiyey (Alle cibaadada) aabbayaasha- yadii awal hore [10], waxaan innaguna aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ee ma waxaad noo halaageysaa waxay faleen baadil raaca?","footnotes":"[10]. Si aanay u odhan mushrikiinta in aabbayaashood ay yihiin kuwa la wadaajiyey cid kale (cibaadada) Alle. Mana ay garaneyn inuu shirkigu yahay denbi iyo gef weyn iyo gardarro, ma garanayn dariiq kale aan ahayn inay raacaan aabbayaashood, sida awgeed waxay iyagu qabaan inaysan mudneyn cadaab sbabta gefka aabbayaashood."},{"id":174,"translation":"174. Sidaasaan u caddeynaa Aayadaha iyo inay u soo laabtaan (Xaqa)."},{"id":175,"translation":"175. U akhri (Nabiyow) warka ninkii [11] aan siinnay Aayadahayaga, ha yeeshee ka siibtay iyagii oo sheydaan duufsaday, ee ka mid noqday kuwa habowsan.","footnotes":"[11]. Reer banii Israa'iil ahaa waa Balaam ina Bocor."},{"id":176,"translation":"176. Haddaan doonno kor ayaan ugu soo qaadi laheyn, laakiinse dhulka buu isku dhajiyey oo raacay hawadiisa. Marka waxaa uu ka dhigan yahay sida Eeyga, haddaad eryato carrabka laalaadsha; haddaad iska deysana weli laalaadsha carrabkiisa; kani waa mataalka dadka beeniya Aayadahayaga. Ee uga qisee qisooyinka bal inay fakaraan."},{"id":177,"translation":"177. Xumaa mataalka qoloda beeniya Aayadahayaga, nafahoodana dulmiya."},{"id":178,"translation":"178. Qofkii Alle hanuuniyo uun baa hanuunsan, qofkiina uu dhumiyo [12], waa kuwaa kuwa khasaaray.","footnotes":"[12]. Ku adkeysashadiisa denbiga iyo diiddadiisa Xaqa darteed."},{"id":179,"translation":"179. Waxaan u abuurnay Jahannama in badan oo ka mid ah jinka iyo dadka. Waxay leeyihiin quluub aysan wax ku fahmin, indho aysan wax ku arag, iyo dhego aysan wax ku maqal. Waa sida xoolo oo kale, mayee waa bay ka sii habow daran yihiin; kuwaa waa kuwa ka dhoohan (Xaqa)."},{"id":180,"translation":"180. Alle baa iska leh Magacyada wanaagga iyo quruxda badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa [13]. Waa laga abaal marin doonaa waxay falayeen.","footnotes":"[13]. Ha siin wax tixgelin ah iyo mudnaan oo isaga tag kuwa ku caabuda Alle xusid magacyo aan ku haabboneyn sida Kiristhaanka ugu yeera: aabbe ama eebbe ” iyo mushrikiinta Carbeed ee ugu yeera Laat, Cuzzaa, iyo Manaat, iwm magacyadaasoo aan ku habbooneyn Alle ama kuwa beddela magacyada wanaagsan ee Alle macnahooda ama sifadooda oo ku fasira waxaalo kale sida inay Gacanta Alle ku fasiraan awood, indhahana ilaalin, Imaanashaha Allena, ku fasira imaanshaha Amarkiisa, iwm, taasoo aan bannaaeyn."},{"id":181,"translation":"181. Waxaa ka mid ah waxaan abuurnay ummad wax ku hanuunisa xaqa (ummadda Nabi Muxammad), kuna ooga caddaaladda"},{"id":182,"translation":"182. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaanu ugu soo dhoweyn (baabba’a) si heerar ah (oo ka qaban) meel aanay ogeyn."},{"id":183,"translation":"183. Waxaana siin waqti, hubaal Tabteydu waa sooh adag tahay."},{"id":184,"translation":"184. Miyeyna ka fikirin inaan saaxiibkood (Nabi Muxammad) qabin wax saameyn jin ah. Wax kalena maahee waa dige cad."},{"id":185,"translation":"185. Miyaanay fiirin boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo wax kastoo uu Alle abuuray, iyo in laga yaabo in muddadoodu soo dhowaatay, ee hadalkee bay rumaynayaan kani (Qur’aanka) kaddib?"},{"id":186,"translation":"186.Qofkii Alle lumiyo ma leh hanuuniye; wuxuuna ku daayaa xadgudubkooda ay ku jaha wareersan yihiin indha’ la' aan."},{"id":187,"translation":"187. Waxay ku weydiin Saacadda (Qiyaame) goormay dhici? Dheh: Cilmigeedu Rabbigay keliya buu la jiraa. Ma jiro waxaan Isaga ahayn oo soo saari waqtigeeda loo qabtay. Waxay ahaan wax ku culus cirarka iyo dhulka (arrinkeedu). Idiinkuma imaan doonto waxaan aheyn kedis. Waxay kuu weydiin sidiiyoo aad adigu cilmi dheer u leedahay. Dheh: Cilmigeedu waxaa uu la jiraa oo keliya Alle, badankooduse dadku ma oga."},{"id":188,"translation":"188. Dheh: Uma hanto naftayda dheef iyo dhib midna, wuxuu Alle doono ma’ahee. Haddaan ogaan lahaa cilmi Ghaybka, waxaan badsan lahaa khayrka, oo wax xume ah ima taabteen. Anigu waxaan ahay oo keliya u dige iyo u bishaareeye qolo (Xaqa) rumeysan."},{"id":189,"translation":"189. (Alle) waa Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam) oo isla xaggeeda ka abuuray xaaskiisa (Xawwaa), si uu u weheshado. Markuuse (mid ka mid ah aadmiga) u galmooday (xaaskiisa) bay qaadday uur yar, oo halkaas ka sii wadday, markay cuslaatay, waxay labaduba baryeen Alle, Rabbigood, (oo ay yidhaahdeen): Haddaad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahdiya."},{"id":190,"translation":"190. Markase uu siiyey dhal hagaagsan, waxay u yeeleen shariigyo 'ay la wadaajiyaan cibaadada' wuxuu siiyey [14]. wuuse ka sarreeyaa Alle waxay u shariig yeelaan (oo la wadaajiyaan cibaadada).","footnotes":"[14]. Mushrikiinta waxay ka yeeleen ilmahooda uu abuuray Alle addoomo ay leeyihiin asnaamta, sida awgeed bay waxay u bixiyeen magacyo aan bannaaneyn sida Cabdul Cuzzaa iyo Cabdul Manaat iyo Cabdu- Shams, Cabdul Xaarith, iwm."},{"id":191,"translation":"191. Ma waxay la wadaajin Alle 'cibaadada' waxaan waxna abuurin, oo iyaga la abuuro?"},{"id":192,"translation":"192. Oo aan u gargaari kareyn, balse aan nafahooda u gargaari karin."},{"id":193,"translation":"193. Haddaad ugu yeertona hanuunka idinma raacaan. Waa isku mid haddaad u yeertaan ama haddaad ka amustaan."},{"id":194,"translation":"194. Xaqiiq, kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi waa addoomo idin la mid ah. Ee barya ha idin ajiibeene haddaad run sheegaysaan."},{"id":195,"translation":"195. Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise indho ay wax ku arkaan? Mise dhego ay wax ku maqlaan? Dheh, U yeerta shurakadiinna oo ii tab dhiga, hana i sugina oo i siinnina wax fursad ah."},{"id":196,"translation":"196. Xaqiiq Gargaaraheyga waa Allaah ee ah Kan soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka, Tawraadda, iyo Injiilka), Isagaana u gargaara kuwa wanaagsan."},{"id":197,"translation":"197. Kuwase aad baridaan (caabuddaan Alle) sokadi, ma karaan gargaarkiinna, nafahoodana uma gargaari karaan."},{"id":198,"translation":"198. Haddaad ugu yeedhaan hanuunkana ma maqlaan, waxaadna aragtaa iyagoo ku soo eegaya, haddana aan waxba arkayn."},{"id":199,"translation":"199. (Muuji cafis iyo masaamax oo) qaado waxa fudud (ee la heli karo dhib la’aan), amar wanaagga, kana jeeso jaahiliinta."},{"id":200,"translation":"200. Hadduu fikrad xun kuu soo jeediyona shaydaan, ka magan gal Alle. Isagaa ah wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon."},{"id":201,"translation":"201. Xaqiiq kuwa ka cabsada Alle, markay taabato meerto Shaydaan, way ku baraarugaan oo kolkiiba (xaqa) arkaan."},{"id":202,"translation":"202. Walaalahood se (dadka xun), waxay (shaydaammadu) u kordhiyaan habow, markaa innaba kama gaabiyaan."},{"id":203,"translation":"203. Haddaad (Nabiyow) ula iman weydo calaamo (mucjiso siday rabaan ah) waxay yidhaahdaan: Maxaad u keeni weydey? Dheh: Waxaan anigu sideedaba raacaa waxa la iiga waxyoodo xagga Rabbigay. Kuwakani waa caddeymo ka yimid Rabbigiin, oo u ah hanuun iyo naxariis ciddii rumayn."},{"id":204,"translation":"204. Marka la akhrinayo Qur'aanka dhegaysta oo aamusnaada, si la idiinku naxariisto."},{"id":205,"translation":"205. Ku xus Rabbigaa naftaada si khushuuc iyo cabsi leh adigoon kor ugula tanaagooneyn codka aroor iyo galabba, hana ka mid noqon kuwa dhoohan."},{"id":206,"translation":"206. Kuwa ah Rabbigaa agti (waa malaa’igta) marnaba iskama weyneeyaan cibaadadiisa, wayna ka hufaan (xumaan iyo nuqsaan oo dhan) oo xurmo weyneeyaan, Isagayna u sujuudaan [15].","footnotes":"[15]. Tani waa mid ka mid ah Aayadaha la sujuudo marka la akhriyo, waa sida wanaagsan ee door roon in la sujuudo marka la akhriyo Aayad sajda leh, mase aha waajib in la sujuudo marka la akhriyo ama la maqlo ha ahaato salaad gudaheed ama debeddeed , waxaana sujuuddan la yiraahdaa sujuud at-tilaawah."}]},{"id":8,"verses":[{"id":1,"translation":"1.Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) qaniimooyinka waxaa leh Alle iyo Rasuulka. Ee Alle ka cabsada oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaaf ah. Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":2,"translation":"2. Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay cabsato oo nuglaato quluubtoodu marka la xuso Alle 'weyneyn iyo ka heybeysi darti', marka Aayadahiisa loo akhriyona ay u kordhiyaan Iimaan; Rabbigood (Keliyana) tala saarta oo isku halleeya."},{"id":3,"translation":"3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo waxa aan siinnay wax ka bixiya (sadaqaysta)."},{"id":4,"translation":"4. Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay ku leeyihiin darajooyin 'sare' Rabbigood agtiisa, iyo denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan."},{"id":5,"translation":"5. Siduu Rabbigaa kaaga soo saaray gurigaaga si xaq ah [1], inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay kahanayeen.","footnotes":"[1]. Inaad u baxdo dagaalkii Badar waxay la mid tahay siduu kuu amray inaad ugu qaybiso qanoomiyinka dagaalka si xaq ah dhexdood, oo labaduba ahaa khayr."},{"id":6,"translation":"6. Waxay kaala doodayeen [2] xaqa kaddib markuu u caddaaday, (waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya.","footnotes":"[2]. Waxay tilmaameysaa dooddii dhex martay muslimiinta xagga qaybinta qaniimada dagaalka. Alle wuxuu u qaybshay qaniimooyinka si xaq ah sida uu u amrayba Nabiga s.c.w. inuu kaga baxo guriga oo u aado dagaalka Badar si xaq ah. Ad-Dabari waxaa ku qoran inay ka baxeen guriga iyagoo u socda dagaalka Badar."},{"id":7,"translation":"7. (Xusuusta, mu’miniintoy) markuu Alle idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood [3] inaad is-heli doontaan, waxaadna jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan [4], Allena wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo gooyo cidhibta gaalada.","footnotes":"[3]. Colka ka yimid Makkah ama safarkii badeecada siday ee ka yimid Suuriya.\n[4]. Abuu Sufyaan wuxuu ka yimid safar Suuriya ah isagoo badeecad aad u tiro badan ka keenay. Qolo hubeysanna waxay ka yimaadeen xagga Makkah, waxaana hoggaaminayey Cutba bin Rabiicah, iyo Abuu Jahal."},{"id":8,"translation":"8. Si uu (Alle) u sugo Xaqa, oo u buriyo baa- dilka haba nacbeystaan denbiilayaashee."},{"id":9,"translation":"9. (Xusuusta) markaad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta."},{"id":10,"translation":"10. Kama uu yeelinna Alle waxaan ahayn bishaaro, iyo inay ku xasisho quluubtiinnu, oo ma jirto guul aan ka imaan xagga Alle. Hubaal Alle waa Adkaade Sare, Xakiim ah."},{"id":11,"translation":"11. (Xusuusta) markuu (Alle) sababay inay lulmo idin qabato, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idiinkaga soo dejiyey biyo (roob) xagga daruuraha si uu idiinkugu daahiriyo, idiinkagana bi’iyo waswaaska Shaydaanka iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha."},{"id":12,"translation":"12. Markuu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeeyey. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaaloobay, ee ku dhufta luqumaha korkooda, kuna dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin [5].","footnotes":"[5]. Tani waxay ka dhacday dagaalka, ujeeddadana waa gooya qoorta, laakiin hadduu cadowga xidho canbuur bireedyo oo ay adkaato in qoorta la gooyo, markaa waxaa la goyn gacanta si uu u qaadi kari waayo hubka, sida seefta, waranka, qoriga, iwm. Sidoo kale foodaha waxaa loola jeedaa faraha gacmahooda iyo cagahooda."},{"id":13,"translation":"13. Maxaa yeelay waxay khilaafeen oo caasiyeen Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal, Alle ciqaabkiisu wuu daran yahay."},{"id":14,"translation":"14. Arrinkaas (cadaabka adduunka ah gaaloy) dhadhamiya, waxay kaloo gaaladu leeyihiin cadaab Naar ah (Aakhirada)."},{"id":15,"translation":"15. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad la kulantaan kuwa gaaloobay oo duullaan ah dagaal dooni ha u jeedininna dhabarrada."},{"id":16,"translation":"16. Qofkii u jeediya dhabarkiisa maalinkaa inay tahay maahee xeel dagaal, ama inuu ku biirayo ciidan (uu ka tirsan yahay) wuxuu ku mudan taasi Cadho ah xagga Alle, hoygiisuna waa Jahannama, oo u xun meel la ahaado."},{"id":17,"translation":"17. Idinku ma aydaan layn (gaalada), Alle baase laayey. Ma aadan ganayn [6] markaad ganeysay (cadowga), wuxuuse ahaa Alle Kan Ganay, waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.","footnotes":"[6]. Markii uu Nabigu s.c.w. ku ganay gacan muggeed oo carro ah wejiyada gaalada, Alle wuxuu sababay inay buuxiso indhaha iyo sanka askari kasta oo ka mid ah gaalada, taasoo u diidday inay horay u soo dhaqaaqaan."},{"id":18,"translation":"18. Arrinkaa (waa fal Ilaahay) welibana Alle waa liciifiyaha dabinka gaalada."},{"id":19,"translation":"19. Haddaad (gaaloy) dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka waa idiin yimid, haddaad joojisaanna (colaadda), waa sida idiin khayr roon, haddaad ku noqotaanna (dagaalka) innaguna sidoo kale waan soo rogaal celin, ciidamadiinnuna waxba idiin ma tarayaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, (ogaadana) in Alle uu la jiro mu’mimiinta."},{"id":20,"translation":"20. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ha ka jeesannina Xaggiisa idinkoo maqlaya."},{"id":21,"translation":"21. Ha noqonnina sida kuwii yidhi: Maqallay, iyagoon waxba maqlayn."},{"id":22,"translation":"22. Hubaal, noole dhul ku socod ah waxaa Alle agtii ugu liita kuwa (ka) dhega la’ (xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn."},{"id":23,"translation":"23. Hadduu Alle ku og yahay wax khayr ah, wuu msqashiin lahaa (Xaqa), hadduu maqashiiyona, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya."},{"id":24,"translation":"24. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ajiiba (baaqa) Alle iyo Rasuul(kiisa) markuu idiinku yeedho wax idin nooleeya [7], ogaadana inuu Alle kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin.","footnotes":"[7]. Wuxuu idiinku yeedhayaa jihaadka iyo dagaal galka si ay kor u ahaato Kelmedda Alle oo u cisoobaan muslimiinta, sidoo kale macnaha waxaa weeye wuxuu idiinku yeerayaa iimaanka iyo hanuunka iyo jihaadka, iyo arrin kasta oo lagu liibaano adduun iyo aakhiraba."},{"id":25,"translation":"25. iska jira fidmo aan ugu dhaceyn si gaar ah kuwiinna idinka mid ah ee dulmiga fala [8]; oo ogaada in Alle uu Daran yahay Ciqaabkiisu.","footnotes":"[8]. Tani waa digniin in ciqaabta ay mar walba sababteed tahay ku caasinta Alle iyo Rasuulkiisa."},{"id":26,"translation":"26. Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala dafin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan inaad ku mahdisaan (Alle)."},{"id":27,"translation":"27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha khayaamina Alle iyo Rasuulka, hana khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon."},{"id":28,"translation":"28. Oo ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Alle agtiisa yahay Abaalgud weyn (Janno)."},{"id":29,"translation":"29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad Alle ka cabsataan (oo dhowrtaan amarradiisa), Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), idinkana tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Kan iska leh Fadliga Weyn."},{"id":30,"translation":"30. (Xusuusta, Nabiyow) markay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; way tab dhigeen, Allena wuu tab dhigay. Alle waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa."},{"id":31,"translation":"31. Marka loo akhriyo Aayadahayaga, waxay yidhaahdaan: Waan maqallay (Qur’aanka); haddaan doonno waxaan odhan karnaa kanoo kale. (Waxa)kani ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore."},{"id":32,"translation":"32. (Xusuusta) markay yidhaahdeen (jees jees ahaan): Allahayow! Hadduu (Qur’aan)kani xaq yahay Adiga kaa yimid, nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab xanuun badan (inaan beeninnay darteed)."},{"id":33,"translation":"33. Ma ahase Alle mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, mana aha mid cadaabaya iyagoo denbi dhaaf dalbi [9].","footnotes":"[9]. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxaa jiray labo ammaan, Nabiga iyo denbi dhaaf dalabka, Nabigii waa tagay oo Alle baa oofsaday, marka waxaa haray denbi dhaaf dalabka."},{"id":34,"translation":"34. Maxay se (cudur daar) leeyihiin si uusan Alle u cadaabin iyagoo ka hor istaaga (dadka) Masjidka Xurmadda gaarka ahi leh, umana suubbadaan inay ahaadaan ehelkiisa? Ehelkiisu ma aha waxaan aheyn kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha), badankooduse ma oga."},{"id":35,"translation":"35. Salaaddooda Beytka (Kacbada) agtiisa ma ahayn waxaan aheyn foodhi iyo sacabbo tun. Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darteed."},{"id":36,"translation":"36. Hubaal kuwa gaaloobay waxay ku bixiyaan maalkooda si ay uga hor istaagaan (dadka) Jidka Alle, sidaasayna wax ugu bixin doonaan; misna waxay ku noqon qoomamo daran, misna waa laga adkaan. Gaaladana xagga Jahannama baa loo taxaabi."},{"id":37,"translation":"37. Waa si uu Alle uga sooco kuwa xun, kuwa wanaagsan, oo kuwa xun is dul saaro qaarkoodba qaarka kale, oo isku raseeyo dhammaantood, uuna yeelo Jahannama gudaheeda. kuwaa weeye kuwa khasaaray."},{"id":38,"translation":"38. Ku dheh kuwa gaalooba, hadday ka haraan (gaalnimada iyo dagaalka) waxaa loo dhaafi wixii horay uga dhacay [10] . Hadday se u noqdaan (dagaalka), waxaa sugaya jidka kuwii hore (ee la halaagay).","footnotes":"[10]. Ibnu Mascuud a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nin baa wuxuu yidhi: Rasuul Allow, Miyaa naloo raacanayaa wixii aynu falnay waagii jaahiliyadda (gaalnimda)? Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofkii ay fiicnaato islaamnimadiisu oo u dhaqma Islaamka gudahiisa si suubbanaan ah, looma raacanayo wixii uu falay waagii jaahiliyadda. Qofkiina kula yimaada shirki iyo waxyaalo xun oo macaasi ah Islaamka gudahi waxaa loo raacanayaa kii hore iyo kii dambeba. (W.w. Al-Bukhaari)."},{"id":39,"translation":"39. La dagaallama (gaalada) jeer la waayo fidno (shirki, gaalnimo, caddibaad), oo diinta (daacadda iyo cibaadada) uu yeesho Alle Keliya.Haddayse joojiyaan (shirkiga iyo gaalnimada), Alle waa arkaa waxay falaan."},{"id":40,"translation":"40. Hadday (ka) jeesadaanna (Iimaanka), ogaada in Alle yahay Mudanahiin, Wanaag badanaa mudanuhu, wanaag badanaana gargaarahu."},{"id":41,"translation":"41. Ogaada in waxaad qaniimeysataan, in Alle leeyahay shan meeloodoo meel [11], iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo socotada (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Alle iyo waxa aanu ku soo dejinnay oo Waxyi ah addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa [12], maalintay kulmeen labadii ciidan. Alle wax walba wuu Karaa.","footnotes":"[11]. Qaniimo waa maalka lagaga helo gaalada dagaal jihaad ah Jidka Alle, maalkase laga helo gaalada dagaal la’aan waxaa la yidhaahdaa fay, qaybinta Aayaddan waxay ka hadleysaa oo keliya qaniimada dagaalka: Shan meel marka loo dhigo, meel waxaa leh oo la siinayaa: 1- Allaah iyo Rasuulkiisa (waxaa lagu bixin arrinka Alle iyo xoojinta diinta). 2. Agoomaha 3. Musaafirka go’doonsan, qaxootiga iyo soo galootiga dhoofka ku yimid ee shisheeyaha ah), 4. Qaraabada Rasuulka (Banuu haashim iyo Banuu Muddalib) 5. Masaakiinta. Afarta meeleedoo kale waxaa loo qaybin dagaal yahnnada ka soo qayb galay dagaalka.\n[12]. Maalinta kulanka labo kooxood ay ku kulmeen dagaalkii Badar waxay ahayd maalin Jumca ah bisha Ramadaan tahay 17, sannadkii labaad ee Hijrada, mufasiriinta qaarkood waxay qabaan in Aayaddan ay tilmaameyso markii u horreysey uu soo dego Qur’aanka oo ahayd 17 bishii Ramadaan."},{"id":42,"translation":"42. (Xusuusta) markaad idinku joogteen docda soke 'ee togga' [13], iyaguna ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Haddaad goosan laheydeen waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Alle u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, ciddii noolaanna si cad ugu noolaato. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.","footnotes":"[13]. Muslimiinta waxay ku sugnaayeen waqtigaa dhinaca togga u dhow Madiina, halka gaalada joogeen dhinaca kale ee togga ee ka fog Madiina, safarkiise badeecadda siday ee Abuu Sufyaan wuxuu soo marayey xeebta badda oo 5 mayl u jirta Badar."},{"id":43,"translation":"43. Markuu Alle idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, hadduu idin tusi lahaa iyagoo tiro badan, waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Alle baase (idinka) badbaadshay. Hubaal (Alle) waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka)."},{"id":44,"translation":"44. (Xusuusta) markuu idinku tusayey, markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, wuxuuna idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Alle u fuliyo arrin horay uu u qaddaray. Alle baa loo celiyaa umuurahoo dhan."},{"id":45,"translation":"45. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad la kulantaan ciidan (cadow ah) sugnaada, xusana Alle in badan inaad liibaantaan."},{"id":46,"translation":"46. Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ha murmina, yeydaan niyad jabine, xooggiinnu- nu tegin, oo samra. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa samra."},{"id":47,"translation":"47. Ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle [14]. Alle wuu koobaa waxay falaan.","footnotes":"[14]. Dagaalkooda Muslimiinta wuxuu ahaa si ay u difaacaan diinta iyo qaadasho Amarka Alle, halka gaalada ay u dagaalamayeen kibir iyo qooq iyo qabyaalad iyo arrimo jaahiliyad iyo dano adduunyo iyo faan."},{"id":48,"translation":"48. (Xusuuso) markuu shaydaanku u qurxiyey acmaashooda (xun) oo yidhi: \"Ma jiro maanta cid ka mid ah dadka oo idinka adkaan karta, anigaana ah ilaaliyahiinna\". Markayse is arkeen labadii kooxood ayuu u gurtay cidhbahiisa oo yidhi, \"anigu barii baan idinka ahay. Waxaan anigu arkaa wax aydaan arag. Waxaan anigu ka cabsan Alle, Alle Ciqaabkiisu wuu daran yahay\"."},{"id":49,"translation":"49. Markay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Qofkiise tala saarta Alle, hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah."},{"id":50,"translation":"50. Haddaad arki lahayd markay malaa'igtu nafta ka qaadeyso kuwa gaaloobay iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda (oo ku leh): Dhadhamiya cadaabka gubashada [15].","footnotes":"[15]. Weedha waxaa laga tagay iyadoo aan la dhammeystirin waana si loo fahmo inta ka harsan iyadoo aan la xusin. Gunaanadkeeda waxaa looga tagay inay suureystaan akhristaha ama dhageystaha, waxayna u dhaceysaa: waxaad arkeysaa muuqaal naxdin leh.”"},{"id":51,"translation":"51. Arrinkaasi waa waxay gacmihiinnu hormarsadeen awgii, iyo in Alle aanu ahayn mid dulmiya addoomahiisa."},{"id":52,"translation":"52. Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: waxay ku gaaloobeen Aayadaha Alle, markaasuu Alle u halaagay denbiyadoodii awgood. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Ciqaab Adag."},{"id":53,"translation":"53. Arrinkaa wa inaan Alle marnaba beddelin nicmad uu siiyey qolo jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo inuu Alle yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon."},{"id":54,"translation":"54. Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan u halaagnay denbiyadoodii awgood, waxaana harqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen daalimiin."},{"id":55,"translation":"55. Xaqiiq kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Alle agti waa gaalada, marka ma ay rumeynayaan."},{"id":56,"translation":"56. Kuwa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan iska jirin (Cadaabka Alle iyo Cadhadi)."},{"id":57,"translation":"57. Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya [16], bal inay waantoobaan.","footnotes":"[16]. Waa dila oo laaya oo tusaale ka dhiga lagu cibrad qaaato si aad u niyad jebisaan kuwa soo raaci lahaa."},{"id":58,"translation":"58. Haddaad ka cabsato khiyaano xagga qolo 'axdi idinka dhexeeyey' [17], u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal, Alle ma jecla khaa’imiinta.","footnotes":"[17]. Markaad ka aragto calaamado muujinaysa khiyaano kuwaas aad la gashay heshiiska, ogeysii inaad ka baxday ballantii idiin dhexeysey si ay u ogaadaan halka ay istaagayaan."},{"id":59,"translation":"59. Yeysan moodinna gaalada inay hormareen (macnaha waa ha ka cabsan ku hormarkooda heerarka adduun ama hubka). Hubaal (Alle) kama baxsan karaan [18].","footnotes":"[18]. Wuuna soo qaban meelay gaaraanba."},{"id":60,"translation":"60. U diyaarsada waxaad kartaan oo xoog ah (sida sawaariikhda, gantaallada) iyo fardo u heegan ah (dagaal, gawaari gaashaaman, diyaarado iyo doomo dheereeya) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Alle iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Alle baase og. Waxaad ku bixisaanna Jidka Alle waa la idiin gudi si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmin."},{"id":61,"translation":"61. Hadday u iishaan gaalada xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo Alle talo saaro. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah."},{"id":62,"translation":"62. Hadday doonaanna inay ku dhagraan, waxaa kugu Filan Alle, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey Gargaarkiisa iyo mu’miniintaba."},{"id":63,"translation":"63. Oo isu soo dumay quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, Alle baase mideeyey. Hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah."},{"id":64,"translation":"64. Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba."},{"id":65,"translation":"65. Nabiyow! Ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, hadday idinka mid yihiin boqol (samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan kun kuwa gaaloobay ah [19], waayo waa dad aan wax fahmayn.","footnotes":"[19]. Macnaha waa qofkii wuxuu ku aadi toban iyaga ah."},{"id":66,"translation":"66. Haatan Alle wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, wuxuu og yahay inaad tabar yar tihiin. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, oo hadday idinka mid yihiin kun (samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan labo kun Alle Idankii [20]. Alle wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha.","footnotes":"[20]. Waa qofkii wuxuu ku aadi labo iyaga ah."},{"id":67,"translation":"67. Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Alle) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Alle (idinla) rabaa Aakhirada. Alle waa Adkaade, Xakiim ah."},{"id":68,"translation":"68. Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Alle ah ee hore uu u gooyey [21], waxaa idinku soo gaari lahaa waxaad qaadateen cadaab daran.","footnotes":"[21]. Seddex siyaalood baa loo fasiray weedha xukun xagge Alle ah oo aan halkan ku xuseyno: 1.kaasoo lagu cafiyey asxaabtii Badar, 2. in gefafka aan ula kaca ahayn loo ciqaabin, 3. in la idiin banneeyey qaniimooyinka dagaalka."},{"id":69,"translation":"69. Cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah.\n Alle ka cabsada (oo dhowra Amarradiisa). Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":70,"translation":"70. Nabiyow! Ku dheh kuwaad soo qafaalateen ee ku jira gacmahiinna: haddii Alle ku og yahay wax khayr ah quluubtiinna, wuxuu idin siin wax ka khayr badan waxa la idinka qaaday, oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":71,"translation":"71. Hadday doonaan inay ku khiyaamee- yaan waxay horeba u khiyaameeyeen Alle. Markaasuu lib idin siiyey oo la laayey. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah."},{"id":72,"translation":"72. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyay ee soo haajiray ee ugu jihaaday maalkooda iyo nafahooda jidka Alle iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray - kuwaa ayaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale. Kuwase rumeeyey aanse soo haajirin idinkama saarna xil xigaaleysigooda jeer ay soo haajiraan, hadday se idiinku hiishadaan Diinta, waa idinku waajib inaad u soo hiillisaan, marka laga reebo qolo uu dhexdiinna idinka iyo iyaga axdi yaal, Alle wuu arkaa waxaad fashaan."},{"id":73,"translation":"73. Kuwa gaalada ah qaaroodba xulufo buu u yahay qaarka kale, haddii aydaan (Muslimiintoy) sameyn sidaa oo kale, waxaa jiri dhulka fasahaad weyn [22].","footnotes":"[22]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddii la magaacabo labo madaxweyne (khaliifo oo ay isku qabsadaan xukunka) dila labada midkoodii dambeeyey ee gardaran”. W.w. Muslim. Marka waa inay muslimiinta oo idil leeyihiin hal khaliifo (madaxwyne) oo ay is baheystaan dhammaan."},{"id":74,"translation":"74. Kuwa rumeeyey ee soo haajiray ee ku jihaaday Jidka Alle, iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, kuwaa waa mu’miniinta dhabta ah, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Janno)."},{"id":75,"translation":"75. Kuwase rumeeyey waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaaday la jirkiin, kuwaa waa idinka mid. Qaraabada baana qaarkoodba ka mudan yahay qaarka kale (is dhaxlidda) sida Kitaabka Alle qoray [23]. Hubaal, Alle wax kasta wuu Ogsoon yahay.","footnotes":"[23]. Xagga dhaxalka. Tani waxay ku gaar tahay oo keliya qaraabada muslimiinta ah. Kuwa aan muslimka ahayn waxaa wax lagu siin karaa saami in loo dardaarmo."}]},{"id":9,"verses":[{"id":1,"translation":"1. (Kani waa ogeysiis in) Alle iyo Rasuulkiisu ay barii ka yihiin [1] kuwa ka midka ah Mushrikiinta, ee aad la gasheen heshiiska (ha yeeshee ka baxay).","footnotes":"[1]. Suuraddan sidoo kale waxaa la yidhaahdaa Baraa’ah, oo macnaheedu yahay ka barii ahaanshada gaalada, ka fogaanta shirkiga iyo xumaha, ama ka bixitaanka ballamaha gaalada khaa'imiinta ah. Bisinka laguma xusin billowga Suuraddan. Waxaa sidoo kale la yidhi Suuraddan iyo Suuradda Al-Anfaal waa isku hal Suurad sidaa awgeed ma leh Bisin."},{"id":2,"translation":"2. Ee (ku) mara (gaaloy) dhulka (nabad) muddo afar bilood ah (meeshaad doontaanba), ogaadase inaydaan caajis gelin kareyn Alle, iyo in Alle uu dulleyn gaalada."},{"id":3,"translation":"3. Waa ogeysiis xagga Alle iyo Rasuulkiisa ah oo ku socda dadka maalinta Iidweynta Xajka [2] inuu Alle barii ka yahay gaalada Mushrikiinta ah, sidoo kale Rasuulkiisu. Ee haddaad idinku (mushrikiintoy) tawbad keentaan, waa sida idiin khayr roon, haddaad se jeesataan, ogaada inaydaan caajis galin kareyn Alle. Ugu bishaaree gaalada cadaab xanuun badan.","footnotes":"[2]. Waxay isku khilaafeen mufasiriinta macnaha iidweynta Xajka, qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa Maalinta Gowraca - Adxada, qaar kalena waxay yidhaahdeen: waa maalinta Carafa, waxaana loola jeedaa halkan Xajka weyn wixii dhacay sannadkii 10aad ee hijrada."},{"id":4,"translation":"4. Waxaan ahayn kuwa mushrikiinta ka mid ah ee aad la gasheen axdiga, markaasna aan idinka nuqsaamin waxba, aanna kaalmeyn cidna lidkiin. U oofiya axdigooda intay muddadu dhammaaneyso. Hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa iska jira (xumaha oo dhowra Amarradiisa)."},{"id":5,"translation":"5. Markase ay Bilaha Xurmadda leh baxaan [3], ku dila mushrikiinta (idiinka \nbaxay heshiiska) meeshaad ka heshaanba, oo qafaasha oo go’doomiya, una fadhiista suryo walba. Hadday tawbad keenaan oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, u banneeya waddadooda. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[3]. Waxaa loola jeedaa bilaha xurmadda leh afarta bilood ee kala ah: Dul-Qacadah, Dul Xijjah, Muxarram, iyo Rajab. Bilaha fursadda la siinayo mushrikiinta waxaa weeye laga billaabo 10ka Dulxijjah ilaa 10ka Rabiicul Aakhir."},{"id":6,"translation":"6. Hadduu qof ka mid ahi mushrikiinta idin weydiisto magan galyo magan geliya si uu u maqlo hadalka Alle (Qur’aanka), kaddibna gaarsiiya halkuu ku nabad helayo, sidani waxaa ku wacan waa qolo aan garasho lahayn."},{"id":7,"translation":"7. Sidee bay ugu lahaan karaan gaalada mushrikiinta ah axdi Alle agti iyo Rasuulkiisa aan aheyn kuwa aad kula gasheen axdiga Masjidka xurmadda leh (Kacbada)? Intay idiin toosnaadaan, idinkuna u toosnaada. Hubaal, Alle wuu jecel yahay kuwa ka cabsada (ee dhowra amarradiisa oo iska jira xumaha)."},{"id":8,"translation":"8. Sidee (baad axdi ula yeelan) halka markay idinka awood bataan, aysan dhowrin wax xiriir ah ha ahaado mid wada dhalasho ama axdi aad leedihiin midna? Waxay idinku raalli galiyaan afafkooda, halka quluubtoodu ayan oggolaan (inay oofiyaan), intooda badanina waa caasiyaal."},{"id":9,"translation":"9. Waxay siistaan qiimo yar Aayadaha Alle, markaasay ka duwaan (dadka) Jidkiisa (Islaamka). Xumaa waxay falaan."},{"id":10,"translation":"10. Uma dhowraan mu'min qaraabinnimo iyo axdi midna. Waa kuwaa kuwa ahi xad gudbayaasha."},{"id":11,"translation":"11. Hadday tawbad keenaan oo oogaan salaadda, bixiyaanna Sakada waa walaalihiinna diinta. Waxaanu uga dhignaa Aayadaha caddaan ciddii garasho leh."},{"id":12,"translation":"12. Haddayse (gaaladu) jabiyaan dhaarahooda axdigooda kaddib, oo (si cad) u duraan diintiinna, markaa la dagaallama hoggaamiyayaasha kufriga – hubaal waa kuwo aan axdi tixgelin - waa intaasoo ay joojiyaan (colaadda ay wadaan)."},{"id":13,"translation":"13. Miyeydaan la dagaallamayn qolo burisay dhaarahooda (ballamahay idinla galeenna ka baxay) oo ku hammiyey saaridda Rasuulka, idinkuna billaabay weerarka markii hore? Miyaad ka baqeysaan? Alle baase mudan inaad ka baqdaan, haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":14,"translation":"14. La dagaallama (gaalada duullaanka idinku ah), Alle wuxuu ku cadaabi gacmihiinna oo ku dulleyn, idiinna gar- gaari oo bogsiin laabaha qolo mu’miniin ah."},{"id":15,"translation":"15. Wuxuuna ka saari ciilkii hayey quluubtooda. Alle wuxuu ka tawbad aqbalaa qofkuu doono. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah."},{"id":16,"translation":"16. Ma waxaad mooddaan in la idiinkaga tegi sidiinna isagoo uusan Alle muujin kuwiinna idinka mid ah ee jihaaday oo aan ka dhigan cidaan ahayn Alle iyo Rasuulkiisa iyo mu'miniinta sokeeye. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan."},{"id":17,"translation":"17. Ma laha gaalada mushrikiinta ah inay camiraan masaajidda Alle iyagoo ku qiraya nafahooda gaalnimo. Kuwaasi waxaa buray acmaashooda, Naartayna ku dhex waadhi weligood."},{"id":18,"translation":"18. Waxaa uun camira Masaajidda Alle kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo ooga salaadda oo bixiya Zakada oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Kuwaa waxay u dhow yihiin inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan."},{"id":19,"translation":"19. Ma waxaad la mid dhigtaan (kan u xil quma) waraabinta xujeyda iyo daryeelka Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sida kan rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro oo u jihaada Jidka Alle? Ma aha kuwo siman Alle agtiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha)."},{"id":20,"translation":"20. Kuwa rumeeyey oo ka soo hijrooday (guryahooda) oo ugula jihaaday Jidka Alle maalkooda iyo nafahooda baa darajo weyn Alle agtiis. Waa kuwaas kuwa ah guuleystayaasha."},{"id":21,"translation":"21. Rabbigood wuxuu ugu bishaareeyaa Naxariis Xaggiisa ah, iyo Raalli ahaansho iyo beero (Jannooyin) ay ku dhex leeyihiin barwaaqo ma guuraan ah."},{"id":22,"translation":"22. Iyagoo ku dhex waaraya waligood. Hubaa Alle agtiis waxaa yaal abaalgud Weyn (Janno)."},{"id":23,"translation":"23. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina aabbayaashiin ama walaalihiin sokeeyayaal hadday jeclaadaan gaalnimo halkii Iimaanka. Qofkii sidaa yeela oo idinka mid ah, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka)."},{"id":24,"translation":"24. Dheh: Hadday aabbayaashiin, wiilashiinna, walaalihiin, xaasaskiinna, xigtadiinna; maal aad tabcateen, ganacsi aad uga baqeysaan iibsi la’aan, iyo guryo aad ka raalli tihiin ay idinkala weyn yihiin oo ka jeceshihiin Alle iyo Rasuulkiisa, iyo u jihaadka Jidkiisa, marka suga inta Alle ka fuliyo Amarkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah [4].","footnotes":"[4]. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: “Qofkii dhinta isagoon u duulin Dar Alle, oo aan u hanqal taagin ( macnaha aysan ku jirin) inuu duulo oo ka qayb qaato jihaadka Jidka Alle ah, wuxuu dhintaa isaga oo ay ku jirto qayb munaafiqnimo ah»."},{"id":25,"translation":"25. Alle Wuxuu idiinku gargaaray goobo dagaal oo badan, Maalintii Xunaynna markay idin cajabisey tiro badnaantiinnu hase ahaatee waxna idiin tari weydey, ee dhulku intuu ballaar le'eg yahay idinku cidhiidhi noqday, markaas aad carar dhabarka jeediseen."},{"id":26,"translation":"26. Markaas Alle ku soo dejiyey xasillooni Xaggiisa ah Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba, oo u soo diray ciidammo (malaa’ig ah) aydaan arkayn, oo ciqaabay kuwii gaaloobay.Taasina waa jazada gaalada."},{"id":27,"translation":"27. Markaas Alle ka tawbad aqbalo intaas kaddib cidduu doono. Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":28,"translation":"28. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Mushrikiintu sidooduba waa Nijaas ee yeysan u soo dhowaan Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sannadkan kaddib [5], haddaad ka cabsataan faqri, Alle baa idinka hodansiin Deeqdiisa hadduu doono. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.","footnotes":"[5]. Looma oggola inay soo xajiyaan ama soo cumreystaan maadaama ay gaalo mushrikiin ah yihiin. Mufasiriinta qaar waxay qabaan in gaalada aan loo oggoleyn soo gelitaanka Xaramka hadday Xaj rabaan ama Cumro ama leeyihiin dan kale kaddib sannadkii sagaalaad ee Hijrada."},{"id":29,"translation":"29. La dagaallama kuwa aan rumeysnayn Alle, iyo Maalinta Aakhiro, aan xaaraameyn waxay xaaraameeyeen Alle iyo Rasuulkiisu, ee aan ka diin dhigan raacinna Diinta Xaqa ah ee ka mid ah ehlu Kitaabka 'Yuhuudda iyo Nasaarada', ilaa ay ka dhiibaan Jisyo [6] si raalli leh iyagoo hoggaansan.","footnotes":"[6]. Jizyo waa canshuur laga qaado dadka aan muslimka ahayn iyagoo laga cafiyo shaqada millateriga, oo waxay ku mutaan sidaas ilaalinta iyo difaaca dawladda islaamka. Dhinaca kale sako lagama qaado gaalada, oo waxay saaran tahay inay sako bixiyaan muslimiinta oo keliya."},{"id":30,"translation":"30. Yuhuuddii (Carbeed) waxay yidhaahdeen: Cuzayr waa wiilkii Alle, Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Masiixu waa wiilkii Alle. Kuwakani waa hadalkooda ay afafkooda ka yidhaahdaan. Waxay ku hadal dayanayaan kuwii hore u gaaloobay (mushrikiinta). Allaha laayee, maxaa (xaqa) ka duway."},{"id":31,"translation":"31. Waxay ka yeesheen qaysaskoodii iyo suufiyadoodii rabbiyo Alle sokadi, iyo (sidoo kale) Masiixa ina Maryam, iyagoo la amray inaanay caabudin waxaan ahayn Allaah Keliya. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu ka sarreeyaa oo hufan yahay waxay wax la wadaajiyaan [7].","footnotes":"[7]. Waxay ku talax tageen adeecidda qaysaska iyo suufida oo xadka kaga baxeen, way adeecayeen xitaa hadday amraan macsi ama xalaal uga dhigaan wax xaaraan ah, waana taasi midda uu Alle ku tilmaamay inay tahay caabudaad ay caabudeen, waxaana la yidhaahdaa arrinkan shirki xagga adeecidda ah, waana shirki weyn oo diinta looga baxo, qofku waa inuu uun adeecaa Allaah iyo Rasuulkiisa, oo waa inuusan cidna ku adeecin wax khilaafsan sharciga Alle."},{"id":32,"translation":"32. Waxay rabaan inay ku damiyaan Nuurka Alle afafkooda, ha yeeshee Alle ma oggola waxaan aheyn inuu dhammeystiro Nuurkiisu, gaaladu haba necbaystaane."},{"id":33,"translation":"33. (Alle) waa Kan la soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo Diinta Xaqa ah (Islaamka), si uu uga kor mariyo diimaha (kale) oo dhan, Mushrikiintu haba necbaystaane [8].","footnotes":"[8]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Diinta Islaamka waxay gaari doontaa meeshay habeen iyo maalin jiraan, waxayna gali doontaa guri kasta”."},{"id":34,"translation":"34. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! In badan oo ka mid ah qaysaska iyo suufidu waxay ku cunaan maalka dadka been, oo ka jeediyaan Jidka Alle (Islaamka). Oo kuwa iyagu kaydsada dahabka iyo qalinka [9] ee aan wax ku bixin Jidka Alle ugu bishaaree cadaab xanuun badan.","footnotes":"[9]. Dahabka iyo fiddada la kaydiyey waxaa loola jeedaa kuwa aan sakada laga bixin."},{"id":35,"translation":"35. Maalinta lagu soo kululeyn (dahabka iyo fiddadaa) Naarta Jahannama oo lagu kaawiyadeyn wajiyadooda, dhinacyadooda, iyo dhabarradooda (oo lagu odhan): Kani waa waxaad u kaydiseen nafahiinna ee dhadhamiya (ciqaabka) waxaad kaydsaneyseen."},{"id":36,"translation":"36. Tirada bilaha Alle agtiis waa labo iyo toban bilood xagga Qaddarka Alle tan iyo maalintii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ka mid ah afar (bilood oo) xurmad gaar ah leh [10]. Sidaasaa ah dowga toosan, ee ha dulminana nafahiina bilahan dhexdooda [11], oo la dagaallama gaalada Mushrikiinta ah wadajir siday idiinla dagaallamaan wadajir. Ogaada in Alle uu la jiro kuwa iska jira xumaha (oo dhowra Amarradiisa).","footnotes":"[10]. Dul-Qicdah, Dul-Xijjah, Muxarram iyo Rajab.\n[11]. Gaar ahaan iyo bilaha kale oo dhan guud ahaan."},{"id":37,"translation":"37. Dib dhigidda (bil caaggan oo xurmo gaar ah leh) waa uun gaalnimo dheeraad ah [12]: ee lagu habaabiyey gaalada, waxay ka dhigaan waxaan caagganeyn oo bannaan sannad oo caagaan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay, oo ka dhigtaan kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Acmaashooda xun baa loo qurxiyey. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada (macangagga) ah.","footnotes":"[12]. Hadday arkaan inay u faa’ido badan tahay inay buriyaan bil caaggan, way sameynayeen, iyagoo yeelayey bil kale halkeeda ay ku dhowraan caagganaanta dagaal gelidda."},{"id":38,"translation":"38. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa jihaadka Arrinka Alle aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Ma aha raaxada noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar [13].","footnotes":"[13]. Anas bin Maalik a.k..r waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: “Ma jiro addoon dhinta ayna u taallo Alle agti kheyr oo jecel inuu u soo laabto adduunka iyadoo lagu siinayo adduunka iyo waxa yaal oo dhan marka laga reebo shahiidka, waxa uu arkayo darteed oo fadliga shahaadada ah, wuxuu jecleystaa inuu u soo laabto adduunka si loogu dilo mar kale Dar Alle. W.w Al-Bukhaari."},{"id":39,"translation":"39. Haddaydaan u bixin (jihaadka), Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan oo idinku beddeli qolo kale, waxbana kama dhimeysaan marnaba. Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":40,"translation":"40. Haddaydaan u hiillin (Nabiga), Alle baa u hiilliyey, markay debedda u soo saareen gaalada, isagoo labo midkood ah [14] markay labaduba ku jireen hogga, markuu (Nabigu) ku lahaa saaxiibki: Ha murugoon, Alle baa na la jira'e. Kolkaas buu Alle ku soo dejiyey xasillooni, oo uu ku xoojiyey ciidammo (malaa’ig) aydaan arkin, oo ka dhigay mid hooseysa kelmedda gaalada, oo Kelmedda Alle [15], waa taa sarreysa. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.","footnotes":"[14]. Kan labeeya wuxuu ahaa saaxiibkiis Abuu Bakar. \n[15]. Kelmeddaa waa Laa ilaaha illal laah (ma jiro ilaah xaq ah aan ahayn Allaah)."},{"id":41,"translation":"41. U baxa (dagaalka) idinkoo fudud iyo idinkoo culusba [16], oo kula jihaada maalkiinna iyo nafahiinnaba Jidka Alle. Arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.","footnotes":"[16]. Waa da’ yar iyo duqow, idinkoo gaadiid fuushan, ama lugeynaya, ladnaan iyo lurnaanba – duruuf iyo xaalado kasta oo aad ku jirtaan waa inaad u baxdaan jihaadka Jidka Alle ah."},{"id":42,"translation":"42. Hadday ahaan lahayd dheef dhow iyo safar fudud (munaafiqiintu) way ku raaci lahaayeen, tubtiise (duullaankii Tabuuk) baa ku dheeraatay, waxay ku dhaaran Alle (markaad laabataan idinkoo soo guuleystey, iyagoo leh): haddaanu kareyno waa idin la bixi lahayn; waxay halaagaan nafahooda, Allena wuu Og yahay inay xaqiiq yihiin beenalayaal."},{"id":43,"translation":"43. Allaha ku cafiyee (Nabiyow)! Maxaad u siisay idanka, ilaa ay kuu caaddaato kuwa runta sheegay, oo aad ogaato beenalayaasha?"},{"id":44,"translation":"44. Kaama idan qaataan kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, si looga dhaafo inay ku jihaadaan maalkooda iyo nafahooda. Alle wuu yaqaan oo og yahay dhowrsanayaasha."},{"id":45,"translation":"45. Waxaase kaa idan qaata uun kuwa aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro ee uu shaki ku jira quluubtooda ee iyagu shakigooda ku jaha wareersan."},{"id":46,"translation":"46. Hadday (munaafiqiinta) doonayaan inay (jihaad u) baxaan, way u qalab diyaarsan lahaayeen, wuxuuse Alle nacay bixiddooda, markaas buu wahsi galiyey oo lagu yidhi: \"La fadhiista fadhiidyada (guryaha)\"."},{"id":47,"translation":"47. Hadday (munaafiqiinta) idinla bixi lahaayeen, idiinma kordhiyeen waxaan aheyn qas, oo waxay ku degedegi lahaayeen fasahaadintiinna iyagoo raba (inay abuuraan) fidmo dhexdiinna, waxaana idinku jira kuwo maqalka u raariciya. Alle wuu yaqaan daalimiinta."},{"id":48,"translation":"48. Waxay idinla dooneen fidmo kal hore, oo ay kuu rogeen umuuraha [17], jeer xaqu yimid oo Amarka Alle (guusha) noqotay mid cad oo muuqata iyagoo nacaya aan raalli ka aheyn.","footnotes":"[17]. Waxay kuu geddiyeen arrimahii adiga kula xiriiray (iyagoo ka fakarayey siday kuu fashilan lahaayeen), sidaas awgeed bay ku halaagsameen."},{"id":49,"translation":"49. Waxaana ka mid ah mid yidhaahda: Ii fasax (inaan guriga fadhiyo) oo ha i fidmayn [18]. Waxayba ku dhaceen fidmo. Jahannama baana koobi gaalada.","footnotes":"[18]. Munaafiqiinta waxay qabeen inay naftooda ku badbaadsasdeen ku hadhiddooda gadaal."},{"id":50,"translation":"50. Hadday samaani ku heleesho, waa murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday musiibo kugu dhacdona, waxay yidhaahdaan: Waxaan qaadannay digtoonidayada kal hore, waxayna sii jeestaan iyagoo faraxsan."},{"id":51,"translation":"51. Dheh: Waxba naguma dhacayaan wuxuu Alle noo qoray maahee. Isagaa ah Gargaarahayaga. Alle oo keliya ha talo saarteen mu'miniintu."},{"id":52,"translation":"52. Dheh: Ma waad nala sugtaan waxaan aheyn labada wanaagsan middood (guul ama geeri)? halkaan innagu idinla sugno inuu Alle idinku rido ciqaab Xaggiisa ah ama gacmahayaga ah. Ee suga (waxa nagu dhaca), innaguna la jirkiin waa sugeynaa (waxa idinku dhaca)."},{"id":53,"translation":"53. Dheh: Ku bixiya wax Jidka Alle idinkoo oggol ama idinkoo karahsan, marnaba la idinkama aqbalee. Waayo waxaad tihiin qolo fallaago ah."},{"id":54,"translation":"54. Waxna uma diidin in laga aqbalo wax bixintooda aan aheyn inay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa; mana yimaadaan salaadda iyagoo wahsanaya maahee [19]; waxnana ma bixiyaan iyagoo kahanaya maahee.","footnotes":"[19]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma jirto salaad uga culus munaafiqiinta salaadda Subax iyo Cishe, haddayna ogaan lahaayeen waxa ku jira oo ajar ah, waa ay imaan lahaayeen kolay u soo guurguurtaan”. W.w. Al-Bukhaari."},{"id":55,"translation":"55. Yaanay maalkooda iyo carruurtooda ku cajab gelin; Alle wuxuu uun doonayaa inuu ku cadaabo nolosha adduukan, iyo in nafahu ka baxaan iyagoo gaalo ah."},{"id":56,"translation":"56. Waxay ku dhaartaan Alle inay idinka mid yihiin, mana idinka mid aha, waase qolo baqi."},{"id":57,"translation":"57. Hadday heli lahaayeen magan ama hog, ama meel ay galaan (qaxooti ahaan), way u jeesan lahaayeen iyagoo u kala dheereynaya."},{"id":58,"translation":"58. Waxaa ka mid ah qaar kugu eedeeya arrin la xiriirta (qaybinta) sadaqooyinka. Haddii wax laga siiyo raalli ah, haddiise aan wax laga siin, mise way cadhoodaan."},{"id":59,"translation":"59. Hadday raalli ku noqon lahaayeen waxay Alle iyo Rasuulkiisu siiyeen oo ay odhan lahaayeen: Alle baa nagu Filan. Alle baa na siin wax (badan) oo ka mid ah Fadlgiiisa iyo Deeqdiisa [20], iyo (sidoo kale) Rasuulkiisa. Innagu Alle uun baan rabnaa oo wax ka dooneynaa.","footnotes":"[20]. Waxaa loola jeedaa waxaan rabnaa Alle iyo fadligiisa iyo aqbalkiisa, ama waxaan rabnaa wax kasta uu rabo Alle inuu naga siiyo fadligiisa."},{"id":60,"translation":"60. Sadaqooyinka 'Zakada' [21] waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada, Masaakiinta, kuwa lagu howl galiyo inay soo ururiyaan, kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa wax ku leh deymeysanayaasha, in lagu bixiyo Jidka Alle (jihaadka), iyo socotada 'go'doonsan', waa faral Alle uu gooyay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.","footnotes":"[21]. Sakada waxay ka daahirsaa qofka bakheylnimada iyo maal jaceylka zaa’idka ah. Waxay kobcisaa tilmaamaha wanaagsan ee la ammaano, oo sidoo kale waxay u kordhisaa maalkooda."},{"id":61,"translation":"61. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba Nabiga oo dhaha: Waa mid rumeysta (war kasta) uu maqlo [22]. Dheh: Waa khayr maqlihiinna (ee) rumeysan Alle; oo aamin ku qaba mu’miniinta; waana u naxariis kuwiinna idinka mid ah ee rumeysan. Kuwa se dhiba Rasuulka Alle waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.","footnotes":"[22]. Waxaa loola jeedaa waa qof rumeysta wax kasta uu maqlo."},{"id":62,"translation":"62. Waxay idiinku dhaaran Alle si ay idiin raalli geliyaan, Allaah iyo sidoo kale Rasuulkiisa baase mudan inay raalli geliyaan hadday yihiin mu’miniin."},{"id":63,"translation":"63. Miyaanay ogayn in qofkii khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa inuu mudan Naarta Jahannama uu ku dhex waarayo weligi. Kaasi weeye dufowga weyn."},{"id":64,"translation":"64. Munaafiqiintu waxay ka baqaan in lagu soo dejiyo Suurad ugu sheegeysa si cad waxa ku jira quluubtooda. Dheh: Iska jees jeesa! Alle Wuu soo bixin waxaad ka digtoon tihiin oo ka baqdaan."},{"id":65,"translation":"65. Haddaad weydiiso (sababta jeesjeeskooda) waxay odhan: Wax kale ma ahayne waanu iska kaftameynay, oo aan iska cayaaraynay. Waxaad tidhaahdaa: Ma Allaah iyo Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeeseyseen?"},{"id":66,"translation":"66. Ha cudurdaarrannina; waad gaaloowdeen rumeyntiinnii kaddib. Haddaan cafinno koox idinka mid ah, Waxaan ciqaabi koox kale, maxaa yeelay waa denbiilayaal (ku adkeysta labo wajiilo)."},{"id":67,"translation":"67. Munaafiqiinta iyo munaafiqaadka way is leeyihiin, waxay amraan xumaanta oo reebaan samaanta, oo laabaan gacmahooda [23]. Waxay illoobeen Alle (macnaha inay camal san fashaan), markaasuu Isaguna iska illoobay (ku dac darreeyey Naarta oo uga tagey). Munaafi- \n qiintu waa iyaga kuwa fallaagada ah.","footnotes":"[23]. Diidaan inay wax ku bixiyaan jidka Alle."},{"id":68,"translation":"68. Alle wuxuu u ballan qaaday munaafiqiinta iyo munaafiqaadka iyo gaalada Naarta Jahannama iyagoo ku dhex waaraya weligood, iyadaa ku filan. Alle wuu nacladay, waxayna leeyihiin cadaab ma guuraan ah."},{"id":69,"translation":"69. Sidii kuwii (gaaladii) idinka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo idinka xoog badan awood ahaan, oo idinka badan maal iyo awlaadba. Marka waxay ku raaxaysteen calafkoodii, sidaas baad idinkuna ugu raaxaysateen calafkiinnii siday kuwii idinka horreeyey ugu raaxaysteen calafkoodii; waxaadna ku tiinbateen (xumaanta) siday ugu tiinbadeen. Kuwani waa kuwa camal- laadooda ay buraan adduun iyo Aakhiraba Waa kuwaa kuwa khasaaray."},{"id":70,"translation":"70. Miyaanu soo gaadhin warka kuwii ka horreeyay, ee lahaa qolooyinkii Nuux, Caad, Thamuud, qolodii Ibraahiim, reer Madyan, iyo kuwii korkooda hoos loo rogay [24], Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad. Ma aha Alle mid dulmiya, iyaga baase nafahooda dulmiya.","footnotes":"[24]. Waa kuwaas loo diray Luud oo u soo jiiday nafahooda cadaabka Alle. Eeg Q 11: 82-83."},{"id":71,"translation":"71. Mu’miniintu iyo mu’minooyinka, waa xigaalo iyo sokeeye midba kan kale [25], waxay amraan samaanta, oo reebaan xumaanta; oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, oo adeecaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwani, Alle wuu u naxariisan doonaa; hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.","footnotes":"[25]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Mu’minku wuxuu u yahay mu’minka sida dhista qaarkeed qaarka kale uu xoojiyo. Xadiis kalena wuxuu sheegay inay jir keliya yihiin isu damqada oo is jecel yihiin."},{"id":72,"translation":"72. Alle wuxuu u ballan qaaday mu’miniinta iyo mu’minooyinka beero ay hoostoodu webiyo qul-qulayaan ay ku dhex waarayaan weligood, iyo guryo san oo ku yaal Beeraha negaadiga (Jannada) iyo wax inaataba ka sii wanaagsan waa Raalli ahaanshaha Alle. Arrinkani baa ah Liibaanta Weyn."},{"id":73,"translation":"73. Nabiyow! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta (colka kula ah iyo dagaalka), kuna adadkow (oo yeyna kaa helin jileec), hoygooduna waa Jahannama - oo u xun meel la ahaado."},{"id":74,"translation":"74. Waxay ku dhaaran Alle inaanay odhan (hadal gaalnimo ah), iyagoo yidhi erey gaalnimo ah, waxayna gaaloobeen kaddib markay islaameen (islaamnimo dusha ah), oyna goosteen waxay gaadhi kari waayeen [26], kumana ayan nicin (Islaamka) wax kale aan ahayn inay hodan ka noqdeen deeqda Alle iyo Rasuulkiisa. Hadday tawbad keenaan iyagay u roon tahay, haddayse jeesadaan, Alle wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba, kumana leh dhulka sokeeye iyo gargaare midna.","footnotes":"[26]. Waa dilka Nabiga s.c.w."},{"id":75,"translation":"75. Waxaa ka mid ah kuwo axdi la galay Alle [27]: (iyagoo yidhi) Hadduu wax naga siiyo Deeqdiisa, waxaanu bixin sadaqooyin, oo ka mid ahaan kuwa wanaagsan.","footnotes":"[27]. Waxaa loo halaagayaa sababta dhaartaas tiimbisada ah iyo ballantay ka baxeen."},{"id":76,"translation":"76. Markuu wax ka siiyey Deeqdiisa way ku bakhayleen, waxayna jeediyeen dhabarka oo durba siibteen."},{"id":77,"translation":"77. Markaas buu ka yeelay munaafaqnimo inay gasho quluubtooda ilaa Maalinta ay la kulmayaan, ballankay kaga baxeen Alle iyo beenaha ay sheegayeen awgood."},{"id":78,"translation":"78. Ma waysan ogayn inuu Alle Og yahay sirtooda iyo faqoodaba iyo in Alle yahay kan dhab u Ogsoon waxa qarsoon aan muuqan (Ghaybka)."},{"id":79,"translation":"79. Kuwa ku ceebeeya kuwa daacadda ah ee ka mid ah mu’miniinta sadaqada ay dar Alle ula baxaan iyo kuwa aan heli karin inay baxshaan waxaan aheyn xoogsigooda oo ku jeesjeesa, Alle baa ku jees jeesi, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan."},{"id":80,"translation":"80. U denbi dhaaf dalab ama ha u denbi dhaaf dalbin, xitaa haddaad u denbi dhaaf dalabto toddobaatan jeer, Alle uma denbi dhaafo, arrinkani waxaa ugu wacan waxay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah."},{"id":81,"translation":"81. Kuwii dib u haray waxay ku farxeen fadhigooda ay kaga hareen Rasuulkii Alle; waxayna naceen inay kula jihaad galaan maalkooda iyo Nafahooda Jidka Alle, oo yidhaahdeen: Ha gurmad bixina kulaylaha. Dheh: Naarta Jahannama ayaa ka kuleyl daran, hadday wax fahmi."},{"id":82,"translation":"82. Ee ha qoslaan wax yar (adduunka), hana ooyaan wax badan (Aakhiro) abaal marin ahaan waxay kasbadeen (oo denbiyo ah)."},{"id":83,"translation":"83. Hadduu kuu soo celiyo Alle koox iyaga ka mid ah, oo ay kaa idan qaataan inay kula baxaan (jihaadka), dheh: ila bixi meysaan waligay, lana dagaallami meysaan cadow la jirkeyga; waayo waxaad ku raalli noqoteen inaad fadhiisataan (oo ka hartaan jihaadka) markii horeba, ee la fadhiya (hadda) inta dib u hadhay (ee ka joogay jihaadka)."},{"id":84,"translation":"84. Ha ku tukan (salaad janaazo) weligaa mid ka mid ah (munaafiqiinta) oo dhinta, hana is dul taagin qabrigiisa. Waayo waxay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna dhinteen iyagoo fallaago ah."},{"id":85,"translation":"85. Oo yeysan maalkooda iyo carruurtoodu ku cajab gelin. Alle wuxuu uun rabaa inuu ku cadaabo adduunkan iyo inay nafaha ka baxaan iyagoo gaalo ah."},{"id":86,"translation":"86. Marka la soo dejiyo Suurad amreysa: Rumeeya Alle oo gala jihaad la jirka Rasuulkiisa, kuwooda hodonka ah ayaa kaa idan qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka), oo yidhaahda: Na daa aan ka mid noqonno kuwa haree fadhiya (guryaha)."},{"id":87,"translation":"87. Waxay ku Raalli noqdeen inay ahaadaan la jirka kuwa ku hara (gadaal guryaha ee ka hara jihaadka). Shaabad baana lagu daboolay quluubtooda, marka waxba ma fahmaan."},{"id":88,"translation":"88. Laakiin Rasuulka iyo kuwa rumeeyey ee la jira waxay ku jihaad galaan maalkooda iyo nafahooda. Kuwaa weeye kuwa mudan khayraadka, waana kuwaa kuwa liibaani."},{"id":89,"translation":"89. Alle wuxuu u diyaarshay beero ay hoos- toodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya weligood. Arrinkaasi baa ah Guusha Weyn."},{"id":90,"translation":"90. Waxaa yimid cudurdaartayaashii ka mid ahaa reer miyiga (Madiinah hareeraheeda ah) iyagoo ku weydiisan Idan si looga dhaafo (ka qayb galka jihaadka), waxaana haray oo iska fadhiistay (guryaha) kuwii (munaafiqiintii ka midka ahaa ee) u been sheegay Alle iyo Rasuulkiisa; waxaa ku dhici doona kuwa gaaloobay ee ka mid ah cadaab xanuun badan."},{"id":91,"translation":"91. Wax eed ah ma saarna korkooda kuwa tabarta yar [28] ama bukaanka ah, ama kuwa aan heli karin waxay bixiyaan hadday daacad u yihiin Alle iyo Rasuulkiisa [29]. Ma jiro jid lagu eed saari karo sama falayaasha. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[28]. Haweenka iyo carruurta, iyo ducafada, iyo bukaanka iyo dadka da’da weyn. \n[29]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Diintu waa daacad ahaansho. Waxaanu nidhi : Yaa loo ahaan? Wuxuu yidhi: Allaah, Kitaabkiisa, Rasuulkiisa, madaxda Muslimiinta, iyo dadweynaha guud ahaan”. W.w. Muslim."},{"id":92,"translation":"92. Ma (saarna eed) kuwa markay kuu yimaadeen si aad u siiso gaadiid (ay ku dagaal galaan), aad ku tidhi: Idiinma heli karo wax (gaadiid ah) aan idinku qaado, markaasay dib u laabteen iyagoo ay ka qubaneyso indhahooda ilmo, murugo darteed ay ka qabaan in aanay helin wax ay ku bixiyaan (jihaadka)."},{"id":93,"translation":"93. Waxaa uun jid (eedeyn ah) lagu leeyahay kuwa idan kaa qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka) iyagoo hodan ah deeqtoon. waxay ku raalli noqdeen inay la joogaan kuwa dib u haray, wuxuuna Alle daboolay quluubtooda marka ma ay oga (waxa ay waayayaan)."},{"id":94,"translation":"94. Way idiin cudur daaran markaad u laabataan. Dheh: Ha cudurdaaranina, marnaba idinma rumaysaneyno. Alle baa noo sheegay arrimo ku saabsan xaalkiinna. Alle wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiisa, markaas waxaa dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiinka warrami waxaad fali jirteen oo dhan."},{"id":95,"translation":"95. Waxay idiinku dhaaran Alle (inay cudur daar heystaan) markaad ka soo laabataan (dagaalka Tabuuk) si aad uga jeesataan. Ee isaga jeesta; waa qurune, hoygooduna waa Jahannama - abaal marin waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah)."},{"id":96,"translation":"96.Way idiin dhaaran si aad uga raalli noqo- taan, haddiise aad ka raalli noqotaan, Alle kama raalli noqdo qoloda fallaagada ah."},{"id":97,"translation":"97. (Qaar ka mid ah) reer miyigaa (Madiina hareeraheeda ah baa) ugu daran gaalnimo iyo munaafaqnimo, oo aan isku taxalujin inay ogaadaan soohdimaha wuxuu Alle ku soo dejiyey Waxyi ahaan Rasuulkiisa. Alle waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah."},{"id":98,"translation":"98. Reer miyigaana (Madiina hareeraheeda ah) waxaa ka mid ah kuwo u arka waxay bixiyaan inuu yahay ganaax (iyo khasaaro), oo idinla suga belaayo (idinku dhacda), dushooda (bay ahaan) belaayada wareegta. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon."},{"id":99,"translation":"99. Waxaase reer miyigaa (Madiina hareeraheeda ah) ka mid ah kuwo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo ka yeesha waxay bixiyaan (habab ay ku mutaan) u dhowaansho Alle iyo ducooyinka Rasuulka. Waxay u ahaan dhowaansho. Alle wuxuu galin Naxariistiisa. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":100,"translation":"100. Kuwase u hormaray (Iimaanka iyo camallada san), ee horreeyey oo ka mid ah Muhaajiriinta [30] iyo Ansaarta [31] iyo kuwa ku raacay wanaagga. Alle raalli buu ka yahay, iyana raalli bay ka yihiin. Wuxuu u diyaariyey beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku dhex waari weligood. Kaas baa ah Guusha Weyn.","footnotes":"[30]. Muhaajiriin waxaa loola jeedaa halkan asxaabtii Nabiga s.c.w. ee ka soo haajiray Makkah oo degay Madiinah arrinka islaamka darteed. \n[31]. Ansaarta waa kuwii degganaa Madiina ee aqbalay islaamka oo u gargaaray Nabiga s.c.w."},{"id":101,"translation":"101. Waxaa ka mid ah kuwaa hareerihiinna ah ee ka mid ah kuwa reer miyiga ah munaafiqiin, reer Madiinana ( sidoo kale) waxaa ka mid ah kuwo ku madax adag nifaaqa, adigu ma ogid, Annagaase og. Waxaanu cadaabi labo jeer (adduunka iyo qabrigaba), markaasaa loo celin xagga Cadaab daran (Aakhirada)."},{"id":102,"translation":"102.Kuwo kalena way qirteen denbiyadoo- da (ka haritaankooda jihaadka), waxay isku dareen camal wanaagsan (jihaad hore ay ka qayb galeen) iyo mid kale oo xun [32]. Waa intaasoo Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[32]. Waxay Aayaddan tilmaameysaa inay horay uga qayb qaateen Jihaadka ha yeeshee ay ka hareen duullaankii Tabuuk, oo ay leeyihiin camallo fiican iyo mid xunba."},{"id":103,"translation":"103. Ka qaad (Nabi Muxammadow) maalkooda Sadaqo aad ku hufeyso oo ku daahirineyso, una ducee. Hubaal ducadaadu waa waxay ku xasilaan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon."},{"id":104,"translation":"104. Miyeyna ogayn in Alle ka aqbalo tawbada addoomahiisa oo qaato sadaqooyinka iyo in Alle yahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan."},{"id":105,"translation":"105. Dheh: camal fasha; marka Alle wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba. Waxaana dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiin sheegi waxaad fasheen oo dhan."},{"id":106,"translation":"106. Kuwo kale (oo ka haray jihaadka) waxaa dib loogu dhigay (arrinkooda) inay sugaan Amarka Alle, hadduu cadaabayo ama hadduu ka aqbalayo tawbada. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah."},{"id":107,"translation":"107. Kuwase dhistay masjid ay dhibaato ku geystaan iyo gaalnimo iyo si ay tafaraaruq u dhex dhigaan mu’miniinta iyo inuu u ahaado dhufays kan isagu horay ula dagaal galay [33] Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna ku dhaaran ma aanu rabin waxaan ahayn wanaag. Alle wuxuu markhaati ka yahay inay yihiin beenalayaal.","footnotes":"[33]. Waxaa loola jeedaa kii la dagaalay Alle iyo Rasuulkiisa : Abuu Caamir Al- Faasiq, waxayna sugayeen inuu ka yimaado Suuriya oo kula tukado masjidkooda, isagoo ay la socdaan ciidammo Ruumaan ah oo u yimaada la dagaallanka muslimiinta, laakiinse Abuu Caamir ma imanoo wuxuu ku dhintay Suuriya, masjidkii ay dhiseen munaafiqiintana waxaa lagu dumiyey amarka Rasuulka s.c.w. waxyigii ku soo degay darti kaddib markuu ka soo laabtay dagaalkii Tabuuk."},{"id":108,"translation":"108. Ha isdhex taagin (oo ha ku tukan masjidkaa oo kale) waligaa. Masjid [34] aasaaskiisa lagu dhisay taqwo maalintii ugu horreysayba baa mudan inaad dhex joogsato (si aad ugu tukato). Waxaa jooga rag jecel inay isdaahiriyaan. Alle wuu jecel yahay kuwa is-daahiriya (iska daahiriya shirkiga, xumaha iyo najaasada).","footnotes":"[34]. Masjidka halkan lagu tilmaamayo waa masjidka Qubaa."},{"id":109,"translation":"109. Ma mid aasaas uga dhiga dhismihiisa cabsida Alle iyo Raalli gelintiisa baa khayr roon, mise mid ka dhiga aasaaska dhismihiisa qarka god dumaya dushiis, kulana dhici Naarta Jahannama. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah."},{"id":110,"translation":"110. Dhismahii ay dhiseen kama suulayo marnaba inuu ahaado sabab keenta walaac ku jira quluubtooda [35] in maahee ay u kala go'go’aan quluubtooda qaybo [36]. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.","footnotes":"[35]. Walbahaarka hayey darti.\n[36]. Ilaa ay ka dhintaan. Sidaas awgeed ma toobad keenayaan."},{"id":111,"translation":"111. Alle wuxuu kaga gatay mu’miniinta nafahooda iyo maalkoodaba inay leeyihiin Janno, waxay u dagaallamaan Jidka Alle [37], markaasay dilaan (xaq iyo nabad diidyada) iyagana loo dilaa (Xaqa iyo Nabadda ay fidiyaan). Waa ballan dushiisa ah oo xaq ah oo ku cad Tawraadda iyo Injiilka iyo Qur’aanka. Yaa ka oofin og ballan uu qaaday Alle? ee ku farxa beeciinna ee aad heshiiska ku gasheen; arrinkaasi weeye Guusha Weyn.","footnotes":"[37]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Arrinka qofka u jihaada Alle darti, Alle baana ogsoon qofka u jihaada darti, wuxuu la mid yahay qof u sooma oo u salaada si aan hakad lahayn. Alle kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday qofkii u jihaada Jidkiisa inuu gelin Janno haddii la dilo, haddii kale wuxuu u soo celin gurgiisa isagoo nabad qaba oo ajar helay iyo qaniimo (maal)”. W.w. Al-Bukhaari."},{"id":112,"translation":"112. Kuwa tawbad keena, ee caabuda (Alle Keliya), ammaana ee mahdiya, sooma 'ama u baxa diin fidinta', ee rukuuca, ee sujuuda ee amra waxa san ee reeba waxa xun, ee dhowra soohdimaha Alle [38]. U bishaaree mu’miniinta.","footnotes":"[38]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Yaa ii ballan qaadaya (dhowrista) waxa labadiisa daan dhexdooda ah (carrabkiisa) iyo waxa labadiisa lugood dhexdooda ah (farjagiisa) waxaan aniguna u ballan qaadayaa Janno”. W.w. Al-Bukhaari."},{"id":113,"translation":"113. Kuma (habboona) Nabiga iyo kuwa rumeeyey inay u denbi dhaaf dalbaan mushrikiinta qaraababa ha ahaadaane, kaddib kolkay u caddaatay inay yihiin ehlu Naar 'ku dhinteen gaalnimo' [39].","footnotes":"[39]. Qofna looma weydiin karo denbi dhaaf Alle oo lama odhan karo Allaha u naxariisto, marba hadduu ku dhinto gaalnimo, ama isagoo ku jira shirki ama dhinta isagoo ma tukade ah."},{"id":114,"translation":"114. Ma ahayn u denbi dhaaf dalabkii Ibraahiim uu u denbi dhaaf dalbay aabbihiis waxaan ahayn ballan uu ka qaaday. Markiise ay u caddaatay inuu ahaa cadow Alle, barii buu ka noqday. Ibraahiim wuxuu ahaa kal same, dulqaad badan."},{"id":115,"translation":"115. Ma aha Alle Mid lumiya qolo kaddib markuu hanuuniyey, wuxuuse u caddeeyaa waxay tahay inay iska jiraan [40]. Hubaal Alle waa Ogsoonaha wax walba.","footnotes":"[40]. Qofka looma cadaabo habowgiisa darti haddaan loo caddeyn waxaa inay denbi yihiin, oo uusan ku xadgudbin amarro loo caddeeyey."},{"id":116,"translation":"116. Alle baa iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo aralda, Isagaa wax nooleeya oo dhinsiiya. Ma lihidin Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna."},{"id":117,"translation":"117. Wuxuu Alle ka tawbad aqbalay Nabiga iyo Muhaajiriinta iyo Ansaartii raacday waqtigii adkaa (ee dagaalkii Tabuuk), kaddib markii quluubta qaar ka mid ah ay ku sigteen inay weecdaan, markaasuu ka tawbad aqbalay. Hubaal Alle waa mid u Turid iyo Naxariis Badan (mu'miniinta)."},{"id":118,"translation":"118. (Sidoo kale Alle wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay 'arrinkooda ee ka xumaaday khaladkoodii' [41], heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, nafahoodana sidoo kale ku ciriiryoomeen, waxayna hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Alle aan ahayn Xaggiisa. Markaasuu waafajiyey tawbad san, si ay u tawbad keenaan. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista badan.","footnotes":"[41]. Aayadahani waxay ku soo degeen duullaankii Tabuuk, wuxuuna ahaa waqti aad u kulul, iyo socdaal dheer, waayo Madiina iyo Tabuuk waa kala dheer yihiin marka lug lagu socdo. Seddexdaas nin ee dib ku haray waxay ahaayeen: Kacab bin Maalik, Hilaal bin Umayyah, iyo Muraarah bin Rabiic., waxaana lagu eedeeyey inay ka hareen dagaalkii Tabuuk oo ayan ka soo qayb gelin."},{"id":119,"translation":"119. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada, oo ahaada la jirka kuwa runlowyada ah."},{"id":120,"translation":"120. Kuma habboona reer Madiina iyo kuwa hareerahooda ah ee ka mid ah kuwa dega miyiga inay uga haraan gadaal Rasuulka Alle, iyo inay ka jecleystaan nafahooda naftiisa. Maxaa yeelay ma jiro harraad ama daal ama gaajo ku soo gaadha Jidka Alle [42], ama goob ay cagaha dhigaan oy ku cadho gashaan gaalada, iyo waxay gaarsiiyaanba cadowga (Islaamka) oo aan loogu qoreyn camal san. Hubaal Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha.","footnotes":"[42]. Waqtiyada shiddada, waxay aheyd inay la samraan oo la dul qaataan Nabiga s.c.w. oo qabtaan wax kastoo islaamka u baahan yahay."},{"id":121,"translation":"121 Ma jiro wax yar ama weyn oo ay ku bixiyaan (jihaadka) ama tog ay ka tillaabaan oo aan loo qorayn ajar, si uu Alle ugu abaal mariyo si waafaqsan kan ugu fiicnaa camalladii ay falayeen."},{"id":122,"translation":"122. Ma aha mu’miniinta inay u soo wada baxaan (duullaanka) dhammaantood mar keliya. Ee waa inay iska soo saaraan qayb walba oo iyaga ka mid ah koox (u hareysa) inay fahmaan diinta si ay ugu digaan (oo waaniyaan) dadkooda markay u soo laabtaan, si ay u digtoonaadaan."},{"id":123,"translation":"123. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! La dagaallama kuwa idinku qabsan ee ka mid ah gaalada (duullaanlka idinku ah) hana idinka heleyn adadayg. Ogaada inuu Alle la jiro dhowrsanayaasha."},{"id":124,"translation":"124. Marka Suurad la soo dejiyo, waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo yidhaahda: Kiinnee bay tani u kordhisay Iimaan?. Kuwa rumeysan waxay u kordhisaa iimaan, oo waa bay ku farxaan oo bishaareystaan."},{"id":125,"translation":"125. Kuwase quluubta ka buka [43], waxay u kordhisaa fadaro [44] 'ka badan' fadaradoodii, waxayna dhintaan iyagoo gaalo ah.","footnotes":"[43]. Jirrada qalbiga waxaa halkan loola jeedaa gaalnimada, nifaaqa, shakiga, kibirka, iwm.\n[44]. Rijz luqad ahaan waa xumaan, fadaro, najaaso waxaana loola jeedaa gaalnimo iyo munaafiqnimo."},{"id":126,"translation":"126. Miyeyna arag in la jarribo sannad walba mar ama labo jeer? Sidaa oy tahay uma tawbad keenaan (Alle), mana waansamaan."},{"id":127,"translation":"127. Marka Suurad la soo dejiyo, wuxuu eegaa qaarkoodba qaarka kale (oo isweydiiyaan): Cid ma idin aragtaa? markaasay jeesadaan. Alle baa ka jeediyey quluubtooda (hanuunka), waayo waa qolo aan wax fahmin."},{"id":128,"translation":"128. Waxaa dhab ahaan idiin yimid Rasuul idinka mid ah 'waa Nabi Muxammad s.c.w', oo ay ku adag tahay waxa idin dhiba, idiin roon oo dadaal badan, mu’miniinta u turid iyo naxariis badan."},{"id":129,"translation":"129. Haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka iyo camalka san), dheh: Waxaa igu Filan Allaah. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) Isaga maahee. Isagaan tala saartaa, waana Rabbiga Carshiga Weyn."}]},{"id":10,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif Laam Raa [1]. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda Badan [2].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.\n[2]. Xakiim waa tilmaanta qofka warkiisa iyo ficilkiisa salka ku hayaan garasho iyo aragti dheer. waxaa loola jeedaa tilmaamaha doonista, hadaf yeelashada, war samida, falsamada, wax kala saaridda iyo xog ogaanta, aragti dheerida, abwaanka ah."},{"id":2,"translation":"2. Ma waxaa la yaab dadka ku noqday inaan u waxyoonnay nin ka mid ah (Nabi Muxammad, Annagoo leh): U dig dadka una bishaaree kuwa (Xaqa) rumeeyey inay ku leeyihiin rug rumeed san oo sare (Janno) Rabbigood agti (camalkoodii samaa darti). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu xaqiiq waa saaxir cad."},{"id":3,"translation":"3. Hubaal, Rabbigiin waa Allaah ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga korkiisa, Isagaa maamula arrinka 'uunka dhammaan'. Ma jiro shafeece Idankiisa kaddib ma’ahee; Kan Weeye Allaah, Rabbigiin, ee caabuda Isagoo Keliya, Miyaydaan waansamayn?"},{"id":4,"translation":"4. Xaggiisaa la idiin soo celin dhammaan. Wacad Alle oo xaq ah weeye, Wuxuu billaabaa uunka kolka horeba, haddana dib u soo celin mar kale, si uu ugu abaal mariyo si caddaalad ah kuwa (Xaqa) rumeeya ee samaha fala. Kuwase gaalooba waxay leeyihiin cabbitaan biyo kulul ah iyo cadaab xanuun badan (Aakhirada) gaalnimadooda darteed."},{"id":5,"translation":"5. (Alle) waa Kan ka dhigay qorraxda ileys ifaya, dayaxana Nuur, una qaddaray rugo uu maro si aad u garataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Alle uma uusan abuurin waxaan ahayn Xaq. Wuxuu u cad- deeyaa calaamooyinka ciddii garasho leh."},{"id":6,"translation":"6. Xaqiiq is beddelka habeenka iyo maalinta iyo waxa Alle ku abuuray cirarka iyo dhulka, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii Alle ka cabsan (oo iska jiri xumaha)."},{"id":7,"translation":"7. Xaqiiq kuwa aan rajayn la kulankayaga, kuna raalli noqday nolosha adduunkan oo ku qalbi degay, iyo kuwa ka dhoohan Aayadahayaga."},{"id":8,"translation":"8. Kuwaas, hoygoodu waa Naar, waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah)."},{"id":9,"translation":"9. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Rabbigood wuxuu ku hanuunin iimaankooda darti; waxaa qulquli hoostooda webiyo ku yaal Beeraha Barwaaqada ah (Jannada)."},{"id":10,"translation":"10. Ducadooda waa 'Subxaanakal laahumma [3]' (Sarreeye ma nuqsaamow adigaa ka hufan xumaan oo xurmoo dhan leh), salaantooduna waa, 'Salaam', (nabad ahaada). Ducadooda ugu dambeysana waa 'Al-Xamdullilaahi Rabbil Caalamiin' (ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka).","footnotes":"[3]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ehlu Jannadu waxay wax ka cuni iyo cabbi doonaan Jannada gudaheeda. Ma xaakoon doonaan, oo ma kaadshi doonaan, oo ma saxaroon doonaan, oo ma duufsan doonaan”. Waxaa la weydiiyey: “Ka warran cuntada sidee uga soo baxeysaa?” Wuxuu yidhi: “Daaco ahaan iyo dhidid dhibco sida miskiga oo kale ah”. Waxaan la solan siin tasbiixda iyo Alla ammaanka sida neefsiga oo kale”. (W.w. Muslim)."},{"id":11,"translation":"11. Hadduu Alle u soo dedejin lahaa dadka sharka (ay ka baryaan) siduu ugu soo dedejiyo Khayrka, muddadooda waa loo oofin lahaa 'oo la hallagi lahaa' [4]. Waxaanse ku deynaa kuwa aan rajayn la Kulankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan indha la’aan.","footnotes":"[4]. Qaddarka Alle waa inuu waqti ku siiyo uunkiisa arlada, ama inuusan ciqaabin ka hor inta aan loo soo dirin xujo cad oo ah Rasuul iyo Kitaab."},{"id":12,"translation":"12. Marka waxyeello gaadho aadmiga, wuxuu na baryaa isagoo dhinac u jiifa, ama fadhiya ama sare jooga, kolkiise aan ka feydno waxyeellada, wuxuu ku sii socdaa (caasiyoobiddiisa) sida inaanu marnaba noogu gargaarsan waxyeello gaadhay (inaan ka qaadno). Sidaasaa loogu qurxiyey xadgudbayaasha waxay falayeen."},{"id":13,"translation":"13. Waxaan dhab ahaan horey u halaagnay facyo idinka horreeyey, markay dulmi (shirki iyo xume) faleen, Rusushooduna waxay ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase ahayn kuwo rumeynaya. Sidaasaan u abaal marinnaa qoloda denbiilayaasha ah."},{"id":14,"translation":"14. Markaasaan idinka dhignay kuwa u hadha dhulka iyaga kaddib, si aan u eegno sidaad fashaan."},{"id":15,"translation":"15. Marka loo akhriyo Aayadahayaga xujooyin cad ahaan, kuwa aan rajeyn la Kulankayaga, waxay yidhaahdaan: Noo keen Qur’aan aan kan aheyn, ama beddel. Dheh (Nabi Muxammadow): Igama suurowdo inaan iskay u beddelo; Waxaan uun anigu raacaa waxa la ii waxyoodo. Waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin daran."},{"id":16,"translation":"16. Dheh: Hadduu Alle doono, idiinma akhriyeen (Waxyigan) oo idinma ogeysii- yeen. Waxaan joogay dhexdiinna cimri kan ka hor [5]. Ee miyeydaan garowsaneyn?","footnotes":"[5]. Nabigu s.c.w. wuxuu la noolaa afartan sano ka hor inta aan loo waxyoon oo ay ku yiqiinniin ammaano, run badni, dabci samaan, wanaag iyo khayr oo dhan."},{"id":17,"translation":"17. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadihiisa, xaqiiq, denbiilayaasha ma liibaanaan."},{"id":18,"translation":"18. Waxay caabudaan Alle sokadi waxaan waxyeeli karin waxnana aan u tari karin, waxayna yidhaahdaan: Kuwakanu waa shafeecayaashayo Alle agti [6]. Dheh: Ma waxaad (is leedihiin waxaad u) sheegaysaan Alle wax aanu ogeyn ee ka sugan samooyinka iyo arlada gudahooda? Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan.","footnotes":"[6]. Weedhani waxay muujineysaa caqli xumada dadka asnaamta caabuda ee mooda inay asnaamta uga shafeecayaan oo garab siinayaan Alle Kor ahaaye agtii."},{"id":19,"translation":"19. Dadku wuxuu ahaa ummad keliya (heysta diin keliya 'Islaamka' [7], markaasay iskhilaafeen (waa' dambe), haddaysanna jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa [8] waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin.","footnotes":"[7]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ilmo kasta waxay ku dhashaan Islaamnimo (oo ah in la caabudo Alle Keliya aan waxna lala wadaajin cibaadada) laakiinse waalidkiisa baa ka yeela Yuhuud ama Nasaaro (Kirishtaan) ama Majuus dab caabud ah, sidaba ay xooluhu u dhalaan neef aan iin laheyn. Ma waad ku aragtaan wax dheg go’an? (W.w. Al-Bukhaari).\n[8]. In loo oofiyo muddadooda ama inaan la ciqaabin cidna iyadoo aan xujo cad u iman."},{"id":20,"translation":"20. Waxay yidhaahdeen: Maxaa loogu soo dejin waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigi ah? Dheh: Waxaan Muuqan ee qarsoon waxaa ogsoon Alle Keliya, ee suga, aniguna sidoo kale waan idin la sugayaa (Xukunka Alle)."},{"id":21,"translation":"21. Markaan dhadhansiinno dadka Naxariis kaddib waxyeello gaadhay, mise! Waxay kolkaas u tab dhigaan oo qoolaan Aayadahayaga. Dheh: Alle baa ku Dhaqsi Badan qorshe (tab) deggidda. Hubaal Rusushayada (malaa’igta ah) waxay qoraan waxaad qooleysaan."},{"id":22,"translation":"22. (Alle) waa Kan idinka yeela inaad martaan barriga iyo baddaba, jeer markaad ku jirtaan doonyaha oo ay ku mushaaxaan kuwa saaran (gaalada) dabeyl wanaagsan oo ay markaas ku farxaan ay u timaaddo dabeyl kacsan, oo uga yimaadaan mawjaduhu dhinac kasta oo ay yaqiinsadaan in la hareereeyay, waxay baryaan Alle iyagoo u keli yeelaya cibaadada, oo leh: \"Haddaad naga badbaadiso tani, waxaan hubaal ka mid ahaan kuwa ku mahdiya\"."},{"id":23,"translation":"23. Markase uu badbaadiyo, mise! Waxay isla markaa ku kibraan dhulka xaq darro. Dadow! Kibirka (iyo xadgudubkiinna) waxay u daran tahay nafahiinna, waa raaxo kooban oo nolosha adduunkan ah, kaddibna Xaggayaga baa la idiin soo celin, waxaana idiin sheegi waxaad falayseen."},{"id":24,"translation":"24. Mataalka noloshan adduunku [9] waa sida biyo (roob) aan ka soo dejinno daruuraha, markaas dhirta dhulka oy dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ka soo baxaan si riyaaq leh iyagoo isku dheehan halkaa, ilaa markuu dhulku qaato bilicdiisa kaamilka [10] ah oo isqurxiyo oy dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayaga habeen ama maalin, markaas aan ka dhigno gabaahirig (wax la shafay) sidii isagoo aan jirinba shalay! Sidaasaan ugu faah-faahinnaa Aayadaha ciddii fikiri.","footnotes":"[9]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Adduunyadu waa macaan, doog ah, Alle baa idiin dhiibay inaad ka talisaan oo isaga dambeysaan si uu u eego waxa aad fashaan ee iska jira adduunyada iyo (fidmada) haweenka.”\n[10]. Bilicda dhulka waxaa loola jeedaa badaha, buuraha, togagga, doogga, dhirta iyo geedaha."},{"id":25,"translation":"25. Alle wuxuu ku baaqaa Daarta Nabadda (Jannada) wuxuuna ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":26,"translation":"26. Waxay leeyihiin kuwa fala wanaagga (abaalgud) kan u wanaagsan (Janno) iyo wax ka zaa’id ah [11] 'eegista Rabbi'. Boor iyo dulli midna ma daboolayo wejiyadooda. Waa kuwaa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.","footnotes":"[11]. Inay arkaan Rabbigood, oo waxa ugu sarreeya ah ay ku helayaan Jannada."},{"id":27,"translation":"27. Kuwase kasbada xumaha (shirkiga iyo macaasida), abaalka xume keliyihi waa mid la mid ah, dulli baana daboolaya (wejiyadooda). Ma helayaan wax Alle ka celiya. Waxaad moodi wajiyadooda in lagu daboolay goosanno habeen gudcur madow ah, waa Kuwaa ehlu Naarka, wayna ku dhex waari weligood."},{"id":28,"translation":"28. Maalintaan soo wada kulmin iyagoo dhan, markaasaan ku odhan kuwii la wadaajiyey cid kale (Alle cibaadada): Halkiinna jooga, idinka iyo kuwa aad la wadaajiseenba (cibaadada); markaasaan kala saari, kuway wax ka wadaajiyeen (cibaadadooda: sannamadii) waxay odhan: Ma nihin innaga kuwaad caabudi jirteen."},{"id":29,"translation":"29.Alle baa ku filan markhaati dhexdeen- na innaga iyo idinkaba, in aanu innagu ahayn kuwo moog cibaadadiinna."},{"id":30,"translation":"30. Halkaas, (Maalintaas) bay xaqiiqsan naf walbaa waxay hor marsatay (khayr ama shar), waxaana loo celiyaa Mudanahooda Xaqa ah, wayna ka tegi oo waayi waxay been abuurteen."},{"id":31,"translation":"31. Dheh: Waa kuma kan idinka arsaaqa samada iyo arlada? ama waa kuma kan haya maqalka iyo aragyada? Oo waa kuma kan noole ka soo saara mayd, oo mayd ka soo saara noole? Oo waa kuma kan qorsheeya oo iskudubarida arrimaha (uunka oo idil)? Markaasay odhan: Allaah. Dheh: Miyeydaan iska jireyn (xumaha)?"},{"id":32,"translation":"32. Kaa weeye Allaah, Rabbigiin runta ah; ee maxaa xaqa ka dambeeya aan habow aheyn? Ee sidee la idiinka jeediyey?"},{"id":33,"translation":"33. Sidaasay ugu rumowday Kelmadda Rabbigaa (Xukunkiisa iyo Qaddarkiisa) kuwa xumaha ku adkeysta in aanay rumayneyn (Xaqa)."},{"id":34,"translation":"34.Dheh:Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan 'cibaadadiinna' oo ifka keeni kara uunka billowga horeba haddana dib u soo celin mar kale? Dheh: Alle baa ifka keena uunka haddana soo celin mar kale, Ee sidee Xaqa la idiinka iilay?"},{"id":35,"translation":"35. Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo wax ku hanuuniya Xaqa? Dheh: Alle baa wax ku hanuuniya Xaqa. Ee ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan isaguba hanuunsanayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee muxuu arrinkiinu yahay? Sidee baad wax u xukuntaan?"},{"id":36,"translation":"36. Badankoodu ma raacaan waxaan ahayn malo; malahuna waxba kama taro Xaqa. Hubaal Alle wuu Og yahay waxay falaan."},{"id":37,"translation":"37. Ma aha Qu’raankani [12] wax ay been abuuran karayaan kuwaa Alle sokadi ah, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah) caddeynta Kitaabkana (Qur’aanka) (axkaanta, xalaasha iyo xaaraanta), shaki kuma jiro, waa xagga (Alle) Rabbiga caalamka.","footnotes":"[12]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma jiro Nabi ka mid ah Anbiyada aan la siin mucjisado si ay dadka u rumeystaan. Waxase aniga la I siiyey waa Waxyi uu ii waxyooday Alle Kor ahaaye, sidaas daraaddeed waxaan rajeynayaa inaan anigu ahaado midka loogu raacid badan yahay Maalinta Qiyaamaha”. W.w. Al-Bukhaari."},{"id":38,"translation":"38. Mise waxay leeyihiin: Wuu been abuurtay (Qur’aanka)? Dheh: Keena Suurad la mid ah, oo u yeedha ciddaad kartaan Alle sokadi, haddaad run sheegaysaan."},{"id":39,"translation":"39. Mayee, waxay beeniyaan wax aysan koobinba cilmigiisa, iyo wax uusan weli u imaan fasirkiisu. Sidaasoo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay. Ee eeg siday aheyd cidhibta daalimiinta (gar diidka)."},{"id":40,"translation":"40. Waxaa ka mid ah mid rumeysan (Qur’aankan), iyo midaan rumeysneyn, Rabbigaa wuu Og yahay kuwa waxa fasahaadsha."},{"id":41,"translation":"41. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), Dheh: camalkayga anaa leh, camalkiinnana idinkaa iska leh. Waxaad idinku barii ka tihiin waxaan falo, aniguna waxaan barii ka ahay waxaad fashaan."},{"id":42,"translation":"42. Waxaa ka mid ah kuwo ku dhageysta [13], ma adigaase wax maqalsiin kara dhagoolaha iyagoon wax fahmeyn?","footnotes":"[13]. Waa sida inay dhageysanayaan waxa uu akhriyo Rasuulka iyo waxa uu baro, laakiinse quluubtooda ma aqbalaan Xaqa."},{"id":43,"translation":"43. Waxaana ka mid ah kuwo ku soo eega [14], ma adigaase ku toosin kara waddada indhoolaha iyagoon wax arkayn?","footnotes":"[14]. Macnaha waxaa weeye way arkaan calaamadaha Nabinnimada Rasuulka s.c.w. mase ay raacaan oo wax kuma qaataan."},{"id":44,"translation":"44. Hubaal Alle kama dulmiyo dadka waxba;dadkuse iyagaa nafahooda dulmiya."},{"id":45,"translation":"45. Maalinta uu soo kulmin iyagoo dhan, (waxay ahaan) sida inaysan ku negaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah, wayna is aqoonsan. Waxaa run ahaan khasaari kuwa beeniyey la kunlanka Alle, mana ay ahayn kuwo hanuunsan."},{"id":46,"translation":"46. Haddaan ku tusinno 'intaad nooshahay' qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno (oo cadaab ah), ama aan ku oofsannoba, waa Xaggayaga meel noqodkooda, Allaana ka marag ah oo u jeeda waxay falayaan."},{"id":47,"translation":"47. Ummad kasta waxay leedahay Rasuul; markuu u yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi dhexdooda si caddaalad ah iyagoon la dulmineyn."},{"id":48,"translation":"48. Waxay (gaaladu) odhan: Waa goorma ballan qaadkani-haddaad run sheegaysaan."},{"id":49,"translation":"49. Dheh: Anigu uma hayo naftayda wax dhib ama dheef ah wuxuu Alle doono ma’ahee. Ummad kasta waxay leedahay muddo loo qabtay; markuu yimaado ajalkoodu, ma dib dhigi karaan saacad, kamana soo hormari karaan (waqtigooda)."},{"id":50,"translation":"50. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado cadaabkiisu habeen ama maalin cad - maxay ka degdegsanayaan denbiilayaashu [15]?","footnotes":"[15]. Maxay ka degdegsanayaan, waxay tilmaameysaa ku jeesjeeska gaalada ay ku jeesjeesayeen Nabiga s.c.w. iyagoo ku lahaa: Noo keen ciqaabka Alle caddeyn ahaan inaad run sheegayso."},{"id":51,"translation":"51. Mise markuu dhaco ayaad rumayn? Ma imminka (baad rumeyn)? Idinkoo horay u doonayey in la idiin soo dedejiyo."},{"id":52,"translation":"52. Markaasaa lagu odhan kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha) falay: Dhadhamiya cadaabka waarista. La idinku abaal marin maayo waxaan aheyn waxaad geysateen (oo denbiyo ah)."},{"id":53,"translation":"53. Waxay ku weydiin: Ma run baa (Qiyaamada)? Dheh: Haa, Waa igu Rabbigaye! Waa xaq. Mana ka baxsan kartaan (Cadaabka)."},{"id":54,"translation":"54. Hadday naf walba oo dulmi (shirki) fashay lahaan lahayd waxa dhulka yaalloo dhan, way isku furan lahayd, waxayna dareemi qoomammo markay arkaan cadaabka, arrinkana waa la kala xukumi dhexdooda si caddaalad ah iyagoon la dulmineyn."},{"id":55,"translation":"55. Ogaada, hubaal, waxaa iska leh Alle waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Ogaada, hubaal, Ballanka Alle waa xaq. Badankooduse ma ogsoona."},{"id":56,"translation":"56. Isagaa wax nooleeya, oo dhinsiiya, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin."},{"id":57,"translation":"57. Dadow! Waxaa idiinka yimid waano wanaagsan xagga Rabbigiin iyo reysasho lagaga bogsado waxa ku jira laabaha (oo cudurro ah) oo u ah hanuuun iyo naxariis mu’miniinta."},{"id":58,"translation":"58. Dheh: Deeqda Alle (Islaamka) iyo Naxariistiisa (Qur’aanka) - arrinkani ha ku farxeen, isagaa uga khayr badan waxay isu keenaan (oo maal ah)."},{"id":59,"translation":"59. Dheh: Bal ka warrama waxa Alle idiin soo dejiyey oo rizaq ah oo aad ka yeeshaan qaar ka mid ah xaaraan (qaarna) xalaal. Dheh: Ma Alle baa idin amray, mise Alle ayaad ka been sheegaysaan?"},{"id":60,"translation":"60. Maxayse filan kuwa ka been sheega Alle Maalinta Qiyaamaha? hubaal Alle waa Kan fadli ku leh dadka, dadkuse badankiisu kuma mahdiyaan."},{"id":61,"translation":"61. Ma jirto waxaad ku sugan tahay oo arrin ah, waxaad ka akhridaan Qur’aanka, iyo camal kasta oo aad fashaan aan idin la joogin (ogeyn) markaad dhex galeysaan. Kagama Qarsoona Rabbigaa (haba ahaadaane) wax saxar le’eg dhulka korkiisa ama cirka gudahiisa, ama wax ka yar ama wax ka weyn, bal waxay ku qoran yihiin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka)."},{"id":62,"translation":"62. Ogaada, hubaal, awliyada Alle ma ahaaneyso cabsi korkooda mana murugoonayaan [16].","footnotes":"[16]. Abuu Saciid Al-Khudri a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Rasuulkii Alle s.c.w. yidhi: Markii qofka la saaro meydkiisa alwaaxa janaazada (oo janaasadu tahay diyaar) oo raggu ku qaadaan garbahooda, haddii mowtanahu ahaa qof wanaagsan waxay tidhaahdaa: I dedejiya I dedejiya, haddiise uu ahaa qof aan wanaagsaneyn waxay odhan: Hooggeeda'e xaggee u siddaan. Waxaa maqla codkeeda wax walba aadanaha maahee, hadduu maqli lahaana waa uu suuxi lahaa.\" (W.w. Al-Bukhaari)."},{"id":63,"translation":"63. (Waa) kuwa (Towxiidka) rumeysan ee iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale)."},{"id":64,"translation":"64. Waxay leeyihiin bishaaro [17] nolosha adduunkan iyo aakhiradaba. Ma jiro wax beddelaad ah Kelmadaha Alle (iyo baaqasho Ballankiisa). Arrinkaasi weeye Liibaanta Weyn.","footnotes":"[17]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Riyada wanaagsan (ee dhabowda) uu ku riyooda qof wanaagsan ee Alle ka cabsada waa qayb ka mid ah afartan iyo lixdanka qaybood ee Nabinnimada. W.w.Al-Bukhaari"},{"id":65,"translation":"65. Yeysan ku murugo gelin (gaalada) hadalkoodu, Ciso oo dhan waxaa iska leh Allaah. Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon."},{"id":66,"translation":"66. Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ma raacaan (run ahaan) wax shuruko ah kuwa barya cid kale Alle sokadi, ma raacaan (waxna) aan ahayn malo, oo been uun bay sheegayaan."},{"id":67,"translation":"67. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana iftiin aad wax ku aragtaan. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii wax maqli."},{"id":68,"translation":"68. Waxay yidhaahdaan: Alle wuxuu leeyahay ilmo [18], Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan). waa Hodanka Deeqtoon. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wax Xujo ahna uma haysataan (arrin)kani. Ma waxaad ka sheegaysaan Alle wax aydaan ogeyn?","footnotes":"[18]. Waa sida ay yidhaahdaan Kirishtaanka iyo mushrikiinta."},{"id":69,"translation":"69. Dheh: Kuwa Alle ka been sheega ma liibaanaan."},{"id":70,"translation":"70. Waa raaxo (yar) adduunkan gudahi, markaas Xaggayaga buu ahaan meel noqodkoodu, markaas baan dhadhansiin cadaab daran, gaalnimadooda darteed."},{"id":71,"translation":"71. U Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Tolkaygiiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Alle ay idinku cuslaatay - haddaba Alle baan tala saartay - ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi [19], markaas igu fuliya xukunkiinna hana i siininnaba wax fursad ah.","footnotes":"[19]. Ha ka yeelina wax uu ku jiro shaki ama walaac, ee ha ahaato wax idiin cad, muuqda, oo aan mugdi ku jirin."},{"id":72,"translation":"72. Haddaad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Alle Keliya, waxaana la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta 'kuwa u hoggaansan Alle'."},{"id":73,"translation":"73. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, Waxaana ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu harqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee fiiri siduu ahaa aayaha kuwii loo digay."},{"id":74,"translation":"74. Markaasaan u soo bixinnay isaga kaddib Rusul dadkoodii, oo ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase rumeyn lahayn waxay horayba u beeniyeen [20]. Sidaasaan u yeelnaa shaabbad daboosha quluubta xadgudbayaasha.","footnotes":"[20]. Facyadii ku xigay waxay ahaayeen kuwo ku adkeysta gaalnimada."},{"id":75,"translation":"75. Markaasaan soo dirnay iyaga kaddib Muuse iyo Haaruun xagga Fircoon iyo xildhibaannadii iyagoo u sida Aayadahayaga, wayse is kibriyeen oo waxay ahaayeen qolo denbiilayaal ah."},{"id":76,"translation":"76. Markuu uga yimid Xaqu Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad."},{"id":77,"translation":"77. Muuse wuxuu yidhi: Ma waxaad ka leedihiin (sidatan) Xaqa markuu idiin yimid? Ma sixir baa kani? Sixiroolaayaashu ma liibaanaan."},{"id":78,"translation":"78. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso waxaan ka hellay aabbayaashayo, iyo (inaad) ku sarreynta arlada markaas aad idinku yeelataan? Innaguna ma nihin kuwo idin rumeysanaya."},{"id":79,"translation":"79. Fiircoon wuxuu yidhi: Ii keena saaxir kasta oo xeel dheer."},{"id":80,"translation":"80. Markay sixiroolayaashii yimaadeen, Muuse wuxuu ku yidhi: Tuurta waxaad tuureysaan."},{"id":81,"translation":"81. Markay tuureenna Muuse wuxuu ku yidhi: Waxaad la timaaddeen waa sixir, Alle baa burin. Hubaal Alle ma hagaajiyo camalka kuwa wax fasahaadsha."},{"id":82,"translation":"82. Alle wuxuu ku sugi Xaqa Kelmedihiisa, haba nacaane denbiilayaashu."},{"id":83,"translation":"83. Cidnase ma rumeyn Muuse aan ahayn durriyad ka mid ah qolodiisii cabsi ay ka qabeen darteed Fircoon iyo xildhibaannadi inay caddibaan. Fircoon wuxuu ahaa mid isku sare yeela arlada, wuxuuna xaqiiq ka mid ahaa xadgudbayaasha."},{"id":84,"translation":"84. Muuse wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Haddaad tihiin kuwo rumeysan Alle Isaga uun tala saarta, haddaad tihiin Muslimiin."},{"id":85,"translation":"85. Markaasay yidhaahdeen: Alle baan isku halleynaa oo tala saarannay. Rabbigayow! Ha nagu salladin qoloda daalimiinta ah."},{"id":86,"translation":"86. Noogana badbaadi Naxariistaada qoloda gaalada ah."},{"id":87,"translation":"87. Waxaana u waxyoonnay Muuse iyo walaalki (Haaruun, Annagoo leh) Uga yeela qolodiinna [21] guryo ay degaan Masar gudaheeda, oo ka dhiga guryihiinna goobo cibaado (isu dhow, oo u furan booqashada) oogana salaadda. U bishaaree mu’miniinta.","footnotes":"[21]. Si ay ugu tukadaan halkaa iyagoo uusan arkayn cadowgooda iyo si ay deris u ahaadaan iska warqaba oo isa soo booqda."},{"id":88,"translation":"88. Muuse wuxuu yidhi: Rabbigayow! Waxaad adigu ku siisey Fircoon iyo xildhibaannadi qurux iyo maal nolosha adduunkan, Rabbigayow! Markaasay ka lumeen Jidkaaga (oo ku kibreen arlada). Rabbigayow! Baabbi'i maalkooda, oo adkee quluubtooda, si ayan u rumeyn jeer ay arkaan Cadaabka Xanuunka Badan."},{"id":89,"translation":"89. (Alle) wuxuu yidhi: Baryadiinna waa la idinka aqbalay [22]. Ee idinku haya jidka toosan (ee Islaamka) hana raacina jidka kuwa aan wax ogeyn.","footnotes":"[22]. Macnaha ducada labadoodaba, waxaa loola jeedaa tii Muuse, iyo Haaruun oo ku biiray isagoo lahaa Aamiin. (Allow naga aqbal)."},{"id":90,"translation":"90. Waxaan ka gudbinnay Ilmahii Israa’iil badda, markaasaa waxaa soo raacdeystey Fircoon iyo ciidamadiisa gardarro (dulmi) iyo cadaawad darteed; markuuse haraqu haleelay, wuxuu (Fircoon) yidhi: Waxaan rumeeyey inuusan jirin ilaah (xaq ah) aan aheyn kay rumeeyeen Ilamahii Israa’iil, aniguna waxaan ka mid ahay Muslimiinta."},{"id":91,"translation":"91. Ma imminka! adigoo hore u caasiyey, oo ka mid ahayd Mufsidiinta."},{"id":92,"translation":"92. Maanta Waxaanu badbaaadin jirkaaga [23] si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Intooda badanse dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin.","footnotes":"[23]. Wuxuu Alle badbaadiyey Fircoon jirkiisii.Taariikhyahannada waxay yidhaahdaan: Markuu Alle harqiyey Fircoon, waxaa laga helay jirkiisa xeebta badda, maxaa yeelay Fircoon wuu argagaxay reer Banii Israa’iil. Waxaad ogtihiin in marka uu qofku jiro qof uu ka cabsado inuusan qalbigiisu xasileyn ilaa uu arko isaga oo halaagsamay oo dhintay mooyee, maxaa yeelay shaydaanku waxa uu qalbigiisa gelin karaa in Fircoon fakaday, Fircoonna uu idiin soo noqon doono Banii Israa’iilow. Marka hadalkiisa: (kuwa idinka dambeeya) wuxuu ula jeedaa: reer banii Israa'iil, sidaa awgeed waxba kama jiraan inay meydkiisa heleen masriyiintii oo ay xafidaan ilaa hadda, iyadoo la sheego inuu yaal matxaf ku yaal Masar. Waa been arrinkaasi aan waxba ka jirin ee lagu dago dadka makasta ah."},{"id":93,"translation":"93. Waxaana dejinnay Ilmahii Israa’iil degaan khayr oo ku irsaaqnay waxyaalo wanaagsan, ismana ay khilaafin jeer uu climigu u yimid; hubaal Rabbigaa wuu u kala garsoori dhexdooda maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafeen."},{"id":94,"translation":"94. Haddaad ka shakisan tahay (Nabiyow) waxaan kuu soo waxyoonnay [24], weydii kuwa akhriya Kitaabka (Towraadda) adiga hortaa. Waxaa kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.","footnotes":"[24]. Waxaa ka mid ah tafsiirka labada Aayadood ee dambe, in loola jeedo inay qiiro kiciyaan Nabiga s.c.w. inuu caddeeyo oo muujiyo sugnaantiisa, taas uu falay isagoo yidhi shaki ma qabo, mana weydiinayo. Tafsiir kale waa in inkastoo ereyadaa ay ku socdaan Nabiga s.c.w., waxay haddana dhab ahaan ku socdaan oo ku wajahan yihiin dadka oo dhan."},{"id":95,"translation":"95. Ha ka mid noqon kuwa beeniya Aayadaha Alle, waayo markaas waxaad ka mid ahaaneysaa kuwa khasaaray."},{"id":96,"translation":"96. Kuwa ay ku rumowday Kelmadda Rabbigaa (ee cadaabka), ma rumaynayaan."},{"id":97,"translation":"97. Xataa hadday calaamo kasta u timaaddo jeeray arkaan Cadaabka Xanuunka Badan."},{"id":98,"translation":"98. Maxay u jiri weydey magaalo rumaysa oo uu wax u taro iimaankeedu oo aan ahayn qolodii Yuunus? Markay rumeeyeen waxaan ka feydnay cadaabkii dulliga ee nolosha adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo muddo."},{"id":99,"translation":"99. Hadduu doono Rabbigaa, way rumayn lahaayeen waxa dhulka jooga oo dhan kulligood. Ee ma waxaad adigu khasbi dadka jeer ay noqdaan mu’miniin."},{"id":100,"translation":"100. Nafna ma rumeyso Idanka Alle la'aantii, Wuxuuna Alle yeelaa qurunka [25] kuwaa dushooda aan (Xaqa) garowsan.","footnotes":"[25]. Waxaa ka mid ah macnooyinkeeda wasakh, cadho, ciqaab, gaalnimo, iyo habow."},{"id":101,"translation":"101. Dheh: Fiiriya waxa ku sugan cirarka iyo dhulka; maxayse wax u tarayaan calaamdaha iyo digniinuhu cid aan rumeyneyn."},{"id":102,"translation":"102. Ma waxay sugayaan (wax kale) aan aheyn (baabbi’ii) sida maalmihii dadkii tegey hortood (ee Xaqa beeniyey)? Dheh: Suga (Ciqaabka Alle), aniguna (sidoo kale) la jirkiin waxaan ka mid ahay inta sugiye."},{"id":103,"translation":"103. Markaasaan badbaadinnaa Rusushayada iyo kuwa rumeysan. Sidaas bayna xaq noogu tahay inaan badbaadinno mu’miniinta."},{"id":104,"translation":"104. Dheh: Dadow! Haddaad ka shakisan tihiin diintayda, (ogaada inaan) Anigu caabudin kuwa aad caabuddaan Alle sokadi [26]. waxaanse caabudaa Alle Keliya ee idin oofsada, waxaana la amray inaan ka mid ahaado mu’miniinta.","footnotes":"[26]. Dadka caabuda sanamyada xaqiiqdu waxaa weeye inaysan caabudin sanammo ee waxay caabudaan hawadooda, hawadoodaasi baa amreysa inay caabudaan sanamyadooda. Waxa la caabudona waa labo: asnaam aan ka war heyn in la caabudo, waxayna odhan doonaan Qiyaamaha innagu war kama heyn cibaadadiinna, iyo cid ogsoon in la caabudo, kuwaasina Qiyaamaha waa ku dafiri doonaan kuwii caabudi jirey."},{"id":105,"translation":"105. Iyo inaad u jeediso wajigaaga xagga diinta (Islaamka) adigoo toosan, hana ka mid noqonin mushrikiinta."},{"id":106,"translation":"106. Ha baryin (caabudin) Alle la jirki waxaan wax ku tari karin (haddaad caabuddo) waxna aan ku yeeli karin (haddaadan caabudin), haddaadse sidaa yeesho, waxaad ka mid noqon daalimiinta."},{"id":107,"translation":"107. Hadduu Alle ku taabsiiyo waxyeello, ma jirto cid kaa feydi kartaa aan Isaga ahayn; hadduu kula doono khayrna ma jirto cid celin karta Deeqdiisa uu siiyo midkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa, waana Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan."},{"id":108,"translation":"108. Dheh: Dadow! Waxaa idiinka yimid Xaq xagga Rabbigiin. Ee qofkii hanuunaa, waxay dan u tahay oo u hanuunaa naftiisa, qofkii lumaana, waxay u daran tahay oo u lumaa naftiisa, anigana layma saarin inaan idinka noqdo wakiil."},{"id":109,"translation":"109. Ee raac waxa (Qur’aanka) laguu waxyoodo (Nabiyow) samirna inta Alle ka kala xukumin (dadka). Isagaana u wanaagsan inta garsoorta."}]},{"id":11,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif Laam Raa [1]. (Kani waa) Kitaab (Qur’aan), Aayadihiisa la sugay, lagana soo caddeeyey [2] Xagga Xigmad Badane, Xog Ogaal ah (waa Alle'e).","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda1.\n[2]. Wuxuu u kala dhigdhigaa Kitaabka noocyo leh: towxiid, axkaan, qisooyin, anshaxa iyo asluubta wanaagsan, dabeecadda san, cilmi, yabooh, gooddin, iwm oo wuxuu isugu xijiyaa Suurad Suurad, iyo Aayad Aayad."},{"id":2,"translation":"2. Inaydaan caabudin waxaan Alle ahayn. Anigu waxaan idiin ahay Xaggiisa dige iyo bishaareeye."},{"id":3,"translation":"3. Oo weydiista denbi dhaaf Rabbigiin, una tawbad keena, wuxuu idin siin sahay wanaagsan ilaa muddo magacaaban, kuna galladeysan Deeqdiisa mid kastoo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad (ka) jeesataan (Iimaanka iyo camalka san), waxaan anigu idiinka cabsan cadaab Maalin Weyn (Qiyaamada)."},{"id":4,"translation":"4. Waa xagga Alle meel noqodkiinna, Isagaana wax walba Kara."},{"id":5,"translation":"5. Ogaada, hubaal, waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan [3] (cadaawadooda) Xaggiisa. Markayse isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxay qarsadaan iyo waxay muujiyaanba, Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).","footnotes":"[3]. Waxay qarsadaan cadaawad iyo nifaaq iyo naceyb ay u hayaan Rasuulka Alle s.c.w."},{"id":6,"translation":"6. Ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Alle irsaaqaddiisu saarnayn. Wuxuu Og yahay rugtiisa hoyaadka u ah [4] iyo halka uu ku kaydsan yahay. Dhammaan waxay ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).","footnotes":"[4]. Mufasiriinta qaarkood waxay ku fasireen mustaqirrahaa adduunka, mustowdicna aakhirada, qaarkoodna waxay yidhaahdeen: mustaqirrahaa waxaa loola jeedaa dhabarka ninka, mustowdicna riximka haweenta (ilma galeenka), waxaa kaloo lagu fasiray inta uusan dhalan ka hor, iyo kaddib dhimashadiisa."},{"id":7,"translation":"7. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, Wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood [5], si uu idiin imtixaamo kiinna idiinku camal wanaagsan. Haddaad tidhaahdo: Waa la idin soo bixin dhimasho kaddib. Waxay hubaal kuwa gaalooba odhan: \"Kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah\".","footnotes":"[5]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle Kor ahaaye wuxuu leeyahay: “Wax la bax (ina aadamow) si aan wax kuugu bixiyo oo kuu siiyo. (ogaada) Gacanta Alle waa buuxdaa, mana saameyso wax bixinta joogtada ah habeen iyo maalinba. Soo ma aragtid in wixii uu bixiyey tan iyo intii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxba ayan ka dhimin waxa ku jira Gacantiisa, Carshigiisuna wuxuu ahaa biyo korkiisa, waxaana Gacantiisa ah miisaanka uu ku kor yeelo ama hoos yeelo (meeqaanka qofkuu doono). W.w. Al-Bukhaari."},{"id":8,"translation":"8. Haddaan dib uga dhigno cadaabka ilaa muddo tirsan, waxay odhan: Maxaa haysta oo celinaya? Maalinka uu u iman cadaabku, ma aha wax laga weecin, waxaana ku dhici waxay ku jees jeesayeen."},{"id":9,"translation":"9. Haddaan ka dhadhansiinno aadmiga Xaggayaga Naxariis, markaas aan ka qaadno, wuxuu noqdaa mid quusta, xaq diiddo iyo abaal dhac badan."},{"id":10,"translation":"10. Haddaan dhadhansiinno khayr, kaddib dhib taabtay, wuxuu odhan: Way i dhaafeen dhibaatooyinkii, wuxuu noqdaa mid farxa faan badan."},{"id":11,"translation":"11. Kuwa samra mooyee oo samaha fala, kuwaas waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno)."},{"id":12,"translation":"12. Waa intaasoo aad ka tagto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo [6], oo ay ku cidhiidhi noqoto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Alle baana wax walba xafida oo Wakiil ah.","footnotes":"[6]. Tixgelin dhibaatooyinka la soo gudboonaada Nabiga s.c.w, Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu ku gubaabiyey Nabiga inuu samir yeesho, yaqiin, sugnaan, si uusan u gabin xilka gaarsiinta Dhambaalka Alle."},{"id":13,"translation":"13. Mise waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh: Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan."},{"id":14,"translation":"14. Haddiise aysan idin ajiibin, ogaada in lagu soo dejiyey (Qur’aanka) Cilmiga Alle [7] iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga (Allaah) maahee. Ee ma (u) hoggaansameysaan muslimiin ahaan?.","footnotes":"[7]. Waa Cilmigaas aanu jirin cid leh Isaga (Alle) maahee subxaanahu wa tacaalaa."},{"id":15,"translation":"15. Qofkii raba noloshan adduunka iyo quruxdeeda, waxaan ugu oofin si dhan abaal gudka camalkooda gudaheeda, iyagoon waxba laga dhimeyn."},{"id":16,"translation":"16. Kuwaa weeye kuwa aan ku laheyn Aakhirada waxaan ahayn Naar; waxaana buri waxay ku faleen dunida camallo san, waxbana kama jiraan waxay falayeen."},{"id":17,"translation":"17. Ma qof Xujo Cad ka heysta Rabbigi, uu akhriyo markhaati Xaggiisa ah [8], hortina isaga waxaa ahaa Kitaabkii Muuse ee ahaa Hanuun iyo Naxariis (baa la mid ah mid adduun uun dooni); Kuwan baa rumeysan waxa ku soo arooray (Qur’aanka). Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) oo ka mid ah axzaabta (kala duwan), waa Naarta madashiisu: Ee shaki yuu kaa galin. Hubaal waa Xaq ka yimid Rabbigaa, intooda badanse dadku ma rumeysna.","footnotes":"[8]. Waa Nabi Muxammad s.c.w. ama malag Jabriil c.s oo ka marag kacaya inuu xaq yahay, intaa waxaa dheer waxaa loola jeedi karaa waxa uu akhriyo inuu yahay Qur’aanka."},{"id":18,"translation":"18. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle. Kuwaa waxaa la hor keeni Rabbigood, markhaatiyaduna [9] waxay odhan: Kuwan waa kuwii ka been sheegay Rabbigood. Ee Lacnadda Alle dushooda ha ahaato daalimiinta.","footnotes":"[9]. Waxaa loola jeedaa markhaatiyada: Malaa’igta ama Anbiyada, ama dadka dubabkooda, aragyadooda iyo maqalladooda,."},{"id":19,"translation":"19. Kuwa ka weecsha (dadka) Jidka Alle lana dooni qallooc, Aakhirana rumeysneyn."},{"id":20,"translation":"20. Kuwaa ma ku baxsan karaan arlada, umana sugnanan wax gargaarayaal ah Alle sokadi. Waxaa loo labolaabi Cadaabka. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan."},{"id":21,"translation":"21. Kuwaa weeye kuwa khasaari nafahaoo- da, waxayna waayi waxay been abuurteen."},{"id":22,"translation":"22. Shaki ma leh, Aakhirada waa iyaga kuwa ugu khasaaraha badan."},{"id":23,"translation":"23. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood - waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari weligood."},{"id":24,"translation":"24. Mataalka labada kooxood waa sida indhoolaha iyo dhegoolaha, iyo wax arkaha iyo wax maqlaha, Miyey siman yihiin mataal ahaan? Miyeydaan waantoobeyn?"},{"id":25,"translation":"25. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii (isagoo leh): Waxaan idiin ahay dige cad."},{"id":26,"translation":"26. Inaydaan caabudin waxaan ahayn Alle, waxaan idiinka cabsan cadaab Maalin xanuun badan (Maalinta Aakhiro)."},{"id":27,"translation":"27. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa gaaloobay ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah, mana aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay diinta) ka fiirsi la’aan. Idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, waxaanse idiin malaynaynaa beenalayaal."},{"id":28,"translation":"28. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka haysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, iyo cilmi) xagga Rabbigay, i siiyeyna Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah oo la idinka indho tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan hanuunka) idinkoo naceyb u haya?."},{"id":29,"translation":"29. Tolkayow! Idinku weydiisan maayo (gaarsiinta Diinta Alle) maal, abaalgudkeyga Alle baa ii haya. Ma ahi mid eryaya kuwa (Xaqa) rumeeyey. Hubaal waxay la kulmi Rabbigood, Waxaanse arkaa inaad tihiin qolo ka jaahil ah (Weynida Alle iyo Waxdaaniyadiisa)."},{"id":30,"translation":"30. Tolkayow! Yaa iiga gargaari oo iga celin Alle (Cadaabkiisa), haddaan eryo? Ee miyeydaan waansameyn?"},{"id":31,"translation":"31. Idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Alle, mana ogi waxaan muuqan ee qarsoon; idinma odhanayo waxaan ahay Malag, idinmana odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu Alle ma siinayo wax khayr ah. Alle baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddaan sidaa yeelo markaas waxaan xaqiiq noqon mid ku gardarrooday."},{"id":32,"translation":"32. Waxay yidhaahdeen: Nuuxow! Waad nala doodday oo aad badisay la doodistayada, ee noo keen waxaad noogu gooddineyso (oo cadaab ah), haddaad run sheegayso."},{"id":33,"translation":"33.Wuxuu yidhi: Waxaa uun idiin keeni kara Alle, hadduu doono, mana baxsan kartaan."},{"id":34,"translation":"34. Waxna idiinma tarto waanadeyda, haddaan doono inaan idin waaniyo, hadduu Alle rabo inuu idin lumiyo. Waa Isaga Rabbiigiin! Xaggiisaana la idiin soo celin."},{"id":35,"translation":"35.Mise waxay leeyihiin wuu been abuurtay 'Qur’aanka'? Dheh: Haddaan been abuurtay, denbigayga aniguu i saaran yahay, aniguna barii baan ka ahay waxaad dambaabtaan."},{"id":36,"translation":"36. Waxaa loo waxyooday Nuux inaysan ku rumeyneyn qolodaada wixii horay u rumeeyay maahee. Ee ha ka xumaan waxay falaan."},{"id":37,"translation":"37. Oo ku samee Doonni Indhahayaga hor- tooda iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, hana igala hadlin arrinka kuwa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala; waa la harqine."},{"id":38,"translation":"38. Wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonnida, mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku jeesjeesayeen. Wuxuu yidhi: Haddaad nagu jees jeestaan, innaguna waa idinku jeesjeesi sidaad u jeesjeesaysaan."},{"id":39,"translation":"39. Waadna ogaan doontaan cidduu u yimaado cadaab dulleeya, kuna dego cadaab joogto ah."},{"id":40,"translation":"40. Jeer markuu Amarkayagii yimid [10] oo tinnaarkii biyo burqaday, Waxaanu nidhi: Ku qaad doonnida labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu Qowlka horey ugu maray 'in la halligayo' [11], iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey. mana ay la rumeyn (Xaqa) in yar ma’ahee.","footnotes":"[10]. Calaamad ahaan ku socoto Nuux oo wargelin ah soo dhowaanshaha daadka. Tannuur waa tiinnaar ballaaran, foorno afar gees ah. Kelmedda Tannuur waxaa loola jeedi karaa sidoo kale dhulka meelahiisa toggagga ah hoose iyo ilaha.\n[11]. Waa xaaskii Nuux iyo wiilkiisa Kancaan, waxaana badbaaday Saam, Xaam iyo Jabiit."},{"id":41,"translation":"41.(Nuux) wuxuu yidhi: Ku kora (doonnida) Magaca Alle, oo ay ku socon kuna joogsan. Hubaal, Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":42,"translation":"42. Way la socotay (doonnidii) hirar dhexood buuro oo kale ah, wuxuuna Nuux u dhawaaqay wiilkiisii [12], wuxuuna joogay meel ka gaar ah: Maandhow! Nala soo kor doonnida, hana noqon la jirka gaalada.","footnotes":"[12]. Magaca wiilkaa Nuux ee gaalka ahaa waa Kancaan, wiilashiisa mu’miniinta ahse waxay kala ahaayeen: Saam, Xaam, iyo Jabiith."},{"id":43,"translation":"43. Wuxuu yidhi: Waxaan magan gali buur iga dhawrta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi maanta Amarka Alle cid uu u Naxariisto maahee. Waxaana kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la harqiyey."},{"id":44,"translation":"44. Waxaa la yidhi: Dhulkoow, liq biyahaaga, oo daruurtay qaad (jooji), biyihiina waa la gudhiyey, amarkii (Allena) hirgalay [13]. (Doonidiina) waxay dul degtay Al-Juudi [14], waxaana la yidhi: Ha fogaadeen qoloda daalimiinta ah.","footnotes":"[13]. Alle wuu oofiyey gooddigiisa inuu halligi doono gaalada, kuwaasoo diiday Dhambaalkii Nuux c.s., oo ku adkeystey shirkiga iyo macaasida, wuxuuna Alle xafiday oo badbaadshay mu’miniinta.\n[14]. Buurta Juudi ee ku taal Armiiniya oo Koonfur ka xigta Turkiya xuduudda Mesopatmia."},{"id":45,"translation":"45. Wuxuuna Nuux u dhawaaqay Rabbigiis oo yidhi: Rabbiyow! Wiilkaygu wuxuu ka mid yahay ehelkayga, ballan qaadkaaguna waa Xaq, Waxaadna Adigu tahay Kan ugu caadilsan inta wax xukunta."},{"id":46,"translation":"46. (Alle) wuxuu yidhi: Nuuxow! Wiilku ka mid ma aha ehelkaaga ; waa camal xun yahay, ee ha i weydiisan waxaad u lahayn cilmi. Waxaan kaa waanin inaad ka mid noqoto jaahiliinta."},{"id":47,"translation":"47. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Haddaadan ii denbi dhaafin oo ii naxariisan, waxaan ka mid noqon kuwa khasaaray."},{"id":48,"translation":"48. Waxaa la yidhi Nuuxow! Ku deg Nabad galyo Xaggayaga ah iyo barakooyin korkaaga iyo korkooda ummado ka mid ah kuwa kula jira (waa mu'miniinta, waxaase jiri doona) ummado (kale oo gaalo ah) aan u raaxeyn (in xoogaa muddo ah), kaddib waxaa ka taaban doona Xaggayaga cadaab xanuun badan (Aakhirada)."},{"id":49,"translation":"49. Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno (Nabiyow), ma aad ogeyn adiga iyo qoonkaaguba kani (Qur’aanka) ka hor. Ee samir. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa dhowrsoon."},{"id":50,"translation":"50. (Qoladii) Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal."},{"id":51,"translation":"51. Tolkayow! idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah (Dhambaalka Alle), abaal gudkeyga wuxuu saaran yahay oo keliya Kan i abuuray (Alle). Ee ma waydaan haddaba wax fahmeyn?"},{"id":52,"translation":"52. Tolkayow! Weydiista denbi dhaaf (Alle) Rabbigiin una tawbad keena, Wuxuu idiin soo dirayaa daruuro shubaya roob badan oo darar ah, idiinkuna darayaa xoog xooggiinna, hana jeesannina idinkoo denbiilayaal ah."},{"id":53,"translation":"53. Waxay yidhaahdeen: Huudow! Noolama aad imaan wax Xujo Cad ah, kagamana tagayno ilaahyadayada hadalkaaga (darti), kumana rumayneyno."},{"id":54,"translation":"54. Waxa keliya aanu leennahay waa in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen xumaan (dhibaato). Wuxuu yidhi: Waxaan marag gashanayaa Alle, idinkuna ka ahaada marag inaan Anigu barii ka ahay waxaad wax la wadaajisaan."},{"id":55,"translation":"55. Ee Isaga (Alle) ka soo haray. Ee ii tab dhigta idinkoo isu dhan, hana i siinnina wax fursad ah."},{"id":56,"translation":"56. Anigu waxaan xaqiiq tala saartay Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiinba, ma jiro (noole) jooga (dhulka) oo uusan heyn foodda. Hubaal, Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan (umuurahiisa oo dhan)."},{"id":57,"translation":"57. Haddaad jeesataan waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii la iigu soo kiin dhiibay. Wuxuuna Rabbigay keeni qolo kale halkiinna, waxnana kama dhimi kartaan. Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa."},{"id":58,"translation":"58. Markuu yimid Amarkayaga, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana ka badbaadinnay Cadaab Adag."},{"id":59,"translation":"59. Taasi waa Caad. Waxay dafireen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisa, waxayna raaceen amarka macangag kasta oo madax adag."},{"id":60,"translation":"60. Waxaana la raaciyey Nacalad adduunyadan iyo Maalinta Qiyaamahaba. Ogaada, hubaal, Caad waxay beeniyeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Caad, qolodii Huud."},{"id":61,"translation":"61. Thammudna (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya [15], ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista Alle denbi dhaaf, una tawbad keena. (Alle) Rabbigay wuu Dhow yahay Ajiibaa (baryada).","footnotes":"[15]. Aadmiga waxaa loo dejiyey adduunka inuu camiro arlada oo ku caabuda Alle Keligi."},{"id":62,"translation":"62.Waxay yidhaahdeen: Saalixoow!Waxaad aheyd mid dhexdayada lagu rajo weyn yahay intaan ka hor. Ee ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay aabbayaasha- yo caabudayeen? Innagu waxaan ka qabnaa shaki yaab leh waxaa aad noogu yeedhi (ee ah Towxiidka Islaamka)."},{"id":63,"translation":"63. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama haddaan ka heysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, cilmi) Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah, yaa iiga gargaari (cadaabka) Alle, Haddaan ku caasiyo? Iimana kordhineysaan waxaan aheyn khasaaro."},{"id":64,"translation":"64. Tolkayow! Tani waa Hashii Alle, oo idiin ah calaamad, ee iska daaya ha daaqdo arlada Alle, hana u gaysannina wax xumaan ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab dhow."},{"id":65,"translation":"65. Wayse boqna gooyeen hashii 'oo gowraceen' [16], markaasuu wuxuu yidhi: Ku raaxeysta degaankiinna saddex maalmood Kaasi waa wacad run ah aan la beeninayn.","footnotes":"[16]. Dilkooda hasha wuxuu ahaa xadgudub weyn iyo ku dhiirrasho wuxuu ka reebay Nabigoodii Saalix, sidaas awgeed buu Alle u xukumay inuu cadaabo isagoo ku xaddiday cumrigooda oo keliya seddex maalmood, wuxuuna amray inay sahay qaataan oo raaxeystaan seddex maalmood ku digasho ahaan."},{"id":66,"translation":"66. Markuu u yimid Amarkayaga, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii rumeysey naxariis ka ahaatay Xaggayaga (oo ka bad- baadinnay) dulligii Maalintaas. Hubaal Rabbigaa, waa Awood Badanaha, Adkaadaha sare ah."},{"id":67,"translation":"67. Qeylo weyn (qarax daran) baana qabtay [17] kuwii dulmiga 'shirkiga' falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u yaal guryahooda.","footnotes":"[17]. Waxaa durba lagu ciqaabay qarax aad weyn ee ka yimid xagga samada oo mar gilgilay oo cidhib tiray sida inaysanba horay u jirin."},{"id":68,"translation":"68. Sidii inaysan weligoodba ku dhex negaan halkaa.Thamuud waxay ku gaaloobeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Thamuud (qoonkii Saalix)."},{"id":69,"translation":"69. Rusushayadii (malaa'igta ahayd) waxay ula yimaadeen Ibraahiim war bishaaro ah [18]. Waxay yidhaadeen: Salaam (nabad ahow). Wuxuu ku jawaabay, Salaam (nabad ahaada) wax yar kaddibna wuxuu sooryo ugu keenay weyl shiilan.","footnotes":"[18]. Dhalashda Isxaaq ama halaagga qowmu Luud."},{"id":70,"translation":"70. Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda [19]. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, waxaa naloo soo diray reer Luud.","footnotes":"[19]. Caado ahaan, hadduu qofka martida ah diido in la sooro oo wax cuno, macnaheedu waxaa weeye wuxuu damacsan yahay xumaan xagga martigeliyahiisa ama la doonayaa dhibaato."},{"id":71,"translation":"71.Marwadiisuna (Saarah) waxay taagnayd (halkaa), markaasay qososhay [20], waxaana ugu bushaareynay Isxaaq, gadaashina (wiil wiilki) Yacquub.","footnotes":"[20]. Ku farxid warka san ee ku imaanshaha ciqaab dadka xun ee beeniyey Nabi Luud ayna u dheer yihiin falal kale oo aad u xun. Daxikat waxaa lagu fasiray oo kale waxay heshay dhiiggii caadada iyadoo duqowday."},{"id":72,"translation":"72. Waxay tidhi: Waa la yaabe! Miyaan dhali anigoo habar duqowday ah, ninkayguna yahay oday gaboobay? Arrinkani waa wax la yaab leh."},{"id":73,"translation":"73. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabi Amarka Alle? Naxariista Alle iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadeen reer (Ibraahiimow). Hubaal, Alle Waa Ammaanle la Mahdiyo, Sharaf Badan."},{"id":74,"translation":"74. Markay baqdintii ka tagtay Ibraahiim, oo u timid bishaaradu, wuxuu billaabay inuu nagala doodo arrinta qolodii Luud."},{"id":75,"translation":"75. Hubaal Ibraahiim waa dulbadane, qalbi jilicsan [21], tawbad keen badan.","footnotes":"[21]. Taah iyo oohin badan markuu Alle baryayo, u murugood badan dadka, aad uga cabsada Alle."},{"id":76,"translation":"76. Ibraahiimow! Iska daa warkani. Waxaa yimid Amarka Rabbigaa. Iyagana waxaa u iman cadaab aan dib loo celineyn."},{"id":77,"translation":"77. Markay Rusushayadii 'malaa'igta ahayd' u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray [22] wuuna la cidhiidhyamay, wuxuuna yidhi: Kani waa Maalin daran.","footnotes":"[22]. Wuxuu dareemay Nabi Luud welwel iyo walbahaar markay yimaadeen Rusushaa Alle (ee malaa’igta aheyd), waayo waxay ku yimadeen qaab iyo muuqaal niman dhallinyaro ahoo qurux badan, waxayna jeclaayeen qoonkii Luud dhallinyarada sidaa u qurxoon oo ku sameyn jireen falxumo. Markaasuu Luud ka welwelay taasi oo dareemay inuusan awoodin inuu difaaco hadday ku soo xadgudbaan qoomkiisa nimankaa dhallinyarada ah. Nabi Luud wuxuu u cabsaday bed qabidda iyo sharafta martidiisa."},{"id":78,"translation":"78. Tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun [23]. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii [24], iyagaa idiinka daahirsan ee Alle ka cabsada oo ha igu ceebeynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan?","footnotes":"[23]. Waa tilmaan dhaqankooda xumaa ee ahaa fuulidda ragga (khaniisnimada).\n[24]. Wuxuu ula jeedaa dumarka qoonkiisa ee guur doonka ah."},{"id":79,"translation":"79. Waxay yidhaahdeen: Waad ogtahay inaanaan ku laheyn wax xaq ah gabdha- \n haaga, waadna og tahay waxaanu rabno."},{"id":80,"translation":"80. Wuxuu yidhi: Hahe! Ma aan lahaado xoog aan idinku caabbiyo, ama meel aan u ciirsadoo tiir adag leh."},{"id":81,"translation":"81. Waxay yidhaahdeen: Luudoow! Waxaanu innagu nahay Rusushii Rabbigaa! Waxnana kuma gaarsiin karaan, ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo yuusan midkiinna dib u soo jeesan marwadaada maahee, waxaa ku dhici, waxa ku dhici iyaga, ballankooduna waa subaxa, miyuusan subaxu dhoweyn?"},{"id":82,"translation":"82. Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan u rognay af gambi oo korkoodii hoos marin- nay, Waxaana roob kaga dhignay dhagxayo dhoobo shidan ah oo is daba jooga."},{"id":83,"translation":"83. Laga soo calaamadiyey (ciqaab darteed) Rabbigaa agti, mana aha wax ka fog daalimiinta (gar ma qaatayaasha)."},{"id":84,"translation":"84. Madyanna (Waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya, ma lihidin Ilaah kale ( oo xaq ah) aan aheyn Isaga, hana dhimina beegga iyo miisaanka, waxaan idinku arkaa khayre (maal); oo hubaal waxaan idiinka cabsan Cadaab Maalin wax koobeysa."},{"id":85,"translation":"85. Tolkayow! Oofiya beegga iyo miisaanka si caddaalad ah, ha ka duudsinnina dadka waxyaalahooda, hana ku bi'inninana dhulka fasaadkaad faleysaan."},{"id":86,"translation":"86. Waxa ku baaqiga ah Alle agtiisa ayaa idiin roon haddaad tihiin mu’miniin, oo anigu idiin ma ahi kormeere."},{"id":87,"translation":"87. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudaan aabbayaashayo, ama inaanu ku falno maalkayaga waxaan doonno? Adigu uun waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah [25].","footnotes":"[25]. Qowlkoodaasi waa ku digasho iyo ku jeesjees Nabi Shucayb c.s Waana sifad loola jeeda si taasi ka duwan oo caksigeeda ah."},{"id":88,"translation":"88.Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka heysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun iyo cilmi) xagga Rabbigay, ina siiyey (Nabinnimo) iyo risiq (xalaal ah) wanaagsan oo Xaggiisa ah. Oo aanan doonayna inaan idiin daba maro falidda waxaan idinka reebo. Ma doonayo waxaan wax wanaajin ahayn intaan karo. Mana jiro waxaan Alle ahaynoo i waafajin kara talada toosan. Isagaan tala saartaa, Xaggiisaana ula noqdaa (tawbad)."},{"id":89,"translation":"89. Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan denbi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, qolodii Luudna ma aha wax idinka fog."},{"id":90,"translation":"90. Ee weydiista denbi dhaaf Rabbigiin una tawbad keena. Rabbigay waa Naxariis Badane, Jecel (ciddii tawbad keenta)."},{"id":91,"translation":"91. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxaad leedahay ah, waxaana kuu aragnaa mid daciif ah dhexdayada. Haddaannu kugu xaq dhowreyn tolkaa dhagax tuur baan kugu dili lahayn, mana tihid adigu mid nagu leh ciso iyo sharaf dhexdeenna."},{"id":92,"translation":"92. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma reerkaan ka dhashay baa idin kala darajo roonaaday Alle? Oo ka yeelataan sida waxaad tuurtaan dhabarkiinna gadaashiis; hubaal Rabbigay waa koobaa waxa aad fashaan."},{"id":93,"translation":"93. Tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, aniguna sidoo kale waan camal falanayaa. Waad ogaan doontaan waa kee kan ay ku iman cadaab dulleysa, waana kee kaasi ah beenale, oo dhowra, aniguna sidoo kale waan idinla dhowri (sugayaa natiijada iyo waxa idinku dhaca)."},{"id":94,"translation":"94. Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumeysey Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha) falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u dhex yaal guryahooda [26].","footnotes":"[26] Ummadahaasoo dhan waa la rogay."},{"id":95,"translation":"95. Sidii inayan weligoodba ku noolaan halkaa. Ee ha fogaadeen Madyan siday u fogaadeenba Thamuud."},{"id":96,"translation":"96. Waxaana dhab ahaan la soo dirnay Muuse Aayadahayagii iyo Xujo Cad."},{"id":97,"translation":"97. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoon ma aheyn mid toosan."},{"id":98,"translation":"98. Wuxuu hor kici tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni hoos xagga Naarta, xumaa halka la keenayo."},{"id":99,"translation":"99. Waxaana lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda iyo Maalinta Qiyaamaha [27], xumaa waxa loo kordhin (oo Cadho Alle iyo Cadaab ah).","footnotes":"[27]. Waa lacnad ku raaceysa adduun iyo aakhiro labada daaroodba."},{"id":100,"translation":"100. Arrinkani waa warkii (aayihii) magaalooyinka aan kaaga qisoonno (Nabiyow); waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay."},{"id":101,"translation":"101. Oo ma aanu dulmiyin, iyagaase dulmiyey nafahooda. Waxna uma tarin ilaahyadoodii Alle sokadi ay baryi (caabudi) jireen, markuu yimid Amarka Rabbigaa, umana ay kordhin waxaan aheyn baabbba’."},{"id":102,"translation":"102. Waa sidaasna qabashada Rabbigaa markuu qabto magaalooyinka iyagoo dulmi fali, hubaal, Qabashadiisu waa mid xanuun badan oo daran."},{"id":103,"translation":"103. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamad ciddii ka cabsan Cadaabka Aakhirada, kani waa Maalin dadka la soo kulmin iyagoo dhan, waana Maalin goob joog la ahaan."},{"id":104,"translation":"104. Uma dib dhignona waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey."},{"id":105,"translation":"105. Maalintay iman, nafna ma hadleyso Idankiisa la’aanti, markaasi waxaa ka mid ahaan kuwo xun oo khasaaray iyo (kuwo) liibaanay."},{"id":106,"translation":"106. Ma kuwa hoogay waxay ku sugnaan Naar; waxay ku leeyihiin dhexdeeda cartan iyo hiinraag [28].","footnotes":"[28]. Hiinbaxa iyo hiinraaggooda oo u eg cida dameerka."},{"id":107,"translation":"107. Iyagoo ku waari dhexdeeda intay jiraan samooyinka iyo arladu, wuxuu Rabbigaa doono maahee [29]. hubaal, Rabbigaa waa falaha wuxuu doono.","footnotes":"[29]. Macnahu wuxuu u dhacayaa inay gaaladu ku waari doonaan Naarta abadkood, halka muslimiinta caasiyaasha ah laga soo saari doono Naarta marka laga gooyo waxay denbi galeen. Aakhirana waxaa jira samo iyo arlo ku gaar ah oo ka duwan samooyinka iyo arlada adduunkan."},{"id":108,"translation":"108. Kuwase liibaanay ee farxaddu u ahaatay, waxay ku sugnaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya intay jiraan samooyinka iyo arlada, wuxuu Rabbigaa doono ma’ahee, waa deeq aan go’eyn oo daa'in ah."},{"id":109,"translation":"109. Ee ha ka Shakin (xumaanta) waxay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood kal hore, oo hubaal waanu u oofin si dhan saamigooda (Cadaabka) oo aan waxba laga dhimeyn."},{"id":110,"translation":"110. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waase la isku khilaafay, haddaysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa; waa la kala xukumin lahaa dhexdooda, waxaana iyaga kaga jira shaki daran walaac leh (Qur’aanka)."},{"id":111,"translation":"111. Oo dhammaan wuu u oofin Rabbigaa camalladooda si dhan. Hubaal waxay camal falaan Waa u Xog Ogaal."},{"id":112,"translation":"112.Ee hay kuna sugnow dhabbaha toosan (ee Islaamka) sida lagu amrayba, (adiga) iyo kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Alle ee tawbad keenay), hana xadgudbina. Hubaal, Alle wuu arkaa Waxaad camal fashaan."},{"id":113,"translation":"113.Ha ka raalli noqonnina oo ha u iliinana kuwa dulmiga (shirkiga iyo xumaha) fala, si ayan Naari idin taaban, oo ma lihidin Alle sokadi awliyo, laydiinna gargaari maayo."},{"id":114,"translation":"114. Oog salaaddana labada dacal ee maalinta iyo saacado ka mid ah habeenka. Hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun [30], arrinkani waa u waano kuwa waana qaata [31].","footnotes":"[30]. Mar baa nin wuxuu dhunkaday haweeney ajanabi ka ah. Markaasuu u yimid Nabiga s.c.w. oo u sheegay. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan: «Oog salaadda labada dacal ee maalinta, iyo saacado ka mid ah habeenka, xaqiiq, xasanaadka (camallada wanaagsan halkan waxaa loola jeedaa shanta salaadood ee faralka ah) waxay tirtiraan oo meesha ka saaraan falalka xun ( denbiyada yar yar)». (Q 11:114) Ninkii wuxuu weydiiyey Rasuulkii Alle s.c.w.: Ma aniga oo keliya baa tani iska leh? Nabigu s..c.w wuxuu yidhi: Waxaa leh ummadeyda intii I raacday oo idil. (W.w. Al-Bukhaari)\n[31]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle Ka cabso meel kastoo aad joogtid, oo raaci xumaanta samaan kaa tirtirta, oo kula soco dadka dabeecad wanaagsan. W.w.At-Tirmidi"},{"id":115,"translation":"115. Oo samir yeelo; hubaal, Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha."},{"id":116,"translation":"116. Maxaase looga dhex waayey qaaruumihii idinka horreeyay, dad leh garasho, oo ka reeba Fasahaadka dhulka dhexdiisa wax yar mooyee oo ka mid ahaa kuwii aan ka badbaaddinnay dhexdooda? Kuwiina dulmiga falay waxay daba galeen wixii loogu raaxeeyey, waxayna ahaayeen denbiilayaal."},{"id":117,"translation":"117. Rabbigaa uma halaago magaaloo- yinka dulmi iyagoo ay dadkoodu wanaagga is faraan (xumahana iska reebaan)."},{"id":118,"translation":"118. Hadduu doono Rabbigaa, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, mase dayn doonan inay iskhilaafaan."},{"id":119,"translation":"119. Mid uu Rabbigaa u Naxariisto maahee, arrinkani (towxiidka) awgi buuna Alle u abuuray. Wayna taam noqon Kelmedda Rabbigaa oo ah: \"Waxaan ka buuxin Jahannama jinka iyo dadkoo dhammi (igu caasiya)\"."},{"id":120,"translation":"120. Dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Waxaana kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta."},{"id":121,"translation":"121. Ku dheh kuwa aan (Xaqa) rumaynin: U camal fasha sidiinnaas dowga idinla ah, innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa."},{"id":122,"translation":"122. Oo suga (cidhibta arrinkiinna), innaguna (sidoo kale) waanu sugaynaa."},{"id":123,"translation":"123. Alle baa iska leh waxa aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isagoo Keliya (adigoon waxba u shariig yeelin); oo tala saaro. Rabbigaa ma aha mid moog waxaad falaysaan."}]},{"id":12,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif Laam Raa [1].\nKuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) cad.","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuraddda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Annaga (Alle ah) baa xaqiiq soo dejinnay Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan [2].","footnotes":"[2]. Allaah Qur’aanka wuxuu ku soo dejiyey afka u sharaf badan afafka, af Carabi, Nabiga ugu sharaf badan anbiyada,Nabi Muxammad, waxaa ka soo gaaarsiiyey xagga Alle Malagga ugu sharaf badan malaa’igta, malag Jabriil, meesha ugu sharaf badan meelaha waa lagu soo dejiyey (Makkah), bisha ugu sharaf badan bilahana (bisha Ramadaan) waa la soo dejiyey, waana Kitaabka u sharaf badan Kutubta uu soo dejiyey Alle. Sidaasuu dhan walba kaamil uga yahay Qur’aanku."},{"id":3,"translation":"3. Annaga ayaa kaaga qisoon qisooyinka midda u wanaagsan, ee aanu kuugu waxyoonno Qur'aankan, inkastoo ka hor, aad ka mid aheyd kuwaan u war heyn."},{"id":4,"translation":"4. Markuu Yuusuf ku yidhi aabbihii: \"Aabbow! Waxaan arkay kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan."},{"id":5,"translation":"5. (Yacquub) wuxuu yidhi: Maandhow! Ha uga qisoon riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow cad."},{"id":6,"translation":"6. Sidaasuu kuu dooran Rabbigaa oo kuu bari fasirka 'riyooyinka iyo' dhacdooyinka, kuuna dhammeystiri Nicmaddiisa adiga iyo reer Yacquubba, siduu ugu dhammeystiray horey aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigaa waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah (odhaah iyo fal san)."},{"id":7,"translation":"7. Xaqiiq Yuusuf iyo walaalihi, waxaa ugu sugan calaamooyin (waano) kuwa weydiin."},{"id":8,"translation":"8. Markay yidhaahdeen: Yuusuf iyo walaalki [3] buu naga jecel yahay aabbaheen innagoo koox ah (toban rag ah). Hubaal aabbaheen wuu gefsan yahay.","footnotes":"[3]. Binyaamiin, oo ay isku hooyo ahaayeen Yuusuf c.s."},{"id":9,"translation":"9. Dila Yuusuf ama ku tuura alro (uun), si uu idiinku gaar noqdo Wejiga aabbahiin, oo taasi ka dambow aad ahaataan dad wanaagsan."},{"id":10,"translation":"10. Hadlaa ka mid ah (Judah) baa wuxuu yidhi: Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, ha qaateen qaar safar ahe, haddaad wax falaysaan."},{"id":11,"translation":"11. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaad noogu aamini la'dahay Yusuuf? Innagoo daacad u ah, wanaag la jecel."},{"id":12,"translation":"12. Nala dir berri si uu u miro cuno oo u cayaaro, innagaana ilaalin oo gaar ka heyn."},{"id":13,"translation":"13. (Yacquub) wuxuu yidhi: \"Waxaa i walbahaarin inaad la tagtaan, waxaana ka cabsan inay yey cunto idinkoo mooggan\"."},{"id":14,"translation":"14. Waxay yidhaahdeen: 'Hadday yey cunto innagoo waliba koox ah, markaa hubaal, waa inaanu nahay kuwo khasaaray\"."},{"id":15,"translation":"15. Markay la tageen oo ay ku heeshiiyeen iyagoo dhammi inay dhigaan gunta ceel salki. Waxaan (Yuusuf) u waxyoonnay: 'Waxaad (maalin uun) u sheegi doontaa arrinkani iyagoo aan ku baraarugsaneyn\"."},{"id":16,"translation":"16. Waxayna u yimaadeen aabbahood habeen goor fiid ah iyagoo ooyaya."},{"id":17,"translation":"17. Waxay yidhaahdeen: \"Aabbow! Waanu tagnay inaan tartanno, waxaana ku dhaafnay Yuusuf Alaabtayada agteed, markaasay yey cuntay adiguse nama ru- maysanaysid walow aan run sheegayno\"."},{"id":18,"translation":"18. Waxayna keeneen shaarkiisii oo leh dhiig been ah [4]. (Yacquub) wuxuu yidhi: \"Mayee, nafahiinnaa idiin qirxisay arrin. Samirkaase wanaagsan. Allena waa Kan laga kaalmeysto waxaad tilmaameysaan\".","footnotes":"[4]. Waxay ku bi’iyeen shaarkii Yuusuf dhiiggii ri’dii ay qasheen, waxayse hilmaameen inay jeexjeexaan shaarka, sidaasoo ay ku shaki geliyeen aabbahood."},{"id":19,"translation":"19. Waxaa yimid socoto, waxayna direen biyo dhaamiyahoodii, oo hoos (ceelka) ugu sii daayey wadaantiisii. Wuxuu yidhi: \"Waa bishaaree! kani waa wiil yar\"; wayna qarsadeen badeeco ahaan. Alle wuu Ogaa waxay fali."},{"id":20,"translation":"20. Waxayna siisteen qiimo yar - dhowr qadaadiic oo fiddo ah, waxayna ahaayeen kuwo aan u heyn wax rabitaan ah."},{"id":21,"translation":"21. Kii gatay oo reer Masar ahaa [5] wuxuu ku yidhi marwadiisii: Wanaaji oo ka yeel meel sharaf leh hoygiisa, waa intaasuu na anfaco ama ka dhiganno wiil. Sidaasaan ugu awood siinnay Yuusuf arlada (Masar), iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka). Allaana adag xagga arrinkiisa, dadku badankiisuse ma oga.","footnotes":"[5]. Nin reer Masar ah oo wasiirka koowaad ah ayaa iibsaday Yuusuf addoon ahaan, magaca wasiirkaa sida caanka waa Qadfiir (ama Potiphar) oo loogu yeero darajo ahaan Al-Caziiz. Kutubta tafsiirka qaarkood waxay ku sheegaan magaca xaaskiisa “Raayil” qaar kalena Zuleekha, ama zuleyka waase werinno aan sugneyn."},{"id":22,"translation":"22. Markuu tabar galay (Yuusuf), waxaan siinnay fahmo iyo cilmi, sidaasaana ku abaal marinnaa sama falayaasha."},{"id":23,"translation":"23. Waxaa doontay tii uu gurigeedii joogay inay u soo jiiddo xumaan (zino), waxayna xidhay albaabbadii oo tidhi: Ii kaalay, Wuxuu yidhi: \"Allaan ka magan galay (zino iyo khiyaano). Hubaal Rabbigay wuu wanaajiyey hoygeyga. Mana liibaanaan daalimiintu.\""},{"id":24,"translation":"24. Way ku hammiday (doontay inay u soo jiiddo falka xunee zinada), isaguna wuu u liici lahaa [6], hadduusan arki lahayn Xujada cad ee Rabbigi. Sidaas (waxay ahayd) si aan uga duwno xumaanta, zinada 'iyo khiyaanada'. Hubaal wuxuu ka mid yahay addoomahayaga daacadda ah.","footnotes":"[6]. Aayaddani ma muujineyso oo lagama qaadanayo in Yuusuf c.s. ku hammiyey inuu xume la falo haweentan, waxaana shaki ku jirin inuu Alle yahay Kan ka dhowray oo ka fogeeyey xumaha."},{"id":25,"translation":"25. Waxay labaduba u orotameen albaabka, oo ka jeexday shaarkiisa xagga dambe (isagoo ka cararaya denbi), waxayna kula kulmeen ninkeedii albaabka. Waxay tidhi: \"Muxuu yahay ciqaabka kan la doona xumaan xaaskaaga, aan aheyn in la xabbiso ama cadaab xanuun badan?\""},{"id":26,"translation":"26. Wuxuu yidhi: Iyadaa doontay inay ii soo jiiddo xumaan (zino); oo markhaati ka mid ah ehelkeeda baa ka marag kacay: Haddii shaarkiisa laga jeexay dhinaca hore, run bay sheegeysaa, isaguna been buu sheegi."},{"id":27,"translation":"27. Haddiise shaarkiisa laga jeexay dhinaca dambe, been bay sheegeysaa, isaguna run buu sheegi."},{"id":28,"translation":"28. Markuu arkay shaarkiisa oo ka jeexan gadaal, wuxuu yidhi: \"Taasi waa dhagartiinna, dhagartiinnu way weyn tahay (haweenkow).\""},{"id":29,"translation":"29. Yuusufow! Iskaga jeedso waxakan [7] oo (xaaskaygaay) u weydiiso cafis denbigaaga. Waxaad ka mid tahay kuwa gafaye.","footnotes":"[7]. Waa qari arrinkan oo ka soo qaad waxaan dhicin."},{"id":30,"translation":"30. Haween ku sugan magaalada waxay yidhaahdeen: \"Marwadii wasiirka waxay dooneysaa inay u soo jiiddo xumaan wiilka yar ee addoonkeeda ah, jaceylkiisaa qalbiga ka galay, waxaan u aragnaa inay ku sugan tahay gef muuqda.\""},{"id":31,"translation":"31. Markay maqashay xantoodii bay u cid dirtay oo u diyaarisay fadhi (marti qaad); waxayna siisay mid walba oo ka mid ah middi, oo (ku) tidhi (Yuusuf): U soo bax. Markaasay markay arkeen ku dhaygageen, (weyneyn darteed) oo iska sareen gacmahoodii (iyagoo la cajabsan quruxdiisa) oo yidhaahdeen: \"Alle baa ka hufan 'xumaan' [8] Kani maba aha qof caadi ah! Kani ma aha waxaan aheyn malag sharaf leh.\"","footnotes":"[8]. Alle ee awood u leh inuu abuuro quruxdan oo kale."},{"id":32,"translation":"32. Waxay tidhi: \"Kani waa midkaad igu eedayseen, anigaana doonay naftiisa, wuuse is dhowray, hadduusanna falin waxaan amrayo, wallee waa la xabbisi, wuxuuna ka mid noqon kuwa la liido.\""},{"id":33,"translation":"33. (Yuusuf) wuxuu yidhi: \"Rabbiyow! Xabbiskaan ka jeclahay waxay iigu yeedhi (oo xume ah). Haddaadan iga weecin dhagartooda, waan u iilan oo ka mid noqon jaahiliinta.\""},{"id":34,"translation":"34. Markaasuu Rabbigi ka aqbalay baryadiisa oo ka weeciyey dhagartooda, hubaal (Alle) waa Wax kasta Maqlaha, Wax kasta Ogsoonaha ah."},{"id":35,"translation":"35. Dabeeto waxaa u muuqday kaddib markay arkeen caddeymaha [9] inay xidhaan ilaa muddo [10].","footnotes":"[9]. Caddeymaha muujinaya inuusan denbi lahayn. \n[10]. Ilaa fadeexadaa la illaabo."},{"id":36,"translation":"36. Waxaa la galay xabsiga labo nin oo dhallinyaro ah, midkood baa wuxuu yidhi: \"Waxaan is arkay anigoo miiraya khamro.\" Kii kalena wuxuu yidhi: \"Aniguna waxaan is arkay anigoo ku sida madaxeyaga korkiisa kibis ay shimbiruhu wax ka cunayeen.\" Noo sheeg fasirkeeda. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha."},{"id":37,"translation":"37. Wuxuu yidhi: \"Ma jirto cunto la idin siin oo aanan idiin sheegi doonin fasirkeeda ka hor inta aysan idiin imaan. kani waa wax ka mid ah waxa Rabbigay i baray. Waxaan anigu iskaga tagay diinta qolo aan rumaysnayn Alle oo ah kuwa beeniya Aakhirada."},{"id":38,"translation":"38. Waxaana raacay (Islaamka) diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan la wadaajinno Alle cibaadada waxna waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Alle noo galay innaga iyo dadkaba, dadka badankiisuse kuma mahdiyaan 'Alle'."},{"id":39,"translation":"39. Labadayda saaxiib ee xabsigow! Ma rabbiyo kala duwan baa fiican mise Allaah Waaxidka, Maquuniya (daalimiinta iyo islaweynayaasha)."},{"id":40,"translation":"40. Ma caabuddaan Alle Sokadi waxaan aheyn (sanammo aad) magacyo u bixiseen idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah [11]. Xukunka ma leh cidaan aheyn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan aheyn Isaga Keligii. Arrinkani baa ah diinta toosan, dadka badankiisuse ma oga.","footnotes":"[11]. Waxyaalaha baadilka ah ee la caabudo aad ku magacowdeen ilaahyo."},{"id":41,"translation":"41. Labadayda Saaxiib ee xabsigow [12]! Ma Midkiin, wuxuu u shubi mudanahiisa khamri uu cabbo, ma kan kale, waa la deldeli, markaas shimbiruhu waxay wax ka cuni madaxiisa. Arrinka waa la xukumay la xidhiidha waxaad iga wareysateen.\"","footnotes":"[12]. Waxaa la sheegay inay dhallinyaradaa ahaayeen labo khaadum oo u shaqeeya boqorka, midkood wuxuu u qaddimi jirey sharaab boqorka, kan kalena wuxuu u sameyn jirey roodhiga."},{"id":42,"translation":"42. Wuxuuna ku yidhi midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo: \"Igu xus mudanahaaga agtiisa\"; ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyey inuu u xuso mudanahiis, markaasuu ku sii jiray (Yuusuf) xabsiga dhowr sannadood."},{"id":43,"translation":"43. Boqorkii wuxuu yidhi: \"Waxaan arkay toddoba sac oo buur-buuran, oo ay toddobo caato ah cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan, iyo (toddobo) kale oo qallalan. ee mudanayaalow! Ii caddeeya fasirka riyadayda, haddaad fasiri kartaan riyooyinka.\""},{"id":44,"translation":"44. Waxay yidhaahdeen: \"Waa riyooyin qarow isku qasan ah, innaguna ma naqaanno fasirka riyooyinka.\""},{"id":45,"translation":"45. Mid ka mid ah labadii (maxbuus) kii badbaaday oo xusuustay (Yuusuf) muddo dheer kaddib baa yidhi: \"Anigaa idiin sheegi fasirka riyadaase ee i dira.\""},{"id":46,"translation":"46. Yuusuf, run badanow! Noo caddee fasirka riyada ah toddoba sac oo buur-buuran oo ay toddobo caato ahi cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan iyo (toddobo) kale oo qallalan si aan ugu laabto dadka si ay u ogaadaan."},{"id":47,"translation":"47. (Yuusuf) wuxuu yidhi: \"Waxaad wax beeran toddobo sano oo xiriir ah ee waxaad goosataan u daaya sabuulkiisa wax yar maahee oo ka mid ah intaad cuni."},{"id":48,"translation":"48. Markaas waxaa imaan intaas kaddib toddobo (sannadood) oo dar-daran, oo aad cuni waxaad horay u dhigateen wax yar maahee oo ka mid ah waxaad kaydsateen."},{"id":49,"translation":"49. Markaas waxaa imaan intaas kaddib sano ay dadku heli roob oo ay dhexdi miiran doonaan (cinabyo iyo zaytuun).\""},{"id":50,"translation":"50. Boqorkii wuxuu yidhi: \"Ii keena Yuusuf.\" Markuu farriin sidihii u yimid (Yuusuf), wuxuu yidhi: \"U noqo mudanahaaga oo weydii muxuu ahaa xaalka haweenkii iska saray farahooda? Rabbigay waa og yahay dhagartooda.\""},{"id":51,"translation":"51. Wuxuu yidhi: \"Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf?\" Waxay yidhaahdeen: \"Alle baa ka hufan (ceeb oo iin lahayn)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa\" [13]. Marwadii wasiirkana waxay tidhi: \"Hataan xaqu waa cad yahay, anigaa doonay inaan u soo jiido xumaan (zino), isaguna run buu sheegi.\"","footnotes":"[13]. Waxaa la weydiiyey ra’yiga ay ka qabaan Yuusuf inay saameysay fidnadii iyo in kale oo doonistoodii ka yeelay, waxayna u sheegeen inuu ka fog yahay xumaan. Waxayna ammaaneen Alle Ee awood u leh inuu abuuro dabeecaddaas sare ee daahirka ah."},{"id":52,"translation":"52. Arrintaasna waa inuu ogaado inaanan ku khiyaanin maqnaashihii iyo inuusan Alle toosinin dhagarta khaa’iniinta."},{"id":53,"translation":"53. Ma eed tirayo nafteyda [14], naftu waa xume amarto, mid uu Rabbigay u naxariisto maahee. Hubaal Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[14]. Inkastoo ibnu Kathiir uu u nisbeeyo ereyada aayadaha 52-53 xaaskii Al- Caziiz. Mufasiriin kale waxay qabeen inuu ku hadlay ereyadaa Yuusuf, isagoo dalbayey In la baaro arrinta, oo qiraya naxariista uu Alle u galay."},{"id":54,"translation":"54. Boqorkii wuxuu yidhi: \"Ii keena Yuusuf, waxaan u gaar yeeli nafteyda (la taliyaheyga ahaan).\" Markuu la hadlayna, wuxuu yidhi: \"Waxaad ku tahay agtayada maanta sharafle, la aamino.\""},{"id":55,"translation":"55. (Yuusuf) wuxuu yidhi: \"Iiga dhig (mas’uul) khasnadaha arlada (maaliyadda iyo qorsheynta). Waxaan anigu ahay xafide aamin ah, aqoon leh.\""},{"id":56,"translation":"56. Sidaasaan ugu siinnay Yuusuf awood dhan arlada (Masar), wuxuu ku hantay maamul dhan dhexdeeda meeshuu doonoba. Waxaan ku galladeysannaa Naxariistayada ciddaan doonno, mana dayacno abaalka sama falayaasha."},{"id":57,"translation":"57. Ajarka Aakhiraana u khayr badan kuwa (Xaqa) rumeysan ee iska jira xumaha."},{"id":58,"translation":"58.Yuusuf walaalihiis baa yimid [15], markaasay u soo galeen, wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn [16].","footnotes":"[15]. Taariikhyahannada waxay sheegeen inay ka dhacday abaar daran Masar iyo nawaaxigeeda. Wuxuuna Nabi Yacquub u tilmaamay Yuusuf walaaladi inay aadaan Madyan oo la kulmaan ragga Masar u haya xilka si ay uga dalbaan raashin.\n[16]. Iyagu ma garan isbeddelka ku dhacay muuqaalkiisa darteed ee sannado soo mareen."},{"id":59,"translation":"59.Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, wuxuu yidhi: Ii keena walaal aad leedihiin oo xagga aabbihiin ah. Miyeydaan arkayn inaan bixiyo beeg dhan, iyo inaan Anigu u wanaagsnahay inta wax marti gelisa?"},{"id":60,"translation":"60. Haddaydaan ii keeninna (walaakiin), kama heleysaan beeg xaggeyga, mana ii soo dhowaaneysaan (mar kale)."},{"id":61,"translation":"61. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu ka dhaadhicin aabbihi, waana faleynaa sidaas."},{"id":62,"translation":"62. Wuxuuna, ku yidhi shaqaalahiisii: \"U dhex geliya badeecaddoodii rarkooda [17], si ay u gartaan markay u noqdaan reerkooda (oo u tixgeliyaan) si ay u soo laabtaan.\"","footnotes":"[17]. Badi mufasiriinta waxay sheegaan in badeecaddii Yuusuf walaalihi ay u keeneen inay ku beddeshaan raashinka ay aheyd hargo, xargo, iyo saandallo, iwm."},{"id":63,"translation":"63. Markay u noqdeen aabbahood, waxay yidhaahdeen: \"Aabbow! Waa naloo diiday wax beeg ah (hadda kaddib hadduuna walaalkayo Binyaamiin na raacin). Ee nagu dar walaalkayo [18], waxaanu soo heli beeg dhan, innaguna waanu ilaalin isaga.\"","footnotes":"[18].Waa Binyaamiin ee la joogay aabbihi Yacquub guriga."},{"id":64,"translation":"64. (Yacquub) wuxuu yidhi: Miyaan idinku aamini karaa waxaan ahayn sidaan idiinku aaminay walaalki (Yuusuf) awal hore. Alle baase ah Kan u Wanaagsan ilaaliye ahaan, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata."},{"id":65,"translation":"65. Markay fureen alaabtoodii waxay heleen badeecaddoodii oo loo soo ceshay [19]. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaan (kaloo) rabnaa? Tani waa badeecaddayadii oo naloo soo ceshay, marka waxaan ugu keeni haruur (hor leh) reerkayaga waana ilaalin walaalkayo oo soo kororsan rati muggiis oo beeg siyaado ah. Kanu waa beeg sahlan [20].","footnotes":"[19]. Waxay u sameeyeen taa siyaasad ahaan inay u celiyaan alaabadoodii oo ugu axsaan falaan, iyo si ay ugu soo laabtaan Masar iyagoo uu la socdo walaalkood Binyaamiin. Binyaamiin waxay isku hooyo iyo aabbe yihiin Yuusuf, hooyadood Raashiil waxay la dhalatay oo ka yareyd Liya oo aheyd xaaska weyn ee Yacquub, shareecadooda waxaa ku bannaanaa in la isla guursan karo labo gabdhood oo walaalo ah. Marka Yuusuf iyo walaalki Binyaamiin waxaa dhashay Raashiil, halka Liyana ay dhashay tobanka ilmood ee kale ee Yacquub, waxayna ahayd habar yartood. \n[20].Waa iyaga u fudud ama mid aan ku heli karno si sahlan."},{"id":66,"translation":"66. Wuxuu (Yacquub) yidhi: Idinla diri maayo jeer aad i siisaan ballan adag oo aad ku dhaarataan Magaca Alle, inaad dib iigu keeneysaan, in (col) idin hareereeyo maahee, markay siiyeen ballankooda, wuxuu yidhi: Alle baa marag ka ah waxaanu leennahay."},{"id":67,"translation":"67. Wuxuuna yidhi: Maandhooyinow! Ha ka wada gelina (idinkoo dhan) albaab keliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Alle. Xukunka waxaa iska leh Alle Keliya. Isagaan tala saartay, ee Isaga uun ha tala saarteen oo ha isku halleeyeen kuwa wax tala saarta."},{"id":68,"translation":"68. Markay u galeen (magaalada) siduu amray aabbahood, waxba ugama tarin innaba ha ahaatee (Qaddarka) Alle, waxayse aheyd oo keliya rabitaan ku jirtay nafta Yacquub oo uu gutay. Wuxuuna lahaa cilmi, waxa aanu barnay ah, dadka badankiisuse ma oga."},{"id":69,"translation":"69. Markay u galeen Yuusuf, wuxuu u soo dhoweeyey xaggiisa walaalki oo ku yidhi: Anigu waxaan ahay walaalkaa, ee ha ka xumaan waxay falayeen."},{"id":70,"translation":"70.Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, (qof) baa dhex galiyey koobkii wax lagu beegayey rarkii walaalki. markaas waxaa dhawaaqay dhawaaqe (leh): Safaryahow! Waxaad tihiin tuugo."},{"id":71,"translation":"71. Intay ku soo jeesadeen bay waxay yidhaahdeen:waa maxay waxaad weydeen."},{"id":72,"translation":"72. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu weynay koobkii [21] wax lagu beegayey ee boqorka, kii keenaana wuxuu leeyahay (abaal gud ah) awr muggiis (oo raashin ah); anigaana ka damiin ah.","footnotes":"[21]. Weel ka sameysan dahab oo wax lagu beego."},{"id":73,"translation":"73. Waxay yidhaahdeen: Tallaahiye! Waad og tihiin inaannu u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, mana ahin tuugo."},{"id":74,"translation":"74. Waxay yidhaahdeen: Waa maxay jazaha arrinkani [22], haddaad been sheegeysaan?","footnotes":"[22].Ciqaabta u dhigan tuugada: Shareecada Yacquub c.s. qofkii wax xada ciqaabtiisu waxay ahayd inuu noqdo addoon lagu adeegto muddo sannad ah."},{"id":75,"translation":"75. Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani [23] waa in kii rarkiisa laga dhex helo loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaasaan ku jaazaynaa daalimiinta (denbiilayaasha).","footnotes":"[23].Xeerkooda wuxuu dhigayey in tuuggii la qabto uu addoon u noqonayo cidduu wax ka xaday."},{"id":76,"translation":"76. Wuxuuna ka billaabay (fatashiddii) weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu ka soo bixiyey weelkii walaalki. Sidaasaan wax ugu tabeynay Yuusuf. Ma ahayn mid bannaan inuu ku qaado walaalki xeerkii boqorka, inuu Alle doono maahee: Waxaan u qaadnaa kor derejooyin ciddaan doonno, waxaana ka sarreeya mid kasta oo cilmi leh, Wax kasta Ogsoonaha (Allaah)."},{"id":77,"translation":"77. Waxay yidhaahdeen: Hadduu wax xaday, mid la walaal ah (Yuusuf) baa wax xaday waa’ hore: Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday naftiisa waxyaalaha uu og yahay [24], umana muujin. Wuxuu yidhi: Idinkaa ka shar badan. Alle dhab u Ogsoon waxaad sheegeysaan.","footnotes":"[24]. Ugama uusan jawaabin in isagu qudhiisa ay ka soo xadeen aabbihi."},{"id":78,"translation":"78. Waxay yidhaahdeen: Mudanow [25]! Wuxuu leeyahay aabbe, oday weyn ah, ee midkayo u qaado meeshiisa. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.","footnotes":"[25].Iyagoo la hadlaya Yuusuf, oo markaas ahaa Caziizka (wasiirka koowaad ee) Masar."},{"id":79,"translation":"79. Wuxuu yidhi: Allaan ka magan galay inaan qaadanno qofaan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (Haddaan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal)."},{"id":80,"translation":"80. Markay ka quusteen bay isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Alle, iyo sidaad horeyba ugu gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu kama tegayo arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Alle xukumo arrinkayga [26], Isagaana u wanaagsan inta wax Xukunta.","footnotes":"[26]. Xukun aniga ii dan ah oo la xidhiidha soo deynta Binyaamiin."},{"id":81,"translation":"81. U noqda Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Wiilkaagii wax buu xaday, mana marag fureyno waxaan ognahay mooyee, mana nihin kuwo og waxa qarsoon aan muuqan [27].","footnotes":"[27]. Macnaha waa ma aanan ogeyn markii aan wacad kula galnay, inuu wax xadayo oo la qabanayo."},{"id":82,"translation":"82. Weydii (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo run baan sheegeynaa."},{"id":83,"translation":"83. (Yacquub) wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin qurxisay arrin. Ee samir qurxoon (baa ila gudboon). Waa intaasoo Alle (dib) iigu keeno iyagoo dhan. Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah."},{"id":84,"translation":"84. Wuuna ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Waxayna la caddaadeen indhahiisu murugo darteed [28] isagoo ahaa mid tiiraanyeysan.","footnotes":"[28]. Wuxuu beelay araggiisa."},{"id":85,"translation":"85. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! ma dayn doontid hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad dhimato."},{"id":86,"translation":"86. Wuxuu yidhi: Waxaan uun u sheegan baahideyda iyo walbahaarkeyga Alle, waxaana ka ogahay xagga Alle [29] wax aydaan ogayn.","footnotes":"[29]. Uma uusan muujin inta ay gaarsiisan tahay ka xumaantiisa ama cadhadiisa waxa uu ka shakiyey ilmahiisa inay faleen, wuuse iska samrayey, isagoo isku halleynaya Alle oo ka doonaya kaalmo."},{"id":87,"translation":"87. Maandhooyinow! Taga oo soo wareysta arrinka Yuusuf iyo walaalki, hana ka quusannina Naxariista Alle. Hubaal cidina kama quusato Naxariista Alle aan aheyn qoloda gaalada ah."},{"id":88,"translation":"88. Markay u soo galeen (Yuusuf), waxay yidhaahdeen: Mudanow! Dhib baa na taabtay innaga iyo ehelkayagaba, waxaana la nimid badeecad liidata, ee na sii beeg dhan oo wax nagu sadaqeyso. Hubaal, Alle baa u abaal guda kuwa wax sadaqeysta."},{"id":89,"translation":"89. Wuxuu yidhi: Ma ogtihiin sidaad u gasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo markaas ahaa jaahiliin?"},{"id":90,"translation":"90. Waxay yidhaahdeen: Adigu ma Yuusuf baa tahay? Wuxuu yidhi: Waa aniga Yuusuf, kanina waa walaalkay. Alle baa runtii noo nicmeeyey. Hubaal, kii isagu iska dhowra (xume) oo samir yeesha (waa loo abaal gudaa), hubaal Alle ma dayaco abaalka sama falayaasha."},{"id":91,"translation":"91. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! Waxaa runtii naga kaa doortay Alle, innaguna waa gefsaneyn."},{"id":92,"translation":"92. (Yuusuf) wuxuu yidhi: Canaan korkiinna ma aha maanta, Allaha idiin dembi dhaafo, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata."},{"id":93,"translation":"93. Qaata shaarkaygaan oo ku tuura wajiga aabbahay, wuxuu noqon mid wax arka, oo ii keena ehelediinna oo dhan."},{"id":94,"translation":"94. Markuu safarkii soo ambabaxay, aabbahood wuxuu yidhi: Anigu waxaan heli caraftii Yuusuf, haddaydaan i dhaliileyn [30].","footnotes":"[30]. Intii la joogtay, oo ahaa qaar ka mid ah ilmahiisa ama qaraabadiisa kale."},{"id":95,"translation":"95. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! Waxaad ku sugan tahay gefkaagii hore."},{"id":96,"translation":"96. Markuu yimid bishaaro sidihii, wuxuu uga tuuray 'shaarkii' [31] wajigiisa, markaasuu noqday mid wax arka; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu ka ogahay xagga Alle wax aydaan ogayn.","footnotes":"[31].Kii soo qaaday shaarkii Yuusuf ee ka mid ah walaalihiis."},{"id":97,"translation":"97. Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo denbi dhaaf dalab, waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan."},{"id":98,"translation":"98. Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin Rabbigay denbi dhaaf, hubaal, waa Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan."},{"id":99,"translation":"99. Markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu u soo dumay Xaggiisa labadiisii waalid oo yidhi: Gala Masar, haddii Alle idmo, idinkoo aamin ah nabdoon."},{"id":100,"translation":"100. Wuxuuna geeyey labadiisa waalid Carshigiisa, waxayna hortiisa kula dhaceen sujuud [32], wuxuuna yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu ka yeelay xaq. Waana i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, idinkana keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. Hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.","footnotes":"[32].Taasi waa salaan xurmo iyo ciseyn ah, ee bannaaneyd ka hor soo diristii Nabi Muxammad s.c.w. U sujuudidda ama u rukuuca qof ama shey ama cid aan ahayn Alle markaa kaddib waa la mamnuucay."},{"id":101,"translation":"101. Rabbiyow! Waxaad i siisay xukun, oo i bartay fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka); Kan (Keliya) ee Aheysiiyow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, ina haleeshii kuwa wanaagsan."},{"id":102,"translation":"102. Kani waa wax ka mid ah wararka la xidhiidha waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno (Nabiyow). Ma aad aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii iyagoo abaabulayey shirqoollo."},{"id":103,"translation":"103. Dadka badankiisu ma rumeeyaan (Xaqa) si kastoo aad ugu dadaasho."},{"id":104,"translation":"104. Wax abaalgud ahna kuma weydiisatid (Qur’aan)kani darti; (Qur’aankani) wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka."},{"id":105,"translation":"105. Badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan iyagoo ka jeedsan."},{"id":106,"translation":"106. Badankoodna ma rumeeyaan Alle \n iyagoo wax la wadaajinaya (cibaadada) maahee oo u shariig yeelaya."},{"id":107,"translation":"107. Ee ma waxay (dadku) ka yihiin aamin inay u timaaddo daboosho Cadaabka Alle ah, ama ugu timaaddo Saacadda (Qiyaame) kedis iyagoon dareemeyn."},{"id":108,"translation":"108. Dheh: Kani (Islaamka) waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Alle, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Xurmo oo dhanna waxaa iska leh oo (xumaan) ka Hufan Alle, aniguna ka mid ma ahi mushrikiinta."},{"id":109,"translation":"109. Ma aanu soo dirin hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay. Ee miyeyna [33] marin dhulka oo fiirinin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey (ee Xaqa beeniyey)? Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha). Ee miyeydaan garowsaneyn?","footnotes":"[33]. Kuwa beeniya Nabi Muxammad s.c.w."},{"id":110,"translation":"110. Jeer markay Rusushu quustaan oo ya- qiinsadaan in la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa ciddaan doonno, lagamana celiyo Baaskayaga qoloda denbiilayaasha ah."},{"id":111,"translation":"111. Waxaa dhab ahaan ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha (Qur’aankani) hadal la been abuurtay, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), iyo caddeynta wax kasta [34], waana u hanuun iyo naxariis ciddii rumayn (Xaqa).","footnotes":"[34]. Caqiidada, axkaanta, xalaasha xaaraanta, adaabta iyo debciga san."}]},{"id":13,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif Laam Miim Raa [1].\nKuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka), oo (Waxyiga) lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa waa Xaq, dadka badankiisuse ma rumeeyaan.","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa SuuraddaAl-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Alle waa Kan kor yeelay samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, markaas dul ahaaday Carshiga, Wuxuu (idiin) sakhiray qorraxda iyo dayaxa; mid walbaa ku socdo (marriinkiisa) ilaa waqti magacaaban, Wuxuu isku dubbiradaa oo maamulaa arrin walba (ee uunka), ka yeelaa caddaan Aayadaha si aad u yaqiinsataan la kulanka Rabbigiin."},{"id":3,"translation":"3. Alle Waa Kan fidiyey arlada yeelayna dhexdiisa buuro sugan iyo webiyo, midho kastaana ka yeelay dhexdiisa labo nooc, wuxuu ku daboolaa habeenka maaalinta. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fekeri."},{"id":4,"translation":"4. Waxaa dhulka ah goosinno isbar bar ah, iyo beero canab ah, haruur iyo geedo timir leh jirrid urursan ay dhowr geed ka soo baxaan iyo kuwo kala tagsan oo geed keliya ka soo baxo halkii jirridba [2], lagana waraabsho biyo isku mid ah, waxaana kaga sare marinnaa qaarkoodba qaar kale (qiimaha) cunnada. Waxaa hubaal arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.","footnotes":"[2]. Mid keliya uu ka soo baxo jirridkii, iyo kuwo halkii jirrid dhowr geed ka soo baxaan."},{"id":5,"translation":"5. Haddaad yaabtana [3], waxaa yaab ah weedhooda: Ma markaan noqonno carro, miyaa markaas abuur cusub (nala abuuri)? Kuwan weeye kuwa ku gaaloobay Rabbigood, kuwan waxaa ahaan jeebbado luqmahooda korkood [4], waa kuwan ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood.","footnotes":"[3]. Aad la yaabban tahay kuwaa beeniya Towxiidka islaamka ee caabuda cid kale aan Alle ahayn. \n[4]. Silsilado bir ah oo gacamahooda lagu xirxiro iyo luqumahooda."},{"id":6,"translation":"6. Waxay (Nabiyow) ku weydiisan inaad u soo dedejiso xumaan 'Cadaab' [5] halkii wanaagga, waxaana tagay tusaalooyin (ciqaabeed) hortood. Rabbigaa waa u denbi dhaaf badan yahay dadka dulmigooda. Rabbigaana ciqaabkiisu aad buu u Daran yahay.","footnotes":"[5]. Waxay yidhaahdeen iyagoo ka hor imaanaya Nabiga s.c.w. oo ku jeesjeesaya noo keen ciqaab haddaad run sheegeyso, halkay dalbi lahaayeen naxariista Alle iyo denbi dhaafkiisa."},{"id":7,"translation":"7. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Adigu waxaad tahay oo keliya dige, qolo walbaana waxay leeyihiin hanuuniye."},{"id":8,"translation":"8. Alle wuu Og yahay waxay dheddig walbaa uurka ku siddo [6], iyo waxa ilmo galeennadu nusqaamiyaan iyo waxay kororsadaanba [7]. Wax walbaana Alle Agtiisa qaddar (waqti) go’an yuu leeyahay.","footnotes":"[6]. Isagoo aqoon dhan u leh wax kastoo ku saabsan ilmahaas uurka ku jira. \n[7]. Dhaafsiisan waqtiga caadiga ee uurka oo ogsoon muddada ilmaha ku jira uurka."},{"id":9,"translation":"9. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, waa Weynaha, aad u Sarreeya."},{"id":10,"translation":"10. Waa isugu mid (Alle) kiinna idinka mid ah ee hadalkiisa qarsada iyo kan kor ugu dhawaaqa, iyo kan isku qariya habeenka iyo (kan) socda dharaar cad."},{"id":11,"translation":"11. Wuxuu leeyahay (qof kasta) kuwo is beddela 'malaa’ig' [8], oo hortiisa iyo gadaashiisa ah, kuwaasoo ku ilaaaliya Amarka Alle [9]. Alle ma beddelo xaaladda qolo, jeeray iyagu naf ahaantoodu beddelaan xaaladdooda. Markuu Alle la doonona qolo xumaan, cidna ma baajin karto, mana leh Isaga sokadiis wax u soo gargaari kara.","footnotes":"[8]. Iyagoo isku beddela moogaaleysi.\n[9]. Waxaa weedhan loo qaadan karaa sidoo kale : kuwaasoo ka ilaaliya wax kasta wixii Alle u qoray oo qaddaray maahee."},{"id":12,"translation":"12. Alle Waa Kan idin tusa hillaaca cabsi iyo rajo gelin darteed, iyo (Kan) unka daruuro hogol ah oo biyo la culus."},{"id":13,"translation":"13. Wuxuu ku tasbiixsadaa onkodku Xamdiga Alle, malaa’igtuna ka Heybeysigi darteed, Wuxuu soo diraa danabyada oo ku ridaa cidduu doono [10], iyaguna waxay ka doodaan arrinka Alle Isagoo Awood Badan oo Ciqaabkiisu Daran Yahay.","footnotes":"[10]. Waa ciqaab ama halaagid denbiyadooda dartood."},{"id":14,"translation":"14. (Alle keliyaa) mudan Baryada (cibaadada) Xaqa ah. Kuwaana ay baryaan (caabudaan) sokadiisa waxba uma ajiibi karaan, waxayna ka dhigan yihiin mid hore u soo fidsha gacmahiisa xagga biyo ku jira (ceel salki) si ay u soo gaadhaan afkiisa, mana gaadhayaan, baryada (cibaadada) gaaladuna ma aha waxaan aheyn baadil [11].","footnotes":"[11]. Macnaha waxaa weeye in ilaahyada beenta ah ayan marnaba ajiibin baryadooda."},{"id":15,"translation":"15. Waxaa Alle u sujuuda (oo u hoggaan- san) wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada iyagoo oggol ama qasban, iyo hoosaskooda aroor kasta iyo galbihiiba."},{"id":16,"translation":"16. Dheh: Waa kuma Rabbiga samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Dheh: Ma waxaad haddaba yeelaneysaan Alle ka sokow \nawliyo (gargaarayaal) kuwaasoo aan u hanan karin wax awood ah ay wax ugu taraan ama wax ku yeelaan nafahooda? Dheh: Miyey siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Ama ma sinnaan karaan Mugdiyada iyo Nuurka? Mise waxay la barbar dhigaan Alle shariigyo abuuray wax la mid ah abuurkiisa [12], oo waxaa isaga ekaaday abuurkii? Dheh: Alle waa Abuuraha wax waliba. Waana Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta, isla weynayaasha iyo cadowyadiisa).","footnotes":"[12]. Waxaa halkaas laga qaadanayaa in ilaahyadaa ay sheegeen, ayan awood u lahayn inay wax abuuraan, oo aan la barbar dhigi karin Alle sinnaba."},{"id":17,"translation":"17. Wuxuu (Alle) ka soo dejiyaa biyo daruuraha, markaas bay togaggu qiyaastood (biyo la) durduraan, oo daadku qaadaa xumbada kor sabbaysa, iyo (macdanta) ay dadku dabka gashaan si ay uga sameystaan waxyaalo ay isku qurxiyaan, wuxuu daadku qaadaa sidoo kale alaabo (qashin ahoo) xumbada la mid ah, sidaasuu Alle tusaale ugu kala dhigaa Xaqa iyo Baadilka. Marka ma xumbada iyadu way tagtaa sida waxa aan qiimaha lahayn, waxase u leh nafaca dadku wuxuu ku haraa dhulka. Sidaasuu Alle u yeelaa tusaalayooyinka."},{"id":18,"translation":"18. Abaal gudka kuwa ajiiba Baaqa Rabbigood (ah inay Alle u Keli yeelaan cibaadada oo raacaan Rasuulka) waa Wanaag (Janno). Kuwase aan ajiibin hadday leeyihiin waxa yaal dhulka oo dhan oo ay wehliso wax la mid ah waxay u bixin lahaayeen madax furasho. Kuwaasi waxay leeyihiin xisaab daran oo xun, hoygooduna waa Jahannama; oo u xun gogol ahaan."},{"id":19,"translation":"19. Ma mid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami."},{"id":20,"translation":"20. Ee ah kuwa oofiya axdiga Alle, oo aan ka bixin ballanka."},{"id":21,"translation":"21. Kuwa xidhiidhiya waxa uu Alle amray in la xidhiidhiyo [13], oo ka baqa Rabbigood, kana cabsada Xisaab Daran.","footnotes":"[13]. Waa in aad loo ilaaliyo xiriirka qaraabada oo lagu dadaalo wanaajintooda. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma galo Jannada qof qaraabo goys ah”."},{"id":22,"translation":"22. Ee ah kuwa samra (waqtiga shiddada ee ku sugnaada cibaadada) iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oogana salaadda, oo bixiya wax ka mid ah waxaan ku irzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba, kuna qaabila xumaanta samaan, kuwaasi waxay leeyihiin cidhib wanaagsan Daarta Dambe (Aakhirada)."},{"id":23,"translation":"23. Jannooyinka cadni (negaadi) oo ay galayaan iyaga iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda: waxayna Malaa’igtu uga soo geli albaab walba (iyagoo leh):"},{"id":24,"translation":"24. Nabad korkiinna ha ahaato samirka aad yeelateen iyo sugnaashadiinna darteed. Wanaagsanaa Daartaa dambe (ee Jannada)."},{"id":25,"translation":"25. Kuwase jebiya axdiga Alle kaddib adkayntiisa, oo gooya wuxuu Alle amray in la xidhiidhiyo (oo wanaajiyo, sida qaraabada iyo deriska), oo fasaadiyana dhulka, kuwaas, waxaa u sugnaaday Nacalad, waxayna leeyihiin daarta xun (Naar)."},{"id":26,"translation":"26. Alle wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxayna ku farxaan nolosha adduunkan, mana aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo yar ah oo dhammaaneysa."},{"id":27,"translation":"27. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo (mucjiso) looga soo dejin waayey xagga Rabbigii? (Nabiyow) Dheh: Alle wuxuu dhumiyaa kuu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (tawbad keena)."},{"id":28,"translation":"28. Ee ah kuwa (Towxiidka) rumeysan oo ay quluubtoodu ku xasisho xusidda Alle. Ogaada xusidda Alle bay ku xasishaa quluubtu."},{"id":29,"translation":"29. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha aayatiin wanaagsan [14] bay leeyihiin iyo rug u laabasho fiican (Janno).","footnotes":"[14]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Jannada waxaa ah geed uu u socdo hooskeeda kan gaadiid saaran boqol sano oo uusan goyneyn. W.w. Al-Bukhaari."},{"id":30,"translation":"30. Sidaasaan kuugu soo dirnay ummad dhexdood ay horteed ummado kale tageen, si aad ugu akhrido waxaan kuu waxyoonnay, iyaguna waxay beeniyaan Raxmaanka (Allaah). Dheh: Waa Rabbigay! Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Isaga, Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, waana Xaggiisa noqodkeyga 'tawbadeyda'."},{"id":31,"translation":"31. Haddii uu jiri lahaa Qur’aan ka yeeli buuraha inay socdaan, ama kala goyn dhulka, ama ka hadal siin meytida [15] (ma ahaadeyn waxaan aheyn Qur’aankan). Mayee! Alle baa iska leh Amarka oo idil. Ee miyaanay weli ogaan kuwa (xaqa) rumeeyey in haddii Alle doono uu hanuunin lahaa dadkoo dhan? Oo kuwa gaalooba, ma deyn doonto inay ku dhacdo xumaha ay falaan darteed belaayo garaacda, amase degta meel ku dhow guryahooda, ilaa inta Ballanka Alle ka yimaado. Hubaal Alle ma ka baxo Ballankiisa.","footnotes":"[15]. Sida ay soo jeediyeen oo dalbeen gaalada."},{"id":32,"translation":"32. Waxaa lagu jeesjeesay Rusul (badan) adiga hortaa (Nabi Muxammadow), markaasaan siiyey fursad kuwii gaaloobay, kaddibna waan halaagay. Ee sidee mid daran u ahaa Ciqaabkeygii?."},{"id":33,"translation":"33. Ma mid Isagu dhowra naf walba oo ogsoon waxay kasbato (baa la mid ah kuwo aan waxba ogeyn)? Sidaa oy tahay, waxay u yeelaan shariigyo xagga Alle. Dheh: Magacaaba! Mise waxaad Alle u sheegeysaan wax (ilaahyo kale) uusan ku ogeyn dhulka, mise waa wax iska hadal afka baarki [16] ah. Mayee! Tabahooda xun baa loo qurxiyey gaalada, waxaana laga duway Jidka (Toosan ee Islaamka). Qofkii Alle uu lumiyo [17] ma laha wax hanuunin.","footnotes":"[16]. Inaad ku sifeysaan ilaahnimo cidaan ahayn Alle. \n[17]. Alle wuxuu lumiyaa qofka xun ee lunsan diiddiisa xaqa awgeed iyo inuusan doonin hanuunka."},{"id":34,"translation":"34. Waxay leeyihiin cadaab nolosha adduunkan, Cadaabka Aakhirada baana ka sii daran, oo ma leh wax ka celin Alle."},{"id":35,"translation":"35. Tilmaanta Jannada kuwa Alle ka cabsada (ee ka dhowrsada xumaha) loo ballan qaaday, hoosteeda webiyaa qulqula, cunnadeedu waa joogto aan kala go'ayn iyo harkeeduba, tani waa cidhibta kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale), cidhibta gaaladuna waa Naar."},{"id":36,"translation":"36. Kuwa aan siinnay Kitaabka [18] waa ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, waxaase ka mid ah xisbiyada (Yuhuudda iyo mushrikiintaba) kuwa diida qaarki. (Nabiyow) dheh, \"Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Alle Keliya oo aan waxba la wadaajin (cibaadada). Isagaan (idiin) ku baaqaa, waana Xaggiisa noqodkeyku (aan u tawbad keeno)\".","footnotes":"[18]. Yuhuuddii iyo Nasaaradii soo galay islaamka."},{"id":37,"translation":"37. Sidaasaana u soo dejinnay Xukun lagu kala baxo oo af Carabi ah. Haddaad raacdo hawadoodana kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kama heli doontid xagga Alle cid kuu gargaarta iyo ilaaliye ku dhowra midna."},{"id":38,"translation":"38. Waxaana soo dirnay Rusul hortaa oo waxaanu siinnay xaasas iyo ubadba [19]. Uma laha Rasuulna (awood) inuu iski ula yimaado Mucjiso, Alle oo idma ma ahee. Ajal walba wuxuu leeyahay muddo Alle u gooyo oo qoran.","footnotes":"[19].Casri kasta wuxuu leeyahay axkaan uu Alle u jideeyo addoomahiisa oo ku saleysan Xikmaddiisa."},{"id":39,"translation":"39. Alle Wuxuu tiraa wuxuu doono (oo ka mid ah axkaanta iyo qeyrkoodba) oo uu sugaa (wuxuu doono oo ka mid ah), Agtiisana waxaa ah asalka Kitaabka [20].","footnotes":"[20].Waa Looxa Maxfuudka oo ay ku qoran yihiin asalka Kitaab kasta uu Alle soo waxyooday iyo wax kasta oo Alle qaddaray."},{"id":40,"translation":"40. Haddaan ku tusno qaar ka mid ah waxaan ugu goodinno (oo cadaab ah) ama aan ku oofsanno, waxaa uun adiga korkaaga ah Gaarsiinta (diinta), halka ay Annaga na saaran tahay xisaabintoodu."},{"id":41,"translation":"41. Ma waysan arkayn inaan ku keenno baabba’ arlada innagoo ka dhimeyna darfaheeda 'furasho ama abaar' [21]? Alle baana xukun gooya, ma jiro wax burin kara Xukunkiisa, wuuna ku Dhaqso badan yahay Xisaabinta.","footnotes":"[21].Waxay tilmaameysaa fiditaanka islaamka, iyo soo yaraanshaha dhulalka ay ka taliyaan mushrikiinta."},{"id":42,"translation":"42. Kuwii ka horreeyey baa tabab degay, waxaase (tab) oo dhan iska leh Allaah. Wuxuu ogsoon yahay waxay naf waliba kasbato (khayr ama shar). Gaaladu way ogaan cidda yeelan Cidhibta Wanaagsan ee Daarta (Nabadda ah)."},{"id":43,"translation":"43. Waxay kuwa gaalooba odhan: Adigu (Muxammadow) ma tihid Rasuul la soo diray. Dheh: Alle baa ku filan marag uu ahaado dhexdeenna aniga iyo idinka, iyo ku kastoo u leh cilmi Kitaabka [22].","footnotes":"[22]. Culimadii ehlu kitaabka ee soo galay islaamka. Waa kuwa garta xaqa iyagoo adeegsanaya cilmiga ay u lahaayeen kutubtii hore."}]},{"id":14,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif Laam Raa [1].\n(Kani waa) kitaab (Qur’aan) aan kuugu soo dejinnay (Waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka idanka Rabbigood – xagga Jidka Adkaadaha Sare, ee la ammaano.","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda1"},{"id":2,"translation":"2. Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hoog waxaa leh gaalada ka soo gaadhi Cadaab Daran xaggiis."},{"id":3,"translation":"3. Kuwa jecel nolosha adduunkan halkii Aakhirada, oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, lana dooni qallooc. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow fog."},{"id":4,"translation":"4. Rasuul kuma soo dirno waxaan aheyn afka qolodiisa si uu (Xaqa) ugu caddeeyo [2]; markaasuu Alle qofkuu doono lumiyaa, oo hanuuniyaa qofkuu doono, Waana Isaga Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.[3]","footnotes":"[2]. Qur’aanka waxaa lagu soo waxyooday af Carabi faseex ah, taasina macnaheedu ma aha in Qur’aanku uu ku gaar yahay Carabta oo keliya, ee wuxuu Alle u soo dejiyey dadka oo dhan. \n[3]. Wuxuu lumiyaa kuwa diida hanuunkiisa oo ka dan la’aada oo doorta xumaha, oo wuu hanuuniyaa qof kastoo doonaya hanuunka oo jecel."},{"id":5,"translation":"5. Waxaanu la soo dirnay Muuse Aayadahayaga (Annagoo leh): Ka saar qolodaada Mugdiyada xagga Nuurka, xusuusina Ayaamaha Alle [4]. Hubaal waxaa (arrin)kani ugu sugan calaamooyin wax lagu qaato mid walba oo samir badan, mahad naq badan.","footnotes":"[4]. Maalmihii loogu nicmeeyey ilmahii Israa’iil. Sidoo kale waxaa lagu fasiray, wixii ku dhacay ummadihii hore hadday tahay nicmooyin ama cadaab."},{"id":6,"translation":"6. Markuu Muuse ku yidhi qolodiisii: Xusuusta Nicmadda Alle idin siiyey, markuu idinka badbaadshay reer Fircoon iyagoo \nidin dhadhansiinayey Cadaab Daran, gawracayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegaan), (arrin)kaasina waxaa ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah oo weyn."},{"id":7,"translation":"7. Iyo markuu Rabbigiin idin ogeysiiyey: Haddaad mahad naqdaan, waan idiin kordhinayaa (nicmadda), haddaadse gaalowdaan, hubaal Cadaabkaygu waa mid Daran."},{"id":8,"translation":"8. Wuxuuna Muuse yidhi: Haddaad gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan arlada oo dhan, hubaal Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan."},{"id":9,"translation":"9. Miyaanay idin soo gaadhin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux, Caad, Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (tiradooda) waxaan ahayn Alle. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda [5] oo yidhaahdeen: Ma aaminsanin waxa la idinla soo diray, waxaanuna ka qabnaa waxaad noogu yeedhaysaan shaki daran oo walaac leh.","footnotes":"[5]. Waxay u celiyeen gacmahooda afafkooda waxaa laga bixiyey dhowr macnood. Iyadoo la tixgelinaya gunaanadka Aayadda, ibnu Kathiir wuxuu doortay inay tani ahayed tilmaan diiddo iyo gaaloobid."},{"id":10,"translation":"10. Rusushoodii waxay yidhaahdeen: Ma waxaa jira shaki ku saabsan Alle, Askumaha samooyinka iyo aralda? Wuxuu idiinku yeedhi inuu idinka dhaafo denbiyadiinna, dibna idiinku dhigo ilaa muddo magacaaban. Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan aheyn dad nala mid ah! Waxaad rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaashayo, Ee noo keena xujo cad."},{"id":11,"translation":"11. Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, wuxuuse Alle ku manneystaa (Deeqdiisa) cidduu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Ma aha wax aan leennahay inaan idiin keenno xujo cad inuu Alle Idmo maahee. Alle uun waa inay mu’miniintu tala saartaan."},{"id":12,"translation":"12. Maxaanu u talo saaraneyn Alle? Isagoo nagu hanuuniyey jidadkayaga 'wanaagsan', waana ku samreynaa dhibka aad noo geysataan. Alle uun ha talo saarteen kuwaa wax talo saarta."},{"id":13,"translation":"13. Kuwii gaaloobay waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu idinka saari dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqoneysaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Waanu halaagi daalimiinta (gar ma qaatayaasha)."},{"id":14,"translation":"14. Waxaanuna idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga."},{"id":15,"translation":"15. Wayna gargaar dalbeen, waxaana hoogay macangag kastoo madax adag."},{"id":16,"translation":"16. Jahannama baa ka horreysa, waxaana laga waraabin biyo carow ah [6].","footnotes":"[6].Waa dhacaanka ka yimaada nabarrada dadka ehlu Naarka ah."},{"id":17,"translation":"17. Wuxuu u dhami aayar, mana ka degayo (qurunka, kulka, iyo kharaarkiisa darti), dhimashaduna waxay uga iman meel walba, mase dhimanayo, waxaana horti ah Cadaab adag."},{"id":18,"translation":"18. Tusaalaha kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabeyl xumi dhaceyso, ma karaan inay ka helaan waxay kasbadeen sheyna. Kaasi waa lumitaanka fog."},{"id":19,"translation":"19. Miyaadan arkayn inuu Alle u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Hadduu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub."},{"id":20,"translation":"20. Waxnana kuma adka Alle."},{"id":21,"translation":"21. Waxayna iyagoo dhammi iman Alle horti, markaasay kuwii ducafada (raciyadda) ahaa ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tareysaan Cadaabka Alle? Waxay odhan: Hadduu Alle na hanuunin lahaa, waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddaan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo."},{"id":22,"translation":"22. Shaydaanna wuxuu odhan marka Arrinka la xukumo: Alle wuxuu idiin ballan qaaday ballan Xaq ah, aniguna idiin ballan qaaday ballamo (been ah), waana idiinka baxay. Kuma laheyn awood dushiinna, waan idiin baaqay uun oo aad i yeesheen. Marka ha i eedaynina ee eedeeya nafahiinna [7]. Anigu idiinma gargaari karo (haatan), idinkuna iima gargaari kartaan. Anigu diiday ila wadaajintiinna horey cibaadada Alle. Hubaal, Daalimiintu waxay leeyihiin Cadaab Xanuun Badan.","footnotes":"[7]. Adeeciddii aad I adeecdeen aniga halkii Alle intaad dunida joogteen."},{"id":23,"translation":"23. Waxaa la gelin kuwa(Xaqa) rumeeyey oo samaha fala Beero (Jannooyin) hostooda ay webiyo qulqulaan iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, soo dhoweyntoodu dhexdeeda waa Salaan."},{"id":24,"translation":"24. Miyaanad ogaan sida Alle uga yeelay tusaale Kelmedda Wanaagsani [8] inay la mid tahay geed wanaagsan asalkiisu dhidban yahay, laamaheeduna cirka (kor) jiraan.","footnotes":"[8]. Waxaa soo galaya kelmedda wanaagsan: Ikhlaaska, towxiidka, iyo erey kasta oo fiican oo lagu hadlo , iyo sama falka."},{"id":25,"translation":"25. Ku soo bixisa midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka si ay u waantoobaan."},{"id":26,"translation":"26. Tusaalaha Kelmedda xunna [9] waa sida geed xun laga rujiyey dhulka korkiisa oo aan laheyn sugnaan.","footnotes":"[9]. Waxaa soo galaya kelmedda xun: Gaalnimada, shirkiga, iyo erey kasta oo xun oo lagu hadlo, iyo xumo falka."},{"id":27,"translation":"27. Alle Wuxuu waafajiyaa oo ku sugaa kuwa rumeeyey kelmedda sugan [10] nolosha adduunkan iyo aakhirada [11]. Alle wuu lumiyaa daalimiinta. Alle wuxuu falaa wuxuu doono.","footnotes":"[10]. Qowlka sugan waa kelmedda wanaagsan ee ku soo arooray Aayadda 24 Waxaa soo galaya kelmedda wanaagsan kelmedda towxiidka inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Allaah iyo in Muxammad s.c.w. yahay Rasuulkii Alle, iyo qowl kasta oo dadka ugu yeedhaya samaanta oo ka reebaya xumaanta, kelmedda towxiidkana waxaa weeye laa ilaaha illal Laah. \n[11]. Markay malaa’igta wax ku su’aalayaan dadka qubuurahooda dhimashada kaddib, iyagoo weydiinaya seddex su’aalood: Waa kuma Rabbigaa? Maxay tahay diintaadu? Waa kuma Nabiga la idiin soo diray?"},{"id":28,"translation":"28. Miyaanad ogaan kuwa ku beddelay Nicmadda Alle (Islaamka) abaal dhac 'gaalnimo' [12], oo ka yeelay dadkoodii inay degaan daarta halaagga.","footnotes":"[12]. Waxay ku qaabileen nicmooyinkii Alle beenin halkii xamdi naqa iyo shukrinta."},{"id":29,"translation":"29. Jahannama bay gali (oo ku guban). Oo u xun meel lagu sal yeesho."},{"id":30,"translation":"30. Waxay u yeelaan Alle shariigyo si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Aayihiinnu waa xagga Naarta."},{"id":31,"translation":"31. Ku dheh addoommahayga (Xaqa) rumeeyey ha oogeen salaadda, hana bixiyeen wax ka mid ah waxaan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jirin ganacsi iyo saaxiibtinnimo midna."},{"id":32,"translation":"32. Alle waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada kana soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku soo bixiya midho risiq idiin ah, Wuxuuna idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, idiinna sakhiray webiyada."},{"id":33,"translation":"33. Wuxuuna idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda; idiinna sakhiray habeenka iyo maalinta."},{"id":34,"translation":"34. Wuxuuna idin siiyaa wax ka mid ah wax kastoo aad weydiisataan [13], haddaad tirisaan Nicmooyinka Alle, ma koobi kartaan. Hubaal Aadmigu waa dulmin badan yahay (naftiisa), (ka) abaal dhac badan yahay (Nicmooyinka Rabbigi).","footnotes":"[13]. Wax ka mid ah waxa aad weydiisateen iyo dhammaan wax ka mid ah waxa aad sida joogtada ah u dalabtaan si waafaqsan xikmaddiisa."},{"id":35,"translation":"35. (Xus, Nabiyow) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! Ka yeel beledkan (Makkah) aamin, igana dheeree aniga iyo awlaaddeydaba inaan caabudno sanammo."},{"id":36,"translation":"36. Rabbiyow! Waxay (sanamyadu) lumiyeen in badan oo ka mid ah dadka. Ee qofkii i raaca, aniga buu iga mid yahay; qofkiise igu caasiya - hubaal Adigaa ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":37,"translation":"37. Rabbigayow! Waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn (Makkah), oo Beytkaaga (Kacbada) Xurmadda leh agtiis ah; Rabbigayow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho si ay u mahad naqaan."},{"id":38,"translation":"38. Rabbigayow! Waxaad adigu ogtahay waxaan qarinno iyo waxaan muujinnaba. Kama qarsoomaan Alle wax dhulka jira ama cirka gudahiisa ah."},{"id":39,"translation":"39. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa iska leh Allaah ee i siiyey anigoo weyn oo da’ ah Ismaaciil iyo Isxaaq. Hubaal, Rabbigay waa Maqlaha baryada."},{"id":40,"translation":"40. Rabbiyow! Iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo durriyadeydaba, Rabbigayow! Iga aqbal baryadayda (iyo cibaadeysigayga)."},{"id":41,"translation":"41. Rabbigayow! Ii denbi dhaaf aniga iyo labadeyda waalid iyo mu’miniintaba Maalinta ay dhici Xisaabtu (Qiyaamadu)."},{"id":42,"translation":"42. Ha moodin in Alle moog yahay waxay falayaan daalimiintu, Wuxuu uun dib ugu dhigaa Maalin ay taagmi indhahu."},{"id":43,"translation":"43. Iyagoo horay u degdegaya (si ay u ajiibaan baaqaha), madaxyadoodu kor u taagan yihiin [14], uusan soo noqoneyn arragooda (taagmi indhahu), quluubtoodu- na maran tahay (cabsi darteed).","footnotes":"[14]. Tani waa xaaladdooda marka laga soo saaro qubuurahooda. Madaxyadooda kor yihiin iyagoo aan meelna jalleeceyn argagax darteed, aan awoodin xitaa inay dib dhugtaan."},{"id":44,"translation":"44. Uga dig dadka Maalintuu u iman cadaabka, markaas kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) falay waxay odhan: Rabbigayow! Dib noo dhig muddo dhow, waxaynu ajiibi baaqaaga oo raaci Rususha. Miyeydaan ka hor ku dhaaran inaydaan (adduunka ka) tegeyn [15].","footnotes":"[15]. Inayan idinka guureyn nicmooyinka uu Alle idinku galladeystey dushiinna intii aad joogteen dhulka guudkiisa oo aysan jirin qubuur layska soo saari iyo xisaab."},{"id":45,"translation":"45. Waxaadna degteen guryihii kuwii dulmiyey nafahooda, waana idiin caddaatay sidaan u galnay. Waxaana idiin soo bandhignay tusaalooyin."},{"id":46,"translation":"46. Waxay tabeeyeen tab xun, tabtooda xun se waxaa (ka war) hayay Alle, inkastoo tabtooda xun ahayd mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu [16].","footnotes":"[16]. Tafsiir kale waa tabtooda xun kuma filneyn inay ka qaadaan buuraha meelahooda, macna kale waa kuma lahayn wax saameys ah doonista Alle."},{"id":47,"translation":"47. Ee marnaba ha moodin inuu Alle uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Alle waa Adkaade Sare, Aar gudasho leh."},{"id":48,"translation":"48. Maalinta marka arlada loo beddeli arlo kale iyo samooyinkaba, waxaana la hor keeni (uumanka oo idil) Alle horti, Waaxidka, Sandulleeyaha (isla weynayaasha)."},{"id":49,"translation":"49. Waxaad arki denbiilayaasha oo Maalintaas iskula xir-xiran silsilado bir ah ."},{"id":50,"translation":"50. Qamiisyadoodu ka sameysan yihiin daamur (Naar ah), waxaana dabooli wajiyadooda dab."},{"id":51,"translation":"51. Si uu Alle uga abaal mariyo naf walbaa waxay kasbatay (khayr ama shar). Hubaal Alle waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta."},{"id":52,"translation":"52. Kani (Qur’aanku) ugu filan gaarsiin cad dadka, iyo in loogu digo, iyo inay ogaadaan in Macbuudka Xaqa ahi Ilaah Keliya uun yahay ee Mid ah (Allaah), iyo inay ku waano qaataan (arrinkaa) waxgaradku."}]},{"id":15,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif Laam Raa [1].\nKuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ay cad yihiin (Aayadahiisu).","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 : Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Wax badan bay kuwa gaalooba jecleysan doonaan (Aakhirada) inay ahaayeen Muslimiin [2].","footnotes":"[2]. Waxay sidaas jecleysan Maalinta Qiyaamaha ama waqtiga dhimashadooda."},{"id":3,"translation":"3. Iska daa wax ha iska cunaane hana iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca)."},{"id":4,"translation":"4. Ma jirto magaalo aan halaagnay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran."},{"id":5,"translation":"5. Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, kamana dib marto."},{"id":6,"translation":"6. Waxay (ku) yidhaahdeen (Nabiga): Kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyeyow [3]! Adigu waxaad tahay jinnoole.","footnotes":"[3]. Waxay sidaas gaaladu ugu yidhaahdeen Nabi Muxammad s,c,w, ku digasho iyo jeesjees ahaan."},{"id":7,"translation":"7. Maxaad noogu keeni weyday malaa’ig haddaad run sheegeyso?"},{"id":8,"translation":"8. Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq [4] aheyn, lamana sugo oo siiyo (gaalada) fursad markaas (ay ku tawbad keenaan) .","footnotes":"[4]. Macnaha waxaan la soo dirnaa fartiin ama sida laga qaadanayo hal dhaca Aayadda cadaabka loogu goodiyey gaalada."},{"id":9,"translation":"9. Xaqiiq, Annagaa soo dejinnay Waanada (Qur’aanka) Annagaana xaqiiq ilaalin [5].","footnotes":"[5]. Aayaddan waxay muujineysa meeqaanka Qur’aanka iyo xifdintiisa."},{"id":10,"translation":"10. Waxaana dhab ahaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood."},{"id":11,"translation":"11. Ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin."},{"id":12,"translation":"12. Sidaasaan u gelinnaa (diiddada Xaqa) quluubta denbiilayaasha."},{"id":13,"translation":"13. Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray (Qur’aanka), dhab ahaanna waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay [6].","footnotes":"[6]. Hannaaka iyo hab raaca Alle waxaa halkan loola jeedaa halaagidda dadka beeniya Rususha Alle."},{"id":14,"translation":"14. Haddaan uga furno albaab samada oo ay ahaadaan kuwo kor u kora;"},{"id":15,"translation":"15. Waxay (gaaladu) odhan lahaayeen: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray."},{"id":16,"translation":"16. Waxaan dhab ahaan yeelnay samada xiddigo waaweyn iyo rugo ay maraan, Waxaana u qurxinnay daawadayaasha."},{"id":17,"translation":"17. Waxaana ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga ceyrshay (Naxariista Alle)."},{"id":18,"translation":"18. Mid maahee xada mar wax uu maqlo, markaas la raaciyo danab muuqda."},{"id":19,"translation":"19. Dhulka - waanu fidinnay, waxaanu ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay wax kastoo miisaaman."},{"id":20,"translation":"20. Waxaana idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin [7].","footnotes":"[7]. Macnaha waxaa weeye Alle wuxuu idiin sakhiray dad iyo duunyo kale uu isagu wax siiyo oo irsaaqo. Macno kale waxaa weeye Alle wuxuu idin siiyaa waxyaalo aad ku noolataan oo sidoo kale siiyaa dhammaan uumanka kale."},{"id":21,"translation":"21. Ma jiro wax aannu Annagu (Alle ah) hayn khasnadahiisa. Kumana aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan."},{"id":22,"translation":"22. Waxaana soo dirnaa dabeylaha tallaala (daruuraha) markaasaan ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob), aan idinka waraa- binno, mana ahidin idinku kuwa kaydiya."},{"id":23,"translation":"23. Xaqiiq, waa Annaga (Allaah) Kuwa wax nooleeya, waxna dhinsiiya [8], Annagaana ah dhaxlayaasha [9].","footnotes":"[8]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Hadduu qofka aadmiga ahi dhinto waxaa go’a camalkiisa marka laga reebo seddex arrimood: Sadaqa joogto ah (waqaf), cilmi lagu intifaaco, ama ilmo wanaagsan oo u soo duceeya. (W.w. Muslim).\n[9]. Allaah subxaanahu wa tacaalaa baa hara markay uunka oo dhan dhintaan."},{"id":24,"translation":"24. Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, Waxaana ognahay kuwa dib ka iman."},{"id":25,"translation":"25. Hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin iyagoo dhan. Waa Xakiim, wax kasta Og."},{"id":26,"translation":"26. Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, madow doorsoon ah."},{"id":27,"translation":"27. Jinkana, Waxaan ka abuurnay awal hore dab ololaya [10].","footnotes":"[10]. Malaa’igtana nuur ifaya."},{"id":28,"translation":"28. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah."},{"id":29,"translation":"29. Ee markaan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxda aan ugu tala galay [11] ula dhaca sujuud.","footnotes":"[11].Walaxda nolosha iyo nafta uu Alle u abuuray jirkaa, ma aha ruux ilaahnimo ah ama qayb ka mid ah (sida uu yahayba fahanka gurracan ee gaalada)."},{"id":30,"translation":"30. Markaasay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan."},{"id":31,"translation":"31. Ibliis [12] maahee (ma yeelin): waa uu diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday [13].","footnotes":"[12].Wuxuu ka mid ahaa jinka sida ku soo arooray Suuradda 18: Aayadda 50. \n[13]. Sujuudda halkan loolama jeedo cibaado ee waxaa loola jeedaa salaan ka heybeysi iyo qaddarin iyo weyneyn ah adigoo madaxa hoos u soo rogaya. Waana tii Mucaad markuu soo arkay dad sidaa salaan madaxa ula soo roganaya hoos, uu damcay inuu sidaas oo kale u salaamo oo ugu sujuudo Nabi Muxammad s.c.w. waana uu ku diiday, waayo shareecada Nabi Muxammad s.c.w kuma bannaana in qofna loo rukuuco oo madax hoos loogu dhigo, Rukuuca sidaas ah sujuudna waa la yidhaahdaa. Rukuuca iyo sujuudda waa cibaado cidna xaq uma leh aan ahayn Alle subxaanahu watacaalaa."},{"id":32,"translation":"32. (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisoow! Maxaa kuugu wacan inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday."},{"id":33,"translation":"33. Wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah."},{"id":34,"translation":"34. (Alle) wuxuu yidhi: Haddaba Ka bax (Jannada), adigu waa lagu deyrshaye."},{"id":35,"translation":"35. Waxaana xaqiiq dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta is Abaal marinta 'Qiyaamada'."},{"id":36,"translation":"36. Wuxuu yidhi: Rabbiyow! I sii waqti ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamada)."},{"id":37,"translation":"37.(Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la siiyey fursadda (ee la sugi)."},{"id":38,"translation":"38. Ilaa Maalinta (Qiyaamada) ee waqtiga la yaqaan leh (Alle keliya uu Og yahay)."},{"id":39,"translation":"39. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidaad ii lumisayba, Waxaan u qurxin denbiyada dhulka korkiisa, waana dhumin iyagoo dhan."},{"id":40,"translation":"40. Addoomahaaga ku jira ee daacadda ah mooyee kuu keli iyo gaar yeela cibaadada."},{"id":41,"translation":"41. (Alle) wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah."},{"id":42,"translation":"42. Addoomahayga kuma lihid awood dushooda, kuwa ku raaca ee iyagu lunsan mooyee."},{"id":43,"translation":"43. Oo hubaal waa Jahannama dhabtii madashooda iyagoo dhan."},{"id":44,"translation":"44. Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa waxaa ahaan qayb gaar ah oo ka mid ah (ehlu Naarka)."},{"id":45,"translation":"45. Hubaal, kuwa Alle ka dhowrsada (xumaha) waxay dhex ahaan Beero iyo ilo."},{"id":46,"translation":"46. (Waxaa lagu odhan): Ku gala (Jannada) nabad idinkoo aamin ah."},{"id":47,"translation":"47. Waxaanu ka soo siibi wixii xumaan kala tirsi ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool."},{"id":48,"translation":"48. Kuma taabanayo gudaheeda daal, xaggeedana lagama soo saarayo."},{"id":49,"translation":"49. Ogeysii addoomahayga inaan Anigu (Alle) ahay Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan."},{"id":50,"translation":"50. Iyo in Cadaabkaygu uu yahay cadaabka xanuunka badan."},{"id":51,"translation":"51. Uga warran martidii Ibraahiim."},{"id":52,"translation":"52. Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: Innagu waanu idinka cabsan."},{"id":53,"translation":"53. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan. Waxaanu xaqiiq kuugu bishaareyn wiil aqoon leh (Isxaaq)."},{"id":54,"translation":"54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Ee maxaad iigu bishaarayneysaan?"},{"id":55,"translation":"55. Waxay (malaa'igtii) yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta."},{"id":56,"translation":"56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan."},{"id":57,"translation":"57. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan, kuwiinaan (malaa’igta ah ee) la soo dirayow?"},{"id":58,"translation":"58. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa innaga naloo soo diray qolo denbiilayaal ah."},{"id":59,"translation":"59. Reer Luud ma’ahee. Waanu badbaadin iyagoo dhan."},{"id":60,"translation":"60. Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal 'ee la cadaabi' [14].","footnotes":"[14]. Kaalmeynteeda xuma falayaasha darteed."},{"id":61,"translation":"61. Markay u yimaadeen reer Luud Rusushii (malaa'igta ahayd ee) la soo diray."},{"id":62,"translation":"62. (Luud) wuxuu yidhi: Waxaad idinku dhabtii tihiin qolo aan la garanaynin."},{"id":63,"translation":"63.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Mayee waxaanu kuula nimid waxay ka doodayeen."},{"id":64,"translation":"64. Waxaan kuula nimidna Xaq, oo run baynu sheegi."},{"id":65,"translation":"65. Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, soco gadaashooda, yaanu midkiinna dib soo jalleecin, aadana halka la idinku amray."},{"id":66,"translation":"66. Waxaana u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas (gaalada ah) la goyn subaxa horeba."},{"id":67,"translation":"67. Waxaana yimid dadkii magaalada iyagoo ku bishaareysan 'martida timid' [15],","footnotes":"[15]. Ku faraxsan warka martida Luud ee yimid magaalada."},{"id":68,"translation":"68. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina."},{"id":69,"translation":"69. Allena ka cabsada oo ha i ceebeynina."},{"id":70,"translation":"70. Waxay yidhaahdeen: Miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka shisheeyaha ah [16]?","footnotes":"[16]. Waxay ku fali jireen xumaha fuulidda ragga ah martidooda, waxayna u handadeen Luud si uusan uga reebin ficilkaa xun ee khaniisnimada."},{"id":71,"translation":"71. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii [17], haddaad yeeleysaan (inaad guursataan).","footnotes":"[17]. Gabdhaha qoonkiisa ee u bannaan inay guursadaan."},{"id":72,"translation":"72. Waa igu Cimrigaaga'e (Nabi Muxammadow), waxay indho la’aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii [18].","footnotes":"[18]. Waxaa caadada Carabta ka mid aheyd inay ku dhaartaan qofka cumrigiisa. Wuxuu halkan Alle ku dhaartay cumriga Nabi Muxammad s.c.w. taasoo muujineysa meeqaankiisa iyo meesha weyn uu Nabigu s.c.w. ka joogo Alle kor ahaaye. Alle wuxuu doono buu ku dhaartaa, dadkuse waa ka xaaraan inay ku dhaartaan waxaan Alle ahayn."},{"id":73,"translation":"73. Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba;"},{"id":74,"translation":"74. Waxaana u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah."},{"id":75,"translation":"75. Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada."},{"id":76,"translation":"76. Waxayna ku taal 'magaaladaasi' [19] waddo weli la deggan yahay.","footnotes":"[19]. Magaalada Sodom ee u dhow badda meytan ee hadda loo yaqaan Al-Baxrul Mutawasid ama Mideterean."},{"id":77,"translation":"77. Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo mu’miniinta."},{"id":78,"translation":"78. Dadkii degganaa hawdka [20] waxay iyaguna ahaayeen daalimiin (gar diid).","footnotes":"[20]. Dadka Aykah ama reer hawdka ama keynta waa qoonkii Shuacyb. Aykah waxay ahayd meel u dhow Madyan."},{"id":79,"translation":"79. Markaasaan ka aargudannay. Waxayna labaduba [21] ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro.","footnotes":"[21]. Waxaa loola jeedaa magaalooyinka qoonkii Luud iyo Shucayb (Jetro)."},{"id":80,"translation":"80. Dadkii degganaana dhadhaabka [22] 'ee reer Thamuud' waxay beeniyeen Rususha.","footnotes":"[22]. Dhulkii dhagaxa."},{"id":81,"translation":"81. Waxaanuna siinnay Aayadahayagii, waxayse ahaayeen kuwa ka jeesada."},{"id":82,"translation":"82. Waxay ahaayeen kuwo ka qota buuraha guryo iyago aamin ah."},{"id":83,"translation":"83. Markaasaa waxaa qabtay qeylo (qarax) weyn waaberkiiba."},{"id":84,"translation":"84. Waxbana uma tarin waxay kasbadeen (oo maal ah iyo dhismooyin dhaadheer)."},{"id":85,"translation":"85. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan Xaq ahayn. Hubaal Saacadda (Qiyaame) way imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon."},{"id":86,"translation":"86. Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba Ogsoonaha ah."},{"id":87,"translation":"87. Waxaan dhab ahaan ku siinnay toddobo soo noqnoqota (Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn."},{"id":88,"translation":"88. Ha u taagin indhahaaga waxaanu ugu raaxeynay qaybo ka mid ah (gaalada), hana u murugoon una raarici (nuglee) garabkaaga mu’miniinta (u muuji naxariis)."},{"id":89,"translation":"89. Dheh: Anigu waxaan ahay dige cad."},{"id":90,"translation":"90. Sidaan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii 'Yuhuudda iyo Nasaarada' [23].","footnotes":"[23]. Tafsiir kale waa sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday ka hortagga xaqa iyo diiddadi oo loola jeedo mushrikiintii Carbeed."},{"id":91,"translation":"91.Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo [24].","footnotes":"[24]. Iyagoo qaadanaya Kitaabka qaarki, beeninayana qaar kale iyagoo raacaya hawadooda."},{"id":92,"translation":"92. Waa igu Rabbigaaye waanu weydiin dhammaantood,"},{"id":93,"translation":"93. Waxay falayeen."},{"id":94,"translation":"94. Ee daaha ka qaad wax lagugu amray [25], oo iskaga jeeso Mushrikiinta [26].","footnotes":"[25]. Waa ugu yeedhidda dadka Towxiidka iyo ka digitaanka shirkiga si loo kala saaro mu’miniinta iyo gaalada. \n[26]. Mid kastoo ku adkeysta shirkiga oo ah in lala wadaajiyo cibaadada Alle cid kale."},{"id":95,"translation":"95. Annagaa xaqiiq kaa kaafiyeyna jees-jeesayaasha (ku jeesjeesa Diinta)."},{"id":96,"translation":"96. Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Alle, wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca)."},{"id":97,"translation":"97. Waxaana dhab ahaan ognahay inay ka cidhiidhyoonto laabtaadu waxay sheegi."},{"id":98,"translation":"98. Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda [27].","footnotes":"[27]. Ibnu Cabbaas a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan ku garan jirey bogidda salaadda faralka kor ugu qaadista codka Xusidda Alle sida takbiirta.\n(W.w. Al-Bukhaari)"},{"id":99,"translation":"99. Caabud Rabbigaa (Alle) ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowtka- Geerida)."}]},{"id":16,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Amarka Alle (Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada) waa wax iman (oo dhow) ee waxba ha doonina in la soo dedejiyo. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo ka hufan (xumaan iyo iin), waana ka Sarreeyaa [1] waxay la wadaajiyaan (cibaadada).","footnotes":"[1]. Ataa Luqad ahaan macnaheedu waxaa weeye waa yimid waxaana loola jeedaa muujin in la hubo oo yaqiin tahay oo ay aad u soo dhowdahay Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada iyo guusha ay heli doonaan Muslimiinta. Ataa Waa ficil maadi (fal tagey) laakiin loogala jeedo mudaaric fal markaa lagu gudo jiro ama soo socda oo imanaya. Sideedana waxaa jira sagaal meelood oo falka tagey loogala jeedo fal soo socda ama markaa ah, waxaa ka mid ah hadalkii lagu billaabo fal tagey, falka tagey ee soo aroora kaddib mid ka mid ah xuruurfta sharadka sida idaa jaa’a, in makkaannaahum, ama kaddib mowsuul sidaa alladiina aamanuu, iwm falalka tagey halkan waxaa loola jeedi karaa fal jooga ama soo socda."},{"id":2,"translation":"2. Wuxuu (Alle) la soo diraa malaa’igta Waxyi Amarkiisa ah (uu ku soo dejiyo) cidduu doono oo addoomahiisa ka mid ah (Isagoo leh): U diga (dadka) inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan ahayn Aniga (Allaah), ee Aniga uun iga cabsada 'oo iska jira shirkiga iyo xumaha kale.\""},{"id":3,"translation":"3. (Alle) wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Waa ka Sarreeyaa oo ka Kor yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada)."},{"id":4,"translation":"4. Wuxuu ka abuuray aadmiga dhibic mino nool ah, mise, waa dood badane col cad ah [2].","footnotes":"[2]. Durba markuu xoog yeesho oo madax bannaanaado."},{"id":5,"translation":"5. Xoolaha wuu idiin abuuray; waxaad ka heshaan dhar dugaal leh iyo manaafacaad kale [3], xaggeedana wax ka cuntaan.","footnotes":"[3]. Dhar ahaan loo xidho, teendhooyin, alaabooyin, iwm."},{"id":6,"translation":"6. Waxaa idiinku sugan (xoolaha) qurux markaad u soo celinaysaan galabnimada 'guriga' iyo markaad u foofinaysaan daaqa."},{"id":7,"translation":"7. Waxaad ugu rarataan culeysyadiinna xagga gobollo aydaan gaari karteen nafa- hoo dhibtooda ma’ahee. Hubaal Rabbigiin waa Turid Badane, Naxariis Badan."},{"id":8,"translation":"8. (Oo Wuxuu Alle idiin abuuray) Fardo, baqallo iyo dameerro inaad kortaan iyo qurux ahaanba. Wuxuuna abuuri wax aydaan ogeyn (oo gaadiid kale ah - gaadiidka dhulka, cirka iyo baddaba)."},{"id":9,"translation":"9. Alle bay saaran tahay xilka inuu caadeeyo Jidka Toosan, waxaase jira (jidad) qallooc ah. Hadduu doono hubaal wuu idin wada hanuuin lahaa dhammaantiin."},{"id":10,"translation":"10. Waa Isaga Kan idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, waxaad ka heshaan cabbitaan, biyahaasoo (soo saara sidoo kale) geedaha aad daaqsataan (xoolaha)."},{"id":11,"translation":"11. Wuxuu idiinku soo bixiyaa sarac, zaytuun, geedaha timirta, canabyo iyo nooc walba oo midhaha ah. Arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo ciddii fikiri."},{"id":12,"translation":"12. Wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa; xiddigu- huna waxay ku sakhiran yihiin Amarkiisa. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii garasho leh."},{"id":13,"translation":"13. Iyo wuxuu idiinku abuuray dhulka korkiisa oo midabbo kala duwan leh. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii xusuusan."},{"id":14,"translation":"14. Alle Waa Kan idiin sakhiray badda si aad uga cuntaan hilib jilicsan (kalluun) iyo inaad kala soo baxdaan qurux aad xidhataan. Waxaad aragtaan doonyaha oo dhex maaxaya badda gudaheeda, (wuuna idiin layliyey) si aad ugu raadsataan (sidaa) wax ka mid ah Deeqdiisa, iyo si aad ugu mahad naqdaan."},{"id":15,"translation":"15. Wuxuu (Alle) ku dhidbay si sugan buuro waaweyn dhulka, si uusan idiinla iilan (wuxuuna yeelay) webiyaal iyo waddooyin si aad toos ugu socotaan."},{"id":16,"translation":"16. Iyo calaamooyin dhulka lagu garto, xiddigahayna ku helaan dhabbaha toosan (markay saxraha joogaan ama badda)."},{"id":17,"translation":"17. Ma mid (waa Alle'e) wax abuura baa la mid ah kuwo aan wax abuurin? Ma waydaan waansameyn?"},{"id":18,"translation":"18. Haddaad tirisaan Nicmooyinka Alle, ma koobi kartaan. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":19,"translation":"19. Alle wuu Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba."},{"id":20,"translation":"20. Kuwa ay baryaanna (caabudaan) Alle sokadi waxba ma abuuraan, iyagaase la abuuraa."},{"id":21,"translation":"21. (Waa) mayti aan nooleyn, mana oga goorta la soo bixinayo."},{"id":22,"translation":"22. Ilaahiinnu waa Ilaah Mid Keliya ah (Allaah). Kuwase aan rumeysneyn Aakhirada, quluubtoodu way diidaan (Towxiidka), wayna isla weyn yihiin."},{"id":23,"translation":"23. Shaki ma leh, in Alle Ogsoon yahay waxay qariyaan iyo waxay muujiyaanba. Hubaal Alle ma jecla kuwa isla weyn."},{"id":24,"translation":"24. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Muxuu soo dejiyey Rabbigiin? Waxay yidhaadaan: Sheekooyinka kuwii hore."},{"id":25,"translation":"25. Si ay u xambaaraan culeysyadooda (denbiyadooda) oo dhan Maalinta Qiyaamaha, iyo culeysyada (denbiyada) kuwa ay ku lumiyaan aqoon darro. Ogaada, wax xun waa waxay xambaaran (oo denbiyo ah)."},{"id":26,"translation":"26. Waxaa wax dhagray oo tab degay kuwii iyaga ka horreeyey, Wuxuuse Alle uga yimid dhismayaashoodii xagga aasaasyada, markaasuu saqafkii ku soo dumay korkooda, cadaabkuna wuxuu uga yimid meel aysan ka fileyn [4].","footnotes":"[4]. Alle wuxuu sababay qorshahoodu inuu fashilmo oo bannaanka keenay dhagartooda iyo shirqoolkooda xun."},{"id":27,"translation":"27. Kaddib Maalinta Qiyaamaha wuu dullayn [5], wuxuuna odhan: Meeye shurakadii aad ila wadaajiseen cibaadada ee aad iyaga awgood u noqoteen col? Kuwa cilmiga la siiyey waxay odhan: Dulli iyo dar xumo waxay maanta haysataa gaalada.","footnotes":"[5]. Macnaha waxaa weeye wuxuu ka yeeli inay mutaan ciqaab denbiyadooda badan dartood."},{"id":28,"translation":"28. Kuwa ay malaa’igtu oofsan6 iyagoo ku dulminaya nafahooda (shirki ama denbiyo kale oo waaweyn). Waxayna markaas muujiyaan hoggaansamid (iyagoo leh): Ma ba aanu fali jirin wax xume ah. Haayoo, hubaal, Alle baa ogsoon waxaad falayseen.[6]","footnotes":"[6]. Imaanshaha malaa’igta si ay u qaadaan nafahooda."},{"id":29,"translation":"29. Gala albaabbada Jahannama idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Xumaa hoyga isla weynayaasha."},{"id":30,"translation":"30. Waxaa lagu yidhaahdaa kuwa ka dhowrsada (xumaha): Muxuu Rabbigiin soo dejiyey? Waxay yidhaahdaan: Khayr. Waxay leeyihiin kuwa sama ku fala adduunyadan samaan, Daarta Aakhiraana khayr badan. Wanaagsanaa Daarta kuwa iska jira (xumaha ee dhowra amarrada Alle)."},{"id":31,"translation":"31. Beeraha negaadiga (jannatu cadan) bay gelayaan ay hoostoodu webiyo qulqulaan, waxay ku mudan gudaheeda waxay doonaan. Sidaasuu Alle ku abaal mariyaa kuwa iska jira ( xumaha ee dhowra Amarradiisa)."},{"id":32,"translation":"32. Kuwa ay malaa’igtu oofsato iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan iyagoo ku odhan: Nabad korkiinna ha ahaato: Gala Jannada waxaad (samo) fasheen darteed."},{"id":33,"translation":"33. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn inay malaa’igtu u timaaddo ama Amarka Rabbigaa [7] u yimaado inuu fulo? Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey. Alle ma dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.","footnotes":"[7]. Ka imaanshaha cadaab xagga Alle si uu ugu halaago."},{"id":34,"translation":"34. Waxaa ku dhacay xumaano waxay faleen, waxaana hareeyey (ciqaabtii) ay ku jeesjeesayeen."},{"id":35,"translation":"35. Kuwa Alle u shariig yeela waxay yidhaahdaan: Hadduu Alle doono ma aanu caabudneen waxba Sokadi innaga iyo aabbayaashayo midna, mana xaaraamayneen waxbana (Amarkiisa) la’aanti. Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey: Ee ma waxaa saaran Rususha waxaan aheyn gaarsiin cad?"},{"id":36,"translation":"36. Waxaan ka soo bixinnay ummad walba Rasuul (leh): Caabuda Alle Keliya, kana dheeraada Dhaaquut (sheydaanka iyo cibaadada wax Alle ka soo hadhay). Waxaa ka mid ah kuwo Alle uu hanuuniyey, waxaana ka mid ah kuwo habowga ku waajibay. Ee mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta beeniyayaasha (Xaqa)."},{"id":37,"translation":"37. Haddaad ku dadaashid hanuunkooda, Alle ma hanuuniyo cid uu lumiyo [8], mana helaan wax u soo gargaara (Aakhirada).","footnotes":"[8]. Sababta doorashadooda inay diidaan hanuunka."},{"id":38,"translation":"38. Waxay ku dhartaan Alle dhaarahooda kuwa ugu adag inuusan Alle soo bixineyn cid dhimatay. Haayoo waa ballan saaran oo Xaq ah, dadkuse badankiisu ma oga."},{"id":39,"translation":"39. (Waa) si uu ugu caddeeyo (abbaarta) waxay isku khilaafsan yihiin, iyo inay ogaadaan kuwa gaalooba inay ahaayeen beenaalayaal."},{"id":40,"translation":"40. Sideedaba Qowlkayagu markaan wax doonno waa oo Keliya inaan ku nidhaahno: \"Ahaw” waana uu yahay."},{"id":41,"translation":"41. Kuwa u soo haajira Alle Darti, kaddib markii la dulmiyey, Waxaan ku siin meeqaan wanaagsan adduunka, ajarka Aakhiraana ka weyn, hadday ogaan lahaayeen."},{"id":42,"translation":"42. Kuwa samra oo Rabbigood tala saarta."},{"id":43,"translation":"43. Ma aanu soo dirin adiga hortaa (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn rag aan u waxyoonno (oo ma soo dirin malaa’ig). Ee weydiiya ehlu Dikirka (yaqaan Towraadda iyo Injiilka), haddaydaan ogeyn."},{"id":44,"translation":"44. Xujooyin cad iyo Kutub (baan la soo dirnay Rususha). Waxaana kugu soo dejinnay Waanada (Qur’aanka), si aad ugu caddaysid dadka waxa loo soo dejiyey, bal inay u fiiro yeeshaan oo ay wax ku qaataan."},{"id":45,"translation":"45. Ma waxay kuwa qoola xumaha aamin ka yihiin in Alle la gooyo dhulka, ama uga yimaado cadaabka meel aanay ka fileyn?"},{"id":46,"translation":"46. Ama qabto iyagoo ku jira howlahooda, markaas ma ka baxsan karaan (Ciqaabka)?"},{"id":47,"translation":"47. Ama qabto iyagoo ku sugan cabsi isa soo tarta. Rabbiggiinna waa Turid Badane, Naxariis Badan [9].","footnotes":"[9]. Isagoo dib ugu dhiga ciqaabka ay mudan yihiin oo siiya fursad ay ku toobad keenaan."},{"id":48,"translation":"48. Miyeyna u fiirsan wax kastoo uu Alle abuuray, (sida) hoosaskoodu ugu iishaan midig iyo bidix, oo ugu sujuudaan Alle iyagoo u khushuucsan."},{"id":49,"translation":"49. Alle waxaa u sujuuda waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada oo nafley dhul socod ah iyo malaa’igta, iskamana weyneeyaan."},{"id":50,"translation":"50. Waxay ka cabasadaan Rabbigood ka korreeya, waxayna falaan waxa la amro."},{"id":51,"translation":"51. Alle wuxuu yidhi: Ha yeelannina labo ilaah. Waa uun Ilaah Keliya (Allaah). Ee Anigoo Keliya iga cabsada [10].","footnotes":"[10]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii qiraa inuusan jirin ilaah Xaq ah aan aheyn Alle iyo inuusan laheyn wax shariik ah, iyo in Muxmmad yahay addoon Alle iyo Rasuulki, iyo in Ciise yahay addoon Alle iyo Rasuulki, iyo Kelmeddiisii uu Jabriil ku afuufay Maryam iyo ruux uu abuuray Alle, iyo in Jannadu run tahay, Naartuna run tahay, Alle wuxuu gelin Jannada si kastaba camalkiisa ha u yaraadee. W.w. Al-Bukhaari."},{"id":52,"translation":"52. Alle baa iska leh Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waa in Isaga (Alle Keliya) loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada oo la adeeco si joogta ah. Ee Ma waxaad ka cabsan waxaan ahayn Alle."},{"id":53,"translation":"53. Wax kastoo nicmo ah ee (lagu galladeystey) dushiinna waa xagga Alle, haddana marka dhibaato idin ku dhacdo, Xaggiisaad u calaacashaan idinkoo gargaar doon ah."},{"id":54,"translation":"54. Markuu idinka faydo dhibaatadana, mise qaar idin ka mid ahi ayaa Rabbigood (Alle) la wadaajiya cibaadada cid kale."},{"id":55,"translation":"55. Si ay uga abaal dhacaan waxaan siinnay. Ee iska raaxeysta, waadse ogaan doontaan (waxa idinku dhaca)."},{"id":56,"translation":"56. Waxay u yeelaan qayb ka mid ah waxa aanu siinnay wax aanay garanayn 'oo ilaahyo been ah' [11]. Tallaahi, waa la idin weydiin waxaad been abuurateen.","footnotes":"[11]. Waxaa loola jeedaa wax ayan cilmi u heysan oo ah ilaahyadaa baadilka ay sameysteen, bal waxay wax ku dhisaan malooyin iyo caadooyin ama raacidda dad habowsan."},{"id":57,"translation":"57. Waxay u yeelaan Alle gabdho [12]. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), iyaguna waxay isa siiyeen waxay rabaan.","footnotes":"[12]. Waxay yidhaahdeen Alle wuxuu leeyahay gabdho, iyagoo ula jeeda malaa’igta, iyagoo naf ahaantooda neceb inay yeeshaan gabdho siduu Alle ku xusay Aayaddan iyo tan ka dambeysaba."},{"id":58,"translation":"58. Marka loogu bishaareeyo midkood (dhalashada) dheddig, wuxuu noqdaa wejigiisa madow, isagoo tiiraanyeysan."},{"id":59,"translation":"59. Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa loogu bishaareeyey darteed. Ma wuxuu ku heystaa dulli mise ku aaasaa (iyadoo nool) carrada? Xumaa waxay xukumaan [13].","footnotes":"[13]. Nabigu s.c.w. wuu xaaraanshay ku caasinta hooyooyinkiin, nolol xabaalidda gabdhaha, diidista bixinta xuquuqda dadka, baryada, ku tiri ku teenta iyo su’aasha badan, iyo luminta maalka. W.w.Al-Bukhaari."},{"id":60,"translation":"60. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waxaa u sugnaaday tusaale xun [14]. Alle waxaa u sugnaaday tilmaanta wanaagsan ee sare, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.","footnotes":"[14]. Sida waxa lagu xusay labadii Aayadood ee hore."},{"id":61,"translation":"61. Hadduu Alle durba u qaban lahaa dadka dulmigay falaan darti, kagama tageen (dhulka) guudki nafley qudh ahi, wuxuuse ugu dib dhigaa muddo magacaa- ban, marka ajalkoodu yimaadana ma dib dhigi karaan Saacad mana soo hor marin karaan."},{"id":62,"translation":"62. Waxay u yeelaan Alle (gabdho) ay (iyaguba) nacaan, carrabyadooduna waxay sheegaan beenta ah inay mudan midda wanaagsan; waxaa sugan inay leeyihiin Naar, oo loo hormarin doono [15].","footnotes":"[15]. Macno kale waxaa weeye waxaa laga yeeli inay halkaasi kaga horreeyaan inta kale oo dhan."},{"id":63,"translation":"63. Tallaahiye, Waxaan u soo dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyey, Wuxuuse u qurxiyey Shaydaanka camalladooda, Isagaana sokeeye u ah maanta, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan."},{"id":64,"translation":"64. Kuuguma aannu soo dejin Kitaabka (Qur’aanka) waxaan ahayn inaad u caddeyso waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun ahaan iyo Naxariis ciddii rumeyn."},{"id":65,"translation":"65. Alle waa Kan ka soo dejiyey biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax maqli."},{"id":66,"translation":"66. Waxaa xaqiiq idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxaa ku jira uurarkooda uus iyo dhiig dhexdood, caano saafi ah, mari og hunguriga kuwa cabbi."},{"id":67,"translation":"67. Iyo midhaha geedaha timirta iyo canabyada oo aad ka samaysataan cabbitaan culus [16] iyo risiq wanaagsan. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii garasho leh.","footnotes":"[16]. Aayaddan waxaa la soo dejiyey ka hor inta aan la xarrimin khamriga. Waxay muujineysaa xaqiiqda in waxyaalaha qaarkood ay ku jiraan dhibaato iyo in sidoo kale lahaan karaan xoogaa wanaag ah."},{"id":68,"translation":"68. Wuxuu Rabbigaa u waxyooday shinnada 'dheddigta ah': Ka yeelo buuraha guryo iyo geedaha iyo waxay dhisaanba."},{"id":69,"translation":"69. Markaas wax ka cun midhaha oo dhan, oo qaad jidadka Rabbigaa oo laylan. Waxaa ka soo baxa uurarkeeda sharaab kala midab ah oo caafimaad ugu jiro dadka. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii fikiri."},{"id":70,"translation":"70. Alle baa idin abuuray, misna idin oofsan, waxaana idin ka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita nolosha, si uu waxba aanu u ogaan kaddib waayo aqoontii. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan."},{"id":71,"translation":"71. Alle wuu uga roonaaday qaarkiinba qaar kale xagga risiqa, Marka, kuwa loo roonaaday sinnaba uma mulki siiyaan risiqooda kuwa (addoomaha ah) oo ay midigtoodu hanato si ay isku mid ugu noqdaan [17]. Ee ma Nicmadda Alle baa waxay diiddan yihiin?","footnotes":"[17]. Xujada lagu xusay Aayaddan waxaa weeye: Hadday u arkin waxyaalaha ay leeyihiin wax la siman iyaga, haddaba sidee bay ula simi karaan Alle uunkiisa oo uga dhigi shariikyo."},{"id":72,"translation":"72. Alle wuxuu idiinka yeelay nafahiinna xaasas idinla nooc ah, wuxuuna idinka siiyey xaasaskiinna ubad iyo ilmo ilmahood, wuxuuna ku galladeysatay korkiinna wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan. Ee ma baadil (shirki) baa waxay rumeysan yihiin, halka ay tahay Nicmadda Alle (Towxiidka) waxay diidaan inay rumeeyaan oo ku gaaloobaan?"},{"id":73,"translation":"73. Waxay caabudaan Alle sokadi, waxaan uga hanan karin wax risiq ah xagga samooyinka iyo arlada, oo aan wax awood ahi lahayn."},{"id":74,"translation":"74. Ha u yeelina Alle wax aad la mid dhigtaan [18]. Hubaal, Alle wuu Og yahay (waxaad fashaan), idinkuse ma ogidin (khaladkiinna iyo cidhib xumidiinna).","footnotes":"[18]. Ma leh wax la bar bar dhigo ama lagu matalo."},{"id":75,"translation":"75. Alle wuxuu ka yeelaa tusaale [19]: addoon la leeyahay aan waxba awoodi karin, iyo mid aanu ka siinnay xaggeenna risiq wanaagsan, oo isagu wax ka bixiya sir iyo caddaanba. Miyey labadaasi siman yihiin? Ammaan oo idil iyo mahad waxaa mudan Allaah! Badankooduse ma oga.","footnotes":"[19]. Waxaa tusaalahan jawaab ahaan loo siiyey mushrikiinta la mid dhiga Alle ee arzaaqa ee awoodda badan sanamyada aan xoog iyo xeelad midna lahayn."},{"id":76,"translation":"76. Wuxuu (kaloo) Alle tusaale ka yeelaa labo nin, oo midkood af la’yahay (hadli karin), kaasoo aan waxna karin inuu hagaajiyo, oo isagu ku ah culeys abaankiisa, meeshuu u diraba aan ka keenin khayr. Miyaa lala simi karaa mid amra caddaalad oo isagu (naf ahaantiisa) ku sugan Jid Toosan?"},{"id":77,"translation":"77. Alle baa iska leh waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada. Arrinka Saacadda (Qiyaamana) ma aha waxaan ahayn sida il biriqsi, ama ka dhowba. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":78,"translation":"78. Alle wuxuu idinka soo saaray uurarka hooyooyinkiin idinkoo aan waxba garanayn. Wuxuuna idiin yeelay maqal iyo arag iyo qalbiyo inaad mahad naqdaan."},{"id":79,"translation":"79. Miyeyna arkayn shimbiraha loo sakhiray (oo ku duulaya) hawada samada? Cidina ma qaban karto aan ahayn Allaah. hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumayn."},{"id":80,"translation":"80. Alle wuxuu idiinka yeelay guryihiinna degaan aad ku xasishaan, wuxuuna idinku galladeystey teendhooyin laga sameeyey hargaha xoolaha idiin fudud qaadistooda maalinta geeddigiinna iyo maalinta negaadigiinnaba, idiinkana yeelay (idaha) duftooda iyo (geela) dhogortooda iyo (riyaha) timahooda alaabo guri iyo sahay ilaa muddo ah."},{"id":81,"translation":"81. Alle wuxuu idiinka yeelay wuxuu abuuray (geedaha) hoosas, wuxuuna idiinka yeelay buuraha gebiyo aad gashaan, idiin yeelayna dhar idinka celiya kuleylka (iyo qabowga) iyo dhar (jaakado bir ah) idinka celiya (dhibka) dirirtiinna. Sidaasuu idiinku iltiraa Nicmaddiisa inaad u hoggaansantaan (oo Xaqa raacdaan)."},{"id":82,"translation":"82. Haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), xilkaagu waa oo keliya Gaarsiin cad."},{"id":83,"translation":"83. Waxay gartaan Nicmadda Alle (Islaamka), haddana way dafiraan, badankooduna waa gaalo."},{"id":84,"translation":"84. (Xus) maalintaan ka soo saareyno ummad walba markhaati, markaas aan loo idmeyn kuwa gaaloobay (cudur daarasho), oo aan laga yeeleyn inay axsaan fal dalbaan."},{"id":85,"translation":"85. Markay kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) arkaan cadaabka, lagama khafiifinayo, lamana siinayo fursad."},{"id":86,"translation":"86. Markay kuwa Alle u shariig yeela 'cid kale' [20] arkaan kuway la wadaajiyeen Alle (cibaadada) waxay odhan: Rabbigayow! Kuwaanu waa kuwa aan kula wadaajinnay cibaadada ee aan baryi jirnay adiga Sokadaa [21]. Waxayse (kuwaa) dib ugu celin hadalka (iyagoo leh): Waxaad tihiin beenaalayaal.","footnotes":"[20]. Waxaa shirki loola jeedaa wixii lala barbar caabudo Alle, sheydaankuna wuxuu amraa cibaadada asnaamta .\n[21]. Waa rumeysnaanta inuu Alle leeyahay shuruko lala wadaajiyo cibaadada, shurukadaasina ay uga shafeeci Alle agti."},{"id":87,"translation":"87. Waxayna (gaalada mushrikiinta ah) ula imaan Alle maalintaas hoggaansan dhan, wayna ka tegi oo waayi waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo been ah)."},{"id":88,"translation":"88. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga dadka Jidka Alle (Islaamka), waxaan ugu dari cadaab cadaabkooda, waxay fasaad fali jireen awgii."},{"id":89,"translation":"89. (Xus) Maalinka aan ka soo saari ummad walba markhaati ku marag fura oo iyaga ka mid ah, oo aan kuu keenno adiga (Nabiyow) inaad ka ahaato markhaati kuwan - Waxaana kugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) u faahfaahinaya wax walba si cad , iyo inuu u ahaado Hanuun iyo Naxariis iyo bishaaro Muslimiinta [22].","footnotes":"[22]. Muslimiin waa kuwa isu dhiiba Doonista Alle ee u hoggaansan."},{"id":90,"translation":"90. Hubaal Alle wuxuu amraa caddaaladda, axsaan falka iyo siinta qaraabada, wuxuuna reebaa xumaanta, munkarka iyo gardarrada. Wuu idin waaninayaa, inaad ku waano qaadataan oo xusuusataan."},{"id":91,"translation":"91. Oofiya Ballanka Alle markaad gashaan, hana burinnina dhaaraha kaddib markaad adkeyseen, oo uga yeesheen Alle damiin. Alle wuu Og yahay waxaad falaysaan."},{"id":92,"translation":"92. Ha la mid noqonnina sida tan furfurta xadhiggeeda ay soohday iyadoo u googooneysa gabal gabal kaddib markuu yeeshay xoog. Waxaad ka yeeshaan dhaarahiinna dhagar dhexdiinna ah, inay ummad ka tiro badan tahay ummad kale 'darteed' [23]. Alle waa uun idinku imtixaami arrinkaas iyo inuu idiin caddeeyo Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafsaneydeen.","footnotes":"[23]. Muslimiinta tiro ahaan way yaraayen, waxayna la galeen gaalada heshiis., Markii ay arkeen Quryash inay tiro badan yihiin, oo ay muslimiinta dheer yihiin xoog iyo xeeladba iyo waayo aragnimo, waxay door bideen inay uga baxaan heshiiska Nabiga s.c.w., ficilkan oo kalena Alle wuu reebay. Macnaha waa ha ugu dhaarannina been ama ha burinnina heshiis ama ka bixina ballan aad gasheen dano adduunyo darteed, si kastaba uga xoog badnaadee cadowgiinna."},{"id":93,"translation":"93. Hadduu Alle doono, wuxuu idinka yeeli lahaa ummad keliya, wuxuuse lumiyaa cidduu doono oo hanuuniyaa cidduu doono. Waana la idin weydiin waxaad falayseen."},{"id":94,"translation":"94. Ha ka dhigannina dhaarahiinna siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, si aanay cagi u sidban kaddib sugnaashaheeda, oo aad dhadhamisaan xumaan (cadaab) inaad ka jeedsateen Jidka Alle darteed, waxaadna mudan Cadaab weyn."},{"id":95,"translation":"95. Ha siisinnina Axdiga Alle qiimo yar (adduunyo). Hubaal waxa Alle agtiis ah baa idiin khayr badan haddaad og tihiin."},{"id":96,"translation":"96. Waxa aad haysataan way dhammaan, waxase Alle agtiis ah baa baaqi ahaanaya. Waxaana ku abaal marin kuwa samra ajarkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen."},{"id":97,"translation":"97. Qofkii sama fala lab ama dheddig oo mu’min ah waxaan hubaal ka yeeli inuu noolaado nolol fiican oo farxad leh, waxaanuna siin abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen [24].","footnotes":"[24]. Aayaddan waxay caddeysey inay ragga iyo dumarka ajar isku mid ah leeyiiin Alle agtiisa markay la yimaadaan camal san oo iimaan u wehliyo."},{"id":98,"translation":"98. Ee markaad akhrineyso Qur’aanka, (hor iyo baataba) Alle ka magan gal shaydaanka la fogeeyey."},{"id":99,"translation":"99. Kuma dul laha awood kuwa (Xaqa) rumeysan oo Rabbigood tala saarta."},{"id":100,"translation":"100. Ee wuxuu awood ku dul leeyahay oo keliya kuwa ka yeesha sokeeye iyo kuwa la wadaajiya Alle cibaadada cid kale."},{"id":101,"translation":"101. Markaan ku beddelno Aayad meel Aayad kale, Alle baana Ogsoon wuxuu soo dejiyo, waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaad uun tahay been abuurte. Badankooduse wax ma oga."},{"id":102,"translation":"102. Dheh: Ruuxa Daahirka ah (Jabriil) baa kaga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah, si uu ugu sugo kuwa (Xaqa) rumeysan, oo ugu ahaado hanuun iyo bishaaro Muslimiinta (u hoggaansan Rabbigood)."},{"id":103,"translation":"103. Waxaanu ognahay inay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaa sideedaba wax bara qof aadmi ah. Carrabka midkay ku leexinayaan waa af shisheeye [25], kanina waa af Carabi faseex ah.","footnotes":"[25]. Af cajami ah waa af aan Carabi ahayn , sidoo kalena waxaa la yidhaahdaa cajami afka carabiga ee la jajabiyo, waayo ninka ay ku tuhmayaan inuu baro Qur’aanka Rasuulka waa nimaan Carab ahayn, oo yaqaan xoogaa Carabi ah."},{"id":104,"translation":"104. Hubaal kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, ma hanuuniyo Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan."},{"id":105,"translation":"105. Waxaa uun been abuurta sideedaba kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, waana kuwaa kuwa ah beenaalayaasha."},{"id":106,"translation":"106. Qofkii ku gaalooba Alle rumeyn kaddib [26], mid maahee lagu khasbay isagoo qalbigiisu ku xasilan yahay Iimaanka - kiise isagu u fura laabtiisa gaalnimo - kuwan dushoodu waxaa ah Cadhada Alle, waxayna leeyihiin Cadaab weyn.","footnotes":"[26]. Gunaanadka Aayadda iyo waxa ka go’an ee ka maqan ee la iska garan karo waxaa weeye wuxuu galabsaday Cadhadii Alle."},{"id":107,"translation":"107. Arrinkaasi waxaa ugu wacan inay jecel yihiin nolosha adduunkan wax ka badan Aakhirada, iyo inaan Alle hanuunin qoloda gaalada ah (madaxa adag)."},{"id":108,"translation":"108. Kuwaa weeye kuwa uu Alle daboolay quluubtooda iyo maqalkooda iyo aragggooda.Waana kuwaa kuwa dhoohan."},{"id":109,"translation":"109. Shaki ma leh, inay Aakhirada ahaan kuwa khasaari."},{"id":110,"translation":"110. Markaa, hubaal Rabbigaa kuwa soo haajira kaddib inta la dhibay markaas jihaaday ee samray, hubaal Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":111,"translation":"111. (Xusuuso) Maalintay naf walba imaan iyadoo u doodaysa nafteeda, oo naf walba loo oofin waxay fashay, iyagoo aan la dulmineyn."},{"id":112,"translation":"112. Alle wuxuu ka yeelay tusaale: magaalo nabad aheyd xasilloon; oo uu uga yimaado risiqeedu haqab la’aan meel walba, ha yeeshee ku gaalowday Nicmooyinkii Alle. Sidaas darteed Alle ka yeelay inay dhadhamiso gaajo daran iyo cabsi waxay samaynayeen darteed [27].","footnotes":"[27]. Gaajo iyo cabsi u hareereyso sida dharku ugu hareersan yahay jirka."},{"id":113,"translation":"113. Waxaana u yimid Rasuul ka mid ah, wayse beeniyeen, markaasaa waxaa ku dhacay Cadaab iyagoo ahaa daalimiin."},{"id":114,"translation":"114. Ee cuna waxa Alle idin siiyey xalaasha fiican ah oo ka mahad cesha Nicmadda Alle haddaad Isaga Keliya caabuddaan."},{"id":115,"translation":"115. Wuxuu uun idinka xaaraameeyey baqti iyo dhiig iyo hilib doofaar iyo wixii lagu xusay (gowracay) waxaan aheyn magaca Alle. Qofkii se ay dani ku qabato isagoo aan caasooyobid u dan laheyn, oo xad gudbeyn, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":116,"translation":"116. Ha sheeginana waxay carrabyadiinnu tilmaamayaan oo been ah (idinkoo leh): Kani waa xalaal kanna waa xaaraan, si aad ugu been abuurataan Alle. Kuwa ku been abuurta Alle ma liibaanayaan."},{"id":117,"translation":"117. Waa raaxo yar (adduunka) waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan."},{"id":118,"translation":"118. Kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda Waxaanu ka xaaraamaynay waxyaalaha aan horay kuugu soo sheegnay [28]. mana aanu dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.","footnotes":"[28]. Waa waxa ku soo arooray Suuradda Al –Ancaam Aayadda 146"},{"id":119,"translation":"119. Haddana Rabbigaa kuwa u fala xumaan jahli darti markaas tawbad keena taa kaddib oo samaada, Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":120,"translation":"120. Hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa hoggaamiye lagu daydo [29], adeeca Alle, ka leexsan (diimaha gurracan oo dhan), mana aheyn mid ka mid ah Mushrikiinta.","footnotes":"[29]. Waa leh dhammaan tilmaamaha wanaagsan ee ka yeeli karta qofka tusaale lagu daydo uu wax ku hoggaamiyo."},{"id":121,"translation":"121. Ka mahad naqa Nicmooyika Alle. (Alle) baa doortay oo ku hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":122,"translation":"122.Waxaanu ku siinnay samaan adduunka. Aakhiradana wuxuu hubaal ka mid ahaan inta wanaagsan."},{"id":123,"translation":"123. Markaas Waxaanu kuu waxyoonnay (Nabi Muxammadow): Raac diinta ibraahiim ee toosan, kamana mid aheyn Mushrikiinta."},{"id":124,"translation":"124. Sabtida waxaa uun sideedaba loo waajib yeelay kuwii isku khilaafay arrinkeeda [30], Rabbigaana wuu kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafayeen.","footnotes":"[30]. Waxaa loo yeelay maalinta Sabtida: waxaa loola jeedaa waxaa la faray inay la yimaadaan cibaado badan, iyo camallo wanaagsan oo iska daayaan maalintaas xoogsiga iyo maceeshad raadinta, kamase soo bixin, wayna isku khilaafeen, kaddibna waxaa lagu nasakhay shareecadii Nabi Ciise c.s. ee ka dambeeyey Muuse c.s.,. ugu dambeyn wuxuu Alle ku hanuunshay maalinta abbaarta ah muslimiinta oo waa maalinta Jumcaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan leennahay innaga Muslimiinta ah Jumcaha, Yuhuuddana maalintooda waa Sabtida, Nasaaraduna Axadda, Annaga ayaa u horreyna, iyaguna waa naga dambeeyaan. Waxaannu nahay ummad tii u dambeysey ummadaha, waxaannuse ahaan ummadda u horreysa ee gasha Jannada."},{"id":125,"translation":"125. Ugu baaqa (dadka) Jidka Rabbigaa si xikmad leh iyo waano wanaagsan, oo ula dood sida ugu fiican. Rabbigaa wuu Og yahay kuwa ka luma Jidkiisa, wuuna Og yahay kuwa hanuunsan."},{"id":126,"translation":"126. Haddaad aar goosaneysaanna, aar goosta in la mid ah intii la idiin geystey oo kale, haddaadse samartaan, sidaasaa u wanaagsan kuwa samra."},{"id":127,"translation":"127. Samir, mana aha samirkaagu waxaan aheyn (wax lagu helo kaalmada) Alle. Oo ha u murugoon, hana ka welwelin waxay xume qoolaan oo dabin dhigaan."},{"id":128,"translation":"128. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa iska jira (xumaha, dhowra Amarradiisa) ee ah sama falayaasha."}]},{"id":17,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan) Kan (waa Alle'e) ka guureysiiyey addoonkiisa (Nabi Muxammad) goor habeen ah Masjidka Xaramka (Kacbada) xagga Masjidka shishe, ee aan barakaynay hareerahiisa [1], si aan wax uga tusno Calaamooyinkayaga. Hubaal (Alle) Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.","footnotes":"[1]. Masjidka Al-Aqsaa ee ku yaal Qudus iyo degaannada hareerahiisa ah uu Alle ku barakeeyey inuu ka soo bixiyey anbiyada badankood, deggaannadaas oo ah dhul wanaagsan oo khayr badan."},{"id":2,"translation":"2. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) oo aan uga yeelnay hanuun Ilmahii Israa’iil (Annagoo leh): Ha ka yeelannina cidaan Aniga (Alle) aheyn wakiil aad tala saarataan [2].","footnotes":"[2]. Waa inaad ku kalsoonaataan oo isku halleysaan Alle oo tala saarataan idinkoo yaqiinsan inuu Alle subxaanahu wa tacaalaa yahay Kan haya wax iyo arrin walba xilkood oo idin xafida."},{"id":3,"translation":"3. Ubadka kuwa aan la qaadnayow Nuux! Hubaal (Nuux) wuxuu ahaa addoon aad u mahad naqid badan."},{"id":4,"translation":"4. Waxaan ugu sheegnay Ilmahii Israa'iil Kitaabka [3]: Waxaad fasahaadin arlada labo jeer oo isku kibrin iskibrin weyn.","footnotes":"[3]. Horay ugu sheegnay waxyi ahaan Kitaabka Towraadda waxay falayaan."},{"id":5,"translation":"5. Markuu yimid wacadkii hore (kii koowaad), waxaan idinku soo dirnay addoomo aan leennahay oo xoog badan [4] oo ku daran dagaalka. Markaasay galoo baxeen oo xuleen guryihiinna dhexdooda, wuxuuna ahaa wacad la fuliyey [5].","footnotes":"[4]. Jaaluut iyo ciidankiisa.\n[5]. Cadaabka loogu gooddiyey midka hore labadoodii caasiyoobid, Iyagoo ku xadgudbaya xurmadda guryahooda, inay baaraan, wax dilaan oo baabbi’yiaan."},{"id":6,"translation":"6. Misna Waxaan mar kale idiin soo celinnay markiinna inaad ka guuleysataan. Waxaana idinku taageernay maal iyo wiilal oo idinka dhignay ciidan tiro badan."},{"id":7,"translation":"7. Haddaad samo fashaan, waxaad u sama fashaan uun nafahiinna, haddaad xumaan fashaanna (idinkay idiin daran tahay oo denbigaa) leh. Markuu wacadkii dambe (kii labaad) yimid 'Waxaan soo dirnay cadowyadiinna' [6] si ay ugu dhigaan tiiraanyo ka muuqaato wajiyadiinna, oo ay u galaan masjidka Al-Aqsaa (ee Qudus ku yaal) siday markii horeba u galeen, oo ay u baabbi’iyaan wax kastoy awood u yeeshaan baabba' muuqda.","footnotes":"[6]. Bukhtanassar iyo ciidankiisa."},{"id":8,"translation":"8. Waa intaasoo Rabbigiin idiin naxariisto (haddaad tawbad keentaan), haddiise aad mar kale u noqotaan (xumo fal), waxaanu Annaguna sidoo kale u noqon (Ciqaabidda). Waxaana uga dhignay Jahannama gaalada gogol."},{"id":9,"translation":"9. Xaqiiq, Qur’aankani wuxuu ku hanuunin dadka arrin tan u toosan, uguna bishaareyn mu’miniinta fala samaha inay leeyihiin Abaalgud Weyn (Janno)."},{"id":10,"translation":"10. Kuwa se aan rumeynin Aakhirada, Waxaanu u diyaarinnay Cadaab xanuun badan."},{"id":11,"translation":"11. Wuxuu aadmigu u yeedhaa (baryaa) shar siduu ugu yeedho (baryo) khayr. Aadmiguna mar walba waa degdegaa [7].","footnotes":"[7]. Macnaha waxaa dhacda marmar inuu habaaro naftiisa ama ilmahaiisa ama dadka aad ugu dhow oo xigaaladiisa ah, sidoo kale waxaa la yidhi macnaha waa wuxuu Alle ka baryaa wuxuu moodo inuu khayr u yahay, ha yeeshee Alle og yahay inuu shar u yahay, sidaas awgeed uusan ka ajibiin ducada oo ka aqbalin baryadaa. Aadmiguna wuu degdeg badan yahay, macnaha waa samir yar yahay, laab kac badan yahay, oo wax ku dhaqaaqaa ka fiirsi la’aan qof uu Alle u naxariistay maahee. Aadmiga, si kasta uu isu kibriyo, weli waa daciif iyo abuurane yar."},{"id":12,"translation":"12. Waxaan ka yeellay habeenka iyo maalinta labo calaamadood. Waxaanu tirray calaamadda habeenka (ka dhignay mugdi), oo ka yeelnay calaamadda maalinta mid la arko oo muuqata, si aad ugu raadsataan deeqda Rabbigiin, iyo si aad u ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Waxaana u caddaynay wax walba si faahfaahsan."},{"id":13,"translation":"13. Qof walbaa waxaanu laasiminnay camalkiisa duula (khayr ama shar miduu yahayba) luquntiisa [8], Waxaana u soo saari Maalinta Qiyaamaha Kitaab uu la kulmi isagoo fidsan.","footnotes":"[8]. Mar nin baa weydiiyey Nabiga s.c.w. : Camal kee baa u wanaagsan? Wuxuu yidhi: Salaadda oo la tukado waqtigeeda hore. Wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: U sama falka waalidka. Wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: Jihaadka Jidka Alle. W.w. Al-Bukhaari"},{"id":14,"translation":"14. (Waxaa lagu odhan) Akhri Kitaabkaaga, adigaa isugu filan maanta xisaabiye ahaan."},{"id":15,"translation":"15. Qofkii hanuuna, wuxuu u hunuunay naftiisa. Kii lumaana [9], wuxuu uun u lumay naftiisa. Ma qaaddo nafi, denbi naf kale, oo ma cadaabno cidna jeer aan soo dirno Rasuul (u diga).","footnotes":"[9]. Kaddib markaan kala tusnay labada dhabbood kan khayrka iyo kan sharka, waxaan uga dhignay mas’uul kan uu dooran iyo ka talinta aayahiisa."},{"id":16,"translation":"16. Markaan doonno inaan halaagno magaalo, Waxaan u dirnaa Amarkayaga kuwaa ka mid ah dadkeeda ee ladan (inay Alle adeecaan) markaasay ka hor yimaadaan oo diidaan, kolkaas baa xaq ugu dhacaa Qowlka (cadaabka) oo aan burburinnaa burburin dhan."},{"id":17,"translation":"17. Immisaanu halaagnay facyo Nuux ka dambow! Rabbigaa baana ku filan inuu yahay Kan denbiyada addoomihi Ogsoon ee Arka."},{"id":18,"translation":"18. Qofkii raba noloshatan dhaqso dhammaaneysa (adduunyada), Waan ugu soo dedejinnaa dhexdeeda waxaan doonno ciddaan doonno. Markaas kaddib waxaan ka yeellaa mid gala Jahannama isagoo dulleysan oo dayro ah."},{"id":19,"translation":"19. Qofkiise raba Aakhirada oo u dadaala dadaalkeeda lagu helayo oo mu’min ah, kuwaa dadaalkooda waa mid la tixgeliyo [10].","footnotes":"[10]. Kuwa doonaya wanaagga, toosnaanta, u degdegidda ka tawbad keenidda denbiyada iyo gefefka uu galay dacfiga aadmiga awgeed, Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu u ballan qaaday cafis iyo masaamax."},{"id":20,"translation":"20. Dhammaan waan siinnaa deeq - kuwaan (dooni adduun) iyo sidoo kale kuwaa (dooni Aakhiro) - ka mid ah deeqda Rabbigaa. Ma aha deeqda Rabbigaa mid reebban."},{"id":21,"translation":"21. Fiiri, sidaan uga fadilnay qaarkoodba qaar (adduunkan gudihi), Aakhirada baana lagu sii kala derejo weyn yahay oo lagu sii kala fadli badan yahay."},{"id":22,"translation":"22. Ha yeelin la jirka Alle ilaah kale, si aadan u fadhiisan (cadaab dhexdi) adigoo dulleysan deyro ah."},{"id":23,"translation":"23. Wuxuu guddoonshay Rabbigaa inaydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo u sama fal labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darro ah haba ahaatee “uf” [11], hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh.","footnotes":"[11]: Waxaa la isu diiday in lagu yidhaahdo waalidka : \"Uf aan la maqleyn ” marka wixii ka sii weyn oo qowl ama ficil ah ka daran oo ka denbi weyn, mana bannaana. Bal wuxuu Alle amray in la xurmeeyo oo la xaq dhowro oo si fiican loo xiriiriyo oo la wanaajiyo oo loogu adeego si farxad iyo laab furni leh. Uf waa muujin diiddo ama nac."},{"id":24,"translation":"24. U raarici ( waalidkaa oo nuglee) garab naxariiseed (u muuji naxariis), oo dheh: Rabbiyow! Ugu Naxariiso siday ii soo koriyeen anigoo yar."},{"id":25,"translation":"25. Rabbigiin baa dhab u ogsoon waxa ku jira nafahiinna. Haddaad wanaagsan tihiin, markaa hubaal, wuu u denbi dhaafaa kuwa tawbad keenka badan."},{"id":26,"translation":"26. Sii kan qaraabada ah xaqiisa iyo miskiinka iyo socotada (go’doonsan), hana ku bixinnina maalka wax xun oo dayac ah [12].","footnotes":"[12].Macnaha waa ha ku bixin wax xaaraan ah ama kuu caasiyoobid Alle."},{"id":27,"translation":"27. Hubaal kuwa dayaca ee wax xun ku bixiya maalka waa walaalaha shayaadiinta, Shaydaanna waa mid ka abaal dhaca Rabbigi."},{"id":28,"translation":"28. Haddaad ka sii jeesato (kuwaa baahan ee dan yarta ah) adigoo filan Naxariis xagga Rabbigaa ah oo aad mar walba rajeyso, markaa kula hadal horaar san [13].","footnotes":"[13]. Waxaa loola jeedaa haddaadan haysan waxaad siiso markaa, ama aydaan fulin karin Amarka Alle ee ku soo arooray Aayadda 26, haddaba ku dhaha hadal wanaagsan aan murugo gelineyn inaad u fidin kaalmo darteed, idinkoo ka dalbaya risiq xagga Rabbigiin si aad u siisaan xuquuqdooda qaraabada iyo qeyrkood."},{"id":29,"translation":"29. Ha ka yeelin gacantaada mid ku xidhan luquntaada, hana wada fidin fidsanaan dhan, si aad meel u fadhiisan hadhow dambe adigoo eedeysan tabar gab ah."},{"id":30,"translation":"30. Hubaal, Rabbigaa wuxuu u fidiyaa risiqa kuu doono, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal waa Mid addoomahiisa mar walba Xog Ogaal u ah oo Arka."},{"id":31,"translation":"31. Ha dilina carruurtiinna baqe aad ka qabtaan faqri darti, Annagaa irsaaqayna iyaga iyo idinkaba. Hubaal, dilkoodu waa gef Weyn."},{"id":32,"translation":"32. Ha u dhowaannina Zinada [14], waayo waa weji-xumo (if iyo aakhiraba) iyo dariiq aad u xun.","footnotes":"[14]. Iska jira dhammaan arrimaha kuu horseedi kara inaad fasho wax xun oo qudhun ah sida zino, gogol dhaaf, khiyaano, iwm."},{"id":33,"translation":"33. Ha ku dilina nafta uu Alle xaaraa- meeyay waxaan xaq ahayn. Qofkii lagu dilo gardarro, Waxaan siinnay waligiisa (sokeeyahiisa) awood [15]. waase inuusan ku xad-gudbin dilka [16]. Hubaal waa loo gargaaraye.","footnotes":"[15]. Suldaan halkan waxaa loola jeedaa warasada qofka la dilay, ama xaakimka si ay u dalbaan qisaas, ama u aqbalaan diyo. Eeg Suuradda Al-Baqara Aayadda 178, iyo Suuradda An-Nisaa Aayadda: 92. \n[16]. Waa inaan lagu dilin qofna waxaan ahayn arrin sharci ah ama waqtiga jihaadka qof ah cadow aad dagaal ku wada jirtaan."},{"id":34,"translation":"34. Ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee jeer uu qaan gaaro, oofiyana ballanka. Hubaal ballan walbaa oo la galo waa la is weydiin."},{"id":35,"translation":"35. Oofiya miisaanka markaad wax miisaameysaan, oo ku miisaama miisaan xaq ah. Kan baa khayr roon oo cidhib san."},{"id":36,"translation":"36. Ha raacraacin wax aadan u laheyn cilmi. hubaal Maqalka, Aragga iyo Laabta mid walbaa oo kuwaas ka mid ah waa lays weydiin."},{"id":37,"translation":"37. Ha ku soconin dhulka kibir, waayo ma kartid inaad jeexdid dhulka, kumana gaadheysid buuraha dherer."},{"id":38,"translation":"38. Dhammaan waxakani – xumaanteedu - Rabbigaa agti waa lagu neceb yahay."},{"id":39,"translation":"39. Kuwani waa (qaar) ka mid ah wuxuu Rabbigaa kuu waxyooday oo ka mid ah xikmadda. Ha yeelin la jirka Alle ilaah kale, si aan lagugu tuurin Naarta adigoo eedeysan, dayro ah."},{"id":40,"translation":"40. Ma wuxuu Rabbigaa idiin dooray wiilal, oo isagu ka yeeshay malaa’igta gabdho? Waxaad ku hadlaysaan wax daran oo baas."},{"id":41,"translation":"41. Waxaan dhab ahaan ku soo celcelinnay (gooddimaha) Qur’aanka dhexdi, si ay u waansamaan, umase kordhiso (gaalada) waxaan aheyn didmo."},{"id":42,"translation":"42. Dheh: Hadday jiri lahaayeen ilaahyo kale (Alle ka sokow) sida ay leeyihiin, markaas waxay dooni lahaayeen jid ay kaga adkaadaan (Alle) Rabbiga Carshiga weyn [17].","footnotes":"[17]. Macno kale waxay dooni lahaayeen raalli gelinta iyo u dhowaanshaha Alle."},{"id":43,"translation":"43. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo (xumaan ka) hufan, kana sarreeya waxay sheegayaan sarreyn weyn."},{"id":44,"translation":"44. Toddobada samo baa muujiya xurmaddiisa oo (xumaan ka) hufa iyo arlada iyo waxaa ku sugan. Ma jiraan wax aan ku tasbiixsan Ammaanahiisa, waydaanse garaneyn tasbiixdooda. Hubaal Alle waa Dulqaad Badane, Denbi Dhaaf Badan."},{"id":45,"translation":"45. Markaad akhrineyso Qur’aanka, waxaan dhignaa dhexdiinna adiga iyo kuwaan rumeysneyn Aakhirada xijaab astur ah [18].","footnotes":"[18]. Markay soo degtay Suuradda Tabbad Yadaa Abii Lahab. Waxay xaaskii Abuu Lahab u timid Nabiga s.c.w. uu la joogo Abuu Bakar. Markuu arkay Abuu Bakar. Wuxuu yidhi: Rasuul Allow! Tani waa naag xun, waxaana ka baqayaa inay kuu geysato waxyeello ee ka warran haddaad ka kacdo halkaan. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ima arkeyso. Markaasay timid oo tidhi: Abuu Bakarow, ninkii saaxiibkaa ahaa wuxuu igu caayay gabay. Abuu Bakar wuxuu yidhi: ma gabyo. Waxay tidhi: Adiga xaggayga waxaad tahay runlow, oo iska tagtay. Waxaan idhi: Rasuul Allow! Kuma ayan arag. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Malag baa iiga asturayey labadiisa baal. W.w.Abuu Yaclaa."},{"id":46,"translation":"46. Waxaanu yeellay quluubtooda dushooda daboollo iyo culeys dhegahooda si aanay u fahmin, markaadna ku xusto Rabbigaa Keliya Qur’aanka waxay jeediyaan dhabarradooda iyagoo didsan."},{"id":47,"translation":"47. Annagaa ogsoon waxay dhageystaan markay ku dhegaysanayaan iyo markay qabsadaanba shir qarsoodi ah oo ay ku faqaan, markay daalimiintu leeyihiin: Waxaad uun raacdaan nin sixran."},{"id":48,"translation":"48. Fiiri siday kuugu yeelaan tusaalooyin kolba, sidaasayna ku lumeen, oy u heli karin Jidna."},{"id":49,"translation":"49. Waxayna (gaaladu) yidhaahdeen: Ma markaan noqonno lafo iyo boodh carro ah, miyaa nala sooo bixin abuur cusub ahaan?"},{"id":50,"translation":"50. Dheh: Noqda dhagxaan ama bir."},{"id":51,"translation":"51. Ama abuur kale ka mid ah waxaa ay aad u adag tahay (in la siiyo nolol) siday idinkula tahay maankiinna.Waxay odhan: Yaa na soo celin? Dheh: Kan idin abuuray kal horeba! Markaa waxay ruxi madaxya- dooda xaggaaga iyagoo leh: Waa goorma? dheh: Waa intaasoo uu dhow yahay."},{"id":52,"translation":"52. Maalinta uu idiin yeedhi, oo aad ajiibi idinkoo u jeedin ammaan, waxaadna moodi inaydan nagaanin wax yar ma’ahee."},{"id":53,"translation":"53. Ku dheh addoomahayga (inay) ku hadlaan hadal kan u wanaagsan. Hubaal Shaydaanku wuxuu ka dhex abuuraa is nac, kala fogaansho iyo is af garan waa’. Shaydaanna aadmiga abad waa u cadow cad."},{"id":54,"translation":"54. Rabbigiin baa aad idin yaqaan, hadduu doono, wuu idiin naxariisan, ama hadduu doono, wuu idin cadaabi, kuugumana aanu soo dirin 'Nabiyow' inaad wakiil ka ahaato."},{"id":55,"translation":"55. Rabbigaa baana aad u ogsoon waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Waxaan dhab ahaan ka kormarinnay qaar ka mid ah anbiyada qaar kale, Waxaana siinnay Daawuud Zabuur."},{"id":56,"translation":"56. Dheh: Bal u yeedha kuwa aad sheegtaan (baridaan Alle) Sokadi [19], ma laha awood ay idiinka feydaan waxyeello ama idiinka wareejiyaan (cid kale).","footnotes":"[19]. Waxay u nisbeeyaan Rabbigood inay shuruko la yihiin ee leh asnaam, malaa’ig, jin, anbiyo, awliyo, iwm."},{"id":57,"translation":"57. Kuwaas ay baryaan (caabudaan), iyaga naf ahaantooda ayaa doona asbaabta u dhowaanshaha Rabbigood [20]– koodii ugu dhowaansho badnaan - waxayna rajeeyaan Naxariistiisa, oo ka cabasadaan Cadaabkii- sa. Cadaabka Rabbigaana waa wax laga digtoonaado.","footnotes":"[20]. Waxay mushrikiinta caabudeen Nabigii Alle ee Ciise c.s. iyo malaa’igta, iyo qeyrkoodba, oo ka yeesheen wax u dhoweeya oo ku xiriirsha Alle. Tafsiir kale waa inay Raalli geliyaan, iyagoo qiraya Sarreyntiisa."},{"id":58,"translation":"58. Ma jirto magaalo aynu halaageyn ka hor Maalinta Qiyaame ama aynu cadaabeyn cadaab daran: kani wuxuu ku qoran yahay Kitaabka (Looxa Maxfuudka)."},{"id":59,"translation":"59. Waxna nooma diidin inaan soo dirno calaamooyin aan ahayn inay dadkii hore beeniyeen. Waxaana siinnay Thamuud hal - calaamad muuqata ah, wayse ku dulmi faleen. Uma aanu soo dirno calaamooyinka waxaan aheyn cabsi gelin."},{"id":60,"translation":"60. (Xusuuso, Nabiyow) markaan kugu nidhi: Rabbigaa wuxuu koobaa dadka; kamana aynu yeelin riyadaan ku tusnay [21] waxaan ahayn imtixaamid dadka, iyo geedka xunba (ee ku xusan) Qur’aanka (waa Zaquumka), oo aan ku bajinno, umase kordhiyo waxaan ahayn xadgudub weyn.","footnotes":"[21]. Riyada la tusay waxaa loola jeedaa riyadii la tusay ee ku saabsanayd dagaalkii Badar inta uusan dagaalku billaaban. Mufasiriinta qaarkoodna waxay yidhaahdeen riyadii la tusay habeenkii Micraajka."},{"id":61,"translation":"61. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, markaasay u sujuudeen Ibliis maahee (ma uu yeelin). Wuxuu yidhi: Ma waxaan u sujuudaa mid aad ka abuurtay dhoobo?."},{"id":62,"translation":"62. (Ibliis) wuxuu yiri: Bal ka warran, kan aad iga sharaftay, haddaad dib ii dhigto ( dhimashadeyda) ilaa Maalinta Qiyaama- ha, waxaan bishin tuuri oo ku xiri dacay aan ku hoggaamiyo (waana ka adkaan oo dhumin) ubadkiisa dhammaan wax yar ma’ahee."},{"id":63,"translation":"63. (Alle) wuxuu yidhi: (Duf ku) bax, ciddii ku raacda oo ka mid ah, waa Jahannama abaalkiinnu, abaal marin dhan."},{"id":64,"translation":"64. Ku duufso waxooda aad karto oo ka mid ah codkaaga [22], oo u soo kulmi ciidammadaada iyagoo gaadiid wata iyo iyagoo lug ku socdaba, oo la wadaag maalka [23] iyo awlaadda [24], una yabooh (ballamo been ah), umase yabooho shaydaanku waxaan dhagar aheyn.","footnotes":"[22]. Heeso, durbaanno, kamanno, qalab muusikeed la afuufo, iyo xumo ugu yeedhid kasta.\n[23]. Adigoo ka yeelaya inay xaaraan ku shaqeystaan.\n[24]. Adigoo u qurxinaya zinada iyo macsida si uu u bato fasaadka."},{"id":65,"translation":"65. Hubaal addoomahayga, kuma lihid awood korkooda. Waxaana ku filan Rabbigaa oo wakiil u ah."},{"id":66,"translation":"66. Rabbigiin (Alle) waa Kan idiinku socodsiiya doonyaha badda si aad u raadsataan Deeqdiisa. Hubaal Waa uu idiin Naxariis Badan yahay."},{"id":67,"translation":"67. Marka dhibaato idinku taabato badda, waad weydaan kuwaad u yeedhataan (baridaan) Alle maahee. markase uu idinku keeno nabad barriga, waa jeedsataan. Aadmigu waa abaal dhac badan yahay."},{"id":68,"translation":"68. Ma waxaad aamin ka tihiin inuu idinla gooyo dhinac dhulka ka mid ah, ama idin ku soo diro dabeyl daran oo quruurux wadata? markaas, ma heleysaan wax idinka dhowra (cadaabka)."},{"id":69,"translation":"69. Mise, waxaad aamin ka tihiin inuu dib idiinku soo celiyo (badda) mar kale oo markaas idiin soo diro dabeyl daran oo idin harqiyo gaalnimadiinna darteed,markaasna ma heleysaan wax nooga kiin gargaara?"},{"id":70,"translation":"70. Waxaanu dhab ahaan sharafnay ilma Aadam, oo ku qaadnay barriga iyo baddaba, oo ku irsaaqnay waxyaalaha wanaagsan, waxaana ka kormarinnay in badan oo waxaan abuurnay ah kor marin."},{"id":71,"translation":"71. (Xusuuso) Maalintaan u yeedhi dad walbaa isagoo imaamkoodii [25] la jiro. Markaas mid kastoo lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig, kuwaa baa akhriyi Kitaabkooda (iyagoo faraxsan) lagamana dulmiyo wax le’eg xuub timireedna.","footnotes":"[25]. Waxaa loola jeedaa kitaabka camalkooda ama hoggaamiyahooda ama midkay raaceen."},{"id":72,"translation":"72. Qofkii ku indha la’ tani (adduunka oo xaqa ka beyra), wuxuu ahaan mid indha la’ Aakhirada, oo ka sii habowsan Jidka."},{"id":73,"translation":"73. Waxay u dhowaadeen (gaaladu) inay kaa jeediyaan waxaan kuu soo waxyoonnay (Qur’aanka) si aad noogu been abuurato waxaan isaga ahayn, markaasna waxay kaa yeelan lahaayeen saaxiib gaar ah."},{"id":74,"translation":"74. Haddaanan kugu sugin (Xaqa) waxaad ku sigatay inaad u iilato xaggooda wax yar."},{"id":75,"translation":"75. Markaas waxaan ku dhadhansiin lahayn (cadaab) laban laab ah noloshan iyo (cadaab) labanlaab ah dhimashada kaddib, mana hesheen wax nooga kaa gargaara."},{"id":76,"translation":"76. Waxayna u dhowaadeen inay kaa fiijiyaan arlada si ay kaaga saaraan. markaas ma negaadeen gadaashaa in yar ma’ahee [26].","footnotes":"[26]. Hadday saari lahaayeen reer Makkah Nabi Muxammad s.c.w. ma ku sii negaadeen Makkah oo wax badan ma joogeen dunida, balse Alle wuu halaagi lahaa dhammantood. Hijridii Nabiga s.c.w. ee Madiina ma ahayn saarid ay saareen Quraysh, waxayse ahayd Amar Alle uu ku amray. Ummad kasta oo saarta Nabigeeda Alle wuu halaagaa, taasina waa jid soo jireen ah aan marnaba is beddelin."},{"id":77,"translation":"77. (Kani waa) jidkayaga xagga Rususha aan soo dirnay hortaa, kamana heleysid wax isbeddel ah jidkayaga."},{"id":78,"translation":"78. Oog salaadda markay qorraxdu waareegto [27] ilaa mugdiga habeenka [28] oo (dheeree) akhrinta (salaadda) subaxa hore [29]; hubaal akhrinta (salaadda) subaxa hore waa mid la soo xaadiro [30].","footnotes":"[27]. Salaadaha Duhurka iyo Casarka.\n[28]. Salaadaha Maghribka iyo Cishaha. \n[29]. Aayaddan waxay caddeyneysaa waqtiyada shanta salaadood, cadceed wareegga kaddib waxaa la tukadaa Salaadaha Duhurka iyo Casarka, markuu habeenka soo galana Salaadaha Maghrib iyo Cishaha, ooggana salaadda Subax.\n[30]. Ay soo xaadiraan malaa’igta habeenka iyo malaa’igta maalinta."},{"id":79,"translation":"79. Oo qayb ka mid ah habeenka tuko tahajjud (salaatu leyl), salaad dheeri kuu ah aan faral ahayn. Waa intaasoo Rabbigaa kuu soo bixiyo meeqaan sharaf iyo ammaan leh [31].","footnotes":"[31]. Nolosha dambe ee Aakhiro, waa shafeecada weyn ee Qiyaamada."},{"id":80,"translation":"80. Dheh: Rabbiyow! I gali meel gelitaan wanaagsan [32], ina bixi bixitaan wanaagsan. Igana sii Xaggaaga awood gargaar ah [33].","footnotes":"[32]. Waa duco Alle laga baryo inuu qofku ku galo cibaadada kagana baxo niyad san oo dar Alle ah oo Alle u barax tiran istus la’aan ama wax fasaadiya ajarka. Aayaddani waxay muujineysaa hijradii Nabiga s.c.w. ee Madiina. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Waa duco Alle laga baryo in qofka qabriga la geeyo isagoo wanaagsan oo ka soo baxo sidoo kale isagoo wanaagsan Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu Nabigu s.c.w. ku duceystey ducadan markuu ka soo baxayey Makkah isagoo u haajiraya Madiina.\n[33]. Oo keliya toban sano kaddib hirjadii Nabiga s.c.w., waxaa Makkah laga sifeeyey sannmadii ku hareersanaa Kacbada."},{"id":81,"translation":"81. Dheh: Xaqu waa yimid, baadilkuna waa baabbi'i; baadilku waa wax baabba’a."},{"id":82,"translation":"82. Waxaana ka soo dejinnaa Qur’aanka wax Caafimaad iyo Naxariis u ah Mu'miniinta, umana kordhiyo daalimiinta waxaan khasaaro ahayn."},{"id":83,"translation":"83. Markaan u nicmeyno aadmiga (waa gaalka) wuu jeestaa (Xaqa ka fogaadaa) oo dhinac u baxaa isagoo islaweyn. markay taabatona dhibaato wuu quustaa."},{"id":84,"translation":"84. Dheh: Mid walbaa wuxuu u dhaqmaa hadba siday tahay asluubtiisa, Rabbigiin baana aad u ogsoon kan isagu si fiican ugu hanuunsan jidka (Toosan ee Islaamka)."},{"id":85,"translation":"85. Waxay wax kaa weydiin Ruuxda; Dheh: Ruuxda waa amar xagga Rabbigay (oo Isagaa u Cilmi leh). La idin kama siin (dadow) cilmiga wax yar ma ahee."},{"id":86,"translation":"86. Haddaan doonno waan la tegi kaan kuu waxyoonnay (Qur’aanka). Markaas ma heleysid wakiil naga kaa difaaca."},{"id":87,"translation":"87. Naxariis maahee xagga Rabbigaa ah. Fadligiisu korkaaga (Nabiyow) waa mid aad u weyn."},{"id":88,"translation":"88. Dheh: Hadday dadku iyo jinku isugu tagaan inay la yimaadaan wax la mid ah Qur’aankan, ma la imaan karaan wax la mid ah, xataa hadduu qaarba qaarka kale caawiyo oo siiyo garab."},{"id":89,"translation":"89. Waxaan dhab ahaan ugu faahfaahinnay dadka Qur'aankaan dhexdiisa nooc kasta oo tusaale ah, wayse diideen dadka badankiisu waxaan ahayn gaalnimo."},{"id":90,"translation":"90. Waxayna yidhaahdeen: ku rumeyn meyno jeer aad nooga burqiso dhulka ilo;"},{"id":91,"translation":"91. Ama aad yeelato beero timir iyo canabyo ah oo aad ka burqiso webiyo durdur ah dhexdooda burqin."},{"id":92,"translation":"92. Ama aad nagu soo riddo cirka sida aad sheegatay isagoo gaballo googga'an ah, ama aad keento Alle iyo malaa’igta hortayada fool ka fool."},{"id":93,"translation":"93. Ama aad yeelato guri ka sameysan dahab ama aad korto cirka, rumeyn meynona koriddaada jeer aad noogaga soo dejisid Kitaab aan akhrinno. Dheh: Xurmad Rabbigay baa iska leh oo ka Hufan (ceeb iyo nuqsaan). Ma waxaan ahay waxaan ahayn aadmi Rasuul ah?"},{"id":94,"translation":"94. Waxna uma diidin dadka rumeynta markuu hanuunku u yimid oo aan ahayn inay yidhaahdeen: Ma wuxuu Alle soo diray aadmi Rasuul ah?"},{"id":95,"translation":"95. Dheh: Hadday jiri lahaayeen dhulka, malaa’ig ku maraysa nabad oo deggan [34], Waxaan uga soo dejin laheyn cirka malag Rasuul ah.","footnotes":"[34]. Macnaha waa malaa’ig deggan oo ku sugan dhulka, sida dadku yihiin."},{"id":96,"translation":"96. Dheh: Alle baa ku filan markhaati dhexdeenna aniga iyo idinka. Hubaal Waa uu ka War hayaa addoomahiisa, Arkaa."},{"id":97,"translation":"97. Qofkuu Alle hanuuniyo unbaa hanuunsan; qofkuu lumiyana - uma heleysid gargaare Alle sokadi, Waxaana soo kulmin Maalinta Qiyaamaha iyagoo wejiyada ku socda aan wax arkayn, oo hadlayn, oo wax maqlayn; hoygooduna waa Jahannama; mar kastoo ay nuxuusto, waxaan u kordhin huritaan."},{"id":98,"translation":"98. Kaasi waa abaalkooda, waayo waxay rumeyn diideen Aayaadkayaga oo yidhaahdeen: Ma markaan noqonno lafo iyo boor carro ah miyaa markaa nala soo bixin innagoo abuur cusub ah?"},{"id":99,"translation":"99. Miyeyna ogeyn in Alle ee abuuray samooyinka iyo arlada uu awoodo inuu abuuro iyagoo kale, wuxuuna u yeelay muddo aan shaki lahayn. Wayse diideen daalimiinta waxaan ahayn gaalnimo."},{"id":100,"translation":"100. Dheh: Haddaad hanataan khasnadaha Naxariista Rabbigay, markaas waad ceshan lahaydeen baqe aad ka qabtaan inaad bixisaan (oo idinka le'do maalka), aadmiguna waa masuug badan yahay (qofuu Alle iimaan ku dhowro maahee)."},{"id":101,"translation":"101. Waxaan dhab ahaan siinnay Muuse sagaal calaamadood oo cad cad [35]; ee weydii Ilmahii Israa’iil markuu u yimid oo Fircoon ku yidhi: Waxaan kuu malaynayaa Muusow inaad tahay mid sixran.","footnotes":"[35]. Sagaalka mucjisadood waxaa weeye: Usha maska noqon, gacanta ifeysa, abaar lagu salliday, ayax, injir lagu salliday, raha, duufaanta, kala dhanbalidda badda, iyo biyaha oo isu beddelaya dhiig."},{"id":102,"translation":"102. (Muuse) wuxuu yidhi: Waa ogtahay in aanay soo dejinin kuwani cidaan ahayn Rabbiga samooyinka iyo arlada xujooyin cad ahaan. Anna waxaan kuu maleyn Fircoonow inaad tahay mid loo qoray halaag."},{"id":103,"translation":"103. Markaasuu doonay inuu ka fiijiyo arlada. waase harqinnay isaga iyo wixii la socday oo dhan."},{"id":104,"translation":"104. Waxaana ku nidhi Ilmihii Israa’iil (Fircoon) kadambow: Dega dhulka 'Shaam', markase uu yimaado yabooha nolosha dambe (ee Qiyaamaha) inuu fulo. Waxaan idin keeni dhammaan (banka Qiyaamaha si la idiinla xisaabtamo)."},{"id":105,"translation":"105. Xaq baana (Qur’aanka) ku soo dejinnay, Xaq buuna ku soo degay [36]. Kuumana aanu soo dirin (Nabiyow) waxaan aheyn inaad ahaato bishaareeye iyo dige ahaan.","footnotes":"[36]. Ma jiro Qur’aanka wax iska hor imaanaya, mana ku jiro wax ka weecasho ah Xaqa."},{"id":106,"translation":"106. Waana Qur’aan aan u soo dejinnay qayb qayb [37], si aad ugu akhrido dadka aayar. Waxaana u soo dejinnay heerar kala duwan soo dejin dhan.","footnotes":"[37]. 23 sano gudahood."},{"id":107,"translation":"107. Dheh: Rumeeya (Qur’aanka) ama ha rumaynina. kuwa la siiyey cilmiga isaga horti [38], marka loo akhriyo, waxay ula dhacaan 'dhulka' gadhadhkooda 'iyo wejiyadooda' sujuud.","footnotes":"[38]. Dadka wanaagsan ee ku jira Ehlu Kitaabka 'Yuhuudda iyo Nasaarada soo Islaamay', ee garta xaqa ku sugan Qur’aanka."},{"id":108,"translation":"108. Waxayna yidhaahdaan: Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbigeen oo ka Hufan (ceeb iyo nuqsaan)! Ballan qaadka Rabbigayo waa mid fula."},{"id":109,"translation":"109. Waxay 'dhulka' ula dhacaan gadhadhkooda 'iyo wejiyadooda' iyagoo ooyaya, wuxuuna u kordhiyaa (Qur’aanku) khushuuc."},{"id":110,"translation":"110. Dheh: Ku barya Allaah ama ku barya Ar-Raxmaan, midkaad ku baridaanba (waa isku mid), Isagaa iska leh Magacyada aad u wanaagsan ee Quruxda badan. Ha la tannaagoonin (akhriskaaga) salaadda gudaheeda, hana qarasn si hoose, ee doon labadaa dhexdooda jid (dhexdhexaad) ah."},{"id":111,"translation":"111. Dheh: Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, aan yeelan ilmo, oo aan lahayn wax shariig ah oo la wadaaga mulkiga (iyo maamulka uunka), oo aan (u baahneyn inuu yeesho) gargaare tabar yari darteed, ee weynee weyneyn dhan."}]},{"id":18,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Ammaan oo idil iyo mahad waxaa leh Allaah ee ku soo dejiyey addoonkiisa Kitaabka (Qur’aanka) oo aan u yeelin wax qallooc ah [1].","footnotes":"[1]. Waa kitaab toosan Qur’aanka oo qofkii raacaa uusan lahaaneyn qallooc iyo leexleexasho. Wuxuuna Alle ku soo dejiyey addoonkiisa Nabi Muxammad s.c.w."},{"id":2,"translation":"2. Kitaab toosan, si uu uga digo cadaab daran oo Xagga (Alle) ah, uguna bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay leeyihiin Abaalgud Wanaagsan (Janno)."},{"id":3,"translation":"3. Ay ku negaadi weligood."},{"id":4,"translation":"4. Oo uu digo kuwa yidhaahda: Alle Wuxuu leeyahay ilmo."},{"id":5,"translation":"5. Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, xumaan badanaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn."},{"id":6,"translation":"6. Waa intaasoo aad ku halaagto naftaada raadkooda (gadaashooda) murugo darteed, haddaysan rumeyn (Qur’aankan)."},{"id":7,"translation":"7. Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah qurux lagu qurxiyey, si aanu u imtixaanno midkood ugu camal fiican."},{"id":8,"translation":"8. Waxaanuna xaqiiq ka yeeli dhammaan waxa korkeeda ah 'arlada' ban gabiib ah aan wax ka soo bixin."},{"id":9,"translation":"9. Mise, ma waxaad mooddaa in 'dhacdadii' qolodii hogga iyo looxa 'ay ku qornaayeen magacayadoodu' [2] ay yihiin kuwa calaamooyinkayaga ugu yaabka badan [3]?","footnotes":"[2]. Ar-Raqiim: waa looxii ama indhalkii ay ku qornaayeen xikmadaha iyo wararkii asxaabul kahaf. Waana mid ka mid ah waxyaalaha cajabta badan ee Allaah abuuray. \n[3]. Bal waa mid keliya ee ka mid ah waxyaalaha cajaa’ibta badan ee Alle."},{"id":10,"translation":"10. Markay dhallinyardii u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow naga sii Xaggaaga Naxariis, noogana dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh."},{"id":11,"translation":"11. Markaasaan ka dhowrnay inay (shanqar) maqlaan (oo ku sii deynay hurdo) hogga dhexdiisa tiro sanooyin ah."},{"id":12,"translation":"12. Markaasaan ka soo kicinnay (hurdadii) si aan u muujinno labada kooxood midkooda tiro koobi og muddada ay ku negaadeen."},{"id":13,"translation":"13. Annagaa kuu soo tebineyna qisadooda oo xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeysay Rabbigood oo aanu u kordhinnay hanuun."},{"id":14,"translation":"14. Waxaan ku xoojinnay quluubtooda [4] samir (iyo iimaan), markay kaceen [5] oo (ku) yidhaahdeen (boqorkii xukumayey ee sanam caabdudka ahaa): Rabbigayo waa (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno (caabudeyno) ilaah kale aan Isaga ahayn, (haddaan wax sidaa ka duwan nidhaahno) waxaan xaqiiq markaa ku hadallay wax xun oo xadgudub ah.","footnotes":"[4]. Waxay dhexdooda iskula ballameen inaysan caabudin axad aan ahayn Allaah, Macbuudka Xaqa ah. \n[5]. Inta abbaareen boqorkii Dikyanus ee daalim ahaa kibir badan."},{"id":15,"translation":"15. Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen (Alle) sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah?"},{"id":16,"translation":"16. Markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudaanba Alle maahee, ka doonta meel aad gabbaad ka dhigataan Hogga, Rabbigiin wuxuu wax idiinka fidin si waasic ah Naxariistiisa, oo idinka siin arrinkiinaan waxaad ku degtaan."},{"id":17,"translation":"17. Waxaad arki lahayd qorraxda markay soo baxdo oo uga iilaneysa Hoggooda xagga midig, markay dhacdona ka goyneysa gadaal xagga bidix, iyagoo ku sugan meel ballaaran oo hogga bartanki ah. Arrinkani (waa mid) ka mid ah calaamooyinka Alle. Qofkuu Alle hanuuniyo uun baa hanuunsan, qofkuu lumiyana u helimeysid gargaare hanuunsha."},{"id":18,"translation":"18. Waxaad u malayn laheyd kuwa soo jeeda iyagoo jiifa [6], waxaana u geddinaynay kolna dhinaca midig, kolna dhinaca bidix, halka eygoodu (dhabbacnaa) isagoo ku fidinaya labadiisa addimood ee hore irridka laga soo galo; haddaad eegi lahayd xaggooda, waad iska soo geddiyi lahayd adigoo baxsad ah, waxaana kaa buuxsami lahaa baqdin.","footnotes":"[6]. Alle wuxuu u soo diray hurdo asxaabul Kahaf ay la jiifeen 309 sannadood oo sannad bileedka ah. Eeg Aayadda 25 ee Suuradda Al-Kahaf. Xagga sannad qorraxeedka waa 300 oo sano, waxaa ku ziyaada sagaal sano xagga sannad bileedka."},{"id":19,"translation":"19. Sidaasaana u soo kicinnay si ay isu weydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yidhi: Immisaad joogteen (halkan)? Waxay yidhaahdeen: Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed. (kuwo kale) waxay yidhaahdeen: Rabbigiin baa dhab u ogsoon intaad joogteen. Ee haatan ula dira midkiin lacagtani fiddada ah aad leedihiin xagga magaalada, hana fiiriyo cidda ugu cunno xalaalsan, hana idiinka keeno risiq, hana u dhaqmo si feejignaan leh iyo dhimrin, yeysanna cidina idin ogaan."},{"id":20,"translation":"20. Xaqiiq hadday idin ogaadaan way idin dhagaxyeynayaan, ama idinku qasbayaan inaad u soo laabataan diintooda, mana liibaaneysaan markaas weligiin ."},{"id":21,"translation":"21. Sidaasaan uga yeellay [7] 'dadka' inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in Ballanka Alle xaq yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin [8]. Markay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo [9]; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan ka dhiseynaa masjid halkoodii.","footnotes":"[7]. Doonista Alle. \n[8]. Waxay isku khilaafeen Maalinta Qiyaamaha inay dhaceyso iyo in kale? Ma waxaa la soo saari jirka iyo ruuxda oo isku dhan? Mise ruuxda keliya? Markaasuu Alle ka yeelay inay la kulmaan dhallinyaradan lagu xusay qisadan oo u caddeeyey in Qiyaamuhu iman oo la soo bixin doono jirka iyo ruuxda oo isku dhan. \n[9].Waxaan ka dhigi goobtan meel cibaado."},{"id":22,"translation":"22. (Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) seddex waxaana afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan waxaana lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga in yar maahe [10]. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Waxnana ha ka weydiin arrinkooda midkoodna.","footnotes":"[10]. Xagga Qur’aanka, ee ah xujada keliya ee la hubo inuu xaq yahay, wuxuuna Qur’aanka tilmaamay inay ahaayeen toddoba."},{"id":23,"translation":"23. Ha odhan waxaasaan fali berritoole."},{"id":24,"translation":"24. (adigoo aan raacin) inshaa Allaah 'Hadduu Alle idmo' [11]. Xusuusona Rabbigaa markaad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow arrinkani toosnaanta.","footnotes":"[11].Waxaa soo arooray inay qaar ka mid ah Yuhuudda ay su’aaleen Nabiga s.c.w. ruuxda iyo qisadii asxbaaul Kahaf iyo Dul Qarnayn. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ii kaalaya berrito anigaa idin sheegiye, mana odhan inshaa Allaah. Laakiinse waxyi kuma soo degin maalintii xigtay oo Nabigu s.c.w. uma uusan jawaabin? Kaddib waxaa soo degay Aayadaha 23- 24 ee la xidhiidha arrinkaas waxaana halkaa darsin lagu siiyey Nabiga s.c.w. wuxuu Alle kaga digay inuu ilaabo inuu yidhaahdo Inshaa Allaah markaas oo kale, waana u dersin sidoo kale ummaddiisa."},{"id":25,"translation":"25. Waxay joogeen hoggoodii gudahiis saddex boqol oo sano, oo ay sagaal u dheer yihiin (sannad bileedka)."},{"id":26,"translation":"26. Dheh: Alle baa aad u ogsoon intay negaadeen, isagaa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, lamana wadaajiyo Xukunkiisa axadna."},{"id":27,"translation":"27. Akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo Kitaabka Rabbigaa ah, ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa, mana heleysid wax ka sokeeya Isaga aad magan gashid."},{"id":28,"translation":"28. Oo ku samirsii naftaada inaad ahaato la jirka kuwa barya (caabuda) Rabbigood subax iyo galabba iyagoo doonaya Wajigiisa, hana dhaafin xaggooda labadaada indhood adigoo doonaya qurxuda noloshan adduunka, hana adeecin mid aan qalbigiisa ka dhoohnay Xusiddayada oo raaca hawadiisa, arrinkiisuna yahay gabood fal."},{"id":29,"translation":"29. Dheh: Xaqu wuxuu ka ahaaday xagga Rabbigiin, ee qofkii doonaa ha rumeeyo, qofkii doonaana ha gaaloobo; Waxaan Annagu u diyaarinnay daalimiinta Naar ay gidaarradeedu koobi, hadday dalbadaan gargaar biyood waxaa loogu gargaari biyo daamur oo kale ah oo soli wajiyadooda. Xumaa cabbitaanka, oo u xumaa meel xusul la dhigo."},{"id":30,"translation":"30. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha, Annagu ma dayacno abaalgudka ciddii wanaajisa camalka."},{"id":31,"translation":"31. Waa kuwaa kuwa abaalgudkoodu yahay beero negaya (Jannooyinka Cadnin) oo ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, waxaa lagu qurxin iyagaa Jannada gudaheeda jijimo dahab ah, oo labbisan qamiisyo cagaaran oo ka sameysan xariir jilicsan iyo xariir adagba iyagoo ku dangiigsan sariiro heer sare ah dushood. Wanaagsanaa abaalgdukaa, oo u fiicanaa meel lagu dego oo la xusul dhigo."},{"id":32,"translation":"32. Ugu soo qaadna tusaale labo nin oo aan midkood u yeellay labo beerood oo canab ah oo aan ku hareereynay labadaba geedo timireed, oo aan ka soo saarnay dhexdooda sarac kala duwan."},{"id":33,"translation":"33. Mid walbaa labada beeroodba ay soo saartay midhaheeda iyadoo aan waxba ka dhimin, kana burqinnay dhexdooda webi."},{"id":34,"translation":"34. Midhona uu leeyahay markaasuu ku yidhi saaxiibki isagoo ay is la doodayaan: Anaa kaa maal badan oo kaa tol iyo tabar roon."},{"id":35,"translation":"35. Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa [12]. Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay (beer) tani baabba’ayso waligeed.","footnotes":"[12].Isagoo isla weyn ka abaal dhacsan Alle. Wuxuu khayrka iyo barwaaqada uu heysto u nisbeeyey naftiisa halkii Alle, wuxuuna dafiray inay jirto Aakhiro."},{"id":36,"translation":"36. Umana malaynayo inay Saacadda (Qiyaame) weligeed dhici, haddii la ii celiyona xagga Rabbigay waxaan ka heli meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican."},{"id":37,"translation":"37. Wuxuu saaxiibkiis ku yidhi isagoo la doodaya; Ma waxaad ku gaalowday Kan Isagu kaa abuuray carro, haddana dhibic mani ah, haddana kaa dhigay nin dhan."},{"id":38,"translation":"38. Waa se Allaah, Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna Rabbigay cibaadada."},{"id":39,"translation":"39. Maxaadan markaad gashay beertaada u odhan: Maashaa Allaah (waxa uu Alle doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog 'iyo xeelad' xagga Alle mooyee? Haddaad aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay."},{"id":40,"translation":"40. Waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna soo diro biriq cir ka soo dhac ah, markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn."},{"id":41,"translation":"41. Ama ahaadaan biyaheedu kuwa gudha, oo aad kari doonin inaad gaarto."},{"id":42,"translation":"42. Waa la koobay midhahiisii (oo la baabba’iyey), markaasuu wuxuu billaabay inuu 'kor iyo hoos u' geddiyo calaacalahiisa wuxuu maal ku baxshay darteed, iyadoo cid la’ ah oo isku soo hoos dhaceen saqafyadeedii, wuxuuna yidhi: Alla anigaa! Ii rooneydaa inaan la wadaajin Rabbigay cibaadada cidna."},{"id":43,"translation":"43. Uma ahaanin koox u gargaarta oo Alle sokadi ah, mana aha mid is difaaci kara."},{"id":44,"translation":"44. Halkaasi [13], awood oo dhan waxaa leh Allaah, Xaqa ah. Isagaa u abaal marin wanaagsan oo u cidhib san.","footnotes":"[13]. Waqtigaas ama Maalinta Qiyaamaha"},{"id":45,"translation":"45. Ugu soo qaad tusaale nolosha \nadduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruuraha, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabeyshu firdhiso. Alle wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood."},{"id":46,"translation":"46. Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunkan, ha yeeshee (Alle Xuska iyo) camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa xagga Rabbigaa khayr roon oo rajo wanaagsan."},{"id":47,"translation":"47. Oo (ka dig) maalinta aan ka yeeli buuraha inay tagaan, waxaadna arki dhulka oo ban muuqda ahoo siman, waxaanu soo kulmin iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna."},{"id":48,"translation":"48. Waxaa la keeni Rabbigaa horti iyagoo u taagan saf saf: Waxaad dhab ahaan noogu timaaddeen idinkoo ah sidii aan idiin abuurnay kal hore (cago cad oo qaawan). Mayee waxaad mooddeen inaynu idiin yeelin waqti aan ku oofiinno ballanka."},{"id":49,"translation":"49. Waxaa la soo hor dhigi Kitaabka (camalladooda ku qoran yihiin), markaasaad arkeysaa denbiilayaasha oo ka baqaya waxa ku yaal. Waxayna odhan: Alla hooggayaga'e! Muxuu yahay Kitaabkani aan dhaafeyn wax yar iyo wax weynba inuu tiro koobo ma’ahee, waxayna heli waxay camal faleen oo hortooda yaal. Ma dulmiyo Rabbigaa axadna."},{"id":50,"translation":"50. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, oo ay u sujuudeen Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; wuxuu caasiyey Amarka Rabbigi. Ee ma waxaad ka yeelaneysaan isaga iyo durrayaddiisa gargaarayaal Aniga ka sokow iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxay wax ku doorsadeen daalimiintu."},{"id":51,"translation":"51. Ugama dhigan marag kuwaas abuurista samooyinka iyo arlada iyo abuurista nafahooda midna, mana Ahi mid ka yeelan kuwa wax dhumiya cudud."},{"id":52,"translation":"52. (Ka dig) Maalinta uu Alle odhan: U yeedha kuwa aad u heysateen inay yihiin shurukadeyda (oo aad ila barbar caabuddeen). Markaasay u yeedhi, uma ay se jawaabayaan, waxaanuna yeeli dhexdooda xannib."},{"id":53,"translation":"53. Waxay arki denbiilayaashu Naarta, oo yaqiinsan inay ku dhici, mana helayaan meelay kaga weecdaan."},{"id":54,"translation":"54. Waxaan dhab ahaan dadka ugu caddaynay Qur’aankan nooc kasta oo tusaale ah. Aadmigu waa kan wax walba ugu dood badan."},{"id":55,"translation":"55. Ma jiro wax ka cesha dadka inay rumeeyaan markuu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan denbi dhaaf Rabbigood, aan ahayn 'dalabkooda' inay u timaaddo wixii ku dhacay kuwii hore [14], ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah.","footnotes":"[14]. Ee beeniyey Xaqii ay u keeneen Anbiyada Alle."},{"id":56,"translation":"56. Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyayaal iyo digayaal, waxayna kuwa gaalooba ku doodaan baadil si ay ugu buriyaan Xaqa Oo ka dhigtaan Aayadahayga iyo waxa looga digo dheel dheel."},{"id":57,"translation":"57. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi, markaas ka sii jeesada hilmaamana waxay labadiisa gacmood horay u geysteen (oo denbiyo ah)? Hubaal waxaanu yeellay daboollo quluubtooda dushood si aanay u fahmin, iyo culeys dhegahooda, haddaad ugu yeedho hanuunkana, ma hanuunayaan weligood."},{"id":58,"translation":"58. Rabbigaa (Alle) waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Hadduu u qaban dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), wuxuu u soo dedejin lahaa cadaabka. Waxayse leeyihiin waqti go'an (Maalinta Qiyaamaha) oo aanay helayn meelay (kaga baxsadaan ama) ka magan galaan."},{"id":59,"translation":"59. Magaalooyinkaa (reer Caad iyo Thamuud, iwm) waan halaagnay markay dulmi (shirki iyo macaasi) faleen, waxaana u yeellay halaaggoodii waqti go’an."},{"id":60,"translation":"60. (Xus) markuu Muuse ku yidhi adeegahiisii (Yuushac bin Nuun): Ma joogayo jeer aan gaaro halkay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan."},{"id":61,"translation":"61. Markayse gaadheen halkay ku kulmaan labada (badood) waxay hilmameen kalluunkoodii, oo ka dhigtay jidkiisa badda gudaheeda god oo kale."},{"id":62,"translation":"62. Markay in badan dhaafeen, wuxuu (Muuse) ku yidhi adeegihiisii: Noo keen qadadeenna; dhab ahaan waxaan kala kulannay safarkeennani daal badan."},{"id":63,"translation":"63. (Yuushac) wuxuu yidhi: Ma aragtay markaan ku nasannay buurtii dhagaxa ahayd, waxaan hilmaamay kalluunkii, mana jiro wax I hilmaansiiyey inaan xuso aan ahayn shaydaan. Wuxuuna (kalluunka) qaaday jidkiisa xagga badda si cajab leh!"},{"id":64,"translation":"64. (Muuse) wuxuu yidhi: Arrinkani waa waxaanu doonaynay, markaasay dib u noqdeen iyagoo qaadaya raadadkoodii."},{"id":65,"translation":"65. Markaasay ka heleen halkaa addoon ka mid ah addoomahayga oo aan siinnay Naxariis xaggayaga ah, kaasoo aan ka barnay Xaggayaga cilmi [15].","footnotes":"[15]. Mufasiriinta qaarkood waxay sheegeen iyagoo daliilsanaya xadiis laga soo weriyey Nabiga s.c.w. in addoonka halkan loola jeedo Al-Khadir, naxariistana loola jeedo Waxyiga iyo Nabinnimada la siiyey, cilmigana loo jeedo cilmi Ghaybka sida ku iman doonto Aayadaha xiga. Caamada qaar ayaa rumeysan inuu Khadir dhiman oo nool yahay, taasina ma aha sax, waayo waxaa soo arooray axaadiis muujinaya inuusan nooleyn. Hadduu nool yahay wuxuu u iman lahaa Nabiga s.c.w. oo rumeyn lahaa oo u gargaari laha. Nabigu s.c.w. wuxuu mar xadiis ku sheegay in wixii ka billowda maalintaas hadday ka soo wareegto boqol sano axadna dhulka ku nool markaa uusan noolaan doonin boqol sano kaddib. Qisadanina waxay dhex martay Al-Khadir iyo Nabi, wiilka la socday Nabi Muuse oo u adeegayeyna wuxuu ahaa Yuushac bin Nuun oo isna Nabi noqday ka mid ah anbiyadii ilmihii Israa’iil waa’ dambe kaddib Muuse c.s."},{"id":66,"translation":"66. Muuse wuxuu ku yidhi: Ma ku raaci karaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno."},{"id":67,"translation":"67. (Khadir) wuxuu yidhi: Adigu ma kareysid la jirkayga samir."},{"id":68,"translation":"68. Sidee baadna ugu samir yeelan waxaadan cilmi ku koobin?"},{"id":69,"translation":"69. (Muuse) wuxuu yidhi: Haddii Alle Idmo, waxaad iga heli samir, kugumana caasinayo arrinna."},{"id":70,"translation":"70. (Khadir) wuxuu yidhi: Haddaad i raacdo markaa yeysan jirin wax aad wax iga wey- diiso jeer aan kaaga warramo maahee."},{"id":71,"translation":"71. Markaasay tageen ilaa ay koreen doonni, oo uu duleeliyey (looxii doonta); (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad u duleelisay inaad qarqido dadkeeda? Waxaad la timid arrin fool xun."},{"id":72,"translation":"72.Wuxuu yiri: Miyaanan kugu odhan, adigu ma kareysid la jirkayga samir?"},{"id":73,"translation":"73. (Muuse) wuxuu yidhi: Ha ii qabanin waxaan hilmaamo [16], hana igu kallifin wax adag aan dhibsado arrinkaygan (wax barashada) darteed.","footnotes":"[16]. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuu u dhaafay ummadeyda (wixii ku soo dhaca) naftooda (oo camallo xun ah) marba haddaysan ku dhaqmin ama ku dhawaaqin iyo wixii halmaan uga dhaca iyo wixii lagu qasbo.»."},{"id":74,"translation":"74. Way tageen ilaa ay la kulmeen wiil (yar), markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf daahir ah oo aan naf dilin? Waxaad la timid wax xun oo aan la qaadan karin."},{"id":75,"translation":"75. (Khadir) wuxuu yidhi: Miyaanan kugu odhan:Adigu ma kareysid la jirkeyga samir?"},{"id":76,"translation":"76. (Muuse) wuxuu yidhi: Haddaan ku weydiiyo wax ka dambeeya tani, haba yee- lin inaan kula socdo, waxaad dhab ahaan heshay cudur daar xagga arrinkeyga."},{"id":77,"translation":"77. Way tageen jeer markay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay weydiisteen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan [17]; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaasuu (Khadir) toosiyey. (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddaad doonto, waxaad ku qaadan lahayd ujro.","footnotes":"[17]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu wanaajiyo martidiisa, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ka ilaaliyo dhib oo dhan jaarkiis, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ku hadlo hadal wanaagsan oo khayr ah ama iska aamuso. (W.w. Abuu Daawuud)"},{"id":78,"translation":"78. (Khadir) wuxuu yidhi: Kan waa kala tagga dhexdeenna aniga iyo adiga, ee waxaan kuu sheegi fasiraadda waxaad u samir yeelan kari weyday."},{"id":79,"translation":"79. Ma doonnida, waxaa lahaa dad masaa- kiin ah oo badda ka xoogsada. Waxaana doonay inaan ceeb u yeelo, waayo waxaa hortooda ahaa boqor ku qaata doonni walba (oo hagaagsan) qasab."},{"id":80,"translation":"80. Wiilkana, waxay labadiisii waalid ahaayeen mu’ miniin, waxaana ka baqnay inuu ku dhibo xadgudub iyo abaal dhac."},{"id":81,"translation":"81. Waxaana doonnay inuu ugu beddelo Rabbigood mid ka khayr roon daahirinimo oo naxariisasho dhow."},{"id":82,"translation":"82. Gidaarkana, waxaa lahaa labo wiil oo agoomo ah oo magaalada jooga; waxaana hoostiisa yaalay khaznad maal ah ay iyagu leeyihiin; wuxuuna ahaa aabbahood qof wanaagsan, marka Wuxuu Rabbigaa doonay inay qaan gaaraan oo la soo baxaan khasnaddooda, naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa; kumana aan samayn waxaan falay amarkayga. Waana kaas tafsiirka (arrimihii) aad u samir yeelan kari weyday."},{"id":83,"translation":"83. Waxay wax kaa weydiin Dul Qarnayn. Dheh: Waxaan idiin akhrin war ku saabsan isaga."},{"id":84,"translation":"84. Waxaan ku awood siinnay dhulka, waxaana u siinnay wax walba sabab \n (cilmi)."},{"id":85,"translation":"85. Wuxuu raacay waddo."},{"id":86,"translation":"86. Ilaa, markuu gaaray meeshay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa il dhoobo madow ah [18], oo ka helay agteeda qolo. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto (hadday diidaan inay Xaqa rumeeyaan) ama u axsaan fasho (oo barto Islaamka).","footnotes":"[18]. Macno kale waa il biyo kulul."},{"id":87,"translation":"87. Wuxuu yidhi: Qofkii dulmi fala 'oo fallaagooba' [19], waa aanu cadaabi (dili), haddana waxaa loo celin xagga Rabbigiis; wuxuuna ku cadaabi cadaab daran.","footnotes":"[19]. Ku adkeysta shirki, gaalnimo, denbi, iwm oo aan dooneyn inuu hanuuno oo qaato Islaamka."},{"id":88,"translation":"88. Qofkii se (Xaqa) rumeeya oo sama fala, wuxuu leeyahay abaal gud wanaagsan (Janno). Waxaana kula hadli ereyo nugul oo amarkayaga ah."},{"id":89,"translation":"89. Markaasuu raacay waddo (kale),"},{"id":90,"translation":"90. Ilaa markuu gaaray meeshay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan [20].","footnotes":"[20]. Dad masaakiin ah aan waxba heysan."},{"id":91,"translation":"91. Sidaas weeyee! Waxaana ku koobnay ogaansho waxa uu heystay."},{"id":92,"translation":"92. Markaasuu raacay waddo (kale),"},{"id":93,"translation":"93. Ilaa markuu gaaray (meel) labo buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba [21].","footnotes":"[21]. Waxay ahaayeen dad aan garaneyn af aan ahayn afkooda, waayo afkooda wuu ka duwanaa afafka qeyrkood, mana caddeyn karin muraadkooda aqoon yari darteed."},{"id":94,"translation":"94. Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Waxay Yuug iyo yamaayuug [22] ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa kharash waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga xidh gidaar ah?","footnotes":"[22]. Ya’juuj iyo Ma’juuj waa labo qolo oo waxshi ah oo deggan qaybo ballaaran oo ka mid ah Aasiyada dhexe, kuwaasoo fala nooc kasta oo fasahaad ah."},{"id":95,"translation":"95. Wuxuu yidhi: Wuxuu awood I siiyey Rabbigay baa igu filan oo khayr roon, ee igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli moos xir weyn dhexdiinna idinka iyo iyaga."},{"id":96,"translation":"96. Ii keena goosimo bir ah; jeer markuu simay dhinacyada labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka yeelay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubee."},{"id":97,"translation":"97. Ma ay karin (Ya'juuj iyo Ma'juuj) inay ka soo kor baxaan mana karin inay duleeliyaan."},{"id":98,"translation":"98. (Dul Qarnayn) wuxuu yidhi: Waxakani waa Naxariis xagga Rabbigay ah, markase uu Yabooha Rabbigay yimaado, wuxuu la simi dhulka, Yabooha Rabbigay xaq weeye."},{"id":99,"translation":"99.Waxaan u dayn qaarkood Maalintaa inay is buurtaan oo is dhex yaacaan (hirar oo kale) qaar kale. Waxaa la afuufi Buunka, oo soo kulmin iyagoo dhan [23].","footnotes":"[23]. Maalinta dhismahaa weyn ee lagu xiray Ya’juuj iyo Ma’juuj la burburiyo."},{"id":100,"translation":"100. Waxaan u bandhigeynaa Jahannama maalintaa gaalada bandhig."},{"id":101,"translation":"101. Kuwa ay indhahoodu ka daboollaayeen Waanadayada [24], ee aan kari jirin inay maqlaan.","footnotes":"[24]. Waa Calaamooyinka Alle, ama Qur’aanka."},{"id":102,"translation":"102. Ma waxay kuwa gaalooba moodaan inay (anfaceyso) inay ka yeeshaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Waxaan u diyaarinnay Jahannama degaan ahaan gaalada."},{"id":103,"translation":"103. Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan?"},{"id":104,"translation":"104. Waa kuwaa camalkooda noloshan adduunka yahay khasaaro aan wax qiimo ah laheyn iyagoo mooda inay sama falaan?"},{"id":105,"translation":"105. Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa [25]. Marka camalladooda waa buraan. Sidaas awgeed uma yeelno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha.","footnotes":"[25]. Waxay diidaan inay dhageystaan Qur’aanka ama fahmaan oo waxay beeniyaan Maalinta Dambe ‘Aakhirada’."},{"id":106,"translation":"106. Sidaas waa in abaalkoodu yahay Jahannama; gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen Aayadahayga iyo Rusushayda jeesjees."},{"id":107,"translation":"107. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay leeyihiin beeraha Al-Firdaws [26] degitaan (marti qaad) ahaan.","footnotes":"[26]. Al-Firdaws waa halka ugu sarreysa uguna fiican Jannada."},{"id":108,"translation":"108. Iyagoo ku dhex waaraya weligood mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan)."},{"id":109,"translation":"109. Dheh: Hadday baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay [27], baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddaan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato.","footnotes":"[27]. Kelmedahaa waa amarrada Alle ee aan la soo koobi karin ama Kelmedaha sheegaya Tilmaamahiisa ama Ammaanahiisa."},{"id":110,"translation":"110. (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaan anigu uun ahay qof idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah Mid Keliya ah (Allaah), ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha fasho camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigi."}]},{"id":19,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. (Kani waa) xusid Naxariista Rabbigaa (u naxariistay) addoonkiisii Zakariya."},{"id":3,"translation":"3. Markuu u dhawaaqay Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (oo Alle bari ah)."},{"id":4,"translation":"4. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, anigu way daciifeen lafahaygii filweyni darteed, madaxeyguna wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, mana ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiyow mid ku hungooba."},{"id":5,"translation":"5. Waxaana u cabsan xigtada [2] iga dambeysa (inay xumaadaan), marwadeyduna waa ma dhaleys. Ee iga sii Xaggaaga wali 'walad' [3].","footnotes":"[2]. Qaraabada dhinaca aabbaha ah \n[3]. Si uu u dhaxlo xilka diinta, cilmiga, iyo hoggaaminta reer Israa’iil."},{"id":6,"translation":"6. I dhaxla [4], dhaxlana reer Yacquub oo ka yeel Rabbiyow midaad ka raalli tahay.","footnotes":"[4]. Iga dhaxla cilmiga diinta iyo Nabinnimada ee loola ma jeedo maalka, waayo anbiyadu lagama dhaxlo maal adduunyo, waxay ka tagaan oo maal ahna waa sadaqo."},{"id":7,"translation":"7. (Waxaa lagu yidhi): “Zakariyow! Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu yahay Yaxyaa. Ma aanu u yeelin horey wax la magac ah."},{"id":8,"translation":"8. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays,aniguna ka gaaray weynida gabow."},{"id":9,"translation":"9. (Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu yidhi [5]: Waa ii fududdahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkii horeba adigoon waxba ahayn.","footnotes":"[5]. Alle Subxaanahu watacaalaa uu u soo faray malaa’igta."},{"id":10,"translation":"10. (Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaamad- daadu waa inaadan la hadli kareyn dadka saddex 'maalmood iyo' habeenno adigoo fayow.”"},{"id":11,"translation":"11. Markaasuu uga soo baxay qolodiisii mixraabka, oo u tilmaamay inay (Alle) u tasbiixsadaan (ka hufaan ceeb iyo nuqsaan) oo xusaan subax iyo galabba."},{"id":12,"translation":"12. (Waa' dambe, Alle Wuxuu yidhi): \"Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Waxaanuna siinnay fahan iyo xikmad isagoo yar."},{"id":13,"translation":"13. iyo maxabbad Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho. Wuxuu ahaa mid ka cabsada Alle oo ka dhowrsada xumaha."},{"id":14,"translation":"14. Baarri u ah labadiisa waalid, ma aheyn macangag aan wax maqlin 'caasi ah'."},{"id":15,"translation":"15. Nabad korkiisa ha ahaato maalintuu dhashay, iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool."},{"id":16,"translation":"16. Ku xus Kitaabka Qur’aanka (qisadii) Maryam, markay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka bari ah (bariga Qudus)."},{"id":17,"translation":"17. Waxay yeelatay daah (ay iskaga asturto); Markaasaan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil) oo isaga soo dhigay qof Aadmi ah oo dhan."},{"id":18,"translation":"18. (Maryam) waxay tidhi: Anigu Waxaan kaa magan galay Naxariistaha (Alle, ee iga dheerow) haddaad tahay mid dhowrsada."},{"id":19,"translation":"19. (Malaggii) wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) siismada wiil daahir ah."},{"id":20,"translation":"20. (Maryam) waxay tidhi: “Sidee baan u yeelan wiil, anigoo uusan nin i taaban, aniguna ma ahi zaaniyad?"},{"id":21,"translation":"21. (Malaggii) wuxuu yidhi: “Waa sidaas', Rabbigaa Wuxuu yidhi: \"Waa ii fududdahay, waxaana uga yeeli calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo xukumay (gooyey)\"."},{"id":22,"translation":"22. Markaasay uur qaadday, waxayna ula fogaatay meel dheer (Beytlaxam oo Qudus u jirta 10km)."},{"id":23,"translation":"23. Wuxuu keenay xanuunkii foosha geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi:“Alla haddaan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la halmaamo oo la waayo araggeeda”."},{"id":24,"translation":"24. Markaasuu uga dhawaaqay [6] meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah.","footnotes":"[6]. Waxaa jira kala duwanaan xagga aragtida ah in odhaahdaa: “Wuxuuse uga dhawaaqay meel ka hooseysa ” uu yidhi ilmaha ay dhashay (Ciise) ama malag Jabriil."},{"id":25,"translation":"25. U soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil -"},{"id":26,"translation":"26. Cun oo cab il qabowsona, haddaad aragto cid uun dadka ka mid ah, dheh: Waxaan anigu u nidray Naxariistaha (Alle) soon (af qabsi), marka lama hadlayo maanta cidna aadmi ah.”"},{"id":27,"translation":"27. Waxay ula timid (Ciise) dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad la timid wax weyn."},{"id":28,"translation":"28. Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, mana ahayn hooyadaa zaaniyad.”"},{"id":29,"translation":"29. Waxay u tilmaantay (wiilka) xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadleynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah\"?"},{"id":30,"translation":"30. (Ciise) wuxuu yidhi: \"Anigu waxaan ahay addoon Alle, wuxuu i siin Kitaab (Injiil) oo uu iga yeeli Nabi;”"},{"id":31,"translation":"31. Wuxuuna iga yeelay mid barakaysan meel aan joogaba, oo ii dardaarmay inaan oogo salaadda oo bixiyo Zakada intaan noolahay.”"},{"id":32,"translation":"32. Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, igamana dhigin macangag, khayr daran."},{"id":33,"translation":"33. Nabadi ha ahaato korkayga maalintaan dhashay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta la i soo bixin anoo nool”."},{"id":34,"translation":"34. Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka shakisan yihiin (kana ay doodi)."},{"id":35,"translation":"35. Kuma habboona Alle inuu yeesho wiil (ilmo). Subxaanah (wuu ka hufan yahay nuqsaan). markuu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waana uu yahay."},{"id":36,"translation":"36. (Ciise wuxuu yidhi): “Xaqiiqna Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isagoo Keliya, kan baa ah Jid Toosan."},{"id":37,"translation":"37. Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdoo- da (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaalooba ka soo gaadhi kulan Maalin weyn."},{"id":38,"translation":"38. Wax maqli ogaa oo arki ogaa Maalinta la keenayo Hortayada! Daalimiintu se maanta waxay ku sugan yihiin habow cad."},{"id":39,"translation":"39. Uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la gooyo, haddase dhoohnaan baa heysa, mana rumeeyaan (Xaqa)."},{"id":40,"translation":"40. Waa Annaga (Allaah) kuwa dhaxli arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Xaggaygaana laydiin soo celin."},{"id":41,"translation":"41. Ku xus Kitaabka Qur’aanka (Qisadii) Ibraahiim. Wuxuu ahaa run badne, Nabi ah."},{"id":42,"translation":"42. (Xus) markuu ku yidhi aabbihiis: Aabbow! Maxaad u caabudi waxaan wax maqleyn, waxna arkeyn waxnana ku tari karin."},{"id":43,"translation":"43. Aabbow! Aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":44,"translation":"44. Aabbow! Ha caabudin (adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah."},{"id":45,"translation":"45. Aabbow! Anigu waxaan ka cabsan inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka rafiiq (Naarta gudaheeda)."},{"id":46,"translation":"46. Wuxuu (aabbihii) yidhi: “Ma waxaad nici ilaahyadayada, Ibraahiimow? Haddaad ka harin (waxakani), waan ku dhagaxyeyn. Ee iga dheerow in muddo ah."},{"id":47,"translation":"47. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi denbi Dhaaf Rabbigay. Hubaal, waa Mid ii Roonaan Badane."},{"id":48,"translation":"48. Waana idinka fogaan idinka iyo waxa aad caabuddaanba Alle sokadi. Waxaan baryi Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaan rajeyn inaanan noqon mid baryada Rabbigay ku hungooba”."},{"id":49,"translation":"49. Markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi Alle sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waxaan ka yeelnay Nabi."},{"id":50,"translation":"50. Waxaana ka siinnay Naxariistayada (khayr iyo riziq badan), oo u yeelnay ammaan run ah oo sarreysa."},{"id":51,"translation":"51. Ku xus Ktiaabka (Qur’aanka) Muuse. Wuxuu ahaa daacad, Rasuul Nabi ah [7].","footnotes":"[7]. Rasuul waa midka Alle u xil saaro inuu hanuuniyo dadka oo gaarsiiyo Fartiintiisa, halka Nabi loola jeedo midka ka hela Waxyi xagga Alle aanse la amrin inuu dadka gaarsiiyo, anbiyada baana ka badan Rususha."},{"id":52,"translation":"52. Waxaan uga dhawaaqnay dhinaca Buurta ee midigta ah [8], oo soo dhoweynay innagoo la faqeyna.","footnotes":"[8]. Buurta Siinaay."},{"id":53,"translation":"53. Waxaana ka siinnay Naxariistayada walaalkii Haaruun oo Nabi ah."},{"id":54,"translation":"54. Ku xus Kitaabka (Qur’aanka) Ismaaciil. Wuxuu ahaa mid ka rumeeya ballanka uu galo, wuxuuna ahaa Rasuul Nabi ah."},{"id":55,"translation":"55. Wuxuu amri jiray ehelkiisa Salaadda iyo Sakada, wuxuuna ahaa mid Rabbigiis Raalli ka yahay."},{"id":56,"translation":"56. Kuna xus Kitaabka (Qur’aanka) Idriis. Wuxuu ahaa run badane Nabi ah."},{"id":57,"translation":"57. Waxaan kor ugu qaadnay meel sare."},{"id":58,"translation":"58. Kuwaas waa kuwuu Alle u nicmeeyey oo Nabiyadii ah, durriyadii Aadam, iyo kuwa aan kula qaadnay (Doonnida) Nuux, iyo durriyadii Ibraahiim iyo Israa’iil (Yacquub) iyo kuwa aan hanuuninnay oo aan doorannay. Marka kuwaasi Aayadka Raxmaanka loo akhriyo, waxay ula dhacaan dhulka sujuud iyo oohin."},{"id":59,"translation":"59. Waxaase yimid iyaga ka dambow haraa (facyo dambe) ee dayacay salaadda oo raacay waxay naftu jecleysato (oo xun); marka waxay la kulmi hoog [9].","footnotes":"[9]. Ghayyan waxaa lagu fasiray tog ku yaal Naarta, ama waxaa loola jeedaa wuxuu la kulmi “cidhibta xun ee camalkiisa”"},{"id":60,"translation":"60. Kan tawbad keena, oo rumeeya (Xaqa), oo sama fala mooyee. Kuwaasu waxay geli Jannada, iyagoon waxba laga dulmineyn."},{"id":61,"translation":"61. Beero nagaya (Jannooyinka Cadni) oo uu Naxariistaha (Allaah) ugu yaboohay addoomahiisa Ghaybka (iyagoon arag). Yaboohiisu waa kii yimaada oo hirgala."},{"id":62,"translation":"62. Kuma maqlayaan gudaheeda wax Hadal macno darro ah, waa uun Salaan (is nabaadin). Waxayna ku lahaan risiqooda subax iyo galabba (kala go' la'aan)."},{"id":63,"translation":"63. Taasu waa Jannada aan dhaxalsiinno addoomahayaga kooda ka dhowrsada xumaha (oo noo hoggaansan)."},{"id":64,"translation":"64. (Jabriil wuxuu yidhi) oo Annagu (malaa’igta ah) kuma soo degno waxaan ahayn Amarka Rabbigaa [10]. Isagaa leh waxa hortayada ah iyo waxa gadaashaya- da ah iyo waxa labadaa u dhexeeyaba. Ma aha Rabbigaa mid wax halmaama.","footnotes":"[10]. Waa ka jawaabid doonista Nabiga s.c.w inuu Jabriil in badan soo siyaarto."},{"id":65,"translation":"65. Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ee caabud Isagoo Keliya oo u samir yeelo cibaadadii. Miyaad garan wax la mid ah oo la Magac iyo Tilmaan ah?"},{"id":66,"translation":"66. Aadmigu (kan gaalka ahi) wuxuu yidhaahdaa: “Ma markaan dhinto, miyaa la I soo bixin anigoo nool?”"},{"id":67,"translation":"67. Miyuusan Aadmigu xusuusnayn inaan abuurnay kal hore isagoon waxba ahayn?"},{"id":68,"translation":"68. Ee waa igu Rabbigaaye, waanu soo kulmin iyaga iyo shaydaammadaba, markaas waxaanu keeni hareeraha jahannama iyagoo jilba joogsan [11].","footnotes":"[11]. Iyagoo kuf kufaya oo jilbahooda u dhacaya argagax darteed ama loo jiidayo Naarta iyagoo aan dooneyn oo jilbaha ku jooga oo dhulka ku jiidaya."},{"id":69,"translation":"69. Markaas waxaan ka soo siibi qolo walba kuwooda ugu dar-darnaa xagga Raxmaanka (Allaah)."},{"id":70,"translation":"70. Annagaana dhab u ogsoon kuwa u sii mudan Naarta geliddeeda oo ku gubtaan."},{"id":71,"translation":"71. Ma jiro mid idinka mid ah oo aan dul mareyn (Naarta) korkeeda; kani waa Guddoon Rabbigaa waajib ah xukman."},{"id":72,"translation":"72. Markaas waxaanu badbaadin kuwii iska jiray (shirkiga iyo xumaha kale) oo uga tegi daalimiinta dhexdeeda iyagoo ku jilbo joogsan."},{"id":73,"translation":"73. Marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, waxay kuwa gaalooba ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey, “Midkee baa labadaya qolo degmo wanaagsan oo joog fiican."},{"id":74,"translation":"74. Badanaa intaan halaagnay hortood fac, oo ka hanti, alaab iyo arag wanaagsanaa?."},{"id":75,"translation":"75. Dheh, \"kii ku jira habow, ha u fidiyo Raxmaanku waxa uu heysto fidin (maalka iyo waqtiga), jeer markay arkaan waxaa loogu gooddiyey, oo cadaab (adduunka) ah ama Saacadda (Qiyaame), way ogaan kan xun degmo ahaan oo tabar yar ciidan ahaan."},{"id":76,"translation":"76. Wuxuu Alle u kordhiyaa kuwa hanuunay hanuun. Camallada wanaagsan ee baaqiga ah baana khayr roon Rabbigaa agtiis oo leh aayo wanaagsan."},{"id":77,"translation":"77. Bal ka warran kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin (Aakhiro) maal iyo carruur [12].”","footnotes":"[12]. Halka aan ka siin lahayn maal iyo carruur, Alle wuxuu ka qaadi doonaa waxaas uu ku heysto nolosha adduunka uu ku faano waqtiga dhimashadiisa."},{"id":78,"translation":"78. Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan?"},{"id":79,"translation":"79. Mayee’ waanu qori wuxuu sheegi, oo waan u fidin (kordhin) cadaabka fidin;"},{"id":80,"translation":"80. Waxaanuna ka dhaxli wuxuu sheegi oo dhan wuxuuna noo iman isagoo keli ah."},{"id":81,"translation":"81. Waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah) si ay u siiyaan ciso."},{"id":82,"translation":"82. Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, wayna ka soo hor jeesan col ahaan (Qiyaamaha)."},{"id":83,"translation":"83. Miyaadan arag inaan ku soo dirno shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah)."},{"id":84,"translation":"84. Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro [13] 'maalmo go’an'.","footnotes":"[13]. Waxaan u tirinnaa neefahiisa uu neefsado, iyo maalmahiisa, ama camalladiisa xun."},{"id":85,"translation":"85. Maalinta aan u soo gelbin dhowrsana- yaasha xagga Raxmaanka iyagoo wafdi ah."},{"id":86,"translation":"86. Oo aan u soo kaxeyn denbiilayaasha Jahannama iyagoo la asqoobay harraad."},{"id":87,"translation":"87. Ma hantaan shafeeco, mid maahee ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan [14].","footnotes":"[14]. Inuusan caabudin cid kale aan ahayn Alle."},{"id":88,"translation":"88. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxamaanku (Allaah) wuxuu yeeshay ilmo."},{"id":89,"translation":"89. Waxaad la timaaddeen wax daran oo baas."},{"id":90,"translation":"90. Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, dhulkuna la jeexmo, oo ay la hoobtaan buuruhu burbur."},{"id":91,"translation":"91. Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil (ilmo)."},{"id":92,"translation":"92. Kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil (ilmo)."},{"id":93,"translation":"93. Wax kastoo ku sugan samooyinka iyo arlada wuxuu u imaan (Allaah) Raxmaanka isagoo addoon ah."},{"id":94,"translation":"94. Dhab ahaan wuu koobay oo tiriyey dhammaan tirin dhan."},{"id":95,"translation":"95. Mid walbaa wuxuu Alle u iman Maalinta Qiyaame isagoo keli ah."},{"id":96,"translation":"96. Xaqiiq kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, Raxmaanku wuxuu u yeeli maxabbad 'qalbiyada mu’miniinta' [15].","footnotes":"[15]. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: Markuu Alle jeclaado addoon ka mid ah addoomahiisa, wuxuu u yeedhaa malag Jabriil oo u sheegaa in Alle Kor ahaaye jecel yahay hebel, ee adiguna jeclow. Markaas baa Jabriil jeclaadaa oo waxa cirka jooga u dhawaaqaa in Alle jecel yahay hebel, iyaguna sidaas darteed ay jeclaadaan, markaasay jeclaadaan waxa cirka jooga, dabeeto loo dhigaa aqbal iyo oggolaansho arlada dhexdeeda. (W.w. Al-Bukhaari)."},{"id":97,"translation":"97. Ee (Nabi Muxammadow) waxaan uun uga yeelnay (Qur’aanka) wax u fudud carrabkaaga si aad ugu bishaareyso dhowrsanayaasha, uguna digto qolo muran iyo been badan."},{"id":98,"translation":"98. Badanaa intaan halaagnay hortood fac, ma ka aragtaa qof keliya oo ka mid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah?."}]},{"id":20,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Daa Haa [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Kuuguma aanu soo dejin (Nabiyow) Qur’aanka (inaad naftaada ku halaagto) murugo (inaysan rumayn Xaqa darteed)."},{"id":3,"translation":"3. Waase u waano ciddii ka baqda 'Alle' [2].","footnotes":"[2]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “ Qofkuu Alle la doono khayr wuxuu fahansiiyaa diinta”. W.w. Al-Bukhaari."},{"id":4,"translation":"4.Waa soo dejinta (Alle) ee abuuray arlada iyo samooyinka sare."},{"id":5,"translation":"5. Raxmaanku (Allaah) wuxuu kor ahaaday Carshigiisa dushiisha (si u qalanta Weynidiisa)."},{"id":6,"translation":"6. Isagaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska."},{"id":7,"translation":"7. Haddaad kor codka ugu qaaddo hadalka, hubaal, Alle Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan."},{"id":8,"translation":"8. Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada Wanaagga iyo Quruxda Badan."},{"id":9,"translation":"9. Ma ku soo gaadhay qisadii Muuse?"},{"id":10,"translation":"10. Markuu arkay dab, oo ku yidhi reerkiisii: \"Jooga halkan! Waxaan arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka cid ii i tusisa (waddada Masar)\"."},{"id":11,"translation":"11. Markuu yimid meeshuu ka ifiyey dabka, waa loo yeedhay: Muusow!"},{"id":12,"translation":"12. Xaqiiq, Anigu waxaan ahay Rabbigaa! Ee iska siib kabahaaga, waxaad joogtaa togga daahirka ah ee Duwaa."},{"id":13,"translation":"13. Aniga (Alle ah) baana ku doortay (Muusow) ee dhegayso waxa laguu Waxyoon."},{"id":14,"translation":"14. Anigu waxaan ahay Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Aniga, ee Anigoo Keliya i caabud, una oog salaadda Xuskayga."},{"id":15,"translation":"15. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa - waxaana u dhowahay inaan qariyo [3] si naf walba loogu abaal mariyo waxay camal fashay.","footnotes":"[3]. Macnaha waxaa weeye in Alle subxaanahu watacaalaa uu ka qariyo cid walba ogaanshaha waqtiga Saacadda Qiyaame dhaceyso, oo Isaga uun baa Ogsoon Keliya."},{"id":16,"translation":"16. “Yaanu kaa weecin xaggeeda [4] mid aan Rumaysnayn oo raaca hawadiisa, markaas waad halaagsami.","footnotes":"[4].Waa inaad isugu diyaariso iimaan iyo ca- mallo wanaagsan Saacaddaa (Aakhirada)."},{"id":17,"translation":"17. Waa maxay taasi ku jirta midigtaada Muusow?”"},{"id":18,"translation":"18. Wuxuu yidhi: “Waa ushayda, waan cuskadaa, oo ugu lulaa caleemaha si ay ugu soo daataan arigayga dushiisa, waxaana iigu jira dano kale.”"},{"id":19,"translation":"19. (Alle) wuxuu yidhi: “Bal hoos u tuur Muusow!”"},{"id":20,"translation":"20. Markaasuu tuuray, mise! Waa abeeso ordaysa."},{"id":21,"translation":"21. (Alle) wuxuu yidhi: “Qaado, hana cabsan, Waxaanu ku celin sideedii hore."},{"id":22,"translation":"22. Ku qabo gacantaada dhinacaaga, waxay soo bixi iyadoo cad (ifeysa) iin la’aan, waa calaamad kale."},{"id":23,"translation":"23. “Si aanu kuu tusinno wax ka mid ah Aayadahayaga waaweyn."},{"id":24,"translation":"24. “Ee aad xagga Fircoon! Waa uu xad gudbaye.”"},{"id":25,"translation":"25. (Muuse) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii waasici (deji) laabtayda."},{"id":26,"translation":"26. “Ii fududee arrinkayga."},{"id":27,"translation":"27. Ka fur guntintana carrabkayga,"},{"id":28,"translation":"28. “Si ay u fahmaan hadalkayga ."},{"id":29,"translation":"29. “Ii yeelna wasiir (caawiye) ka mid ah ehelkayga,"},{"id":30,"translation":"30. Haaruun, walaalkay,"},{"id":31,"translation":"31. “Ku adkee (xooji) tabarteyda (dhabarkeyga),"},{"id":32,"translation":"32. Igala qayb geli (wadaaji) arrinkayga ( Nabinnimada)."},{"id":33,"translation":"33. Si aan kuugu tasbiixsanno in badan."},{"id":34,"translation":"34. Oo aan kuu xusno in badan,"},{"id":35,"translation":"35. Hubaal, waxaad Adigu tahay Mid mar walba na Arka\"."},{"id":36,"translation":"36. (Alle) wuxuu yidhi” “Waa lagu siiyey codsigaaga Muusow!"},{"id":37,"translation":"37. Waxaanuna dhab ahaan kuu nicmeennay waqti kale (oo hore),"},{"id":38,"translation":"38. Markaan u waxyoonnay hooyadaa waxaan u waxyoonnay."},{"id":39,"translation":"39.(Waxaan ku nidhi): Ku rid isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri xeebta, halkaas waxaa qaadan mid cadow ii ah, isagana cadow u ah! Waxaan yeelay dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah [5], iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa Ilaalinteyda iyo Ogaanshaheyga),","footnotes":"[5]. Alle wuxuu jeclaanta Muuse geliyey quluubta dadka."},{"id":40,"translation":"40. (Waxaan kuu galnay wanaag mar kale) markay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korin (nuujineysa)? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Waxaadna dishay nin [6], waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, Waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Waxaadna halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow!.","footnotes":"[6]. Waa qibidigii Masriga ahaa ee dhintay kaddib markuu Muuse ku dhuftay Qibidigaa hal feedh."},{"id":41,"translation":"41. Waxaan kuu doortay Nafteyda [7].","footnotes":"[7]. Alle baa doortay Muuse oo ka yeelay mid xoog leh jidh iyo shakshi ahaanba si uu u qaado xilka gaarsiinta diinta ilmaha Israa’iil."},{"id":42,"translation":"42. “La taga adiga iyo walaalkaa Aayadahayga, hana ka daalina Xuskayga."},{"id":43,"translation":"43. Aada xagga Fircoon, wuu xadgudbaye."},{"id":44,"translation":"44. Kula hadlana hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama ka baqo (Alle)."},{"id":45,"translation":"45.Waxay yidhaahdeen: “Rabbigayow! Waxaanu ka cabsan inuu ku degdego inuu na ciqaabo ama nagu xadgudbo."},{"id":46,"translation":"46. (Alle) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, Anigaa idin la jira, waan maqli oo arkaa."},{"id":47,"translation":"47. U taga (Fircoon) oo dhahaya: Waxaanu nahay Rususha Rabbigaa, ee nagu dar ilmaha Israa'iil hana caddabin, waxaan kuu keennay calaamad xagga Rabbigaa ah. Nabadna korkiisa ha ahaato [8] kan raaca hunuunka (Alle, Islaamka oo ku dhaqma).","footnotes":"[8]. Ammaan iyo nabad uu ka ahaado cadaabka Alle."},{"id":48,"translation":"48. Waxaa xaqiiq naloo waxyooday in cadaab ku dhici qofkii (Xaqa) beeniya oo ka jeesta.”."},{"id":49,"translation":"49. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”"},{"id":50,"translation":"50. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo u tilmaamay (yoolkeed).”"},{"id":51,"translation":"51. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ka warran xaalka facyadii hore?.”"},{"id":52,"translation":"52. (Muuse) wuxuu yidhi: Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaal (Looxa Maxfuudka). Rabbigay ma gefo, waxnana ma halmaamo."},{"id":53,"translation":"53. Waa Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan); oo idiinka furay waddooyin dhexdeeda, idiinkana soo dejiya biyo (roob) xagga daruuraha, markaasaan ku soo saarnaa dhir noocyo kala duwan ah."},{"id":54,"translation":"54. Cuna oo daaqsada xoolihiinna, hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin (muujin Awoodda Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) ciddii leh caqli fayow."},{"id":55,"translation":"55. Xaggeedaan (arlada) idinka abuurnay, gudaheeda baan idinku celin, xaggeedaana la idinka soo saari mar kale (geeri kaddib)."},{"id":56,"translation":"56. Waxaan dhab ahaan tusnay (Fircoon) calaamooyinkayaga dhammaantood, waase beeniyey oo diiday."},{"id":57,"translation":"57. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow?."},{"id":58,"translation":"58. Waxaanu kuula iman sixir la mid ah ee noo qabo ballan dhexdeenna aan ku kulanno, oo aanaan ka dib dhaceyn innaga iyo adiguba midna meel fagaare ah [9].","footnotes":"[9]. Meel cayiman si loo ogaado, macno kale waa meel noo dhexeysa ee la isugu yimaado ama meel fagaare ah oo siman."},{"id":59,"translation":"59. (Muuse) wuxuu yidhi: “Ballankiinnu waa maalinta Ciidda, hana la soo kulmiyo Dadka barqadii."},{"id":60,"translation":"60. Markaasuu Fircoon tagey, isuna keenay tabihiisii, markaas yimid."},{"id":61,"translation":"61. Muuse wuxuu ku yidhi (sixiroolayaashii uu keenay Fircoon): \"Magaciin bi'i waaye! Ha ka been sheegina Alle si uusan idiinku dabar goyn cadaab. Waxaana hoogay qofkii ka been sheega (Alle)”."},{"id":62,"translation":"62. Markaasay ka doodeen arrinkooda dhexdooda oo qarsadeen faqooda."},{"id":63,"translation":"63. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa labo saaxir oo doonaya inay idiinkaga saaraan dhulkiinna sixirkooda, oo ay bi'iyaan dariiqadiinna fiican (caadadiinna)."},{"id":64,"translation":"64. Ee isu geeya Tabtiinna oo imaada idinkoo saf saf ah; waxaa liibaani maanta ciddii gacan sarreysa ”."},{"id":65,"translation":"65. Waxay yidhaahdeen: “Muusow! Ama tuur (usha) ama aan innagu ahaanno kuwa hor tuura?”"},{"id":66,"translation":"66. Wuxuu yidhi: “Bal tuura idinka (marka hore)\"! Mise, xargahoodii iyo ulahoodii, waxaa loogu ekaysiiyey sixirkoodii dartiis sida inay ordi."},{"id":67,"translation":"67. Markaasuu Muuse ka dareemay naftiisii cabsi."},{"id":68,"translation":"68. Waxaanu nidhi: Ha cabsan, waa adiga xaqiiq kan sarreyne."},{"id":69,"translation":"69. Tuurna waxa ku jira gacantaaada midig! Waxay liqi waxay sameeyeen, waxa ay sameeyeen waa uun tab sixirrow, mana liibaano sixirrow meeluu yimaadaba."},{"id":70,"translation":"70. Saaxirintii waxay ula dhaceen dhulka sujuud [10].Waxay yidhaadeen: Waxaan rumeynay Rabbiga Haaruun iyo Muuse.”","footnotes":"[10]. Kaddib markay arkeen mucjisooyinka uu Alle siiyey Muuse iyo inay yihiin xaqiiq oo aysan ahayn moodsiin sixir."},{"id":71,"translation":"71. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad rumeyseen ka hor inta aanan idiin idmin? Hubaal waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf, waxaana idinku daldali jirridaha geedaha timrta, waadna ogaan midkaayagii (aniga ama Rabbiga Muuse) cadaab daran oo daa’ insan."},{"id":72,"translation":"72. Waxay yidhaahdeen: “Kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray [11]. Ee go'aami waxaad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka.","footnotes":"[11]. Weedhan ‘ walladdii fadaranaa” waxaa sidoo kale lagu fasiray dhaar ahaan macnaha markaa waxaa weeye: Waxaan ku dhaarannay Kan na abuuraye.”"},{"id":73,"translation":"73. Waxaanu xaqiiq rumeynay Rabbigayo si uu noogu dhaafo gefefkayaga iyo waxaad nagu khasabtay ee (barashda) sixirka ah. Alle baana khayr badan (abaal marin ahaan), oo daa’insanaan badan [12] 'cadaab ahaan'.","footnotes":"[12]. Ajar ahaan iyo ciqaab ahaanba."},{"id":74,"translation":"74. Qofkii u yimaada Rabbigiis isagoo denbiile ah, abaalkiisu waa Jahannamo, uusan ku dhimaneyn, kuna noolaaneyn."},{"id":75,"translation":"75.Qofkii se u yimaada isagoo mu’min ah oo samo fashay, kuwaasi waxay leeyihiin derejooyinka sare (nolosha dambe-Aakhiro)"},{"id":76,"translation":"76. Beero (Jannooyin) ku yaal guryo san oo negaya (bay galayaan) oo ay hoos qul-qulaan webiyo, oo ay ku dhex waari weligood: kaasi waa abaalka kan ka daahiriya naftiisa 'shirkiga iyo macaasida' [13].","footnotes":"[13]. Iska xala fadaro oo dhan, uu ugu daran yahay shirkiga."},{"id":77,"translation":"77. Waxaan dhab ahaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo ku leh): \"Guureysii addoomahayga oo uga yeel waddo badda dhexdeeda qallalan, ha ka cabsan haleel [14] hana ka baqin (hafitaan)\".","footnotes":"[14]. Ku dhufashada badda usha, eeg Suuradda Ash-Shucaraa: Aayadda 63. Haleel macnaha inuu ku soo gaaro Fircoon."},{"id":78,"translation":"78. Markaas waxaa raacay Fircoon oo wata askarahiisii, waxaana halkaas kaga daboo- lay xagga badda waxaasi daboolay [15].","footnotes":"[15]. Ma daboolin oo qaadin biyo oo keliya, balse waxaa daboolay oo wada qaatay waxaa daboolay uu Alle Keliya Ogsoon yahay sida argagax, xanuun, qoomamo, cadaab, iwm."},{"id":79,"translation":"79. Wuxuu dhumiyey Fircoon qolodiisii, mana uu hanuunin."},{"id":80,"translation":"80. Ilmahii Israa’iilow! Waxaan idinka badbaadinnay cadowgiinnii, waxaana idinkula gallay ballan dhinaca midig ee Buurta (Siinnay), oo idiin soo dejinnay Manna iyo Salwaa."},{"id":81,"translation":"81. Cuna waxyaalaha wanaagsan (ee xalaasha ah) oo aan idinku irsaaqnay, hana ku xadugudbina oo qooqina (dhulka, ha dulminina dadka hana is kibrinana), yeysan idinku dhicine Cadhadaydu. Kay ku dhacdo cadhadayduna hoog oo ba'."},{"id":82,"translation":"82. Oo xaqiiq, Anigu waan u denbi Dhaaf Badanahay qofkii tawbad keena oo (Xaqa) rumeeya oo sama fala, markaas ku sugnaada hanuunka oo toosnaada."},{"id":83,"translation":"83. (Alle wuxuu yidhi), “Maxaa kaa soo dedejiyey qoladaadii, Muusow?”"},{"id":84,"translation":"84. Wuxuu yidhi: “Waa kuwaan ku soo jooga raadkayga, waana kuu soo deg-degay Rabbiyow si aad u raalli ahaato\"."},{"id":85,"translation":"85.(Alle) wuxuu yidhi: Waxaanu imtixaannay qolodaadii gadaashaa, waxaana lumiyey As-Saamiri.’"},{"id":86,"translation":"86. Markaasuu Muuse u noqday tolkiisii isagoo cadheysan oo ka xun, Wuxuu yidhi: “Tolkayow! Ma wuusan Rabbigiin idiin sameyn ballan qaad wanaagsan [16]? Ee ma waxaa idinku dheeraaday muddadii? Mise waxaad doonteen inay idiinka dhacdo Cadho xagga Rabbigiin, oo aad uga baxdeen ballankii aad ila gasheen?”","footnotes":"[16]. La jirka Nabigiin si uu idiinku soo qaado Kitaabka Towreedda."},{"id":87,"translation":"87. Waxay yidhaahdeen: “Ugama aanu bixin Ballankii aan kula gallay ikhyaarka- yaga, waxaase nala saaray culaysyo ka mid ah alaab reer (Fircoon) isku qurxin jireen [17], markaas baan ku tuurnay (dabka), sidaasuuna u tuuray As-Saamiri.","footnotes":"[17]. Waxaa horay loo amray inay soo qaataan waxyaalihii ay isku qurxin jireen dadkii Masar ee dahabka ahaa, markaasuu wuxuu amray Saamiri inay ku tuuraan dahabkaa dab si ay uga sameeyaan sanam leh muuqaal dibi oo kale, markaasay dabkii ku tuureen, Saamirina ku tuuray sidoo kale iyo carro uu ka soo qaaday raadka faraskii Jabriil oo uu arkay, markaasaa waxaa ka soo baxay sanam muuqaal dibi leh ay ilmihii Israa’iil qaarkood caabudeen. Saamiri wuxuu ahaa munaafiq ku dhex jiray ilmihii Israa’iil oo u horseeday sanam caabudka."},{"id":88,"translation":"88. Wuxuuna uga soo saaray (muuqaal) dibi oo cod leh. Waxayna yidhaahdeen: \"Kan waa ilaahiinna iyo ilaaha Muuse, wuuse illoobay."},{"id":89,"translation":"89. Miyeynan arkayn in aanu u soo celin kareyn kelmadna (wax jawaab ah), oo aanu u haynin dhib iyo dheef midna?."},{"id":90,"translation":"90. Wuxuuna ku yidhi Haaruun kal hore (intaanu soo laaban Muuse):Tolkayow! Waxaad tihiin kuwo uun lagu imtixaanay arrintani, Rabbigiinna waa Raxmaanka ee i soo raaca, adeecana amarkayga."},{"id":91,"translation":"91. Waxay yidhaahdeen: “Ma deyneyno caabudidda (dibiga) intuu nooga soo noqon Muuse.”"},{"id":92,"translation":"92. (Muuse) wuxuu yidhi: Haaruunow! Maxaa kuu diiday markaad aragtay inay lumeen."},{"id":93,"translation":"93. Inaad I soo raacdo (oo ka soo tagto)? Ma waxaad caasiday amarkaygii?."},{"id":94,"translation":"94. (Haaruun) wuxuu yidhi: “Ina hooyow! Ha iga soo qaban garkeyga ama madaxeyga midkoodna. Anigu waxaan ka baqay inaad tidhaahdo: “Waxaad kala qaybisay ilmihii Israa’iil, mana aadan dhowrin (sugin) qowlkeyga.”"},{"id":95,"translation":"95. (Muuse) wuxuu yidhi: “Muxuu yahay xaalkaagu Saamiriyow?"},{"id":96,"translation":"96. Wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wax aysan arag. Waxaana ka soo qaaatay sacab muggi (oo carro ah) raadkii Rasuulka [18] (Faraskii Jabriil) oo aan ku tuuray [19]. Sidaasayna ii qurxisay nafteydu.","footnotes":"[18]. Raadka Rasuulka waxaa loola jeedaa Raadka qoobka faraskii uu watay Jabriil c.s. Waxaa kaloo lagu fasiray Raadka Rasuulka:Risaaladii Rasuulka oo ah sharciga uu la yimid Muuse, inuu Saamiri isaga tagay sharcigaas.\n[19]. Dabkii lagu riday alaabadii ay isku qurxin jireen reer Fircoon si aan uga sameeyo sawir dibi."},{"id":97,"translation":"97. (Muuse) wuxuu yidhi: Tag oo naga fagow! Waxaa kuu sugnaaday noloshan inaad tidhaahdo: \"Taabasho ma jirto\" [20], waxaa kaloo leedahay ballan aad dib uga dhici doonin (oo ah cadaabka Aakhiro). Eegna ilaah ku sheeggaagii aad in door ah dul joogtay ee aad caabudaysay. Waanu gubi (oo aanu ka dhigi dambas) aanu badda ku firdhinno oo waxba aanu ka hari doonin.’","footnotes":"[20]. “ Ha i taabaannina” waa ciqaab ahaan adduunka, waayo waxaa la amray inay dadku u gooyaan si dhan oo waxba ku darsan. Aakhirona waxaa sugaya Naar olol badan."},{"id":98,"translation":"98. Ilaahiinnu waa oo keliya Allaah, ee aanu jirin Ilaah (xaq ah) oo aan Isaga ahayn. Wuxuu ku koobay wax walba Cilmi."},{"id":99,"translation":"99. Sidaasaan (Muxammadow) kuugu soo tebinnaa warar ka mid ah wixii horey u dhacay. Waxaanuna xaqiiq kaa siinnay Xaggayaga waano (Qur’aankan)."},{"id":100,"translation":"100. Qofkii ka jeesta wuxuu xambaaran Maalinta Qiyaame culaab culus (denbi)."},{"id":101,"translation":"101. Iyagoo ku dhex waari (cadaabka). Xumaa maalinta Qiyaamaha culaabka ay qaadi."},{"id":102,"translation":"102. Maaalinta buunka la afuufi [21], oo aan isu soo kulmin denbiilayaasha Maalintaa iyagoo indho cawlan [22].","footnotes":"[21]. Afuufka labaad, waana afuufka dadka ay ka soo bixi doonaan qubuurahooda iyagoo nool. \n[22]. Cabsi darteed, ama macnaha waa iyagoo indha la’ waxba aan arkayn."},{"id":103,"translation":"103. Iyagoo Hoos u wada hadlaya oo isku leh: Ma aydaan joogin waxaan aheyn toban (maalmood adduunka).”"},{"id":104,"translation":"104. Annagaa ka ogsoon waxay leeyihiin, marka kooda ugu jid wanaagsani odhan, “Ma aydaan joogin (adduunka) maalin mooyee.”"},{"id":105,"translation":"105. Waxay wax kaa weydiin buuraha, dheh: Rabbigay baa baabbi’in isagoo ka dhigaya sida budo ciid ah."},{"id":106,"translation":"106. Wuxuu ka yeeli (arladana) ban siman."},{"id":107,"translation":"107. Aad ku dhex arkeyn meel hoosaysa ama sarreysa.”"},{"id":108,"translation":"108. Maalintaas waxay iyagu (qof walbaa) raaci (dhawaaqa) dhawaaqaha isagoon leexleexasho lahayn. Waxayna ahaan codadka oo dhan kuwo kushuucsan Raxmaanka (Alle) horti, mana maqleysid waxaan aheyn shanqarta (socodkooda)."},{"id":109,"translation":"109. Maalintaas shafeeco wax ma tarto, mid maahee uu Raxmaanku (Alle) u idmo oo uu ka raalli yahay hadalkiisa."},{"id":110,"translation":"110. Wuxuu (Alle) og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadhaashooda ah, Mase ku koobi karaan (waxa uu Og yahay) Cilmi."},{"id":111,"translation":"111. Waxay dhammaan wejiyadu u khushuuci (Allaah), Noolaha Daa’inka ah, Irsaaqaha iyo Maamulaha waxa uunka jira oo dhan. Waxaana khasaaray kii geystay dulmi [23].","footnotes":"[23]. Qofkii gef ka galay Alle ee yidhi wiil buu leeyahay ama ilmo ama ku tilmaamay sifad xun ama gef ka galay mid ka mid ah uumankiisa."},{"id":112,"translation":"112. Qofka se samo fala oo mu’min ah, ma ka cabsanayo dulmi loo geysto iyo wax loo dhimo midna."},{"id":113,"translation":"113. Sidaasaan kugu soo dejinnay Qur’aan af Carabi ah, oo ugu celcelinnay si cad digniiniha iyo gooddiyada, bal inay iska jiraan oo ka dhowrsadaan (shirkiga iyo xumaha kale), ama uu ku dhaliyo waantow."},{"id":114,"translation":"114. Ee waxaa Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uumanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”"},{"id":115,"translation":"115. Waxaan dhab ahaan la galnay ballan Aadam mar hore [24], wuuse illoobay, kamana aanu helin go’aan adag.","footnotes":"[24]. Waxaa axdigaa lagu xusay Suuradda 2 Al-Baqara : Aayadda 35, wuxuuna Allaah halkan ku xusay inaan laga helin Aadam go’aan adag si uu uga hortago fidnada shaydaanka."},{"id":116,"translation":"116. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, wayna sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday."},{"id":117,"translation":"117. Waxaanu nidhi: Aadamow! Kani (Ibliis) waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibtoon."},{"id":118,"translation":"118. Waxaa kuu sugnaaday halkaan inaadan ku gaajoon kuna arradin."},{"id":119,"translation":"119. Oo aad ku harraadeyn, qorrax kulkeedna kugu dhaceyn."},{"id":120,"translation":"120. Markaasuu shaydaan si hoose wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan dhammaaneyn?”"},{"id":121,"translation":"121. Markaasay (Aadam iyo Xawwaa) wax ka cuneen (geedkii), saa waxaa u muuqday cawradoodii, waxayna billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) korkooda caleemihii Jannada. Wuxuu Aadam ku caasiyey Rabbigi oo wuu habaabay [25].","footnotes":"[25]. Eeg sharaxa Suuradda 9 Al-Acraaf: Aayadda 19."},{"id":122,"translation":"122. Markaas waxaa doortay Rabbigiis wuuna ka tawbad aqbalay oo hanuuniyey."},{"id":123,"translation":"123. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, iyagoo qaarkiinba cadow u yahay qaar kale. Hadduu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, qofkii raaca hanuunkayga ma ku lumayo (adduunkan), mana ku dar xumaanayo (Aakhirada)."},{"id":124,"translation":"124. Qofkii se ka jeesta Xuskayga (Qur’aankan) wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, waxaana la soo kulmin Maalinta Qiyaamaha isagoo indha la'."},{"id":125,"translation":"125. Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad ii soo kulmisay (ii keentay Qiyaamada) anoo indha la’ anoo (hadda ka hor) wax arki jiray."},{"id":126,"translation":"126. (Alle) wuxuu odhan: Sidaasoo kale waxaa kuu yimid Aayadahayaga, waadse iska illowday (oo ka dan la’aatay), sidaas darteed Maanta, waxaa lagaaga tegi oo lagugu illoobi (Naarta).”"},{"id":127,"translation":"127. Sidaasaan ku abaal marinnaa ciddii xadgudubta oo aan rumeyn Aayadaha Rabbigii, cadaabka Aakhiro ayaana sii daran oo joogto daa'in ah."},{"id":128,"translation":"128. Miyaanay u caddaan intaan facyo hallignay iyaga hortood oo ay ku dul soc- daan guryahoodii? Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa leh caqliga fayow."},{"id":129,"translation":"129. Haddayna jirin Kelmed hore oo ka soo fushay Rabbigaa, in dib loogu dhigo abaal marintooda maalin la yaqaan iyo ajal magacaabani waxaa ku waajibi laheyd [26] 'cadaab ku dhacda intay joogaan adduunka'.","footnotes":"[26]. Alle wuxuu ku ciqaabi lahaa adduunkan sida uu u galayba dadkii hore."},{"id":130,"translation":"130. Ee u samir waxay leeyihiin, oo ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor dhiciddeeda, oo (tuko) qaar ka mid ah saacadaha habeenka iyo dacallada maalinta si aad u raali noqoto."},{"id":131,"translation":"131. Ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaarkood (gaalada) ee quruxda nolosha adduunka ah si aan ugu imtixaanno, risiqa Rabbigaa (Jannada gudaheeda) baana ka khayr badan (waxaa adduunka lagu siiyey) oo ka daa’in san."},{"id":132,"translation":"132. Ku amar salaadda ehelkaaga, oo u samir yeelo gudashada (salaadaha) kuma weydiisaneyno risiq; Annagaa ku irsaaqi. Cidhibta wanaagsan (ee Jannada) waxaa leh kuwa Alle ka cabsada ee ka dhowrsada (xumaha)."},{"id":133,"translation":"133. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Muxuu (Muxammad) noogu keeni waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigii ah?” Miyaanay u imaan maraggii (ku sugnaa) Kutubtii hore (ee ku saabsanaa imaanshaha Nabiga Muxammad)."},{"id":134,"translation":"134. Haddaan ku halaagi laheyn cadaab isaga ka hor [27], waxay odhan lahaayeen: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weydey Rasuul si aan u raacno Aayadahaa- ga, ka hor dullowga iyo dufowgannaga.","footnotes":"[27]. Waa Nabi Muxammad s.c.w. . waxaa sidoo kale lagu fasiray weedha : Isaga hortiis” in loola jeedo Qur’aanka."},{"id":135,"translation":"135. Dheh: Mid walba oo naga mid ah wax buu sugayaaye, ee suga [28]. Waadna ogaan doontaan waa kuwama kuwa ku taagan Jidka Toosan iyo kuwa hanuunsan.","footnotes":"[28]. Waxa ka soo baxa arrinkan oo uu ku dhammaado."}]},{"id":21,"verses":[{"id":1,"translation":"1. (Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamo) baa ku soo dhow dadka halka ay dhoohnaan la sii jeedaan."},{"id":2,"translation":"2. Ma jiro Xus (Waxyi) uga yimaada xagga Rabbbigood, waxayse dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya."},{"id":3,"translation":"3. Qalbiyadoodu shuqloon tahay. Kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan faqooda (iyagoo leh): Kani (Muxammad) ma wax aan ahayn baa qof idinkoo kale ah? Ma waxaad aqabaleysaan sixir [1] idinkoo arka?","footnotes":"[1]. Sixir waxay ku sheegayaan halkan waa Aayadaha Qur’aanka, Inkastoo ay arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin dhab ah."},{"id":4,"translation":"4. Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl (kasta oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arlada. Waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.”"},{"id":5,"translation":"5. Waxayse yidhaahdeen: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray - mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore."},{"id":6,"translation":"6. Ma ayna rumeynin hortaa magaalo aan halaag la doonnay (inkastoy arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyagaa rumeyn?."},{"id":7,"translation":"7. Ma aanu soo dirin hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (Dhambaalka), ee weydiiya ehlu Kitaabka haddaydaan ogeyn."},{"id":8,"translation":"8. Uma aan yeelin (anbiyada) jirar aan cunin cunto [2] 'sida malaa’igta', mana aheyn kuwo aan dhiman oo ku waadha (arlada).","footnotes":"[2]. Sida malaa’igta, waxayse ahaayeen aadmi leh tilmaamaha dadka."},{"id":9,"translation":"9. Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay waana badbaadinnay iyagii iyo ciddaan doonno, waxaana hallignay xad gudbayaashii."},{"id":10,"translation":"10. Waxaan idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan [3] xuskiinna (iyo sharaftiinna) ee miyeydaan garasho lahayn?.","footnotes":"[3]. Kitaabka waa Qur’aanka, xuskiinna waxaa loola jeedaa la idinku sharfay ama la idinkula hadlay. Macno kale waa idiinku sugan waano."},{"id":11,"translation":"11. Badanaa intaan halaagnay magaalo [4] ay dadkeedu faleen dulmi (shirki iyo macaasi) oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale.","footnotes":"[4]. Macnaha waa dadkeedu ay ku adkeysteen xumaan falidda."},{"id":12,"translation":"12. Markay dareemeen cadaabkayagii, mise waxay billaabeen inay ka cararaan."},{"id":13,"translation":"13. Ha cararina (haatan) ee dib ugu soo laabta wixii la idiinku raaxeeyey iyo guryihiinna, si wax la idiin weydiiyo [5].","footnotes":"[5]. Waxa idinku dhacay. Waxaa hadalkan loo yidhi ku digasho ahaan."},{"id":14,"translation":"14. Waxay yidhaahdeen: Hooggeenee! Waxaanu nahay daalimiin."},{"id":15,"translation":"15. Ma ay deyn calaalcalkoodaas ilaa aan ka yeelnay wax la shafay oo baqtiya."},{"id":16,"translation":"16. Uma aan abuurinna samada iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel."},{"id":17,"translation":"17. Haddaan rabno inaan yeelanno wax aan isku maaweelinno [6], waxaan ka yeelan lahayn waxa Agtannada ah, haddaan sidaas falayno.","footnotes":"[6]. Sida xaas ama carruur."},{"id":18,"translation":"18. Waxaanse Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa. Hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed [7].","footnotes":"[7]. waa odhaahdooda baadilka ah in Alle leeyahay xaas iyo ilmo."},{"id":19,"translation":"19. Alle baa leh wax kasta oo ku sugan samooyinka iyo arlada; kuwa (Alle) agtiisa ahna ee u dhow (malaa’igta) iskama wey- neeyaan cibaadadiisa, kamana daalaan."},{"id":20,"translation":"20.Waxay xurmo weyneeyaan oo hufaan habeen iyo maalinba, kamana noogaan."},{"id":21,"translation":"21. Mise waxay yeesheen si ay u caabudaan ilaahyo dhulka jooga oo wax soo nooleeya?"},{"id":22,"translation":"22. Hadday jiri lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Alle, way fasaadi lahaayeen. Wuu ka hufan yahay Alle Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay ku tilmaami."},{"id":23,"translation":"23. (Alle) lama weydiiyo wuxuu Falo, iyagase (dadka) waa la weydiin."},{"id":24,"translation":"24. Mise waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo (kale) ay la barbar caabudaan? Dheh: “Keena Xujadiinna. Kani waa Xuska kuwa ila jooga iyo Xuska kuwii iga horreeyay [8]. Badankooduse ma gartaan Xaqa, marka way ka sii jeestaan.","footnotes":"[8]. Dhammaan Rusushii hore waxay dadku ugu yeereen Towxiidka - caabudaadda Alle Keliya aan cid kale lala wadaajin cibaadada."},{"id":25,"translation":"25. Ma aanu soo dirin hortaa Rasuulna aan u waxyoonin (Annagoo leh), \"Ma jiro Ilaah (Xaq ah oo) aan Aniga (Allaah) ahayn, ee i caabuda (Anigoo keliya).”"},{"id":26,"translation":"26. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka hufan yahay, waase addoomo (malaa’igta) la sharfay [9].","footnotes":"[9]. Kuwaa ay ku andoocadaan inay yihiin ilaah sida ruuxul qudus, ama ilmahii Alle sida Ciise, malaa’igta, iwm waa addoommo la sharfay."},{"id":27,"translation":"27. Kagama hormaraan hadal, iyaguna amarkiisa uun bay ku camal falaan."},{"id":28,"translation":"28. Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, umana shafeecaan mid uu isagu oggolaado maahee iyaguna cabsidiisay la digtoon yihiin oo baqaan."},{"id":29,"translation":"29. Mid kastoo ka mid ah (uunka Alle sida Ibliis ama qeyrki) ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Jahannama. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa daalimiinta."},{"id":30,"translation":"30. Miyaanay kuwa gaaloobay arag in samooyinka iyo arladu ay ahaayeen mid isku dheggan oo aan kala bixinnay, Waxaana ka abuurnay biyo wax kasta oo nool. Ee miyaanay rumayneyn [10].","footnotes":"[10]. Halka ay dalbi lahaayeen si gaalnimo iyo jeesjees leh in loo soo dedejiyo oo la tuso Cadaabka."},{"id":31,"translation":"31. Waxaanu yeellay buuro adag dhulka gudahiisa si aanay ula dhaqdhaqaaqin, waxaana yeellay dhexdeeda waddooyin ballaaran oo ay ku toosaan."},{"id":32,"translation":"32. Waxaanu ka yeelnay samada saqaf ilaashan, iyaguna calaamadaheeda way ka jeesadaan ."},{"id":33,"translation":"33. (Alle) waa Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda."},{"id":34,"translation":"34. Kama aanu yeelin qofna kaa horreeyey (Nabiyow) mid waadha. Ee haddaad adigu dhimato ma iyagaa waadhi?."},{"id":35,"translation":"35. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri, waxaanu idinku imtixaani shar iyo khayrba kala saar darteed, Xaggayagaana la idiin soo celin."},{"id":36,"translation":"36. Markay ku arkaan kuwa gaaloobay, kaama dhigtaan waxaan ahayn jeesjees (waxayna yidhaahdaan):” Ma kan baa kan wax ka sheega ilaahyadiinna?” Halka iyagu ay ku gaaloobaan xusidda Raxmaanka."},{"id":37,"translation":"37. Aadmigu waxaa 'ku jira' uu ka abuuran yahay degdegsanaan, waxaan idin tusi calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo."},{"id":38,"translation":"38. Waxay odhan: Waa goorma gooddigani (cadaabka) haddaad run sheegaysaan?”"},{"id":39,"translation":"39. Hadday kuwa gaalooba ogaan lahaayeen markaan laga celinayn wejiyadooda Naarta iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaareyn (ma degdegsadeen Cadaabka)."},{"id":40,"translation":"40. Waxayse ugu iman Saacadda Qiyaame kedis, way jahawareerin, ma karayaan celinteeda, lamana siiyo fursad (tawbad keen ama cudur daarasho)."},{"id":41,"translation":"41. Waxaa lagu digtay Rusul (badan) oo kaa horreeyey, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ku jeesjeesay (oo gaalada ahaa) wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen."},{"id":42,"translation":"42. Dheh: “Yaa idinka ilaalin kara habeen iyo maalinba (Cadaabka) Naxariistaha (Allaah)? Waxayse iyagu ka jeesadaan xusidda Rabbigood."},{"id":43,"translation":"43. Mise ma waxay leeyihiin ilaahyo ka celin kara Ciqaabkayaga? Ma leh awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana ahaan doonaan kuwo nalaga magan geliyo."},{"id":44,"translation":"44. Mayee, waxaan u raaxaynay kuwani iyo aabbayaashoodba jeer uu la dheeraaday cimriga 'markaasay wax is bideen' [11]. Miyaanay arag inaan ku nimaanno arlada innagoo ka soo nusqaamin cirifyadiisa [12]? Ee ma iyagaa adag?","footnotes":"[11]. Eeg sharaxa aan ku xusnay Suuradda 13: Aayadda 41.\n[12]. Waa tilmaan guusha iyo fiditaanka Islaamka."},{"id":45,"translation":"45. Dheh waxaan uun idiinku digi Waxyiga (ka yimid Alle). Kuwase dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa marka loo digi."},{"id":46,"translation":"46.Hadduu taabto (kuwa xaqa beeniya) wax yar oo ka mid ah cadaabka Rabbigaa, waxay odhan: Hooggeennee! Waxaanu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal)."},{"id":47,"translation":"47. Waxaanu dhigi miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, lagamana dulmiyo nafna waxba, haba ahaado wax le’eg iniinta sisinta [13] waanu keeni. Annagaana ku filan Xisaabiye ahaan.","footnotes":"[13]. Ama wax ka yar ama wax ka weyn."},{"id":48,"translation":"48. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse iyo Haaruun Furqaanka [14], iyo iftiin iyo waano [15] ay leeyihiin kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarrada Alle).","footnotes":"[14]. Kala sooce samaanta iyo xumaanta.\n[15]. Kuwani waa seddex tilmaamood oo lagu sifeeyey isla Towraadda."},{"id":49,"translation":"49. Kuwa ka baqa Rabbigood sir 'iyo saaqba' [16], iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka cabsan.","footnotes":"[16]. Waxaa loola jeedaa Iyagoo aan arag ama iyagoo keli ah aan cidna u jeedin."},{"id":50,"translation":"50.Kanina (Qur'aanku) waa waano barakaysan aanu soo dejinnay, ee miyaad diideysaan oo ka jeesinaysaan [17]?","footnotes":"[17]. Idinkoo iska yeelaya inaydaan aqoon, inkiraya ama diidaya inaad qirtaan."},{"id":51,"translation":"51. Waxaanu dhab ahaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka [18], Waxaaanuna uga war qabnay si dhan.","footnotes":"[18]. Ka hor Muuse, Alle wuxuu hanuunshay Ibraahiim tan iyo yaraantii."},{"id":52,"translation":"52. Markuu ku yidhi aabbihii iyo qoladiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabudeysaan)?”"},{"id":53,"translation":"53. Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.”"},{"id":54,"translation":"54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “ Waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow cad?.”"},{"id":55,"translation":"55. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid xaq, mise adigu waad nagu ciyaari?.”"},{"id":56,"translation":"56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan abuuray, aniguna waxaan ka mid ahay kuwa arrinkani ka marag kaci."},{"id":57,"translation":"57. Tallaahi, Waxaan u degi qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) asnaamtiinna markaad jeedsataan idinkoo tegi [19].","footnotes":"[19]. Ibraahiim c.s. wuxuu ka yidhi hadalladaa qalbigiisa oo keliya inuu tab u degeyo baabbi’inta sanammadooda."},{"id":58,"translation":"58. Markaasuu wuxuu ka dhigay digada (dhammaan) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u noqdaan (oo ay weydiiyaan)."},{"id":59,"translation":"59. Waxay yidhaahdeen: “Yaa ku falay sidan ilaahyadayada?, Kaasi waa daalime?”"},{"id":60,"translation":"60. Waxay yidhaahdeen: Waxaan maqallay wiil hadal-haya oo la yidhaahdo Ibraahiim.”"},{"id":61,"translation":"61. Waxay yidhaahdeen: “Keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan [20]?.”","footnotes":"[20]. Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa: si ay markhaati iyo goob joog uga ahaadaan waxa lagu dhigo oo ciqaab ah."},{"id":62,"translation":"62. Waxay yidhaahdeen: “Ma adigaa kan si- daan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow?"},{"id":63,"translation":"63. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Mayee waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee weydiiya hadday hadli karaan!"},{"id":64,"translation":"64. Markaasay dib isugu noqdeen oo ay yidhaahdeen: Xaqiiq idinkaa daalimiin ah.”"},{"id":65,"translation":"65. Markaasaa laga yeelay inay madaxa hoos u rogtaan [21] 'oo yidhaahdeen': Waad og tahay inayan kuwakani hadlin\"!","footnotes":"[21]. Kaddib markay qirteen gefkoodii, waxaa galay kibir iyo cinaad markaasay haddana ka horyimaadeen oo is rogeen."},{"id":66,"translation":"66. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad caabudeysaan Alle sokadi waxaan waxba idin tari karin waxbana idin yeeli karin?"},{"id":67,"translation":"67. “Uf baad leedihiin idinka iyo waxaad caabudeysaanba Alle sokadi. Miyeydaan wax fahmeyn?”"},{"id":68,"translation":"68. Waxay yidhaahdeen: “Guba oo u gargaara ilaahyadiinna, haddaad (wax) falaysaan.”"},{"id":69,"translation":"69. Waxaanu nidhi: Dabkow! U noqo qabow iyo nabad Ibraahiim!”"},{"id":70,"translation":"70. Waxay la dooneen dhagar (dhib), waxaanse ka yeelnay kuwo khasaaray."},{"id":71,"translation":"71. Waxaanu badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii [22] aan u barakaynay dadka oo dhan.","footnotes":"[22]. Dhulkaa waxaa loola jeedaa arlada Shaam (oo ah: Falastiin, Urdun, Suuriya, Lubnaan iyo dhulalka hareerahooda ah). Wuxuuna Alle ku barakeeyey inuu ka soo diray badi anbiyada dhulkaasi, iyo inay sidoo kale tahay dhul wanaagsan oo barako iyo khayr badan."},{"id":72,"translation":"72. Waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub oo wiil wiilki ah, waxaan ka yeelnay dhammaan kuwo wanaagsan."},{"id":73,"translation":"73. Waxaanu ka yeelnay hoggaamiyeyaal ku hanuuniya (dadka) Amarkagaya, Waxaana u waxyoonnay falidda khayraadka, oogidda salaadda, iyo bixinta sakada, waxayna ahaayeen kuwo na caabuda (Alle Keliya caabuda)."},{"id":74,"translation":"74. Oo Luud Waxaanu siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana ka badbaadinnay magaaladii (Soodom) ee ahayd mid xumo [23] fasha. Waxay ahaayeen qolo xun oo fallaago ah.","footnotes":"[23]. Xumahaas oo ahaa shirki, gaalnimo, fuulitaanka ragga 'khaniisnimo', tuugo, boob, dhac, jid gooyo, iwm iyagoo waxaasi oo idil u fali jiray si bareer ah."},{"id":75,"translation":"75. Waxaana gelinnay Naxariistayada, wuxuu ka mid ahaa inta wanaagsan."},{"id":76,"translation":"76. Oo Nuux waa badbaadinnay, markuu noo dhawaaqday kol hore [24]. Waana ka ajiibnay baryadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (harqintii qoonkiisii).","footnotes":"[24]. Macnaha uu habaaray qolodiisii kuwaasoo ku adkeystey shirkiga iyo macaasida."},{"id":77,"translation":"77. Waana uga gargaarnay qolodii beeniyey Aayadahayaga, waxay ahaayeen qolo xun, mrkaasaan harqinnay dhammaan."},{"id":78,"translation":"78. (Xus) Daawuud iyo Sulaymaan, markay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay (beerta) adhi dad leeyihiin (goor habeen ah), Waxaanu aheyn Kuwo garsoorkoodii u marag ah 'arka' [25].","footnotes":"[25]. Wuxuu Daawuud xukumay in adhigaa beertaa daaqay la siiyo ninkii lahaa beerta khasaarahii loo geystey darteed."},{"id":79,"translation":"79. Waxaanse fahansiinnay Sulaymaan, mid walbaana waxaan siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana u sakhirnay Daawuud buuraha iyo shimbiraha inay la tasbiixsadaan oo Alle amaanaan. Waana Annaga kuwa falay 'waxaasi oo idil' [26].","footnotes":"[26]. Macnaha waa inuu Alle mar waliba karo inuu fuliyo wuxuu doono. Nabi Sulaymaan wuxuu islaa arrinkaa u xukumay si ka duwan xukunkii Nabi Daawuud, wuxuu Sulaymaan guddoonshay in ninkii adhiga lahaa falo beertii adhigiisu halleeyey oo sideedii ku soo cesho, ninkii beerta lahaana uu ku sii intifaaco adhigiisa inta beertiisa looga hagaajinayo, kaddibna mid walbaa wixiisa qaato kii adhiga lahaa adhigiisa, kii beerta lahaana beertiisii oo loo hagaajiyey."},{"id":80,"translation":"80. Waxaana barnay Daawuud sameynta jaakado bir ah aad labbisataan si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin kuwo (Alle u) mahad naqaya?"},{"id":81,"translation":"81. (Waxaan u sakhirnay) Sulaymaan dabeysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay (ee Falastiin iyo Suuriya). Waxaana nahay kuwo wax walba Ogsoon."},{"id":82,"translation":"82. Shaydaammada (dadka iyo jinkaba leh waan u sakhirnay) waxaana ka mid ahaa kuwo u quusa (badda) una fala camallo kale oo taa barbarkeed ah: Waana Annaga kuwa dhowrayey [27].","footnotes":"[27]. Innagaa ka dhowrnay inay caasiyaan oo khilaafaan amarka Sulaymaan, oo ka dhowrnay Sulaymaan inay u geystaan wax waxyeello ah."},{"id":83,"translation":"83. (Xus) Ayyuub markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Waxaa I taabtay dhib (jirro iyo dad iyo duunyo beel), Adiguna waxaad tahay (Allow) Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.”"},{"id":84,"translation":"84. Waana ajiibnay, Waxaana ka feydnay dhibtii haysey (jirradii iyo faqrigii), waxaana siinnay ehelkiisii (uu waayey) iyo in le’eg oo wehlisa - Naxariis Xaggayaga ah, iyo xusuus ay u ahaato kuwa na caabuda."},{"id":85,"translation":"85. (Xus) Ismaaciil, iyo Idriis, iyo Dul- Kifil, kulli waxay ka mid ahaayeen kuwa samra."},{"id":86,"translation":"86. Waxaana dhex gelinnay Naxariistayada. Waxay ka mid ahaayeen kuwa wanaagsan."},{"id":87,"translation":"87. (Xus qisada) rafiiqii nibriga (Yuunus) markuu tegay isagoo (u) cadheysan 'dadkii loo diray' [28], wuxuuna mooday inaanan cidhiidhyeyn 'aanu qabanayn' [29]! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyo dhexdooda [30] 'isagoo leh': Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn (Allow). Adigaa ka hufan (xumaan), anigu waan gefay.","footnotes":"[28]. Ka cadheysan gaalnimada iyo caasiyoobidda dadkiisa. \n[29]. Macne kale waa aan ku cidhiidhyi doonin (caloosha nibriga).\n[30]. Mugdiyadaas oo ah mugdiga habeenka, kan badda, iyo kan caloosha nibriga."},{"id":88,"translation":"88. Waana ajiibnnay baryadiisii, kana badbaadinnay murugadii. Sidaasaana u badbaadinnaa mu’miniinta."},{"id":89,"translation":"89. (Xus) Zakariya, markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! Ha igu dhaafin keli ahaan, Adigaana u Kheyr roon cid wax dhaxasha (u hadha)”."},{"id":90,"translation":"90. Waana ajiibnay baryadiisii, oo siinnay Yaxyaa, una hagaajinnay xaaskiisii. Waxay ahaayeen kuwo u degdega inay falaan camallo wanaagsan oo na barya (caabuda) si rajo iyo cabsiba leh, waxayna ahaayeen kuwo noo nugul (oo kal san)."},{"id":91,"translation":"91. (Xus) tii xafidday jirkeeda (Maryam), oo aan ka afuufnay (jeebka canbuurkeeda ama maradeeda) Annagoo u xil saarnay (ku afuufidda ilmo uurkeeda) Ruuxayaga (Jabriil), Waxaana uga yeelnay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka."},{"id":92,"translation":"92. Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah [31], Oo Anigu 'Alle ah' waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda 'Anigoo keliya'.","footnotes":"[31]. Ummah waxaa loola jeedaa diin :hab nololeed ay jamaaco dhan wada qaataan oo raacaan, ama dhaqan iyo hannaan wanaagsan ay ummadi raacdo."},{"id":93,"translation":"93. Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (kooxo) dhexdooda [32]. Xaggayagay dhammaan u soo wada noqon.","footnotes":"[32]. Iyagoo noqday dariiqooyin iyo kooxo kala duwan."},{"id":94,"translation":"94. Ee qofkii fala camallo wanaagsan isagoo mu’min ah, lama duudsiyo ajarka camalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa."},{"id":95,"translation":"95. Waxaa ka reebban magaalo aan halaagnay inay dib u soo noqoto [33].","footnotes":"[33]. Uma soo laaban karaan adduunkan, mana u tawbad keeni karaan Alle."},{"id":96,"translation":"96. Ilaa laga soo furo (moos xirkii) Yuug iyo Yamaayuug, waxayna ka soo dhaadhici taag walba si degdeg ah."},{"id":97,"translation":"97. Markuu soo dhowaado Yabooha Xaqa ah (ee Qiyaamada la gaadho) mise indhaha kuwii gaaloobay way dhaygagi (iyagoo leh): Hoogeennee! Waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani; waxaanuna aheyn daalimiin (gar ma qaatayaal)."},{"id":98,"translation":"98. Hubaal, Idinka iyo waxaad caabud- daan Alle sokadi, waxaad ahaan shidaalka Naarta, xaggeedaad ku arooreysaan."},{"id":99,"translation":"99. Hadday kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen (Naarta), dhammaanna way ku waadhi."},{"id":100,"translation":"100. Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan."},{"id":101,"translation":"101. Hubaal, kuwa (Nabi Ciise, hooyadi Maryam, iyo addoomaha Alle ee kale ee wanaagsan) ay u hor martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda (Naarta) waa laga fogeyn."},{"id":102,"translation":"102. Ma maqlaan shanqarteeda, iyagoo ku dhex waadhi waxay nafahooda rabaan."},{"id":103,"translation":"103. Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamada) ma murugo geliyo, malaa’igtuna waxay ku soo dhoweyn (salaan diirran iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay."},{"id":104,"translation":"104. Maalinka aan u duubeyno samada sida loo duubo waraaqaha waxa lagu qoro, sidaan u billownay abuuriddii hore baan ku soo celineynaa, (waa) ballan aan qaadnay oo na saaran, hubaal waanu fali."},{"id":105,"translation":"105. Waxaanu ku qornay Zabuurka [34] kaddib (markaan horay ugu) xusnay Kitaabka [35] in arlada (Jannada) ay dhaxli addoomahyaga wanaagsan.","footnotes":"[34]. Zabuur waa kitaabkii loo waxyooday Nabi Daawuud c.s.Waxaa sidoo kale la yidhi waxaa loola jeedaa Kutubta Alle oo dhan. \n[35]. Waa Towraadda, waxaa sidoo kale lagu fasiray Looxa Maxfuudka."},{"id":106,"translation":"106. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Gaarsiin cad qolo na caabudda."},{"id":107,"translation":"107. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato uumanka oo idil."},{"id":108,"translation":"108. Dheh: Waxaa uun la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay ilaah Keliya 'Allaah', ee ma u hoggaansameysaan Muslimiin ahaan?."},{"id":109,"translation":"109.Haddiise ay (ka) jeesadaan (Iimaanka), ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Mana ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.”"},{"id":110,"translation":"110. Hubaal Wuxuu (Alle) Og yahay hadalka kii kor loo qaado, wuxuuna Og yahay waxaad qarineysaan."},{"id":111,"translation":"111. Aniguse ma ogi, waa intaasoo ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda cadaabka) iyo raaxo ku eg ilaa muddo."},{"id":112,"translation":"112. (Nabigu isagoo baryaya Rabbigi) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Noogu kala garsoor xaq. Rabbigayona waa (Allaah) Raxmaanka ah ee laga kaalmaysto waxaad sheegeysaan [36].","footnotes":"[36]. Waa beenahooda iyo gaalnimadooda iyagoo ku sheega inuu Alle leeyahay ilmo, iyo in Muxammad s.c.w. yahay saaxir, jinnoole, gabyaa, iyo in Qur’aanka yahay gabay, sheeko xariir, sixir, iwm."}]},{"id":22,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Dadow! Iska jira (Ciqaabka) Rabbigiin! Hubaal, Gariirka Saacadda (Qiyaame) waa wax weyn oo daran."},{"id":2,"translation":"2. Maalinta aad arkeysaan haweeney kasta oo ilmo nuujinaysa iyadoo ka tegi ilmahay naaska nuujinaysay, oo haweeney walboo uur leh dhicin waxay uurka ku siddo, waxaadna arki dadka oo (ah sida kuwo) sakhraansan, mana aha kuwo sakhraansan, Cadaabka Alle baase ah mid Daran."},{"id":3,"translation":"3. Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Alle cilmi la’aan, raacana Shaydaan kastoo madax adag."},{"id":4,"translation":"4. Waxaa loo qoray in qofkii raaca (sheydaan) oo saaxiib ka yeesha inuu lumiyo oo ku hago cadaabka hurka badan."},{"id":5,"translation":"5. Dadow! Haddaad shaki ka qabtaan soo bixinta (iilka layska soo saari), Waxaanu idinka abuurnay carro, haddana dhibic mani ah, haddana xinjir, haddana\ncad hilib ah, in ka mid ahi la abuuro inna aan la abuurin (qaadis xumo darteed), si aanu idiinku caddayno. Waxaana ku sugnaa ilmo galeennada waxaan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaasaan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, si aad u gaartaan xooggiina. Waxaa idin ka mid ah mid la oofsado (isagoo yar), waxaana idinka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita, si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib. Waxaadna arkaysaa dhulkoo abaar ah, markase aan ku soo dejinno biyo korkeeda, la dhaqdhaqaaqda (nolol) oo fuurta oo soo saarta nooc walba oo dhir bilic san oo la jeclaado leh."},{"id":6,"translation":"6. Arrinkani waxaa ugu wacan in Alle Xaq yahay, oo uu nooleeyo meytida, iyo inuu wax walba Karo."},{"id":7,"translation":"7. Iyo in Saacadda (Qiyaame) iman, shaki ku jirin, iyo in Alle soo bixin waxa ku jira qubuuraha."},{"id":8,"translation":"8. Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Alle isagoon u haysan cilmi ama hanuun, ama kitaab wax ifaya."},{"id":9,"translation":"9. Dadbi luquntiisa (kibir darti, lunsan) oo ka lumiya (dadka) Jidka Alle. Kaasi waxaa u sugnaaday noloshan adduunka dulli, Waxaana dhadhansiin Maalinta Qiyaame cadaab wax gubta."},{"id":10,"translation":"10. Arrinkani waa sababta waxay horey u geysteen gacmahaagu (oo denbiyo ah), Alle ma dulmiyo addoomahiisa."},{"id":11,"translation":"11. Waxaa ka mid ah dadka mid u caabuda Alle si dhinac ka joog ah [1] 'shaki qaba'; hadduu khayr helo, ku xasila kheyrka (iyo diinta) haddiise la marsiiyo imtixaan, u gaddooma wejigiisa (gaalooba) wuxuu khasaaraa adduun iyo aakhiraba. Kaasi waa khasaaraha cad.","footnotes":"[1]. Macnaha waa ka taagan qar diintiisa, waa qaba shaki, munaafiqnimo, ama dhoohnaan uu ka dhoohan yahay diintiisa aan dan u gelin inuu barto oo ku camal falo."},{"id":12,"translation":"12. Wuxuu baryaa Alle sokadi waxaan wax yeeli karin waxna u tari karin, Kaasi waa habowga fog."},{"id":13,"translation":"13. Wuxuu u yeedhaa oo baryaa mid dhibtiisu uga dhowdahay dheeftiisa; Isagaa u xun wax laga dhigto sokeeye, una xun wax laga dhigto xigaalo iyo saaxiib."},{"id":14,"translation":"14. Hubaal, Alle wuxuu gelin kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan. Hubaal Alle wuxuu Falaa wuxuu Doono."},{"id":15,"translation":"15. Qofkii u malayn inaanu Alle u gargaarayn (Rasuulkiisa) adduun iyo aakhiraba, ha u fidsho wuxuun sabab ah xagga samada [2], markaas ha gooyo oo ha fiirsho inuu dhagartiisa ku ciil beelayo.","footnotes":"[2]. Macnaha waa ha eego in sidaasi uu kaga go’ayo waxyiga iyo gargaarka Alle Nabiga ama inuu sidaas qofkaa uu ku ciil baxayo."},{"id":16,"translation":"16. Sidaasaan u soo dejinnay (Qur’aankan) isagoo xujooyin cad ah, Allena wuxuu hanuuniyaa cidduu doono."},{"id":17,"translation":"17. Hubaal, kuwa 'xaqa' rumeeyey (Muslimiinta) iyo kuwa heysta Yuhuudiyada, Saabi’iinta, Nasaarada, Majuusta iyo Mushrikiinta, Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha. Alle wax walba waa ka Markhaati oo Arkaa."},{"id":18,"translation":"18. Miyaadan ogeyn inay Alle u sujuudaan (oo adeecaan) waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada: qorraxda, dayaxa, xiddigaha, buuraha, geedaha, nafleyda dhul ku socodka ah, iyo in badan (oo dadka) ka mid ah, in badanna cadaabku u waajibay [3]. Qofkii uu Alle dulleeyo, ma leh wax darajeyn. Hubaal Alle wuxuu Falaa wuxuu doono.","footnotes":"[3]. Oo sidaas awgeed loo qoray oo qaddaray."},{"id":19,"translation":"19. Kuwani [4] waa labo is-haya ee isku haya arrinka Rabbigood, kuwa gaaloobay waxaa loo goyn maryo Naar ah, waxaana lagu shubi madaxyadooda korkooda biyo kulul oo karaya .","footnotes":"[4]. Waxaa loola jeedaa mu’miniinta iyo gaalada."},{"id":20,"translation":"20. Waxaa lagula dhalaaliyaa waxa ku jira uurarkoooda iyo haragga (jirkooda)."},{"id":21,"translation":"21. Waxay (gaaladu) ku mudan Naarta dubbayaal bir ah (oo lagu garaaco)."},{"id":22,"translation":"22. Mar kasta oo ay doonaan inay ka soo baxaan xaggeeda, murugada heysata darteed, dib baa loogu celiyaa (iyagoo lagu dhihi): “Dhadhamiya cadaabka gubashada leh.\""},{"id":23,"translation":"23. Hubaal, Alle wuxuu gelin kuwa Xaqa rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, waxaa loo xidhi gudaheeda qurxin darteed jijimo dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xadhiidh."},{"id":24,"translation":"24. Waxaa lagu hanuuniyaa hadalka kiisa wanaagsan, waxaana lagu hanuuniyaa Jidka la mahdiyo (waa Islaamka ee lagu galo Jannada)."},{"id":25,"translation":"25. Hubaal, kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle iyo Masjidka Xaramka oo aan ka yeelnay (wax u furan) oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan deggan dhexdeeda [5] iyo soo booqdahaba. Qofkii u liicda xume fal uu ka sameeyo dhexdeeda xaq darro, Waxaan dhadhansiin cadaab xanuun badan.","footnotes":"[5]. Ama ha joogo markaa xuduuddeeda gudaheeda ama ha ka soo damco meel fog oo ka baxsan xuduuddeeda inuu ku sameeyo xumaan gudaheeda. Xaramku waa kaga duwan yahay arrinkan meelaha kale oo dhan, doonis keliya inuu qofku xumaan ku sameeyo (ama ha falo amase yuusan falin) ku filan inay u keento ciqaabka Alle."},{"id":26,"translation":"26. (Xus, Nabi Muxammadow) markaan u cayinnay Ibraahiim halka Beytka (Kacbada), Annagoo leh: “Ha ila wadaajin (cibaadada) waxba, una daahiri Baytkayga (Kacbada) kuwa dawaafi iyo kuwa u istaagi inay ku tukadaan iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”"},{"id":27,"translation":"27. Ogeysiina dadka Xajka, waxay kuugu imaan lug iyo iyagoo fuushan rukuub kasta (oo munaasib ah), waxay ka imaan tub kasta oo fog."},{"id":28,"translation":"28. Inay goob joogaan ka ahaadaan waxyaalo manaafacaad u leh darteed, oo ay ugu xusaan Magaca Alle maalmo la yaqaan [6] wuxuu siiyey oo xoolaha nicmooleyda ah, ee wax ka cuna, waxna ka siiya tabaaleysanaha, faqiirka.","footnotes":"[6]. Waa maalinta ciidda Carrafo iyo maalmaha tashriiqa ( hilba waradka) waa maalmaha 11, 12, 13 bisha Dul Xijjah."},{"id":29,"translation":"29. Markaas ha dhammeeyaan basaastooda [7], hana oofiyeen nidarraooda, oo ha ku dawaafeen Baytka horreeyey (Kacbada).","footnotes":"[7]. Waxaa loola jeedaa ha dhammeeyaan basaastooda halkan howlaha ay u baahan yihiin ee leh xiiridda timaha, jaridda ciddiyaha, is nadiifinta, iwm."},{"id":30,"translation":"30. Waa sidaase, qofkii weyneeya oo iska jira waxyaalahuu Alle caagay [8], isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo 'oo laga soo reebay' [9] Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, kana fogaada hadalka beenta ah.","footnotes":"[8]. Xurumaat ee ku soo arooray Aayadda waxaa loola jeedaa bilaha xurmadda gaarka ah leh waa: Muxarram, Rajab, Dul Qicdah, iyo Dul Xijjah, waxyaalaha la reebay gaar ahaan bilahaas iyo guud ahaan bilaha oo dhanba. Waxaa sidoo kale loola jeedaa dhulka Xaramka ee ka caaggan in xitaa la damco in xumo lagu falo, waa Kacbada, maqaamu Ibraahiim, xuduudda Xaramka, iwm. Eeg Suuradda 2 Al-Baqara , Aayadda 191.\n[9]. Eeg Suuradda 5: Aayadda 3."},{"id":31,"translation":"31. Idinkoo u toosan Alle, oo aan la wadaajin cidna cibaadada. Qofkii Alle la wadaajiya cid kale cibaadada, wuxuu la mid yahay sida mid ka soo dhacay samada oo ay kala dafayaan shimbiruhu, ama sida mid ay ku tuurayso dabeyshu meel gun dheer oo fog."},{"id":32,"translation":"32. Waa sidaase, qofkii weyneeya (sharciga iyo) calaamooyinka Alle [10], tani waa camal muujinaya Alle ka cabsiga quluubta.","footnotes":"[10]. Shacaa’irallaah waxaa loola jeedaa acmaasha Xajka iyo meelaha lagu cibaadeysto iyo cilmiga sharciga iyo culimada aqoonta u leh diinta ee ku camal fala ee towxiidka heysta oo ka fog shirkiga iyo macaasida, xalaasha quuta, oo hoos isu dhiga, una jajaban dadka."},{"id":33,"translation":"33. Waxaa idiinku sugan (xoolaha loo bixiyey sadaqada - hadyiga) manaafacaad tan iyo muddo magacaaban ah [11], markaas waxaa loo keenaa gowrac Baytka da’da weyn [12].","footnotes":"[11]. Waxaa loola jeedaa hadyiga, waa lagu intifaaci karaa ka hor inta aan la gowricin sida in la listo caanahooda, ama la fuulo, iwm ilaa maalinta gowraca. \n[12]. Xuduudda Xaramka, waxaana soo galaya sidoo kale Mina."},{"id":34,"translation":"34. Ummad walba waxaan u yeellay cibaado [13] 'ciid', si ay ugu xusaan Magaca Alle waxa uu siiyey ee xoolaha nicmooleyda ah. Ilaahiinnu waa Ilaah Keliya (Allaah) ee u hoggaansama oo u bishaaree kal samayaasha.","footnotes":"[13]. Xagga hadyiga waxay ahayd mar waliba qayb ka mid ah diinta uu Alle soo waxyooday."},{"id":35,"translation":"35. Ee ah kuwa marka la xuso Alle ay baqo ka buuxsanto quluubtoodu, kuna samra waxa ku dhaca (oo musiiba ah) ee ooga salaadda, waxa aan siinnayna wax ka bixiya."},{"id":36,"translation":"36. Ishkinka (xoolaha waaweyn ee loo loogo hadyi ahaanta - lo'da iyo geela) waxaan idiinka yeelnay wax ka mid ah calaamooyinka (diinta) Alle, waxaa idiinku sugan khayr badan, ee ku xusa Magaca Alle korkeeda iyadoo jilib xidhan [14], markay u dhacdo dhinacna (waa idiin xalaal), ee wax ka cuna, oo wax ka quudiya miskiinka dhowrsoon iyo weydiistaha. Sidaasaan idiinku sakhirnay si aad ugu mahdisaan (Alle).","footnotes":"[14]. Geela waxaa la bireeyaa iyagoo taagan."},{"id":37,"translation":"37. Ma gaadho Alle hilibkeedu iyo dhiiggeedu, waxase gaadha ee aqbalka ah Xaggiisa waa ka dhowrsoonidiinna (xumaha). Sidaasuu idiinku sakhiray si aad u weyneysaan Alle hanuunka uu idin hanuuniyey darteed. U bishaaree sama falayaasha."},{"id":38,"translation":"38. Xaqiiq Alle wuu difaacaa addoomahiisa rumeysan. Xaqiiq, Alle ma jecla mid kastoo khiyaano badan, abaal dhac badan."},{"id":39,"translation":"39. Waxaa loo idmay kuwa lala dagaallami 'inay dagaallamaan' [15] waayo waa la dulmiyey. Alle wuu Karaa inuu guul siiyo.","footnotes":"[15]. Waxaa loola jeedaa halkan asxaabtii Nabiga s.c.w."},{"id":40,"translation":"40. Kuwa looga soo saaray guryahoodii xaq darro iyagoon waxba geysan, inay yidhaahdeen maahee: Rabbigayo waa Allaah.” Haddayna jirin ku difaacidda Alle dadka qaarkoodba qaar, waxaa la dumin lahaa sawmacado, kaniisado, macaabid, iyo masaajid gudahooda Magaca Alle in badan lagu xuso. Alle wuu u gargaari kuwa u gargaara (Diintiisa), hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaada."},{"id":41,"translation":"41. Kuwa haddaan ku siinno awood arlada, ooga salaadda, bixiya Zakada, oo amra wanaagga, oo reeba xumaha. Alle baa ka taliya aayaha arrimaha oo idil."},{"id":42,"translation":"42. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), waxaa hortood beeniyey qolodii Nuux, Caad, iyo Thamuud,"},{"id":43,"translation":"43. Iyo qolodii Ibraahiim iyo qolodii Luud,"},{"id":44,"translation":"44. Iyo reer Madyan, Muusena (sidoo kale) waa la beeniyey, markaasaan u seeto dheereeyey gaaladii, ka dambowna qabtay, ee sidee ahaa Ciqaabkeygii."},{"id":45,"translation":"45. Badanaa inta magaalo aan halaagnay iyadoo dulmi fali, sidaa darteed iyadu ku dambeysay burbur (ilaa iyo maanta), \n badanaana inta ceel laga qaxay iyo daaro waaweyn."},{"id":46,"translation":"46. Miyeyna marin dhulka, si ay u yeeshaan qalbiyo ay wax ku gartaan ama dhego ay wax ku maqlaan? Hubaal, Ma aha indha beel isha oo arag beesha, ee indha beelka dhabta ah waa arag beelka quluubta ku jira laabaha."},{"id":47,"translation":"47. Waxay kaa dalbaan inaad u soo dedejiso cadaabka. Allena kama baxo Ballankiisa. Hubaal, maalin Rabbigaa agtiis ah waxay la mid tahay kun sano waxaad idinku tirsataan."},{"id":48,"translation":"48. Badanaa inta magaalo aan u seeto dheereeyey iyadoo la ceegaagan dulmi, kaddib aan qabtay, waana Xaggeyga halka loo soo laabmayo."},{"id":49,"translation":"49. Dheh: \"Dadow! Waxaan uun anigu idiin ahay Dige Cad (ka digaya cadaab daran)\"."},{"id":50,"translation":"50. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyhiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Jannada gudaheeda)."},{"id":51,"translation":"51. Kuwase u xusul duubta ka hortagga Aayadahayaga, kuwaasi waa ehlu Naarka."},{"id":52,"translation":"52. Ma aanu soo dirin hortaa Rasuul ama Nabi aan markuu hadlayey (ama wax akhrinayey) aanu wax ku tuurin sheydaanku akhrintiisa, wuxuuse Alle nasakhaa oo tiraa waxa uu shaydaan soo tuuro, markaa Alle sugaa Aayadahiisa [16]. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.","footnotes":"[16]. Markuu Nabigu s.c.w. akhriyo Aayad loogu digayo gaalada, waxay gaaladu ku kordhin jireen waxaan jirin ama u fasiri jireen si kale, markaasuu Alle caddeeyaa arrimahaa khaladka loo fahmay si uu meesha uga saaro wax mugdi ah ama shaki."},{"id":53,"translation":"53. Waa si u ugaga yeelo waxa uu Shaydaanku soo tuuro imtixaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur iyo kuwa quluubtoodu adag yihiin. Daalimiintu (gaalada) waxay ku sugan yihiin gaalnimo iyo khilaaf fog."},{"id":54,"translation":"54. Waa si ay u ogaadaan kuwa la siiyey cilmiga inuu (Qur’aankani) yahay xaq ka yimid Rabbigaa, oo ay rumeeyaan oo ay u khushuucdo quluubtoodu. Hubaal Alle wuu ku hanuunin kuwa rumeeyey (Xaqa) Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":55,"translation":"55. Kuwa gaaloobana ma deyn doonaan inay shaki ka qabaan (Qur’aankani) jeer ay Saacdda (Qiyaame) ugu timaaddo kedis ama u timaado cadaab Maalin daran oo maalin kale ka dambeyn [17].","footnotes":"[17]. Maalin daran oo ma dhaleys ah waa maalin aan habeen ka dambeyn, sidaas darteed aan dhali doonin maalin cusub, waxaana loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha"},{"id":56,"translation":"56. Xukunka Maalinkaas waxaa iska leh Allaah, Wuxuu kala xukumi dhexdooda. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay geli beeraha barwaaqada ah (Janno)."},{"id":57,"translation":"57. Kuwase gaalooba ee beeniya Aayadahayaga, kuwaa weeye kuwa leh cadaab dulleysa."},{"id":58,"translation":"58. Kuwa u soo haajira Alle darti, markaa la dilo ama dhinta, Wuxuu Alle siin risiq wanaagsan. Alle waa Kan u wanaagsan inta bixisa risiqa."},{"id":59,"translation":"59. Wuxuu galin meel gelitaan ay ka raalli noqon (Janno). Alle waa wax kasta Ogsoone, Dul qaad Badan."},{"id":60,"translation":"60. Waa sidaase, kan isagu ku aar guta intii gef loo geystey in le’eg, kaasoo lagu gardarrooday, hubaal Alle wuu u gargaari. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan [18].","footnotes":"[18]. Isagoo awooda inuu aar guto. Waxaa laga qaadanayaa Aayadda inay sidoo kale mu’miniinta wax cafiyaan iyagoo aar goosan kara."},{"id":61,"translation":"61. Arrinkani waxaa ku wacan inuu Alle habeenka dhex geliyo maalinta, maalintana dhex geliyo habeenka (kala badiyo), Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka."},{"id":62,"translation":"62. Arrinkani waxaa ku wacan waa in Alle uu yahay Xaq, iyo in waxay baryaan (caabudaan) sokadi uu yahay Baadil, iyo in Alle yahay Sarreeyaha, Weyn ."},{"id":63,"translation":"63. Miyaanad arag inuu Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas dhulku noqdo doog? Hubaal, Alle waa Roonaan Badane, Xog-Ogaal ah."},{"id":64,"translation":"64. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hubaal, Alle waa Hodonka (ka deeqtoon wax waliba) la ammaanoo Mahadsan."},{"id":65,"translation":"65. Miyaanad arag inuu Alle idiin sakhiray waxa ku sugan dhulka, iyo doonyaha ku socda badda Amarkiisa? Wuxuuna ka hayaa cirka inuu ku soo dhaco dhulka Isagoo idmo ma ahee. Alle waa Mid dadka u Turid iyo Naxariis Badan."},{"id":66,"translation":"66. Waa Isaga 'Alle' Kan idin nooleeya, haddana idin dhinsiiya, haddana idin soo nooleyn mar kale (Qiyaamaha). Aadmigu xaqiiq waa mid abaal dhac badan."},{"id":67,"translation":"67. Ummad walba waxaan u yeellay hab cibaado oo ay ku cibaadeystaan ee yeyna kugula doodin arrinka, oo ugu yeedh xagga Rabbigaa. Hubaal, Adigu waxaad ku sugan tahay hanuun toosan."},{"id":68,"translation":"68. Hadday kula doodaan, dheh: Alle baa dhab u ogsoon waxaad fashaan."},{"id":69,"translation":"69. Alle baa idiin kala garsoori dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafsaneydeen."},{"id":70,"translation":"70. Miyaadan ogayn inuu Alle og yahay waxa ku sugan samada iyo arlada? Hubaal, arrinkani wuxuu ku yaal Kitaab [19]. Hubaal, arrinkani wuu u fudud yahay Alle.","footnotes":"[19]. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka uu Alle ku heysto agtiisa."},{"id":71,"translation":"71. Waxay caabudaan Alle sokadi wax uusan u soo dejin wax xujo ah, iyo waxaa aysan u lahayn wax cilmi ah. Daalimiinta (gaalada, mushrikiinta, iwm) ma heli doonaan wax u soo gargaara."},{"id":72,"translation":"72. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxaad ka garan wejiyada kuwa gaalooba nac! Waxay ku sigtaan inay ku soo boodaan kuwa u akhriya Aayadahayaga. Dheh: “Ma idiin sheegaa wax waxakani ka xun [20]? waa Naarta, Alle wuxuu u yaboohay kuwa gaalada ah, iyadaana u xun meel la ahaado.","footnotes":"[20]. Ka daran cadhada aad u qabtaan kuwa akhriya Aayadaha Alle ama ka daran waxa aad ugu gooddisaan."},{"id":73,"translation":"73. Dadow! Waxaa la yeelay tusaale ee u dhegaysta (si wanaagsan). Kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi ma abuuri karaan duqsi, haba u kulmaane dhammaantood arrinkaa, hadduuna duqsigu wax ka dafo, kama soo ceshan karaan. Liidasho badanaa kan wax dooni (caabudaha asnaamta) iyo kan la dooni (asnaamta ay caabudaan)."},{"id":74,"translation":"74. Ma ay qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaada."},{"id":75,"translation":"75. Alle wuxuu ka dhex doortaa Rusul malaa’igta iyo dadkaba. Hubaal, Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka."},{"id":76,"translation":"76. Wuxuu ogsoon yahay Waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah. Xagga Alle baana loo celiyaa umuurahoo dhan."},{"id":77,"translation":"77. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Rukuuca oo sujuuda oo caabuda Rabbigiin (idinkoon waxba la wadaajin cibaadada) falana khayr aad liibaantaane."},{"id":78,"translation":"78. Kun dadaala Arrinka Alle (xoojinta diinta Islaamka) dadaal dhab ah (idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinna). Isagaa (Alle) idin doortay, mana yeelin dushiinna xagga diinta waxaad ku dhib mudataan, waa diintii Aabbihiin Ibraahiim. Isaga (Alle) baa idiin bixiyey kol hor Muslimiin iyo Qur’aankan (dhexdiisaba) si uu Rasuulku idiinku ahaado markhaati, idinkuna aad markhaati kaga ahaataan dadka. Ee ooga salaadda oo bixiya zakada oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa) oo isku dhowra. Waa Alle Mudanahiin, Isagaa u fiican Mudane ahaan, Isagaana u Fiican Gargaare ahaan."}]},{"id":23,"verses":[{"id":1,"translation":"1.Waxaa dhab ahaan liibaanay mu’miniinta."},{"id":2,"translation":"2. Kuwa iyagu salaaddooda ku khushuuca."},{"id":3,"translation":"3. Ee ah kuwa ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun."},{"id":4,"translation":"4. Ee ah kuwa fala zakada (bixiya)."},{"id":5,"translation":"5. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah."},{"id":6,"translation":"6. Xaasaskooda ama kuwa ay gacmahoo- du midig hantaan mooyee [1], xaqiiq laguma eedo taasi;","footnotes":"[1]. Ma aha addoon ama addoonad mid aan lagu soo qafaalan dagaal lala galay gaalada."},{"id":7,"translation":"7. Qofkii se doona wax intaas dhaafsiisan, waa kuwaa xad gudbayaasha."},{"id":8,"translation":"8. Ee ah kuwa ammaanooyinkooda iyo ballankooda dhowra."},{"id":9,"translation":"9. Ee ah kuwa xafida salaadahooda."},{"id":10,"translation":"10. Waa kuwaa dhaxlayaasha."},{"id":11,"translation":"11. Kuwa dhaxli Al-Firdaws [2] way ku dhex waadhi weligood.","footnotes":"[2]. Al-Firdaws waa qaybta ugu heer sarreysa Jannada."},{"id":12,"translation":"12. Waxaan dhab ahaan ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo."},{"id":13,"translation":"13. Dabeeto ka yeellay (ka abuurnaa ilmaha Aadam) dhibic mani ah ku sugnaata gunta meel aamin ah (riximka)."},{"id":14,"translation":"14. Markaasaan ka abuurnaa dhibicdaa xinjir, kana abuurnaa xinjirta cad yar oo hilib ah, kana abuurnaa cadkaa hilibka lafo, waxaana huwinnaa lafahaa hilib, markaasaan ka unugnaa abuur kale. Ee waxaa barako iyo khayr Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha [3].","footnotes":"[3]. Kan ugu farsamo wanaagsan ee ah abuuraha Keliya ee Runta ah."},{"id":15,"translation":"15. Markaas kaddib, waad dhimaneysaan."},{"id":16,"translation":"16. Markaas Maalinta Qiyaamaha baa la idin soo bixin."},{"id":17,"translation":"17. Waxaana xaqiiq abuurnay korkiinna toddoba samo oo kala korreeya, mana nahin kuwo moog uunka."},{"id":18,"translation":"18. Waxaan ka soo dejinnay daruuraha biyo (roob) qiyaasan, oo waxaan dejinnay dhulka, waana Karnaa inaan la tagno."},{"id":19,"translation":"19. Waxaana idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan."},{"id":20,"translation":"20. Iyo geed (zaytuun) ka baxa Buurta Siinaay, oo u soo saarta saliid iyo koosaar kuwa cuna."},{"id":21,"translation":"21. Waxaa xaqiiq idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, waxaana idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, xaggeedaadna wax ka cuntaan."},{"id":22,"translation":"22. Korkeeda iyo doonyaha korkooda baana la idinku rar qaadaa."},{"id":23,"translation":"23. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, miyeydaan ka cabsaneyn Alle oo iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?"},{"id":24,"translation":"24. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi gaaloobay oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, raba inuu idin ka sare maro, hadduu Alle doono, wuxuu soo dejin lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal arrintan (towxiidka) aabbayaashayadii hore."},{"id":25,"translation":"25. Wax kalena ma uu aha ee waa uun nin jin ku jiro, ee u samra in muddo ah (intuu ka reysto ama dhinto)."},{"id":26,"translation":"26. (Nuux) wuxuu yidhi: “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda”."},{"id":27,"translation":"27. Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, markuu Amarkayagu yimaado, oo burqado tinnaarka, ku qaad doonnida noole walba lammaane (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, hana igala hadlin (arrinka) kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), hubaal waa kuwo la harqin doono."},{"id":28,"translation":"28. Markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee naga babaadiyey qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha)."},{"id":29,"translation":"29. Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degaan barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa'e ”."},{"id":30,"translation":"30. Hubaal, Arrinkaa waxaa ku sugan calaamooyin, waxaana nahay xaqiiq kuwa wax imtixaama."},{"id":31,"translation":"31. Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale (qoonkii Caad)."},{"id":32,"translation":"32. Waxaana u soo dirnay dhexdood Rasuul 'Nabi Huud' [4] ka mid ah (oo amraya) Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyeydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.","footnotes":"[4]. Ee loo diray reer Caad."},{"id":33,"translation":"33. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisa ee gaaloobay oo beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah cuna waxaad cuntaan,cabbana waxaad cabtaan."},{"id":34,"translation":"34. “Haddaad adeecdaanna qof idin la mid ah,idinku markaa xaqiiq waad khasaarteen."},{"id":35,"translation":"35. “Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan carro iyo lafo in markaa la idin soo bixin (nooleyn mar kale).?"},{"id":36,"translation":"36. Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhaceyn)."},{"id":37,"translation":"37. “Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! Waanu dhiman (qaar) oo noolaan (qaar)! Mana nihin kuwo la soo bixin (nooleyn dhimasho kaddib)."},{"id":38,"translation":"38. “Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Alle, mana nihin kuwo rumeyn.”"},{"id":39,"translation":"39. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda ."},{"id":40,"translation":"40. (Alle) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay ahaan kuwo shallaaya."},{"id":41,"translation":"41. Markaasaa waxaa qabtay qeylo si xaq ah, waxaana ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen daalimiinta."},{"id":42,"translation":"42. Markaasaan ahaysiinnay iyaga kadambow facyo kale (qolooyinkii Luud, Shucayb, Ayyuub iyo Yuunus)."},{"id":43,"translation":"43. Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta."},{"id":44,"translation":"44. Markaasaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kastoo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu way beeniyaan, kolkaasaan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale (halaagnay), oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhaceen qolodaan (Xaqa) rumeyn."},{"id":45,"translation":"45. Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga [5] iyo Xujo Cad.","footnotes":"[5]. waa sagaalkii mucjiso ee la siiyey Nabi Muuse."},{"id":46,"translation":"46. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, waxayna ahaayeen qolo isla sarreeya."},{"id":47,"translation":"47. Waxay yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeyn labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”"},{"id":48,"translation":"48. Markaasay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la halaagay."},{"id":49,"translation":"49. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan [6].","footnotes":"[6]. Ilmahii Israa’iil."},{"id":50,"translation":"50. Waxaana ka yeelnay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad [7], waxaana ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo biyo socda leh (ilo).","footnotes":"[7]. Waa abuurista Ciise aabbe la'aan, iyo hooyadi oo uurkiisa qaadday iyadoo uu nin taaban."},{"id":51,"translation":"51. (idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Anigu xaqiiq waxaad faleysaan waan Ogahaye."},{"id":52,"translation":"52. Hubaal, diintiinnaan (Islaamka) waa diin mid keliya ah. Aniguna waxaan ahay Rabbiigiin, ee iga cabsada (oo ka fogaada shirkiga iyo xumaha kale) ."},{"id":53,"translation":"53. Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxay haystaan [8] ay ku faraxsan yihiin.","footnotes":"[8]. Oo caqiidooyin ah, dhaqammo, caadooyin, iwm."},{"id":54,"translation":"54. Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo."},{"id":55,"translation":"55. Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah."},{"id":56,"translation":"56. Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? mase dareensana [9].","footnotes":"[9]. In waxyaalaha wanaagsan ee lagu siiyey adduunkan ay keliya yihiin wax lagu imtixaamayo iyaga."},{"id":57,"translation":"57. Hubaal Kuway cabsida Rabbigood ku weyn tahay;"},{"id":58,"translation":"58. Ee ah Kuwa Aayadaha Rabbigood rumeysan,"},{"id":59,"translation":"59. Oo ah kuwa aan cid kale la wadaajin Rabbigood (cibaadada);"},{"id":60,"translation":"60. Ah kuwa bixiya waxay bixiyaan (oo sadaqo ah ama fala camallo wanaagsan), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto [10] 'inaan laga aqbalin, oo yaqiinsan' inay Rabbigood u soo noqon.","footnotes":"[10]. Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. in kuwaa ka baqa taasi ay yihiin kuwa wax xada ama zinaysta ama khamri cabba. Wuxuu yidhi: Ma aha kuwaasi, ee waa kuwa tukada salaadda, sooma oo wax sadaqeysta, haddana ka baqa in aan laga aqbalin.”"},{"id":61,"translation":"61. Kuwaasaa u degdega khayraadka, una dheereeya."},{"id":62,"translation":"62. Ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, Waxaana agtannada ah Kitaab ku hadla xaq iyagoon la dulmineyn."},{"id":63,"translation":"63. Waxayse quluubtooda kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), waxayna leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan."},{"id":64,"translation":"64. Jeer markaan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab [11], markaasay calaacalaan.","footnotes":"[11]. Waa ciqaabka Quraysh lagu ciqaabay abaarta iyo gaajada. Waxaa sidoo kale jab iyo hoog ku soo gaaray dagaalkii Badar, iyagoo badi madaxdoodii lagu dilay Badar, qaarna lagu soo qafaashay."},{"id":65,"translation":"65. Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggayaga laydiin kama gargaaro’e."},{"id":66,"translation":"66. Aayadahaygii baa la idiin akhrinayey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna (oo Xaq iyo Nabad diid ah)."},{"id":67,"translation":"67. Idinkoo isku kibrin (inaad tihiin ehlu Xaramka - Kacbada), ku caweeya habeenka hadal xun aad ka sheegtaan [12].","footnotes":"[12]. Qur’aanka ama waxaa loola jeedaa Nabiga s.c.w."},{"id":68,"translation":"68. Miyaanay (gaalada) u fiirsan Qowlka (Qur’aanka), mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore?"},{"id":69,"translation":"69. Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan?."},{"id":70,"translation":"70. Mise waxay leeyihiin: “jin baa ku jira?” mayee, wuxuu u keenay Xaq (Qur’aanka), badankooduse Xaqa bay neceb yihiin [13].","footnotes":"[13]. Towxiidka, halkii ay fahmi lahaayeen ama garowsan lahaayeen."},{"id":71,"translation":"71. Hadduu Xaqu raaci lahaa hawadooda, waxaa fasaadi lahaa samooyinka iyo arlada iyo waxa ku sugan. Waxaanse u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan."},{"id":72,"translation":"72. Mise waxaad adigu weydiisataa kharaj (ujuuro)? Kharajka Rabbigaa baa se kheyr badan, waana Isaga Kan u wanaagsan inta risiq bixisa."},{"id":73,"translation":"73. Waxaadna adigu (Nabiyow) ugu yeedhaa Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":74,"translation":"74. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirona Jidka (Toosan) way ka iishaan."},{"id":75,"translation":"75. Haddaan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya oo dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda iyagoo ku indha la’."},{"id":76,"translation":"76. Waxaanu ku qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, umana baryin si khushuuc leh."},{"id":77,"translation":"77. Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaasay quustaan."},{"id":78,"translation":"78. (Alle) waa Kan idiin unkay dhegaha, indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad mahdisaan (Alle)."},{"id":79,"translation":"79. Waana Isaga Kan idinku fidiyey dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin."},{"id":80,"translation":"80. Waa Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (Agaasinka) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan wax fahmeyn."},{"id":81,"translation":"81. Waxayse yidhaahdeen wax la mid ah waxay dadkii hore yidhaahdeen."},{"id":82,"translation":"82. Waxay yidhaahdeen: “Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin?"},{"id":83,"translation":"83.Waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kani ma aha waxaan ahayn warkii dadkii hore."},{"id":84,"translation":"84. Dheh: “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddaad garaneysaan?!’’"},{"id":85,"translation":"85. Waxay (gaaladu) odhan: \"Allaah!” Dheh: Miyaydaan haddaba waansameyn?"},{"id":86,"translation":"86. Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn [14]?","footnotes":"[14]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Xaalka Alle waa ka weyn yahay sidaas, Carshigiisuna waa sidaas, wuxuu ku tilmaamay gacantiisa sida qubbad”."},{"id":87,"translation":"87. Waxay odhan: “Allaah.” Dheh: Miyeydaan iska jireyn Cadaabkiisa?."},{"id":88,"translation":"88. Dheh: “Yey Gacantiisa ku jiraan mulkiga iyo maamulka wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddaad garanaysaan?"},{"id":89,"translation":"89. Waxay odhan: \"Allaah\". Dheh: “ Xaggee baa haddaba la idiin sixray?”"},{"id":90,"translation":"90. Waxaanse u keennay Xaq, oo xaqiiq waa beenalayaal."},{"id":91,"translation":"91. Alle ma yeelan wiil (ilmo), mana aha la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu la tagi lahaa ilaah walba wuxuu abuuray, oo qaarkood waxay ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah (ceeb iyo nuqsaan oo dhan) waana ka Sarreeyaa waxyaalaha ay ku tilmaamayaan."},{"id":92,"translation":"92. Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqda! Wuu ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan (cibaadada)."},{"id":93,"translation":"93. Dheh: Rabbiyow! Haddaad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabka)."},{"id":94,"translation":"94. Rabbiyow! Ha iga mid yeelin qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.”"},{"id":95,"translation":"95. Annaguna inaan xaqiiqdii ku tusno waxaan ugu gooddinno waan Awoodnaa."},{"id":96,"translation":"96. Ku tir xumaanta sida u wanaagsan, Annagaa Ogsoon waxay sheegayaan."},{"id":97,"translation":"97. Dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan gali waswaasinta shayaadiinta."},{"id":98,"translation":"98. Waxaana kaa magan gali Rabbiyow inay ii yimaadaan shayaadiintu."},{"id":99,"translation":"99. Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood (gaalada), wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi (adduunkii)."},{"id":100,"translation":"100. Si aan ugu falo wanaag waxaan ka soo tegay [15]. “May, ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, waxaana horti ah Barzakh 'xayir [16] aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono (Qiyaamada).","footnotes":"[15]. Waxaasi aan ka dan iyo muraad la’aaday. \n[16]. Barzakh waa xaalka qofka uu ku sugnaan marka uu dhinto ilaa laga soo bixinayo, waana xaal iyo moos xir u dhexeeya adduunka iyo Aakhirada."},{"id":101,"translation":"101. Marka la afuufo buunka, ma jirto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma warsadaan."},{"id":102,"translation":"102. Qofkay cuslaato miisaanka camalladiisa wanaagsan, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha."},{"id":103,"translation":"103. Qofkayse fududaato miisaanka camalladiisa wanaagsan - kuwaa weeye kuwa khasaaray nafahooda, Jahannamayna ku dhex waadhi."},{"id":104,"translation":"104. Naartu waxay diiran wajiyadooda, iyagoo kuduudsan oo faruuran [17].","footnotes":"[17]. Waxay noqon kuwo faruuran ilaa ilkuhu fool xumo muuqdaan."},{"id":105,"translation":"105. (Waxaa lagu dhihi): Sow Aayadahayga la idiin ma akhriyi jirin oo ma aydaan beenin jirin.?”"},{"id":106,"translation":"106. Waxay odhan: “Rabbigayow! Ayaandarradayadii baa naga adkaatay, waxaana aheyn qolo habowsan."},{"id":107,"translation":"107. Rabbigayow! Naga bixi xaggeeda (Naarta); haddaan u noqonno (xumaan fal), innagaa daalimiin (gar ma qaatayaal) ah.”"},{"id":108,"translation":"108. (Alle) Wuxuu odhan: Ku dullooba dhexdeeda (Naarta), hana ila hadlina."},{"id":109,"translation":"109. Waxaa xaqiiq jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbigayow! waan rumaynay (Xaqa) ee noo denbi dhaaf, noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”"},{"id":110,"translation":"110. Waxaadse ka yeelateen jees-jees, ilaa ay idin illowsiiyeen Xusiddeydii, waadna ku qosli jirteen."},{"id":111,"translation":"111. Waxaan anigu ku abaal mariyey Maanta samirkoodii darti inay iyagu yihiin guuleystayaasha."},{"id":112,"translation":"112. (Alle) wuxuu odhan: “Immisa sano baad joogteen arlada?”"},{"id":113,"translation":"113. Waxay odhan: “Waxaan joognay maalin ama maalin gelinkeed. Weydiiya kuwa wax tiriya (malaa'igta).”"},{"id":114,"translation":"114. Wuxuu odhan: “Ma aydaan joogin adduunka in yar ma’ahee haddaad ogaan lahaydeen."},{"id":115,"translation":"115. Ma waxaad mooddaan inaan idiin abuurnay dheel, oo aan Xaggayaga la idiin soo celineyn?"},{"id":116,"translation":"116. Waxaa Kor ah oo Sarreeya Allaah Boqorka Runta ah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Sharafta Badan."},{"id":117,"translation":"117. Qofkii barya (caabuda) Alle la jirkiis ilaah kale, uma heysto wax xujo ah arrinkani, xisaabintiisu waxay uun la jirtaa Rabbigi. Hubaal gaaladu ma liibaanaan."},{"id":118,"translation":"118. Dheh: Rabbiyow! Denbi dhaaf oo Naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”"}]},{"id":24,"verses":[{"id":1,"translation":"1. (Tani) waa suurad aan soo dejinnay oo waajibinnay (ku camal falka axkaanteeda), kuna soo dejinnay dhexdeeda Aayado cad cad inaad xusuusataan (oo ku waano qaadataan)."},{"id":2,"translation":"2. Zaaniydda iyo Zaaniga [1] ku jeedala midkood walba boqol jeedal [2]. Yeysanna turid [3] aad u tureysaan idinka celin fulinta Amarka Alle, haddaad rumeysan tihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro, waana inay koox mu’miniin ah goob joog ka ahaadaan ciqaabkooda.","footnotes":"[1]. Zaaniyadda (dhillada) iyo zaaniga (dhillayga) waxaa lagu fulin ciqaabkaa hadday iskood u qirtaan inay faleen galmo xaaraan ah ama hadday ku marag furaan afar nin oo caadil ah.\n[2]. Xukunka ku soo arooray Aayaddan wuxuu ku gaar yahay kuwa ku dhaca denbiga zinada (galmada xaaraanta ah) iyagoo aan horay marnaba u guursan, waa in la jeedalo boqol jeedal oo sannad la fogeeyo sida in la xabbiso. Qofkiise zineysta isagoo xaas ah ama horay u soo guursaday oo si dhan u qirta denbigaa, ama ay ku markhaati furaan afar nin oo caadil ah, waa in lagu shiido dhagax ilaa uu ka dhinto. \n[3]. Waa inaysan turid aad u tureysaan dhillada iyo dhillayga idiin horseedin inaad wax ka beddeshaan wuxuu Alle qoray oo soo gooyey, waayo xeerarkiisa waxaa ugu jira dhowris iyo daryeel danaha dadweynaha oo dhan."},{"id":3,"translation":"3. Zaanigu (dhillaygu) ma uu la galmo galo waxaan aheyn Zaaniyad (dhillo) ama Mushrikad (gaalad), Zaaniyaddana (dhillada) ma ay la galmo galaan waxaan aheyn zaani (dhillay) ama Mushrik (gaal), waana ka xaaraan mu’miniinta 'guursiga kuwaasi iyaga ah' [4].","footnotes":"[4]. Dadkaa oo kale (dhillada ama dhillayga) looma guurin karo mu’miniinta in maahee ay tawbad keeneen oo toosnaadeen oo laga arko isbeddel wanaagsan iyo hanuun. Waxaa sidoo kale lagu fasiray ninka zaaniga ah (dhillayga) ma guursado waxaan ahayn zaaniyad (dhillo) la mid ah ama gaalad, haweenta zaaniyadda ahina (dhillada) waxaa guursada uun zaani (dhillay) la mid ah ama gaal, waana laga xaaraanshay mu’miniinta guursiga kuwaasi iyaga ah."},{"id":4,"translation":"4. Kuwa qadfa (ku sheega) dumar (ama rag) dhowrsoon (zino-dhilleysi), oo aan keenin afar markhaati ah, jeedala siddeetan jeedal, hana ka yeelina wax marag fur ah abadkood, kuwaasina waa uun faasiqiin."},{"id":5,"translation":"5. Kuwa tawbad keena intaas kaddib ma’ahee, oo samaada, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":6,"translation":"6. Kuwa qadfa (ku sheega zino- dhilleysi) xaasaskooda oo aan haysan markhaati aan aheyn nafahooda, marag furka midkood walba oo ka mid ah (waa in la dhaariyo) afar jeer, isagoo markhaati gashanaya Alle inuu run sheegayo."},{"id":7,"translation":"7. Tan shanaad (waa inuu ku dhaarto) in Nacaladda Alle ku dhacdo hadduu been sheegayo."},{"id":8,"translation":"8. Waxaa ka baajin iyadana ciqaabta inay dhaarato afar jeer, iyadoo marag gashaneysa Alle inuu been sheegayo."},{"id":9,"translation":"9. Tan shanaadna (waxay ku dhaaran) in Cadhada Alle ku dhacdo hadduu run sheegayo."},{"id":10,"translation":"10. Hadduuna jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisa [5], iyo inuu Alle yahay mid Tawbad Aqbal Badan, Xakiim ah.","footnotes":"[5]. Hadalka inta ka go’an waa la qiyaasi karaa, wuxuu u dhacayaa waxaa ku dhici lahaa beenaalaha cadaab daran’."},{"id":11,"translation":"11. Xaqiiq, kuwa la yimid been abuurka 'qadafka Caa'isha, xaaskii Nabiga s.c w.' [6] waa koox idin ka mid ah; ha u arkina inay shar idiin tahay, mayee’ waa idiin khayr (axkaanta ka soo degtay darteed). Qof kasta oo ka mid ahina wuxuu mudan wuxuu kasbaday oo denbi ah. Kan qaybta weyn ka qaatay [7] ee ka mid ah wuxuu leeyahay cadaab weyn.","footnotes":"[6]. Waxay tilmaameysaa dhacdadii markii xaaska Nabiga s.c.w. Caa’isha a.k.r ay been ugu tuhmeen munaafiqiinta inay la timid gogol dhaaf.\n[7]. Waa Cabdullaah bin Ubay bin Salool, madaxii munaafiqiinta waagaas."},{"id":12,"translation":"12. Maxaydaan markaad maqasheen (qadafkaa) ugu malayn mu’miniinta rag iyo haweenba khayr isla dadkoodaasi, oo ay u odhan: “Waxakani waa been abuur cad?”"},{"id":13,"translation":"13. Maxayse u keeni waayeen afar markhaati? Maadaama aysan keenin markhaatiyaal, kuwaasu Alle agtiisa waxay ka yihiin beenalayaal."},{"id":14,"translation":"14. Hadduuna jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisu adduun iyo Aakhiraba, waxaa idinku taaban lahaa waxaad ku hadasheen darteed cadaab daran."},{"id":15,"translation":"15. Markaad ku gaddonteen (qadafkaa) carrabyadiinna [8], oo aad ka laheydeen afafkiinnna wax aydaan ogeyn, waxaad mooddeen arrin fudud, halka Alle agtiis ay aheyd wax daran oo baas.","footnotes":"[8]. Halkaad ku maqli lahaydeen dhegahiinna macnaha waa idinkoo aan ka fekerin waxa aad maqasheen oo u fiirsan bal u degdegay inaad iska sheegsheegtaan warkaa been abuurka ah idinkoo aan tixgelin waxa aad leedihiin oo ku hadleysaan."},{"id":16,"translation":"16. Maxaydaan markaad maqasheen u odhan: \"Nooma habboona inaan ka hadallo waxakani. Adigaa hufan (Allow)! Kani (qadafkan) waa been abuur weyn\"."},{"id":17,"translation":"17. Alle wuu idinka waanin inaad u noqotaan waxaasoo kale weligiin, haddaad tihiin mu’miniin dhab ah."},{"id":18,"translation":"18. Wuxuu Alle idiin caddeyn Aayadaha. Alle waa wax walba Oge, Xikmad Badan."},{"id":19,"translation":"19. Xaqiiq, kuwa jecel inay xumaantu [9] ku faafto mu’miniinta dhexdooda, waxay leeyihiin cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba. Alle baana Og, idinkuna ma ogidin [10].","footnotes":"[9]. Waxaa gaar ahaan loola jeedaa zinada iyo xiriirrada xun ee aan bannaaeyn: galmada xaaraanta ah. \n[10]. Arrimaha qarsoon ee wax waliba: Waxa wanaagsan ee dani ku jirto iyo faa’idada iyo waxa xun ee dhibaatada leh."},{"id":20,"translation":"20. Hadduuna jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisu iyo inuu Alle yahay Turid Badane, Naxariis Badan (waad halaagsami laheydeen)."},{"id":21,"translation":"21. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha raacina tallaabooyinka (jidadka) shaydaanka. Qofkii raaca tallaaboyinka shaydaanka, wuxuu amraa xumaanta iyo waxa la karho. Hadduusan jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisa, ma daahir noqdeen qofna idinka mid ah weligi. Alle baase daahiriya qofkuu doono. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og."},{"id":22,"translation":"22. Yey ka dhaaranna kuwaa idinka mid ah ee leh fadliga dheeraadka ah ee ladan inay siiyaan (kaalmo) qaraabadooda, masaakiinta, iyo kuwa uga soo haajiray guryahooda Alle Dartiis. Ha iska cafiyeen hana saamaxeen. Miyeydaan jecleyn in Alle idiin denbi Dhaafo [11]?Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[11]. Abuu Bakar a.k.r. markay soo degeen Aayadahan oo Alle yidhi: Miyeydaan jecleyn inuu Alle idiin denbi dhaafo? Wuxuu yidhi: Haayoo, waan jeclahay, wuxuuna dib u billaabay inuu siiyo Misdax oo ay qaraabo ahaayeen oo ka mid ahaa raggii beenta ka fidshay Caa’isha a.k.r. kaalmadii uu siin jirey, oo kafaara gud ka sameeyey dhaartii uu ka dhaartay."},{"id":23,"translation":"23. Xaqiiq, kuwa ku sheega (zino) dumarka dhawrsoon mu’minaatka ah, ee moog oo ka war la’ 'xumo oo dhan' [12], waa lagu nacladay adduun iyo aakhiraba, waxayna mudan cadaab weyn.","footnotes":"[12]. Waxaa loola jeedaa mu’minaatka moog oo ka war la’ xumaha, mu’minaatka aanay marnaba ku soo dhicin qalbigooda inay falaan wax xun ee iyagu nadiifka ah dhowrsoon."},{"id":24,"translation":"24. Maalinta carrabyadoodu, gacmahoodu, iyo lugahoodu ay ku markhaati furi waxay falayeen."},{"id":25,"translation":"25. Maalintaas Alle wuxuu ugu oofin si dhan abaalgudkooda sugan, waxayna ogaan inuu Alle yahay Xaqa muuqda."},{"id":26,"translation":"26. Hadallo (iyo camallo) xun (waxaa leh oo lagu yaqaan) dadka xun. Dadka xumina waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) xun, hadallo (iyo camallo) fiican [13] waxaa (leh oo lagu yaqaan) dadka fiican, dadka fiicanna waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) fiican. Kuwani (Caa'isha iyo eynigeed) waa ka barii (fog yihiin) waxay ka sheegayaan, waxayna leeyhiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan.","footnotes":"[13]. Waxaa sidoo kale lagu fasiray: Haweenka xun waxay u sugnaadeen nimanka xun, nimanka xunna waxaa u sugnaaday haween xun, haweenka wanaagsan waxay u sugnaadeen nimanka wanaagsan, nimanka wanaagsanna waxaa u sugnaaday haween wanaagsan. Arrinkanina waa sida qaalibka ah laakiin way dhacdaa inkastoo ayan badneyn in naag xumi uu ku soo aado nin wanaagsan, nin xunna ay ku soo aaddo naag wanaagsan, naag wanaagsanina uu ku soo aado nin xun, nin wanaagsanina ay ku soo aaddo naag xun. Laakiin waa in yar.\nAlle wuxuu Aayadahan ku barii yeelay hooyadii mu'miniinta Caa'isha a.k.r."},{"id":27,"translation":"27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryo aan aheyn guryihiinna jeer aad idan weydiisataan, oo salaantaan ehelkooda [14], sidaasaa idiin khayr badan inaad xusuusnaataan.","footnotes":"[14]. Waa aad ku salaantaan salaanta islaamka: Assalaamu Calaykum (Nabad dushiinna ha ahaato)."},{"id":28,"translation":"28. Haddaydaan ka helin cidna gudahooda, markaa ha gelina jeer la idin siiyo idan. Haddii la idin yidhaahdona noqda [15], markaa noqda; sidaasaa idiin daahirsan. Alle waa Og yahay waxaad fashaan.","footnotes":"[15]. Ama weedh la mid ah noqda ee muujineysa in reerka guriga iska leh diyaar u ahayn inay qaabilaan dad soo booqda ( taasoo ah in la tixgeliyo)."},{"id":29,"translation":"29. Ma aha korkiinna denbi inaad gashaan (idan la’aan) guryo aan la degganayn ay gudahooda idiin yaalaan alaabadiinna [16]. Alle wuu Ogsoon yahay waxaad si cad u fashaan iyo waxaad qarisaanba.","footnotes":"[16]. Idiin yaallaan xoogaa manfaco ah sida nasiino, hoyaad, alaabo, qofka waxyaalahiiisa gaarka ah, iwm"},{"id":30,"translation":"30. Waxaad ku dhahdaa mu’miniinta ha ka laabeen aragyadooda 'xaaraanta' [17], hana ilaashadeen xubnahooda gaarka ah [18], sidaasaa u daahirsan. Hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxay sameyn.","footnotes":"[17]. Iyagoo eegaya oo keliya waxa bannaan oo ka jeedinaya indhahood waxa aan u bannaaneyn in la eego. \n[18]. Ha ka ilaaliyeen galmo xaaraan ah, iyo inay soo bandhigaan cawradooda, cawrada ninkana waa inta u dhexeysa xuddunta iyo jilibka, oo ha ka xafitaan sidoo kale ficillada aan bannaaneyn (galmooyinka xaaraanta ah)."},{"id":31,"translation":"31. Waxaad ku dhahdaa mu’minaatka ha ka laabeen aragyadooda 'xaaraanta' [19] hana xafitaan xubnahooda gaarka ah, yey muujinna quruxdooda [20] wixii iska muuqda maahee [21], hana ku soo dadaan hagoogtooda luqumahooda dushooda iyo laabahooda, yeysanna u muujin quruxdooda (dhan) waxaan aheyn nimankooda qaba, ama (wax ka mid ah quruxdaa sida wejiyadooda, luqumahooda, iyo gacmahooda oo qudha) aabbayaashood, ama aabbayaasha nimankooda qaba, ama wiilashooda, ama wiilasha nimankooda qaba, ama walaalahood, ama wiilasha walaalahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan, ama kuwa raacsan ee labka ah oo aan laheyn haweysi dumar [22], ama ilmaha aan weli yeelan dareen ay ku fiirsadaan cawro dumar. Yeysanna ku garaacin (dhulka) lugahooda si loo ogaado waxay qariyaan oo quruxdooda ah. U tawbad keena Alle idinkoo dhan, mu’miniintoy aad liibaantaane.","footnotes":"[19]. Iyagoo eegaya oo keliya waxa bannaan oo ka jeedinaya indhahood waxa aan u bannaaneyn in la eego. Cawrada haweenta markay debedda u baxeyso waa jirkooda oo dhan waa inayan waxba ka muuqan.\n[20]. Haddii ay tahay quruxdooda dabiiciga ah sida timaha ama qaabka jirkooda, ama waxay dumarka isku qurxiyaan ee leh dharka qurxoon ama dahabka ay xidhaan, iwm. \n[21]. Waa shukada ay dusha ka gashtaan dumarka oo jirkooda ku qarsadsaan ama wixii ka muuqda oo baahi keento ay ka fursan waayaan.\n[22]. Waxay tilmaameysaa xaalad aan caadi ahayn oo ah nin aan innaba lahayn dareen galmo iyo u tegis haween iyo shahwo."},{"id":32,"translation":"32. U guuriya [23] kuwaa idinka midka ah ee doobka ah iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah addoomahiinna (ragga ah), iyo addoonnadiinna (dumarka ahi), hadday yihiin fuqaro, Alle baa ugu deeqi Fadlgiisa. Alle waa deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon.","footnotes":"[23]. Waxaa loola jeedaa addoomahaa doonaya inay iska xoreeyaan kuwaasi iska leh ee milkiyey iyagoo siinaya qiimo ay ku wada heshiiyaan."},{"id":33,"translation":"33. Ha dhowrsadeen kuwa aan heli karin waxay ku guursadaaan inta uu Alle kaga hodmin Fadligiisa. Kuwa dalbana qoritaan (is-xoreyn) ee ka mid ah kuwaa ay gacmahiinna midig hantaan, siiya qoraalkaasi, haddaad ku og tihiin wanaag. Oo wax ka siiyana maalka Alle uu idin siiyey. Hana ku qasbina gabdhahiinna addoonadaha ah zino hadday rabaan inay ku sugnaadaan dhowrsanaan idinkoo doonaya sadka dhammaanaya ee noloshan adduunka. Ciddii qasabta, hubaal Alle, ku qasbiddooda kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":34,"translation":"34. Waxaan idiin soo dejinnay Aayado cad cad [24], iyo tusaale kuwii tegay hortiin, iyo waanada kuwa (ka) dhowrsada (xumaha).","footnotes":"[24]. Waa xukunnada iyo xeerarka, gaar ahaan kuwa ku soo arooray Suuraddan."},{"id":35,"translation":"35. Alle waa Nuuriyaha [25] samooyinka iyo arlada, tusaalaha Nuurkiisa [26] waa sida feynuus uu ku jiro nal, nalkuna uu ku jiro dhalo [27], dhaladana la moodo xiddig kaah badan, laga huriyey geed barakaysan, geed-zaytuun aan bari ahayn iyo galbeed midna, ay saliiddiisu u dhowdahay inay iska ifto walow uusan dab taaban, nuur lagu kordhiyey nuur, Alle wuxuu ku hanuuniyaa Nuurkiisa qofkuu doono. Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka. Alle wax walba waa Og yahay.","footnotes":"[25]. Alle waa kan bixiya iyo halka uu ka yimaado nuurka iyo hanuunka. \n[26]. Hanuunkiisa uu ku galladeysto qalbiga addoonkiisa mu’minka ah.\n[27]. Misbaax erey ahaan waxaa weeye liifad ololeysa oo ah gunta nalka."},{"id":36,"translation":"36. (Nuurkaas waxaa laga helaa) Guryo gudahood uu Alle idmay in la kor yeelo [28], Magaciisana lagu xuso, halkaa waxaa ku xurmo weyneeya oo tasbiixsada gudahood subax iyo galabba,","footnotes":"[28]. Waa Masaajida Alle. \nAbuu Qataadah bin Ribci Al-Ansaari a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Markuu midkiin soo galo masjid waa inuusan fadhiisan jeer uu tukado labo rakcadood. (W.w. Al-Bukhaari)\nAbuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yiri: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Ajarka salaadda ninka ragga ahi uu ku tukado jamaaco ahaan masjid waxay dheer tahay shan iyo labaatan jeer labo laab salaadda uu qofku ku tukado gurigiisa ama dukaankiisa. Maxaa yeelay markuu qofku si fiican u weeseysto oo u aado masjidka salaadda darteed, tallaabadii uu qaadaba waxaa kor loo qaadaa meeqaankiisa hal derejo, hal denbina waa looga tiraa, markuu tukadana, malaa'igtaa u duceysa intuu weesada qabo oo meeshiisa fadhiyo, iyagoo leh: Allow u denbi dhaaf, Allow u naxaariso, intuu salaadda sugayana wuxuu la mid yahay isagoo ku jira salaad. (W.w. Al-Bukhaari)."},{"id":37,"translation":"37. Rag aanay ka shuqlin ganacsi iyo iib midna xusidda Alle iyo oogidda saaladda iyo bixinta Zakada. Waxay ka cabsadaan Maalin quluubta iyo aragyada rogmi doonaan (baqo iyo argagax awgi)."},{"id":38,"translation":"38. Si uu Alle u siiyo abaal gud waafaqsan kan ugu wanagsanaa waxay faleen, oo waliba uu siiyo deeq dheeri ah ka mid ah Fadligiisa. Alle wuxuu irsaaqaa qofkuu doono xisaab la'aan."},{"id":39,"translation":"39. Kuwase gaaloobay acmaashoodu waa sida dhalanteed ka muuqda bannaan dhul siman, oo uu kan oommani moodo biyo, jeer markuu yimaado waxba aanu ka helin [29], oo uu halkaas ka helo Alle oo abaal marsha una oofiyo si dhan xisaabtiisa, Alle wuu ku Dhaqsi Badan yahay xisaab qaadista.","footnotes":"[29]. Waayo gaaladu acmaashooda kuma dhisna towxiid iyo ku iimaan qab Alle Keliya iyagoo aan la wadaajin cibaadada cidna."},{"id":40,"translation":"40. Ama (waa) sida mugdiyo daran bad weyn salkeed ah, hir uu daboolo, korkiisuna hir kale sii yahay, oo ay daruuro sii kor joogaan, (dabaqyo) mugdiyo daran ah midba mid kale kor saaran yahay, markuu soo saaro gacantiisa uu ku sigan inuu arki waayo! Qofkaan Alle u yeelin Nuur, ma uu laha Nuur."},{"id":41,"translation":"41. Miyaadan ogayn in Alle ay xurmo weyneeyaan oo u tasbiixsadaan (ka hufaan xumaan) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada iyo shimbiraha fidiya garbahooda (markay duulliyaan)? Wuu Og yahay mid kasta salaaddiisa iyo tasbiixdiisa. Alle wuu Og yahay waxay fali."},{"id":42,"translation":"42. Alle baa iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, waana xagga Alle halka loo noqon dhammaan."},{"id":43,"translation":"43. Miyaadan arkayn in Alle soo kaxeeyo daruuro, markaas isu dumo, oo ka dhigo fadad isdulsaraan, sidaas darteed waxaad arki roobka oo ka soo da’aya dhexdooda, Wuxuuna ka soo dejiyaa daruuraha buuraha la moodo qabow (baraf), isagoo ku rida cidduu doono, kana duwa cidduu doono, iftiinka hillaaciisu daruuraha gudahood ah wuxuu sigaa inuu la tago aragga."},{"id":44,"translation":"44.Alle Wuxuu gedgeddiyaa oo is dhaafiyaa habeenka iyo maalinta. Arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan cibro kuwa aragtida dheer."},{"id":45,"translation":"45. Alle wuxuu ka abuuray noole kasta oo jira biyo. Waxaa ka mid ah mid ku xammaarta calooshiisa, waxaa ka mid ah mid ku socda labo lugood, waxaana ka mid ah mid ku socda afar. Alle Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Hubaal, Alle wax kasta wuu Karaa."},{"id":46,"translation":"46. Waxaan dhab ahaan soo dejinnay Aayado cad cad. Alle wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan (Islaamka)."},{"id":47,"translation":"47. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: “Waxaanu rumeynay Allaah iyo Rasuulka oo adeecnay, markaasay koox ka mid ahi jeesadaan intaas kaddib, kuwaasina ma aha mu’miniin."},{"id":48,"translation":"48.Marka loogu yeedho Alle iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, mise koox ka mid ahi dhinac bay u jeestaan."},{"id":49,"translation":"49. Haddayse garta leeyihiin waa u yimaadaan dhaqso, iyagoo adeecsan."},{"id":50,"translation":"50. Ma qalbigay ka bukaan (jirro munaafiqnimo ah), mise shaki bay ka qabaan (Nabinnamada Muxammad), mise waxay cabsi ka qabaan in Alle iyo Rasuulkiiisu ka eexdaan? Mayee, kuwaasi waa kuwo daalimiin (gar ma qaatayaal) ah."},{"id":51,"translation":"51. Qowlka mu’miniinta, marka loogu yeedho Alle iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, waa uun inay yidhaahdaan: “Maqallay oo yeelnay. kuwaasina waa kuwa ah liibaanayaasha."},{"id":52,"translation":"52. Qofkii adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ka baqa Alle, dhowrana amarradiisa, kuwaa weeye kuwa ah guuleysatayaasha."},{"id":53,"translation":"53. Waxay (munaafiqiintu) ku dhaartaan Alle kan ugu adag dhaarahooda, in haddaad amarto ay (u) baxayaan (jihaad). Dheh waxba ha dhaarannina: adeecid fiican 'baa la dooni' [30]. Alle waa u Xog Ogaal waxaad falaysaan.","footnotes":"[30]. Macno kale waa daacad la yaqaan macnaha waa oggolaanshaha iyo maqlidda ay muujiyaan munaafiqiinta waa mid la yaqaan inay been tahay."},{"id":54,"translation":"54. Dheh: “Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka, haddiise aad jeesataan, waxaa (Nabiga) saaran oo keliya xilka la saaray. idinkana waxaa idin saaran waxa la idin saaray (Xaq raacid). Haddaad adeecdaan (Nabiga) waad hanuunaysaan. Rasuulkana ma saarna waxaan ahayn Gaadhsiin Cad."},{"id":55,"translation":"55. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwiinna idinka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala inay u hadhi dhulka oy xukumi, siduu uga yeelayba inay u hadhaan oo xukumaan kuwii ka horreeyay, iyo inuu u makanin diintooda uu uga raalli yahay. Wuxuu ugu beddeli cabsidoodii kaddib nabadgelyo; waase inay i caabudaan (Anigoo Keliya) iyagoon ila wadaajinayn (cibaadada) waxba. Ciddii gaalowda intaas kaddibna [31], kuwaa weeye kuwa ah caasiyaasha.","footnotes":"[31]. Waa dafira nicmadda Alle ama aan ku noolaan si waafaqsan xukunkiisa iyo xeerarkiisa."},{"id":56,"translation":"56. Ee ooga salaadda, bxiyana Zakada, oo adeeca Rasuulka si la idiinku naxariisto."},{"id":57,"translation":"57. Ha moodina in kuwa gaalooba ku fakan karaan dhulka, hoygoodu waa Naarta, iyadaana u xun meel la ahaado."},{"id":58,"translation":"58. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waa inay kuwaa ay gacmahiinnu midig hantaan iyo kuwa idinka mid ah aan weli qaan gaarin (intay idiin soo gelin) weydiistaan idan saddex waqti [32]; ka hor salaadda subax, iyo markaad dharka dhigataan duhurkii kuleylaha, iyo kaddib salaadda cishaha; kuwani waa saddex waqti gaar idiin ah, idinma saarna denbi idinka iyo iyagaba waxaan ahayn waqtiyadan in qaarkiin u soo galaan qaar kale iyagoon idan qaadan. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayada- ha. Alle waa wax kasta oge, Xakiim ah.","footnotes":"[32]. Waa seddex waqti oo badi dadku jirkooda daboolneyn oo furan yihiin, sidaas awgeed buu Alle uga reebay addoomaha ka adeega guryaha iyo carruurta aan qaan gaarin inay u soo galaan qolka hurdada ninka iyo naagtiisa."},{"id":59,"translation":"59. Markay carruurtiinna qaan gaadhaan, ha idin weydiistaan idan, sida kuwii ka horreeyeyba ay idan u qaataan [33]. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.","footnotes":"[33]. Waa kuwii ka weynaa da’ ahaan ay idan u qaataan. Wiilka kurayga ah ama addoonka waa inuu idan qaato ka hor soo gelidda qolka."},{"id":60,"translation":"60. Dumarka gaboobay ee ka fadhiistay (quustay dhalmada) ee aan rajaynin guur, ma saarna denbi hadday iska dhigaan (khafiifiyaan) maryahooda dusha kore ah [34] iyagoon isku muujineyn inay is qurxiyaan. Inay isdhowraan [35] baa u khayr badan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.","footnotes":"[34]. Xijaabka (cabbaayada) ay dusha ka xirtaan ee hadday iska dhigaan aanay muuqaneyn cowradooda bal uu kaga hooseeyo canbuur astura, iwm dhib ma leh xagga dumarka da’da ah ee duqoobay inayan dedin luqumahooda ama qayb ka mid ah gacmahooda.\n[35]. Oo xijaabkooda kore dhigin oo wejiga dabooshaan."},{"id":61,"translation":"61. Ma saarna wax denbi ah Indhoolaha, iyo laan garaha, iyo bukaanka midna, iyo nafahiinnaba inaad wax ka cuntaan guryihiinna, ama guryaha aabbayaashiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin, ama guryaha walaalooyinkiin, ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyaashiin, ama guryaha habaryarahiin, ama waxaad hanataan furayaashooda [36], ama (guryaha) saaxiibkiin, idinkumana saarna denbi haddaad wax u cuntaan wadajir ama kala jir. Markase aad galeysaan guryaha, ku salaama dadkiinna salaan xagga Alle ah, barakaysan (oo) wanaagsan [37]. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadaha si aad u fahantaan.","footnotes":"[36]. Guryaha aad deggan tihiin. \n[37]. Waa inaad dhahdaan “Assalaamu Calaykum (Nabad dushiinna ha ahaato)."},{"id":62,"translation":"62. Mu’miniinta waa uun kuwa rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa, oo markay ku wehliyaan arrin guud oo loo dhan yahay aan tegin jeeray idan qaataan. Hubaal, kuwa idan kaa qaata waa iyaga kuwa rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa. Ee hadday idan kuu weydiistaan danahooda qaarkood, u idan koodii aad doonto oo ka mid ah, ugana bari denbi dhaaf Alle. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":63,"translation":"63. Ha ka yeelina u yeedhidda Rasuulka (Muxammad) dhexdiinna sida u yeedhidda qaarkiinba qaar. Alle dhab ahaan wuu ogsoon yahay kuwaa dhuunta iyagoo gabban (aan kaa idan qaadan Nabiyow), Ee ha is jiraan kuwaa ka hor yimaada amariiska [38] si ayan ugu dhicin balaayo ama ugu dhicin [39] cadaab xanuun badan.","footnotes":"[38]. Macnaha sidoo kale waxaa weeye dhabbahiisa ama sunnadiisa. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii la yimaado camal aan ahayn amarkayaga waa lagu soo celin oo lagama aqbalayo.” \n[39]. Imtixaan la marsiiyo, musiibooyin ku dhaca, is nac dhexdooda, iyo kala qaybsanaan, dhibaato soo gaadha, gaajo iyo abaaro, iwm."},{"id":64,"translation":"64. Ogaada, hubaal, Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Wuxuu dhab ahaan ogsoon yahay waxaad ku sugan tihiin [40]. Maalintana [41] loo celin Xaggiisa, wuxuu u sheegi waxay faleen. Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.","footnotes":"[40]. Halka aad ku sugan tihiin – gunta iyo ujeeddada aad ka leedihiin camalladiinna ( hadday daacad idinka tahay iyo Dar Alle ama munaafiqnimo) iyo xaaladda nafahiinna ay ku sugan yihiin. \n[41]. Macnaha wuxuu sidoo kale u dhacayaa: “Oo ( ha ka digtoonadaan) Maalintaa."}]},{"id":25,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaa Barako iyo Khayr badan Kan (Alle) ee ku soo dejiyey Al-Furqaan [1] addoonkiisa [2] si uu ugu noqdo caalamka dige.","footnotes":"[1]. Al-Furqaan waa Magac kale ee lagu magacaabo Qur’aanka, macnaha Al-Furqaan waxaa weeye kala saaraha runta iyo beenta, samaanta iyo xumaanta, xalaasha iyo xaaraanta. \n[2]. Waxaa loola jeedaa addoonkiisa Nabi Muxammad s.c.w. waana sharfid sidaas."},{"id":2,"translation":"2. (Alle) ee iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, aan yeelan wiil (ilmo) oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Mulkiga (iyo Maamulka uunka). abuurayna wax walba, oo u qaddaray si qiyaasan oo isku jaan go'an."},{"id":3,"translation":"3. Waxay yeesheenna Alle sokadi ilaahyo aan waxba abuuri karin iyagase la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama noolaansho, ama soo nooleyn meydadka."},{"id":4,"translation":"4. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: “Kanu (Qur’aanka) ma aha waxaan aheyn been uu isagu (Muxammad) hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmeeyeen. Waxay dhab ahaan la yimaadeen gef iyo been abuur.”"},{"id":5,"translation":"5. Waxay yidhaahdeen: “Waa sheekooyinkii dadkii hore - waa uu soo qortay, marka waxaa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba."},{"id":6,"translation":"6. (Nabiyow) dheh: “Waxaa (Qur’aankan) soo dejiyey (Allaah ee ah) Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":7,"translation":"7. Waxay (gaaladii) yidhaahdeen:“Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cuni cunto, una socon suuqyada (sidayada oo kale). Maxaa malag loola soo diri waayey ee ahaada mid la jirki wax u diga?"},{"id":8,"translation":"8. “Ama (maxaa) looga soo dejin waayey xagga samada khaznad maal (ka buuxo uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Waxayna daalimiintu yidhaahdeen: Ma raacdaan (Mu’miniintoy) waxaan aheyn nin sixran.”"},{"id":9,"translation":"9. Eeg siday kuugu yeeleen tusaalooyin [3], oo ay u lumeen, una karin (qaadidda) Jid (Toosan).","footnotes":"[3]. Oo malahooda ah si ay kuu beeniyaan oo wax kuugu dhimaan."},{"id":10,"translation":"10. Waxaa barako iyo khayr badan Kan (Alle) ee hadduu doono ku siin wax ka khayr badan taasi - jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, wuxuuna ku siin daaro waaweyn (Jannada gudaheeda)."},{"id":11,"translation":"11. Waxayse beeniyeen Saacadda (Qiyaame), waxaana u diyaarinnay qofkii beeniya Saacadda dab huraya."},{"id":12,"translation":"12. Markay (Naartu) ka aragto meel fog, waxay ka maqlaan cadho daran iyo cartan."},{"id":13,"translation":"13. Marka lagu tuuro dhexdeeda meel cidhiidhi ah iyagoo isku xidhan, waxay u yeedhan halkaa halaag [4].","footnotes":"[4]. Waxay u rajeeyaan halaaggaa oo u yeertaan thubuur (dhimasho) si aan loogu cadaabin cadaabka daran ee Naarta."},{"id":14,"translation":"14. (Waxaa la odhan): Ha u yeedhannina maanta halaag keliya, ee u yeedha halaag badan [5].","footnotes":"[5]. Thubuuraa waa weedh ay Carabta odhan jireen markay la kulmaan cadow ka xoog badan ama ku dhacdo musiibo weyn, macnaheeduna waxaa weeye Allow naga soo gaadh oo na badbaadi ama nafta naga qaad."},{"id":15,"translation":"15. Dheh: Ma taasaa wanaagsan - mise Jannada waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale)? Taasi waa u abaal marin iyo aayo wanaagsan."},{"id":16,"translation":"16. Waxay leeyihiin gudaheeda (Jannada) waxay doonaan iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa [6].","footnotes":"[6]. Waa yabooh ay malaa’igta u dalbaan mu’miniinta oo Alle uga baryaan, mu’miniintana sidoo kale Alle weydiistaan."},{"id":17,"translation":"17. (Xus) Maalintuu soo kulmin (gaalada) iyo waxay caabudayeen Alle sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinkaa lumiyey addoomahaygaan, mise iyagaa iskood uga lumay Jidka (Toosan ee Islaamka)?.”"},{"id":18,"translation":"18. Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adigaa (Allow) iska leh oo ka hufan (xumaan)! Naguma habboona inaan yeelanno awliyo (gargaarayaal) Adiga ka sokow, waxaadse u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, waxayna ahaayeen qolo hoogay oo ba'ay."},{"id":19,"translation":"19. Sidaasay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kartaan is furasho iyo gargaar midna. Ciddiina wax dulmida [7] oo idinka mid ah waxaanu dhadhansiin cadaab weyn.","footnotes":"[7]. La timaadda shirki ama denbiyo kale oo weyn oo sidaa ku dhinta."},{"id":20,"translation":"20. Ma aan dirinna hortaa adiga (Nabiyow) wax Rusul ah oo aan cunayn cunnada, soconayna suuqyada (shaqeysanayn). Waxaana uga yeelnay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee ma samreysaan? Rabbigaa waa Mid Arka (oo u jeeda wax walba)."},{"id":21,"translation":"21. Kuwa aan rajeynayn la Kulankayaga waxay yidhaahdeen: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey ama (maan) aragno Rabbigayo (Alle)?” Xaqiiq way isla weynaadeen (kibreen) oo ka madax adeygeen (Xaqa) madax adayg weyn."},{"id":22,"translation":"22. Maalinta ay arki malaa’igta [8] uma ahaan doonto farxad Maalintaas denbiilayaasha, waxayna (malaa’igtu) odhan: “Waa wax idinka xarriman 'jannada' oo gebigeedaba idinka reebban [9].","footnotes":"[8]. Waqtiga dhimashadooda. \n[9]. Ma jiro war san iyo wanaag oo dhan."},{"id":23,"translation":"23. Waxaanu hor keeni [10] waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo ka yeeli (qiimo la'aan) sida boor hawada ku baabba’ay.","footnotes":"[10]. Maalinta Qiyaamaha."},{"id":24,"translation":"24. Ehlu-Jannuhuse waxay Maalintaas ku sugnaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi iyo raaxo wanaagsan."},{"id":25,"translation":"25. (Xus) Maalinta marka samada dillaac la furmi oo daruuro \"cad ka soo baxayaan' [11], lana soo dejin malaa’gta soo dejin.","footnotes":"[11]. Daruurahaasoo ay malaa’ig ku jiraan."},{"id":26,"translation":"26. Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh Raxmaanka (Allaah), oo maalin daran bay u ahaan gaalada."},{"id":27,"translation":"27.Oo (ka digtoonaada) Maalinta uu garmaqaataha qaniini doono gacmihiisa (shallayti iyo qoomamo) darteed isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jidka 'toosan' Rasuulka [12].","footnotes":"[12]. Nabiga la soo diray, jidkaas oo ah Islaamka."},{"id":28,"translation":"28. Alla Hoogay oo ba'aye! Maxaan hebel saaxiib uga yeeshay [13].","footnotes":"[13]. Wuxuu sheegayaa qofkii habaabiyey."},{"id":29,"translation":"29. Wuxuu iga habaabiyey waanada [14], intuu ii yimid kaddib. Shaydaanna wuxuu abad uga tagaa qofka meel xun [15] oo hungo ah.","footnotes":"[14]. Wuxuu ula jeedaa Qur’aanka iyo Sunnaha.\n[15]. Wuu isaga tagaa oo cidla’ uga dhaqaaqaa markuu lumiyo kaddib oo u horseedo xumaanta."},{"id":30,"translation":"30. Wuxuu Rasuulkuna odhan: “Rabbiyow! Dadkeygii waxay ka yeesheen Qur’aankan wax laga tagey [16].","footnotes":"[16]. Iyagoo iska dhinac mara, iyagoo aan dhageysan ama aan fahmin, aan sidoo kale ku dhaqmin, ama wax kale ka hormariya oo ka soo dhoweysta."},{"id":31,"translation":"31. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah denbiilayaasha. Ku filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado."},{"id":32,"translation":"32. Gaaladu waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu waa si aan ugu sugno laabtaada [17], waxaana u soo Waxyoonnay oo kuugu akhrinnay qayb qayb si aayar ah iyo tartiib.","footnotes":"[17]. Macnaha waxaa Qur’aanka looga dhigay Aayad Aayad iyo Suurad Suurad oo loogu soo dejiyey qaybqaybta 23 sano gudahood si aan ugu sugno laabtaada."},{"id":33,"translation":"33. Ma jirtona dood ay (gaalada) kuula iman, balse waxaannu kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan (oo burin waxay ku doodayaan)."},{"id":34,"translation":"34. Kuwaa (gaalada ah ee) laysugu soo kulmin (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meeqaan xun, kana sii habowsan Jidka (Islaamka)."},{"id":35,"translation":"35. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) waxaana ka yeellay la jirkiis walaalkiis Haaruun wasiir ahaan."},{"id":36,"translation":"36. Waxaana nidhi: Aada qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan."},{"id":37,"translation":"37. Qolodii Nuuxna, markay beeniyeen Rusushii baan harqinnay ugana yeellay dadka calaamo. Waxaana u diyaarinnay daalimiinta (gar diidka) cadaab daran."},{"id":38,"translation":"38. Sidaan Caad (u halaagnay) iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass [18] iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan.","footnotes":"[18]. Ar-Rass wuxuu ahaa ceel la yaqaan oo caan ah oo biyuhu ka gureen. Waxaa la yidhi dadkii ceelkan waxay ahaayeen dadkii beeniyey Nabi Shucayb."},{"id":39,"translation":"39. Dhammaan waxaanu siinnay oo u yeelnay tusaalooyin (mase rumeyn), dhammaanna waanu halaagnay halaagid."},{"id":40,"translation":"40. Waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu halaagay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxaanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib 'oo la xisaabin' [19].","footnotes":"[19]. Marka kama ayan faa’ideysan oo kuma ay cibrad qaadan tusaalooyinkii dadkii hore ee tagey iyo wixii ku dhacay."},{"id":41,"translation":"41. Markay ku arkaan (gaalada) kaama dhigtaan (Nabiyow) waxaan ahayn jees-jees (iyagoo leh): Ma kan baa kan uu Alle u soo diray Rasuul ahaan?"},{"id":42,"translation":"42. Wuxuu u dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddaanan ku samrin oo sugnaanin. Wayse ogaan markay arkaan cadaabka kan ka lunsan Jidka (Toosan)."},{"id":43,"translation":"43. Ka warran kan isagu ka yeesha hawadiisa ilaahiisa? Ma waxaad adigu u noqon wakiil?"},{"id":44,"translation":"44. Mise waxaad mooddaa inay badankoo- du wax maqli ama wax fahmi? Ma aha waxaan xoolo oo kale ahayn [20], iyagaabase ka sii lunsan jid ahaan.","footnotes":"[20]. Geela, lo’da ama adhiga ee wax iska raaca weydiin la’aan meeshii loo kaxeeyaba."},{"id":45,"translation":"45. Miyaadan arag sida Rabbigaa u fidiyo hadhka? Hadduu doonona wuxuu ka yeeli lahaa mid xasilan 'taagan', markaasaan uga yeelnay qorraxda tilmaan ay leedahay [21].","footnotes":"[21]. Kaasoo tusineysa jiritaanka hadhka, ama ka yeesha wax u muuqda siyaalo kala duwan. Markaasaan soo qabannaa qabasho qarsoon oo soo ururinnaa oo xaggeenna u soo noqdaa ilaa la waayo hadh oo dhan."},{"id":46,"translation":"46. Markaasaan u soo qabannaa xaggayaga qabasho aayar ah oo yar [22].","footnotes":"[22]. Marka qorraxdu ku aaddan tahay madaxayaga oo maalinta kala baranto."},{"id":47,"translation":"47. (Alle) waa Kan idiin ka yeelay habeenka hu' [23], hurdadana nasasho, kana dhigay maalinta foof [24].","footnotes":"[23]. Macnaha waa idinku daboola oo qariya mugdigiisa.\n[24]. Waxaa loola jeedaa cusbooneysiinta nolosha iyo dhaqdhaqaaqa."},{"id":48,"translation":"48. Waa Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), Waxaana ka soo dejinnaa daruuraha biyo daahir ah."},{"id":49,"translation":"49. Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad badanba leh."},{"id":50,"translation":"50. Waana u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka, biyaha) bal inay waansamaan [25], wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo.","footnotes":"[25]. Waa inuu Alle awoodo inuu soo nooleyn karo meytida."},{"id":51,"translation":"51. Haddaan doonno, waxaan u soo diri laheyn magaalo walba dige [26].","footnotes":"[26]. Wuxuuse Alle doonay inuu soo diro Nabi Muxammad s.c.w. inuu ahaado Rasuulka lagu khatimo Rususha Alle oo dhan, isagoo loo diray dhammaan dadka arlada jooga ilaa Qiyaamaha."},{"id":52,"translation":"52. Ee ha adeecin gaalada, kulana dadaal dadaal weyn (gaarsiinta Qur'aanka ee u muujiya Xaqa si dhan, buriyana baadilka)."},{"id":53,"translation":"53. (Alle) waa Kan isku dara labada badood, kan waa macaan lagu oon baxo, kanna waa qadhaadh (afka huriya), Wuxuuna yeelay xayir iyo xijaab kala dhex yaal."},{"id":54,"translation":"54. Waa Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Rabbigaa waa Mid Wax Walba Kara."},{"id":55,"translation":"55. Waxayse caabudaan Alle sokadi, waxaan wax tari karin, waxna yeeli karin, gaalna waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi."},{"id":56,"translation":"56. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn inaad bishaareeye iyo dige ahaato."},{"id":57,"translation":"57. Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Dhambaalkan), qofkiise dooni inuu ka yeesho Rabbigi xaggiisa waddo (ha samo falo)\"."},{"id":58,"translation":"58. Tala saarona Allaah, Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, kuna tasbiixso Ammaanahiisa. Rabbi ku Filan ogaanshaha denbiyada addoomahiisa."},{"id":59,"translation":"59. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta Weynadiisa). Naxariis Badanaha wax ka weydii mid Xog ogaal ah."},{"id":60,"translation":"60. Marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka.Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Muxuu yahay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudeynaa waxaad nagu amreyso? Wuxuuna u kordhiyaa didmo."},{"id":61,"translation":"61. Waxaa khayr iyo barako badan Kan 'Alle' ee u yeelay samada xiddigo waaweyn, \n yeelayna dhexdeeda nal 'qorrax' iyo dayax ifiya."},{"id":62,"translation":"62. Waa Isaga (Alle) Kan uga yeelay habeenka iyo maalinta is dhaaf qofkii raba inuu waano qaato ama raba inuu ku mahdiyo (Alle)."},{"id":63,"translation":"63. Addoomaha Raxmaanka (Alle) waa kuwa ku mara dhulka miyir [27], markay maangaabyada kula hadlaan (ereyo xun) ku yidhaahda salaamaa 'nabadgelyo' [28].","footnotes":"[27]. Xasillooni si sharaf leh aan iskibrin lahayn. \n[28]. Salaamaa macnaha waa hadal nabad ah ka maran gef ama xumaan."},{"id":64,"translation":"64. Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood oo u taagan 'salaad'."},{"id":65,"translation":"65. Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga duw cadaabka Jahannama, hubaal! Cadaabkeedu waa wax joogta ah."},{"id":66,"translation":"66. Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego."},{"id":67,"translation":"67. Waa kuwa markay wax bixiyaan aan xad gudbin ama aan wax ciriiryin, oo intaas dhexdooda ku toosnaada."},{"id":68,"translation":"68. Ee ah kuwa aan baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle, oo aan ku dilin nafta uu Alle xarrimay waxaan ahayn xaq, oo aan zineyzan (dhilleysan), qofkii falana waxaa, wuxuu la kulmi eedsiin denbiguu galay ah."},{"id":69,"translation":"69. Waxaa loo laba laabi Cadaabka Maalin- ta Qiyaamaha, wuuna ku dhex waari isagoo dulleysan."},{"id":70,"translation":"70. Qofkii tawbad keena oo rumeeya (Xaqa) oo sama fala mooyee, kuwaas wuxuu Alle ugu beddeli xumohoodii xasanaad. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":71,"translation":"71. Qofkii tawbad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laaban (oo tawbad \nkeeni) xagga Alle laabasho (towbad) wanaagsan."},{"id":72,"translation":"72. Waa kuwa aan furin markhaati been ah, markay maqlaanna wax uun hadal macno darro ah ku mara sharaf (ka jeesada)."},{"id":73,"translation":"73. Waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan."},{"id":74,"translation":"74. Waa kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga sii xaasaskayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan [29], noogana yeel kuwa Alle ka cabsada Iimaam (ay ku daydaan).","footnotes":"[29]. Macnaha waa aan ku faraxno oo il qabowsanno sababta toosnidooda darteed iyo Alle ka cabsigooda."},{"id":75,"translation":"75. Kuwaasi waxaa lagu abaal marin dabaqyo sare 'jannada gudaheeda' [30] samirkoodii dartiis, waxayna kula kulmi dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare.","footnotes":"[30]. Waa halka ugu sarreysa uguna fiican Jannada."},{"id":76,"translation":"76. Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ahaan."},{"id":77,"translation":"77. Dheh: “Rabbigay dan idiinma galeen haddaydaan barideen [31]. Haatanse waad beeniseen (Xaqa). Wuxuuna ahaan mid idin laasuma 'cadaabka' [32].","footnotes":"[31]. Codsigiinna in la idiin soo diro Rasuul.\n[32]. Waa idinku lammaanaan si joogto ah."}]},{"id":26,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Taa Siin Miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee Cad."},{"id":3,"translation":"3. Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed."},{"id":4,"translation":"4. Haddaan doonno, Waxaan kaga soo dejin calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogtaan [2].","footnotes":"[2]. Macnaha waxaa lagu qasbayaa inay rumeeyaan."},{"id":5,"translation":"5. Uga ma yimaado waano (Qur'aan) xagga Raxmaanka 'Alle' iyagoo cusub oo is daba jooga, waase ka jeesadaan."},{"id":6,"translation":"6. Waxay dhab ahaan beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed waxaa u imaan wararka waxay ku jees-jeesayeen."},{"id":7,"translation":"7. Miyeyna arkayn dhulka intee baan nooc kasta oo dhir wanaagsan ah sababnay inuu ka soo baxo?"},{"id":8,"translation":"8. Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn."},{"id":9,"translation":"9. Hubaalna Rabbigaa waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan."},{"id":10,"translation":"10. (Xus) markuu Rabbigaa u yeedhay Muuse (Isagoo leh): U tag qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah."},{"id":11,"translation":"11. Qolada Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Alle)?"},{"id":12,"translation":"12. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan ka cabsan inay i beeniyaan,"},{"id":13,"translation":"13. Oo ay cidhiidhyoonto laabteydu, oo caddeyn kari waayo (hadalka) carrabkaygu. Ee dir la jirkay Haaruun (inuu i caawiyo)."},{"id":14,"translation":"14. Waxayna igu heystaan denbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsan inay i dilaan."},{"id":15,"translation":"15. (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal, Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna."},{"id":16,"translation":"16. U taga Fircoon oo ku dhaha: \"Innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uumanka\"."},{"id":17,"translation":"17.Ee nagu dar hana raacaane reer Israa’iil."},{"id":18,"translation":"18. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aad nala joogin sannado badan ka mid ah cimrigaaga?"},{"id":19,"translation":"19. Oo aad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin) waxaadna tahay abaal laawe."},{"id":20,"translation":"20. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waxaan falay anigoon wax garanayn."},{"id":21,"translation":"21. Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey Nabinnimo (iyo Cilmi), oo iga yeelay mid ka mid ah Rususha."},{"id":22,"translation":"22. Oo taasi (inaan ku soo barbaaray gurigaaga) - ma nicmad baa aad iigu lib sheegan, adigoo addoonsaday reer Israa’iil?"},{"id":23,"translation":"23. Fircoon wuxuu yidhi: Muxuu yahay Rabbiga uumanka?"},{"id":24,"translation":"24. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad (rumeyn) idinkoo yaqiinsan."},{"id":25,"translation":"25. (Fircoon) wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn?"},{"id":26,"translation":"26. (Muuse) Wuxuu yidhi: (Alle) waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore."},{"id":27,"translation":"27. (Fircoon) wuxuu yidhi [3]: Hubaal Rasuulkiinna la idiin soo diray waa jinnoole.","footnotes":"[3]. Isagoo si ay cadho badan ku jirto ula hadlaya dadkii goob joogga ahaa."},{"id":28,"translation":"28. (Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddaad wax fahmeysaan."},{"id":29,"translation":"29. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xabbisan."},{"id":30,"translation":"30.(Muuse) wuxuu yidhi:“Ma xitaa haddaan kuula imaado wax cad?"},{"id":31,"translation":"31. (Fircoon) wuxuu yidhi: La imow, haddaad run sheegi."},{"id":32,"translation":"32. Markaasuu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda."},{"id":33,"translation":"33. Oo soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad (ifeysa) kuwa eegaya."},{"id":34,"translation":"34. (Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: Kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer."},{"id":35,"translation":"35. Raba inuu idin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa, ee maxaad ku talineysaan?"},{"id":36,"translation":"36. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalki (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya [4].","footnotes":"[4]. Kuwa keena saaxiriin oo soo qora ciidammo badan si looga joojiyo reer Israa’iil inay ka tagaan oo ka baxaan halkaasi."},{"id":37,"translation":"37. Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer."},{"id":38,"translation":"38. Markaasaa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan."},{"id":39,"translation":"39. Waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan?"},{"id":40,"translation":"40. Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan."},{"id":41,"translation":"41. Markay yimaadeen sixiroolayaashii, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddaan innagu adkaanno?"},{"id":42,"translation":"42. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, idinkuna markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwa ii dhow."},{"id":43,"translation":"43. Muuse wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan."},{"id":44,"translation":"44. Markaasay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii oo yidhaahdeen: “Waa nagu sharafta Fircoone, innagaa adkaan\"."},{"id":45,"translation":"45. Markaasuu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen."},{"id":46,"translation":"46. Sixiroolayaashiina dhulkay la dhaceen sujuud."},{"id":47,"translation":"47. Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeynay Rabbiga uumanka."},{"id":48,"translation":"48. Rabbiga Muuse iyo Haaruun."},{"id":49,"translation":"49. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen (Muuse) ka hor intaan idiin idmin; waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, waadse ogaan dontaan, waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf waana idin daldali dhammaan."},{"id":50,"translation":"50. Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Innagu Xagga Rabigayo baan u noqon."},{"id":51,"translation":"51. Waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa)."},{"id":52,"translation":"52. Waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idinkoo ku baxaya guuro habeennimo, waa la idiin soo raaciye."},{"id":53,"translation":"53. Markaasuu Fircoon u diray magaaloo- yinka kuwo soo kulmiya (askartiisii)."},{"id":54,"translation":"54. (Isagoo leh) xaqiiq kuwani wax koox yar,"},{"id":55,"translation":"55. Wayna na cadho geliyeen runtii;"},{"id":56,"translation":"56. Waxaanu nahay xaqiiq kuwo had iyo jeer digtoon."},{"id":57,"translation":"57. Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo."},{"id":58,"translation":"58. Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan."},{"id":59,"translation":"59. Waa sidaase, waxaan dhaxalsiinnay reer Israa’iil."},{"id":60,"translation":"60. Markaasay (Fircoon iyo askartiisii) soo raacdeysteen goor qorrax soo bax ah."},{"id":61,"translation":"61. Markay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “Xaqiiq, waa nala haleelay”."},{"id":62,"translation":"62. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi jid aan ka baxo."},{"id":63,"translation":"63. Markaasaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaasay kala dhanbalantay oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn."},{"id":64,"translation":"64. Waxaana ku soo dhoweynay halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon)."},{"id":65,"translation":"65. Waxaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay dhammaan."},{"id":66,"translation":"66. Kaddib waxaan harqinnay kuwii kale (Fircoon iyo qolodiisii)."},{"id":67,"translation":"67. Hubaal, Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn."},{"id":68,"translation":"68. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista badan."},{"id":69,"translation":"69. Oo u akhri qisadii Ibraahiim."},{"id":70,"translation":"70. Markuu ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: “Waa maxay waxaad caabudaysaan?"},{"id":71,"translation":"71. Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budi asnaam, oo ag yuruursan (fadhin)."},{"id":72,"translation":"72. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Miyey idin maqlayaan markaad baryeysaan?."},{"id":73,"translation":"73. Waxse ma idin tari karaan ama idin yeeli karaan?"},{"id":74,"translation":"74. Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan hellay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya."},{"id":75,"translation":"75. Wuxuu yidhi: Bal ka warrama waxaad caabudeysaan -"},{"id":76,"translation":"76. “Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba?-"},{"id":77,"translation":"77.Iyagu waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uumanka [5].","footnotes":"[5]. Waayo dadkaasi waxay caabudayeen sannamo la jirka Alle, marka wuxuu Ibraahiim u sheegay inuu barii ka yahay dhammaan waxay caabudaan marka laga soo reebo Alle, Rabbiga uumanka, waan jeclahay Isaga."},{"id":78,"translation":"78. “(Alle), ee i abuuray, ahna Kan i hanuunsha."},{"id":79,"translation":"79. Ee ah Kan I quudiya oo i waraabsha."},{"id":80,"translation":"80. Markaan bukoodo, Isagaa (Alle) I bogsiya."},{"id":81,"translation":"81. Waa Kan i dhinsiin, haddana ii soo nooleyn (mar kale);"},{"id":82,"translation":"82. Waana Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta'Qiyaame'."},{"id":83,"translation":"83. Rabbiyow! I sii cilmi (iyo fahmo), ina haleeshii kuwa wanaagsan."},{"id":84,"translation":"84. Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdood."},{"id":85,"translation":"85. Iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah."},{"id":86,"translation":"86. U denbi dhaaf aabbahay, wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsane."},{"id":87,"translation":"87. Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dadka - Maalinta Qiyaame)."},{"id":88,"translation":"88. Maalinta aysan wax tareyn maal iyo ilmo midna."},{"id":89,"translation":"89. Mid maahee ula yimaada Alle qalbi fayow [6].","footnotes":"[6]. Qalbi ka fayow shirki, gaalnimo, munaafiqnimo, shaki, isla weyni, is cjabin, xasad, xin, xumaato, khiyaano,dhagar, iwm."},{"id":90,"translation":"90. Waxaa loo soo dhoweynna Jannada kuwa Alle ka cabsada 'ee iska jira xumaha'."},{"id":91,"translation":"91. Loo muujinna Naarta kuwa habowsan."},{"id":92,"translation":"92. Waxaa lagu odhan: Meeye waxaad caabudeyseen?"},{"id":93,"translation":"93. Alle sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda?"},{"id":94,"translation":"94. Markaasaa waxaa loogu tuuri wejiweji (Naarta) - iyaga iyo kuwa habowsanba."},{"id":95,"translation":"95. Iyo askartii ibliis oo dhan."},{"id":96,"translation":"96. Waxay odhan iyagoo ku murmaya dhexdeeda (Naarta),"},{"id":97,"translation":"97. Tallaahi, waxaanu ahayn kuwo ku sugan habow cad."},{"id":98,"translation":"98. Markaan idin la sinnay Rabbiga uumanka."},{"id":99,"translation":"99. Cidna nama aysan luminna aan ahayn denbiilayaasha (madax xun, wadaaddo xun, faaliyayaal, saaxiibbo xun, iwm)."},{"id":100,"translation":"100. Haatan ma lihin wax garab na siiya."},{"id":101,"translation":"101. Iyo saaxiib run ah midna."},{"id":102,"translation":"102. Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu'miniinta [7].","footnotes":"[7]. Dhammaadka hadalka ka go’an waa la iska qiyaasi karaa oo waxaa weeye waxaynu fali lahayn sidaa ama sidaasi."},{"id":103,"translation":"103. Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn."},{"id":104,"translation":"104. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan."},{"id":105,"translation":"105. Qolodii Nuux waxay beeniyeen Rusushii (Alle)."},{"id":106,"translation":"106. Markuu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka dhowrsaneyn (shirkiga)?"},{"id":107,"translation":"107. Anigu waxaan xaqiiq idiin ahay Rasuul aamin ah."},{"id":108,"translation":"108. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca."},{"id":109,"translation":"109. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka."},{"id":110,"translation":"110. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca."},{"id":111,"translation":"111. Waxay yidhaahdeen: Ma adigaan ku rumaysannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen?"},{"id":112,"translation":"112. Wuxuu yidhi: Maxaan ka ogahay waxay fali jireen?"},{"id":113,"translation":"113. “Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddaad garanaysaan."},{"id":114,"translation":"114. Oo anigu ma eryayo mu’miniinta."},{"id":115,"translation":"115. Ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad."},{"id":116,"translation":"116. Waxay yidhaahdeen: Haddaad joojin oo aadan ka harin 'ku baaqaaga Towxiidka' Nuuxow! Waxaad ka mid noqon kuwa la dhagaxyeeyo."},{"id":117,"translation":"117. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Qoonkeygii way i beeniyeen."},{"id":118,"translation":"118. Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (xaq ah), ina badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah."},{"id":119,"translation":"119. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday."},{"id":120,"translation":"120. Kaddibna waxaan harqinnay kuwii hadhay (gaaladii)."},{"id":121,"translation":"121. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn."},{"id":122,"translation":"122. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan."},{"id":123,"translation":"123. Caad waxay beeniyeen Rusushii (Alle)."},{"id":124,"translation":"124. Markuu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?."},{"id":125,"translation":"125. Xaqiiq, anigu Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah."},{"id":126,"translation":"126. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca."},{"id":127,"translation":"127. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka."},{"id":128,"translation":"128. Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo [8]? Macno daranaa waxaas aad fashaan.","footnotes":"[8]. Taallo ama wax muujinaya maalka iyo awooddooda. Waxay ka dhisi jireen dhismooyin dhaadheer agagaarka waddooyinka."},{"id":129,"translation":"129. Oo yeelataan dhismooyin adag inaad waartaan."},{"id":130,"translation":"130. Markaad cid soo qabaneysaanna waxaad u soo qabataan si daran idinkoo daalimiin ah?"},{"id":131,"translation":"131. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca."},{"id":132,"translation":"132. Ka cabsada 'Alle ee ah' Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin."},{"id":133,"translation":"133. Idin siiyey xoolo iyo ilmo."},{"id":134,"translation":"134. Iyo beero tanaad ah iyo ilo."},{"id":135,"translation":"135. Waxaan xaqiiq idiinka cabsan (oo digayaa) cadaab Maalin weyn."},{"id":136,"translation":"136. Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddaad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya."},{"id":137,"translation":"137. Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay)."},{"id":138,"translation":"138. Oo ma nihin kuwo la cadaabayo."},{"id":139,"translation":"139. Wayse beeniyeen, markaasaan halaagnay. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn."},{"id":140,"translation":"140. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan."},{"id":141,"translation":"141. Thamuud waxay beenisay Rusushii."},{"id":142,"translation":"142. Markuu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?"},{"id":143,"translation":"143. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah."},{"id":144,"translation":"144. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca."},{"id":145,"translation":"145. Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Diinta Alle), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya Rabbiga uumanka."},{"id":146,"translation":"146. Ma waxaa la idiinkaga tagi halkan idinkoo nabad ah?"},{"id":147,"translation":"147. Ku sugan beero iyo ilo."},{"id":148,"translation":"148. Iyo dhir iyo geedo timir fiiddeedu bisayl tahay."},{"id":149,"translation":"149. Oo aad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn."},{"id":150,"translation":"150. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca."},{"id":151,"translation":"151. Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha."},{"id":152,"translation":"152. Kuwa fasahaadiya arlada oo aan hagaajin."},{"id":153,"translation":"153. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran."},{"id":154,"translation":"154. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddaad run sheegayso."},{"id":155,"translation":"155. (Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal [9]; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan.","footnotes":"[9]. Hal Mucjiso ahaan loogu soo diray Calaamo ahaan ka timid xagga Alle."},{"id":156,"translation":"156. Ee ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin weyn."},{"id":157,"translation":"157. Waase boqna gooyeen hashii (oo dileen), markaasay ka shallaayeen."},{"id":158,"translation":"158. Markaasaa waxaa qabtay cadaab. Arrinkaa waxaa xaqiiq ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn."},{"id":159,"translation":"159. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan."},{"id":160,"translation":"160. Qoonkii Luud waxay beeniyeen Rusushii (Alle)."},{"id":161,"translation":"161. Markuu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?"},{"id":162,"translation":"162. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah."},{"id":163,"translation":"163. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca."},{"id":164,"translation":"164. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka."},{"id":165,"translation":"165. Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uumanka [10].","footnotes":"[10]. Miyey jiraan wax ka mid ah uumanka Alle aan idinka ahayn oo fala falkaa xun oo ah fal aan caadi ahayn?"},{"id":166,"translation":"166. Oo aad ka tagtaan wuxuu Rabbigiin idiin abuuray oo xaasaskiinna ah? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudba."},{"id":167,"translation":"167. Waxay yidhaahdeen: Haddaadan joojin Luudow (baaqaagan)! Waxaad ka mid noqon kuwa debedda loo saaro."},{"id":168,"translation":"168. (Luud) wuxuu yidhi: Anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun)."},{"id":169,"translation":"169. Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxay falaan."},{"id":170,"translation":"170. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan."},{"id":171,"translation":"171. Habar duqowday ma ahee [11] ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal 'cadaabka'.","footnotes":"[11]. Xaaskii Luud, taasoo kaalmeyn jirtey dadkeeda xun."},{"id":172,"translation":"172. Markaasaan baabbi’innay intii kale."},{"id":173,"translation":"173. Waxaana ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay."},{"id":174,"translation":"174. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn."},{"id":175,"translation":"175. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan."},{"id":176,"translation":"176. Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii (Alle)."},{"id":177,"translation":"177. Markuu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo Xumaha kale)?."},{"id":178,"translation":"178. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah."},{"id":179,"translation":"179. “Ee Alle ka cabsada oo i adeeca."},{"id":180,"translation":"180. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka."},{"id":181,"translation":"181. Bixiya beeg dhan hana ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima."},{"id":182,"translation":"182. Oo wax ku miisaama Miisaan toosan."},{"id":183,"translation":"183. Ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad."},{"id":184,"translation":"184. Oo ka cabsada (Alle ee ah) Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horeba."},{"id":185,"translation":"185. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran [12].","footnotes":"[12]. Waa haddii loo akhriyo “ minal mussaxariin” waxaa sidoo kale loo akhiryaa akhrin kale “ minal mussaxiriin” markaas mancaha waa kuwa wax sixra."},{"id":186,"translation":"186. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaana malaynaynaa inaad ka mid tahay beenlowyada."},{"id":187,"translation":"187. Ee nagu soo rid gabal samada ah haddaad run sheegi."},{"id":188,"translation":"188. Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxaad fashaan."},{"id":189,"translation":"189. Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, waxay aheyd cadaab Maalin daran."},{"id":190,"translation":"190. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn."},{"id":191,"translation":"191. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan."},{"id":192,"translation":"192. Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka."},{"id":193,"translation":"193. Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) ."},{"id":194,"translation":"194. Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha."},{"id":195,"translation":"195. Isagoo af Carabi faseex ah."},{"id":196,"translation":"196. Wuxuuna xaqiiq ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka)."},{"id":197,"translation":"197. Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii reer Israa'iil ogaayeen?"},{"id":198,"translation":"198. Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood [13].","footnotes":"[13]. Macnaha waa aan ku soo dejin lahayn Qur’aanka cid kale aan Carab ahayn, ama si fiican u aqoon afka Carabiga oo aan faseex ahayn."},{"id":199,"translation":"199. Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray [14].","footnotes":"[14]. Mucjiso ahaan xagga Alle."},{"id":200,"translation":"200. Sidaasaan u galinnaa 'diiddada Xaqa' quluubta denbiilayaasha."},{"id":201,"translation":"201. Ma ay rumaynayaan (Xaqa) jeeray arkaan cadaabka xanuunka badan."},{"id":202,"translation":"202. Oo ugu imaan si kedis ah iyagoo aan fileyn."},{"id":203,"translation":"203. Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)?"},{"id":204,"translation":"204. Ee ma cadaabkayaga bay degdegsan?"},{"id":205,"translation":"205. Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin."},{"id":206,"translation":"206. Markaas uu u yimaado ciqaabka loogu gooddiyo."},{"id":207,"translation":"207. Maxay u tari Waxa loogu raaxeeyey?"},{"id":208,"translation":"208. Ma jirtona magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal."},{"id":209,"translation":"209. Si loo waaniyo, mana nihin kuwo ku gardarrooda (dadka)."},{"id":210,"translation":"210. Ma ayan keenin [15] 'Qur’aankan' Shaydaammada.","footnotes":"[15]. Siday yidhaahdaan gaalada, waxaase Alle Xaggiisa ka keenay malag Jabriil, Ruuxa aaminka ah oo ku soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w."},{"id":211,"translation":"211. Kuma habboona, mana laha awood (sheydaammadu) inay isagoo kale (Qur’aankan) keenaan."},{"id":212,"translation":"212. Waa kuwo laga fogeeyey inay maqalaan 'Qur’aanka' [16].","footnotes":"[16]. Sida lagu xusay Suuradda 72: Aayadda 9."},{"id":213,"translation":"213. Ee ha la baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle si aadan uga mid noqon kuwa la cadaabayo."},{"id":214,"translation":"214. U dig xigtadaada kuu dhow."},{"id":215,"translation":"215. Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta."},{"id":216,"translation":"216. Haddayse ku caasiyaan dheh: Anigu barii baan ka ahay waxaad fashaan."},{"id":217,"translation":"217. Talo saarona (Alle) Adkaadaha Sare, Naxariista Badan,"},{"id":218,"translation":"218. Ee ku arka markaad kaceyso [17].","footnotes":"[17]. Markaad ka soo kacdo gogoshaada habeenkii si aad u tukato salaatu leyl adigoo keligaa ah."},{"id":219,"translation":"219. Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood [18] kuwa u sujuuda (Alle).","footnotes":"[18]. Adigoo ku dhex jira kuwaasi kula tukada jameeco ahaanta."},{"id":220,"translation":"220. Hubaal (Alle) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon."},{"id":221,"translation":"221. Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada?"},{"id":222,"translation":"222. Waxay ku soo degaan beenaale kasta, denbiile ah."},{"id":223,"translation":"223. Waxay dhigtaan dhegaha [19], badankoodna waa beenlawyo.","footnotes":"[19]. Tani waxay ahayd ka hor inta aan arrinkaa laga mamnuucin shayaadiinta oo laga hor joogsan, sida ku soo aroortay Suuradda 72: Aayadaha 8-9."},{"id":224,"translation":"224. Gabyaayadana waxaa raaca kuwa habowsan."},{"id":225,"translation":"225. Miyaadan arag inay tog kasta la wareegeystaan (wareer ku jira, iyagoo ku ammaana dad run iyo beenba)?"},{"id":226,"translation":"226. Iyo inay sheegaan waxaysan falayn [20].","footnotes":"[20]. Waxaa loola jeedaa in gabyaayada qaarkood iska tiriyaan gabayga iyagoo aan ugala jeedin khayr fidin, aan lahayn wax mowqif cad ah, iyagoo ku hadla been iyagoo aan wax kala saarin, wax iska ammaana ama caaya iyagoo uun raacaya hawadooda iyo danahooda."},{"id":227,"translation":"227. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ma'ahee oo samaha fala, oo xusa Alle in badan, oo difaaca nafahooda (iyo mu’miniintaba) marka la dulmiyo kaddib [21]. Way ogaan kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) rogmasho noocee ah bay rogmi 'Qiyaamada' [22]?","footnotes":"[21]. Ee ugu jawaaba gabay ahaan wax sheegga gabyaayada cadowga. \n[22]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: In laabta midkiin malax ka buuxsanto baa ka fiican inuu ka buuxsamo gabay.” Waa gabayada xun aan qiimaha lahayn."}]},{"id":27,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Daa Siin [1]. Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka oo Kitaab cad ah.","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. U ah hanuun iyo bishaaro mu’miniinta."},{"id":3,"translation":"3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo bixiya Sakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan."},{"id":4,"translation":"4. Xaqiiq kuwaan rumeyn Aakhirada, waxaan u qurxinnay acmaashooda, waana ku jaha wareersan yihiin habowgooda."},{"id":5,"translation":"5. Kuwaa waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan), Aakhirana iyaga uun baa ugu khasaare badan."},{"id":6,"translation":"6. Wuxuu adigu (Rasuul Allow) kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Mid Xakiim ah, wax kasta Ogsoon (Allaah)."},{"id":7,"translation":"7. (Xus) markuu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war [2] ama waxaan idiinka keeni dhimbilo dab ah inaad kulaashaan.","footnotes":"[2]. Waddada loo maro Masar."},{"id":8,"translation":"8. Markiise uu yimid, cod baa dhawaaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dabka agti ah iyo waxa hareera joogaba, xurmona waxaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan) Allaah, Rabbiga uumanka oo dhan."},{"id":9,"translation":"9. “Muusow! Xaqiiq waa Aniga Allaah, Adkaadaha Sare, Xikmadda Badan."},{"id":10,"translation":"10. “Oo tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii mas, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dibna umuu soo jaleecin. Muusow! Ha cabsan, kuma cabsadaan agtayda Rusushu."},{"id":11,"translation":"11. Ciddiise dulma fasha markaas wanaag ku beddesha xumaan kaddib, Anigu waxaan ahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":12,"translation":"12. Gali gacantaada goshaada, waxay soo bixi durbaba caddaan (baras iyo) cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamadood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo qolodiisa. Xaqiiq, waa qolo fallaago ah."},{"id":13,"translation":"13. Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen (Fircoon iyo qolodiisii), waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir cad."},{"id":14,"translation":"14. Way dafireen Aayadahaa dulmi iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii xume 'iyo fasahaad' wadeenka."},{"id":15,"translation":"15. Waxaan dhab ahaan siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi. Waxay yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga faddilay in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah."},{"id":16,"translation":"16. Wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, waxaana wax nalaga siiyey wax walba [3]. Hubaal, kani waa Fadli 'Alle baxsho' oo cad.","footnotes":"[3]. Nabi Sulaymaan c.s. waxaa la siiyey Nabinnimada iyo Boqortooyada kaddib aabbihi Nabi Daawuud c.s."},{"id":17,"translation":"17. Waxaa loo soo kulmiyey Sulaymaan askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan."},{"id":18,"translation":"18. ilaa, markay yimaadeen toggii qudhaanjada, qudhaanjo baa waxay tidhi: “Qudhaanjooy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn."},{"id":19,"translation":"19. Markaasuu (Sulaymaan) muusooday, isagoo ku qosli hadalkeeda, oo yidhi: Rabbiyow! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan falo camal san aad ka raalli tahay, oo igu geli [4] Naxariistaada addoomahaaga wanaagsan dhexdooda [5].","footnotes":"[4]. Erey ahaan macnaha waxaa weeye igu dhex kulmi oo faafi quwad iyo awood aad u sarreysa ee I sahasha adeeciddaada iyo gudashada cibaadada. \n[5]. Macnaha sidoo kale wuxuu noqon karaa: “ oo I geli la jirka addoomahaaga wanaagsan (jannada) lagu waadho."},{"id":20,"translation":"20. Wuxuu (Sulaymaan) kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki la'ahay hud-hudkii [6], mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan?","footnotes":"[6]. Hud-hud gaar ah oo heer sare ah ka mid ah shimbiraha."},{"id":21,"translation":"21. Waxaan ciqaabi ciqaab daran ama waan gowrici ama wuxuu ii keeni xujo cad."},{"id":22,"translation":"22.Mase maqnaan muddo dheer, (wuxuuna joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin, waxaana kaaga keenay Saba [7] war la hubo.","footnotes":"[7]. Saba’ waa magaca boqortooyo jirtay Yaman waa’ hore."},{"id":23,"translation":"23.Waxaan helay haweeney [8] xukumeysa, oo la siiyey wax walba 'oo mulki adduun ah' [9], waxayna leedahay Carshi Weyn.","footnotes":"[8]. Balqiis (ama Makeda) waxay ka talineysey Saba’ waagii Sulaymaan. \n[9]. Sida maal, beero badan, macaadinta dhulka, iwm."},{"id":24,"translation":"24. Waxaan helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Alle, wuxuuna u qurxiyey shaydaan camalladooda (xun), oo ka duway Jidka (Toosan ee Islaamka), marka ma ay hanuunsana."},{"id":25,"translation":"25. May u sujuudaan Alle ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxaad qarisaan, iyo waxaad muujisaanba."},{"id":26,"translation":"26. Allaah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn."},{"id":27,"translation":"27. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waanu eegi inaad run sheegi ama inaad ka mid tahay beenlowyada."},{"id":28,"translation":"28. Qaad warqaddaydaan oo u dhiib, kana soo laabo, markaas fiiri waxay (jawaab) soo celiyaan”."},{"id":29,"translation":"29. Waxay tidhi: Mudanayaal! Waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh."},{"id":30,"translation":"30. Waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim."},{"id":31,"translation":"31. Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah."},{"id":32,"translation":"32. Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin [10].","footnotes":"[10]. Inaad ila joogtaan maahee golaha wada tashiga (baarlamaanka), oo aad oggolaansho cad i siisaan."},{"id":33,"translation":"33. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh iyo geesinnimo, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxaad amreyso."},{"id":34,"translation":"34. Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Sidaasayna falaan."},{"id":35,"translation":"35. Waxaanse u diri hadiyad oo sugi waxay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu."},{"id":36,"translation":"36. Markii (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Alle baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Waxaadse idinku ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna."},{"id":37,"translation":"37. U celi iyaga, waxaan ula imaaneynaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, waxaana ka saari magaalada iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho."},{"id":38,"translation":"38. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni carshigeeda ka hor inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan oo Muslimiin ah?”"},{"id":39,"translation":"39. Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Anigaa kuu keenaya ka hor intaad ka kicin golahaaga, oo xaqiiq waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah."},{"id":40,"translation":"40. Mid haystay cilmi Kitaabka ah [11] wuxuu yidhi: Anigaa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Markuu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay - si uu ii imtixaano inaan ku mahdiyo ama aan ka abaal dhaco. Qofkii (Alle) ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiina ka abaal dhaca, hubaal Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan.","footnotes":"[11]. Waxaa loola jeedaa Kitaab halkan Kitaabkii la soo dejiyey ka hor Sulaymaan oo ah Towraadda iyo Zabuurka."},{"id":41,"translation":"41. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno inay garato, mise inay noqoto mid aan garanayn."},{"id":42,"translation":"42. Markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Waxaana nala siiyey cilmi horteed, waxaanu nahay Muslimiin."},{"id":43,"translation":"43. Waxaa (Xaqa) ka jeediyey waxay caabudeysey Alle sokadi, waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah [12].","footnotes":"[12]. Balqiis waxay ku ogaatay Nabinnimada Sulaymaan ka hor inta aan la keenin carshigeeda xagga Falastiin soo celintii dib loogu soo celiyey hadiyaddii ay dirtay."},{"id":44,"translation":"44. Waxaa lagu yidhi: Gal Daarta [13], markay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaasay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Anigu waxaan dulmiyey naftayda, haddase islaamay oo waxaan si dhan isugu dhiibay la jirka Sulaymaan Alle, Rabbiga uumanka.","footnotes":"[13]. Daartaa waxay ahayd mid loo malaasay si qurux badan, aad u salaaxan, marmarkeedu ka sameysan yahay muraayado layska arko, hoostiisana waxaa sii ahaa biyo badan oo socda, iyo kalluun, iwm."},{"id":45,"translation":"45. Waxaan u dirnay (reer) Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Alle (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya [14].","footnotes":"[14]. Nabi Saalix c.s iyo qolodiisii."},{"id":46,"translation":"46. (Saalix) wuxuu yidhi: “Tolkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaanta halkii samaanta [15]? Maxaad uga dalbi weydeen Denbi Dhaaf Alle inuu idiin naxariisto?","footnotes":"[15]. Iyagoo kula dooday Saalix inuu u keeno cadaabka uu ugu gooddiyey, halkii ay dalbi lahaayeen Naxariis Alle."},{"id":47,"translation":"47.Waxay yidhahdeen: Waan ku shareysan- nay adiga iyo kuwa kula jira. Wuxuu yidhi: \"Waxa idinku dhaca (khayr ama shar) waa Alle agti [16]; waxaadse tihiin qolo la imtaxaanayo.”","footnotes":"[16]. Qaddarka iyo qadahiisa."},{"id":48,"translation":"48. Waxaa magaalada [17] ku sugnaa sagaal nin [18], ku fala fasahaad arlada aan wax hagaajin.","footnotes":"[17]. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa magaalada halkan magaaladii qolodii Thamuud, waana magaaladii Al-Xijir. \n[18]. Oo ahaa madaxdoodii iyo wiilasha ay dhaleen oo diinta colaadinayey."},{"id":49,"translation":"49. Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Alle inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisa goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan xigtadiisa dhow [19]: Maa aanu joogin meeshuu ku halaagsamay ehelkiisu,run baynuna sheegi.","footnotes":"[19]. Midka ay saaran tahay inuu fuliyo dardaarankiisa, oo leh diyadiisa."},{"id":50,"translation":"50. Waxay tabeeyeen tab, Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn."},{"id":51,"translation":"51. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan."},{"id":52,"translation":"52. Waana kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan dulmigoodii darti. Hubaal, arrinkaa waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax garan."},{"id":53,"translation":"53. Waxaanu badbaaddinnay kuwii (xaqa) rumeeyey oo ka dhowrsanayey (shirkiga iyo macaasida)."},{"id":54,"translation":"54. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku lahaa qolodiisii: Ma waxaad la imanaysaan faaxisho [20] idinkoo arka [21]?","footnotes":"[20]. Faaxishah wax xille oo foolxun waxaa halkan loola jeedaa zinada iyo ficilkii qoomu luud -Falalka khaniisnimada ah, iwm.\n[21]. Si caddaan ah, tafsiir kale waa idinkoo ogsoon inay tahay denbi weyn."},{"id":55,"translation":"55. Ma waxaad u tageysaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Waxaadse tihiin qolo jaahiliin ah aan garan (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada)."},{"id":56,"translation":"56.Mase ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara reer Luud magaaladiinna, waa dad is daahirine."},{"id":57,"translation":"57. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisii marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (ee la halaagay)."},{"id":58,"translation":"58. Waxaana ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay."},{"id":59,"translation":"59. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, nabadna ha ahaato addoomahiisa uu doortay dushooda. Ma Alle baa wanaagsan, mise kuwa (ilaahyada beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan?"},{"id":60,"translation":"60. Mayee, (Alle baa wanaagsan) ee ah Kan abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, waa qolo ka weecata (Xaqa oo la wadaajiya Alle cibaadada cid kale oo la mid dhiga)."},{"id":61,"translation":"61. (Waxaa wanaagsan Alle ee) ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, yeelayna dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, badankood garasho ma leh."},{"id":62,"translation":"62. (Waxaa Wanaagsan Alle ee ah) Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, idinkana yeela kuwa u hadha (oo isku beddela) dhulka [22]. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Yaraa intaad xusuusataan (oo waantowdaan).","footnotes":"[22]. Fac walba uu xigsado fac kale."},{"id":63,"translation":"63. (Waxaa wanaagsan Alle ee ah) Kan idin haga markaad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabeylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Waa ka sarreeyaa Alle waxay la wadaajiyaan cibaadada (oo la mid dhigaan)."},{"id":64,"translation":"64. (Alle ee ah) Kan billaaba asal ahaan abuurka, haddana soo celin, ee ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Dheh: Keena Xujadiinna, haddaad run sheegaysaan."},{"id":65,"translation":"65. Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada oo ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Alle ma’ahee, mana ay oga goorta la soo bixin."},{"id":66,"translation":"66. Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Waxaybase ka qabaan shaki, wayna ka indha la' yihiin xaggeeda."},{"id":67,"translation":"67. Kuwa gaalooba waxay dhahaan: Ma markaan noqonno carro, innaga iyo aabba- yaashayo, miyaa nala soo bixin (mar kale)?"},{"id":68,"translation":"68. Waxaa naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore."},{"id":69,"translation":"69. Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha."},{"id":70,"translation":"70. Ee ha u murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagar dhigi darteed."},{"id":71,"translation":"71. Waxay yidhaahdaan: Waa goorma yaboohaasi haddaad run sheegaysaan?"},{"id":72,"translation":"72. Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxaad rabtaan in la soo dedjiyo (Cadaabka)."},{"id":73,"translation":"73. Hubaalna Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, badankooduse ma mahad naqaan."},{"id":74,"translation":"74. Xaqiiq Rabbigaa waa Og yahay waxay laabahoodu qarin iyo waxay muujinba."},{"id":75,"translation":"75. Ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad [23].","footnotes":"[23]. Looxa Maxfuudka."},{"id":76,"translation":"76. Xaqiiq, Qur’aankani wuxuu kaga warrami reer Israa’iil badi waxay isku hayeen oo ay isku khilaafsanaayeen."},{"id":77,"translation":"77. Xaqiiqna, waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta."},{"id":78,"translation":"78. Hubaal Rabbigaa wuxuu ugu kala garsoori dhexdooda xukunkiisa, waana Adkaadaha, wax kasta Ogsoon."},{"id":79,"translation":"79. Ee talo saaro Alle; hubaal, waxaad ku sugan tahay Xaq Cad."},{"id":80,"translation":"80. Adigu dhabtii wax ma maqashiin kartid \n meytida, mana maqashiin kartid dhagoolaha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan."},{"id":81,"translation":"81. Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu Muslimiin ah (Alle u hoggaansan)."},{"id":82,"translation":"82. Markuu Qawlka (Cadaabka) ku fulo dushooda [24], Waxaan uga soo bixin Neef (dugaag) arlada la hadleysa inay dadku ahaayeen kuwo aan yaqiinsaneyn Aayadahayaga.","footnotes":"[24]. Markay soo dhowaato Saacadda Qiyaame."},{"id":83,"translation":"83. (Oo ka dig) Maalintaan ka soo saari ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga iyagoo is cidhiidhyi."},{"id":84,"translation":"84. Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinkoon ku koobin cilmi, maxaadse fali jirteen?"},{"id":85,"translation":"85.Waxaa ku fuli Qowlkii 'Cadaabka' [25], dulmigoodii darti, marka ma hadlayaan.","footnotes":"[25]. Qaddarka Alle baa ku dhaboobi korkooda, oo yaboohiisa waa fuli."},{"id":86,"translation":"86. Mawaysan arkayn inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan, Maalintana iftiin? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn (Xaqa)."},{"id":87,"translation":"87. (Ka dig) Maalinta buunka la afuufi, oo ay argagixi kuwa ku sugan cirarka iyo kuwa ku sugan dhulka cidduu Alle doono mooyee, kullina waxay u imaan iyagoo dullaysan."},{"id":88,"translation":"88. Waxaad arkaysaa buurahii aad u maleyn wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Alle ee hagaajiyey wax waliba. Hubaal, waa u Xog ogaal waxaad fashaan."},{"id":89,"translation":"89. Qofkii la yimaada wanaag [26] wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), argagaxa Maalinta (Qiyaamena) waa ka aamin.","footnotes":"[26]. Halkan wanaagga waxaa loola jeedaa towxiidka iyo camal kastoo san."},{"id":90,"translation":"90. Qofkiise la yimaada xumaan [27] waxaa loogu tuuri weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku abaal marin waxaan ahayn waxaad fasheen (wax la mid ah oo xumaan ah)?","footnotes":"[27]. Halkan xumaanta waxaa loola jeedaa shirkiga iyo macaasida."},{"id":91,"translation":"91. Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan [28] (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Waxaana la I amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta (kuwa isu dhiiba Alle ee u hoggaansan).","footnotes":"[28]. Waxaa loola jeedaa Makkah iyo hareeraheeda."},{"id":92,"translation":"92. Iyo inaan akhriyo Qur’aanka. Qofkii hanuuna, wuxuu uun u hanuunaa naftiisa, qofkiise lumaa, dheh: Anigu waxaan ahay uun mid ka mid ah digayaasha."},{"id":93,"translation":"93. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Wuxuu idin tusi calaamoo- yinkiisa, waadna garan doontaan. Ma aha Rabbigaa mid moog waxaad falaysaan."}]},{"id":28,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Daa siin Miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee cad."},{"id":3,"translation":"3. Waxaan kugu akhrin wax ka mid ah warkii Muuse iyo Fircoon oo xaq ah ciddii rumayn."},{"id":4,"translation":"4. Hubaal, Fircoon waa isku sare yeelay dhulka, wuxuuna ka yeelay dadkeedii kooxo, isagoo dulleysan (dulmin) koox ka mid ah (reer Israa’iil), gowracaya wiilashooda, una deynaya nolol haweenkooda (si ay ugu adeegtaan). hubaal, wuxuu ka mid ahaa kuwa wax fasaadiya (xumo wadeenka)."},{"id":5,"translation":"5. Waxaana doonnay inaan u galno wanaag kuwii loo arkay daciif ee lagu dulleysanayey arlada, kana yeello hooggaamiyayaal, oo ka yeello iyaga dhaxlayaasha (arlada Masar)."},{"id":6,"translation":"6. Oo aan ku awood siinno arlada oo tusinno Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ka digtoonaayeen [2].","footnotes":"[2]. Inaan ku caddibno isla gacanta kuway ku gardarroonayeen oo addoonsayeen."},{"id":7,"translation":"7. Waxaan u waxyoonnay Muuse hooyadi (Annagoo leh): Nuuji (Muuse), markaadse u cabsato ku tuur webiga (Niil), ha cabsan, hana murugoon. Annagaa kuu soo celin, oo ka yeeli mid ka mid ah Rususha (Alle)."},{"id":8,"translation":"8. Waxaa soo qaatay reer Fircoon isagoo u noqon cadow iyo (sabab u keenta ciil iyo) murugo. Hubaal Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ahaayeen kuwo gef badan."},{"id":9,"translation":"9. Marwadii Fircoon waxay tidhi: Waa il qabawsigeenna aniga iyo adigaba. Ha dilina, waa intaasoo uu na anfaco ama aan ka dhiganno wiil, iyagoon dareensaneyn [3].","footnotes":"[3]. Waxay noqon doonto cidhibta arrinkaasi."},{"id":10,"translation":"10. Wuxuu ahaaday qalbigii Muuse hooyadi mid maran [4], waxay ku sigatay inay kashifto (arrinkiisa) haddaanaan adkaynin qalbigeeda si ay uga mid ahaato mu’miniinta.","footnotes":"[4] ka maran arrin kaloo dhan ka fekerka wiilkeeda Muuse ma ahee."},{"id":11,"translation":"11. Waxay ku tidhi walaashiis (Miriam): Raad raac, waxayna ka eegeysay dhinac fog si qarsoodi ah iyagoon dareemeyn."},{"id":12,"translation":"12. Waxaanu horey u qaddarnay inuu diido nuujiso (kale) oo dhan [5], markaasay (walaashiis timid oo) tidhi: Ma idin tusaa reer idiin daryeelaya, oo iyagu u roonaan.","footnotes":"[5]. Muuse wuu diiday inay nuujiso haweeney kale oo dhan aan ahayn hooyadiis."},{"id":13,"translation":"13. Waxaan ku soo celinnay hooyadiis si ay u il qabawsato oo u murugoon, una ogaato in wacadka Alle Xaq yahay, dadka badankiisuse ma ogsoona."},{"id":14,"translation":"14. Markuu (Muuse) tabar galay oo buuxsamay (caqli ahaan), Waxaanu siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha."},{"id":15,"translation":"15. Wuxuu soo galay magaalada gooray war la' yihiin dadkeedu [6], markaasuu wuxuu kula kulmay halkaa labo nin oo diriraya - midi ka mid yahay qoladiisa [7], kan kalena ka tirsan yahay cadowgiisa. Ninkii qoladiisa ahaa baa uga kaalmo warsaday oo qeyshaday xagga kii ahaa cadowgiisa, markaasuu Muuse feedhay mar keliya oo kaw kaga siiyey. (Muuse) wuxuu yidhi: kanu waa camal Shaydaan, hubaal waa cadow, wax dhumiya oo cad.","footnotes":"[6]. Waxay aheyd harsiimadii goor Duhur ah ay dadku nasanayeen. \n[7]. Muslim - ka mid ahaa ilmahii Israa’iil, kan kalena ee cadowgiisa ah wuxuu ahaa qoladii Fircoon Qibdi Masri ah."},{"id":16,"translation":"16. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dulmiyey naftayda ee ii denbi dhaaf, wuuna u denbi dhaafay. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan."},{"id":17,"translation":"17. (Muuse) wuxuu yidhi:Rabbiyow!Waxaad igu galladeysatay darteed (oo denbi dhaaf ah), marnaba dib dambe uguma noqon doono caawiye denbiilayaasha."},{"id":18,"translation":"18. Wuxuu ku sugnaa magaalada isagoo cabsanaya, digtoon, mise kii gargaarka warsaday maalintii hore baa u qeyshanaya inuu u soo hiilliyo (mar kale). (Muuse) wuxuu ku yidhi: Adigu waxaad tahay baadiyeeye iska cad."},{"id":19,"translation":"19. Markuu se doonay inuu qabto (oo wax yeelo) kii cadowga u ahaa, wuxuu yidhi: Muusow! Ma waxaad dooneysaa inaad I disho sidaad u dishayba naf (kale) shalay? Ma dooneysid waxaan aheyn inaad ka noqoto macangag isla weyn arlada, mana dooneysid inaad ka mid ahaato kuwa wax hagaajiya [8].","footnotes":"[8]. Waxaa sidaa yidhi ninkii israa’iiliga ahaa isagoo moodaya inuu Muuse doonayo inuu garaaco isaga."},{"id":20,"translation":"20. Nin baa ka yimid magaalada xaggeeda shishe isagoo rooraya. Wuxuu yidhi: Muusow! Xildhibaannadii waxay ku tashanayaan inay ku dilaan ee baxso, waxaan anigu xaqiiq kuu ahay daacade."},{"id":21,"translation":"21. Markaasuu (Muuse) ka baxay (magaalada) isagoo cabsanaya, digtoon. Wuxuuna yidhi: Rabbiyow! Iga badbaadi qolodaa daalimiinta (gar diidka) ah."},{"id":22,"translation":"22. Markuu u jahaystay xagga (arlada) Madyan wuxuu yidhi: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo dhabbo Toosan."},{"id":23,"translation":"23. Markuu soo gaaray biyihii Madyan wuxuu ka helay halkaa koox rag ah oo waraabsanaya (xoolahooda), sokadooda wuxuu ka helay labo haween ah oo horaya (xoolahooda). (Muuse) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiinnu yahay? Waxay yidhaahdeen: Ma waraabinno (xoolaheenna) jeeray raacata- du fulaan oo kaxeystaan (xoolahooda), aabbaheenna waa oday weyn oo da' ah."},{"id":24,"translation":"24. Markaasuu u waraabiyey (xoolahoodii), wuxuuna u jeesaday oo aaday xagga meel har leh, oo yidhi: Rabbiyow! Waxaad I siiso oo khayr ah waan u baahnahay."},{"id":25,"translation":"25. Markaasaa labadii gabdhood middood u timid iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tidhi: Aabbahay baa kuu yeedhaya si uu kuu siiyo abaalgudka waraabintii darteed aad noo waraabisay (xoolahayaga). Markuu u yimid [9] oo uga warramay wixii qisooyin dhacay, wuxuu yidhi: Ha cabsan. Waad ka badbaadday qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.","footnotes":"[9]. Wuxuu ahaa nin saalix ah, aabbaha labadaasi gabdhood la yidhaahdo Shucayb - Jethro."},{"id":26,"translation":"26. Waxay tidhi middood (labadii gabdhood): Aabbow ijaaro! Hubaal waxaa u fiican cid la ijaarto xoog badanaha, aaminka ah [10].","footnotes":"[10]. Iyadoo u sheegtay inuu dhagax aad u weyn keligi ceelka afki ka qaaday, inuu ku yidhi, 'socda gadaasheyda', iyo inuu markay u imaneysay uu hoos madaxa u dhigay, oo aanu fiirinin."},{"id":27,"translation":"27. (Shucayb - Jethro) wuxuu yidhi: Waxaan rabaa inaan kuu guuriyo mid ka mid ah labadaydaan gabdhood, waxaase shardi ah inaad ii shaqeyso siddeed sano, haddiise aad buuxiso toban, waxay ahaan (axsaan) xaggaaga ah, ma doonayo inaan ku dhibo. Haddii Alle idmo, waxaad heli (igu ogaan) inaan ka mid ahay kuwa wanaagsan."},{"id":28,"translation":"28. (Muuse) wuxuu yidhi: Sidaasi waa (ballan) dhexdeenna ah aniga iyo adiga midkaan labada muddo oofiyo, ma jiri doonto wax laygu colaadiyo, Alle baana ka damiin 'markhaati' ah waxaanu sheegeyno."},{"id":29,"translation":"29. Markuu dhammaystay Muuse muddadii (toban sano), oo la tagay reerkiisii iyagoo jidka haya (u socda Masar) buu wuxuu ka arkay dhinaca buurta (Duur) dab, wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Suga, waxaan arkay dab, waa intaasoo aan idiinka keeno war ama dhimibil dab ah inaad kulaashaan."},{"id":30,"translation":"30. Markuu yimid halkii (dabka), cod baa ka dhawaaqay dhanka midig ee togga ee rugta barakaysan ee geedka [11] leh: “Muusow! Waxaan Anigu ahay Allaah, Rabbigii uumanka.","footnotes":"[11]. Geedkaasoo dabka gudahiisa ahaa."},{"id":31,"translation":"31. Ee tuur ushaada. Markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa oo la moodo mas, buu isgaddiyey, mana soo dhugan gadaal. (Waxaa la yidhi): Muusow! Kaalay soo dhowow, hana cabsan, adigu waxaad tahay mid ka mid ah kuwa aaminka ah."},{"id":32,"translation":"32. Geli gacantaada goshaada, waxay noqon durbaba caddaan cudur la’aan, ku nabna gacantaada garabkaaga si ay kaaga ba’do cabsida (aad ka qaadday maska, sidoo kalena gacantaadu waxay u noqon sideedii hore). Marka kuwakani waa labo caddaymo xagga Rabbigaa looga soo diray Fircoon iyo xildhibaannadiisa, waa qolo caasiyaal ahe."},{"id":33,"translation":"33. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dilay nin ka mid ah, waxaan ka cabsan inay i dilaan."},{"id":34,"translation":"34. Walaalkay Haaruun baana iga faseexsan carrab (hadal ahaan) ee ila dir garab ahaan si uu ii rumeeyo. Waxaan ka cabsan inay I beeniyaan."},{"id":35,"translation":"35. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ku adkeyn cududdaada walaalkaa, waxaana idiin yeeli awood (xujo) marka idinma gaar siin karaan (wax dhib ah), Aayadahayaga dartood, idinka iyo intii idin raacda baa adkaan."},{"id":36,"translation":"36.Markuu Muuse ula yimid Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdeen: Kani ma aha waxaan ahayn sixir la been abuurtay, mana aanaan ku maqal waxakan oo kale aabbayashayadii hore dhexdood."},{"id":37,"translation":"37. Muuse wuxuu yidhi: Rabbigay baa dhab u ogsoon kan kala yimid hanuun Xaggiisa iyo kan lahaan cidhibta wanaagsan ee Daarta [12]. Hubaal daalimiintu ma liibaanaan.","footnotes":"[12]. Waa adduunka ama Aakhirada"},{"id":38,"translation":"38. Fircoonna wuxuu yidhi: Xildhibaannow! Anigu idiin ma ogi inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga, ee ii huri dab Haamaanow lagu dul shido dhoobada [13], markaa ii samee sar aad u dheer, si aan u soo eego ilaaha Muuse; waxaan qabaa inuu ka mid yahay beenlowyada.","footnotes":"[13]. Ee laga sameeyo bulukeetiga."},{"id":39,"translation":"39. Waxay isku kibriyeen isaga iyo askartiisuba arlada xaq darro, waxayna moodeen inaan Xaggeenna loo soo celinayn."},{"id":40,"translation":"40. Markaasaan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo ku tuurnay badda [14], ee fiiri siday ahayd cidhibtii daalimiinta.","footnotes":"[14]. Alle s.w.t. wuxuu sababay inay dadkii Fircoon kaga soo tagaan gadaashooda waxay hanti iyo maal lahaayeen, oo soo galaan badda iyagoo ku jooga raadka reer Israa’iil. Eeg Suuradda 26: Aayadaha 52- 66."},{"id":41,"translation":"41. Waxaanu ka yeelnay madax [15] wax ugu yeedha Naarta, Maalinta Qiyaamana looma gargaaro.","footnotes":"[15]. Macnaha waa tusaale, ama mataal xun ay raacaan diktaatoorrada oo dhan iyo madaxda khaa’imiinta ah."},{"id":42,"translation":"42. Waxaan raacinnay adduunyadan Lacnad, Maalinta Qiyaamahana waxay ka mid ahaan kuwa (laga yaqyaqsado) falalkooda xun (ee laga dheereeyey Naxariista Alle)."},{"id":43,"translation":"43. Waxaana dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kaddib markaan halaagnay qaaruumihii hore, isagoo tusmooyin u ah dadka, iyo hanuun iyo naxariis inay xusuustaan (oo ku waantoobaan)."},{"id":44,"translation":"44. Adigu (Nabi Muxammadow) ma aad joogin dhinaca galbeed (ee buurta), markaan siinnay Muuse amarka (Nabinnimada), mana aad ka mid aheyn kuwa ahaa goob joogga."},{"id":45,"translation":"45. Waxaanse abuurnay Facyo (is xigsada Muuse kaddib) waxaana ku dheeraaday cumrigii [16]. Adiguna ma aheyn mid dhex joogay reer Madyan, adigoo u akhrinaya Aayadahayaga. Annaga baase ku soo dirnay 'Rusuul ahaan' [17].","footnotes":"[16]. Markaasay hilmaameen oo dayaceen amarradii Alle.\n[17]. Nabigu s.c.w. ma heysto dariiq kale uu ku ogaado wararkan aan ahayn Waxyiga Alle u soo waxyooday."},{"id":46,"translation":"46. Ma aad joogin dhinca Buurta (Duur) markaan u dhawaaqnay Muuse. (Waxaase laguu soo diray) naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto qolo uusan u imaan dige hortaa inay xusuustaan (oo waantoobaan)."},{"id":47,"translation":"47. Haddaysan jirin in markay ku dhacdo masiibo waxay gacmahoodu geysteen ( oo denbiyo ah) darteed, markaasna ay yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weyday Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta (waa la ciqaabi lahaa)."},{"id":48,"translation":"48. Markiise uu Xaqa uga yimid Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Maxaa loo siin waayey wax la mid ah wixii la siiyey Muuse? Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyey Muuse awal hore? Waxay yidhaahdeen:“Waa labo sixir (Towraadda iyo Qur’aanka) oo is kaalmaystay [18]. Waxayna yidhaahdeen: Innagu dhammaan waan ku gaalownay.","footnotes":"[18]. Camalka labo sixir oo is kaalmaystay: Waxay gaaladii Quraysh ula jeedeen: Towraadda iyo Qur’aanka."},{"id":49,"translation":"49. Dheh: Ka keena Kitaab (kale) xagga Alle, oo ka hanuun wanaagsan labadooda aan raacee haddaad run sheegaysaan."},{"id":50,"translation":"50. Haddayna ku ajiibin, ogow inay uun raacaan hawadooda. Yaana ka dhunsanaan badan mid raaca hawadiisa hanuun la’aan xagga Alle? Hubaal, Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah."},{"id":51,"translation":"51. Waxaan si xidhiidhsan (oo qayb qayb ah) u soo gaarsiinnay Qowlka (Qur’aanka), inay xusuustaan (oo waantoobaan)."},{"id":52,"translation":"52. Kuwaannu siinnay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) ka hor kani (Qur'aanka) - baa rumeyn [19] waxa ku soo arooray (Qur’aanka).","footnotes":"[19]. Waa mu’miniinta daacadda ah ee ku jira ehlu kitaabka dhexdooda."},{"id":53,"translation":"53. Marka loo akhriyona (Qur'aanka), waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay. hubaal, waa Xaq ka yimid Rabbigayo. Waxaanu ahayn isaga ka horba Muslimiin."},{"id":54,"translation":"54. Kuwaas waxaa la siin ajarkooda labo jeer samirkoodii darti, waxayna ku qaabilaan wixii xumaan ah samaan, waxaan ku irsaaqnona wax ka bixiyaan."},{"id":55,"translation":"55. Markay maqlaanna hadal macno darro ah way ka jeesadaan, oo yidhaahdaan: Waxaanu leennahay camalladayada, idinkuna waxaad leedihiin camalladiinna. Nabad gelyo [20], ma rabno (dhaqanka) jaahiliinta.","footnotes":"[20]. Salaamu calaykum halkan loolama jeedo salaanta Muslimka, ee waxaa loola jeedaa waa ka nabad galeysaan afkayaga iyo addinkayaga qowl iyo ficilba oo wax xun inaan ku hadalno aamin iyo nabad baad ka tihiin, iyo inaan u dhaqanno sidiinna oo kale si jaahilnimo ah."},{"id":56,"translation":"56. Adigu (Nabi Muxammadow) Ma hanuu- nin kartid ciddaad jecleysato, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Isagaana dhab u ogsoon kuwa hanuunsan."},{"id":57,"translation":"57.Waxay (gaaladii Makkaad) yidhaahdeen: Haddaan kula raacno hanuunka, waxaa nalaga dafi dhulkayaga [21]. Ma waannaan dejin Xaram aammin ah, oo midho nooc walba leh la keeno - risiq Xaggayaga ah, badankooduse ma oga.","footnotes":"[21]. Waxaa nagu soo xadgudabaya oo na kala dafaya qabiilooyinka kale ee Carabta."},{"id":58,"translation":"58. Badanaa intaan magaalo halaagnay, ku kibirtay nolosheeda (caasiday Alle iyo Rusushiisa). Marka waa kuwan guryahoodii aan la degin iyaga kadambow in yar ma ahee [22] waana Annaga dhaxlayaasha (u hadha).","footnotes":"[22]. Musaafiriinta doonaya meel ay degaan in yar oo markaa ka tagaan. Waxaana halkan loogu tilmaamayaa burburkii magaalooyinkaa ay arki jireen Quraysh markay halkaa socdaal ku marayaan."},{"id":59,"translation":"59. Ma aha Rabbigaana mid halaaga magaalooyinka jeer uu u diro magaalada u hooyada ah (xaruntooda) Rasuul u akhrinaya Aayadahayaga. Ma halaagno magaalooyinka haddayan aheyn dadkeedu daalimiin (gar ma qaatayaal)."},{"id":60,"translation":"60. Waxa la idin siiyona oo wuxuun ah waa uun sahay nolosha adduunkan iyo quruxdeeda, waxase (Aakhirada) Alle agtiis ah baa khayr roon oo daa’insan. Ee mawaydaan fahmeyn?"},{"id":61,"translation":"61. Ma mid aan u ballan qaadnay ballan qaad wanaagsan (Janno) oo la kulmi, baa la mid ah mid aan siinnay sahayda nolosha adduunkan (ee dhammaaneysa), markaas Maalinta Qiyaamaha ka mid noqon kuwa la soo xaadirnayo (la keenayo cadaabka)?"},{"id":62,"translation":"62. (Ka dig) Maalinta uu (Alle) u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad ila wadaajiseen (cibaadada) oo aad u heysateen inay yihiin shurakadeyda?"},{"id":63,"translation":"63. Kuwa uu Qawlka ku dhaboobi [23] (in la cadaabo) waxay odhan: “Rabbiyow! Kuwaani waa kuwaan habaabinnay. Waxaan u habaabinnay sidaan u habownay. Waxaan ka nahay barii Adiga hortaada. Ma aheyn innaga waxay caabudayeen [24].","footnotes":"[23]. Loo qaddaray in la cadaabo.\n[24]. Macnaha waxaa weeye ma aanu qasbin iyaga, mana ay na adeeceyn, ee waxay raacayeen oo adeecayeen keliya hawada nafahooda iyo waxa liita ay rabaan oo ay u iishaan."},{"id":64,"translation":"64. Waxaana lagu odhan: U yeedha Ilaahaydiinnii aad shurakada kala dhigteen (Alle), markaasay u yeedhan, mase ajiibayaan, waxayna arki cadaabka. Markaasay shallaayaan hadday uun hanuuni lahaayeen."},{"id":65,"translation":"65. (Xus) Maalinta uu (Alle) u yeedhi oo odhan: Maxaad ugu jawaabteen Rusushii?"},{"id":66,"translation":"66. Markaasay waayi xujooyin [25] maalintaas, waxnana isma weydiinayaan.","footnotes":"[25]. Si ay been u sheegaan ama u cudur daartaan."},{"id":67,"translation":"67. Qofkii ka tawbad keena (shirkiga iyo macaasida) oo (Xaqa) rumeeya oo raaca oo fala camallo wanaagsan (nolosha adduunkan) waa intaasoo uu ka mid ahaado liibaanayaasha."},{"id":68,"translation":"68. Rabbigaa wuxuu abuuraa wuxuu doono oo doortaa, ma leh iyaguse doorashada. Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada."},{"id":69,"translation":"69. Rabbigaa waa Ogsoon yahay waxay qarin laabahooda iyo waxay muujinba."},{"id":70,"translation":"70. Waa Allaah (Macbuudka Xaqa ah), ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Isagaa leh ammaan oo idil iyo mahad tan hore (aduuunka) iyo tan dambe (Aakhirada), Isagaana leh Xukunka, Xaggiisaana idinkoo idil la idiin soo celin."},{"id":71,"translation":"71. Dheh: bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara iftiin, miyeydaan wax maqleyn?."},{"id":72,"translation":"72. Dheh: Bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan, mawaydaan wax arkayn?"},{"id":73,"translation":"73. Waxaa ka mid ah Naxariista Alle inuu idiin yeelay habeenka si aad ugu nasataan, iyo maalinta si aad u doonataan Deeqdiisa, iyo inaad u mahad naqdaan."},{"id":74,"translation":"74. (Ka dig) Maalinta aan u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad u heysateen inay yihiin shurakadeyda ee aad ila wadaajiseen cibaadada?"},{"id":75,"translation":"75. Waxaanu ka soo saari ummad walba markhaati, oo odhan: Keena xujadiinna. Markaasay ogaan inuu Garta leeyahay Alle (Keliya), wayna waayi waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo ah)."},{"id":76,"translation":"76. Xaqiiq, wuxuu Qaaruun ka mid ahaa qolodii Muuse, wuuse ka fallaagoobay, waxaana ka siinnay kaydadka (maalka) wax aad u tiro badan heer furayaashoodu cusleyneysay jirka rag xoog leh. Markay qolodiisii ku yidhaahdeen: Ha farax taraarin (kibrin), Alle ma jecla kuwa farxa (kibree)."},{"id":77,"translation":"77. Oo ku doono waxa (khayr ah) uu Alle ku siiyey Daarta Aakhiro, hana halmaamin qaybtaada ah adduunka, oo sama fal sida uuba Alle kuugu sama falay. Ha la doonin fasahaad arlada. Alle ma jecla kuwa wax fasaadiya."},{"id":78,"translation":"78. Wuxuu yidhi: Waxaa la igu siiyey maalkan oo keliya aqoonteyda. Miyuusan ogayn inuu Alle halaagay horti qaaruumo, kuwo isaga ka xoog badan oo ka badan waxay isu keeneen. Lamana weydiiyo denbiyadooda denbiilayaasha."},{"id":79,"translation":"79. Markaasuu u soo baxay qolodiisii isagoo xarragoonaya oo ay u dhan tahay quruxdiisii. Kuwii doonayey nolosha adduunkan waxay yidhaahdeen: “Wayoo waye, haddaanu lahaan lahayn wax la mid ah waxa Qaaruun la siiyey? Isagu runtii wuu nasiib badan yahay."},{"id":80,"translation":"80. Kuwii se la siiyey cilmiga waxay yidhaahdeen: Magaciin bi'i waaye! Abaalka Alle (ee Aakhirada) baa u wanaagsan kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama fala, lamana waafajiyo waxaan ahayn kuwa samra."},{"id":81,"translation":"81. Markaasaan la goynay isagii (Qaaruun) iyo daartiisiiba dhulka. Mana uusan helin koox u gargaarta Alle ka sokow, mana ahayn mid is difaaci kara."},{"id":82,"translation":"82. Kuwii u hanqal taagayey (meeqaan la mid) meeqaankiisa maalintii horreysay waxay billaabeen inay yidhaahdaan: Shaki ma leh waa Alle Kan u fidiya risiqa qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa ama ku cidhiidhiya. Haddii aysan jirteen in Alle yahay mid noo Roonaan badan, wuxuu nala goyn lahaa dhulka (sidoo kale). Shaki ma leh, ma liibaanto gaalo."},{"id":83,"translation":"83. Taasi ah Daarta Aakhiro (Jannada) waxaanu dhaxalsiin kuwa aan ku dooneyn sarreyn dhulka, aanna ku falin fasahaad. Cidhibta wanaagsanna waxaa leh kuwa iska jira'xumaha ee dhowra amarrada Alle\"."},{"id":84,"translation":"84.Qofkii la yimaada wanaag [26], wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), qofkiise la yimaada xumaan (shirki iyo macaasi), laguma abaal mariyo kuwa fala camallada xun waxaa ahayn waxay falayeen (wax la mid ah oo xumaan ah).","footnotes":"[26]. Towxiid iyo camallo san oo sharciga waafaqsan."},{"id":85,"translation":"85. Hubaal (Alle ee) kugu faral yeelay Qur’aanka wuxuu dib kuugu soo celin Xagga halkii ballantu ahayd [27]. Dheh: Rabbigay baa cid kasta ka ogsoon kan la yimid hanuun iyo kan ku sugan habow cad.","footnotes":"[27]. Waxaa loolaa jeedaa Makkah (noloshan adduunka) ama Jannada (Aakhirada)."},{"id":86,"translation":"86. Ma aad aheyn (Nabiyow) mid rajeyn in lagugu soo dejiyo Kitaabka (Qur’aanka), hase yeeshee waa Naxariis xagga Rabbigaa ah. Ee ha noqonin mid garab siiya gaalada [28].","footnotes":"[28]. Ha ugu kaalmeyn diintooda adigoo waafaqaya caqiidadooda ama ansixinaya."},{"id":87,"translation":"87. Oo yeysan kaa jeedin Aayadaha Alle kaddib marka lagagu soo dejiyey, uguna yeedh 'dadka' xagga Rabbigaa, oo ha ka mid noqonnin Mushrikiinta."},{"id":88,"translation":"88. Ha baryin (caabudin) la jirka Alle ilaah kale. Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wax waliba way halaagsami Wejgiisa maahee [29]. Isagaa leh xukunka, Xaggiisaana la idiin soo celin.","footnotes":"[29]. Waa Alle maahee."}]},{"id":29,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif Laam-Miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waan rumeynay (Xaqa) iyagoo aan la imtixaameyn?"},{"id":3,"translation":"3. Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Alle wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), wuuna muujin beenlowyada."},{"id":4,"translation":"4. Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaatooyinka [2] inay naga fakan karaan? Xumaa waxay xukumi.","footnotes":"[2]. Shirkiga iyo xumaha kale sida dilka xaq darrada ah, zinada-dhilleysiga, xatooyada, kibirka, beenta, khiyaanada, xasadka, iwm."},{"id":5,"translation":"5. Qofkii rajeyn la kulanka Alle, hubaal ajasha uu Alle (qoray) way imaan (ee ha isu diyaariyo). Alle waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah."},{"id":6,"translation":"6. Qofkii dadaala, wuxuu u dadaalayaa naftiisa. Hubaal, Alle waa ka deeqtoon yahay uumanka."},{"id":7,"translation":"7. Kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaanu xaqiiq u asturi denbiyadooda, waxaana u abaal marin si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falayeen."},{"id":8,"translation":"8. Waxaan ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo oo baarri u ahaado labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) waxaad u heysan cilmi [3], ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, waxaana idiin sheegi (oo idinka abaal marin) waxaad camal fali jirteen (oo dhan).","footnotes":"[3]. Waa aydaan wax xujo ah u heysan ilaahnimadooda. Ma jiraan wax cilmi ah oo loo heli karo waxaan jirin ama aan run ahayn."},{"id":9,"translation":"9. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, Waxaanu gelin iyaga la jirka suubbanayaasha (Jannada sare)."},{"id":10,"translation":"10. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeynay Alle, markiise lagu dhibaateeyo Alle darti, mooda fidmada dadka sida Cadaabka Alle, hadduuna ka yimaado gargaar xagga Rabbigaa, waxay (munaafiqiinta) hubaal odhan: Waxaanu aheyn la jirkiin. Miyuusan Alle ahayn kan dhab u Ogsoon waxa ku jira laabaha (dadka)."},{"id":11,"translation":"11. Xaqiiq, Alle wuu muujin kuwa rumeeyey, wuuna muujin munaafiqiinta."},{"id":12,"translation":"12. Kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa rumeeyey: Soo raaca jidkayaga waxaan idinka qaadi denbiyadiinna [4]. Ma aha kuwo ka qaadi denbiyadooda waxba; xaqiiq, waa beenlawyo.","footnotes":"[4]. Macnahu wuxuu sidoo kale noqon karaa: Markaa aan qaadnee denbiyadiinna, macnaha waa innagaa nala weydiin oo mas’uul ka ah denbiyadiinna."},{"id":13,"translation":"13. Waxay qaadi culaysyadooda [5], iyo culaysyo kale oo la jira culaysyadooda, waxaana la weydiin Maalinta Qiyaamaha waxay been abuuran jireen.","footnotes":"[5]. Waxay qaadi doonaan denbiyadooda, ay u dheer yihiin denbiyada dadka ay lumiyeen, iyagoo kuwaasi dambe aan iyagana denbiga sidaa uusan kaga dhaceyn oo lagaga naaqusineyn."},{"id":14,"translation":"14. Waxaanu dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano, waxaana qaaday Duufaan iyagoo ah daalimiin."},{"id":15,"translation":"15. Markaasaan badbaadinnay (Nuux) iyo kuwii kula jiray Doonnida, waxaana uga yeelnay calaamo [6] 'digniin' ummadaha.","footnotes":"[6]. Waxaa loola jeedaa doonnida, ama dhacdadaasi weyn."},{"id":16,"translation":"16. (Waxaana soo dirnay) Ibraahiim markuu ku lahaa qolodiisii: Caabuda Alle (Keliya) oo ka cabsada (iskana jira xuma falka), arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin."},{"id":17,"translation":"17. Waxaad uun caabuddaan asnaam halkii Alle, oo been abuur sameysaan. Kuwaad caabuddaan Alle sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Alle agtiis (oo keliya) oo caabuda Isagoo Keliya oo ku mahdiya. Xaggiisaa la idiin soo celin."},{"id":18,"translation":"18. Haddaad beenisaan (Xaqa), waxaa beeniyey ummado idinka horreeyey. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad 'ee Diinta Alle' [7].","footnotes":"[7]. Mufasiriinta waxay isku khilaafeen Aayaddan inay tahay mid la socota hadalkii Nabi Ibraahiim, ama hadal uu Alle ku samirsiinayo oo ugu laab qaboojinayo Nabi Muxammad s.c.w., sidase ka muuqata hal dhaca hadalka waa inay u tahay samirsiin iyo laab qaboojin Nabi Muxammad s.c.w."},{"id":19,"translation":"19. Miyeyna u fiirsan sida Alle u billaaba abuuridda (uunka), haddana u soo celin? Hubaal arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay."},{"id":20,"translation":"20. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya sida (Alle) u billaabay uunka, haddana Alle u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":21,"translation":"21. Wuxuu cadaabi qofkuu doono, oo u naxariisan qofkuu doono, Xaggiisaana la idiin celin."},{"id":22,"translation":"22. Idinku ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, mana lihidin Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna."},{"id":23,"translation":"23. Kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, waxaana kuwaa u sugnaaday cadaab xanuun badan."},{"id":24,"translation":"24. Ma ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen: 'Dila isaga ama guba'. Markaasuu Alle ka badbaadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn."},{"id":25,"translation":"25. Wuxuu (Ibraahiim) ku yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) asnaam Alle sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dafiri qaarka kale, oo qaarkiin lacnadi qaarka kale, hoygiinnuna waa Naar, mana jiro wax idiin soo gargaari."},{"id":26,"translation":"26. Waxaa rumeeyey Luud. Wuxuuna (Ibraahiim) yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, Alle waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah."},{"id":27,"translation":"27. Waxaanu u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub, oo waxaan ka yeelnay Nabinnimada iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, Waxaana ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, Aakhirana wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan."},{"id":28,"translation":"28. (Waxaan kaloo soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa qolodiisii: Waxaad la timaaddeen xumaan uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha."},{"id":29,"translation":"29. Ma waxaad idinku u galmoonaysaan ragga, oo aad goynaysaan jidka [8], oo kula imaanaysaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii qoonkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Alle haddaad run sheegeyso.","footnotes":"[8]. Idinkoo jidka gooya oo burcad ah oo u geysta dhac iyo boob socotada. Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa gooya taranka u tegidiinna ragga darteed halkii dumarka, taasoo keeneysa tarmid la’aan dadka."},{"id":30,"translation":"30. (Luud) wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan wax fasaadiya."},{"id":31,"translation":"31. Markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada [9] waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa daalimiin (gar ma qaatayaal).","footnotes":"[9]. Waa dhalashada Isxaaq, iyo wiil wiilki Yacquub."},{"id":32,"translation":"32. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaa ku sugan Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, waanu badbaadin (Luud) iyo ehelkiisaba - marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan mid ku harta gadaal 'cadaabka' [10].","footnotes":"[10]. Waxaa lala cadaabay dadkeeda maadaama ay ku kaalmeyneysey xumahooda."},{"id":33,"translation":"33. Markay Rusushayadii 'malaa’igta ahayd' u timid Luud wuu ka murugooday [11], oo cidhiidhi dareemay dartood; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan hana murugoon. Waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaaga- ba marka laga reebo marwadaada, waxay ahaan mid ka mid ah kuwaa ku hari gadaal.","footnotes":"[11]. Eeg sharaxa Suuradda 11: Aayadda 77."},{"id":34,"translation":"34. Waxaanu ku soo dejin dadka magaaladan cadaab kaga iman samada caasintooda darteed."},{"id":35,"translation":"35. Waxaana uga tagnay halkaa calaamo cad (haraaga burburkii magaaladaa) ciddii garasho leh."},{"id":36,"translation":"36. Reer Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya oo (ku) rajeeya (cibaadadiinna abaal marinta) Maalinta Aakhiro, hana ku bi'innina arlada fasahaad."},{"id":37,"translation":"37. Wayse beeniyeen, markaasaa waxaa qabtay dhul gariir daran (iyo qarax weyn), waxayna noqdeen kuwo (baqti) ah oo degaankooda daadsan."},{"id":38,"translation":"38.Oo (waxaan halaagnay) Caad iyo Thamuud. (Halaaggooduna) wuxuu idiinka muuqdaa guryahoodii. Wuxuu shaydaan u qurxiyey camalladoodii (xumaa) oo ka duway Jidka, inkastoo ay ahaayeen dad il bax ah [12].","footnotes":"[12]. Hadday waantoobayaan yacni waxay ahaayeen kuwo reer magaal ah leh aqoon hab agaasin ku dhisan oo loola jeedo in arrimaha adduunka baxaalligooda iyo salkooda la gaaro, si fiicanna dhulka loo camiro, oo saro dhaadheer loogaga dhiso, wax kastana maamul fiican loo sameeyo."},{"id":39,"translation":"39. Qaaruun, Fircoon iyo Haamaanna (waa la halaagay). Wuxuuna Muuse ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku kibreen arlada, mana aheyn kuwo ka baxsan kara (Cadaabkayaga)."},{"id":40,"translation":"40. Mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay denbigiisa, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran [13], waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn [14], waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka [15]; waxaana ka mid ahaa kuwo aan harqinnay [16]. Mana aheyn Alle inuu dulmiyey, iyagaase nafahooda dulminayay.","footnotes":"[13]. Oo dhagaxyo wadata sida qoonkii Luud.\n[14]. Sida Thamuud iyo qoonkii Shucayb.\n[15]. Sida Qaaruun.\n[16]. Qoonkii Nuux iyo Fircoon."},{"id":41,"translation":"41. Tusaalaha kuwa sameysta awliyo (ay caabudaan) Alle sokadi waa sida tusaalaha caadho taasoo yeelatay guri, waxaana ugu liita guryaha, guriga caadhada; hadday og yihiin."},{"id":42,"translation":"42. Hubaal, Alle wuu ogsoon yahay waxay baryaan Isaga sokadi. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah."},{"id":43,"translation":"43. Tusaalooyinkan waxaan u soo gudbinnaa dadka, cidise ma fahanto aan aheyn kuwa cilmiga leh."},{"id":44,"translation":"44. Alle wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamo mu'miniinta."},{"id":45,"translation":"45. Akhri (Nabi Muxammadow) waxa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka), oogna salaadda. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo munkarka (falalka la naco). Xusidda Alle baa xaqiiq weyn. Alle wuu Og yahay waxaad sameyneysaan."},{"id":46,"translation":"46. Ha la doodinina ehlu Kitaabka si wanaagsan maahee, marka laga reebo kuwooda dulmiga fala, dhahana: Waxaanu rumeysannahay waxa nalagu soo dejiyey iyo waxa la idinku soo dejiyey oo Waxyi ah; Ilaahayaga iyo Ilaahiinnuna waa Mid Keliya, innaguna Isagaan u hoggaansannahay."},{"id":47,"translation":"47. Sidaasaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka). Kuwa aanu siinnay Kitaabka (ee gartay) way rumeysan yihiin, kuwaana (Carabta iyo qeyrkoodba) waxaa ka mid ah kuwo rumeysan, mana diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada (macangagga ah)."},{"id":48,"translation":"48. Ma aadna akhriyin horti (Nabiyow) wax Kitaab ah, mana aad ku qorin gacantaada midig, markaas kuwa ehlu baadilka ahi way shakiyi lahaayeen."},{"id":49,"translation":"49. Waase Aayado cad cad Qur’aanku oo ku sugan laabaha kuwa la siiyey cilmiga. Ma diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn daalimiinta (gar ma qaatayaasha)."},{"id":50,"translation":"50. Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Maxaa calaamooyin (mucjisooyin) loogaga soo dejin waayey xagga Rabbigiis? Dheh: Calaamooyinka sideedaba waa uun xagga Alle, aniguse waxaan uun ahay dige cad."},{"id":51,"translation":"51. Miyaanay ku fillayn inaan kugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) loo akhriyo? Xaqiiq, arrinkani waxaa ugu sugan naxariis iyo waano ciddii rumayn."},{"id":52,"translation":"52. Dheh: Alle baa ku filan markhaati ahaan aniga iyo idinka noo dhexeeya. Wuxuu Ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. kuwase rumeysan waxyaalaha aan jirin ee beenta ah oo ku gaalooba Alle, waa kuwaa uun kuwa iyagu khasaari (ee ku dambeyn hoog iyo halaag)."},{"id":53,"translation":"53. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Wuxuuna ugu iman kedis iyagoo aan dareemayn."},{"id":54,"translation":"54. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada."},{"id":55,"translation":"55. Maalinta marka cadaabka ka dabooli (gaalada) dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, wuxuuna Alle ku odhan: Dhadhamiya waxaad camal xun fali jirteen."},{"id":56,"translation":"56. Addoomahayga (Xaqa) rumeeyow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda."},{"id":57,"translation":"57. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri. Xaggayagaana la idiin soo celin."},{"id":58,"translation":"58. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxaanu ka siin hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya weligood, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fiican fasha."},{"id":59,"translation":"59. Ee ah kuwa samra oo Rabbigood ku kalsoon oo tala saarta."},{"id":60,"translation":"60. Badanaa noole dhul socod ah oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Alle baa arsaaqa iyo idinkaba. Alle Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah."},{"id":61,"translation":"61. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?"},{"id":62,"translation":"62. Alle wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal, Alle wax walba wuu Ogsoon yahay."},{"id":63,"translation":"63. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa iska leh Allaah. Badankooduse wax ma gartaan."},{"id":64,"translation":"64. Ma aha noloshatan adduunku waxaan aheyn madaddaalo iyo ciyaar. Oo hubaal Daarta dambeysa - taasi weeyaan nolosha dhabta ah (ee waarista), waase hadday og yihiin."},{"id":65,"translation":"65. Markay koraan doonyaha, waxay baryaan Alle (Keliya), iyagoo u keli yeelaya cibaadada, markase uu nabad ku keeno barriga, markaasay u shariik yeelaan."},{"id":66,"translation":"66. Sidaasay uga abaal dhacaan waxaanu siinnay, sidaas darteed ha iska raaxeysteen [17], wayse ogaan doonaan (cidhibteeda).","footnotes":"[17]. Waxaa sidoo kale Aayadda loo fasiri karaa gooddin ahaan: “Ee ha ka abaal dhacaan waxa aanu siinnay oo ha iska raaxeystaan, wayse ogaan doonaan waxa ku dhaca."},{"id":67,"translation":"67. Miyeyna arkayn (gaaladii Quraysheed) inaanu yeellay (dejinnay) Xaram Aamin ah, halka dadka laga dafo hareerahooda [18]? Ee ma baadil (shirki) bay rumeyn, oo ku gaaloobi Nicmadda Alle (Towxiidka)?","footnotes":"[18]. Macnaha waa in la dilo oo loo soo qaato qafaal ahaan."},{"id":68,"translation":"68. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle ama beeniya Xaqa markuu u yimid? Miyaanay ahayn Naarta hoyga gaalada?"},{"id":69,"translation":"69. Kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga (diinta oo ku camal fala), waxaanu ku hanuunin Jidadkayaga (lagu nabad galo). Oo Alle wuxuu la jiraa sama falayaasha."}]},{"id":30,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif laam-miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda koowaad."},{"id":2,"translation":"2. Ruum waxaa lagaga adkaaday."},{"id":3,"translation":"3. Dhulka soke ee hooseeya (Shaam), iyaguna, kaddib markii laga adkaaday [2], way adkaan doonaan.","footnotes":"[2]. Waxaa ka adkaaday Furus. Furus ama Peershiya waa magacii hore ee loo yiqiin Iiraan."},{"id":4,"translation":"4. Dhowr sano gudahood, Amarka Alle baa iska leh hor iyo gadaalba. Maalintaasayna mu’miniintu ku farxi [3].","footnotes":"[3]. Guusha uu Alle siin ehlu kitaabka darteed, ay ka guuleysan Furuskii dab caabudka ahaa waagaas."},{"id":5,"translation":"5. Gargaarka Alle, wuxuu (Alle) u gargaaraa cidduu doono, waana Adkaadaha Sare, Naxariista Badan."},{"id":6,"translation":"6. Waa Ballan Alle, kama uu baxo Alle Ballankiisa, dadka badankiisuse ma oga."},{"id":7,"translation":"7. Waxay yaqaanaan (dadku) daahirka muuqaalka nolosha adduunkan, nolosha dambe se (Aakhirada) way moog yihiin."},{"id":8,"translation":"8. Miyeyna ka fakarin nafahooda: Alle uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo magacaaban? In badan oo dadka ka mid ahna waxay beeniyaan la kulanka Rabbigood."},{"id":9,"translation":"9. Miyeyna marin (gaalada) dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay (ee beeniyey Rusushii Alle)? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog iyo awood badan, waxay beerteen dhulka oo u dhiseen si ka badan siday kuwani u dhiseen, waxaana halkaa ula yimid xujooyin cad Rusushii loo soo diray. Alle ma aha mid dulmiya (dadka), iyaga baase nafahooda ku dulmiya (macaasi)."},{"id":10,"translation":"10. Markaasay noqotay cidhibtii kuwii xuma falay xumaan (Naar), beenintay Aayadaha Alle beeniyeen darteed, waxayna ahaayeen kuwo ku jees-jeesa."},{"id":11,"translation":"11. Alle baa billaabay uunka, haddana dib u soo nooleyn (dhimasho kaddib), Xaggiisaana la idiin soo celin."},{"id":12,"translation":"12. Maalintay dhici Saacadda (Qiyaame) way quusan denbiilayaashu."},{"id":13,"translation":"13. Ugama sugnaan wax shafeecayaal ah dhexdooda kuway (Alle) la wadaajiyeen (cibaadada), waxayna dafiri kuway Alle la wadaajiyeen (cibaadada)."},{"id":14,"translation":"14. Maalintay dhici Saacaddu waa Maalintay kala bixi (dadku)."},{"id":15,"translation":"15. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha falay, waxaa lagu maamuusi beer (Janno) gudaheed iyagoo faraxsan."},{"id":16,"translation":"16. Kuwase gaaloobay oo beeniyey Aayadahayaga iyo kulanka Aakhirada - kuwaa cadaabka ayaa lagu kulmin."},{"id":17,"translation":"17. Ee Xurmad weyneeya Alle oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) markaad galabsataan [4] iyo markaad waabariisataanba [5].","footnotes":"[4]. Salaadaha Maghribka iyo Cishaha. \n[5]. Salaadda Subax."},{"id":18,"translation":"18. (Alle) baana leh ammaan idilkeed iyo mahad samooyinka iyo arlada gudahood, oo mudan ammaan iyo mahdin Casarka iyo duhurnimadaba [6].","footnotes":"[6]. Salaadaha Duhurka iyo Casarka. Cashiyyan waxaa sidoo kale lagu fasiray habeenka waqtiga caweysinka - Cishaha."},{"id":19,"translation":"19. Wuxuu (Alle) ka soo saaraa wax nool wax dhintay, oo ka soo saaraa wax dhintay wax nool. Wuxuu nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Sidaasaa la idiin soo bixin (dhimasho kaddib)."},{"id":20,"translation":"20. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Alle ee muujinaya Awooddiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) inuu idinka abuuray carro, mise waxaad tihiin dad ku faafa arlada."},{"id":21,"translation":"21. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray nafahiinna lammaan idinla nooc ah si aad ugu xasishaan, Wuxuu dhexdiinna yeelay kalgacal iyo naxariis, hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri."},{"id":22,"translation":"22. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo kala duwanaanta carrabyadiinna iyo midabya- diinna. Hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin kuwa aqoonta leh."},{"id":23,"translation":"23. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa hurdadiinna habeenka iyo doonashadiinna Deeqdiisa maalinta. Xaqiiq Waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin ciddii wax maqli."},{"id":24,"translation":"24. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idin tusiyo hillaaca oo baqdin iyo rajoba leh, Wuxuu ka soo dejiyaa biyo (roob) daruuraha oo ku nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii wax fahmi."},{"id":25,"translation":"25. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inay samada iyo arlada ku taagan yihiin (jiraan) Amarkiisa, haddana markuu idiinka yeedho yeermo keliya dhulka, aad kolkiiba soo baxeysaan."},{"id":26,"translation":"26. (Alle) baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, kulligood Isagay u hoggaansan yihiin (oo adeecaan)."},{"id":27,"translation":"27. Waa Kan billaabay uunka, haddana soo nooleyn dhimasho kaddib, wayna u fududdahay arrintaasu. Isagaa iska leh sifooyinka sare samooyinka iyo arlada gudahooda. Waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah."},{"id":28,"translation":"28. Wuxuu idiin yeelay tusaale nafahiinna ah, miyey idinla wadaaagaan kuway midigtiinnu hanato waxa aan idin siinnay oo aad idinku u wada siman tihiin oo aad uga cabsataan sidaad isaga cabsataan intiinna xorta ahi? Sidaasaan ugu yeelnaa Aayadaha caddaan ciddii wax fahmi."},{"id":29,"translation":"29. Hase yeeshee, kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) waxay raacaan hawadooda cilmi la'aan, ee yaa hanuunin mid uu Alle lumiyo? Mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada)."},{"id":30,"translation":"30. Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Alle ku beeray dadka. Waa inaysan jirin beddelaad uunka Alle (iyo diintiisa), sidaa uu (kugu amray) baa ah Jidka Toosan, dadka badankiisuse ma ay oga."},{"id":31,"translation":"31. (idinkoo) Alle u noqon oo tawbad keen ah, dhowrana (amarradiisa), oo ooga salaadda, hana ka mid ahaannina Mushrikiinta."},{"id":32,"translation":"32. Kuwaasi kala qaybshay diintooda oo noqday kooxo, xizbi walbaa waxay haystaan [7] ay ku faraxsan yihiin.","footnotes":"[7]. Waxay heystaan oo caqiidooyin ah, caadooyin , dhaqammo, iwm."},{"id":33,"translation":"33. Markuu dhib taabto dadka, waxay baryaan Rabbigood iyagoo u soo noqodkiis badiya, markase uu ka dhadhansiiyo Xaggiissa Naxariis, mise qaarkood waxay billaabaan inay (cid kale) Rabbigood u shariig yeelaan oo la wadaajiyaan cibaadada."},{"id":34,"translation":"34. Si ay uga abaal dhacaan waxa aan siinnay. Iskase raaxeysta (xoogaa yar) waad ogaan doontaan (waxa idinku dhaca)."},{"id":35,"translation":"35. Mise waxaan ku soo dejinnay xujo cad, oo sheegi waxay Alle u shariig yeelaan?"},{"id":36,"translation":"36. Markaan dhadhsansiinno dadka Naxariis, way ku farxaan, haddayse soo gaarto xumaato ay sababtay waxay gacmahoodu horey u geysteen (oo denbiyo ah), mise wayba quustaan."},{"id":37,"translation":"37. Miyeyna arkayn inuu Alle u ballaariyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono).Waxaa arrinkani xaqiiq ugu sugan calaamooyin ciddii rumayn (Xaqa)."},{"id":38,"translation":"38. Ee sii kan qaraabada kula ah xaqiisa iyo miskiinka iyo tub socotada (go'doonsan). Sidaasaa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Alle, waana kuwaa liibaanayaasha."},{"id":39,"translation":"39. Waxaad bixisaan oo ribo ah, si aad uga badsataan maalka dadka [8], ma badnaado Alle agtiis; wixiise aad bixisaan oo sako [9] ah idinkoo doonaya Wejiga Alle, waa kuwaa kuwa heli ajar labo laab ah [10].","footnotes":"[8]. Weedhan waxay leedahay dhowr macne, waxaa ka mid ah macnooyinkaa: a) waxa loo bixiyo ribo ahaan ama kor saar b) waxa la bixiyo iyadoo lagu xiro shardi ah in la gudo iyadoo faa’ido la saartay ha yaraaato ama ha badnaatee faa’idadaa. Iyo c) inaad cid siiso hadiyad adigoo uga jeeda inaad ka hesho ciddaas aad hadiyadda siisay wax ka badan oo ka weyn hadiyadda aad siisay.\n[9]. Sakada halkan waxaa sidoo kale soo galaya sadaqada tabaruca ah aad Dar Alle ula baxdo. \n[10]. Waa loo labo jibbaaraa khayrka iyo barakooyinka lagu siiyo arlada iyo ajarka Aakhirada."},{"id":40,"translation":"40. Alle waa Kan idin abuuray, haddana idin irsaaqa, haddana idin dhinsiin, haddana idin soo nooleyn. Miyey jiraan kuwa aad Alle la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo ka hufan (xumaan), wuuna ka Sarreeyaa waxay u shariig yeelaan."},{"id":41,"translation":"41. Waxaa ka muuqday fasahaad barriga iyo badda waxay gacmahu dadku kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), si uu Alle u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in u soo noqdaan (Xaqa)."},{"id":42,"translation":"42. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta kuwii hore (ee beeniyey Xaqa). Waxay ahaayeen badankoodu gaalo mushrikiin ah."},{"id":43,"translation":"43. Ee u jeedi wejigaaga xagga diinta toosan (Islaamka) ka hor inta aysan ka imaan Alle Maalin aanu jirin qof celin kara. Maalintaasi dadku way kala bixi [11].","footnotes":"[11]. Waa la kala sooci kuwaa gali Jannada iyo kuwaa gali Naarta."},{"id":44,"translation":"44. Qofkii gaalooba (isaga bay dhibeysaa) gaalnimadiisu, qofkiise wanaag fala, Kuwaasu waxay u gogol dhigaan nafahooda meel san."},{"id":45,"translation":"45. Si uu Alle ugu abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala deeqdiisa; hubaal Alle ma uu jecla gaalada."},{"id":46,"translation":"46. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Alle ee muujinaya Weynidiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) inuu soo diro dabeylaha iyagoo ku bishaareyn (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan Deeqdiisa, inaad Alle ku mahdisaan."},{"id":47,"translation":"47. Waxaan dhab ahaan u soo dirnay hortaa Rusul xagga dadkoodii, markaasay ula yimaadeen Xujooyin cad cad, waana ka aarsannay kuwii denbi falay. Waa xaq na saaran u gargaarka mu’miniinta."},{"id":48,"translation":"48. Alle waa Kan soo dira dabeylaha, markaas kicisa daruur, uu ugu fidiyo cirka siduu doono, kana dhiga goosimo, oo aad aragto roobka oo ka soo dhex baxaya, markuu u shubo cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, mise way ku farxaan."},{"id":49,"translation":"49. Inkastoo ay ahaayeen ka hor intaan lagu soo di’in roobka wax yar horti, kuwo quus ka joogay."},{"id":50,"translation":"50. Ee fiiri raadadka Raxmadda Alle; siduu u nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal, Kaasi wuu soo nooleyn meytida. Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":51,"translation":"51. Haddaan ku dirno dabeyl daran (beertooda), oo ay arkaan iyadoo doorsoontay oo caddaatay, waxay markaas noqdaan kuwo ka abaal dhaca 'Alle' [12].","footnotes":"[12]. Ka abaal dhacaan galladihuu siiyey."},{"id":52,"translation":"52. Ee adigu (Nabiyow) wax ma maqashiin kartid maytida, mana maqashiin kartid kuwa dhegaha la’ dhawaaqa, markay tagaan oo dhabarka jeediyaan."},{"id":53,"translation":"53. Ma ka hanuunin kartid kuwa ka indha la’ (Xaqa) lunsanaantooda, cidna ma maqashiin kartid (Xaqa) aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga oo u hoggaansan (Muslimiimta ah)."},{"id":54,"translation":"54. Alle waa Kan idinka abuuray (xaalad) tabar yari, haddana baxshay xoog tabar yari kaddib, haddana qaddaray tabar yari iyo cirro xoog kaddib, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Waana Isaga wax kasta Ogsoonaha, wax walba Kara."},{"id":55,"translation":"55. Maalinta saacadda (Qiyaame) dhacdona, waxay ku dhaaran denbiilayaashu inaysan nagaanin waxaan ahayn saacad, sidaasay xaqa uga iishaan."},{"id":56,"translation":"56. Kuwa la siiyey Cilmiga iyo Iimaanka waxay odhan: Waxaad negaateen in waafaqsan Kitaabka (Qaddarka) Alle ilaa iyo maalinka isa soo Bixinta, marka kani waa Maalinkii isa soo bixinta, ma aydaanse ogeyn [13].","footnotes":"[13]. Macnaha waa ma aydaan rumeysneyn Xaqa."},{"id":57,"translation":"57. Maalinkaas (Qiyaamaha) ma anfacdo kuwii falay dulmiga (shirki iyo macaasi) cudur daarasho iyo tawbad keen midna."},{"id":58,"translation":"58. Waxaan ugu soo qaadannay dadka (nooc) kasta oo tusaale ah Qur’aankan gudahi, haddiise aad (Nabi Muxammadow) ula timaaddo calaamad, gaalada waxay hubaal odhan: Ma tihin idinku waxaan ahayn been ku doodayaal."},{"id":59,"translation":"59. Sidaasuu Alle u daboolaa quluubta kuwa aan wax ogeyn [14].","footnotes":"[14]. Waa kuwa aan dooneyn inay bartaan Xaqa oo ku dhaqmaan ee ka dhoohan."},{"id":60,"translation":"60. Ee samir yeelo, hubaal Ballanka Alle waa xaq, yeysanna ku liidsan kuwa aan (Aakhirada) yaqiinsaneyn (oo kaa dhigin mid aan ku sugnaan diintiisa)."}]},{"id":31,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif Laam Miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda badan [2].","footnotes":"[2]. Xakiim waa tilmaanta qofka warkiisa iyo ficilkiisa salka ku hayaan garasho iyo aragti dheer. waxaa loola jeedaa tilmaamaha doonista, hadaf yeelashada, war samida, falsamada, wax kala saaridda iyo xog ogaanta, aragti dheerida, abwaanka ah."},{"id":3,"translation":"3. Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha."},{"id":4,"translation":"4. Kuwa ooga salaadda, bixiyana Zakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan."},{"id":5,"translation":"5. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, waana kuwaa liibaanayaasha."},{"id":6,"translation":"6. Waxaa ka mid ah dadka mid gadan hadal uu isku maaweeliyo [3] si uu uga lumiyo (naftiisa iyo dadkaba) Jidka Alle (Islaamka) cilmi la'aan, oo ku jees-jeesa (diinta). Kuwaa waxay leeyihiin Cadaab Silcisa.","footnotes":"[3]. Hadalka maaweelada ah waxay culimadu qaar ku fasireen shirkiga, qaarna wararka dadka lagu lumiyo, heesaha anshax darrada ah, ama Miyuusigga ruxa dadka ee keena is walaaqa, waxaase dhab ahaan soo galaya hadalka maaweelada ah wax kasta oo dadka ka shuqliya Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka."},{"id":7,"translation":"7. Marka loo akhriyo Aayadahayaga (Qur’aanka), ka jeesta kibir darti, sida inaanu maqal, sidiiyoo uu qabo dhego culeys, ee ugu bishaaree Cadaab xanuun badan."},{"id":8,"translation":"8. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero barwaaqo ah 'Janno'."},{"id":9,"translation":"9. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, waa Ballan Alle oo Xaq ah. Alle waa Adkaadaha Sare , Xakiimka ah."},{"id":10,"translation":"10. Wuxuu abuuray samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, wuxuuna ku tuuray dhulka buuro sugan si aanu idiin la dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdeeda nafley nooc kasta leh. Waxaanu ka soo dejinnay biyo (roob) daruuraha, waxaana ku soo bixinnay (dhir) nooc kasta oo wanaagsan."},{"id":11,"translation":"11. Kani waa Abuurka Alle ee i tusa waxay abuureen kuwa sokadi (la caabudo). Mayee, dulmi (shirki iyo xume) falayaashu waxay ku jiraan habow cad."},{"id":12,"translation":"12. Waxaanu dhab ahaan siinnay Luqmaan Xikmad (oo aanu ku nidhi): Ku mahadi Alle. Qofkii ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiise (Alle) ka abaal dhaca, hubaal Alle waa Hodan, Ammaanan."},{"id":13,"translation":"13. (Xus) markuu Luqmaan ku yidhi wiilkiisa isagoo waaninaya: Maandhow! Ha u shariig yeelin Alle waxba. Shirkigu waa dulmi (gef) aad u Weyne [4].","footnotes":"[4]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Aayadda Qur'aanka ee leh: 'Aan ku dheehin iimaankooda dulmi (gef ama gardarro)\" loolama jeedo denbiyada yar yar ee dadku galaan ha ka galeen Alle ama iyaga ha iska galeene) waxaase loola jeedaa shirkiga, soo ma aydaan maqal Qowlka Alle : «Xaqiiq, shirkigu hubaal waa dulmi (gef) weyn. (W.w. Al-Bukhaari)."},{"id":14,"translation":"14. Waxaan ku faral yeelnay aadmiga inuu (daryeelo oo) baarri u ahaadolabadiisa waalid. Hooyadii waxay uur ku siddaa iyadoo tabar yar tabar yari kalena u dheer tahay, gudhinta naas nuujintiisuna waa labo sano dhexdood - ee ku mahadi Aniga iyo labadaada waalidba. Waa Xaggayga meel noqodka dambe."},{"id":15,"translation":"15. Hadday kugula dadaalaan (labadaada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso cid kale cibaadada) wax aad u cilmi lahayn, ha ku adeecin, kulase soco adduunkan si fiican, raacna jidka kan Aniga ii soo noqodka badiya. Waa Xaggeyga halka la idiin soo celin, markaas waxaan idiin sheegi waxaad fali jirteen."},{"id":16,"translation":"16. Maandhow! Hubaal hadday tahay (wax uun) le’eg iniin sisin, walowba xitaa ay ku jirto dhadhaab ama taal cirka kore ama dhulka hoose, Alle wuu keeni. Hubaal, Alle waa Dhimriye, Xog Ogaal ah Xeel Dheer."},{"id":17,"translation":"17. Maandhow! Oog salaadda oo amar samaanta oo reeb xumaanta oo u samir waxa kugu dhaca, hubaal umuurahan waxay rabaan geesinnimo lagu go’aan qaato."},{"id":18,"translation":"18. Ha ka jeedin wajigaaga dadka isla weyni darteed [5], hana ku marin dhulka is qaad qaad. Hubaal Alle ma jecla isla weyne walba oo faan badan.","footnotes":"[5]. Bal waxa la doonayo waa inaad qaddariso dadka oo ku soo qaabisho wejigaaga oo dhan adigoo muusoonaya muujinaya farxad, oo aad u dhageysato si baraarug leh adigoo aad u daneynaya waxa ay kuu sheegayaan oo ka kala goyneyn hadalka."},{"id":19,"translation":"19. Raac sida toosan ee dhexdhexaadka ah xagga socodkaaga, hoosna u dhig codkaaga. Hubaal, kan ugu xun codadka waa cida dameeraha."},{"id":20,"translation":"20. Miyeydaan arkayn inuu Alle idiin sakhiray wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo wax waliba oo ku sugan arlada, oo idiin taam yeelay Nicmooyinkiisa kuwo muuqda iyo kuwo qarsoonba? Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Alle isagoon u lahayn cilmi iyo hanuun iyo kitaab wax iftiimiya midna."},{"id":21,"translation":"21. Marka lagu yidhaahdona: Raaca waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah, Waxay yidhaahdaan: Mayee, waxaanu raacaynaa waxaanu ka hellay aabayaashayo. Ma xitaa hadduu shaydaan ugu yeedhayo cadaabka dabka huritaanka badan."},{"id":22,"translation":"22. Qofkii isu dhiiba isagoo dhan Alle (adeeca, baarri u ah) oo ah samo fale, wuxuu dhab ahaan qabsaday guntin adag (aan go'eyn - waa Tawxiidka). Alle baa loo celiyaa cidhibta arrimaha oo idil."},{"id":23,"translation":"23. Qofkii gaalooba yey ku murugo gelin gaalnimadiisu, waa Xaggayaga meel noqodkoodu, Waxaana u sheegi waxay faleen. Hubaal Alle waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka)."},{"id":24,"translation":"24. Waxaan u raaxeyn wax yar, markaasaan ku dirqin cadaab adag."},{"id":25,"translation":"25. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Badankooduse ma oga."},{"id":26,"translation":"26. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Hubaal, Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan."},{"id":27,"translation":"27. Hadday waxa dhulka ku sugan oo geedo ah qalimmo noqdaan, badduna (ku taakuleyso khad) iyadoo toddobo badood ay kaydsiinayaan, ma dhammaadeen Kelmedaha (amarrada) Alle. Hubaal, Alle waa Adkaade Sare, Xakiim ah."},{"id":28,"translation":"28. Ma aha abuuriddiinna iyo soo bixintiinnu idinkoo dhammi waxaan ahayn sida (abuuridda iyo soo bixinta) naf keliya. Hubaal, Alle waa Wax kasta Maqle, wax kasta Arka."},{"id":29,"translation":"29. Miyeydaan ogeyn in Alle habeenka dhex galiyo maalinta, maalintana dhex gasho habeenka (oo kala badiyo), Wuxuuna idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, uu mid walba ku roorayo waddadiisa ilaa muddo magacaaban; iyo in Alle waxaad fashaan Og yahay?"},{"id":30,"translation":"30. Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Alle uu Xaq yahay, waxa ka sokeeya ay baryaanna (caabudaan) uu baadil yahay, iyo inuu Alle yahay Sarreeyaha Weyn."},{"id":31,"translation":"31. Miyaadan ogeyn inay doomuhu ku dul maaxaan badda Nicmadda Alle [7], si uu idiin tusiyo wax ka mid ah Calaamooyinkiisa? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Calaamooyin samir badane kastoo, mahad naq badan.","footnotes":"[7]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Allahayow ma koobi karno nicmooyinka aad noo gashay iyo ammaantaada ee waa sida aad Adigu isu ammaantay.”"},{"id":32,"translation":"32. Markuu hir buuro la moodo uu daboolo (dadka), waxay baryaan Alle Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, waxaa ka mid ah mid dhexdhexeysan [8]. Ma diidona Aayadahayaga waxaan aheyn axdi laawe kastoo khaa’in ah, abaal dhac badan.","footnotes":"[8]. Muqtasid waxaa loola jeeedaa qofka aan ugu mahdin Alle oo u badhax tirin cibaadada si dhan oo kaamil ah ee istaagaa meel u dhexeysa Iimaan iyo gaalnimo."},{"id":33,"translation":"33. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin, oo ka baqa Maalin aanu waalid u geleyn wax abaal ah ilmihiisa, ilmuhuna u geleyn wax abaal ah waalid. Hubaal, Ballanka Alle waa Xaq, ee yeysan idin hodin nolosha Adduunku, yaanuna idinka hodin kan wax hoda (shaydaanka) xagga Alle."},{"id":34,"translation":"34. Hubaal Alle Keliya baa Og waqtiga Saacadda (Qiyaame dhaceyso), oo soo dejiya roobka, Wuxuu Og yahay waxa ku jira ilma galeennada [9]. Nafina ma oga waxay mudan berri [10], nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah 'Xeel Dheer' [11].","footnotes":"[9]. Wuxuu Ogsoon yahay waxa kasta oo ku saabsan ilmahaa yar hadday tahay markaasi iyo aayaha dambe waxa uu noqon. \n[10]. Dadku ma hubaan waxay fali doonaan berritoole ama ay kasban doonaan, iyadoo sidaas tahay waa inay dadaalaan oo doontaan waxa anfacaya if iyo Aakhiro. \n[11]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Shan Alle Keliya uun baa ogsoon: waqtiga Saacadda Qiyaame, Roobka kolkuu iman, waxa uurka ku jira, nafi waxay mudan waqtiga soo socda iyo nafi meel ay ku dhiman.”"}]},{"id":32,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alif laam-miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa xagga Rabbiga uumanka."},{"id":3,"translation":"3. Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Mayee! Waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qolo aanu dige u iman hortaa adiga (Nabi Muxammadow) si ay u hanuunaan."},{"id":4,"translation":"4. Alle waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix Maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga [2]. Ma lihidin Alle sokadi wax gargaare ah ama Shafeece. Ee miyeydaan waansameyn?","footnotes":"[2]. Istawaa waa ka kor ahaansho Carshiga, waana tilmaan waajib ah in la rumeeyo si ku habboon Weynida iyo Heybadda Alle iyo Awooddiisa."},{"id":5,"translation":"5. Wuxuu (Alle) agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah [3].","footnotes":"[3]. Waa arrinka ay soo qaadaan malaa’igta. Aayaddan waxay muujineysaa awoodda Alle iyo Weynidiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada."},{"id":6,"translation":"6. Kaasi waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha Sare, Naxariis Badnaha."},{"id":7,"translation":"7. Ee ah Kan u dhammeystiray wanaag wax kastuu abuuray, oo ka billaabay abuurista aadmiga dhoobo."},{"id":8,"translation":"8. Markaas ka dhigay tarankiisa miir biyo la liidsado."},{"id":9,"translation":"9. Markaas ka yeelay mid dhan oo ku afuufay wax ka mid ah Ruuxdiisa (uu u abuuray), oo idiin yeelay maqalka iyo aragga iyo kasha, wax yar baadse mahdisaan."},{"id":10,"translation":"10. Waxay (gaaladu) yidhahdaan: Ma markaan (dhiminno oo noqonno) kuwa ku baabba’a dhulka, miyaa noqon abuur cusub? Mayee’ waxayan rumeysneyn la Kulanka Rabbigood (ee Aakhirada)."},{"id":11,"translation":"11. Dheh: Waxaa idin oofsan Malakul mowd la idiin xil saaray, markaasaa xagga Rabbigiin la idin soo celin."},{"id":12,"translation":"12. Haddaad arki lahayd markay denbiila- yaashu hoos u rogi madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbigayow! Waan aragnay (Xaqa aan beenineynay) oo maqallay (waxay Rusushu la yimaadeen), ee dib noogu celi (adduunka), waxaanu fali camal san, haatan waanu yaqiinsannaye."},{"id":13,"translation":"13. Haddaan doonno waxaan siin laheyn naf walba hanuunkeeda, Qawl xaq ah baase horay iiga dhacay inaan ka buuxin Jahannama jinka iyo insiga (igu caasiya) dhammaan."},{"id":14,"translation":"14. Ee dhadhamiya, waayo waxaad illowdeen (dan u geli weydeen) la Kulanka Maalintiinnaan (Qiyaame), Annaguna waanu idin illoowi (oo idiinka tageynaa Naarta), dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinnii xumaa dartiis."},{"id":15,"translation":"15. Sideedaba waxaa rumeysan Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo, la dhaca sujuud [4] oo ku tasbiixsada Ammaanaha Rabbigood, oo aan iyagu is kibrinin.","footnotes":"[4]. Waxay u sujuudaan Alle si khushuuc leh. Waxaa sunno ah in lala yimaado sujuud tilaawa halkan hadduu qofku akhriyo ama maqlo Aayaddan oo kale."},{"id":16,"translation":"16. Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogollada jiifka, baryaan Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaba, waxaanu siinnayna wax ka bixiyaan (sadaqeystaan)."},{"id":17,"translation":"17. Ma oga nafi waxa loo qariyey (Jannada dhexdeeda) oo ay indho ku qabowsadaan, abaal marin awgeed waxay camal san falayeen."},{"id":18,"translation":"18. Ma mid mu'min ah baa la mid ah mid caasi ah? Ma ay sinna."},{"id":19,"translation":"19. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Beeraha barwaaqada ah (Jannada) waa hoygooda daa’inka ah, marti soor ahaan waxay camal san falayeen."},{"id":20,"translation":"20. Kuwase caasiyooba, hoygoodu waa Naar, markastoo ay doonaan inay ka soo baxaan waa lagu celin, waxaana lagu odhan: Dhadhamiya cadaabka Naarta aad beenin jirteen."},{"id":21,"translation":"21. Waxaanu dhadhansiineynaa cadaabka dhow [5] cadaabka weyn (ee Aakhiro) ka sokow, bal inay (u soo) noqdaan ( Xaqa oo tawbad keenaan).","footnotes":"[5]. Waa dhibaatooyinka iyo musiibadaha adduunka."},{"id":22,"translation":"22. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi oo ka jeesada? Waanu ka aarsan denbiilayaasha."},{"id":23,"translation":"23. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka [6], ee ha ka shakiyin la kulankiisa [7], Waxaana uga yeelnay (Tawraadda) hanuun reer Israa’iil.","footnotes":"[6]. Towraadda ee lagu soo dejiyey Nabi Muuse c.s., Qur’aankana waxaa lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w., waana u hanuun dhammaan ummadaha. \n[7]. La kulankii Nabi Muxammad s.c.w. uu la kulmay Nabi Muuse c.s. habeenkii Micraajka."},{"id":24,"translation":"24. Waxaanu ka yeellay qaar ka mid ah (ilmahii Israa’iil) hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markay samreen [8], waxayna ahaayeen kuwo yaqiinsan Aayadahayaga.","footnotes":"[8]. Markay ku samreen oogidda Xaqa iyo ku dhaqanki."},{"id":25,"translation":"25. Hubaal, Rabbigaa baa kala xukumi (mu'miniinta iyo gaalada) dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanayeen."},{"id":26,"translation":"26. Miyaanay u caddaan intaan hallignay hortood oo facyo ah oo ay guryahoodii maraan, hubaal arrinkaasi waxaa ku sugan calaamooyin. Ee miyaanay wax maqleyn?"},{"id":27,"translation":"27. Miyaanay arkayn inaanu u soo kaxeyno biyaha dhul abaar ah aan dhir laheyn, oo aan ka soo saarno sarac ay wax ka cunaan xoolahooda iyo nafahoodaba? Ee miyaanay wax arkeyn?"},{"id":28,"translation":"28. Waxay odhan: Waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan?"},{"id":29,"translation":"29. Dheh: Maalinta kala xukunku [9] ma anfaco gaalada iimaankoodu (markaas), lamana siiyo fursad (tawbad keen).","footnotes":"[9]. Maalinta kala baxa waa maalinta loo kala garsoori doono dadka oo dhan, waxaana loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha."},{"id":30,"translation":"30. Ee isaga jeeso oo sug [10], iyaguna (gaalada) waxay sugayaan (waxaad ku dambeysaan).","footnotes":"[10]. Nabi Muxmmad s.c.w. iyo mu’miniinta waxaa la amray inay ka sugaan guul xagga Alle iyo halaagga gaalada dulmiga badan gooray ahaataba."}]},{"id":33,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Nabiyow! Ku sugnow ka cabsashada Alle (iyo caabuddidi), ha adeecinna gaalada iyo munaafiqiinta. Hubaal, Alle waa wax kasta Ogsoone, Xikmad Badan."},{"id":2,"translation":"2. Raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa. Hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan."},{"id":3,"translation":"3. Oo talo saaro Alle, Alle ku Filan wakiil (taliye) ahaan."},{"id":4,"translation":"4. Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin, hooyooyinkiin oo kale [1], kamana uu dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen [2]. Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Alle wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka).","footnotes":"[1]. Waa ninka oo ku yidhaahda xaaskiisa waxaad iga tahay hooyaday oo kale, waxayna sidaas xaaska kaga noqoneysey ninkeeda xaaraan abadki. Waxaase lagu nasakhay Islaamka, waxayna xaaska u noqon xalaal kaddib markuu baxsho kafaaro gudka lagu xusay Suuradda 58: Aayadaha 3-4.\n[2]. Carruurta aad idinka koriseen oo dar yeesheen. Mowla waa addoonka la xoreeyey ama uu abbaankiisa ka dhigtay wiil uu dhalay ahaan, sida Saalim, wuxuu ka dhigtay Xudayfa wiilkiisa oo kale, waxaana loo yiqiin mowlaa Xudeyfa."},{"id":5,"translation":"5. Ugu abtiriya (ilmahaas aad soo korsateen uun) aabbayaashood dhalay, sidaasaa caddaaladsan Alle agtiisa. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, waa walaalihiin diinta iyo kuwaad ka xoreyseen addoonnimada 'aad xidhiidhka adag wadaagtaan iyo isu hiillinta,' kumana lihidin eed wixii gef idiinka dhaca, (waxaase eed ku leedihiin waxay) kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu [3]. Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[3]. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: “Alle kor ahaaye wuxuu ummaddan ka saamaxay wixii uga dhaca gef aan ula kac ahayn, hilmaanka, iyo wixii lagu qasbo.”"},{"id":6,"translation":"6.Nabiga isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda [4], xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale). Qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan oo xaq leh (dhaxalka) Kitaabka Alle xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) muhaajiriinta, in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka [5].","footnotes":"[4]. Nabiga s.c.w. baa sii mudan in la maqlo oo daacad loo ahaado. Mu’miniinta dhabta ahna waxay jecel yihiin Nabiga s.c.w. wax ka badan nafahooda arrin kasta oo la soo gudboonaada. \n[5]. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka. Waxaa halkan loola jeedaa siismada cidaan waraso ahayn in loo dardaarmo wax aan ka badneyn seddex meeloodoo meel dhaxalka laga tagey."},{"id":7,"translation":"7. (Xus Nabiyow) markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo adigaba, iyo Nuux, Ibraahiim, Muuse iyo Ciise - ina Maryam. Waxaan ka qaadnay ballan adag."},{"id":8,"translation":"8. Si uu (Alle) wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda [6], Wuxuuna u diyaariyey gaalada cadaab xanuun badan.","footnotes":"[6]. Si uu u weydiiyo Anbiyada waxa ay soo gaarsiiyeen dadkooda iyo sida loogu jawaabay. Runlowyada waxaa sidoo kale loola jeedi karaa kuwaasi rumeeyey dhambaalka ay soo gaarsiiyeen anbiyadooda oo sii gaarsiiyey dadka kale."},{"id":9,"translation":"9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Alle idiin galay markay idiin yimaadeen ciidammo [7], markaasaan ku dirnay dabeyl daran iyo ciidammo aydaan arag. Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.","footnotes":"[7]. Aayaddan waxay ka hadleysaa qisada axzaabtii, waana kooxo lagu jabiyey dagaalkii Godka, waayo waxay ka hor yimaadeen Alle iyo Rasuulkiisa. Waxaana loola jeedaa ciidammo aydan arkin malaa’igta, wuxuu Allaah u soo diray inay halaagaan cadowyadiisa."},{"id":10,"translation":"10. (Xusuusta) markay idiinkaga yimaadeen dushiinna iyo hoostiinnaba, indhuhuna iisheen, wadnayaashuna soo gaareen dhuumaha, oo aad billowdeen inaad ku malaysaan Alle malooyin (kala duwan)."},{"id":11,"translation":"11. Halkaas baa mu’miniinta lagu imtixaa- nay, oo la gilgilay gil-gilid daran."},{"id":12,"translation":"12. Markay munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka [8] yidhaaydeen: Alle iyo Rasuulkiisu waxa ay noo yabooheen waa waxaan waxba ka jirin oo hoditaan ah.","footnotes":"[8]. Iimaankoodu daciif yahay."},{"id":13,"translation":"13. Markay koox idinka mid ahi tidhi, Reer Yathribow [9]! Halkaan joogitaan idiin ma leh ee u noqda (xagga Madiina). Koox kalena oo ka mid ah idan weydiisteen Nabiga iyagoo leh: Guryahayagu waa baylah, mana ahayn baylah, ee waxay rabeen oo keliya inay cararaan.","footnotes":"[9]. Yathrib waa magacii hore ee loo yaqiin Madiinah ka hor imaanshaha Nabiga s.c.w."},{"id":14,"translation":"14. Haddii laga soo weerari lahaa Magaalada dhinacyadeeda, markaas laga dalbi lahaa (munaafiqiinta) fidno (inay gaaloobaan), horay bay ka yeeli lahaayeen, kamana labo laabeeyeen wax yar mooyee."},{"id":15,"translation":"15. Oo waxay horay axdi kula galeen Alle inaysan jeedineyn dhabarradooda (waqtiga dagaalka). Axdiga Alle waa mid lays weydiin."},{"id":16,"translation":"16. Dheh: Cararku wax idiin ma tarayo, haddaad ka carartaan geeri ama dil, markaas laydiin ku raaxeyn maayo (adduunka) in yar mooyaane."},{"id":17,"translation":"17. Dheh: Waa kuma kan idinka qaban kara Alle hadduu idinla doono dhibaato ama idinla doono naxariis [10]? Umana helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.","footnotes":"[10]. Waxaa loola jeedaa Yaa ka joojin kara Arrinka Alle inuu fulo."},{"id":18,"translation":"18. Alle dhab ahaan waa og yahay kuwa idinka mid ah ee ka reeba 'dadka jihaadka Jidka Alle' [11], iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya [12]; mana yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee [13].","footnotes":"[11]. Kuwa ka cesha dadka kale inay taageero siiyaan jihaadka oo garab istaagaan mujaahidiinta dagaalka.\n[12]. Halkii ay ku biiri lahaayeen.\n[13]. Markaasna waxay u baxaan ujeeddooyin kale sida aad maal heshaan, iwm."},{"id":19,"translation":"19. Ee bakhayllada ah xaggiinna [14], markase cabsi timaaddo waxaad arki iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin (Xaqa). Sidaa awgeed buu Alle u buriyey acmaashooda, arrinkaasina Alle wuu u fudud yahay.","footnotes":"[14]. Masuug badan waxaa loola jeedaa aan dooneyn inay siiyaan wax kaalmo ah hirgelinta diinta iyo jihaadka Jidka Alle."},{"id":20,"translation":"20. Waxay moodaan Axzaabtu inayan tegin [15], haddayna axzaabtu imaan 'mar kale' [16], waxay jeclaan lahaayeen in baadiyaha ay la jiraan reer miyiga oo halkaas ka weydiinayaan wararkiinna; hadday idin dhex joogi lahaayeenna ma ay dagaal galeen in yar ma’ahee.","footnotes":"[15]. Cabsidooda zaa’idka ah munaafiqiinta, kuwaasoo fulayo ah, marka ma rumeystaan in ciidammada cadowga la jebiyey. \n[16]. Dagaalkii Godka muslimiinta ma gelin dagaal, waayo Alle wuxuu soo diray dabeyl iyo malaa’ig kala firdhisay gaaladii."},{"id":21,"translation":"21. Waxaa idiinku sugan Rasuulka Alle tusaale wanaagsan [17] uu raaco mid kastoo rajeeya (la Kulanka) Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Alle in badan.","footnotes":"[17]. Nabiga s.c.w. waa tusaale lagu daydo oo la raaco xag kasta nolosha iyo xagga jihaadkaba."},{"id":22,"translation":"22. Markay Mu’minintu arkeen xizbiyadii (gaaladii isu soo baheystay) waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Alle iyo Rasuulkiisu noo yabooheen [18], Alle iyo Rasuulkiisuna run bay sheegeen, umana kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan.","footnotes":"[18]. Alle wuxuu u ballan qaaday Rasuulkiisa iyo mu’miniinta guul kaddib dhibka iyo shiddada. Waxaana la amray inay sugaan waxa uu Alle u yaboohay."},{"id":23,"translation":"23. Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheegay ballankay la galeen Alle, marka waxaa ka mid ah mid gutay waajibkiisii (oo shahiiday), waxaana ka mid ah mid weli sugaya; mana ayan beddelin (ballankay la galeen Alle) in yarba ha ahaatee."},{"id":24,"translation":"24. Waa si uu Alle uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta hadduu doono ama uga tawbad aqbalo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":25,"translation":"25. Wuxuu Alle dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; Alle baana ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan. Alle waa Xoog Badane, Adkaada."},{"id":26,"translation":"26. Wuxuu ka soo saarayna kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka [19] ee caawiyey (gaalada mushrikiinta ah) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, qaar (kalena) soo qafaalateen.","footnotes":"[19]. Waa Yuhuuddii Banii Quraydah ee uga baxay ballanka Muslimiinta."},{"id":27,"translation":"27. Wuxuu idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda [20] iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin [21]. Alle wax walba wuu Karaa.","footnotes":"[20]. Kaddib markay kala tageen kooxihii isa soo baheystey, wuxuu Alle amray Nabigiisa inay duullaan ku qaadaan banii Quraydah, qabiil Yahuud ah oo wax ka degganaa Madiinah oo kaga baxay Muslimiinta axdigii ay wada galeen, oo gacan siiyey cadowgooda, markaasay hareereeyeen, markaasaa la laayey wixii dagaal geli karay, oo la soo qafaashay haweenka iyo carruurtoodii. \n[21]. Arladaasoo ay galeen ciidanka Muslimiinta, oo ay ku furteen duullaamo xigay duullaankaa."},{"id":28,"translation":"28. Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddaad tihiin kuwo raba nolosha adduun- kan iyo quruxdeeda - kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin diri diritaan quruxsan."},{"id":29,"translation":"29. Haddaadse rabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro, hubaal Alle wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaalgud weyn (Janno)."},{"id":30,"translation":"30. Xaasaska Nabigow! Mid kastoo idinka mid ah oo la timaadda xumaan (macsi) cad, waxaa loo labolaabi cadaabka. Arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay."},{"id":31,"translation":"31. Tiise idinka mid ah ee adeecda Alle iyo Rasuulkiisa oo sama fasha, Waxaanu siin ajarkeeda labo jibbaar, waxaana u diyaarin- nay risiq sharaf leh (Jannada gudaheeda)."},{"id":32,"translation":"32. Xaasaska Nabigow! La mid ma tihin haweenka kale oo dhan, ee haddaad Alle ka cabsataan, ha ahaannina kuwo dabacsan oo nugul xagga hadal'kiinna' [22], si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin [23], ku hadlana hadal wanaagsan oo gar ah.","footnotes":"[22]. Waa hadalka ku xambaari kara dadka kale inay falaan fal aan wanaagsaneyn ama damac gelin kara. \n[23]. Qofka jecel xumaanta sida zinada iwm."},{"id":33,"translation":"33. Ku sugnaadana guryihiinna [24], hana muujinnina quruxdiinna sida ismuujintii iyo isbandhiggii jaahiliyaddii hore [25], oogana salaadda, oo bixiya Zakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa. Alle wuxuu rabaa uun inuu idinka fogeeyo fadarada (denbiga) Ehlu baytkow [26], iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan.","footnotes":"[24]. Waxaa la amray haweenka Nabiga s.c.w. oo haweenka kalena ay soo galayaan inay joogaan guryahooda oo ayan uga bixin waxaan ahayn dan bannaan.\n[25]. Jaahiliyaddii hore: Waxaa loola jeedaa gaalnimadii jirtey ka hor waqtiga Nabiga s.c.w., waxaa sidoo kale la yidhaahdaa jaahiliyad: macsida iyo denbiga la galo kaddib qaadashada Islaamka.\n[26]. Ahlul Bayt: Waxaa loo jeedaa xaasaska Nabiga s.c.w iyo qaraabadiisa soke."},{"id":34,"translation":"34. Oo dhaqan gasha waxa lagu akhriyo guryihiinna oo Aayadaha Alle ah iyo Xikmadda. Hubaal Alle waa Dhimriye, Xog Ogaal ah (Xeel Dheer)."},{"id":35,"translation":"35. Hubaal Muslimiinta iyo Muslimooyinka, mu’miniinta iyo mu’minooyinka, ragga Alle adeeca iyo haweenka Alle adeeca, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, ragga samra iyo haweenka samra, ragga u khushuuca (Alle) iyo dumarka u khushuuca, ragga wax sadaqeysta iyo haweenka wax sadaqeysta, ragga sooma iyo haweenka sooma iyo dhowrsanayaa- sha xafida xubnahooda gaarka ahi iyo dhowrsanooyinka, Alle xusayaasha in badan iyo (Alle) xusooyinka. Alle wuxuu u diyaariyey denbi dhaaf iyo abaalgud weyn."},{"id":36,"translation":"36. Kuma habboona nin mu’min ah ama haweeney mu'minad ah, markay Alle iyo Rasuulkiisu Arrin gooyaan inay yeeshaan talo goosi iskood ah. Qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, wuxuu lumay lumitaan cad."},{"id":37,"translation":"37. (Xusuuso, Nabiyow) markaad ku tidhi kan uu Alle u nicmeeyay [27] adiguna aad u nicmaysay: Heyso xaaskaaga, Alle ka cabso; waxaadna ku qarisay naftaada wuxuu Alle debedda keenayo, adigoo ka baqaya dadka, Alle baase mudan inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay) baan (Nabiyow) kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) xaasaska kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen 'oo iskood u fureen' [28]. Amarka Alle waa mid abad fula oo hirgala.","footnotes":"[27]. Waxay tilmaameysaa Addoonkii Nabiga s.c.w. uu xoreeyey, Zayd bin Xaarithah a.k.r. \n[28]. Arrinkani waa si loo caddeeyo in uu nimi guursan karo haweeney uu horey u qabay wiil uu soo korsaday ha yeeshee uusan dhalin."},{"id":38,"translation":"38. Ma aha Nabiga dushiisa wax dhib ah inuu falaa waxa Alle u banneeyey [29]. Waa jidkii Alle ee kuwii hore ee tegay. Amarka Alle waa qaddar horay ka fula.","footnotes":"[29]. Ama waxa uu u banneeyey inuu fali karo."},{"id":39,"translation":"39. (Waxaa ammaan mudan) kuwa gaarsiiya dadka Farriimaha Alle oo ka baqa [30], oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Alle ku filan xisaabiye ahaan.","footnotes":"[30]. Waa anbiyada Alle (Nabad korkooda ha ahaatee), iyaga kaddibna kuwa raaca Nabi Muxammad s.c.w. ee lagu khatimay anbiyada, kuwaasoo si daacadnimo ah Ilaahay darti Keliya u gaarsiiya Dhambaalka Alle dadka oo idil."},{"id":40,"translation":"40. Muxammad ma aha aabbaha qofna ka mid ah raggiina, waase Rasuul Alle iyo kan u dambeeyey ee lagu khatimay Nabiyada [31]. Alle wax walba wuu Og yahay.","footnotes":"[31]. Nabi Muxammad s.c.w. ma aha aabbaha nin ka mid ah asxaabta, sidaas awgeed Nabiga s.c.w. way u bannaaneyd inuu guursado Zaynab binti Jaxash a.k.r."},{"id":41,"translation":"41. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusa Alle xusid badan."},{"id":42,"translation":"42. Xurmad weyneeyana oo ka hufa (xumaan iyo nuqsaan) aroor iyo galabba."},{"id":43,"translation":"43. Waa Isaga 'Alle' Kan soo dira Barakooyinkiisa korkiinna [32], malaa’igtiisuna idiin duceyso, si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. (Alle) waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta.","footnotes":"[32]. Alle Subxaanahu watacaalaa wuu idin daryeelaa oo idiinku deeqaa Naxariistiisa. Macno kale oo zaa’id ah waxaa weeye Wuxuu Alle idinku ammaanaa kulanka sare ee malaa’igta dhexdooda."},{"id":44,"translation":"44. Bariidadoodu Maalintay (Alle) la Kulmi waa Salaam: Nabad ahaada; Wuxuuna u diyaariyey abaal gud sharaf badan (Janno)."},{"id":45,"translation":"45. Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, bishaareeye iyo dige ahaan [33].","footnotes":"[33]. Nabiga s.c.w. wuxuu ku odhan jirey asxaabtiisa: Bishaareeya, oo ha didinnina dadka, oo wax fududeeya oo ha adkeynina.”"},{"id":46,"translation":"46. Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeedha (dadka) xagga Alle si Idankiisa ah iyo nal ifi."},{"id":47,"translation":"47. Ugu bishaaree mu'miniinta inay xagga Alle ku leeyihiin deeq Weyn (beeraha Jannada)."},{"id":48,"translation":"48. Ha adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, oo talo saaro Alle. Ku Filan Alle wakiil ahaan."},{"id":49,"translation":"49. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad guursataan dumar mu’minaat ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax ciddo ah ay tirsan, ee siiya xoogaa sahay ah oo dira diritaan quruxsan."},{"id":50,"translation":"50. Nabiyow! Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda iyo kuwa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwa uu Alle kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdhaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah hadday u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan ognahay waxaan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":51,"translation":"51. Waad dib dhigi kartaa (Nabiyow) tii aad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa tii aad doonto, waadna soo dhoweyn kartaa tii aad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan dhammaantood waxaad siiso. Alle baa og waxa ku jira quluubtiinna. Alle waa wax kasta Oge, Dulqaad Badan."},{"id":52,"translation":"52. Kuuma bannaana (Nabiyow, guursiga) haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga (xaasaskaaga furto oo) ku beddalatid xaasas kale midna, xataa hadday quruxdoodu ku cajabiso marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Alle wuu u jeedaa wax walba."},{"id":53,"translation":"53. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryaha Nabiga in cunno la idiinku yeedho mooyee idinkoon sugeyn bislaadkeeda [34]. markase la idiin yeedho gala, markaad cuntaanna raashinka kala taga idinkoon sugeyn sheeko. Hubaal (arrin) kani waxay dhibi Nabiga, wuuse idinka xishoon (inuu idin bixiyo), Alle se kama xishoodo xaqa. Markaad weydiisanaysaan (haweenka Nabiga) wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin)kani baa u daahirnimo badan (u fiican) quluubtiinna iyo quluubtoodaba. Xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Alle iyo inaad guursataanba xaasaskiisa gadaashi marnaba. Hubaal (arrin)kani Alle xaggi waa wax Daran oo denbi weyn ah.","footnotes":"[34]. Aayaddan waxay reebtay inay saxaabada soo galaan guriga Nabiga s.c.w. iyagoo sugaya intay cuntada ka bislaato oo la kariyo.\nNabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddii laygu yeedho casumaad ah cudud waan ajiibayaa, haddiina la ii hadiyeeyo kolay ku tahay majin waan aqbalayaa, markaad se ka faaruqdaan wixii laydiinku yeedhay ka dul qaada qoyska guriga culeyska oo kala aada guryihiinna.”"},{"id":54,"translation":"54. Haddaad muujisaan wax ama qarisaan, hubaal Alle wax walba wuu Og yahay."},{"id":55,"translation":"55. Wax denbi ah kama soo gaadhayo (haweenka inaysan ka xijaaban) aabbayaashood [35] ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, iyo waxay gacantoodu midig hanato. Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa Mid wax waliba u jeeda oo arka.","footnotes":"[35]. Way u bannaan tahay haweeni inay uga hor muuqato kuwaasi aan gayin abadkood iyadoo aan xirneyn xijaab kaamil ah, iyo inay la keliyowdo. Labada waalid walaalahood (adeerradda iyo abtiyada) waxay soo galayaan aabbayaasha."},{"id":56,"translation":"56. Hubaal Alle iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga [36], ee kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan [37].","footnotes":"[36]. Ku sallinta uu Alle ku salliyo Nabigiisa waa inuu ammaano oo siiyo naxariistiisa oo barakeeyo, oo kor yeelo meeqaankiisa, salliga malaa’igtana waa inay u weydiiyaan denbi dhaaf Alle, tan mu’miniinta waa duco inuu Alle barakeeyo, u naxariisto. \n[37]. Inuu ka nabad ahaado xumaan kasta."},{"id":57,"translation":"57. Xaqiiq kuwa ku dhiba Alle (shirki, xume fal iyo hadal xun) Rasuulkiisana (qowl ama ficil) - Alle wuu nacladay adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna u diyaariyey Cadaab dulleysa."},{"id":58,"translation":"58. Kuwa ku dhibana mu’miniinta iyo mu’minaatka wax aanay muteysan, waxay dusha saarteen been abuurasho iyo denbi cad."},{"id":59,"translation":"59. Nabiyow! Ku dheh (oo amar) xaasas- kaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta inay isku dadaan xijaabkooda. (Arrin) kani baa roon oo wanaagsan si loogu aqoonsado, sidaas darteedna aan loo faduulin. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":60,"translation":"60. Haddayan munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka [38] iyo kuwa gilgili (wararka beenta ah ku faafiya) magaalada joojinin (waxay ku jiraan), waanu kugu salladi oo ka adkaan, markaas kugulama deris ahaanayaan in yar ma’ahee.","footnotes":"[38]. Waxaa loola jeedaa kuwaasi jecel falidda zinada ama xumaha la midka ah."},{"id":61,"translation":"61. Waa la nacladay, meel kastoo laga helo, waa la qab-qaban oo la layn leyn daran."},{"id":62,"translation":"62. Waa hannaankii Alle ee ku meel maray kuwii hore ee tagay, kamana heleysid hannaanka Alle wax is beddel ah."},{"id":63,"translation":"63. Dadku waxay wax kaa weydiin Saacad- da (Qiyaame goortay tahay), Dheh: Cilmi- geedu wuxuu la jiraa Alle. Miyaadse og tahay waa intaasoy Saacaddu dhowdahay."},{"id":64,"translation":"64. Hubaal Alle wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey Naar hur iyo olol badan."},{"id":65,"translation":"65. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heleyaan difaace iyo gargaare midna."},{"id":66,"translation":"66. Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi Naarta, waxay odhan: wayoo waye haddaanu adeeci lahayn Alle, adeecina lahayn Rasuulka."},{"id":67,"translation":"67. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii [39], oo naga lumiyeen Jidka (Toosan ee Islaamka).","footnotes":"[39]. Waxaa sidoo kale lagu fasiray: “Kuweenna noogu weyn ee madaxda noo ah (culimadeenna) iyo amiirradeenna”."},{"id":68,"translation":"68. Ee Rabbiyow sii cadaab labanlaab ah, nacladna naclad weyn."},{"id":69,"translation":"69. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Alle ka barii yeelay waxay ku sheegeen, wuxuuna Alle agtiis ku leeyahay weji (sharaf)."},{"id":70,"translation":"70. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra amarradiisa) kuna hadla hadal toosan (oo run ah)."},{"id":71,"translation":"71. Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, idiinna dhaafi dunuubtiinna. Qofkiina adeeca Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad), wuxuu liibaani liibaan weyn [40].","footnotes":"[40]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddaad heysato afar tilmaamood waxba kuuma dhimaan wixii ku dhaafa oo adduun ah: Dhowrista ammaanada, hadal run ah oo aad mar waliba ku hadasho, dabeecad san, iyo xalaal quudasho.”"},{"id":72,"translation":"72.Waxaan u soo bandhignay Amaanada samooyinka, arlada iyo buuraha, wayse ka cudur daarteen inay qaadaan oo ka baqeen 'Culeyska amaanada' [41]. Waxaase qaaday oo ku xil darrooday Aadmiga [42]. Waa dulmi badane, jahli badan.","footnotes":"[41]. Aqbalaadda waajibyada iyo xilalka iyo adeecidda Alle iyo Rusushiisa. \n[42]. Iyagoo u hanqal taagaya abaalgudkeeda, halka ay illoobaan ciqaabka gabidda qaadista xilka la saaray."},{"id":73,"translation":"73. Si uu Alle u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, ugana toobad aqbalo mu’miniinta iyo mu’minaatka [43]. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[43]. Waa sababta loogu oggolaaday dadka inay qaadaan amaanadaa."}]},{"id":34,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Isagaana (sidoo kale) mudan ammaan oo idil iyo mahad Aakhirada, Waana Xikmad Badanaha, Xog Ogaalka ah."},{"id":2,"translation":"2. Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa. Waana Naxariis Badanaha, Denbi Dhaafka Badan."},{"id":3,"translation":"3. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: \"Nooma imaaneyso Saacadda (Qiyaame). Dheh: \"Haayoo, Waa igu Rabbigay, way idiin iman. (Alle waa) Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon\". Kama qarsoona wax saxar le’eg (ama qudhaanjo) oo samada ama arlada yaal ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weyn, intuba waxay ku yaallaan Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka)."},{"id":4,"translation":"4. Si uu u abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, kuwaa waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo Risiq sharaf leh."},{"id":5,"translation":"5. Kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga [1] - kuwaa waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.","footnotes":"[1]. Inay qiimo dhimaan Aayadahaa oo ugu jeejeesaan si aan loo raacin Nabiga s.c.w."},{"id":6,"translation":"6. Kuwa la siiyey cilmiga waxay arkaan in Waxyiga lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq, wax ku hanuuniya Jidka (Alle) Adkaadaha Sare, Ammaanan."},{"id":7,"translation":"7. Kuwii gaaloobay waxay yidhaahdeen: Ma idin tusnaa nin idiin sheegi in markaad googo'daan googo’ dhan (oo carrada idin cunto) in la idin abuuri abuur cusub?."},{"id":8,"translation":"8. Ma Alle buu ka been sheegi mise jin baa ku jira? Mayee, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ku sugan yihiin cadaab iyo habow fog."},{"id":9,"translation":"9. Miyaanay arkayn waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo arlo ah? Haddaan doonno, waxaanu la goyn dhulka, ama waxaan ku soo rideynaa gabal cirka ah. Arrinkaasi waxaa ugu sugan calaamo addoon kastoo tawbad keen badan."},{"id":10,"translation":"10. Waxaanu dhab ahaan ka siinnay Daawuud deeq dheeraad ah Xaggayaga. (Waxaana nidhi), \"Buurahow, la qaada Alle ammaanka iyo xamdi naqa, iyo shimbirahowba. Waxaana u jilicinnay birta."},{"id":11,"translation":"11. 'Annagoo leh': Samee duruucda (jaakado bireedyada loo qaato dagaalka), hagaaji sameyntooda, samana fala. Hubaal Anigu waan Arkaa waxaad fashaan."},{"id":12,"translation":"12. Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabeysha [2], in bil loo socdo ku maraysay aroornimada (ilaa duhurka), in bil loo socdona ku maraysay (duhurka ilaa) galabnimada, Waxaana u dareerinnay il nuxaas (maar) ah. Waxaana ka mid ahaa jinka kuwo u shaqeynayey idanka Rabbigi, mid kastoona ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga (aan ku amarnay inay adeecaan Sulaymaan ah) Waxaanu dhadhansiin cadaabka gubashada.","footnotes":"[2]. Wuxuu Sulaymaan ku marayey safar subaxa ilaa duhurka masaafo dhan intay geelu u socdaan bil, sidoo kale wuxuu ku marayey duhurka ilaa gabbal dhaca masaafo le’eg inta geela u socdaan muddo bil ah."},{"id":13,"translation":"13. Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah [3] iyo taallooyin [4] iyo xeerooyin (ballaadhan) baraago oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo waaweyn aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Waa in yar addoomahayga mahad naqa badan.","footnotes":"[3]. Waxaa lagu fasiray saro dhaadheer, degaanno, ama masaajid lagu tukado.\n[4]. Sawirradaa taalooyinka ah aan xaaraan ahayn xagga sharcigoodii, waxaase lagu xaaraantinimeeyey sharciga Nabi Muxammad s.c.w."},{"id":14,"translation":"14. Markaan u qaddarnay dhimashada (Sulaymaan), ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa [5]. Markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in hadday og yihiin Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon) aanay ku negaadeen dhibka 'shaqadaa' [6].","footnotes":"[5]. Ushaashoo uu ku tiirsanaa waqtiga dhimashadiisa. Dhuur caso baa cuneysey usha ilaa ay dhacday sababta culeyskiisii oo ka tan batay awgeed.\n[6]. Waa shaqo adag. Aayaddani waxay daliil u tahay in jinku ayan wax ka ogeyn cilmi Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon) kaasoo uu Ogsoon yahay Alle Keliya."},{"id":15,"translation":"15. Waxaa ugu sugnaa (reer) Saba’ calaamad degaankoodii: labo Beerood ka xiga xagga midig iyo xagga bidix. (Waxaana lagu yidhi), \"Cuna risiqa Rabbigiin oo ku mahdiya. Beled wanaagsan iyo Rabbi Denbi Dhaaf Badan."},{"id":16,"translation":"16. Wayse ka jeesadeen 'xaqa' markaasaan ku soo dirnay Daad Weyn [7], oo ugu beddelnay halkii labadoodii beerood labo beerood oo soo saara midho xun oo qadhaadh iyo qoryo, iyo wax yaroo geedo gob ah.","footnotes":"[7]. Daadka weyn ee ku soo fatahay waxaa u sabab ahaa dumid ku yimid biyo xireenkii Ma’rab. Tafsiir kale waa daad aad u weyn oo qaaday."},{"id":17,"translation":"17. Sidaasaan ku abaal marinnay gaal- nimadoodii darteed; miyaan (sidaasoo kale) u abaal marinnaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan?"},{"id":18,"translation":"18. Waxaana yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda [8], waxaana qaddarnay socodkooda halkaa [9], (Annagoo ku nidhi): Ku socdaala habeenno iyo maalmoba idinkoo nabad ah\".","footnotes":"[8]. Dhulka Shaam ee barakada badan, iyo dhulalka ku hareersan waxaa loola jeedaa Yaman iyo Shaam (Suuriya, Lubnaan, Urdun, Falastiin), waxay dadku ku socdaalayeen si nabad ah maalin iyo habeenba dhib iyo shiddo la’aan iyagoon cidna joojineyn.\n[9]. Waxaan u yeelnay degaannada xiga masaafooyin la yaqaan si loogu sahlo musaafiriinta."},{"id":19,"translation":"19. Waxayse yidhaahdeen, \"Rabbigayow! Kala fogee safarka dhexdayada ah [10],\" oo dulmiyeen nafahooda, markaasaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn dhan. Hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan [11].","footnotes":"[10]. Waxaa dhacday in magaalooyinkaa dhowaa baabba’een, waxayna u dhoofeen meelo fog fog, taasoo keentay inay kor u dhigaan sicirka badeecada si ay u helaan faa’ido munaasib ah.\n[11]. Qisooyinka dadka waxaan ugu soo tebinnaa casharro iyo cibrad qaadasho ahaan."},{"id":20,"translation":"20. Waxaa dhab ahaan ku rumoobay Ibliis malihiisii [12], wayna raaceen [13], koox ka mid ah mu'miniinta mooyee.","footnotes":"[12]. Waa dadkii Saba ama dadka oo idil. \n[13]. Inay dadku u nugul yihiin dhumintiisa oo diyaar u yihiin."},{"id":21,"translation":"21. Kuma laha (Ibliis) wax awood ah dushooda [14], wax kalena uma aan yeelin sidaa (oo uguma salladin dadka) aan aheyn inay kala caddaato kan rumeyn Aakhirada iyo kan ka shakin. Rabbigaa waa Xafidaha wax kasta (abaal marinna qof walba).","footnotes":"[14]. Dadka uu ku qasbo inay raacaan, waase Xikmo Xaggayaga ah inaan ku imtixaano dadka waswaasinta sheydaan."},{"id":22,"translation":"22. Dheh: U yeedha kuwa aad sheegtaan (inay ilaahyo yihiin) Alle sokadi, kuma hantaan wax saxar le’eg (ama qudhaanjo yar) samooyinka ama arlada, kumana laha wax shirko (la wadaagid ah) dhexdooda midna, kumana laha (Alle) uunkiisa wax garab siiya (ugamana baahna)."},{"id":23,"translation":"23. Ma anfacdo shafeeco (Alle) Agtiisa, mid uu u idmo ma’ahee [15]. (Kuwaasna way sugaan) ilaa, marka laga faydo cabsida quluubtooda [16]: waxay odhan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan: Xaq. Waana Sarreeyaha, Weyn.","footnotes":"[15]. Aayaddani waxay muujineysaa inaysan cidna u shafeeci karin cid kale inuu Alle idmo maahee oo ka raalli yahay in loo shafeeco qofkaa, waana inay kan shafeecaya iyo kan loo shafeecayo ay ka baqaan Allaah oo rajeeyaan oo yihiin dad heystay towxiidka iyo sunnada. \n[16]. Waa quluubta malaa’igta ee loo oggolaan doono inay shafeecaan."},{"id":24,"translation":"24. Dheh: Yaa idinka irsaaqa samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Innaga ama idinkana mid uun baa hanuunsan ama ku sugan habow cad."},{"id":25,"translation":"25. Dheh: La idin weydiin maayo wax ku saabsan dunuubtayada, innagana nala weydiin maayo waxaad fashaan."},{"id":26,"translation":"26. Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori si xaq ah, waana Garsooraha weyn, wax kasta Og."},{"id":27,"translation":"27.Dheh: I tusa kuwa aad Alle la wadaajiseen shuruko ahaan cibaadada, mayee (ma jiraan cid wax la wadaagta), waase Alle (Keliya), Adkaadaha Sare, Xakiimka ah."},{"id":28,"translation":"28. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn dadka oo dhan bishaareeye iyo dige ahaan, dadku se badankoodu ma oga."},{"id":29,"translation":"29. Waxay odhan: Waa goorma yaboohaasi (soo bixinta Qiyaame) haddaad run sheegaysaan?"},{"id":30,"translation":"30. Dheh: Waqtiga la idiin qabtay waa Maalin aydaan saacad ka dib dhaceyn kana hor dhaceyn."},{"id":31,"translation":"31. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: \"Ma rumeyneyno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna (oo Kutub Alle ah)\". Haddaadse arki lahayd marka daalimiinta la soo hor joojin Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadalka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday (raciyadda) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Haddaydaan jirteen waxaan ahaan laheyn mu’miniin."},{"id":32,"translation":"32. Kuwii isla weynaa (madaxdii) waxay ku odhan kuwii la daciifsaday (raciyaddii): Ma innagaa iska kiin hortaagnay hanuunka kaddib markuu idiin yimid? Mayee’ idinka (naf ahaantiinna) ayaa ahaa denbiilayaal."},{"id":33,"translation":"33. Kuwii la daciifsaday (raciyaddii) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxdii): Mayee’ waa dabinkaad noo dhigeyseen habeen iyo maalinba, markaad na amarteen inaan ku gaalowno Alle oo u yeello shariigyo. Waxayna muujin qoomamo markay arkaan cadaabka, waxaanu u suri luqumaha kuwa gaaloobay mereegyo bir ah. Miyaa laga abaal marin (gaalada) waxay camal xun faleen mooyee?"},{"id":34,"translation":"34. Ma jirto magaalo aan u dirnay dige, oo aysan ladanayaasheedii odhan: Innagu waxa la idinla soo diray ku gaalownay."},{"id":35,"translation":"35. Waxayna yidhaahdeen: Innagaa idinka maal iyo awlaad badan, mana nihin kuwa la cadaabayo [17].","footnotes":"[17]. Waxaa hoda gaalada waxa uu Alle ku siiyey adduunka, waxayna moodaan inuu u naxariisan Aakhirada oo cadaabeyn."},{"id":36,"translation":"36. Dheh: Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), dadka badankiisuse ma oga."},{"id":37,"translation":"37. Ma aha maalkiinna iyo awlaaddiinna waxa noo kiin soo dhoweeya meeqaan ahaan, hase yeeshee qofkii (Xaqa) rumeeya oo sama fala, waa kuwan kuwa iska leh abaalmarin labolaab ah waxay camalsan faleen darteed, waxayna ku sugnaan iyagoo nabdoon rugaha ugu sarreeya (ee Jannada)."},{"id":38,"translation":"38. Kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga, kuwaas cadaabkaa la keeni."},{"id":39,"translation":"39. Dheh: Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo addoomahiisa ka mid ah, oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxaad bixisaanna oo wuxuun ah (sadaqo ah), wax ka khayr badan buu idin siin. Alle waa Kan u wanaagsan inta wax arsaaqda."},{"id":40,"translation":"40. (Xus) Maalinta markuu soo wada kulmin iyagoo dhan (gaalada), markaasuu ku odhan malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen?"},{"id":41,"translation":"41. Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh (Allow) oo ka hufan (xumaan iyo nuqsaan), Adiga ayaa ah Gargaarahayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen."},{"id":42,"translation":"42. Marka Maalintaa (Qiyaame) uma hana- nayo midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna,waxaanu ku odhan kuwaasi dulmiga (shirkiga iyo macaasida) falay: Dhadhami- ya Cadaabka Naarta aad beeninayseen."},{"id":43,"translation":"43. Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani (Muxammad) ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin Waxayna yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanku) wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Kuwa gaalada ahina waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimid: Kanu (Qur’aanku) ma aha waxaan ahayn sixir cad."},{"id":44,"translation":"44. Ma aanu siin wax Kutub (Xaggayaga) ah ay akhriyaan, umana aanu soo dirin hortaa wax dige ah."},{"id":45,"translation":"45. Kuwii ka horreeyey waxay beeniyeen (Xaqa), kuwanna (Nabiga beeniyey) ma gaadhin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Waxayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee buu mid daran u ahaa Ciqaabkeygii (aan ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey)."},{"id":46,"translation":"46. Dheh: Waxaan uun idinku waaninayaa mid keliya; inaad u kacdaan Alle Darti labo-labo iyo mid mid [18], markaas aad fekertaan: kuma jiro jin saaxiibkiin (Nabi Muxammad), waa oo keliya ka dige cadaab daran oo soo fool leh.","footnotes":"[18]. Labo labo iyo mid mid, sidaas awgeed hadduu la faqayo Alle, wuxuu u gudan si deggan oo wanaagsan."},{"id":47,"translation":"47. Dheh (Nabiyow): Waxaan idin weydiiyo oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin [19]. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Alle Keliya. Wax walbana Alle wuu u Jeedaa.","footnotes":"[19]. Rasuulka Alle s.c.w. kama dalbo wax abaal gud ah iyaga, ee wuxuu ka dalbaa inay rumeeyaan Alle oo camallo san fashaan, sidaasina iyagay khayr u tahay."},{"id":48,"translation":"48. Dheh: Rabbigay wuxuu soo diraa Xaqa (oo xumaanta ku tiraa), waa Ogsoonaha sare ee waxaan muuqan (Ghaybka)."},{"id":49,"translation":"49. Dheh: Xaqu (Qur’aanka) waa yimid, Baadilkuna (Ibliis) waxna ma abuuri karo mana soo nooleyn karo [20].","footnotes":"[20]. Weedhan waxaa laga qaadanayaa inuu baadilku si dhan u awood beelayo, macnaha waa in la tirtirayo baadilka oo gebigaba meesha laga saarayo. Marka uu xaqu hirgalo, baadilka wuu hoobtaa."},{"id":50,"translation":"50. Dheh: Haddaan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. haddaan hanuunana, waa sababta wuxuu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal waa wax kasta Maqle, aad u Dhow."},{"id":51,"translation":"51. Haddaad arki lahayd [21] markay (gaalada) noqon kuwo qarracansan, oo meelay u cararaan lahayn, waxaana laga soo qabqaban meel dhow.","footnotes":"[21]. Waxaad arki lahayd wax weyn."},{"id":52,"translation":"52. Waxay (markay arkaan cadaabka Aakhiro) odhan: Waanu rumeynay (haatan). Sidee bayse qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel fog (inay u soo laabtaan noloshii adduunka)?"},{"id":53,"translation":"53. Waxay dhab ahaan horey [22] ugu gaaloobeen (Xaqa), waxayna kaga sheegayeen been waxyaalaha aan muuqan ee Ghaybka ahaa xagga meel fog [23].","footnotes":"[22]. Noloshoodii hore ee arlada, ay ku heysteen fursad kasta, ha yeeshee hadda dhaaftay, waana fursad aan marnaba soo laabanayn. \n[23]. Af ahaan, iyagoo wax iska mala awaalayey, oo inkirayey Xaqa sida Aakhirada, Naarta, Jannada, Iska soo bixinta qubuuraha, iwm."},{"id":54,"translation":"54. Waase la kala ooday iyaga iyo waxay rabeen [24], sidii loo galay kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh.","footnotes":"[24]. Macnaha waa haleelidda iimaanka iyo waxa khayr ku jira iyo faa’idooyin aad u badan ama gelitaanka Jannada."}]},{"id":35,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa mudan Allaah, askumaha (abuuray) samooyinka iyo arlada, ka yeelay malaa’igta Rusul (farriin sidayaal ah) leh garbo (baalal ay ku duulaan), labo iyo saddex iyo afarba. Wuxuu ku kordhiyaa abuurista wuxuu doono. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa."},{"id":2,"translation":"2.Wax kastoo Alle u furo dadka oo Naxariis ah, ma jiro wax celin kara, wuxuu celiyana ma jiro wax soo diri kara Isaga kadambow. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah."},{"id":3,"translation":"3. Dadow! Xusuusnaada Nicamadda Alle dushiinna; Ma waxaa jira abuure kale aan ahayn Allaah oo idinka arsaaqa cirka iyo dhulka? Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. Ee xaggee baa la idiinka iilay?"},{"id":4,"translation":"4. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), waxaa la beeniyey Rusul kaa horreeyey. Alle baa loo celiyaa umuurahoo dhan."},{"id":5,"translation":"5. Dadow! Hubaal Ballanka Alle waa Xaq. Ee yeysan idin hodin noloshan soke ee adduunka, yuusanna kan hodista badan (shaydaanka) idinka hodin arrinka Alle."},{"id":6,"translation":"6. Xaqiiq, shaydaanku wuxuu idiin yahay cadow, ee idinkuna ka yeesha cadow. Wuxuu uun ugu yeedhaa Xisbigiisa inay ka mid noqdaan asxaabta Naarta hureysa."},{"id":7,"translation":"7. Kuwa gaalooba waxay leeyihiin cadaab daran; kuwase rumeeyey (Xaqa) oo samaha fala, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud Weyn (Janno)."},{"id":8,"translation":"8. Ma mid isaga loo qurxiyey camalkiisa xun, heer uu u arko wax wanaagsan (baa la siman mid isagu hanuunsan)? Alle wuxuu lumiyaa qofkuu doono, oo hanuuniyaa qofkuu doono, ee yeysan naftaadu ku tegin murugo dartood kuu qabata. Allaah wuu Ogsoon yahay waxay samayne."},{"id":9,"translation":"9. Allaah waa Kan soo dira dabeylaha ee kicisa daruur, oo aanu u kaxeyno beled dhintay (abaar ah), markaasaan ku noolaynaa arlada kaddib dhimashadeeda. Sidaas oo kale weeyaan soo Bixintiinna (Qiyaamada)."},{"id":10,"translation":"10. Qofkii raba sharaf (iyo cizo), Alle baa iska leh Sharaf iyo Cizoo dhan. Xaggiisay kor u aadaan weedhaha san oo idil, camalka sanna wuu kor yeelaa. Kuwase dhiga dabin ee xuma qoola waxay leeyihiin cadaab daran. Kuwaasu qorshahooda xun wuu iska baabbi’i."},{"id":11,"translation":"11. Alle wuxuu idinka abuuray carro, haddana dhibic mino ah, haddana wuxuu idinka yeelay lammaan (lab iyo dheddig); ma jirto dheddig uur qaadda, mana ku soo debed dhigto waxaan ahayn ogaalkiisa, mana jiro ku cimrigiisu la dheereeyo ama wax laga dhimo cimrigiisa oo aan dhammaan ku qornayn Kitaab (Looxa Maxfuudka). Hubaal arrinkaa waa mid Alle u Fudud."},{"id":12,"translation":"12. Ma aha isku mid labada badood, mid waa macaan lagu harraad baxo ay wanaagsan tahay cabbiddiisu, kan kalena waa milix lagu gubto dhanaankeeda daran awgi, mid walbaana oo ka mid ah waxaad ka cuntaan hilib cusub oo jileec ah (kalluun), oo waxaad kala soo baxdaan (badda) waxyaalo aad qurux u xidhataan. Waxaad arkaysaa doonyaha oo dhex maaxaya badda, si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad (Alle) ku mahdisaan."},{"id":13,"translation":"13. Wuxuu (Alle) habeenka dhex galiyaa maalinta, maalintana dhex galiyaa habeenka (macnaha kala badiyaa). Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walba uu ku socdo marriinkiisa muddo magacaaban. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin; Isagaa leh Boqortooyada (Runta ah), kuwase aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi ma hantaan xitaa xuub laf timireed."},{"id":14,"translation":"14. Haddaad u yeedhataan ma maqlaan ducadiinna, hadday idin maqli lahaa- yeenna ma idin ajiibeen. Maalinta Qiyaamahana way diidi shirkigiinna [1]. Ma jiro cid wax kuugu sheegi kartaa sida Midka ah Xog ogaal Xeel dheer (Alle).","footnotes":"[1]. Kuwa aad baridaan la jirka Alle oo aad caabuddaan."},{"id":15,"translation":"15. Dadow! Idinka weeye kuwa u baahan Alle. Alle waa Hodanka, Ammaanan."},{"id":16,"translation":"16. Hadduu doono, wuu idin tegsiin, oo keeni uun cusub."},{"id":17,"translation":"17. Waxnana kuma adka Alle."},{"id":18,"translation":"18. Nafna naf kale denbigeed ma qaaddo; haddii naf culaabeysan u yeedhato (mid kale inuu qaado) culayskeeda, waxba kama qaado, qaraaboba ha ahaadeene. Waxaad uun u digi kuwa ka baqa Rabbigood sir 'iyo saaqba' [2], oo ooga salaadda. Qofkii is daahiriya [3], naftiisu uun buu isu daahiriyey, waana Xagga Alle meesha loo socdaa (geeri dabadeed).","footnotes":"[2]. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Ghaybka –maqnaanta- halkan waxaa loola jeedaa marka uu qofku keli yahay aan la arkayn. \n[3]. Nabi Muxammad s.c.w. ma hanuunin karo mushrikiinta quluubtooda ka xidhan yahay iimaanka aan iyagu dooneyn hanuunka oo dan ka lahayn."},{"id":19,"translation":"19. Ma sinna indhoolaha iyo mid wax arka."},{"id":20,"translation":"20. Iyo mugdiyada iyo nuurka."},{"id":21,"translation":"21. Iyo harka iyo kuleylka [4].","footnotes":"[4]. Kuleylka qorraxda ama hanfiga dabeysha kulul."},{"id":22,"translation":"22. Ma sinna kuwa nool iyo kuwa meydka ah [5]. Alle Wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono [6], adiguna wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha.","footnotes":"[5]. Waa tusaalaha ay kala leeyihiin mu’minka iyo gaalka, noocyada kala duwan ee gaalnimada iyo iimaanka runta ah, Jannada iyo Naarta, hanuunka iyo habowga. \n[6]. Alle wuxuu hanuuniyaa qofkuu doono, oo maqashiiyaa Xaqa qofkuu doono."},{"id":23,"translation":"23. Adigu (Nabi Muxammadow) ma tihid waxaan ahayn dige."},{"id":24,"translation":"24. Waxaan kula soo dirnay (Nabiyow) Xaqa bishaareeye iyo dige ahaan. Ma jirto ummad aanu soo marin dige."},{"id":25,"translation":"25. Hadday ku beeeniyaan, waxaa sidoo kale beeniyey kuwii ka horreeyey; Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad iyo Qoraallo iyo kitaab iftiimaya."},{"id":26,"translation":"26. Markaasaan qabtay gaaladii, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey)."},{"id":27,"translation":"27. Miyaadan arag in Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas aanu ku soo saarno midho midabbo kala duwan leh. Buuraha waxaa ka mid ah kuwo leh diillimo cad cad iyo kuwo casaan ah oo midabbo kala duwan iyo kuwo madow daran ah."},{"id":28,"translation":"28. Dadka iyo nafleyda dhul ku socotada ah iyo xoolaha daaqana waa kuwo kala midab duwan sidoo kale. Sideedaba waxaa uun ka baqa Alle kuwa cilmiga leh ee ka mid ah addoomahiisa. Hubaal Alle waa Adkaade, Denbi Dhaaf Badan."},{"id":29,"translation":"29. Hubaal kuwa akhriya Kitaabka Alle oo ooga salaadda, oo wax ka bixiya 'sadaqo ahaan' waxaan siinnay sir iyo caddaanba, waxay rajeeyaan ganacsi la hubo faa’ideeda aan weligeed baareyn."},{"id":30,"translation":"30. Si uu Alle ugu gudo si dhan ujuura- doodii, waxna uga ziyaadiyo Deeqdiisa. Hubaal, Alle Waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin badan."},{"id":31,"translation":"31. Kaan kuu waxyoonnay (Nabiyow) ee Kitaabka 'Qur'aanka' ah waa Xaq rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah). Hubaal, Alle addoomahiisa wuu ka War Qabaa, Arkaa."},{"id":32,"translation":"32. Kaddib waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwa aan doorannay oo addoomahayaga ka mid ah. Waxaa ka mid ah mid dulmiya naftiisa [7], iyo mid dhexdhexeysta [8], iyo mid u dheereeya khayrka Idanka Alle [9]. Kaa weeye Fadliga Weyn.","footnotes":"[7]. Qofka dulmiya naftiisa waa qofkay khaladaadkiisa ka badan yihiin saxiisa.\n[8]. Muqtasidna oo ah midka dhexdhexysta waa qofkay camalladiisa wanaagsan le’eg yihiin camalladiisa xun.\n[9]. Qofka u dheereeya khayraadkana waa qofka ay acmaashiisa san badan yihiin ."},{"id":33,"translation":"33. Jannooyin cadni (beero lagu waari) bay geli, waxaa lagu qurxin inay xidhaan gudaheeda jinjimooyin dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xariir."},{"id":34,"translation":"34. Waxay odhan: Ammaan (oo dhan) iyo mahad waxaa leh Allaah, ee naga tagsiiyey murugo (oo dhan). Hubaal Rabbigayo waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan."},{"id":35,"translation":"35. Kan nagu dejiyey Daarta Negaadeysa (Jannada) Fadligiisa; nagu taaban maayo dhexdeeda dhibi, naguna taaban maayo daal."},{"id":36,"translation":"36. Kuwase gaalooba abaalkooda waa Naarta Jahannama. Laguma xukumo geeri si ay u dhintaan, lagamana khafiifiyo cadaabkeeda. Sidaas baan ku abaal marinnaa mid kastoo gaalnimo badan."},{"id":37,"translation":"37. Waxay ku qeyliyi dhexdeeda: Rabbiyow! Naga saar (halkan Naarta), waxaanu fali camal san aan aheyn kaan horay u fali jirnay. (Waxaa lagu odhan): Miyaanaan idin cimri siin in ku filan inuu ku waantoobo qofkii waansami [10]? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhamiya (Naarta), waayo daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).","footnotes":"[10]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle waa u dhammeystiray cudur daar qofkii uu dib u dhigay ilaa uu ka gaaro lixdan sano.”"},{"id":38,"translation":"38. Hubaal, Alle waa Ogsoonaha waxa ku qarsoon aan muuqan cirarka iyo dhulka gudahooda. Hubaal waa Isaga Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka)."},{"id":39,"translation":"39. Waa Isaga 'Alle' Kan idinka dhigay kuwo dhulka ku tarma ee isaga dambeeya, ee qofkii gaalooba isagay u daran tahay gaalnimadiisu. Uma kordhiso gaalada gaalnimadooda Rabbigood agtiis waxaan nac aheyn, oo uma kordhiso gaalada gaalnimadooda waxaan khasaaro aheyn."},{"id":40,"translation":"40. Dheh: Bal ka warrama ilaahyada aad (Alle) shurukada uga dhigtaan, kuwaasoo aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi, i tusa wax arlada ka mid ah ay abuureen, mise ma waxay ku leeyihiin wax saami ah samooyinka? Mise ma waxaan siinnay Kitaab sidaa awgeed ay raacaan xujo cad Xaggiisa ah? Mayee’ daalimiinta uma ballan qaadaan qaarkoodba qaar kale waxaan uun hoditaan aheyn."},{"id":41,"translation":"41. Alle baa ka haya samooyinka iyo arlada inay ka gilgashaan (tagaan) halkooda, hadday gilgashaanna, ma jiro mid qaban kara oo Isaga ka dambeeya. Hubaal Alle waa Dul-qaadasho Badne, Denbi Dhaaf Badan."},{"id":42,"translation":"42. Waxay ku dhaarteen Alle kan ugu culus dhaarahooda; in hadduu u yimaado dige ay ahaanayaan kuwa ka sii hanuunsan ummadahii kale oo dhan (ee ka horreeyey), markase uu u yimid dige (Nabi Muxammad), uma kordhin waxaan didmo aheyn."},{"id":43,"translation":"43. Isla weyni ay ku kibraan arlada iyo sameyn dhagar xun. Dhagarta xumina kuma dhacdo cidna aan ahayn kuwa soo abaabula. Ma waxay sugayaan wax kale aan aheyn waddadii (aayihii) kuwii hore? Ma heleysid wax beddela Xeerka Alle; mana heleysid wax wareejiya Xeerka Alle."},{"id":44,"translation":"44. Miyaanay marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey (ee beeniyey Rusushii Alle), kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan? Ma jiro wax Alle ka baxsan kara oo jooga samooyinka ama arlada midna. Hubaal Alle waa wax kasta Oge, wax walba Kara."},{"id":45,"translation":"45. Hadduu Alle u qaban lahaa dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), kagama tageen (arlada) korkeeda nafley dhul ku socod ah, wuxuuse u dib dhigaa ilaa muddo magacaaban, markase uu ajalkooda yimaado, hubaal Alle wuu arkaa xaalka addoomahiisa ."}]},{"id":36,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Yaasiin [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1"},{"id":2,"translation":"2. Waxaan ku dhaartay Qur’aanka, Xikmadda Badan."},{"id":3,"translation":"3. Hubaal adigu (Muxammadow) waxaad ka mid tahay (Rususha Alle) soo diray."},{"id":4,"translation":"4. Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan."},{"id":5,"translation":"5. (Qur’aankani waa) Waxyi ka soo degay (xagga Alle) Adkaadaha, Naxariista Badan."},{"id":6,"translation":"6. Inaad u digto qolo aan aabbayaashood loo digin, ee iyagu ah kuwo dhoohan."},{"id":7,"translation":"7. Waxaa dhab ahaan ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeeyaan (Xaqa)."},{"id":8,"translation":"8. (Waa sida) inaan yeelnay mareegyo bir ah luqumahooda oo gaadha ilaa gararkooda, sidaa awgeed madaxyadooda kor u taagan yihiin [2].","footnotes":"[2]. Marka way ka xidhan yihiin khayr oo dhan, Xaqana ma arkaan."},{"id":9,"translation":"9. Waxaan yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, waana arag daboolnay marka ma arkaan (Xaqa)."},{"id":10,"translation":"10. Waa isugu mid haddaad u digto ama aad u digin, (marna) ma rumeeyaan (Xaqa)."},{"id":11,"translation":"11.Waxaad uun u digi (oo ay anfaci digadu) kan raaca Qur’aanka oo ka baqa Raxmaan- ka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree denbi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh (Janno)."},{"id":12,"translation":"12. Xaqiiq waa Annaga kuwa nooleyn meytida, oo qora waxay hormarsadaan iyo raadadkoodaba (waxay gadaal uga soo tagaan khayr ama shar). Wax walba waxaynu ku koobnay [3] (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka).","footnotes":"[3]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofka markuu dhinto wuu go’aa camalkiisu seddex mooyee: Cilmi lagu intifaaco, ilmo wanaagsan oo u soo duceeya iyo sadaqo u socota (waqaf)”."},{"id":13,"translation":"13. Waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markay u yimaadeen Rusushii (loo soo diray)."},{"id":14,"translation":"14. Markaan u dirnay Xaggooda labo (xertii Ciise ah), markaasay labadiiba beeniyeen, markaasaan ku xoojinnay mid seddexaad, waxayna yidhaahdeen: Waxaanu nahay Rusul xaggiinna loo soo diray."},{"id":15,"translation":"15.Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan ahayn dad nala mid ah, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan."},{"id":16,"translation":"16. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Rabbigayo waa Og yahay inaan nahay Rusul xaggiinna loo soo diray."},{"id":17,"translation":"17. Nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Diinta Alle - Islaamka)."},{"id":18,"translation":"18. Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Waan idin shareysannay, haddaydaan joojin (waxaad waddaan), waan idin dhagaxyeyn waxaana idinka taaban xaggayaga cadaab xanuun badan."},{"id":19,"translation":"19. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin (waana sababta shirkigiinna iyo xume falkiinna), ma in la idin waaniyey darteed [4]? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudub badan.","footnotes":"[4]. Gooddinta aad noo gooddineysaan ma waxaa u sabab ah inaan wax xaq ah idiin sheegno oo idinku waaninno."},{"id":20,"translation":"20. Waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin rooraya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha;"},{"id":21,"translation":"21. Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo hanuunsan."},{"id":22,"translation":"22. Maxaan u caabudeynin (Alle Keliya) ee ah kan i abuuray? Xaggiisaana la idin soo celin."},{"id":23,"translation":"23. Ma waxaan yeeshaa (Alle) sokadi ilaahyo (kale), hadduu Raxmaanku (Alle) ila doono dhibaato, ayan i tareyn garab siintoodu waxba, oo aan awoodinba inay i badbaadiyaan?"},{"id":24,"translation":"24. Markaa xaqiiq waxaan ku suganahay habow cad."},{"id":25,"translation":"25. Hubaal anigu waxaan rumeeyey Rabbigiin, ee i maqla."},{"id":26,"translation":"26. Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan [5].","footnotes":"[5]. Ninkaa waxaa la odhan jirey Xabiib oo ahaa geed qore, sidaas darteed baa waxaa loo yiqiin Xabiib Al-Najjaar. Inta aysan nafta ka bixin waxaa soo degay malaa’ig ugu bishaaraysay in loo dhaafay dhammaan dunuubtiisa oo uu geli doono Jannada. Magaaladaas waxay ahayd Antaakiya."},{"id":27,"translation":"27. Sida Rabbigay iigu denbi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay!"},{"id":28,"translation":"28. Kuma aanu soo dejin qolodiisii gadaashi wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas."},{"id":29,"translation":"29. Waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaasay wada baseen."},{"id":30,"translation":"30. Maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada aanay ku jeesjeesin."},{"id":31,"translation":"31. Miyeyna ogaan intee baan facyo halaagnay hortood, aan xaggooda u soo noqonayn?"},{"id":32,"translation":"32. Kulligoodna iyagoo dhan Hortayadaa la keeni."},{"id":33,"translation":"33. Waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah aanu nooleyno, kana soo saarno hadhuudh ay wax ka cunaan."},{"id":34,"translation":"34. Waxaana yeellay dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo ka burqinnay dhexdeeda ilo (biyo ah)."},{"id":35,"translation":"35. Si ay wax uga cunaan midhahiisa, mana ayan sameyn gacmahoodu [6]. Ee Ma waysan (Alle u) mahad naqeyn?","footnotes":"[6]. Macno kale: Waa inay wax ka cunaan waxa ay gacmahoodu faleen (beereen oo soo goosteen). Labada macnoba waa sax."},{"id":36,"translation":"36. Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (xumaan, Alle ee) abuuray noocyada dhammaan wuxuu dhulka soo saaro, iyo nafahooda iyo waxa aysan ogayn."},{"id":37,"translation":"37. waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, aan ka soo saarno maalinta, oo markaas ay mugdi galaan."},{"id":38,"translation":"38. Qorraxdu waxay ku oroddaa rugo ay leedahay. (Arrin)kaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah."},{"id":39,"translation":"39. Dayaxa waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday."},{"id":40,"translation":"40. Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hor maro maalinta. Dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi."},{"id":41,"translation":"41. Waxaa Calaamo ugu filan inaan ku qaadnay ubadkoodii [7] Doonidii buuxday.","footnotes":"[7]. Weedha durriyad halkan waxaa loola jeedaa fir (waa inay yihiin firkii Nuux) ee laga badbaadshay daadkii weynaa ee lagu halaagay qoonkii Nuux."},{"id":42,"translation":"42. Waxaana uga abuurnay wax caynkeed ah waxay fuulaan."},{"id":43,"translation":"43. Haddaan doonnona waanu harqin, markaa ma helaan wax u soo gurmada, lamana badbaadiyo."},{"id":44,"translation":"44. Naxariis Xaggayaga ah mooyee iyo raaxo ilaa muddo ah."},{"id":45,"translation":"45. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna [8] si la idiinkugu naxariisto 'ma maqlaan' [9].","footnotes":"[8]. Waxaa loola jeedaa Aakhirada iyo cadaabkeeda iyo adduunka iyo xaaladahiisa kala duwan. \n[9]. Macnaha way iska dhego tiraan waanooyinka oo dan u geli waayaan digniinaha."},{"id":46,"translation":"46. Uma timaaddo calaamad ka mid ah calaamooyinka Rabbigood, wayse ka sii jeesadaan."},{"id":47,"translation":"47. Marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Alle idinku irsaaqay, kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey: Ma waxaan quudinnaa`mid hadduu doono Alle uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow cad."},{"id":48,"translation":"48.Waxay (gaaladu) odhan: Goormay gooddintani fuli, haddaad run sheegaysaan?"},{"id":49,"translation":"49. Ma sugayaan (gaaladu) wax kale aan aheyn hal Qaylo [10], qabaneysa iyagoo murmi.","footnotes":"[10]. Erey ahaan macnaha waa dhawaaq ama qeylo daran, waxaana loola jeedaa afuufka koowaad ee Buunka uu dhiman noole kasta oo dhulka jooga digniin hore la’aan."},{"id":50,"translation":"50. Markaas ma karaan dardaaran, ehelkoodiina uma soo noqdaan."},{"id":51,"translation":"51. Buunkaa la aafuufi [11], mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood.","footnotes":"[11]. Waxaa loola jeedaa afuufka labaad ee Buunka, markaasoo ay ka soo bixi doonaan qubuuraha iyagoo la soo nooleeyey."},{"id":52,"translation":"52. Waxay odhan: Hoognaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? (Waxaa lagu odhan): Kanu waa wuxuu Raxmaan- ku ballan qaaday, Rusushuna run bay sheegeen."},{"id":53,"translation":"53. Ma ahaaneyso wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dham- \n maan ahaan kuwo Hortayada la keeno."},{"id":54,"translation":"54. Marka Maanta (Qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, la idinkana abaal marin maayo waxaad camal fasheen mooyee."},{"id":55,"translation":"55. Hubaal ehlu-jannuhu, waxay maalintaas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi xaasaskooda) iyagoo faraxsan."},{"id":56,"translation":"56. Iyaga iyo xaasaskoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku dangiigsanaan sariiro sare."},{"id":57,"translation":"57. Waxay ku lahaan midho gudaheeda waxayna lahaan waxay doonaanba."},{"id":58,"translation":"58. Salaam (Nabad ahaada): waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye)."},{"id":59,"translation":"59. Soocma maanta denbiilayaashow [12]!","footnotes":"[12]. Waa ka baxa safka mu’miniinta oo gooni u istaaga si la idiinka garto iyaga."},{"id":60,"translation":"60. Miyaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad."},{"id":61,"translation":"61. Iyo inaad i caabudaan Aniga (Allaah Keliya) wa kaa Jidka Toosane."},{"id":62,"translation":"62. Wuxuu (Shaydaan) dhab ahaan habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Ee miyeydaan aheyn kuwo wax garta?"},{"id":63,"translation":"63. Waa tan Jahannamadii la idiinku gooddinayey."},{"id":64,"translation":"64. Ee gala oo ku gubta (Naarta) maanta gaalnimadiinnii darteed."},{"id":65,"translation":"65. Maanta Waxaynu dabooli afafkooda, waxaa nala hadli gacmahooda, waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasbadeen (oo denbiyo ah darteed)."},{"id":66,"translation":"66. Haddaan doonno, waxaan malaasay- naa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan [13]?","footnotes":"[13]. Alle s.w.t. wuu kaga tegi karay aadmiga hanuunin la’aan nolosha adduunkan, ha yeeshee ma uusan yeelin sidaas Naxariistiisa awgeed."},{"id":67,"translation":"67. Haddaan doonnona, waxaan ku masakhaynaa halkooda, markaas ma kara- yaan tagitaan iyo soo noqosho midna [14].","footnotes":"[14]. Alle s.w.t. wuu ka celin karay aadmiga inuu sameeyo wax dan u ah adduunkan ama Aakhirada, sidaas oy tahay ma uusan yeelin."},{"id":68,"translation":"68. Qofkaan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee miyeyna wax fahmeyn?"},{"id":69,"translation":"69. Ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan cad."},{"id":70,"translation":"70. Si uu ugu digo kan nool (mu'miniinta) oo Weedha (Cadaabka) ugu rumowdo gaalada."},{"id":71,"translation":"71. Miyeyna arkaynin inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxay Gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin?"},{"id":72,"translation":"72. Oo aan u laylinnay, sidaa awgeed waxna way adeegsadaan rukuub ahaan, waxna wax ka cunaan."},{"id":73,"translation":"73. Waxaana ugu sugan manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Miyayna mahadineyn?"},{"id":74,"translation":"74. Waxayse yeesheen Alle ka sokow ilaahyo kale si ay ugu gargaaraan."},{"id":75,"translation":"75. Ma karaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada [15].","footnotes":"[15]. Iyagoo ilaaliya oo dhowra ilaahyadooda beenta ah. Tafsiir kale waa inay ilaahyadaasi ahaan askar colkood ah iyaga Naarta gudaheeda."},{"id":76,"translation":"76. Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxay u falaan qarsoodiga iyo waxay caddaystaanba."},{"id":77,"translation":"77. Miyuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay dhibic mino ah. Mise waa col iska cad oo dood badan [16].","footnotes":"[16]. Waa markuu kaaftoomo oo isku filnaado."},{"id":78,"translation":"78. Wuxuu soo qaatay tusaale uu Annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamay abuurkiisa. Wuxuu yidhi: Yaa nooleyn lafo baaliyoobay [17]?","footnotes":"[17]. Isagoo isku dayaya inuu sugo inaanay jirin iska soo saarid qubuuraha."},{"id":79,"translation":"79. Dheh: Waxaa nooleyn Kan ifka keenay kolkii horeba. Isagaana (Alle) u Xog ogaal ah uunka oo idil."},{"id":80,"translation":"80. Waa Kan idiinka yeelay geedka cagaaran dab oo markaas aad hursataan."},{"id":81,"translation":"81. Miyuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale [18]? Haaheey, Waana Abuuraha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.","footnotes":"[18]. Soo nooleeyo aadmiga oo dib u abuuro."},{"id":82,"translation":"82. Amarkiisu markuu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, waana yahay."},{"id":83,"translation":"83. Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan (Alle) ay Gacantiisu ku jiraan Mulkiga (iyo Maamulka) wax kasta, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin [19].","footnotes":"[19]. Maalinta uu Alle u kala garsoori doono addoomahiisa oo abaal marin."}]},{"id":37,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan Anigu (Alle ah) ku dhaartay 'malaa’igta' safta safafka siman."},{"id":2,"translation":"2. Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn."},{"id":3,"translation":"3. Iyo (malaa’igta) akhriya \"Qur’aanka' [1].","footnotes":"[1]. Alle s.w.t. wuxuu ku dhaartay malaa’igtaa, wuxuuna ku dhaartay xaqiiqda lagu xusay Aayadda xigta."},{"id":4,"translation":"4.Hubaal, Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah)."},{"id":5,"translation":"5. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada [2].","footnotes":"[2]. Xagal kasta ama meelaha ay ka soo baxdo qorraxda."},{"id":6,"translation":"6. Waxaanu xaqiiq ku qurxinnay samada soke qurux xiddigaha ah [3].","footnotes":"[3]. Xiddigaha waxaa loo abuuray seddex waxyaalood: in lagu gano shayaadiinta, in lagu tilmaan qaato oo lagu garto jihooyinka iyo qurux ahaan samada soke."},{"id":7,"translation":"7. Iyo ka ilaalin shaydaan walboo fallaago ah ee Naxariis (Alle) laga fogeeyey."},{"id":8,"translation":"8. Ma dhegaysan karaan (shayaadiinta) kulanka sare (ee malaa’igta samada) waxaana laga soo ganaa dhan kasta."},{"id":9,"translation":"9. Iyagoo (Shayaadiintaa) la soo eryey, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah."},{"id":10,"translation":"10. Marka laga reebo mid mid dafa (hadal uu ka maqlay samada), markaasaa waxaa laga daba geeyaa danab dab ololoya ah."},{"id":11,"translation":"11. Ee weydii (gaalada) ma iyagaa abuur adag mise waxaa (kale sida malaa’igta, samooyinka, iyo arlada) ee aan abuurnay?. Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo dhagta."},{"id":12,"translation":"12. Waxaadse la yaabtaa (beenintooda Xaqa), iyaguna way iska jees-jeesi."},{"id":13,"translation":"13. Marka la waaniyona ma waantoobaan."},{"id":14,"translation":"14. Markay arkaanna Calaamo (mucjizo) way ku jees-jeesaan."},{"id":15,"translation":"15. Waxayna yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxaan ahayn sixir cad."},{"id":16,"translation":"16. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo bixin?"},{"id":17,"translation":"17. Iyo aabbayaashayadii hore (iyagana ma la so bixin dhimasho kaddib)?."},{"id":18,"translation":"18. Dheh: Haah, idinkoo waliba dulleysan."},{"id":19,"translation":"19. Waa uun afuuf mar keliya ah (buunka), markaasay (ka soo bixi qubuuraha) iyagoo wax eegi."},{"id":20,"translation":"20. Waxayna odhan: Hoog baa noo sug-naadaye! Kanu waa Maalinka Jaazeynta."},{"id":21,"translation":"21. Kani waa Maalinka kala baxa ee aad beenin jirteen."},{"id":22,"translation":"22. (Malaa'igay), soo kulmiya kuwii dulmi falka ahaa iyo eynigoodii [4] iyo waxay caabudi jireen.","footnotes":"[4]. Tafsiir kale waa xaasaskooda ama kuwa aan xaqa raacin ee la midka ah."},{"id":23,"translation":"23. Alle sokadi, oo u taxaaba Naarta ololka badan."},{"id":24,"translation":"24. Joojiya, wax baa la weydiine (oo lagu qiri)."},{"id":25,"translation":"25. Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn?"},{"id":26,"translation":"26.Mayee, Maalintaa dhammaan way is dhiibi doonaan."},{"id":27,"translation":"27. Waxay ku jeesan qaarkoodba qaar iyagoo is weydiin?."},{"id":28,"translation":"28. Waxay (raciyadii ku) odhan (madaxdoodii): Waxaad nooga iman jirteen dhanka midig [5].","footnotes":"[5]. Idinkoo noo diidaya ku dhaqanka wanaagga iyo diinta oo xoog noo sheeganaya."},{"id":29,"translation":"29. Waxay (madaxdii) odhan: Ma aha, ee idinkaan mu’miniin ahayn."},{"id":30,"translation":"30. Kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Ee waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan."},{"id":31,"translation":"31. Sidaas awgeed waxaa nagu dhaboobay Qawlka Rabbigeen, xaqiiq waanu dhadhamin (Cadaabka)."},{"id":32,"translation":"32. Waan idin luminnay [6], innaguna waa lunsanayn.","footnotes":"[6]. Waxay madaxda ula yimaadeen dadweynaha dhagar weyn."},{"id":33,"translation":"33. Iyagu (raciyaddii iyo kuwii la raacay) xaqiiq Maalinkaas cadaabkay wadaagi."},{"id":34,"translation":"34. Sidaasaan ku fallaa denbiilayaasha."},{"id":35,"translation":"35. Waxay xaqiiq ahaayeen marka lagu yidhaahdo: Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, kuwa iska weyneeya."},{"id":36,"translation":"36. Iyagoo leh: Ma waxaan isaga dayn ilaahyadayada gabyaa Jinnoole ah?"},{"id":37,"translation":"37. Mayee’ wuxuu (Nabigu) la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii (Alle soo diray)."},{"id":38,"translation":"38. Waxaad idinku (gaaloy) dhadhamin cadaabka xanuunka badan."},{"id":39,"translation":"39. La idinkamana abaal mariyo waxaan aheyn waxaad fasheen."},{"id":40,"translation":"40. Addoommaha Alle maahee ee daacadda ah u Keli yeela Alle cibaadada."},{"id":41,"translation":"41. Kuwaasi waxay leeyihiin risiq la yaqaan aan go'eyn (Jannada gudaheeda)."},{"id":42,"translation":"42. Midho, iyagoo lagu sharfi."},{"id":43,"translation":"43. Beeraha barwaaqada (Jannada)."},{"id":44,"translation":"44. Sariiro sarreeya korkooda is qaabilsan fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh)."},{"id":45,"translation":"45. Waxaa lagula wareegi koobab (khamri daahir ah) ka soo shubma il (webiyo) saafi ah."},{"id":46,"translation":"46. Cad, oo u macaan kuwa cabbi."},{"id":47,"translation":"47. Ma leh wax dhibaato ah, lagumana sarkhaamo (khamrada Jannada)."},{"id":48,"translation":"48. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon soo kooba araggooda, leh indho aad u qurxoon."},{"id":49,"translation":"49. La moodo ukummo aad loo dhowray."},{"id":50,"translation":"50. Waxay qaabili qaarkoodba qaarka kale (ehlu Jannaha) iyagoo is weydiin."},{"id":51,"translation":"51. Midkood hadlaya baa odhan: Waxaan anigu lahaa saaxiib."},{"id":52,"translation":"52. Kaasoo odhan jiray: Ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta Qiyaame)?"},{"id":53,"translation":"53.Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala abaal marin?."},{"id":54,"translation":"54. Wuxuu odhan: Ma ila dhuganeysaan?"},{"id":55,"translation":"55. Markaasuu dhugtaa oo ku arkaa Naarta bartankeeda."},{"id":56,"translation":"56. Wuxuu odhan: Tallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto (i dhumiso)."},{"id":57,"translation":"57. Haddayna jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta)."},{"id":58,"translation":"58. Ma nihin miyaa kuwo dhiman."},{"id":59,"translation":"59. Dhimashadayadii hore mooyaane? mana layna cadaabayo?"},{"id":60,"translation":"60. Hubaal (arrin)kani waa Liibaanta Weyn."},{"id":61,"translation":"61. Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan kuwa camal fali."},{"id":62,"translation":"62. Ma (arrin)kani (Jannada) baa marti- qaad wanaagsan mise geedka Zaquum."},{"id":63,"translation":"63. Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) daalimiinta (gar diidka ah)."},{"id":64,"translation":"64.Waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda,"},{"id":65,"translation":"65. Miraheeda la moodo madaxyada shaydaammada;"},{"id":66,"translation":"66. Waxay (ehlu naarku) wax ka cuni (geedkaa) oo ka buuxin caloolahooda."},{"id":67,"translation":"67. Waxay leeyihiin intaa kaddib cabbitaan isku dhaf kulul ah oo karaya."},{"id":68,"translation":"68. Markaa waxay ku noqon xagga Naarta holaca badan."},{"id":69,"translation":"69. Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan."},{"id":70,"translation":"70. Iyaguna raadkoodii bay ku degdegi."},{"id":71,"translation":"71. Waxaa dhab ahaan lumay iyaga hortood badi dadkii hore."},{"id":72,"translation":"72. Waxaana dhab ahaan u dirnay digayaal."},{"id":73,"translation":"73. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin)."},{"id":74,"translation":"74. Addoommaha Alle ee daacadda ah maahee u Keli yeela cibaadada (kuwaa dhib ma arkaan)."},{"id":75,"translation":"75. Waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, Annagaana u fiican wax ajiiba (baryada)."},{"id":76,"translation":"76. Waxaana ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weyneyd (haraqii)."},{"id":77,"translation":"77. Oo ka yeellay durriyaddiisa kuwa soo hadhay uun."},{"id":78,"translation":"78. Waxaana u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood."},{"id":79,"translation":"79. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Nuux."},{"id":80,"translation":"80. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha."},{"id":81,"translation":"81. Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah."},{"id":82,"translation":"82. Markaasaan harqinnay intii kale."},{"id":83,"translation":"83. Waxaana ka mid ah kuwa raacay \njidkiisa Ibraahiim [7].","footnotes":"[7]. Nabi Ibraahiim c.s. wuxuu raacay dhabbihii Nabi Nuux iyo intii rumeysey towxiidka iyo mabaadiida diinta Islaamka."},{"id":84,"translation":"84. Markuu ula yimid Rabbigi qalbi fayow [8].","footnotes":"[8]. Qalbiga fayow waa kan ka nabad galay shirki, kibir, xasad, is cajabin, iwm ee daacadda ah u hoggaansan Alle."},{"id":85,"translation":"85. Markuu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Waa maxay waxaad caabudaysaan?"},{"id":86,"translation":"86. been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku."},{"id":87,"translation":"87. Maxaadse ka maleysaneysaan Rabbiga uumanka?"},{"id":88,"translation":"88. Markaasuu eegay eegmo xiddigaha,"},{"id":89,"translation":"89. Wuxuuna yidhi: Anigu waa bukaa."},{"id":90,"translation":"90. Markaasay ka jeesteen oo tageen."},{"id":91,"translation":"91. Markaasuu aaday ilaahyadoodii, oo yidhi: Miyeydaan (wax) cuneyn [9].","footnotes":"[9]. Inay cunaan qurbaannada hortooda la dhigay. Waana ku jeesjees iyo muujin caqli xumada dadkaa sanammada hor dhigay raashinka iyo hadiyooyinka."},{"id":92,"translation":"92. Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn?"},{"id":93,"translation":"93. Markaasuu ku jeestay oo ku garaacay gacanta midig."},{"id":94,"translation":"94. Markaasay soo aadeen (dadkii) xaggiisa iyagoo soo degdegaya."},{"id":95,"translation":"95. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (idinku sameysaan)?"},{"id":96,"translation":"96. Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba?"},{"id":97,"translation":"97. Waxay yidhaahdeen: U dhisa meel (dab lagu shido) kuna tuura dabkaa ololaya."},{"id":98,"translation":"98. Waxay la dooneen dabin ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hooseeya."},{"id":99,"translation":"99. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin."},{"id":100,"translation":"100. Rabbiyow! I sii (ubad) wanaagsan."},{"id":101,"translation":"101. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dul qaad badan (Ismaaciil)."},{"id":102,"translation":"102.Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday [10], (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha.","footnotes":"[10]. Ismaaciil awood u yeeshay inuu la shaqeeyo oo kaalmeeyo aabbihi Ibraahiim."},{"id":103,"translation":"103. Markay hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka (si uu u gowraco)."},{"id":104,"translation":"104. baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow."},{"id":105,"translation":"105.Waxaad ka rumeysay riyadii. Sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha."},{"id":106,"translation":"106. Xaqiiq, arrinkani wuxuu ahaa imtixaan cad."},{"id":107,"translation":"107. Waxaana (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran)."},{"id":108,"translation":"108. Waxaana ugu dhaafnay (Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood."},{"id":109,"translation":"109. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ibraahiim."},{"id":110,"translation":"110. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha."},{"id":111,"translation":"111. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah."},{"id":112,"translation":"112. Waxaan (markaa kaddib) ugu bishaareynay Isxaaq [11] _ Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan.","footnotes":"[11]. Tani waxay caddeyneysaa in wiilkiisa curadka ee la doonayey in la gowraco uu ahaa Ismaaciil oo ma uusan ahayn Isxaaq, sida ay sheegaan Yuhuudda iyo Nasaarada."},{"id":113,"translation":"113. Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah mid sama fala iyo mid naftiisa u dulmiya si cad."},{"id":114,"translation":"114. Waxaanu dhab ahaan ku mannaysannay wanaag Muuse iyo Haaruun."},{"id":115,"translation":"115. Oo ka badbaadinnay iyaga iyo dadkoodii kurbaddii weynayd (harqintii iyo addoonsigii iyo dulleysigii lagu hayey)."},{"id":116,"translation":"116. Waanu u gargaarnay, sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday."},{"id":117,"translation":"117. Waxaanuna siinnay Kitaabka (Towraadda) Xujada cad ah."},{"id":118,"translation":"118. Oo ku hanuuninnay Jidka Toosan 'ee Islaamka' [12];","footnotes":"[12]. Jidka toosan waa diinta Islaamka, waana diinta uu Alle la soo diray nabiyada oo dhan."},{"id":119,"translation":"119. Waxaan ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood ."},{"id":120,"translation":"120.Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun."},{"id":121,"translation":"121. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha."},{"id":122,"translation":"122. Waxay xaqiiq ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah."},{"id":123,"translation":"123. Oo xaqiiq Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha."},{"id":124,"translation":"124. Markuu ku yidhi tolkiisii, Miyeydaan ka dhowrsanayn (shirkiga iyo xumaha kale)?"},{"id":125,"translation":"125. Ma waxaad baridaan Bacal [13] oo ka tagtaan Kan u wanaagsan abuurayaasha.","footnotes":"[13]. Bacal Waa magaca sanam weyn ay caabudi jireen dadkii Phenisia, oo ay u heysteen inuu Rabbigood yahay."},{"id":126,"translation":"126. Allaah, ee ah Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore?."},{"id":127,"translation":"127. Wayse beeniyeen, waxaana xaqiiq loo soo kulmin (Cadaab),"},{"id":128,"translation":"128. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada."},{"id":129,"translation":"129. Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood."},{"id":130,"translation":"130. Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ilyaasiin [14].","footnotes":"[14]. Ilyaasiin waa wadarta Ilyaas, waxaana loola jeedaa Ilyaas iyo kuwii raacay."},{"id":131,"translation":"131. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha."},{"id":132,"translation":"132. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah."},{"id":133,"translation":"133. Oo xaqiiq Luud wuxuu ka mid ahaa Rususha."},{"id":134,"translation":"134. (Xus) markaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan,"},{"id":135,"translation":"135. Habar duq ah (marwadiisii) maahee oo ku hadhay (halaagga)."},{"id":136,"translation":"136. Kaddib waxaan baabbi’innay intii kale."},{"id":137,"translation":"137. Waxaadna xaqiiq ag martaan (dhulkoodii) subaxnimo,"},{"id":138,"translation":"138. Iyo habeennimo, ee miyeydaan wax garan?"},{"id":139,"translation":"139. Oo xaqiiq Yuunus wuxuu ka mid ahaa Rusushii (la soo diray)."},{"id":140,"translation":"140. (Xus) markuu u cararay doonnidii buuxday."},{"id":141,"translation":"141. Marka wuu la qori tuurtay [15], wuxuuse noqday mid laga raayey (baddana lagu tuuray).","footnotes":"[15]. Si loo cayimo qofka laga tuurayo doonnida si loo badbaadiyo rikaabka kale. Waxaa ku soo baxay qori tuurkii Yuunus c.s., markaasay ku tuureen badda."},{"id":142,"translation":"142. Markaasuu nibirigu liqay isagoo eedeysan [16].","footnotes":"[16]. Isagoo eedeysan, waayo wuxuu ka quustay dadkiisii ahaa xuma falka, wuxuuna ka soo tagay isagoo aan ka helin idan xagga Alle."},{"id":143,"translation":"143. Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwa na xurmo weyneeya oo tasbiixsada (ee ehlu salaadka ah)."},{"id":144,"translation":"144. Wuxuu ku negaan lahaa caloosha (nibriga) tan iyo Maalinta Qiyaamaha."},{"id":145,"translation":"145. Waxaana ku soo tuurnay bannaan cid la' ah isagoo buka."},{"id":146,"translation":"146. Waxaana u soo bixinnay geed Aredube ah [17].","footnotes":"[17]. Maadaamana Nabi Yuunus xeebta lagu soo tuuray isagoo aan dub lahayn. Wuxuu Alle u soo saaaray geedkaasi bocorka (aredube, ubo) si uu u harsiiyo oo uga ilaaliyo cayaayin wax yeela."},{"id":147,"translation":"147. Waxaana u dirnay Boqol kun ama ka badanba."},{"id":148,"translation":"148. Wayna rumeeyeen; waxaana u raaxeynay ilaa muddo."},{"id":149,"translation":"149. Ee weydii (gaalada) in Rabbigaa gabdho leeyahay, iyaguna wiilal?"},{"id":150,"translation":"150. Mise ma waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, iyaguna ay goob joog ka ahaayeen?"},{"id":151,"translation":"151. Ogaada, taasi xaqiiq waa been abuurashadooda inay yidhaahdaan:"},{"id":152,"translation":"152. Allaa ilmo leh, waana beenaalayaal dhabtii."},{"id":153,"translation":"153. Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal?"},{"id":154,"translation":"154. Maxaa si idin ka ah, sidee baad wax u xukumeysaan?"},{"id":155,"translation":"155. Ee miyeydaan xusuusanayn (inuusan Alle lahayn xaas, wiil, gabdho, kuna habbooneyn inuu yeesho ilmo)?"},{"id":156,"translation":"156.Mise ma waxaad heysataan Xujo Cad?"},{"id":157,"translation":"157. Ee keena Kitaabkiinna (caddayn) haddaad run sheegaysaan?"},{"id":158,"translation":"158. Waxayse yeelaan (qaraabo) nasab Isaga (Alle) iyo malaa’igta dhexdooda, oo dhab ahaan waxay malaa’igtu og yihiin in (kuwa sidaa yidhaahda) la keeni 'cadaabka Naarta' [18].","footnotes":"[18]. Jin waa khalqi aan Aadmigu arag oo ka qarsoon waana jinka iyo malaa’igta."},{"id":159,"translation":"159. Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka hufan yahay waxay ku sheegayaan."},{"id":160,"translation":"160. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada."},{"id":161,"translation":"161. Xaqiiq, idinka iyo waxaad caabudaysaanba (gaaloy)."},{"id":162,"translation":"162. Cidna kuma fidnayn kartaan [19].","footnotes":"[19].Si uu u qaato gaalnimo iyo camallo xun."},{"id":163,"translation":"163. Mid maahee Naarta geli oo ku guban."},{"id":164,"translation":"164. Ma jiro mid naga mid ah (malaa’igta) aan lahayn meel lagu og yahay [20].","footnotes":"[20]. Cibaado ahaan, ama ma jiro mid aan lahayn howl la yaqaan uu qabto."},{"id":165,"translation":"165. Waana innaga (malaa’igta ah) xaqiiq kuwa u safta safafka siman."},{"id":166,"translation":"166. Waana innaga (malaa'igta ah) xaqiiq kuwa xurmo weyneeya oo hufa 'Alle' [21].","footnotes":"[21]. Iyagoo beeninaya waxay gaalada ka sheegaan Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo."},{"id":167,"translation":"167. Waxayna (gaaladu) odhan jireen:"},{"id":168,"translation":"168. Hadduu yahay agtannada xuskii (warkii) kuwii hore 'Kitaab' [22] .","footnotes":"[22]. Ka hor soo waxyoodka Qur’aanka."},{"id":169,"translation":"169. Waxaan ahaan laheyn addoomaha Alle ee daacadda ah u keli yeela cibaadada."},{"id":170,"translation":"170. Wayse ku gaaloobaan 'haatan' [23], marka way ogaan doonaan.","footnotes":"[23]. Dhambaalka iyaga loo soo diray, Qur’aanka."},{"id":171,"translation":"171. Waxaa dhab ahaan ugu hormaray Kelmaddayada (Yaboohayaga) addoomahayaga Rususha ah."},{"id":172,"translation":"172. Inay yihiin kuwa xaqiiq loo gargaari."},{"id":173,"translation":"173. Iyo in ciidammadayadu ay yihiin xaqiiq kuwa adkaan."},{"id":174,"translation":"174. Ee isaga jeeso ilaa muddo,"},{"id":175,"translation":"175. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki."},{"id":176,"translation":"176. Ma Cadaabkanaga bay (gaaladu) degdegsanayaan?"},{"id":177,"translation":"177. Markase uu ku soo dego ardaagooda, waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay."},{"id":178,"translation":"178. Ee isaga jeeso iyaga ilaa muddo."},{"id":179,"translation":"179. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki."},{"id":180,"translation":"180. Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan Rabbigaa (Allaah), Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxay (gaaladu) ku tilmaamaan (sida inuu leeyahay wiil, gabdho, xaas, iwm)."},{"id":181,"translation":"181. Nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Alle)."},{"id":182,"translation":"182. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka."}]},{"id":38,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Saad [1], Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan [2].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.\n[2]. Inta hadalka ka go’an waa inaysan jirin ilaahyo badan balse uu Ilaaha Xaqa yahay Mid Keliya - Allaah iyo in soo bixinta Qiyaame Xaq tahay."},{"id":2,"translation":"2. Kuwase gaalada ahi waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo collaytan (xaq diiddo)."},{"id":3,"translation":"3. Badanaa intaan halaagnay hortood facyo (Xaqa beeniyey), markaasay calaacaleen (oo tawbad keeneen) goor calaalal (tawbad keen la aqbalayn), lagana baxsan karin (Cadaabka Alle)."},{"id":4,"translation":"4. Waxay la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir, beenaale."},{"id":5,"translation":"5. Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii Ilaah Keliya? Waxakani waa wax la yaab leh."},{"id":6,"translation":"6. Odayaashii ka mid ahaana way soo baxeen (iyagoo ku leh dadkoodii): Socda, oo ku samra oo sugnaada ilaahyadiinna. (arrin)kani waa wax laynala dooni [3].","footnotes":"[3]. Uu isku soo dubbariday Muxammad si uu idiin qabsado oo magac iyo sharaf ugu qaato."},{"id":7,"translation":"7. Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii kale [4]. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur.","footnotes":"[4]. Waxay ugala jeedaan diintii kale diinta Nasaarada ama diintii shirkiga oo ay Quraysh heysatay."},{"id":8,"translation":"8. Ma waxaa lagu soo dejiyey Qur’aanka isagoo (Muxammad) na dhex jooga? \nMayee waxay ka shakisan yihiin Waanadeyda. Mayee, wali ma aysan dhadhamin Cadaabkayga."},{"id":9,"translation":"9. Mise ma waxay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha Sare, Deeqsiga ah aad wax u bixiya?"},{"id":10,"translation":"10. Mise ma waxay leeyihiin Mulkiga (iyo maamulka) cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Ee ha u koreen salaanno xagga 'samada hadday karaan' [5].","footnotes":"[5]. Si ay ugu soo dejiyaan waxyiga kay doonaan. Waa dhaleeceyn iyo caajiz gelin."},{"id":11,"translation":"11. Ciidanka halkaas jooga (gaalada) waa xisbiyo [6] la jabin (lagana adkaan).","footnotes":"[6]. Aayaddanina waxay tilmaameysaa dagaalkii Godka (Al-Axzaab) labadaba waa loo yaqaan. Mufasiriinta qaarna waxay yidhaahdeen waxay tilmaameysaa dagaalkii Badar."},{"id":12,"translation":"12. Waxaa beeniyey (Rususha) iyaga hortood qoladii Nuux, Caad iyo Fircoon ee lahaa boqortooyo xoog leh [7].","footnotes":"[7]. Dhismooyin dhaadheer iyo ciidammo tiro badan iyo tiirar uu dadka geeyo ciqaab ahaan."},{"id":13,"translation":"13. Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii (loo diray Nabi Shucayb), kuwaa bay ahaayeen xisbiyada."},{"id":14,"translation":"14. Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaasay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo."},{"id":15,"translation":"15. Kuwaana (gaaladani) ma sugayaan waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac midna [8].","footnotes":"[8]. Ama fursad. Erey ahaan macnaha xiskin waa waqti u dhexeeya labada lisitaan ee caanaha hasha. Dhawaaqaas waa calaamo Qiyaamaha."},{"id":16,"translation":"16. Waxayna yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabka ) ka hor Maalinta Xisaabta (Qiyaamada)."},{"id":17,"translation":"17. U samir (adkeyso) waxay leeyihiin, xusuusona addoonkayaga Daawuud, ee xoogga iyo kartida lahaa. Wuxuu ahaa mid (Alle) u soo noqda, tawbad keen badan ."},{"id":18,"translation":"18. Waxaanu u sakhirnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alle) ammaan iyo mahdin galab dhaca iyo qorrax soo baxaba."},{"id":19,"translation":"19. Iyo shimbiraha la soo kulunshay wada jir, dhammaan la qaadaan 'Alle' ammaanka."},{"id":20,"translation":"20. Waana adkaynay boqortooyadiisa, Waxaanuna siinnay Xikmad (Nabinnimo) iyo garsoor wanaagsan."},{"id":21,"translation":"21. Ma ku soo gaaray warka dood qabayaa- shii, markay Mixraabka ugu soo dhaceen."},{"id":22,"translation":"22. U soo galeen Daawuud, markaasuu (is)ku naxay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, iskana jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan (xaqa)."},{"id":23,"translation":"23. Kani waa walaalkay; wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan ido ah, halkaan anigu leeyahay lax keliya. Wuxuuna yidhi: i sii iyadana, waana iga dood adkaaday."},{"id":24,"translation":"24. (Daawuud) wuxuu yidhi: Waa uu kugu dulmiyey ku weydiisigiisa laxdaada si uu ugu darsado idahiisa. In badanna oo kuwa wax isku darsada ahi way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mooyee, aad bayna u yar yihiin kuwaasu. Wuxuu Daawuud gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Denbi Dhaaf Rabbigi oo la dhacay rukuuc (sujuud), una soo noqday 'Alle\" [9] isagoo tawbad keen ah.","footnotes":"[9]. Hadday ka dhaceen wax khalad ah xagga u kala garsoorka dadka, iwm."},{"id":25,"translation":"25.Markaasaan u denbi dhaafnay, wuxuuna Agtayada ku leeyahay dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Aakhirada)."},{"id":26,"translation":"26. Daawuudow! Waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si xaq ah, hana raacin hawadaada - si ayan kaaga lumin Jidka Alle (Islaamka). Kuwa ka luma Jidka Alle waxay leeyihiin cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta (Qiyaamada) darteed."},{"id":27,"translation":"27. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ujeeddo la’aan. Sidaasu waa malaha gaalada. Ee hoog baa u sugnaaday gaalada xagga Naarta ah."},{"id":28,"translation":"28. Mise ma waxaanu la mid yeeli kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala sida kuwa ku fala fasahaad arlada? mise ma waxaanu la mid yeeli kuwa iska jira xumaha sida faajiriinta?"},{"id":29,"translation":"29. (Kani Qur'aanku) waa Kitaab aan kugu soo dejinnay (Nabiyow) barako badan si ay uga fiirsadaan Aayadihiisa oo wax garadku ugu waantoobaan."},{"id":30,"translation":"30. Waxaan Daawuud siinnay Sulaymaan. Wacanaa addoonku. Wuxuu ahaa mid Alle u soo noqda (oo tawbad keen badan)."},{"id":31,"translation":"31. (Xus) marka loo soo bandhigay goor galab ah (fardo) sugan markay taagan yihiin, dheereeya markay ordayaan -"},{"id":32,"translation":"32. Markaasuu wuxuu yidhi: Ma waxaan ka door biday maal adduunyo xuska Rabbigay ilaa ay dhacday qorraxdii."},{"id":33,"translation":"33. Ii soo celiya, markaasuu wuxuu billaabay inuu ka masaxo addimmada iyo luqumahooda [10].","footnotes":"[10]. Mufasiriinta qaarkood waxay ku fasireen inuu u gowracay Alle darti u dhowaansho Xaggiisa."},{"id":34,"translation":"34. Waxaanu dhab ahaan imtixaannay Sulaymaan, oo ku tuurnay kursigiisii oogo, markaasuu 'u' soo laabtay 'Alle' [11].","footnotes":"[11]. Wuxuu u soo laabtay Alle isagoo tawbad keen ah."},{"id":35,"translation":"35. Wuxuu yidhi : Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf oo i sii boqortooyo aan ku habbooneyn (inuu dhaxlo) cid iga dambeysa. Adigaa Bixin Badane ahe."},{"id":36,"translation":"36. Markaasaan u sakhirnay dabeysha, oo ku soconeysey amarkiisa iyadoo nugul meeshuu doonaba,"},{"id":37,"translation":"37. Iyo shaydaammada, mid walboo wax dhisa iyo mid quusa."},{"id":38,"translation":"38. Iyo kuwo kaloo ku xirxiran silsilado."},{"id":39,"translation":"39. Kani waa siismadeenna ee bixi waxaad doonto ama hayso xisaab la’aan."},{"id":40,"translation":"40. Wuxuu (Sulaymaan) ku leeyahay Agtayada dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Janno)."},{"id":41,"translation":"41. Xus addoonkayaga Ayyuub, markuu u dhawaaqay (baryey) Rabbigi (isagoo leh): Wuxuu Shaydaan igu taabtay dhib iyo xanuun [12].","footnotes":"[12]. Waxaa lagu imtixaanay Nabi Ayyuub c.s. jirro halis ah oo oogada ah muddo aad u dheer. Markaasuu Alle baryey inuu caafiyo, markaasuu reystey."},{"id":42,"translation":"42. (Waxaanu ku nidhi): Ku garaac (dhulka) lugtaada; tani (waa il leh) meyrasho qabow iyo cabbitaan."},{"id":43,"translation":"43. Waxaanu siinnay ehelkii uu beelay, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah, waanona u ah wax garadka."},{"id":44,"translation":"44. (Waxaanu nidhi): Ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar yar ah oo ku dhufo hal mar oo ha jabin dhaartaada [13]; waxaanu hellay inuu yahay samir badne. Wacanaa addoonku, wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo noqda (oo tawbad keen badan).","footnotes":"[13]. Mar ay xaaskiisa muujisay samir yari, wuxuu ku dhaartay Ayuub inuu garaacayo hadduu reysto. Alle wuxuu amray inuu kaga dhabeeyo dhaartiisa oo hal mar ku dhufto boqol dhangadood oo yar yar oo isku duuban."},{"id":45,"translation":"45. Xus addoomahayaga Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub, ee ku xoog badnaa (daacada Alle) kuna arag dheeraa (diinta)."},{"id":46,"translation":"46. Waxaanu xaqiiq ku gaar yeelnay tilmaan wanaagsan xusuusnaanta Daarta (Aakhiro)."},{"id":47,"translation":"47. Waxayna xaqiiq iyagu ka mid yihiin agtannada xulka akhyaarta ah."},{"id":48,"translation":"48. Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, dhammaan waxay ka mid yihiin akhyaarta."},{"id":49,"translation":"49. Kani (Qur'aanku) waa waano (sharaf iyo darajo), waxayna leeyihiin kuwa iska jira (xumaha) meeqaan iyo meel noqod san."},{"id":50,"translation":"50. Jannada cadni (beero negaan) loo furay Albaabadooda."},{"id":51,"translation":"51. Waxay ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) korreeya iyagoo u yeedhan midho tiro badan iyo cabbitaan (macaan)."},{"id":52,"translation":"52. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon, ku kooba araggooda (nimankooda), oo isku fil (da' ah)."},{"id":53,"translation":"53. Kani waa waxa la idiin yaboohay Maalinta Xisaabta (Qiyaamada)."},{"id":54,"translation":"54.Kani (barwaaqada iyo baraarahan) waa risiqayaga (la idiin yaboohay Qiyaamada) aan dhammaaneyn weligii."},{"id":55,"translation":"55. Waa sidaase! Xadgudbayaashana waxaa xaqiiq sugaya rug laabasho xun."},{"id":56,"translation":"56. Jahannama yay geli oo ku guban, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo."},{"id":57,"translation":"57. Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyeen, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun."},{"id":58,"translation":"58. Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah."},{"id":59,"translation":"59. Kani waa guuto idinla soo gali Naarta. Ma jirto iyagu soo dhoweyn ay leeyihiin! Hubaal, waxay ku guban oo gamaari Naarta."},{"id":60,"translation":"60. Waxay ku odhan (madaxdoodii): Balse idinka ma jirto soo dhoweyn aad leedihiin! Idinkaa noo keenay 'cadaabkan'. Ee u xumaa halkan meel la degaa."},{"id":61,"translation":"61. Waxay (raciyadii) odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani u kordhi cadaab laban laab ah Naarta gudaheeda."},{"id":62,"translation":"62. Waxayna (madaxdii) odhan: Maxaanu u arki la'nahay niman aanu ku tirin jirnay ehlu sharka [14]?","footnotes":"[14]. Waxay ula jeedaan mu’miniinta."},{"id":63,"translation":"63. Miyaan ku diganaynay (oo waan qaldaneyn), mise indhahayagaa (haatan) ka iishay oo arki waayey?"},{"id":64,"translation":"64. Hubaal arrinkani waa xaq aan shaki lahayn - waa doodda ehlu Naarka."},{"id":65,"translation":"65. Dheh (Nabiyow) anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, mana jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha)."},{"id":66,"translation":"66. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Adkaadaha Sare, Denbi Dhaafka Badan."},{"id":67,"translation":"67. Dheh: Kani waa dhambaal ahmiyad weyn leh."},{"id":68,"translation":"68. Oo aad idinku ka jeedsataan."},{"id":69,"translation":"69. Uma lahayn wax cilmi ah kulanka sare (malaa’igta) markay doodayeen."},{"id":70,"translation":"70. Waxaa uun la ii waxyooday, inaan ahay dige iska cad."},{"id":71,"translation":"71. (Xus) markuu Rabbigaa ku yidhi ma- laa’igta: Waxaan ka abuuri aadmi dhoobo."},{"id":72,"translation":"72. Ee markaan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo Ruuxda (aan u abuuray), markaas ula dhaca sujuud."},{"id":73,"translation":"73. Malaa’igtii way sujuudeen kulligood oo dhan."},{"id":74,"translation":"74. Ibliis maahee, wuu is kibriyey, oo noqday gaal (abaal lahayn, fallaago ah)."},{"id":75,"translation":"75. (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad u sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise isla sarreysaa?"},{"id":76,"translation":"76. (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka khayr badan, waxaad iga abuurtay dab, isagana waxaad ka abuurtay dhoobo."},{"id":77,"translation":"77. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax halkan, waxaad tahay dayro dufeysan laga fogeeyey Naxariisteyda."},{"id":78,"translation":"78. Nacaladdayda baana korkaaga ah ilaa Maalinta Is-Abaal marinta (Qiyaamada)."},{"id":79,"translation":"79. (Ibliis) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii sug ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamaha)."},{"id":80,"translation":"80. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo (fursad la siin)."},{"id":81,"translation":"81. Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh."},{"id":82,"translation":"82. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, waan dhumin dhammaantood."},{"id":83,"translation":"83. Addoomahaaga kuwooda daacadda ah maahee aan waxba kula wadaajin cibaadada."},{"id":84,"translation":"84. (Alle) wuxuu yidhi: Runtu waxaa weeye, runtaana ku hadlaaye -"},{"id":85,"translation":"85. Waxaan hubaal ka buuxin Jahannama adiga iyo kuwooda ka mid ah oo ku raaca oo dhan."},{"id":86,"translation":"86. Dheh: Idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah (gaarsiinta Dhambaalkan), mana ahi mid ka mid ah kuwa is yeel yeela (oo isku dhiba waxaan la amrin)."},{"id":87,"translation":"87. Ma ahana (Qur’aankani) waxaan ahayn Waano ku socota uumanka oo dhan."},{"id":88,"translation":"88. Oo xaqiiq waad ogaan doontaan warkiisa muddo yar kaddib [15].","footnotes":"[15]. Ogaanshaha run ahaanta waxa ku soo arooray Qur’aanka sida inuu Alle u gargaari doono mu’miniinta, iyo wararka la xidhiidha Aakhirada."}]},{"id":39,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha Sare, Xakiimka ah."},{"id":2,"translation":"2. Waxaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si Xaq ah. Ee caabud Alle Keliya, adigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada."},{"id":3,"translation":"3. Ogaada, hubaal, cibaado barax tidhan [1] aan waxba lala wadaajin cid kale waxaa Xaq u leh Alle (Keliya). Kuwase yeesha awliyo (gargaarayaal, sokeeyayaal, ay la) barbar caabudaan (iyagoo leh): Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Alle dhowaansho. Alle baa ku kala xukumi dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin. Alle ma hanuuniyo been badne, gaalnimo badan.","footnotes":"[1]. Diinta uu Alle aqbalo waa diinta Islaamka ee daahirka ah, ee aan Alle lala wadaajin cidna cibaadada iyo adeecidda iyo maxabbada."},{"id":4,"translation":"4. Hadduu doono Alle inuu yeesho wiil (siday leeyihiin gaalada) wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuray wuxuu doono. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (xumaan). Waa Allaah, Waaxidka Keliga ah, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha)."},{"id":5,"translation":"5. Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Wuxuu habeenka ku daboolaa maalinta, maalintana ku daboolaa habeenka. Wuxuuna layliyay qorraxda iyo dayaxa. Mid walbaa wuxuu ku socdaa muddo magacaaban. Ogaada Alle waa Adkaadaha Sare, Denbi Dhaafka Badan."},{"id":6,"translation":"6. Wuxuu idinka abuuray naf keliya (Aadam) kaddib ka yeelay (abuuray) lammaankiisa (Xawwaa) xaggeeda. Wuxuuna idiin soo dejiyey xoolaha siddeed nooc. Wuxuu idinku abuuraa uurarka hooyooyinkiin abuuris ka dambeysa abuuris saddex mugdi [2] dhexdood, kaas waa Allaah - Rabbigiin. Isagaa leh Boqortooyada (runta ah). Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Ee xagee baa la idiinka iilay?","footnotes":"[2]. Seddexdaa mugdi waa mugdiga caloosha, mugdiga riximka, iyo mugdiga xuubka ku dahaaran riximka."},{"id":7,"translation":"7. Haddaad gaalowdaan (dadow), Allaah waa idinka deeqtoon yahay, ugamana raalli aha addoomahiisa gaalnimo. Haddaad ku mahdisaanna wuu idinka raalli noqon. Nafnana naf kale denbigeeda ma qaaddo. Waana xagga Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu idiin sheegi waxaad fali jirteen. (Alle) Wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka)."},{"id":8,"translation":"8. Markay dhibi taabato aadmiga wuxuu baryaa Rabbigiis (Alle Keliya) isagoo badiya u noqodka Xaggiisa (tawbad keen ah), markase uu siiyo nicmo Xaggiisa ah, waa halmaamaa wuxuu ka baryey kal hore, wuxuuna u yeelaa shariigyo, si uu (u lumo oo aadmigana) uga lumiyo Jidkiisa. Dheh: Ku raaxeyso gaalnimadaada wax yar [3], waxaad xaqiiq ka mid tahay ehlu Naarka.","footnotes":"[3]. Arrinkan waa ogeysiin cadhada uu Alle u qabo mushrikiinta inkiraaddooda baaqa Towxiidka darti, waa gooddin adag."},{"id":9,"translation":"9. Ma mid daacad ah tukada saacado habeenka ah isagoo sujuudsan oo taagan, ka digtoon Aakhirada oo rajeeya Naxariista Rabbigiis (miyaa la mid ah mid aan sidaasi ahayn)!? Dheh: Miyey kuwa wax og iyo kuwa aan waxba ogeyn siman yihiin? Waxaa sideedaba waantooba keliya kuwa wax garadka ah."},{"id":10,"translation":"10. Dheh: Addoommahayga (Xaqa) rumeeyow, Dhowra (xilkuu idin saaray) Rabbigiin, kuwa sama fala adduunyadan, (abaalkooda) waa samaan, arlada AIlena waa waasic (ee ku caabuda Isagoo Keliya). Waxaa uun loo oofiyaa kuwa samra Abaalkooda si dhan xisaab la’aan."},{"id":11,"translation":"11. Dheh: Waxaa la i amray inaan caabudo Alle Keliya anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajineyn cibaadada."},{"id":12,"translation":"12. Oo waxaa la i amray inaan ahaado kan ugu horreeya Muslimiinta (isu dhiiba Alle)."},{"id":13,"translation":"13. Dheh: Waxaan ka cabsan haddaan ku caasiyo Rabbigey Cadaab Maalin weyn."},{"id":14,"translation":"14. Dheh: Alle keliyaan caabudi anigoo u daacad ah waxbana la wadaajin cibaadada."},{"id":15,"translation":"15. Ee caabuda idinku waxaad doontaan Isaga sokadi. Dheh: Khasaare qabaayaasha waa kuwa khaasari nafahooda iyo ehelkoodaba Maalinta Qiyaamaha; ogaada, kaasi weeye khasaaraha cad."},{"id":16,"translation":"16. Waxay mudan daboollo dab Naar ah korkooda, iyo daboollo Naar ah hoostooda. Arrinkaasi waa waxa uu Alle ku cabsi geliyo addoomahiisa ee addoomahaygow iga cabsada (iskana jira xumaha)."},{"id":17,"translation":"17. Kuwa ka fogaada inay caabudaan Daaquut 'ilaahyada beenta' [4] oo u laabta Allaah (iyagoo tawbad keen ah), waxay leeyihiin bishaaro; ee u bishaaree addoomahayga.","footnotes":"[4]. Daaquut waxaa loola jeedaa shaydaanka, ama wax kastoo la caabudo Alle sokadi iyagoo ku raalli ah caabudiddaas."},{"id":18,"translation":"18. Kuwa dhegaysta hadalka waanada ah oo raaca kiisa u fiican [5], kuwaa weeye (kuwa) uu Alle hanuunshay, waana kuwaa kuwa wax garadka ah.","footnotes":"[5]. Waa kuwa markay maqlaan samaan iyo xumaan, ka warrama samaanta , kana taga hadalka kiisa xun oo aan ka sheekeynin. Hadal la raacana waxaa u wanaagsan hadalka Alle oo ah Qur’aanka iyo kan Rasuulkiisa (Sunnada Nabiga scw)."},{"id":19,"translation":"19. Ma mid ay u waajibtay kelmedda cadaabka. Ma adigaa (Nabiyow) badbaadin kara mid geli Naarta."},{"id":20,"translation":"20. Kuwase ka cabsada Rabbigood (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin dabaqyo sare ay ka korreeyaan dabaqyo kale loo dhisay (iyaga), oo ay webiyadu hoos qulqulaan; (Kani waa) Ballan Alle, Alle marnaba kama baxo Ballankiisa."},{"id":21,"translation":"21. Miyaadan arag inuu Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, haddana ka yeelo inay ku socdaan dhulka iyagoo ilo ah, markaas uu ku soo bixiyo dhir kala midab ah, haddana qallalaan sidaas darteed waxaad aragtaa isagoo caddaaday oo cawlan, haddana Wuxuu ka dhigaa wax baabba’ay oo u burburay gaballo? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan waano dadka wax garadka ah."},{"id":22,"translation":"22. Ma mid uu qalbigiisa Alle u furay islaamka sidaas darteed ku sugan Nuur xagga Rabbigi ah (baa la mid ah mid qalbi adag)? Waxaa hoog leh kuwa ay qalbiyadoodu ay yihiin adeyg xagga Xusidda Alle. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin habow cad."},{"id":23,"translation":"23. Alle wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda [6], ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Alle (Qur'aanka iyo Sunnada Rasuulkiisa). Kaasi waa hanuunka Alle. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, qofkuu Alle lumiyaana ma leh cid hanuunin.","footnotes":"[6]. Axkaanta, cilmiga, qisooyinka, iwm waa lagu soo celceliyaa Qur’aanka gudahi si loogu cibrad iyo waano qaato oo dadka u saameyso."},{"id":24,"translation":"24. Ma mid kaga gabbada wejigiisa [7] cadaabka xun Maalinta Qiyaamaha (baa la mid ah mid aan sidaas ahayn) waxaana lagu odhan daalimiinta: Dhadhamiya waxa aad kasbateen (oo denbiyo ah).","footnotes":"[7]. Halkii gacmahiisa, oo markaasi ku xirnaan doono luquntiisa."},{"id":25,"translation":"25. Waxaa beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey (gaaladan), wuxuuna uga yimid cadaabku meelo aysan dreemeyn."},{"id":26,"translation":"26. Markaasuu Alle ku dhadhansiiyey dulli noloshan adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii weyn; hadday ogaan lahaayen."},{"id":27,"translation":"27. Waxaan dhab ahaan ugu soo qaadannay dadka Qur'aankan dhexdi tusaale nooc kasta leh inay waantoobaan."},{"id":28,"translation":"28. Qur’aan af Carabi ah, aan wax qallooc ahi lahayn [8], si ay (xumaha uga) dhowrsadaan (oo Alle u hoggaansamaan).","footnotes":"[8]. Aan lahayn wax ka weecasho ah xaqa."},{"id":29,"translation":"29. Allaah wuxuu soo qaataa tusaale: addoon ay wadaagaan niman badan oo is khilaaafsan, iyo addoon kale oo gebigiba uu wada leeyahay hal nin. Miyey labadaasu isku mid yihiin xaal ahaan? Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, badankooduse ma oga."},{"id":30,"translation":"30. Hubaal waad dhiman, iyaguna (sidoo kale) way dhiman."},{"id":31,"translation":"31. Maalinta Qiyaamahana waxaad hubaal ku doodeysaan Rabbigiin horti."},{"id":32,"translation":"32. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle (oo yidhaahda wuxuu leeyahay shuruko ama ilmo), oo beeniya Xaqa (Qur’aanka) markuu u yimid, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada?"},{"id":33,"translation":"33. Kan se la yimid Runta (Nabi Muxammad) iyo (kan) rumeeyey, kuwaa weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada (ee Alle u hoggaansan)."},{"id":34,"translation":"34. Waxay leeyihiin waxay doonaan Rabbigood agtiisa; kaasi waa abaalgudka sama falayaasha."},{"id":35,"translation":"35. Si uu Alle ugu asturo wixii xumaa ay faleen, oo u siiyo ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falaan."},{"id":36,"translation":"36. Miyuusan Alle ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Waxayna kugu cabsi geliyaan kuwa ay sokadi (caabudaan). Qofkuu Alle lumiyo, ma leh wax hanuunin."},{"id":37,"translation":"37. Qofkuu hanuuniyona ma jiro wax lumin kara. Miyuusan Alle ahayn Adkaade, Aargudasho leh?"},{"id":38,"translation":"38. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Alle. Dheh: Bal ka warrama waxa aad caabuddaan Alle sokadi - hadduu Alle ila maago dhib, miyey yihiin kuwa faydi kara dhibkiisa? ama hadduu ila maago Naxariis, miyey yihiin kuwa celin kara Naxariistiisa? Dheh: Alle baa igu Filan, Isagay tala saartaan kuwa tala saarta ee ku kalsoon."},{"id":39,"translation":"39. Dheh: Dadkaygiiyow! U camal fasha sidiinnaas, anna waan camal fali, waadse ogaan doontaan."},{"id":40,"translation":"40. Waa kee kan ay u iman cadaab dulleysa iyo kan ay ku dhici cadaab ma guuraan ah."},{"id":41,"translation":"41. Xaqiiq, waxaan kuugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) dadka darti si Xaq ah. Qofkii hanuuna waxay dan u tahay naftiisa, qofkii lumaana isaga uun bay ka go’an tahay lumitaankiisa, adiguna ma tihid mid xil kaa saaran yahay oo wakiil ka ah."},{"id":42,"translation":"42. Alle baa oofsada nafaha waqtiga dhimashadooda, iyo kuwaas aan dhiman intay ku jiraan hurdadooda. Wuxuu hayn tii uu ku xukumay dhimashada, wuxuuna soo diri tii kale ilaa iyo muddo magacaaban. Waxaa arrinkaasi ugu sugan calaamooyin ciddii fikireysa."},{"id":43,"translation":"43. Mise ma waxay yeesheen shafeecayaal Alle sokadi? Dheh: Ma xitaa haddayna wax hananeyn, waxnana garaneyn?"},{"id":44,"translation":"44. Dheh: Allaah baa iska leh shafeeco oo dhan; Isagaa leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana la idiin soo celin."},{"id":45,"translation":"45. Marka Alle Keliya la xuso, quluubta kuwa aan rumeysneyn Aakhirada way qaloodaan, markase la xuso kuwa ay sokadi (caabudaan), markaasay farxaan."},{"id":46,"translation":"46. Dheh: Allahayow, uumaha cirarka iyo dhulkow, Ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdow. Adiga (Keliyaa) u kala garsoori addoomahaaga waxay isku khilaafaan."},{"id":47,"translation":"47. Haddii kuwa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan iyo wax le’eg oo wehliya way iskaga furan lahaayeen xumaanta cadaabka Maalinta Qiyaamaha; waxaana uga muuqan xagga Alle wax aysan marnaba maleysanaynin [9].","footnotes":"[9]. Aanay fileyn oo ah Cadhadiisa iyo Ciqaabkiisa."},{"id":48,"translation":"48. Waxaana u muuqan (ciqaabka) xumaantay kasbadeen, oo waxaa ku dhici waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah)."},{"id":49,"translation":"49. Markuu dhib taabato Aadmiga, wuu na baryaa, markaanse siinno nicmo Xaggayaga ah wuxuu yidhaahdaa: Wax kale ma’ahee’ waxaa uun laygu siiyey aqoonta (aan u leeyahay jidadka lagu helo), mayee’ waa imtixaan, badankooduse ma oga."},{"id":50,"translation":"50. Kuwii ka horreeyey baa sidaas yidhi, waxbase uma tarin waxay kasbadeen."},{"id":51,"translation":"51. Markaasaa waxaa ku dhacay xumaanta waxay kasbadeen; oo kuwaa fala dulmiga ee ka mid ah kuwani waxaa iyagana ku dhici doona xumaanta waxay kasbadaan, mana baxsan karaan [10].","footnotes":"[10]. Macnaha waa ma karaan inay ka joojiyaan Allaah inuu falo waxa uu doono ama inay ka fakadaan Ciqaabkiisa."},{"id":52,"translation":"52. Miyeyna ogeyn inuu Alle u fidiyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono). Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn."},{"id":53,"translation":"53. Dheh: Addoomahaygow ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina Naxariista Alle. Alle wuu dhaafaa denbiyada oo dhan [11]. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.","footnotes":"[11]. Waa waxaan ahayn qofkii ku dhinta shirki ama gaalnimo."},{"id":54,"translation":"54. Oo u noqda xagga Rabbigiin idinkoo tawbad keen ah, una hoggaansama ka hor intaanu idiin imaan cadaabku, markaasoo aan la idiin gargaareyn."},{"id":55,"translation":"55. Raaca kan wanaagga badan ee la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka), ka hor intaanu kedis idiinku imaan cadaabku, idinkoon dareemeyn."},{"id":56,"translation":"56. Si ayan nafi u odhan [12]: Alla waxaan ku gabood falay oo ka gaabiyey caabudidda Alle, waxaana ka mid ahaa kuwa ku jees-jeesa (Xaqa).","footnotes":"[12]. Maalinta Qiyaamaha"},{"id":57,"translation":"57. Ama aysan odhan: Haddii Alle i hanuunin lahaa, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo macaasida)."},{"id":58,"translation":"58. Ama aysan odhan markay aragto cadaabka: Haddaan heli lahaa hal noqosho oo keliya [13] waxaan ka mid ahaan lahaa sama falayaasha.","footnotes":"[13]. La i siiyo fursad aan dib ugu laabto adduunka waxaan fali lahaa camallo san."},{"id":59,"translation":"59. Haayoo, waxaa kuu yimid Aayadahayga waadse beenisay, oo is kibrisay, waxaadna ka mid ahayd gaalada."},{"id":60,"translation":"60. Maalinta Qiyaamana waxaad arki kuwii ka been sheegay Alle [14] oo wejiyadoodu madow yihiin. Miyaanay ugu sugnaan Naarta hoy islaweynayaasha?","footnotes":"[14]. Ee yidhi wuxuu leeyahay xaas ama ilmo ama shuruko."},{"id":61,"translation":"61. Wuxuuna Alle (ka) badbaadin (Naar) Kuwa (xumaha) iska jira liibaantooda darteed [15], ma taabato xumaan, mana murugoodaan.","footnotes":"[15]. Ay ku muteysteen Jannada."},{"id":62,"translation":"62. Alle waa abuuraha wax walba, wax walbana Isagaa talada u haya oo maamula."},{"id":63,"translation":"63. Isagaa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada. Kuwana ku gaalooba Aayadaha Alle, kuwaa weeye kuwa khasaaray."},{"id":64,"translation":"64. Dheh: Ma waxaan ahayn Alle baad i amreysaan inaan caabudo kuwiinaan jaahilka ahow?"},{"id":65,"translation":"65. Waxaa dhab ahaan laguu waxyooday adiga (Nabiyow) iyo kuwii (anbiyadii) kaa horreeyey: Haddaad wax la wadaajiso Alle cibaadada, waxaa xaqiiq buraya camalkaaga, waxaadna xaqiiq ka mid noqon kuwa khasaaray."},{"id":66,"translation":"66. Ee Allaah Keliya uun caabud, kana mid ahow kuwa ku mahdiya."},{"id":67,"translation":"67. Ma ayan qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay [16], isagoo dhulka oo dhammi ahaan Qabashadiisa Maalinta Qiyaamaha, samooyinkana ku duuban yihiin Gacantiisa Midig [17]. Xurmoo dhan Isagaa iska leh oo ka hufan (xumaan) waana ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada.","footnotes":"[16]. Waa ma ay tixgelin tilmaamahiisa wanaagga iyo quruxda badan. \n[17]. Macnaha waa ma aha wax ka badan Sacabkiisa muggiis, oo sidaas bay u yar yihiin xagga Alle."},{"id":68,"translation":"68. Waxaa la afuufi Buunka (Qiyaame), markaasay suuxi (dhiman) dhammaan waxa jooga samooyinka iyo dhammaan waxa jooga arlada kuu doono Alle maahee. Misna la afuufi mar kale, mise dadkii wayba taagan yihiin oo sugayaan (Xukunka Alle)."},{"id":69,"translation":"69.Waxayna la ifi arlada Nuurka Rabbigeed, Kitaabka (camallada) baana la soo dhigi, waxaana la keeni Nabiyada iyo markhaatiyada, looguna kala garsoori (addoomaha Alle) dhexdooda si Xaq ah, iyagoon la dulmineyn."},{"id":70,"translation":"70. Naf walbana waxaa loogu oofin si dhan waxay fashay; Isagaana (Alle) dhab u Ogsoon waxay camal falaan [18].","footnotes":"[18]. Waa wax uu aad u Ogsoon yahay, mana u baahna qoritaan iyo markhaati."},{"id":71,"translation":"71. Waxaana loo kaxeyn kuwii gaaloobay xagga Jahannama iyagoo rac-rac (wada jira) ah, markay yimaadaan (Naartana) waxaa la furaa Albaabbadeeda. Furahayeennadeeduna waxay ku odhan: Miyeyna idiin iman Rusul idinka mid ah oo idiin akhirayaya Aayaadka Rabbigiin, idiinkana digaya la kulanka Maalintiinnaan? Waxay odhan:Haah, waxaase ku rumowday Kelmedda cadaabka gaalada dushooda."},{"id":72,"translation":"72. Waxaa la odhan: Gala albaabbada Jahannama idinkoo ku waaraya, maxay ahaatay meel xun oo baas hoyga islaweynayaasha."},{"id":73,"translation":"73. Waxaa loo kaxeyn kuwii dhowray (amarrada) Rabbigood (oo iska jiray xumaha) xagga Jannada, iyagoo rac-rac (wada jira) ah, markay ku yimaadaan waxay la kulmi iyadoo la furay albaabbadeeda [19] (mar hore soo dhoweyn ahaan), furahayeennadeeduna waxay ku odhan: Nabadi korkiinna ha ahaato, waad wanaagsan tihiine, gala Jannada idinkoo ku waari dhexdeeda [20].","footnotes":"[19]. Furaha jannada waa ashahaadada (Laa ilaaha illal laah). \n[20]. Iyagoo heli soo dhoweyn sare, sharfid, iyo maamusid aan la tilmaami karin."},{"id":74,"translation":"74. Waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee nooga dhabeeyey Ballan qaadkiisa, oo na dhaxal siiyey dhulka (Jannada). Waxaan ka degnaa Jannada meeshaan doonno, ee fiicanaa abaalgudka kuwa camal san fashay."},{"id":75,"translation":"75. Waxaad arkaysaa malaa’igtoo ku wareegsan Carshiga hareerihiisa iyagoo ku tasbiixsanaya ammaanaha Rabbigood; waana loo kala garsoori (addoomaha) dhexdooda si xaq ah, waxaana la odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka."}]},{"id":40,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Xaa Miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1"},{"id":2,"translation":"2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa Xagga Alle, Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah."},{"id":3,"translation":"3. Denbi dhaafaha, Tawbad aqbalaha, Daran yahay Ciqaabkiisu, Rabbiga Nicmadda Badan. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn. Waa Xaggiisa meel Noqodka Dambe."},{"id":4,"translation":"4. Cidina kama dooddo Aayadaha Alle aan ahayn kuwa gaalooba. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka."},{"id":5,"translation":"5. Qoladii Nuux iyo xizbiyadii ka dambeeyay (sida Caad, Thamuud, iwm) baa beeniyey (anbiyadii Alle) iyaga hortood, ummad walbana waxay doontay Rasuulkoodii inay qabato (oo ay dilaan), waxayna ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan Xaqa, markaasaan qabtay, ee siduu mid daran u ahaa Ciqaabkaygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey)."},{"id":6,"translation":"6. Sidaasay Kelmedda Rabbigaa (Ciqaabtiisu) ugu waajibtay kuwa gaalooba inay yihiin ehlu-Naarka."},{"id":7,"translation":"7. Kuwa sida Carshiga iyo kuwa hareera jooga (ee Malaai'gta ah) waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, waxayna u denbi dhaaf dalbaan mu'miniinta (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo cilmi ee u denbi dhaaf kuwa tawbad keena oo raaca Jidkaaga, kana dhowr Cadaabta Naarta ololeysa."},{"id":8,"translation":"8. Rabbigayow! Gali kuwaasi Beeraha negaya (Jannada) ee aad u ballan qaadday, iyo kuwa wanaagsan oo ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda. Waxaad Adigu tahay (Allow) Adkaadaha Sarreeya, Xakiimka ah."},{"id":9,"translation":"9. Oo ka dhowr xumo oo dhan, qofka aad ka dhowrto xumo Maalintaa, waad u naxariistay, taasina waa Liibaanta Weyn."},{"id":10,"translation":"10. Hubaal, kuwa gaalooba waxaa loogu dhawaaqi: Naceybka Alle idiin qabay (xilligii adduunka) ayaa ka weynaa naceybka aad hadda u qabtaan nafahiinna, iyadoo la idiinku yeedhay Iimaanka aadse diiddeen."},{"id":11,"translation":"11. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaad naga yeeshay meyd (aan nafi ku jirin) labo jeer, oo na siisay nolol labo jeer [2]. waan qirsannahay dunuubtayada’e, ee ma jiraa jid looga baxo (Naarta)?","footnotes":"[2]. Meyd labo jeer waa markuu qofka ku jiray uurka hooyadi ka hor intaan nafta la gelin iyo markuu dhinto. Nolol labo jeer waa marka nafta la geliyo isagoo uurka hooyadi ku jira iyo Aakhirada marka la soo nooleeyo dhimasho kaddib."},{"id":12,"translation":"12. (Cadaab)kaasi (aad mudateen gaaloy) waxaa u sabab ah marka la idiinku yeedho Towxiidka iyo in Alle loo Keliya yeelo cibaadada aad gaalowdaan, markase loo shariig yeelo aad rumaysaan. Xukunka waxaa iska leh Allaah, Sarreeyaha, Weyn."},{"id":13,"translation":"13. (Alle waa) Kan idin tusiya Calaamooyin- kiisa oo idiinka soo dejiya risiq (roob) samada, cidise kuma waantowdo aan ahayn kawa u laabashada badan (Alle) ee tawbad keenka badan."},{"id":14,"translation":"14. Ee barya Allaah (Keliya) idinkoo u gaar yeelaya cibaadada, haba naceen gaaladuye."},{"id":15,"translation":"15. (Alle) waa Kan iska leh Darajada ugu Sarreysa ee Kaamilka ah, waa Rabbiga Carshiga (Weyn). Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah qofkuu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo (dadka) Maalinta kulanka (Qiyaamada)."},{"id":16,"translation":"16. Maalinta banka la keeni, ma jiro wax xaggooda ah oo ka qarsoon Alle: Yaa leh Boqortooyada Maanta? Allaah, Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha)."},{"id":17,"translation":"17. Maalinta (Qiyaamaha) naf walba waxaa lagu abaal marin waxay kasbatay (khayr ama shar), dulmi ma jiro Maalintaa [3]. Hubaal, Alle wuu ku Dhaqso badan yahay xisaabinta.","footnotes":"[3]. Xadiis qudsi ah: Alle wuxuu yidhi: “Addoomaheygow aniga waan iska xaaraanshay dulmiga, waxaana ka yeelay xaaraan dhexdiinna ee ha is dulmina\"."},{"id":18,"translation":"18. Uga dig Maalinta dhow, markay quluubtu iman dhuumaha (cabsi darteed) iyagoo walbahaarsan. Ma leh daalimiinta saaxiib iyo shafeece midna la maqlayo."},{"id":19,"translation":"19. (Alle) Wuu Og yahay khiyaanada isha loo dabo iyo waxay laabuhu qarsadaanba."},{"id":20,"translation":"20. Alle wuxuu wax ku xukumaa Xaq, kuwase ay u yeedhaan Isaga sokadi, ma xukumi karaan waxba. Hubaal, Alle, waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka."},{"id":21,"translation":"21. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan oo ka camiraad badan arlada, wuxuuse Alle u qabtay denbiyaday faleen. Umana sugnaan iyaga wax Alle ka difaaca."},{"id":22,"translation":"22. (Cadaab)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, wayse gaaloobeen. Markaa Alle baa qabtay. Hubaal waa Xoog Badane, Ciqaabkiisu daran yahay."},{"id":23,"translation":"23. Waxaanu dhab ahaan la dirnay Muuse Aayadahayaga iyo awood cad."},{"id":24,"translation":"24. Xagga Fircoon iyo Haamaan iyo Qaaruun, waxayse yidhaahdeen: (waa) Saaxir, beenaale ah."},{"id":25,"translation":"25. Markuu u keenay Xaqa ka yimid Xaggayaga waxay yidhaahdeen: Dila wiilasha kuwa (xaqa) rumeeyey la jirki una daaya haweenkooda nolol (si aad ugu adeegataan oo u addoonsataan). Dhagarta gaaladu ma aha waxaan ahayn (wax ku dhammaada) khasaaro iyo fashil."},{"id":26,"translation":"26. Fircoon wuxuu yidhi: I daaya aan dilee Muuse, hana u yeedho Rabbigiis, waxaan ka cabsan inuu idinka beddelo diintiinna ama uu ka muujiyo arlada fasahaad [4].","footnotes":"[4]. Tafaraaruq idin geliyo ama dagaal sokeeye."},{"id":27,"translation":"27. Wuxuu Muuse yidhi: Anigu Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiinba mid kastoo islaweyn oo aan rumaysnayn Maalinta Xisaabta (Qiyaamada)."},{"id":28,"translation":"28. Nin mu’min ah oo ka mid ah reer Fircoon [5] oo qarsanayey Iimaankiisa wuxuu yidhi: Ma waxaad ku dileysaan nin sababta ah inuu yidhi: Rabbigay waa Allaah, wuxuuna idiinka keenay Xujooyin Cad xagga Rabbigiin? Hadduu been sheegayo, isagay dhibi beentiisu; haddiise uu run sheegayo, waxaa idinku dhici qaar waxaa uu idinku gooddiyo. Hubaal Alle ma hanuuniyo mid ah xad gudbe, been badne.","footnotes":"[5]. Waa Xizqil, Fircoon ina Adeerki, khaznad hayahii dawladda."},{"id":29,"translation":"29. Tolkayow! Idinkaa leh xukunka maanta, una adag arlada. Yaase nooga gargaari Ciqaabka Alle hadduu noo yimaado. Fircoon wuxuu yidhi: Idin tusi maayo waxaan aheyn waxaan anigu u arko wanaag, idinkumana hanuuniyo waxaan aheyn dhabbaha toosan ee abbaarta ah."},{"id":30,"translation":"30. Kii rumeeyey (Xaqa) wuxuu yidhi: Tolkayow! Waxaan idiinka cabsan sidii Maalintii xizbiyadii [6].","footnotes":"[6]. Waa maalmaha uu Alle u soo diro Ciqaabkiisa kuwaasi diiday nabiyadii loo soo diray ."},{"id":31,"translation":"31. Wixii ku dhacay oo kale qolodii Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey. Alle ma aha mid la doona dulmi addoomahiisa oo ku gardarrooda."},{"id":32,"translation":"32. Tolkaygow! Waxaan anigu idiinka cabsan Maalinta isu Yeeridda [7].","footnotes":"[7]. Waa maalinta Qiyaamaha, markay denbiilayaasha la qeylin argarax, dadku waa isu yeeran goobta Qiyaamaha iyagoo in loo shafeeco raba."},{"id":33,"translation":"33. Maalinta aad jeedin dhabarradiinna idinkoo carari, ma jiro wax idinka badbaadin Alle. Qofkuu Alle lumiyo ma uu laha wax hanuunin."},{"id":34,"translation":"34. Wuxuu dhab ahaan Yuusuf idiinla yimid mar hore Xujooyin cad, kamase bixin shakigii aad ka qabteen wuxuu idiin keenay, jeer markuu dhintay aad tidhaahdeen: Alle ma soo dirayo wax Rasuul ah isaga kadambow. Sidaasuu Alle u lumiyaa kan ah xad gudbe, shaki qabeen."},{"id":35,"translation":"35. Kuwa ka dooda Aayadaha Alle iyagoon heysan wax xujo ah uu siiyey, waa wax uu Alle aad u neceb yahay (ka doodkaasi) oo (sidoo kale ay neceb yihiin) mu'miniinta. Sidaasuu Alle u daboolaa qalbiga mid kastoo ah islaweyne, jujuubaa."},{"id":36,"translation":"36. Fircoon wuxuu yidhi: Haamaanow! Ii dhis sar dheer si aan ugu gaadho waddooyinka [8].","footnotes":"[8]. Waa siyaabo kor lagu aado."},{"id":37,"translation":"37. Waddooyinka loo maro cirarka, si aan u soo dhugto ilaaha Muuse; waxaana u maleyn inuu yahay beenaale. Sidaasaa xumaanta camalkiisa loogu qurxiyey Fircoon, loogana duway Jidka (Toosan). Ma ahayn dhagartii Fircoon waxaan ahayn (wax ku dhammaada) baabba’a isaga ku dhacay."},{"id":38,"translation":"38. Oo kii (Xaqa) rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow i soo raaca, waxaan idinku hagi Jidka hanuunka."},{"id":39,"translation":"39. Tolkayow! Noloshan Adduunka waa uun raaxo (yar oo tageysa), Aakhiradaana ah Daarta negaadiga."},{"id":40,"translation":"40. Qofkii falaa camal xun, laguma abaal mariyo waxaan aheyn wax la mid ah. Qofkiise fala wanaag lab ama dheddig oo mu’min ah, kuwaa waxay geli Jannada, iyagoo lagu arsaaqi xisaab la’aan."},{"id":41,"translation":"41. Tolkayow! Maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho badbaadada, halkaad iigu yeedhaan Naar."},{"id":42,"translation":"42. Waxaad iigu yeedhaan inaan ku gaa- loobo Alle oo la wadaajiyo (cibaadada) wax aan u heysan wax cilmi ah, aniguna waxaan idiinku yeedhaa xagga (Allaah) Adkaadaha Sarreeya, Denbi Dhaafka Badan."},{"id":43,"translation":"43. Shaki ma leh, waxaad iigu yeedheysaan Xaggiisa ma hayaan (dhib iyo dheef) loogu yeedho adduun iyo aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Alle, kuwa ahna xad gudbayaasha waa iyaga uun Ehlu-Naarka."},{"id":44,"translation":"44. Marka waad xusuusan doontaan waxaan idinku leeyahay, waxaana u tala saartay arrinkayga Alle. Hubaal Alle wuu Arkaa addoomahiisa."},{"id":45,"translation":"45. Markaasuu Alle ka dhowray xumaha waxay qooleen, oo cadaab tan u daran waxay ku degtay reer Fircoon."},{"id":46,"translation":"46. Naarta, waxaa loo soo bandhigaa aroor iyo galab 'kastaba' [9], Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdona (waxaa la odhan): Ka yeela reer Fircoon inay galaan cadaab tan ugu daran.","footnotes":"[9]. Laga billaabo markay dhintaan ilaa Maalinta Qiyaamaha, marka loo kaxeyn xagga Naarta."},{"id":47,"translation":"47. (Xus) markay iskula doodayaan Naarta gudaheeda, waxay kuwii ducafada (raciyada ahaa) ku odhan kuwii (madaxda ahaa) ee isla weynaa: Waxaan innagu ahayn kuwo idinka idin raacsan, ee ma naga qaadeysaan qayb ka mid ah Naarta?."},{"id":48,"translation":"48. Kuwii isla weynaa waxay odhan: Waxaanu innagu dhammaan nahay kuwo ku jira; hubaal Alle waa kala xukumay addoomahiisa dhexdooda."},{"id":49,"translation":"49. Oo kuwaas ku jira Naarta waxay ku odhan furahayeennada Naarta: Noo barya Rabbigiin hanaga fudaydsho maalin keliya cadaabka."},{"id":50,"translation":"50. Waxay odhan: Miyeyna Rusushiinnii idiinla iman Xujooyin cad? Waxay odhan: Haah, Waxay odhan: Marka barya idinku. Baryada gaaladuna ma aha waxaan aheyn baadi iyo khasaaro."},{"id":51,"translation":"51. Annagaa xaqiiq u gargaari Rusuhayada iyo mu'miniinta noloshan adduunka iyo Maalintay markhaatiyadu istaagi."},{"id":52,"translation":"52. Maalinta aysan waxba u tareyn daalimiinta cudur daarashadoodu. Waxayna leeyihiin nacalad oo waxay leeyihiin Daarta xun (Naar)."},{"id":53,"translation":"53. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse hanuun, dhaxalsiinnayna ilmahii Israa’iil Kitaabka (Towraadda),"},{"id":54,"translation":"54. Hanuun iyo waano u ah waxgaradka."},{"id":55,"translation":"55. Ee samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo ka istiqfaarso denbigaaga [10], kuna tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba.","footnotes":"[10]. Waxaa loola jeedaa wixii gef kaa dhaca xagga garsoorka, Waxaa laga qaadanayaa in dhammaan mu’miniinta weydiistaan denbi dhaaf Alle."},{"id":56,"translation":"56. Hubaal, kuwa ka dooda Aayadaha Alle xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) is weyneyn ayan weligood gaadheyn ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka."},{"id":57,"translation":"57. Abuuridda samooyinka iyo arlada baa xaqiiq ka weyn abuuridda dadka, laakiinse dadka badankiisu ma oga."},{"id":58,"translation":"58. Ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye intaad waantowdaan."},{"id":59,"translation":"59. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, dadka badankiisuse ma ay rumaysna."},{"id":60,"translation":"60. (Allaah) Rabbigiin wuxuu yidhi: I barya [11] waan idinka aqbaliye (baryada); hubaal kuwa iska weyneeya baryadeyda [12], waxay geli Naar iyagoo dullaysan.","footnotes":"[11]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Barya Alle idinkoo yaqiinsan in la idinka aqbalayo baryada, oo ogaada inuusan Alle aqbalin baryada qof maahsan\".\n[12]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Baryadu waa cibaado”."},{"id":61,"translation":"61. Alle waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. Alle waa u Roon yahay dadka, dadku badankooduse kuma mahdiyaan."},{"id":62,"translation":"62. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay?"},{"id":63,"translation":"63. Sidaas oo kale baa loo iilay kuwii Aayadaha Alle diiday."},{"id":64,"translation":"64. Alle waa kan idiinka dhigay dhulka meel aad degtaan, cirkana saqaf, oo idin suureeyey wanaajiyeyna suuradahiinna, oo idinku arsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, waxaa khayr iyo barako badnaaday Allaah Rabbiga uumanka."},{"id":65,"translation":"65. Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah (Xaq) ah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka."},{"id":66,"translation":"66. Dheh: Aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwaad u yeedhataan (baridaan) Alle sokadi, markay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, waxaana la i amray inaan isu dhiibo Rabbiga uumanka."},{"id":67,"translation":"67. (Alle) waa Kan idinka abuuray carro, haddana dhibic mino ah, haddana xinjir, haddana wuxuu idin soo bixiyaa idinkoo ilmo ah, haddana (idinka yeelaa inaad kortaan) si aad u gaadhaan da'da xooggiinna dhan, haddana si aad u noqotaan odayo da’ ah, waxaase jira qaar idinka mid ah oo la oofsado intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan muddo magacaaban [13] inaad garataan (inuusan jirin cid kaloo mudan cibaado Isaga Alle mooyaane).","footnotes":"[13]. Waa waqtiga loo qabtay dhimashadiinna."},{"id":68,"translation":"68. (Alle) waa Kan wax nooleeya, waxna dhinsiiya, markuu arrin guddoomiyo wuxuu uun ku yidhaahdaa: Ahow, wuuna yahay."},{"id":69,"translation":"69. Miyaadan arag kuwaa ka dooda Aayadaha Alle: Xaggee baa loo iilay?"},{"id":70,"translation":"70. Kuwa beeniyay Kitaabka (Qur’aanka) iyo waxa aan la soo dirnay Rusushayada, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca)."},{"id":71,"translation":"71. Marka mareegyada birta ah iyo silsiladaha la yeelo luqumahooda; waxaa lagu jiidi."},{"id":72,"translation":"72. Biyo kulul oo karaya dhexdood, haddana Naar baa laga buuxin oo hurin."},{"id":73,"translation":"73. Markaas baa lagu odhan, Meeye waxaad u shariik yeeli jirteen?"},{"id":74,"translation":"74. Alle ka sokow? Waxay odhan: Way naga tageen: mayee, umaba aanu yeedhan jirin waxna kal hore. Sidaasuu Alle u lumiyaa gaalada."},{"id":75,"translation":"75. (Cadaab)kaasi waxaa idiinku wacan waxaad ugu farxi jirteen dhulka dhexdiisa xaq darro iyo waxaad la kibri jirteen."},{"id":76,"translation":"76. Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Maxay meel baas tahay rugta isla weynayaasha."},{"id":77,"translation":"77. Ee samir (adkayso Nabiyow), hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo haddaanu ku tusinno qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsanno (intaas ka hor),waa Xaggayaga halka loo soo celin."},{"id":78,"translation":"78. Waxaanu soo dirnay Rusul hortaa; waxaa jira kuwo ka mid ah aan kaaga qisoonnay, iyo kuwo aanu kaaga qisoon. Ma aha suura gal Rasuulna inuu la yimaado Calaamo (Mucjiso) Idanka Alle ma’ahee. Markase uu Amarka Alle yimaado, waxaa wax lagu xukumi Xaq, waxaana ku khasaara halkaa kuwa baadilka raaca ee xume falka ah."},{"id":79,"translation":"79. Alle waa Kan idiin yeelay nicmooleyda (xoolaha) si aad u fuushaan qaar ka mid ah qaar ka mid ahna aad wax ka cuntaan."},{"id":80,"translation":"80. Waxaana jira Manaafacaad (kale oo badan) oo idiinku sugan, iyo inaad ku gaartaan dan aad leedihiin oo ku jirta laabihiinna, oo dushooda iyaga iyo doonyaha baa la idinku qaadaa."},{"id":81,"translation":"81. Wuxuu (Alle) idin tusiyaa Calaamooyin- kiisa, ee middee baa Calaamooyinka Alle beenineysaan?"},{"id":82,"translation":"82. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka tiro badan kuwani (gaaladan), oo ka xoog badan, iyo camiraadba arlada, waxbase uma tarin waxay kasbadeen."},{"id":83,"translation":"83. Markay Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, waxay ku farxeen waxay heysteen oo cilmi ah [14], waxaana ku degay (gaalada) waxay ku jeesjeesi jireen.","footnotes":"[14]. Waxay moodeen inuu ku filan yahay cilmigooda, oo ayan u baahneyn cilmiga kale ay keeneen Rususha Alle."},{"id":84,"translation":"84. Markay arkeen Cadaabkayagii waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeynay Alle Keliya, oo ku gaalownay (haatan) waxaan cibaadada la wadaajin jirnay."},{"id":85,"translation":"85. Iimaankooduse ma ahayn mid anfacaya markay arkeen Cadaabkayaga, waa xeerka Alle oo horay ugu meel martay addoomahiisa. Waxaana ku khasaara halkaas gaalada (xaq iyo nabad diid oo dhan)."}]},{"id":41,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Xaa Miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Soo dejinta (Waxyigan) waa xagga (Alle) Naxariistaha, Naxariista Badan."},{"id":3,"translation":"3. Waa Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah ciddii wax garan."},{"id":4,"translation":"4. Waa u bishaareeye (Qofkii rumeeya Towxiidka) iyo u dige (qofkii u shariig yeela Alle oo xuma fala), waase ka jeesadeen badankoodu, marka wax ma maqlaan."},{"id":5,"translation":"5. Waxay yidhaahdeen: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxaad noogu yeedhi (Islaamka), waxaana ah culeys dhegahayaga, daah baana xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falan [2].","footnotes":"[2]. U camal fasha diintiinna, innaguna waynu u camal fali."},{"id":6,"translation":"6. Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah keliya (Allaah aan wax shariig ah lahayn), ee raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, weydiistana denbi dhaaf, Hoogna waxaa leh Mushrikiinta."},{"id":7,"translation":"7. Kuwa aan (ka daahirin naftooda shirkiga, salaad tukan oo aan) bixin Zakada, ahna kuwo aan Aakhiro rumeysnayn (iyo Janno iyo Naar)."},{"id":8,"translation":"8. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay leeyihiin abaal gud aan go’eynin (Janno)."},{"id":9,"translation":"9. Dheh: Ma waxaad ku gaaloobeysaan Kan (Allaah ee) ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeleysaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uumanka."},{"id":10,"translation":"10. Wuxuu yeelay dhulka dhexdiisa buuro ka kor ah oo sugan, wuuna barakeeyey oo u qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood siman ciddii ku weydiisa 'uunka'."},{"id":11,"translation":"11. Kaddib Wuxuu u qasday xagga samada oo qiiq ah, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arlada: \"Ku ahaada samo iyo arlo Amarkayga) oggolaan ama khasab; waxay yidhaahdeen: Waxaanu nimid innagoo ku adeecsan."},{"id":12,"translation":"12. Wuxuu ku dhammeystiray toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, wuxuuna u waxyooday samo waliba arrinkeeda. Waxaanu ku qurxinnay samada soke xiddigo, isla markaana xafid u ah [3]. Arrinkaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sarreeya, Wax kasta Ogsoon.","footnotes":"[3]. Waxaa lagaga dhowray shayaadiinta isku daya inay ka soo maqlaan war malaa’igta cirka jira oo waxaa lagu soo ganaa dambaaburo dab ah."},{"id":13,"translation":"13. Hadday ka jeesadaan (Xaqa), markaa dheh: Waxaan idiinka digay cadaab daran la mid ah cadaabkii ku dhacay (reer) Caad iyo Thamuud."},{"id":14,"translation":"14. Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashooda [4] 'iyagoo ku leh': Ha caabudina cidaan ahayn Alle. Waxay yidhaahdeen: Hadduu Rabbigayo doono [5], wuxuu soo diri lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray waa ku gaalownay.","footnotes":"[4]. Waxa loola jeedaa hortooda iyo gadaashooda waxay uga yimaadeen dhinac kasta. \n[5]. Inuu soo diro Rusul."},{"id":15,"translation":"15. Ma Caad, waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo yidhaahdeen: Yaa naga xoog badan? Miyeyna arag in Alle ee abuuray uu ka xoog badan yahay? Waxayna ahaayeen kuwo Aayadahayaga diida."},{"id":16,"translation":"16. Markaasaan u dirnay dabeyl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan u dhadhansiinno cadaabka dulliga nolosha adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii dulli badan, loomana gargaaro."},{"id":17,"translation":"17. Ma Thamuud se, waxaan tusnay dhabbaha toosan (ee Islaamka), waxayse ka jeclaadeen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, markaasaa waxaa ku dhacay cadaab daran wax dulleysa waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah)."},{"id":18,"translation":"18. Waxaana badbaadinnay kuwii (Xaqa) rumeeyey ee (xumaha) ka dhowrsaday."},{"id":19,"translation":"19. (Xus, Nabiyow) Maalinta cadowyada Alle (gaalada) loo soo wada kulmin Naarta, iyagoo loo wado saf saf oo is cidhiidhyi."},{"id":20,"translation":"20. Markay yimaadaan (Naarta oo dafiraan denbiyadooda), waxaa ku marag furi maqalkooda iyo araggooda iyo haraggooda waxay fali jireen."},{"id":21,"translation":"21. Waxay ku odhan haraggooda: Maxaad noogu marag furteen? Waxay odhan: Alle baa naga hadliyey ee ka hadliya wax walba, Isagaana idin abuuray kal horeba, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin."},{"id":22,"translation":"22. Ma aydaan ahayn kuwo isku astura (ka cabsashada Alle oo dhowrsada) si aysan maqalkiinnu iyo araggiinnu iyo haragiinnu idiinku markhaati furin [6], waxaadse mooddeen inaanu Alle ogeyn in badan oo waxaad fashaan ah.","footnotes":"[6]. Ma dareensanayn in maqalkooda iyo araggooda iyo oogadooda ku marag furi doonaan waxay faleen oo dhan."},{"id":23,"translation":"23. Kaasi Malihiinna (xun) aad ku maleyseen Rabbigiin, waa waxa idin halligay, marka waad khasaarteen."},{"id":24,"translation":"24. Marka hadday samri oo adkaysan (iyo haddii kaleba) waa Naarta hoygooda, haddayna dalbaan in loo cudur daaro, lagama aqbalo cudur daarasho."},{"id":25,"translation":"25. Waxaana u yeellay (gaalada) saaxiibbo ku xidhiidha [7], markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda (oo denbiyo) ah [8], waxaana ku dhaboobay Qawlka (cadaabka) siduu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu yihiin kuwo khasaaraya.","footnotes":"[7]. Adduunkan gudahi ee ka mid ah jinka iyo dadka.\n[8]. Waxa hortood ah ee leh macmacaanno, barwaaqooyin, waxaana loola jeedaa waxa gadaashood ah hididdiilooyin been ah."},{"id":26,"translation":"26. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq waa intaasoo aad adkaataane [9].","footnotes":"[9]. Waxay arrintan uga dan lahaayeen inay dadka ka celiyaan dhageysiga ama fahmidda Qur’aanka"},{"id":27,"translation":"27. Waxaanu xaqiiq dhadhansiin kuwa gaalooba cadaab daran, waxaana xaqiiq u abaal marin si waafaqsan wixii u xumaa ay fali jireen."},{"id":28,"translation":"28. Kaasu waa abaalka cadawyada Alle (gaalada): Naar, ay ku leeyihiin daar lagu waaro, waa jazaha waxay Aayadahayaga beenin jireen darteed."},{"id":29,"translation":"29. Kuwa gaalooba waxay odhan: Rabbigayow! Na tus kuwii na lumiyey oo jin iyo insiba lahaa si aanu u marinno cagahayaga hoosteeda, oo ay u noqdaan halka ugu hooseeysa 'Naarta' [10].","footnotes":"[10]. Halka u hooseysa dabaqyada Naarta. Ama macnaha waa si aan cagta u marinno oo ugu dul soconno aar goosi ahaan."},{"id":30,"translation":"30. Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan (ee Islaamka) malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadooda iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, kuna bishaareysta Jannadii la idiin yaboohay."},{"id":31,"translation":"31. Annagaa ah gargaarayaashiin nolosha adduunkan iyo Aakhiradaba, waxaadna leedihiin gudaheeda waxay nafahiinnu doonaan, oo waxaad leedihiin gudaheeda waxaad dalabtaan."},{"id":32,"translation":"32. Waa martiqaad xagga (Alle) Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":33,"translation":"33. Yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Alle, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu ka mid ahay Muslimiinta."},{"id":34,"translation":"34. Ma sinna samaanta iyo xumaantu, ku qaabil (xumaha) waxa wax u wanaagsan (cafis iyo masaamax iyo asxaan fal), markaas eeg! Kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqonayaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin."},{"id":35,"translation":"35. Lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib weyn."},{"id":36,"translation":"36. Hadduu ku waswaasiyo shaydaan waswaasin (kuugu yeedho xume fal iyo cadho) ka magan gal Alle. Hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon."},{"id":37,"translation":"37. Calaamooyinka (Alle ee muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Alle (Keliya) ee abuuray, haddaad Isaga uun caabudi [11].","footnotes":"[11]. Macnaha waa ha caabudina Alle idinkoo u maraya uumankiisa, e caabuda si toos ah Keligi idinkoo aan waxba la wadaajin cibaadada."},{"id":38,"translation":"38. Hadday iska kibriyaan (cibaadada), kuwaa ah Rabbigaa agtiisa (malaa’igta) baa u tasbiixsada habeen iyo maalinba kamana daalaan (caabudiddiisa)."},{"id":39,"translation":"39. Calaamooyinka Alle waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas (abaar) ah, markase aan ku soo da’inno biyo (roob) uu noolaado oo soo kor noqdo. Hubaal Kan (Allaah ee) nooleeya wuxuu nooleyn maytida. Hubaal wax walba wuu Karaa."},{"id":40,"translation":"40. Kuwa iiliya Aayadahayaga [12] nagama qarsoona. Ma mid lagu tuuri Naarta baa khayr badan, mise mid Iman isagoo nabad ah Maalinta Qiyaamaha? Fala waxaad doontaan 'Alle 'waxaad fashaan wuu arkaa.","footnotes":"[12]. Iyagoo u akhriyaya si leexsan ama u fasiraya si khaldan."},{"id":41,"translation":"41. Hubaal kuwa ku gaalooba Waanada [13] (Qur’aanka) markuu u yimid 'waa laga jazayn' [14] oo (kani Qur’aanka) waa Kitaab sharaf weyn leh.","footnotes":"[13]. Kuwa diida xaqa ama door bida tafsiirka qalloocan Alle ma hanuuniyo. \n[14]. Hadalka inta ka go’an waa la iska garan karaa oo waxaa weeye: Waxay la kulmi doonaan ciqaab aan la suureysan karin.”"},{"id":42,"translation":"42. Baadil ugama yimaado hortiisa ama gadaashiisa [15]; waa Waxyi laga soo dejiyey xagga Xakiim, Ammaanan (Alle).","footnotes":"[15]. Aan isagoo kale la keeni karin, aan waxba looga qaadin in wax laga sheego, uuna yahay Kitaab uu Alle dhowray."},{"id":43,"translation":"43. Waxba lagu odhan maayo (Nabi Muxammadow) aan aheyn wixii lagu yidhi Rusushii kaa horreysay. Hubaal Rabbigaa waa Rabbiga Denbi dhaafka leh, iyo Rabbiga leh Ciqaab Xanuun Badan."},{"id":44,"translation":"44. Haddaan ka dhigi lahayn Qu’raan af shisheeye ku soo dega, waxay odhan lahaayeen: Maxaa Aayadihiisa looga dhigi waayey kuwo cad? Waa maxay acjami (carrab) shisheeye isagoo Carab ah? Dheh: Wuxuu u yahay kuwa rumeysan hanuun iyo caafimaad. Kuwase aan rumeysnayn waxaa ah culeys dhegahooda, waana ka indha la' yihiin, kuwaa waxaa looga yeedhaa meel fog."},{"id":45,"translation":"45. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waase la isku khilaafay. Haddiina aysan jiri lahayn erey ka hormaray Rabbigaa (in dib loogu dhigo cadaabka) waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, waxayse ka qabaan (Qur’aanka) shaki walaac leh."},{"id":46,"translation":"46. Qofkii sama fala naftiisay (dan) u tahay, kii xumaan falana isagay u daran tahay, Rabbigaa ma aha mid dulmiya addoomaha."},{"id":47,"translation":"47. Xaggiisaa loo celiyaa cilmiga Saacadda 'Qiyaame' [16]. Kama soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, oo ma jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Maalinta markuu u yeedhi: Meeye kuwa aad ila wadaajiseen 'cibaadada' [17]? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiin naguma jiro mid ka markhaati kici (inay yihiin shariigyadaada).","footnotes":"[16]. Ma jiro axad ogsoon goorta ay dhici doonto Qiyaamaha aan ahayn Allaah. \n[17]. Asnaamta waxay ka dhigeen kuwo la shuruko ah ama la siman Alle."},{"id":48,"translation":"48. Waxay waayi waxay horey ugu dhawaaqan jireen (oo ilaahyo been ah), waxayna yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan."},{"id":49,"translation":"49. Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, hadduuse shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah."},{"id":50,"translation":"50. Haddaan dhadhansiinno naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, wuxuu odhan: Kan anaa leh [18], mana filayo inay dhici Saacadda (Qiyaame), haddii la ii celiyona xagga Rabbigay, waxaan ka heli agtiisa wanaag. Waxaan u sheegi kuwa gaaloobay waxay faleen, waxaana dhadhansiin Cadaab Adag.","footnotes":"[18]. Macnaha waa waxaan ku helay xoogsigeyga, aqoonteyda, iyo wanaagga aan leeyahay, fadliga aan dheerahay dadka kale darteed, iwm."},{"id":51,"translation":"51. Markaan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, markuuse dhib taabto, wuu baryootan badan yahay."},{"id":52,"translation":"52. Dheh: Bal ka warrama hadduu ka yimid (Qur’aanka) xagga Alle, markaas aad ku gaalowdaan - yaa ka lunsanaan badan kan ku sugan gaalnimo iyo khilaaf fog."},{"id":53,"translation":"53. Waxaan ka tusi doonnaa Calaamooyin- kayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Miyuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay marag."},{"id":54,"translation":"54. Ogaada, hubaal, Waxay (gaaladu) ka shaki qabaan la kulanka Rabbigood, ogaada, hubaal, (Alle) wuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay."}]},{"id":42,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Xaa Miim."},{"id":2,"translation":"2. Cayn Siin Qaaf [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":3,"translation":"3. Sidaasuu Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah, kuugu waxyoodaa siduu ugu (waxyoodayba Nabiyadii) kaa horreeyay."},{"id":4,"translation":"4. (Alle) baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Sarreeyaha, Weyn."},{"id":5,"translation":"5. Samooyinku waxay ku sigtaan inay ka kor dil-dillaacan [2], malaa’igtuna waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood, una weydiiyaan denbi dhaaf kuwaa dhulka korkiisa ah, hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.","footnotes":"[2]. Haybadda iyo Weynida Alle s.w.t darteed ee ka korreeya iyaga."},{"id":6,"translation":"6. Kuwase yeesha Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan), Alle baa u jeeda oo dhowraya, adiguna kama tihid wakiil."},{"id":7,"translation":"7. Sidaasaan kuugu waxyoonnay Qur’aan Carabi ah si aad ugu digto magaalada xarunta ah (Makkah) iyo waxa hareerahee- da ah [3], iyo inaad ka digto Maalinta Kulanka (Qiyaamada) ee uusan ku jirin shaki, koox waxay gali Janno, kooxna Naar huraysa.","footnotes":"[3]. Waa dadka kale oo dhan."},{"id":8,"translation":"8. Hadduu doono Alle, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, wuxuuse geliyaa cidduu doono Naxariistiisa [4]. Daalimiintu ma leh sokeeye iyo gargaare midna.","footnotes":"[4]. Wuxuu geliyaa Naxariistiisa kuwaasi doonaya hanuunkiisa iyo inuu aqbalo camalkooda."},{"id":9,"translation":"9. Mise waxay yeesheen Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan)? Allaah baase ah Waliga (Sokeeyaha iyo Gargaaraha dhabta ah), Isagaana nooleeya maytida, Isagaana wax walba Kara."},{"id":10,"translation":"10. Waxaad isku khilaaftaan oo wuxuun ah go’aankiisa waa (in loo celiyaa) Allaah, Kaasi waa Allaah, Rabbigay, Isagaan tala saartaa, Xaggiisaana u noqdaa [5].","footnotes":"[5]. Xusid iyo tawbad keen ahaan."},{"id":11,"translation":"11. (Waa) uumaha samooyinka iyo arlada wuxuu idiinka yeelay nafahiinna noocyo (lab iyo dheddig); xoolahana (sidoo kale) noocyo. Sidaasuu idinku tarmiyaa. Ma jiro wax la mid ah [6], waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.","footnotes":"[6]. Ma jiro wax isu ekaansho ah haba yaraatee ee ka dhexeeya Abuuraha iyo uunkiisa xag kasta, tilmaamo iyo camallo ahaan."},{"id":12,"translation":"12. (Alle) baa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada, wuxuu u waasiciyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), wax walbana (Alle) wuu Og yahay."},{"id":13,"translation":"13. Wuxuu idiin jideeyey xagga diinta wuxuu u dardaarmay Nuux, iyo waxaan kuu waxyoonnay, iyo waxaan u dardaarannay Ibraahiim, Muuse, iyo Ciise: Inaad oogtaan diinta oo ku kala qaybsamin. Waa ku adag tahay mushrikiinta waxaad (Towxiidka) aad ugu yeedhaan. Alle wuxuu u doortaa Xaggiiisa qofkuu doono, wuxuuna u hanuuniyaa Xaggiiisa kan u soo laabadka badiya (xusid iyo tawbad ahaan)."},{"id":14,"translation":"14. Ma ay noqon kuwo kala qaybsan (xagga diinta) markuu u yimid cilmiga kaddib mahee xasad darti dhexdooda ah. Haddii aysan jirteenna Kelmed uga dhacday horay Rabbigaa oo muddo magacaaban ah (in lala sugo Qiyaamada), waa la kala xukumi lahaa dhexdooda. Kuwana la dhaxal siiyey Kitaabka iyaga kaddib (Yuhuudda iyo Nasaarada) shaki weyn bay ka qabaan (diinta)."},{"id":15,"translation":"15. Arrin(kani) (Towxiidka) ku baaq adigoo ku sugnaan dhabbaha toosan sida lagu amray [7], hana raacin hawadooda (xun) oo dheh: Waxaan rumeynay wuxuu Alle soo dejiyey oo Kitaab ah, waxaana la i amray inaan falo caddaalad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba. Waxaan mudan acmaashayada idinkuna waxaad mudan acmaashiinna [8], xujo (hadda) inama dhex taallo [9]. Allaah baa ina soo kulmin innagoo dhan, waana Xaggiisa meel noqodka dambe.","footnotes":"[7]. Inta ka go’an hadalka waa ugu yeedh inay tawbad keenaan.\n[8]. Waa natiijada camalladooda.\n[9]. Marba haddii laga yeelay Xaqa caddaan, kuwaasi Xaqa diida waxay sidaasi u yeelaan oo keliya kibir darti iyo u xilasho dano adduun."},{"id":16,"translation":"16. Kuwa ka dooda Arrinka Alle inta la ajiibay kaddib, xujadoodu qiimo kuma fadhido Rabbigood agti [10], dushoodana Cadho (Alle) baa ah, waxayna leeyihiin Cadaab Daran.","footnotes":"[10]. Kaddib markay dadku aqbaleen Xaqa ka yimid Alle, waxayna isku dayaan gaalada inay ka weecshaan mu’miniinta xagga Diinta Islaamka."},{"id":17,"translation":"17. Alle waa Kan ku soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) Xaq iyo Miisaanka (caddaaladda). Maxaa ku ogeysiin waa intaasoo Saacadda 'Qiyaame' Dhowdahay?"},{"id":18,"translation":"18. Kuwa aan rumeysneyn baa degdegsa- da [11], halka kuwa rumeysan ay ka cabsi qabaan, waxayna og yihiin inay tahay Xaq. Kuwa uga doodana si gurracan arrinka Saacadda 'Qiyaame' waxay ku sugan yihiin habow fog.","footnotes":"[11]. Waxay yidhaahdeen haddii ay run yihiin waxaad sheegeyso noo keen cadaabka isla hadda dib u dhig la’aan."},{"id":19,"translation":"19. Alle waa u Roon yahay addoomahiisa. Wuxuu irsaaqaa cidduu doono, waana Xoog Badanaha, Adkaadaha ah."},{"id":20,"translation":"20. Qofkii rabaa dalagga (kasabka iyo ajarka) Aakhiro, waan u kordhinnaa dallagiisa (ajarkiisa), Qofkiise raba dalag (kasab) adduunyo wax baan ka siinnaa, Aakhiradana kuma laha wax saami ah."},{"id":21,"translation":"21. Mise waxay leeyihiin shurako (ilaahyo) u jideeyey diin uusan Alle idmin. Haddayna jirin Kelmedda kala bixinta (Qiyaamada in lala sugo oo dib loogu dhigo cadaabka), waa loo kala garsoori lahaa dhexdooda. Daalimiintu waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaame) cadaab xanuun badan."},{"id":22,"translation":"22. Waxaad arki daalimiinta oo cabsi ka buuxdo waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), wuuna ku dhici iyaga, kuwase (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay gali keymaha beeraha (Jannada), waxay ka heli wax kasta ay doonaan Rabbigood agtiisa. (Arrin)kaasi baa ah Fadliga Weyn."},{"id":23,"translation":"23. (Arrin)kaasi waa waxa uu Alle ugu bishaareeyo addoomahiisa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Dheh: Idinku weydiisan maayo wax abaalgud ah baaqakani, aan aheyn kalgacal qaraabannimo. Qofkii kasbada wanaagna waxaanu siin wanaag ka badan.Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan."},{"id":24,"translation":"24. Mise waxay leeyihin: Wuxuu ka been sheegay Alle? Hadduu doono Alle, wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga [12]. Alle wuu tirtiri baadilka, kuna sugi xaqa Kelmadihiisa. Hubaal Alle wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).","footnotes":"[12]. Wuxuu kaa yeeli karaa inaad illowdo Qur’aanka oo lagu hilmaansiiyo."},{"id":25,"translation":"25. (Alle) waa Kan ka aqbala tawbada addoomahiisa ee cafiya denbiyada, wuuna Og yahay waxaad fashaan."},{"id":26,"translation":"26. Wuxuu (Alle) ajiibaa kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo siiyaa wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Gaaladuse waxay leeyihiin Cadaab Daran."},{"id":27,"translation":"27. Hadduu Alle u fidin lahaa risiqa addoomahiisa, waxay ku qooqi lahaayeen arlada, Wuxuuse u soo dejiyaa qaddar waafaqsan siduu rabo. Alle addoomahiisa waa u Xog ogaal, Arkaa."},{"id":28,"translation":"28. (Alle) waa Kan soo dejiya roobka kaddib markay quusteen oo faafiya Raxmaddiisa. Waa Isaga Gargaaraha mudan ammaan idilkeed ee la mahdiyo."},{"id":29,"translation":"29. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa (muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) abuurista samooyinka iyo arlada iyo wuxuu ku fidiyey (abuuray) dhexdooda oo (nafley) dhul socod ah. Alle inuu soo kulmiyo dhammaantood markuu doono wuu Karaa."},{"id":30,"translation":"30. Wixii idinku dhaca oo masiibo ah waa waxay kasbadeen gacmiihiinnu (oo denbiyo ah), Wuxuuna (Alle) idinka cafiyaa wax badan."},{"id":31,"translation":"31. Kuma baxsan kartaan dhulka, mana lihidin Alle ka sokow ilaaliye iyo gargaare midna."},{"id":32,"translation":"32. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka Alle doonyaha badda maaxa buuro oo kale ah."},{"id":33,"translation":"33. Hadduu doono, Wuxuu xasiliyaa (joojiyaa) dabeysha, markaasay fadhiistaan biyaha korkooda. Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan calaamooyin mid kasta oo samir iyo mahad naq badan."},{"id":34,"translation":"34. Ama waa intaasoo uu u halligo [13] waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah), \n wax badanna (Alle) wuu ka cafiyaa.","footnotes":"[13]. Macnaha waxaa weeye wuxuu Alle awoodaa inuu harqiyo doomaha isagoo ku keenayo dabeylo daran."},{"id":35,"translation":"35. Waxayna ogaan kuwa ka dooda Aayadahayaga inaysan u sugnaanin meel ay magan galaan."},{"id":36,"translation":"36. Wixii la idin siiyo oo wuxuun ah waa uun sahay dhammaaneysa ee nolosha adduunkan, waxase Alle agtiisa ah baa u khayr badan oo daa’insan kuwa (Xaqa) rumeysan ee Rabbigood tala saarta."},{"id":37,"translation":"37. Ee ah kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, markay cadhoodaanna wax iska cafiya."},{"id":38,"translation":"38. Ee ah kuwa ajiiba Rabbigood oo ooga salaadda, xukunkooduna wada tashi yahay dhexdooda, waxaan ku irsaaqnayna wax ka bixiya."},{"id":39,"translation":"39. Ee ah kuwa marka la dulmiyo is difaaca [14] 'xad gudub la'aan'.","footnotes":"[14]. Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: “Saamaxaadda wuxuu Alle ugu ziyaadiyaa qofka sharaf iyo ciso.”"},{"id":40,"translation":"40. Abaalka hal xume waa xume la mid ah, qofkii se iska cafiya oo wax hagaajiya, wuxuu ka heli ajarkiisa xagga Alle. Hubaal Alle ma uu jecla daalimiinta (gar diidka)."},{"id":41,"translation":"41. Qofkii is difaaca kaddib marka la dulmiyey, kuwan weeye kuwa aan lagu lahayn jid (lagu eedo)."},{"id":42,"translation":"42. Waxaa sideedaba jid lagu leeyahay (oo eed leh) kuwa dulmiya dadka, oo ku fallaagooba arlada xaq darro, kuwani waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaamaha) cadaab xanuun badan."},{"id":43,"translation":"43.Qofkii sabra oo wax iska cafiya, kaasi [15] waa arrin loo qasdo (la go'aansado).","footnotes":"[15]. Xagga kuwa doonaya abaalgduka Alle."},{"id":44,"translation":"44. Qofkii uu Alle lumiyo, ma uu laha gargaare Isaga kaddib. Waxaadna arki daalimiinta markay arkaan cadaabka, iyagoo leh: Miyey jirtaa jid loogu laabto (adduunkii si aan u tawbad keenno)."},{"id":45,"translation":"45. Waxaad arki (gaalada) iyagoo la hor keenay (Naarta) la tabaaleysan dulli (oo) ku eegaya libiqsi qarsoon. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Hubaal Khasaara- yaasha waa kuwa khasaaray nafahooda iyo eheladooda Maalinta Qiyaamaha. Ogaada, hubaal, daalimiintu waxay ku sugnaan (Qiyaamada) cadaab ma guuraan ah."},{"id":46,"translation":"46. Uma sugnaan awliyo u soo gargaari Alle ka sokow. Qofkii uu Alle lumiyo, uma sugna wax jid ah (uu ku tooso)."},{"id":47,"translation":"47. Ajiiba Rabbigiin ka hor inta aanay iman Maalin xagga Alle ah aan la celin karin. Ma leh meel aad magan gashaan Maalintaas, mana inkiri kartaan denbiyadiinna [16].","footnotes":"[16]. Ma suurowdo inaad inkirtaan denbiyadiinna ama ka hor timaaddaan Ciqaabka Alle."},{"id":48,"translation":"48. Hadday jeesadaan, kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan korkooda. Ee waxa keliya ee ku saarani waa inaad gaarsiiso (Fartiinta). Markaanna dhadhansiinno Aadmiga naxariis Xaggayaga ah, wuu ku farxaa, haddayse musiibo gaadho waxay horay gacmahoodu u faleen darteed ah, Aadmigu wuu abaal dhac badan yahay."},{"id":49,"translation":"49. Alle baa iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada. Wuxuu abuuraa Wuxuu doono. Wuxuu ugu deeqaa qofkuu doono gabdho, oo ugu deeqaa qofkuu doono wiilal."},{"id":50,"translation":"50. Ama Wuxuu isugu daraa labada noocyoodba’ lab iyo dheddig, wuxuuna ka dhigaa qofkuu doono ma dhaleys. Hubaal Alle waa wax kasta Oge, Awood Badan."},{"id":51,"translation":"51.Uma suurowda in Aadmi uu Alle toos ula hadlo Waxyi mooyee, ama kala hadlo daah gadaashi ama uu u soo diro Rasuul (malag ah) oo Idanki wuxuu doono ugu waxyooda. Hubaal (Alle) waa Sarreeye, Xakiim ah."},{"id":52,"translation":"52. Sidaasaan kuugu waxyoonnay Ruux (Qur’aan) Amarkayaga ah, ma aadan ogeyn wuxuu yahay Kitaab iyo Iimaan midna? Waxaanse ka yeelnay Nuur aan ku hanuuninno ciddaan doonno oo ka mid ah addoomahayaga. Oo xaqiiq Adigu (Nabi Muxammadow) waxaad ku hanuunisaa (dadka) Jid Toosan."},{"id":53,"translation":"53. Jidka Alle, ee ah Kan iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ogaada, xagga Alle bay u ahaan umuuraha oo idil (wuuna idin abaal marin, qof walba iyo camalki)."}]},{"id":43,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Xaa Miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa)."},{"id":3,"translation":"3. Hubaal Annagaa (Alle ah) ka yeellay Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan."},{"id":4,"translation":"4. Wuxuuna xaqiiq ku sugan yahay asalka Kitaabka [2] nala yaal, Kor ah, Xikmad Badan.","footnotes":"[2]. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka."},{"id":5,"translation":"5. Miyaan idinka deysannaa (Qur’aanka) gebigiisaba inaad tihiin qolo xad gudub badan awgeed?"},{"id":6,"translation":"6. Badanaa intaan Nabi u dirnay kuwii hore dhexdood!"},{"id":7,"translation":"7. Ma jirin Nabi u yimaada oo aysan ku jees-jeesin."},{"id":8,"translation":"8. Markaasaan hallignay kuwo [3] ka xoog iyo qabasho badnaa, waxaana hore u tagay mataalka kuwii hore (ee la halaagay).","footnotes":"[3]. Waxaa loola jeedaa gaalada ku jira Quraysh, iwm."},{"id":9,"translation":"9. Haddaad (gaaladaa) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Waxaa abuuray (Alle) Adkaadaha, Wax kasta Ogaha ah."},{"id":10,"translation":"10. Kan idiinka dhigay dhulka gogol, idiinkuna yeelay dhexdiisa waddooyin si aad ugu toostaan."},{"id":11,"translation":"11. Ee ah Kan ka soo dejiya daruuraha biyo qaddaran oo aan ku nooleyno magaalo dhimatay, sidaasaa la idiin soo bixin (dhimasho kaddib)."},{"id":12,"translation":"12. Ee ah Kan abuuray noocyada wax waliba oo idiin yeelay doonyo [4] iyo xoolo [5] aad fuushan.","footnotes":"[4]. Sidoo kale diyaarado, tareenno, gawaadhi, iwm.\n[5]. Geel, lo', fardo, iwm."},{"id":13,"translation":"13. Si aad u kortaan dushooda, markaas aad xustaan Nicmadda Rabbigiin markaad dushooda kortaan, oo tidhaahdaan: waxaa ka hufan (xumaan) Kan 'Alle' ee noo sakhiray waxakan, mana aheyn kuwo kara leyligeeda."},{"id":14,"translation":"14. Innaguna xaqiiq xagga Rabbigayo (Allaah) yaanu u guddoomeynaa."},{"id":15,"translation":"15. Waxayse ka yeelaan qayb ka mid ah addoomihiisa 'shariigyo la wadaaga Alle cibaadada' [6]; Hubaal Aadmigu waa abaal darane caddaysatay.","footnotes":"[6]. Iyagoo ku andacooda inuu Alle s.w.t. leeyahay wiil ama gabdho. Arrinkanna kuma habboona Alle, waayo waa Keli aan wax shariik ah lahayn iyo xaas iyo ilmo midna."},{"id":16,"translation":"16. Ma wuxuu (Alle) ka yeeshay wuxuu abuuray qaarkood (malaa’igta) gabdho, oo idiin dooray wiilal."},{"id":17,"translation":"17. Marka loogu bishaareeyo midkood waxa (gabdhaha) uu u nisbeeyo Raxmaanka 'Alle' ugana yeelo tusaale, wuxuu wejigiisu noqdaa madow isagoo walbahaarsan."},{"id":18,"translation":"18. Ma (Allay ku sheegaan inuu dhalay gabdho) ah kuwo ku barbaara isqurxin oo aan doodna caddeyn karin?"},{"id":19,"translation":"19. Oo waxay ka yeelaan malaa’igta ah addoomaha Raxmaanka dheddig, miyey joogeen abuurkoodii? Maraggooda waa la qori oo la weydiin 'arrinkaa' [7].","footnotes":"[7]. Mushrikiintu waxay yidhaahdaan malaa’igtu waa gabdhahii Alle, laakiin sida dhabta ah waa inay malaa’igtu yihiin qaar ka mid ah addoomaha Ilaahay ee la sharfay."},{"id":20,"translation":"20. Waxay yidhaahdeen: Hadduu doono Raxmaanku, marnaba ma aanu caabudneen (wax kale). Uma ay laha wax cilmi ah (arrin)kani, been uun bay sheegi."},{"id":21,"translation":"21. Mise waxaan siinnay Kitaab ka horreeyey (Qur’aanka oo amri inay caabudaan Alle qeyrki) oo ay heystaan?"},{"id":22,"translation":"22. Waxayse yidhaahdeen: Waxaan hellay aabbayaashayoo ku sugan dariiqo, innaguna iyaga raadkoodii baan ku hanuunsannahay."},{"id":23,"translation":"23. Sidaasoo kale, Uma aanu soo dirin hortaa wax dige ah magaalana oo aysan kuwooda ladnaa ee ku jiray odhan: Waxaan hellay aabbayaashayoo ku sugan dariiqo, waxaan annaguna raacnaa raadadkoodii."},{"id":24,"translation":"24. (Digihii) wuxuu yidhi: Ma xitaa haddaan idiin keeno hanuun ka fiican waxaad ka he- sheen aabbayaashiin? Waxay yidhaahdeen: Innagu ku gaalownay waxa (Xaqa) la idinla soo diray."},{"id":25,"translation":"25. Markaasaan ka aarsannay ee fiiri siday aheyd cidhibta xaq diidayaasha."},{"id":26,"translation":"26. (Xus) markuu Ibraahiim ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: Anigu waxaan xaqiiq barii ka ahay waxaad caabuddaan oo dhan."},{"id":27,"translation":"27. Aan ahayn Kan i abuuray (Allaah), Isagaa i hanuunin."},{"id":28,"translation":"28. Wuxuuna ka yeelay Kalimadda [8] (Towxiidka) mid ku baaqi ah durriyaddiisa dhexdooda [9], si ay (Xaqa) ugu noqdaan.","footnotes":"[8]. Waa Kalimada Laa ilaaha illal Laah. \n[9]. Nabi Ibraahiim c.s. wuxuu ka dhigay towxiidka wax ku baaqi ah firkiisa."},{"id":29,"translation":"29. Waxaanse ugu raaxeeyey kuwaas (gaalada) iyo aabbayaashoodba (adduunka) ilaa uu u yimid Xaqu (Qur’aanka) iyo Rasuul cad [10].","footnotes":"[10]. Waxaa loola jeedaa Nabi Muxammad s.c.w."},{"id":30,"translation":"30. Markuu u yimid Xaqa waxay yidhaah- deen: Kani (Qur’aanku) waa sixir, innaguna xaqiiq ku gaalownay."},{"id":31,"translation":"31. Waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur’aankan loogu soo dejin waayey nin darajo weyn oo ka tirsan labada magaalo [11]?","footnotes":"[11]. Waxaa loola jeedaa labaadaa magaalo Makkah iyo Daa’if."},{"id":32,"translation":"32. Ma iyagaa ah kuwa qaybiya Naxariista Rabbigaa? Annagaa (Alle ah) ka qaybinna dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunkan, oo ka kormarinnay qaarkoodba qaarka kale derejooyin, si ay qaarkood qaarka kale ugu adeegtaan. Naxariista Rabbigaa baana ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah)."},{"id":33,"translation":"33. Hadduusan dadku noqonayn ummad keliya (isku jid ah dhammaantood) waxaan ka yeeli laheyn kuwa ku gaalooba Raxmaanka guryahooda saqafyo fiddo ah iyo salaanno (fiddo ah) ay ku koraan [12].","footnotes":"[12]. Allaah wuxuu leeyahay waxaan ku siin lahayn gaalada wax kasta adduunka haddii aanay dad kale ku fidnoobeyn arrinkaasi, waayo Aakhiro ma leh gaaladaa waxaan aheyn Naar."},{"id":34,"translation":"34. Guryahoodana albaabbo (fiddo ah) iyo sariiro 'sare'ay korkooda ku dangiigsadaan."},{"id":35,"translation":"35. Iyo qurxinno (kaloo) dahab ah. Waxa- kani oo dhammina ma aha waxaan aheyn raaxada nolosha adduunkan (ee dhammaa- neysa). Aakhirada Rabbigaa agti ahna waxaa leh oo keliya dhowrsanayaasha."},{"id":36,"translation":"36. Qofkii ka jeesada xuska Raxmaanka (Qur’aanka) waxaanu u xil saarnaa Shaydaan oo ku lammaansanaan."},{"id":37,"translation":"37. Waxay ka duwaanna Jidka (Xaqa), waxayna isu maleyn inay hanuunsan yihiin."},{"id":38,"translation":"38. Jeer markuu noo yimaado wuxuu ku yidhaahdaa (shaydaankaa): wayee, may dhexdeenna ahaato intay isu jiraan bariga iyo galbeedka oo kale; adigaa u xune cid lala xidhiidho."},{"id":39,"translation":"39. Wax idiinma tareyso (gaaloy) Maalintan (Qiyaamada) maadaama aad dulmi fasheen inaad cadaabka (musiibada) wadaagtaan."},{"id":40,"translation":"40. Ma adigaa wax maqashiin kara (Nabiyow) dhegoolaha, mase hanuunin kartaa indhoolaha iyo mid ku jira habow cad?"},{"id":41,"translation":"41. Haddaan ku oofsanno, Annaga uun baa ka aarsan iyaga (gaalada)."},{"id":42,"translation":"42. Ama aan ku tusinno waxaan ugu gooddinno oo cadaab ah, waxaanu ku leennahay dushooda awood buuxda."},{"id":43,"translation":"43. Ee qabso waxaa laguu waxyooday (Qur’aanka), waxaad ku sugan tahay Tub Toosan (Islaamka)."},{"id":44,"translation":"44. (Qur’aankanina) waa kuu waano (sharaf iyo darajo) adiga iyo dadkaaba, waana la idin weydiin."},{"id":45,"translation":"45. Weydii kuwaa ka midka ah Rusushayada aan soo dirnay hortaa: Ma waxaan yeellay Raxmaanka (Allaah) ka sokow ilaahyo la caabudo ?"},{"id":46,"translation":"46. Waxaanu dhab ahaan Muuse la soo dirnay Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, markaasuu yidhi: Anigu waxaan ahay Rasuulka Rabbiga uumanka."},{"id":47,"translation":"47. Markiise uu ula yimid Calaamooyinka- yaga mise wayba ku qosleen."},{"id":48,"translation":"48. Ma jirin mucjiso aan tusinnay oo aan ka weyneyn eynigeed kale, waxaana ku qabannay cadaab [13] bal inay u soo laabtaan (Xaqa).","footnotes":"[13]. Cadaabkaas waa cadaab adduunka ah sida raashinka oo ku yaraaday, beeraha oo lagu salliday ayax tiro badan, xoolaha oo ay abaar ka leysey, iwm."},{"id":49,"translation":"49. Waxay yidhaahdeen: Kan Saaxirka (caalimka) ahow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kuugula ballantamay. (Haddii nalaga feydo cadaabka) waanu hanuuni (raaci Xaqa)."},{"id":50,"translation":"50. Markiise aan ka faydnay cadaabka, mise, markiiba waxay ka baxeen ballankii."},{"id":51,"translation":"51. Wuxuu ka dhawaaqay Fircoon dadkiisii dhexdood isagoo leh: Dadkaygiiyow! Miyaanan anigu iska lahayn boqortooyada Masar iyo webiyadan qul-qula hoosteyda. Ee miyeydaan arkeyn?."},{"id":52,"translation":"52. Sow aniga kama fiicni midkani liita ee aan kareyn inuu caddeeyo hadalkiisa [14].","footnotes":"[14]. Waxay ula jeedaan Nabi Muuse c.s. Taasina dhab bay ahayd ka hor inta aan Muuse laga dhigin Nabi, markii la soo diray isagoo Nabi ah wuxuu Allaah ka furay guntinta carrabkiisa oo ka dhigay cod kar hadal cad."},{"id":53,"translation":"53. Maxaa loo siin waayey jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman weydey malaa’ig raacsan oo taageerta?"},{"id":54,"translation":"54. Wuxuu fudaydsaday qolodiisii, wayna adeeceen: waxay ahaayeen qolo caasi ah."},{"id":55,"translation":"55. Markay naga Cadheysiiyeen, waan ka aarsannay, waana harqinnay dhammaan."},{"id":56,"translation":"56. Waxaanu ka yeelnay wax tegay oo ay ku tusaale qaataan facyada dambe."},{"id":57,"translation":"57. Markaan uga yeellayna ina Maryam (Ciise) tusaale, mise qolodaada (mushrikiinta ah) way ka jeesadeen 'tusaalahaa' [15].","footnotes":"[15]. Inuu ka mid yahay uunka Ilaahay, kuwaasoo lala barbar caabudo Allaah."},{"id":58,"translation":"58. Waxay yidhaahdeen: Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga? Uma ayan soo qaadan tusaalahaa waxaan aheyn muran. Waase qolo dood badan [16].","footnotes":"[16]. Iyagoo qaba inay dhammaan isku mid yihiin."},{"id":59,"translation":"59. Ma uu aheyn (Ciise) wax ka badan addoon aan ugu nicmaynay (Nabinnimo), waxaana uga yeelnay tusaale reer Israa’iil."},{"id":60,"translation":"60. Haddaan doonno, waxaan idinka yeeli lahayn malaa'ig dhulka u hadha [17].","footnotes":"[17]. Ama idin xigsada idinka."},{"id":61,"translation":"61. isagu (Ciise iyo soo degitaanki) waa calaamad (muujin soo dhowaanshaha) Saacadda (Qiyaame), ee ha ka shakiyina arrinkeeda ee i soo raaca [18]: Kan baa ah Jid Toosan.","footnotes":"[18]. Waa raaca hanuunka iyo shareecada Alle (Islaamka)."},{"id":62,"translation":"62. Yuu idinka leexin shaydaanka (Jidka), hubaal wuxuu idiin yahay cadow iska cad."},{"id":63,"translation":"63. Markuuse Ciise ula yimid xujooyin cad, wuxuu yidhi: Waxaan idiin la imid Xikmad (Nabinnimo) iyo inaan idiin caddeeyo qaar ka mid ah waxaad isku khilaafsan tihiin, ee Alle ka cabsada oo i adeeca."},{"id":64,"translation":"64. Hubaal Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, Ee caabuda Isaga (Keliya). Kan baa ah Jid Toosan."},{"id":65,"translation":"65. Wayse is khilaafeen xisbiyadii (ehlu Kitaabkii) dhexdooda (xagga arrinka Ciise). Ee hoog waxaa leh kuwii dulmi falay xagga cadaab Maalin xanuun badan."},{"id":66,"translation":"66. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) - taasoo ugu iman kedis iyagoo aan dreemeyn."},{"id":67,"translation":"67. Saaxiibbadu Maalintaas waxay isu ahaan cadow qaarkoodba qaarka kale kuwa ka dhowrsada (xumaha) mooyee."},{"id":68,"translation":"68. Addoomahaygiiyoow! Cabsi ma aha korkiinna maanta, mana murugooneysaan."},{"id":69,"translation":"69. Kuwa rumeeyey Aayadahayaga ee ahaa Muslimiinta."},{"id":70,"translation":"70. Gala Jannada, idinka iyo xaasaskiinnuba [19]; waa laydinka farxine.","footnotes":"[19]. Macno kale waa kuwaasi eynigiin ah."},{"id":71,"translation":"71. Waxaa lagula kor wareegi xeedhooyin dahab ah iyo koobab, waxayna ka heli (Jannada) waxay doonaan nafahooda, indhuhuna ku raaxaystaan, idinkoo dhexdeeda ku waadhi."},{"id":72,"translation":"72. Taasi waa Jannadii aad ku dhaxasheen waxaad camalsan fasheen."},{"id":73,"translation":"73. Waxaad ku leedihiin gudaheeda midho tiro badan, xaggeedaa wax ka cuntaan [20].","footnotes":"[20]. Waxaa loola jeedaa wax kastoo macaan oo dhadhan fiican."},{"id":74,"translation":"74. Hubaal denbiilayaashu waxay geli cadaabka Naarta iyagoo ku waadhi."},{"id":75,"translation":"75. Lagama nuxuusiyo (Naarta), iyagoo halkaa gudaheeda ku quusan."},{"id":76,"translation":"76. Ma aanu dulmin, iyagaase ahaa daalimiin (gar ma qaatayaal)."},{"id":77,"translation":"77. Waxay u dhawaaqi (fura hayeenka Naarta iyagoo leh): Maaligow! Rabbigaa ha noo yeelo dhammaad. Wuxuu odhan: Waad ku waadhi (Naarta)."},{"id":78,"translation":"78. Waxaan idiin la nimid Xaq, badankiinnuse Xaqa baad nacdaan."},{"id":79,"translation":"79. Mise ma waxay goosteen arrin (qorshe)? Annaguna wax baynu qorsheynaynaa (Ciqaabkooda)."},{"id":80,"translation":"80. Mise ma waxay moodaan inaanaan maqleyn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee Rusushayada (malaa’igta ah) baa ag joogta oo qoreysa."},{"id":81,"translation":"81. Dheh: Haddii Raxmaanku (Alle, aad leedihiin wuxuu) leeyahay ilmo, waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida (oo ka hufa inuu leeyahay ilmo ama xaas ama shariig, iwm)."},{"id":82,"translation":"82. Waxaa xurmo oo dhan iska leh (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, Rabbiga Carshiga, oo ka hufan waxay ku tilmaamaan."},{"id":83,"translation":"83. Ee iska daa ha dhunbadeen (baadilkaas) oo ha iska cayaareene intay kala kulmaan Maalintooda loo yaboohay."},{"id":84,"translation":"84. (Alle) waa Isaga Ilaaha Keliyee Xaqa ah somooyinka gudahood iyo Ilaaha Keliyee Xaqa ah arlada gudaheed. Waa Xakiimka, wax kasta Ogsoon."},{"id":85,"translation":"85. Waxaa khayr iyo barako badan (Allaah) ee iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, oo ay agti tahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame), Xaggiisaana dib la idiinku soo celin."},{"id":86,"translation":"86. Oo uma leh awood shafeeco kuwa ay baryaan (Alle) ka sokow, hase ahaatee ciddii qirta xaqa (ashahaadada ee ku dhaqma) oo aqoon san u leh (waxbay u shafeeci Idanka Alle kaddib)."},{"id":87,"translation":"87. Haddaad (gaalada) weydiiso yaa abuuray iyaga, waxay hubaal odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?"},{"id":88,"translation":"88. (Nabigu) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Xaqiiq kuwaanu waa qolo aan rumayneyn (Xaqa)."},{"id":89,"translation":"89. Ee iska saamax oo dheh: Nabadgelyo, wayse ogaan (waxa ku dhaca)."}]},{"id":44,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Xaa Mim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Waxaan (Aniga Alle ah) ku dhaartay kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa)."},{"id":3,"translation":"3. Xaqiiq, waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeen barakaysan [2]. Waxaanu nahay kuwa diga.","footnotes":"[2]. Waa Laylatul Qaddarka ee loo soo waxyooday Nabiga s.c.w. Qur’aanka."},{"id":4,"translation":"4. Habeenkaas (Laylatul Qaddarka) baa la gooyaa arrin kasta oo xigmo leh."},{"id":5,"translation":"5. Amar ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul),"},{"id":6,"translation":"6. Naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa (Alle). Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon."},{"id":7,"translation":"7. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad yaqiinsaneysaan."},{"id":8,"translation":"8. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore."},{"id":9,"translation":"9. Waxayse ku sugan yihiin shaki, iyagoo iska cayaari."},{"id":10,"translation":"10. Ee sug Maalinta ay samadu keeni qiiq muuqda."},{"id":11,"translation":"11. kaasoo dabooli dadka, kani waa cadaab xanuun badan."},{"id":12,"translation":"12. (Waxay odhan), \"Rabbigayow! Naga feyd cadaabka [3], waan rumeynaye\".","footnotes":"[3]. Waxaa loola jeedaa abaartii iyo habaaskii iyo gaajadii lagu salladay kufaaru Quraysh beenintooda Nabiga s.c.w. awgeed."},{"id":13,"translation":"13. Goormay waantoobi, waxaana u yimid Rasuul iska cad (Nabi Muxammad)."},{"id":14,"translation":"14. Markaasay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid si fiican wax la soo baray, Jinnoole ah."},{"id":15,"translation":"15.Waxaan idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse ku noqoneysaan (gaalnimo)."},{"id":16,"translation":"16. Maalintaan qabaneyno qabashada weyn [4]. Hubaal waanu aarsan.","footnotes":"[4]. Qabashadii weyneyd waxay dhacday dagaalkii Badar markii la jabiyey gaaladii oo badi madaxdoodii lagu dilay dagaalkaasi, qaar kalena la soo qafaashay."},{"id":17,"translation":"17. Waxaanu dhab ahaan imtixaannay hortood qolodii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh (Nabi Muuse)."},{"id":18,"translation":"18. 'Isagoo leh': Ii dhiiba adoommaha Alle [5]. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.","footnotes":"[5]. Reer Israa’iil."},{"id":19,"translation":"19. Ha iska sare yeelina Alle. Waxaan idiinla imid xujo cade."},{"id":20,"translation":"20. Waxaana ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiin inaad i dhagaxyeysaan [6].","footnotes":"[6]. Si aydaan dhagax iigu shiidin ilaa geeri. Ama si aydaan iigu dhaleeceyn carrabyadiinna ama si aydaan iigu dhibaateyn si kale."},{"id":21,"translation":"21. Ee hadddaydaan i rumeyn, iga fogaada (I daaya)."},{"id":22,"translation":"22. Markaasuu (markay beeniyeen) u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Kuwakanu waa qolo denbiilayaal ah."},{"id":23,"translation":"23. (Alle wuxuu yidhi), \"La Guuree (Muusow) addoomahayga habeennimo. Waa la idin soo daba galiye."},{"id":24,"translation":"24. Oo dhaaf baddoo deggan [7] oo qaybsan: waa ciidan la qarqine\".","footnotes":"[7]. Kaddib markay labo u kala dhanbalantay, si ay askarta Fircoon u soo raacaan ilmahii Israa’iil oo markaa Fircoon iyo dadkiisa loo qarqiyo."},{"id":25,"translation":"25. Intee bay ka tageen beero iyo ilo."},{"id":26,"translation":"26. Iyo dalagyo iyo degaan wanaagsan."},{"id":27,"translation":"27. Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen."},{"id":28,"translation":"28. Waa sidaase! Waxaanu dhaxalsiinnay qolo kale (reer Israa’iil)."},{"id":29,"translation":"29. Uma ay ooyin samada iyo arladu, lamana siin wax fursad (kansho) ah."},{"id":30,"translation":"30. Waxaana dhab ahaan ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaab wax dulleeya."},{"id":31,"translation":"31. Xagga Fircoon ah; wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha."},{"id":32,"translation":"32. Waxaana ka doorannay (dadkii waqtigoodii), Annagoo ogsoon."},{"id":33,"translation":"33. Waxaana siinnay calaamado [8] ay ku sugnaayeen imtixaan cad.","footnotes":"[8]. Sida in lagu hareeyey daruuraha, loo soo dejiyey Manni iyo Salwaa, biyo looga burqiyey dhagax, badda cas oo loo kala dhanbalay, iwm."},{"id":34,"translation":"34. Kuwaasi (gaaladu) waxay yidhaahdaan:"},{"id":35,"translation":"35. Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore mana nihin kuwo dib loo soo nooleyn."},{"id":36,"translation":"36. Ee (dib) u soo cesha aabbayaashayadii hore, haddaad run sheegaysaan."},{"id":37,"translation":"37. Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac [9] iyo kuwii ka horreeyey? Waanu hallignay, waxay ahaayeen denbiilayaal.","footnotes":"[9]. Waxaa loolaa jeedaa reer Ximyar ee degganaa Yaman, Tubbacna waa naynaasta boqorkooda."},{"id":38,"translation":"38. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ciyaar."},{"id":39,"translation":"39. Uma aanu abuurin waxaan Xaq aheyn, badankooduse ma oga."},{"id":40,"translation":"40. Maalinta kala Baxa yaa u ballan ah dhammaan."},{"id":41,"translation":"41. Maalintaan qaraabannimo waxba laysugu tareyn laysuna gargaareyn."},{"id":42,"translation":"42. Mid uu Alle u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan."},{"id":43,"translation":"43. Hubaal geedka Zaquumka,"},{"id":44,"translation":"44. Waa cunnada denbiilaha,"},{"id":45,"translation":"45. Sida laami buu ugu kar-kari caloolaha (gaalada)."},{"id":46,"translation":"46. Sida kar-karka biyo aad u kulul."},{"id":47,"translation":"47. (Waxaa la dhihi): Qabta (gaalka), oo u jiida Naarta bartankeeda."},{"id":48,"translation":"48. Markaas ku shuba madaxiisa korkiisa cadaabka biyo kar-karaya."},{"id":49,"translation":"49. (Waxaa lagu dhihi): Dhadhami (Cadaabka), Waxaad (iska yeeleysay) inaad tahay adkaadaha, sharafta leh [10].","footnotes":"[10]. Waa sida uu sheeganayey intii uu joogay arlada. Waxaa lagu odhanayaa ereyadan digasho ahaan si loo xusuusiyo oo loo liido iyo cadaab dheeri ah ahaan."},{"id":50,"translation":"50. Hubaal kanu (Cadaabka) waa waxaad ka shaki qabteen oo ka doodeyseen."},{"id":51,"translation":"51. Hubaap kuwa (u) hoggaansan (Amarrada Alle) ee iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah (Janno)."},{"id":52,"translation":"52. Beero dhexdood iyo ilo."},{"id":53,"translation":"53. Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh)."},{"id":54,"translation":"54. Waa sidaase, Waxaanu u guurin xuurul ceyn."},{"id":55,"translation":"55. Waxay u yeedhan midho nooc kasta ah, iyagoo nabdoon [11].","footnotes":"[11]. Aan ka cabsaneyn inay ka dhammaadaan, oo ka cabsaneyn jirro."},{"id":56,"translation":"56. Ma ku dhadhaminayaan (jannada) dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, wuxuuna (Alle) ka dhowray cadaabka Naarta Ololka badan."},{"id":57,"translation":"57. Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni."},{"id":58,"translation":"58. Waxaan uun ugu fududaynay Qur’aanka carrabkaaga inay ku waantoobaan."},{"id":59,"translation":"59. Ee dhowr (oo eeg xaalkooda); iyaguna waxay dhowrayaan (waxaad ku dambeysaan)."}]},{"id":45,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Xaa Miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah."},{"id":3,"translation":"3. Xaqiiq, waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan calaamooyin mu’miniinta."},{"id":4,"translation":"4.Iyo abuuristiinnaba iyo wuxuu (Alle) ku fidiyey (ku abuuray dhulka) oo nafley socota ah, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii yaqiinsan."},{"id":5,"translation":"5. Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Alle ka soo dejiyo daruuraha oo risiq (roob) ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo gadgaddoonka dabeylaha waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi."},{"id":6,"translation":"6. Kuwakani waa Aayadaha Alle aan kuugu akhrinno (Nabiyow) si xaq ah, ee hadalkee bay Alle iyo Aayadihiisa kaddib rumeyn?"},{"id":7,"translation":"7. Hoog waxaa leh beenaale kastoo denbiile ah."},{"id":8,"translation":"8. Ee maqla Aayadaha Alle oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan."},{"id":9,"translation":"9. Markuu wax ka ogaadana Aayadahayaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwaa weeye kuwa mudan cadaab dulleysa."},{"id":10,"translation":"10. Waxaa ka dambeysa Naar, waxna uma taraan waxay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen awliyo (gargaarayaal ama difaacayaal) Alle ka sokow, waxayna leeyihiin cadaab Daran."},{"id":11,"translation":"11. Kani (Qur'aanku) waa hanuun. Kuwase ku gaalooba Aayadaha Rabbigood, waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan."},{"id":12,"translation":"12. Alle waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda Amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad ku mahdisaan."},{"id":13,"translation":"13. Wuxuu kaloo idiin sakhiray waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Hubaal, waxaa (arrin) kani ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri."},{"id":14,"translation":"14. Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeeyey inay iska dhaafaan [2] kuwa aan ka rajo qabin Ayaamaha Alle [3], si uu ugu abaal mariyo qolo waxay kasbadeen.","footnotes":"[2]. Waa billowgii baaqa Islaamka ka hor inta aan la idmin jihaadka.\n[3]. Ayaamaha Alle waxaa loola jeedaa maalmihii uu Alle ku soo dejiyey gaalada cadaabka, oo badbaadiyey kuwa xaqa rumeeyey."},{"id":15,"translation":"15. Qofkii sama fala naftiisay dan u tahay, kiina xumaan fala waa dushiisa. Waxaana dib la idiinku soo celin xagga Rabbigiin."},{"id":16,"translation":"16. Waxaan dhab ahaan siinnay reer Israa’iil Kitaabka (Towraadda) iyo xukun [4] iyo Nabinnimo, waxaana ku arsaaqnay waxyaalaha wanaagsan, oo ka faddilnay dadkii (waqtigoodii).","footnotes":"[4]. Al-Xukma waxaa loola jeedaa fahanka caqiidada iyo xeerarka islaamka iyo ku dhaqankooda iyo garsoor wanaagsan."},{"id":17,"translation":"17. Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismana khilaafin kaddib intuu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Rabbigaa waa u kala garsoori dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanaayeen."},{"id":18,"translation":"18. Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac, hana raacin hawada kuwa aan wax ogeyn."},{"id":19,"translation":"19. Iyagu kaagama taraan xagga Alle waxba; daalimiintana waa isu sokeeye qaarba qaarka kale. Alle waa Gargaaraha kuwa ka dhowrsada (xumaha)."},{"id":20,"translation":"20.Kuwakani waa u tusmooyin cad dadka, iyo hanuun iyo naxariis ciddii wax yaqiinsan."},{"id":21,"translation":"21. Mise ma waxay moodaan kuwa kasbada xumaha inaan la mid dhigeyno kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, oo noloshooda [5] iyo geeridooda sinnaan? Xumaa siday wax u xukumaan.","footnotes":"[5]. Tafsiir kale waa: Xumaan falayaasha waa isku mid noloshooda iyo geeridooda. Macnaha waa ma aqbalaan hanuunka."},{"id":22,"translation":"22. Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn."},{"id":23,"translation":"23. Ka warran mid ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Alle u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yeelayna caad araggiisa. Yaa hanuunin Alle kaddib? Miyeydaan waansameyn?"},{"id":24,"translation":"24. Waxay yidhaahdeen: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa [6] oo dhimannaa namana halaagaan waxaan aheyn waayaha. Uma laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali.","footnotes":"[6]. Macnaha waa dad baa dhinta qaar kale dhashaan, oo lagu beddelaa."},{"id":25,"translation":"25. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddaad run sheegaysaan."},{"id":26,"translation":"26. Dheh: Alle baa idin nooleyn, haddana idin dhinsiin, haddana idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha aan shaki ku jirin, dadka badankiisuse ma oga."},{"id":27,"translation":"27. Allaah ba iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdo, Maalintaasay khasaari ehlu baadilka."},{"id":28,"translation":"28. Waxaad arki ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkii (camalkeeda); Maanta waxaa la idinku abaal marin waxaad fasheen."},{"id":29,"translation":"29. Kani waa Kitaabkayaga oo idiinka hadlaya si xaq ah, Waanu qoraynay waxaad camal faleyseen [7].","footnotes":"[7]. Malaa’igta wax qorta baa qoreysey acmaashooda oo dhan."},{"id":30,"translation":"30. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu galin Naxariistiisa (Jannada), taasina waa Liibaanta Cad."},{"id":31,"translation":"31. Kuwase gaaloobay (waxaa lagu dhihi): Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? Waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo aheydeen qolo denbiilayaal ah."},{"id":32,"translation":"32. Marka la yidhaahdo: Ballan qaadka Alle waa Xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki kuma jiro, waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, waan maleyn uun malo (aan xag jirin), mana nihin kuwo huba (arrinkaasi)."},{"id":33,"translation":"33. Waxaa u muuqan (gaalada) xume waxay faleen (ciqaabteedii), waxaana koobi waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah)."},{"id":34,"translation":"34. Waxaana la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa (idiinka tegi Naarta) sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan (aydaan ugu diyaar garoobin Towxiid iyo camallo san), hoygiinnuna waa Naarta, mana jiro cid idiin soo gargaari."},{"id":35,"translation":"35. (Cadaab)kaasi waxaad ku mudateen inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, noloshii adduunka baana idin hodday. Marka Maanta lagama soo saarayo halkaa, lagamana yeelayo cudur daarasho."},{"id":36,"translation":"36. Ee Ammaan idilkeed iyo Mahadba Alle baa u mudan, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uumanka oo dhan."},{"id":37,"translation":"37. Isagaa (Alle) iska leh Weynaan (oo dhan) samooyinka iyo arlada gudahooda, waana Adkaadaha, Xakiimka ah."}]},{"id":46,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Xaa Miim [1].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah."},{"id":3,"translation":"3. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq iyo Muddo magacaaban. Kuwase gaalooba dhinac bay uga jeestaan waxa looga digo (oo cadaab ah)."},{"id":4,"translation":"4.Dheh: Bal ka warrama waxaad caabudey- saan Alle sokadi? I tusa maxay abuureen oo ka mid ah arlada, mise ma waxay ku leeyihiin qayb samooyinka? Ii keena Kitaab kan (Qur’aanka) horti ah ama wax raad cilmi (hore) ah (oo daliil u ah waxaad leedihiin) haddaad run sheegeysaan."},{"id":5,"translation":"5. Yaa ka lunsanaan badan mid barya (caabuda) Alle sokadi kuwo aan wax jawaab ah u soo celineyn ilaa Maalinta Qiyaamaha oo ah kuwo moog baryadooda?"},{"id":6,"translation":"6. Marka dadka la isu wada keenana ahaan cadowyadooda, oo ahaan kuwo caabudiddooda dafira."},{"id":7,"translation":"7. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxay kuwa gaalada ahi ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Kani waa sixir cad."},{"id":8,"translation":"8. Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh (Nabiyow): Haddaan been abuurtay, waxba iigama tareysaan xagga Alle; Isagaa Ogsoon waxaad dhumbataan 'oo been ah' [2]. Alle baana marag ugu Filan dhexdeenna aniga iyo idinka. Waana Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.","footnotes":"[2]. Waxa aad ku jirtaan oo male awaal ah iyo fikrado aad qabtaan."},{"id":9,"translation":"9. Dheh: ma ahi Rasuul kii ugu horreeyey oo ka mid ah Rususha [3] mana ogi (cilmi Ghaybka iyo) waxa laygu fali aniga ama idinka. Anigu ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo (ee Qur’aanka ah), aniguna ma ahi waxaan ahayn dige cad.","footnotes":"[3]. Lama iman wax ka duwan waxay la yimaadeen Rusushii hore, ama arrin cusub."},{"id":10,"translation":"10. Dheh: Bal ka warrama hadduu (Qur’aanka) ka yimid xagga Alle, oo aad ku gaalowdeen, uuna ka marag furay marag fure ka mid ah ilmahii Israa’iil [4] inuu la mid yahay (Towraadda), markaasuu rumeeyey [5] halka aad idinku is kibriseen. Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).","footnotes":"[4]. Waxaa loola jeedaa Cabdullaah bin Salaam. \n[5]. Hadalka ka go’an waa: Soo ma ahaaneysaan markaa kuwa ugu gef badan dadka? Ama xaalad noocee baad markaa ku sugnaan doontaan?"},{"id":11,"translation":"11. Waxay kuwii gaaloobay ku yidhaahdeen kuwii (Xaqa) rumeeyey hadduu khayr yahay noogama horreeyeen [6] rumeyntiisa, maadaamayna dooneyn inay ku hanuunsamaan, waxay yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanka) waa beenihii hore.","footnotes":"[6]. Waxay ula jeedeen Bilaal, Cammaar, Suhayb, Khabaab iyo qeyrkood a.k.r. kuwaasoo laga tol iyo tabar roonaa."},{"id":12,"translation":"12. (Qur’aanka) hortina waxaa ahaa Kitaabka Muuse hanuun iyo naxariis, kanina waa Kitaab rumeyn oo af Carabi ah si uu ugu digo kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), waana u bishaaro kuwo sama falayaasha ah."},{"id":13,"translation":"13. Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaas toosnaada [7], ma aha cabsi dushooda, mana murugoonayaan.","footnotes":"[7]. Markaas ku toosnaada diinta waa ku hanuunsanaada mabaadiida towxiidka, iimaanka iyo camallada wanaagsan oo ku sugnaada."},{"id":14,"translation":"14. Kuwaa waa ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda - abaalgud ahaan waxay camalsan faleen darteed."},{"id":15,"translation":"15. Waxaan ku waajibinnay Aadmiga inuu wanaajiyo oo daryeelo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtootay; oo (uur ku) sidkiisu iyo ka goynta (naas nuujintiisu) waa soddon bilood, jeer markuu tabar galo oo afartan jirsado yidhaahdo (kan fiican): Rabbiyow! I solansii inaan ka mahad naqo Nicmaddaada aad iigu nicmeysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camal san oo aad ka raalli tahay; oo ii hagaaji durriyadayda, Adigaan kuu tawbad keenaye, waxaana anigu ka mid ahay Muslimiinta."},{"id":16,"translation":"16. Kuwaa weeye kuwa aanu ka aqbalno camalkooda fiican oo aan iska dhaafno camalladooda xun, ka mid ah ehlu Jannaha - ballan qaad run ah oo loo ballan qaaday."},{"id":17,"translation":"17. Kan se ku yidhaahda waalidkiis: Uf baad tihiin. Ma waxaad iigu gooddisaan in la i soo saarayo iyagoo dhab ahaan ay facyo tageen hortay? Waxayna labadiisa waalid gargaar weydiistaan Allaah (iyagoo ku leh wiilkooda): Magacaa bi'i waaye! Rumee! Ballan qaadka Alle waa Xaqe. wuxuuse yidhaahdaa: Kanu ma aha waxaan aheyn sheekooyinkii kuwii hore."},{"id":18,"translation":"18. Kuwanu waa kuwa uu kula waajibay Qawlka (Cadaabka) ummado tegay hortood oo jin iyo inisiba leh. Waa kuwo xaqiiq khasaaray."},{"id":19,"translation":"19. Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin waafaqsan waxay faleen, iyo si uu ugu oofiyo si dhan camalladooda iyagoon la dulmineyn."},{"id":20,"translation":"20. Maalinta marka kuwa gaalooba loo soo bandhigi Naarta (waxaa lagu odhan): Waxaad wanaaggiinnii ku soo dhammeysateen noloshii adduunka oo ku raaxaysateen in muddo ah, maantase waxaa la idinku abaal marin cadaab silic badan, waxaad isku weyneyn jirteen arlada gudaheeda xaq darro, iyo caasiyoobiddiin- nii darteed."},{"id":21,"translation":"21. Xus (reer) Caad walaalkood [8], markuu ugu digey qolodiisii Al-Axqaaf (Buur ciideedda) dhab ahaanna digayaal baa la soo diray hortiis isaga iyo gadaashiiba (isagoo leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah; waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin Daran.","footnotes":"[8]. Nabi Huud c.s."},{"id":22,"translation":"22. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso ilaahyadayada? Ee bal soo daa waxaad noogu gooddiso, haddaad run sheegeyso."},{"id":23,"translation":"23. Wuxuu yidhi: Alle baa ku Cilmi leh (goorta caddibaaddiinna), waxaana idin soo gaarsiin Fartiinta la ila soo diray, waxaanse arkaa inaad tihiin qolo jaahiliin ah moog (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada)."},{"id":24,"translation":"24. Markay arkeen isagoo sidii daruur hogal ah ka muuqda samada ku soo aaddan togaggooda, waxay yidhaahdeen: waa daruur roob noo keeni.Ma jirto’ ee waa waxaad dalabteen in la soo dedejiyo [9]. Waa dabeyl wadata cadaab xanuun badan.","footnotes":"[9]. Markaad ka hortimaaddeen Nabigiinna oo aad tidhaahdeen noo keen waxa aad noogu gooddisey. Eeg Aayadda 22 ee Suuraddan."},{"id":25,"translation":"25. Ku baabbi’ineysa wax walba Amarka Rabbigeed; markaasay waxay noqdeen kuwo aan la arkeyn guryahoodii ma’ahee. Sidaas oo kale baan u jaazeynaa qoloda denbiilayaasha ah."},{"id":26,"translation":"26. Waxaanu u suurta gelinnay wax aanaan idiin suurta galin, waxaana u yeellay maqal, arag iyo laabo, waxbase uma tarin maqalkoodii, araggoodii iyo laabahoodii, waayo waxay dafireen Aayadaha Alle, waxaana ku dhacay oo koobay waxay ku jees-jeesayeen."},{"id":27,"translation":"27. Waxaan horay u hallignay wixii hareerihiinna ahaa ee magaalooyin, waxaana ugu celcelinnay Aayadaha (digniinaha) bal inay (ka) soo noqdaan (gaalnimada iyo denbiyada)."},{"id":28,"translation":"28. Maxay ugu soo gargaari waayeen kuway ka dhigteen Alle ka sokow ilaahyo [10] si ay ugu dhoweeyaan Alle? Mayee’ way ka dhumeen, kaasina waa baadilkoodii iyo waxay been abuuran jireen.","footnotes":"[10]. Sidaad ku andacootaan."},{"id":29,"translation":"29. (Xus) markaan u soo weecinnay xaggaaga koox jin ah oo dhegaysan Qur’aanka, markay yimaadeen halkaasi, waxay yidhaahdeen: Aamusa. Markii la dhammeeyey waxay dib ugu laabteen tolkoodii iyagoo u digaya."},{"id":30,"translation":"30. Waxay yidhaahdeen: Tolkayagow! Waxaan maqallay Kitaab (waa Qur'aanka) la soo dejiyey Muuse kaddib, oo rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Allle ah), oo wax ku hanuuninaya Xaqa iyo Jid Toosan ."},{"id":31,"translation":"31. Tolkanagow! Raaca daaciga Alle [11] oo rumeeya, Wuxuu (Alle) idiin dhaafi denbiyadiinna, idinkana badbaadin cadaab xanuun badan.","footnotes":"[11]. Ugu yeerahaa dadka xagga Alle waa Nabi Muxammad s.c.w."},{"id":32,"translation":"32. Qofkaan raacin daaciga Alle, kuma baxsanayo dhulka, mana jiro wax u gargaari (Alle) sokadi. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow cad."},{"id":33,"translation":"33. Miyeyna ogayn in Alle ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo meytida? Haayoo, hubaal waa Kan wax walba Kara."},{"id":34,"translation":"34. Maalinta loo soo bandhigi kuwa gaalooba Naarta (waxaa lagu odhan): Waxakani sow ma aha Xaq? Waxay odhan: Haah Waa nagu Rabbigeene. Wuxuu odhan: Dhadhamiya Cadaabka, gaalnimadiinnii darteed."},{"id":35,"translation":"35. Ee samir siday Rushushii sugnaanta iyo go’aanka adag lahaa u samreen [12], hana doondoonin in loo soo dedejiyo (cadaabka). Maalintay arki waxa loo yaboohay waxay ahaan sida inayan (ku) negaan (adduunka) waxaan ahayn saacad ka mid ah maalin; waa gaarsiin cad ee ma waxaa la rogaa waxaan aheyn fallaagada.","footnotes":"[12]. Rusushaas go’aanka adag waa Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise, iyo Muxammad."}]},{"id":47,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle wuxuu (Alle) burin acmaashooda san [1].","footnotes":"[1]. Maadaama ayan towxiidka qaadan iyo caqiidada saxiixa ah."},{"id":2,"translation":"2. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha oo rumeeyey (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuxuu (Alle) ka tiritiri xumahay faleen, hagaajinna xaalkooda [2].","footnotes":"[2]. Si ay u ogaadaan natiijada waxay doorteen."},{"id":3,"translation":"3. Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa gaalooba waxay raacaan been iyo baadil aan jirin, kuwase mu'miniinta ah waxay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaasuu Alle ugu soo tusaale qaadaa dadka."},{"id":4,"translation":"4. Ee markaad kula kulantaan dagaal gaalada ka garaaca luqumaha; markaad jabisaanna, ku adkeeya xadhigga 'maxaabiista dagaalka' [3], intaa kaddib ku sii daaya axsaan fal [4] ama ha is furteen jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabaddu faafto). Waa sidaase, haddii Alle doono, Isaga Naf ahaantiisa baa ka aarsan lahaa (dagaal la'aan), waase si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale [5]. Kuwa lagu dilaa Jidka Alle marnaba (Alle) ma luminayo camalladooda.","footnotes":"[3]. Inta harta u soo qaata qafaal ahaan. \n[4]. Sii daaya idinkoon ka qaadan wax madax furasho ah. \n[5]. Ilaa la dhigo hubka iyo qalabka dagaalka, waxaa loola jeedaa ilaa dagaalka ka dhammaado oo nabaddu faafto."},{"id":5,"translation":"5. (Alle) wuu hanuunin kuwaas oo hagaajin xaalkooda."},{"id":6,"translation":"6. Wuxuu gelin janno uu uga yeelay wax ay yaqaanaan."},{"id":7,"translation":"7. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad u gargaartaan (diinta) Alle, Wuu idiin gargaari oo idiin sugi cagahiinna."},{"id":8,"translation":"8. Kuwase gaalooba, hoog baa u sugnaaday, wuuna burin camalladooda."},{"id":9,"translation":"9. Waxaa sidaas ugu wacan waxay naceen waxa uu Alle soo dejiyey (oo Xaq ah), markaasuu ka yeelay acmaashooda waxaan waxba ka jirin."},{"id":10,"translation":"10. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Alle baa ku keenay baabba’ dhan [6], gaaladuna waxay la kulmi isla aayahaas oo kale.","footnotes":"[6]. Wuu baabbi’iyey iyagoo dhan iyo waxay lahaayeenba."},{"id":11,"translation":"11. Sidaas waxaa ugu wacan in Alle yahay gargaaraha kuwa rumeysan, gaaladuna ma leh gargaare dhab ah."},{"id":12,"translation":"12. Hubaal Alle wuxuu gelin kuwa (xaqa) rumeeyey oo fala samaha beero (Jannooyin) ay hoos qul-qulaan webiyo, kuwa gaalada ahina way iska raaxeystaan oo wax u cunaan sida xooluhu wax u cunaan, Naartana waa hoygooda."},{"id":13,"translation":"13. Badanaa inta magaalo ka xoog badan magaaladaada ku soo saartay, aan ha- laagnay,marka ma jirin wax u soo gargaara."},{"id":14,"translation":"14. Ma qof (mu'min ah) xujo cad ka haysta Rabbigi, baa la mid ah qof (gaal) camalkiisa xun loo qurxiyey, oo raaca hawadooda."},{"id":15,"translation":"15. Tilmaanta Jannada loo ballan qaaday kuwa ka dhowrsada (xumaha) waa mid gudaheeda ay yihiin webiyo biyo ah oo aan isbeddelin [7], iyo webiyo caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, iyo webiyaal khamro (xalaal) ah oo u macaan kuwa cabba, iyo webiyaal malab ah la saafi yeelay; waxayna ku leeyihiin (Jannada) gudaheeda midho nooc kasta iyo astur xagga Rabbigood, (kuwani) ma la mid baa kuwaa ku waaraya Naarta, lagana waraabin biyo karaya markaas goyn xiidmahooda.","footnotes":"[7]. Dhadhan iyo caraf ahaanba, ma aha kuwo doorsama ama wasakh gasho."},{"id":16,"translation":"16. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo ku dhegaysta (waqtiga khudbadda), markay ka baxaanna agtaada, waxay ku yidhaahdaan kuwaa la siiyey cilmiga [8]: Muxuu lahaa goor dhoweyd? Kuwan waa kuwa Alle daboolay quluubtooda, waxayna raacaan hawadooda (xun).","footnotes":"[8]. Ka mid ah asxaabtii Nabiga s.c.w."},{"id":17,"translation":"17. Kuwa hanuunayna, (Alle) wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladeystaa khayr uu waafajiyo iyo shar uu ka fogeeyo."},{"id":18,"translation":"18. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) inay ugu timaaddo kedis? Waxaase yimidba calaamooyinkee- dii, ee sidee bay u waantoobi, markay saacaddu ku dul dhacdo."},{"id":19,"translation":"19. Ee ogow (kuna sugnow) inuusan jirin Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan aheyn Alle, una denbi dhaaf dalab naftaada iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Alle wuu Og yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba."},{"id":20,"translation":"20. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay yidhaahdeen: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey (na amreysa ku jihaadka gaalada)? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso [9], waxaad arkaysaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiirin fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Waxaase la gudboon oo u khayr roonaan lahaa.","footnotes":"[9]. Suuraddaasoo loogu idmay mu’miniinta inay la dagaal galaan cadowyadooda."},{"id":21,"translation":"21. Daacadnimo iyo horaarsan. Markase arrinka la go’aamiyo hadday Alle u run sheegaan baa u khayr badnaan lahayd."},{"id":22,"translation":"22. Ma laga yaabaa haddaad (Xaqa) ka jeesataan [10], inaad fasahaadisaan arlada, oo goysaan qaraabadiinna?","footnotes":"[10]. Sidoo kale waxa lagu fasiraa haddaad xil iyo jago qabataan."},{"id":23,"translation":"23. Kuwaasi weeye kuwa uu Alle nacladay, markaasuu ka dhego iyo indho tiray (Xaqa)."},{"id":24,"translation":"24. Miyeyna u dhug yeelan Qur’aanka mise qufulaa ku xidhan quluubtooda."},{"id":25,"translation":"25. Hubaal kuwa riddoobay kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa u qurxiyey oo rajo (been ah) geliyay."},{"id":26,"translation":"26. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdeen kuwa nacay [11] waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah: Waxaynu idinku adeeci arrinka qaarkiis (colnimada Nabiga). Alle wuu Og yahay sirahooda.","footnotes":"[11]. Waxaa loola jeedaa Yuhuudddii Madiina degganayd waagaas."},{"id":27,"translation":"27. Sidee bayse ahaan, markay malaa’igtu qaadayso nafahooda iyagoo garaacaya wejiyadooda iyo dhabarradooda."},{"id":28,"translation":"28. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay raaceen waxa Alle ka cadheysiiya, naceenna waxa raalli geliya. Markaasuu buriyey acmaashooda."},{"id":29,"translation":"29. Mise ma waxay moodaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur (munaafiqnimo ah) inuusan Allaah soo saareyn xumaanta laabaha kaga jira?."},{"id":30,"translation":"30. Haddaan doonno, waan ku tusi karnaa kuwaasi, waxaadna ku garan astaamahoo- da; waxaad kaloo ku garan hadalkooda leexsan. Alle wuu Og yahay camalladiinna."},{"id":31,"translation":"31. Waanu idin imtixaani ilaa aan muujinno kuwiinna jihaadi iyo kuwa samri oo sugnaan, waana imtixaani arrimahiinna."},{"id":32,"translation":"32. Hubaal kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle, khilaafana Rasuulka, kaddib markuu u caddaaday hanuunka, waxna ma yeeli karaan Alle, wuuna burin acmaashooda."},{"id":33,"translation":"33. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka, hana burinnina acmaashiinna."},{"id":34,"translation":"34. Hubaal kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, markaas dhinta iyagoo gaalo ah, Alle sinnaba uguma denbi dhaafo."},{"id":35,"translation":"35. Ha tabar darraanina (mu’miniintoy), hana weydiisannina nabad (baryo ah cadowyada Islaamka), idinkaa ka sarreyn, Allena idin la jiraa, mana idinkama nusqaaminayo acmaashiinna."},{"id":36,"translation":"36. Nolosha adduunkan waa uun ciyaar iyo madaddaalo, haddaad (Xaqa) rumeysaan, oo aad iska dhowrtaan (xumaha), Wuxuu idin siin abaalgudkiinna, idinmana weydiisanayo maalkiinna."},{"id":37,"translation":"37. Hadduu idin weydiiyo (maalkiinna dhammaan) idinkuna adkeeyo waad bakhayli laheydeen lexejecli darteed, wuxuuna debedda u soo saari lahaa xiqdigiinna (colnimadiinna)."},{"id":38,"translation":"38. Eega! Waa idinka kuwa loogu yeedho inaad wax ku bixisaan Jidka Alle (jihaadka iyo u gargaarka diinta Alle), waxaase idinku jira kuwo bakhayla, qofkiise bakhayla wuxuu uun ka bakhaylay naftiisa. Alle waa Hodan idinka Deeqtoon, idinkuna waxaad tihiin fuqaro. Haddaad (Xaqa) ka jeesataan Wuxuu Alle idinku beddeli qolo kale oo aan idinla mid noqoneyn."}]},{"id":48,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaanu ku siinnay (Nabi Muxammadow) guul cad [1].","footnotes":"[1]. Al-Fatax: Furashada ama Guusha. Waxaana loola jeedaa heshiiskii Al-Xudaybiyah ee sababta u ahaa furashada Makkah iyo magaalooyin kaleba."},{"id":2,"translation":"2. Si uu Alle kuugu dhaafo wixii horay kaaga dhacay oo denbi ah, iyo waxa dib kaaga dhici karaba, kuuguna dhammaysti- ro Nicmaddiisa, oo kuugu hanuuniyo Tub Toosan."},{"id":3,"translation":"3. Oo kuu gargaaro Alle gargaar weyn."},{"id":4,"translation":"4. Alle waa Kan ku soo dejiyey xasillooni quluubta mu’miniinta, si ay iimaan ugu ziyaadsadaan iimaankoodii; Alle baana iska leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah."},{"id":5,"translation":"5. Si uu u geliyo mu’miniinta iyo mu’minoo- yinka jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, oo uga tirtiro xume falkooda, (arrin)kaasina Alle agtiis waa Liibaan Weyn"},{"id":6,"translation":"6. Iyo si uu u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka ee ku maleeya malaha xun Alle, xumaanta korkooda ha ku wareegto, Alle ha u cadhoodo, hana naclado, wuxuuna u diyaariyey Naar - oo u xun meel la ahaado."},{"id":7,"translation":"7. Allaah baana leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa Adkaade, Xakiim ah."},{"id":8,"translation":"8. Xaqiiq Annagaa (Alle ah) kuu soo dirnay (Nabi Muxammadow) inaad ahaato markhaati, bishaareeye, iyo digeba."},{"id":9,"translation":"9. Si aad (dadow) u rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmo weyneysaan oo ugu tasbiixsataan subax iyo galabba."},{"id":10,"translation":"10. Hubaal kuwa kugula gala wacad (u hiillinta diinta) Waxay uun Wacad la gali Alle. Gacanta Alle baa ka kor ah gacmahooda [2]. Ee qofkii ka baxaa wacadkiisa, wuxuu uun uga baxayaa naftii- sa, qofkii oofiyana wuxuu kula galay Alle ballanka, Wuxuu siin Ajar Weyn (Janno).","footnotes":"[2]. Macnaha waa inuu Allaah Subxaanahuu watacaalaa ka aqbalay wacadka ay galeen."},{"id":11,"translation":"11. Waxay kugu odhan kuwii ka haray (jihaadka) ee ah reer miyiga (deggan Madiinah hareeraheeda): Waxaa na shuqliyey Maalkayaga iyo ehelkayaga, ee noo denbi dhaaf dalab. Waxay ka yidhaahdaan carrabyadooda waxaan ku jirin quluubtooda. Dheh: Yaa idinka celin Alle hadduu idin la doono dhib ama idin la doono dheef? Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan."},{"id":12,"translation":"12. Waxaadse u maleyseen in Rasuulka iyo mu’miniintu aysan u soo noqoneyn ehelkooda weligood, sidaasaana loo qurxiyey quluubtiinna, oo maleyseen malooyin xun, waayo waxaad tihin qoon belo ah (aan khayr lahayn)."},{"id":13,"translation":"13. Qofkaan rumeyn Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada dab huraya."},{"id":14,"translation":"14. Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":15,"translation":"15. Waxay kuwaasi ka haray (jihaadka) odhan: Markaad u baxeysaan si aad u soo qaadataan qaniimooyinka (Khaybar): Noo oggolaada inaan idin raacno. Waxay doonayaan inay beddelaan Hadalka Alle. Dheh: Marnaba nama raaceysaan. Sidaasuu Alle horay u yidhi. Markaa waxay odhan: Mayee’ waad na xasdeysaan.Waase kuwo aan wax fahmeyn in yar mooyee [3].","footnotes":"[3]. Ee diinta.Waa caado qaatayaal aan aqoon waxaan ahayn dheef adduunyo oo soori qaadday."},{"id":16,"translation":"16. Ku dheh kuwaa reer miyiga ah ee 'ka' hadhay (jihaadka): Waxaa la idiinku yeedhi qolo dagaal aqoon daran leh, waa inaad la dirirtaan intay iska dhiibaan [4], ee haddaad adeecdaan Alle Wuxuu idin siin abaalgud fiican, haddiise aad dhabarka jeedisaan sidaad horeyba ugu jeediseen dhabarka, Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan.","footnotes":"[4]. Intay isu dhiibaan Alle Muslimiin ahaan."},{"id":17,"translation":"17. Ma saarna eed indhoolaha, mana saarna wax eed ahi naafada, oo ma saarna eed bukaanka (haddayan u bixin Jihaadka Jidka Alle). Qofkiise adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa Wuxuu gelin Jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan, qofkiina dhabarka jeediya wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan."},{"id":18,"translation":"18. Alle wuxuu ka raalli noqday mu’miniinta markay wacad u hiillin (diinta ah) ay kugula galeen geedka hoostiisa, Alle wuxuu ogaa waxa ku jiray quluubtooda (oo iimaan iyo daacadnimo ah), markaasuu ku soo dejiyey xasilloooni korkooda, kuna abaal mariyey guul dhow [5].","footnotes":"[5]. Kaasoo ahaa furashadii Khaybar, ee ka horreeyey furashadii Makkah."},{"id":19,"translation":"19. Iyo qaniimooyin badan oo ay qaadan. Alle waa Adkaade, Xakiim ah."},{"id":20,"translation":"20. Allaah wuxuu idiin ballan qaaday qaniimooyin badan aad qaadaneysaan, markaasuu idiin soo dedejiyey middatan (qaniimada Khaybar), idinkana celiyey gacmihii dadka, si ay ugu ahaato calaamo mu’miniinta, idinkuna hanuuniyo Jid Toosan."},{"id":21,"translation":"21. Iyo (qaniimooyin) kale oo aydaan awooddeen [6], Alle baa dhab ahaan koobay. Alle wax walba wuu Karaa.","footnotes":"[6]. Alle Idiin diyaariyey ama qaddaray."},{"id":22,"translation":"22. Hadday kuwa gaalooba idinla daggaalamaan, waxay jeedin dhabarra(dooda) mana helayaan ilaaliye iyo gargaare midna."},{"id":23,"translation":"23. Waa Hannaanka Alle ee dhab ahaan uga dhex jirey ummadahii hore ee tegay. Kama heleysid wax isbeddel ah Hannaanka iyo Hab raaca Alle."},{"id":24,"translation":"24. Alle waa Kan idinka celiyey gac- mahooda iyo gacmahiinna togga Makkah agti, kaddib markuu idin siiyey guusha oo aad ka adkaateen (kuwii idiin galay cimilka markaad u socoteen Makkah). Alle waa Arkaha waxaad fashaan."},{"id":25,"translation":"25. Waa iyaga kuwa gaaloobay oo idinka celiyey Al-Masjid Al-Xaraam oo (ka xayiray) hadyiga inuu gaaro meeshiisa gawraca [7]. Haddii aysan jireen rag mu’miniin ah iyo haween mu’minooyin ah oo aydaan ogeyn, oo laga yaabo inaad wax yeeshaan, taasoo denbi idinka soo gaarayo iyo mashaqo ogaal la’aan darteed (Alle wuu idiin fasaxi lahaa); waa si uu Alle u geliyo Naxariistiisa cidduu doono. Haddii iyagu (mu’miniinta iyo gaalada) kala soocmi lahaayeen, waxaan cadaabi laheyn kuwooda gaaloobay cadaab xanuun badan.","footnotes":"[7]. Toddobaatan neef oo geel ah oo loo keenay hadyi ahaan iyo in laga quudiyo fuqarada iyo masaakiinta Xaramka."},{"id":26,"translation":"26. Markuu Alle yeelay kuwa gaaloobay quluubtooda ficilo - ficiladii waqtigii jaahiliyada - Wuxuuse Alle ku soo dejiyey xasilloonidiisa Rasuulkiisa iyo mu’miniinta, waafajiyeyna ku sugnaanta Ereyga dhowrsashada [8], waxayna ahaayeen kuwo mudan oo ehelkeed ah. Alle wax walba waa Og yahay.","footnotes":"[8]. Kelmedda taqwada, waxaa loola jeedaa kelmedda Towxiidka, oo ah in Alle loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada."},{"id":27,"translation":"27. Alle wuu u rumeeyey Rasuulkiisa riyada si dhab ah: waxaad gali Masjidka Xaramka hadduu Alle idmo idinkoo aamin ah, (qaar) timaha ay xiidhan, (qaar kalena) ay gaabsan idinkoo aan cabsi qabin [9], Wuxuu Og yahay wax aydaan idinku ogeyn, markaasuu (gelitaanka Makka) ka sokow keenay furasho dhow 'Heshiikii Xudaybyah'.","footnotes":"[9]. Markaad dhammeysaan howlaha cumrada."},{"id":28,"translation":"28. Alle waa Kan la soo diray Rasuulkiisa Hanuun iyo Diin Xaq ah si uu uga sare mariyo diimaha kaloo dhan. Alle ku filan Marag uu ahaado."},{"id":29,"translation":"29. Muxammad waa Rasuulka Alle, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda, waxaad arki iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Alle (iyo) Raallinimodiisa. Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Tilmaantooda ku taalna Injiilka waa sida (abuur) la beeray, soo bixisay fiidda, markaas xoogeysatay oo noqotay gahayr, oo ku istaagtay iyadoo toosan salkeeda, farax geliseyna beeroleyda - si uu Alle ugu ciilo (tilmaamahooda) gaalada. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwaa iyaga ah ee xaqa rumeeyey oo samaha falay denbi dhaaf iyo abaal gud weyn 'Janno' [10].","footnotes":"[10]. Tusaalahaa la bixiyey waxaa ku sifoobay Nabiga s.c.w. iyo asxaabtiisa."}]},{"id":49,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka hor marinnina (qowlkiinna) (qowlka) Alle iyo Rasuulkiisa [1]. Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, Wax kasta Og.","footnotes":"[1]. Waxaa loola jeedaa uma bannaana mu’miniinta inay ka bixiyaan wax xukun ah arrin ay ahaataba haddii aanay oggolaansho iyo daliil ka heysan Alle iyo Rasuulkiisa."},{"id":2,"translation":"2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha u qaadina kor codadkiinna si ka sarreysa codka Nabiga, hana kula tannaagoogina hadalka sida aad isugula tannaagootaan qaarkiinba qaarka kale, si aan camalkiinna u burin idinkoo aan dreemeyn."},{"id":3,"translation":"3. Hubaal kuwa hoos u dhiga cododkooda marka ay hor joogaan Rasuulka Alle, waa kuwaas kuwa uu Quluubtooda Alle imtixaanay xagga dhowrsashadooda, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno)."},{"id":4,"translation":"4. Kuwase kaaga dhawaaqa qololka gadaashood, badankoodu ma aha wax garad."},{"id":5,"translation":"5. Hadday samri lahaayeenna intaad uga soo bixi,baa u khayr badnaan laheyd. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":6,"translation":"6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Hadduu mid caasi ah idiinla yimaado war, iska hubiya, si aydaan wax ugu yeelin dad ogaansho la’aan, markaasna aad ka shallaydaan waxaad fasheen."},{"id":7,"translation":"7. Ogaadana inuu idinku dhex jiro Rasuulkii Alle, hadduu idinka yeeli lahaa in badan oo arrimo ah, waa dhibtoon laheydeen, Alle baase idin jeclaysiiyey Iimaanka kuna qurxiyey quluubtiinna, oo ka yeelay wax aad neceb tihiin gaalnimo, faasiqnimo iyo caasinnimo. Kuwaasi waa kuwa hanuunsan."},{"id":8,"translation":"8. Waa Deeq xag Alle ah iyo Nicmad. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah."},{"id":9,"translation":"9. Hadday labo kooxood oo mu’miniinta ka mid ahi daggaalamaan, ka sameeya heshiis dhexdooda, haddiise middood ku xadgudubto tan kale markaa la dirira tan xadgudubtay jeer ay u soo noqoto Amarka Alle, hadday u soo noqoto, heshiisiiya dhexdooda si caddaalad ah, oo caadil ahaada. Alle wuu jecel yahay kuwa caadilka ah."},{"id":10,"translation":"10. Mu’miniintu waa uun walaalo [2]. ee heshiisiiya walaalihiin. Alle ka cabsada, si uu idiinku naxariisto.","footnotes":"[2]. Nabigu s.c w wuxuu yidhi: Muslimka waa walaalka Muslimka, waa inuusan ku gardarroon, hagran, u gacan gelin cadow, wax ka beensan, qofka muslimka ah waa ka xaaraan muslimka kale: maalkiisa, sharafkiisa, xoolahiisa, xilahiisa, iyo dhiiggiisuba, waxaana shar ugu filan qof inuu quursado walaalki Muslimka ah”."},{"id":11,"translation":"11. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qolona yey yasin qolo kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin, oo yey dumarna yasin dumar kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin; hana is ceebeynina, waxna ha iska sheegina, oo ha isugu yeedhina naaneysyo xun. Xumaa inaad magacyo iyo tilmaamo xun isugu yeedhaan kaddib Iimaanka. Qofkaan tawbad keenin [3] waa kuwaas kuwa ah daalimiinta.","footnotes":"[3]. Oo Xaqa u soo laaban oo aan u muujin walaalladi maxabbad, maamuus iyo qalbi san."},{"id":12,"translation":"12. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dheeraada malaha badanki, malaha qaarki waa denbi. Ha is jaasuusina, qaarkiinna yaanay xaman qaar kale; miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waad naceysaane (naca xanta). Alle ka cabsada (iskana jira xumaha). Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badane, Naxariis Badan."},{"id":13,"translation":"13. Dadow! Waxaanu idinka abuurnay lab (Aadam) iyo dhedddig (Xawwaa), idinkana dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan. Hubaal, kan idiinku sharaf badan Alle agti waa kan idiinku dhowris badan (amarrada Alle ee ka jooga xumaha). Hubaal Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah, Xeel Dheer."},{"id":14,"translation":"14. Reer miyigii (degganaa Madiinah hareeraheeda) waxay yidhaahdeen: Waanu rumeynay (Xaqa). Dheh: Ma aydaan rumeynin (weli) dhahase, waanu islaamnay (hoggaansannay); waayo Iimaanku weli ma gelin quluubtiinna. Haddaadse adeecdaan Alle iyo Rasuulkiisa, waxba idinkama uu dhimayo ka mid ah acmaashiinna. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":15,"translation":"15. Mu’miniintu waa uun kuwa rumeysan Alle iyo Rasuulkiisa, markaas aan shakiyin, una hura maalkooda iyo nafahooda Jidka Alle. Kuwaasi waa kuwa runlowyda ah."},{"id":16,"translation":"16. Dheh: Ma waxaad u sheegeysaan Alle (xaalka) diintiinna (iyo camalladiinna) Isagoo Alle og yahay waxaa ku sugan samooyinka iyo waxaa ku sugan arlada. Alle wax walba wuu Og yahay."},{"id":17,"translation":"17. Waxay kuugu abaal sheegan inay islaameen darteed. Dheh: Ha iigu abaal sheegannina islaamiddiinna. Bal Alle baa idiinku abaal sheeganaya idinku hanuunintiinna Iimaanka darteed, haddaad run sheegeysaan."},{"id":18,"translation":"18. Hubaal Alle baa ogsoon waxa aan muuqan ee ah samooyinka iyo arlada. Alle wuu Arkaa waxaad fashaan."}]},{"id":50,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Qaaf [1]; Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan [2].","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.\n[2]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 38: 1"},{"id":2,"translation":"2. Waxayse la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Gaaladu waxay yidhaahdeen: Kanu waa wax la yaab leh."},{"id":3,"translation":"3. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro (miyaa na la soo nooleyn)? (arrin)kaasu waa soo Noqosho Fog."},{"id":4,"translation":"4. Waxaan ognahay wuxuu dhulku ka dhimo (jidhkooda). Agtannadana waxaa yaal Kitaab wax walba kooba oo xafidan (Looxa Maxfuudka)."},{"id":5,"translation":"5. Waxayse beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxayna (gaaladu) ku sugan yihiin xaalad murugsan."},{"id":6,"translation":"6. Miyeyna fiirin samada korkooda ah, sidaan u dhisnay oo u qurxinnay, ma laha wax duleello ah?"},{"id":7,"translation":"7. Dhulkana waanu fidinnay, oo ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa dhir qurxoon oo cayn walba leh."},{"id":8,"translation":"8. Tusmo iyo waano u ah addoon kasta u soo noqda (Alle) oo tawbad keen badan."},{"id":9,"translation":"9. Waxaanu ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob) barakaysan, oo aan ku soo saarnaa beero iyo baad."},{"id":10,"translation":"10. Iyo geedo timireed dhaadheer leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran."},{"id":11,"translation":"11. Risiq ay leeyihiin addoomaha (Alle). Waxaana ku nooleynaa (biyahaa) dhul dhintay. Sidaasoo kale bay ahaan soo bixinta (Qiyaamada)."},{"id":12,"translation":"12. Qolodii Nuux baa beeniyey hortood [3], iyo qoladii ceelkii (Azerbaijan) iyo Thamuud.","footnotes":"[3]. Waa ka hor gaalada reer Makkah."},{"id":13,"translation":"13. Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi."},{"id":14,"translation":"14. Iyo reer hawdkii (loo diray Nabi Shucayb) iyo qolodii Tubbac (ee Yaman); dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga."},{"id":15,"translation":"15. Ma Waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuuris cusub (Aakhirada)."},{"id":16,"translation":"16. Waxaan dhab ahaan abuurnay aadmiga, waana ognahay waxay naftiisu kula hadasho. Waxaana (waa Alle'e oo ku kooba Ogaal iyo Awood ahaan ama malaa’igtiisa) uga dhownahay xididka dhuunta."},{"id":17,"translation":"17.Markay labada qorayaal (malaa’igta wax qoreysa) ku kulmi, iyagoo ka kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix (ee qofka)."},{"id":18,"translation":"18. Ma jiro eray (aadmiga) ka soo baxa, oo uusan ag joogin ilaaliye (malag) u diyaar ah (inuu qoro)."},{"id":19,"translation":"19. Waxaa u iman sakaraadka mowdka oo xaq ah: kaasi waa waxaad ka carareysay."},{"id":20,"translation":"20. Buunkii (Qiyaamana) waa la afuufi - kaasu waa Maalinkii laysu yaboohay."},{"id":21,"translation":"21. Naf walbana waxay iman iyadoo uu la socdo (labo malag) mid hoggaaminaya iyo mid ku markhaati furaya."},{"id":22,"translation":"22. (Waxaa la odhan): Waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay."},{"id":23,"translation":"23.(Malaggii) la xidhiidhayna wuxuu odhan: Kani waa waxa agteyda ku diyaarka ah."},{"id":24,"translation":"24. (Alle wuxuu odhan) Ku tuura Naar mid kastoo abaal dhac badan, madax adag."},{"id":25,"translation":"25.Khayr diide ah, xadgudbe, shaki qabeen."},{"id":26,"translation":"26. Ee yeelay la jirka Alle, ilaah kale, oo ku tuura cadaab daran."},{"id":27,"translation":"27. (sheydaankii) la xidhiidhay wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, isagaase naf ahaantiisa ku sugnaa habow fog."},{"id":28,"translation":"28. (Alle) wuxuu odhan: Ha ku doodina Hortayda, waxaana horay idiinku soo diray gooddiga."},{"id":29,"translation":"29. Qowlka iga soo fulaa lama beddelo, mana dulmiyo Addoomaha."},{"id":30,"translation":"30. Maalinta aan ku odhan Jahannama: Ma buuxsantay? Oo markaa ay dhihi: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado?"},{"id":31,"translation":"31. Oo Jannada loo soo dhoweyn kuwa ka dhowrsada xumaha, iyadoo aan fogeynba."},{"id":32,"translation":"32. Kani waa waxa loo yaboohay qof walboo tawbad keen badan, dhowra (ballanka iyo wax kastoo Alle u dhoweyn)."},{"id":33,"translation":"33.Kan ka baqa Raxmaanka sir 'iyo caadba' oo la yimaada qalbi tawbad keen badan."},{"id":34,"translation":"34. (Waxaa lagu odhan), \"Ku gala nabad (Jannada); kaasi waa Maalinka waaridda\"."},{"id":35,"translation":"35.Waxay ku leeyihiin 'Jannada' gudaheeda waxay doonaan - waxaana u heynaa weliba wax intaa ka badan [4].","footnotes":"[4]. Waa raalli ahaansho dhan ee xagga Alle ah iyo eegidda Wejigiisa Sharafta Badan."},{"id":36,"translation":"36. Badanaa inta fac aan halaagnay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Ma jirto meel (Alle) laga magan galo oo looga cararo."},{"id":37,"translation":"37. Arrinkani waxaa hubaal ugu sugan waano kan qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan."},{"id":38,"translation":"38. Waxaanu dhab ahaan ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood namana soo gaarin wax daal ah."},{"id":39,"translation":"39. Ee u samir waxay leeyihiin, kuna tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor intaanay dhicin."},{"id":40,"translation":"40. Habeenka in ka mid ahna ku tasbiixso Ammaanahiisa iyo salaadaha ka dambow."},{"id":41,"translation":"41. Dhageyso Maalinka markuu dhawaaquhu ka dhawaaqi meel dhow."},{"id":42,"translation":"42. Maalinka ay maqli qaylo Xaq ah, kaasu waa Maalinka soo bixinta (Qiyaame)."},{"id":43,"translation":"43. Annagaa (Alle ah) xaqiiq wax nooleyna waxna dhinsiinna; waana Xaggayaga meel noqodka dambe (Aakhirada)."},{"id":44,"translation":"44. Maalinta uu dhulku ka dillaaci gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi, kaasu waa soo kulmin noo fudud."},{"id":45,"translation":"45. Annagaa ogsoon waxay (gaaladu) leeyihiin; adiguna ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka kan ka cabsada Gooddigayga."}]},{"id":51,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) boorka kiciya [1].","footnotes":"[1]. Ad-Daariyaat: Dabeylaha boorka kiciya."},{"id":2,"translation":"2. Iyo (duruuraha) xambaarsan culayska (roobka)."},{"id":3,"translation":"3. Iyo doonyaha sida fudud ugu socda (badaha)."},{"id":4,"translation":"4. Iyo kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna."},{"id":5,"translation":"5. (Dadow) waxa la idiinku gooddin (Qiyaamada, Xisaabta) xaqiiq waa run."},{"id":6,"translation":"6. Abaalmarintuna (jaazeynta Aakhiro) waa la hubaa inay dhaceyso."},{"id":7,"translation":"7. Waxaan kaloo (waa Alle'e) ku dhaartay samada quruxda iyo waddooyinka leh,"},{"id":8,"translation":"8. Waxaad idinku (dadow) kaga sugan tihiin (Nabiga iyo Qur’aanka) hadal kala duwan ."},{"id":9,"translation":"9. Waxaa laga duwaa (Qur’aanka iyo Nabiga) kan isaga iska duwa."},{"id":10,"translation":"10. Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha mala awaalka badan."},{"id":11,"translation":"11. Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan (ka maahsan Aakhirada)."},{"id":12,"translation":"12. Waxay weydiin: Waa goorma Maalinta Abaal marintu (Jaazeyntu)?"},{"id":13,"translation":"13. Waa Maalinta Naarta lagu gubi."},{"id":14,"translation":"14. Dhadhamiya cadaabkiinna. Kanu waa waxaad degdegsanayseen."},{"id":15,"translation":"15. Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan beero iyo ilo (Janno)."},{"id":16,"translation":"16. Iyagoo qaadan waxa uu Rabbigood siiyey. Waxay ahaayeen horay sama falayaal."},{"id":17,"translation":"17. Waxay seexan jireen habeenkii wax yar ma ahee [2].","footnotes":"[2]. Macnaha qayb ka mid ah bay u qoondeyn jireen salaatu leyl, cishaha kaddib ama Aakhiru leylka."},{"id":18,"translation":"18. Waqtiyada suxuurtana way denbi dhaaf weydiisanayeen,"},{"id":19,"translation":"19. Maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan."},{"id":20,"translation":"20. Dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa yaqiinsan."},{"id":21,"translation":"21. Iyo nafahiinnaba, ee miyeydaan arkeyn."},{"id":22,"translation":"22. Samada yuuna jiraa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay."},{"id":23,"translation":"23. Rabbiga samada iyo arlada yaan ku dhaarane, soo bixinta (Qiyaame iyo in risiqiinnu jiro samada) Xaq weeye, sidaad u hadashaanba."},{"id":24,"translation":"24. Ma ku soo gaaray warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd?"},{"id":25,"translation":"25. Markay u soo galeen oo yidhaahdeen: nabad ahow, wuxuu yidhi: nabad ahaada. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn."},{"id":26,"translation":"26. Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan."},{"id":27,"translation":"27. Una soo dhoweeyey (isagoo ku leh): Miyeydaan cunayn?"},{"id":28,"translation":"28. (Waxbase ma ay cunin) markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan, waxayna ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh (isxaaq)."},{"id":29,"translation":"29. Markaasay soo qaabishay marwadiisii iyadoo qaylyi, oo iska dharbaaxday wejiga iyadoo yaabban, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday (yaa wax dhali)!."},{"id":30,"translation":"30. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Sidaasuu yidhi Rabbigaa. Waa Isaga Xakiimka, Wax kasta Ogsoon."},{"id":31,"translation":"31.(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiin- nu yahay kuwayahow la soo diray?"},{"id":32,"translation":"32.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah [3].","footnotes":"[3]. Waa kuwaasi beeniyey Luud."},{"id":33,"translation":"33. Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo kulul ah."},{"id":34,"translation":"34. Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha [4].","footnotes":"[4]. Iyadoo dhagax walba lagu qoray magaca qofka lagu halaagayo oo ku dhiman."},{"id":35,"translation":"35. Markaasaan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah."},{"id":36,"translation":"36. Kamase aanu helin gudaheeda (magaaladaa) wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah [5].","footnotes":"[5]. Luud iyo reerkiisa marka laga reebo xaaskiisa."},{"id":37,"translation":"37. Waxaan uga tagnay halkaa (magaalooyinkii Sodom iyo Gammurah ee dadkii Luud) Calaamo [6] kuwa 'mu'miniinta' ka cabsada cadaabka xanuunka badan.","footnotes":"[6]. Raad muujinaya halaaggii ku dhacay qolodii Luud."},{"id":38,"translation":"38. Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad."},{"id":39,"translation":"39. Wuuse jeestay (Fircoon) isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: 'Kani Muuse' waa saaxir ama jinnoole."},{"id":40,"translation":"40. Markaasaan qabannay isaga (Fircoon) iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan."},{"id":41,"translation":"41. Reer Caadna (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato) markaan ku dirnay dabeyl ma dhaleys ah [7].","footnotes":"[7]. Aan dhalin wax faa’ido ah, khayr daran, macnaha waa shar xambaarsan."},{"id":42,"translation":"42. Wax kama tegin ay ku timid inay ka\ndhigtay maahee digada oo kale."},{"id":43,"translation":"43. Reer Thamuudna (calaamo baa ku sugan lagu waano qaato), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah."},{"id":44,"translation":"44. Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey."},{"id":45,"translation":"45. Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin."},{"id":46,"translation":"46. Qolodii Nuuxna iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato), waxay ahaayeen qolo fallaago ah."},{"id":47,"translation":"47. Samada waxaan ku dhisnay awood Oo waa Annaga (Alle ah) kuwa waasiciya."},{"id":48,"translation":"48. Oo dhulka Waanu gogolnay, Ee fiicanaa diyaariyuhu."},{"id":49,"translation":"49. Wax walbana Waxaan ka abuurnay labo nooc, si aad ugu waano qaadataan."},{"id":50,"translation":"50. Ee u carara xagga Alle [8], waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.","footnotes":"[8]. Waxaa loola jeedaa u laabta oo ka magan gala gaalnimo iyo denbi falid si aad uga badbaaddaan ciqaabkiisa."},{"id":51,"translation":"51. Ha u yeelina la jirka Alle Ilaah kale. Waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa."},{"id":52,"translation":"52. Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa saaxir, ama jinnoole."},{"id":53,"translation":"53. Miyey iskula dardaarmeen arrinkani [9]? Mayee’ waa qolo xadgudub badan.","footnotes":"[9]. Miyey gaaladii beri hore u soo gudbiyeen hadalladan kuwaan hadda jira, sidaa darteed ay u yidhaahdeen isla hadalkoodii oo kale?."},{"id":54,"translation":"54. Ee iskaga jeeso, kaama saarna eede."},{"id":55,"translation":"55. Waani, waanadu waxay anfici mu’miniinta."},{"id":56,"translation":"56. Uma aan abuurin jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan [10].","footnotes":"[10]. Macnaha Alle Keliya caabudaan iyagoon cidna wax la wadaajin."},{"id":57,"translation":"57. Kama doonayo wax risiq ah, kamana doonayo inay quudiyaan (uunkayga)."},{"id":58,"translation":"58. Hubaal waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoogga Badan."},{"id":59,"translation":"59. Xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxaa u sugnaaday saami 'Cadaab ah' la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo (cadaabka)."},{"id":60,"translation":"60. Hoog waxaa leh kuwa gaalooba, kaasoo ku iman Maalinkoodaasi loogu gooddiyey (Maalinta Qiyaamaha)."}]},{"id":52,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay Buurta 'Siinaay' [1].","footnotes":"[1]. Ad-Duur: Buurta, waxaa loola jeedaa Buurtii uu Alle kula hadlay Nabi Muuse c.s."},{"id":2,"translation":"2. Iyo Kitaab qoran [2].","footnotes":"[2]. Waxaa lagu fasiray Looxa Maxfuudka, ama Qur’aanka."},{"id":3,"translation":"3. Ku qoran xaashiyo (maqaar ido khafiif ah) fidsan oo furan."},{"id":4,"translation":"4. Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto [3].","footnotes":"[3]. Waa Beytka Alle ay ku caabudaan malaa’igta ee ku yaal samada toddobaad, abbaarta Kacbada ama Kacbada Makkah."},{"id":5,"translation":"5. Iyo saqafka la kor yeelay (samada)."},{"id":6,"translation":"6. Iyo badda lagu huriyey 'dabka ama soo fatahda' [4].","footnotes":"[4]. Badahoo sidaas noqon Maalinta Qiyaamaha."},{"id":7,"translation":"7. Hubaal, cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -"},{"id":8,"translation":"8. Ma jiro wax celin."},{"id":9,"translation":"9. Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi,"},{"id":10,"translation":"10. Buuruhuna socon socosho (yaab) leh [5].","footnotes":"[5]. Oo noqon sida boor oo u socon sida daruuraha."},{"id":11,"translation":"11. Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah)."},{"id":12,"translation":"12. Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta."},{"id":13,"translation":"13. Maalinka loogu tuuri Naarta Jahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi):"},{"id":14,"translation":"14. Waa tan Naartii aad beenin jirteen."},{"id":15,"translation":"15. Ma sixir baa (cadaabkani), mise wax ma aragtaan?"},{"id":16,"translation":"16. Gala, markaa ku samra ama ha ku samrina - waa isugu kiin mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen (oo xumaan ah)."},{"id":17,"translation":"17. Kuwa ka dhowrsada xumaha [6] waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno).","footnotes":"[6]. Sida shirkiga, dilka gardarrada ah, zinada, ribada, xasadka, xatooyada, sixirka, beenta, khiyaanada, kibirka, iwm."},{"id":18,"translation":"18. Iyagoo ku raaxeysan wuxuu siiyey Rabbigood, Wuxuuna ka badbaadshay Rabbigood cadaabka Naarta ololka badan."},{"id":19,"translation":"19. (Waxaa lagu odhan): Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah)."},{"id":20,"translation":"20. Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan)."},{"id":21,"translation":"21. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka - waxaanu isu wada keeni iyaga iyo durriyadooda, waxnana kama nusqaaminayno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mudan (curaar u yahay) camalkiisa."},{"id":22,"translation":"22. Waxaannu siin midho iyo hilib waxay rabaan."},{"id":23,"translation":"23. Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid."},{"id":24,"translation":"24. Waxaa u adeegi wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray."},{"id":25,"translation":"25. Qaarkood (ehlu Jannaha) waxay qaabili qaar kale iyagoo is-wareysan."},{"id":26,"translation":"26. Waxay odhan: Waxaan ka hor 'intaan adduunka joognay' ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadaabka Alle)."},{"id":27,"translation":"27. Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul."},{"id":28,"translation":"28. Waxaan ahayn horey kuwa barya Alle (Keliya).Waa Isaga xaqiiq Baarriga, Naxariista Badan."},{"id":29,"translation":"29. Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna."},{"id":30,"translation":"30. Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibo waqtiga la iman [7].","footnotes":"[7]. Inay dhibaato uun ku dhacdo ama dhimasho dhaqso ah."},{"id":31,"translation":"31. Dheh: Suga (geeridayda)! Aniguna waxaan sugi (waxa idinku dhaca)."},{"id":32,"translation":"32. Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan."},{"id":33,"translation":"33. Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa)."},{"id":34,"translation":"34. Ee ha keenaan hadal la mid ahi (Qur’aankani) hadday run sheegayaan."},{"id":35,"translation":"35. Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray nafahooda?."},{"id":36,"translation":"36. Mise waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana."},{"id":37,"translation":"37. Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?"},{"id":38,"translation":"38. Mise waxay leeyihiin sallaanno ay ku dhegaystaan (Ghaybka iyo warka samada); ee ha keeno dhegaystahoodu xujo cad."},{"id":39,"translation":"39. Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?"},{"id":40,"translation":"40. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin?"},{"id":41,"translation":"41. Mise waxay og yihiin waxa qarsoon aan muuqan oo ay qoraan?."},{"id":42,"translation":"42. Mise waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda."},{"id":43,"translation":"43. Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Alle? Alle waa ka hufan yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada)."},{"id":44,"translation":"44. Hadday arkaan gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya [8] waxay odhan: Waa daruuro is dul saaran (cinaad darti).","footnotes":"[8]. Kaasoo calaamo u ah soo degitaanka Ciqaabka Alle, sida ay dalbadeen ah."},{"id":45,"translation":"45. Ee iskaga tag intay la kulmaan Maalinkooda ay la suuxi (qarracan)."},{"id":46,"translation":"46. Maalinka uusan dabinkoodu waxba u tareyn oo aan loo gargaareyn."},{"id":47,"translation":"47. Waxay xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) la kulmi cadaab taa ka sokow 'adduunka gudahi' [9] badankooduse ma ay oga.","footnotes":"[9]. In lagu sallado daadyo, dhul gariirro, abaaro, gaajo, jirrooyin, musiibooyin, iwm. Haddaan lagu ciqaabin adduunka, markaas waa cadaabka qabriga."},{"id":48,"translation":"48. Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo."},{"id":49,"translation":"49. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo markay xiddiguhu dhacaan (oogga hore)."}]},{"id":53,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan."},{"id":2,"translation":"2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin."},{"id":3,"translation":"3. Ma ku hadlo hawadiisa."},{"id":4,"translation":"4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday."},{"id":5,"translation":"5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn."},{"id":6,"translation":"6. Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay 'waa Jabriil c.s.' [1].","footnotes":"[1]. Jabriil wuxuu ugu muuqday Nabi Muxammad s.c.w. muuqaalkiisa dhabta ah."},{"id":7,"translation":"7. Isagoo ku sugan halka ugu sarreysa jihada sare [2].","footnotes":"[2]. Cirka, halka ka korreysa jihada bari ee qorrax soo baxa."},{"id":8,"translation":"8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday."},{"id":9,"translation":"9. In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow."},{"id":10,"translation":"10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday [3].","footnotes":"[3]. Waa Qur'aanka."},{"id":11,"translation":"11. Kama been sheegin Qalbiga wuxuu arkay [4].","footnotes":"[4]. Nabigu s.c.w habeenkii micraajka ee Calaamooyinka waaweyn ah ee Rabbi."},{"id":12,"translation":"12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka)."},{"id":13,"translation":"13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale."},{"id":14,"translation":"14. Dhammaadka xadka geedka gobka [5].","footnotes":"[5]. Sidratal muntahaa, waa halka u sarreysa samada toddobaad."},{"id":15,"translation":"15. Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada."},{"id":16,"translation":"16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah)."},{"id":17,"translation":"17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay."},{"id":18,"translation":"18. Wuxuu xaqiiq wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn."},{"id":19,"translation":"19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza."},{"id":20,"translation":"20. Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale [6]?","footnotes":"[6]. Seddexdan magac ee lagu xusay halkan iyo Aayadda ka horreysa waa ilaahyo caan ahaa oo dheddig ah ay caabudi jireen mushrikiintii Carbeed."},{"id":21,"translation":"21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?"},{"id":22,"translation":"22. Tanu waa qayb dulun ah."},{"id":23,"translation":"23. Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka)."},{"id":24,"translation":"24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?"},{"id":25,"translation":"25. Mayee, Alle baa iska leh tan dambe 'Aakhirada' iyo 'nolosha' horeba 'Adduunka'."},{"id":26,"translation":"26. Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay."},{"id":27,"translation":"27. Hubaal kuwaa (gaalada mushrikiinta ah) aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah."},{"id":28,"translation":"28. Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, maluhuna waxba kama taro Xaqa."},{"id":29,"translation":"29. Ee iskaga jeeso kan ka tegay Xuskayga (Qur’aanka) oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka."},{"id":30,"translation":"30. Kaasi waa intuu gaaray garaadkooda aqooneed. Rabbigaa waa Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, waana Ogsoon yahay kan hanuunsan."},{"id":31,"translation":"31. Allaah baa iska leh waxaa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta samaan (Janno)."},{"id":32,"translation":"32. Kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, waxa yar yar ee ku soo dhaca maanankooda mooyaane - Rabbigaa waa mid leh denbi dhaaf ballaadhan. Wuuna idin og yahay, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku asturan tihiin uurarka hooyooyinkiin, ee ha is ammaanina, Isagaa (Alle) Og kan ka dhowrsada xumaha."},{"id":33,"translation":"33. Ee ma aragtay kan ka jeesaday (Islaamka)."},{"id":34,"translation":"34. Oo wax yar bixiyey [7], inta kalena ceshaday.","footnotes":"[7]. Waxaa ka dhaadhacsan in maalkiisa uu ku yaraan hadduu wax siiyo saboolka, halka Alle subxaanahu wa tacaalaa uu ballan qaaday si ka duwan."},{"id":35,"translation":"35. Ma wuxuu hayaa cilmiga waxaan muuqan, oo arkaa?"},{"id":36,"translation":"36. Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse -"},{"id":37,"translation":"37. Iyo Ibraahiim ee oofiyey 'amarradii Alle'."},{"id":38,"translation":"38. Inaan nafna naf kale denbigeeda qaadeyn (inuu gacan ka geysto maahee)."},{"id":39,"translation":"39. Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn wuxuu shaqeysto (khayr ama shar)."},{"id":40,"translation":"40. Camalkiisana la arki doono."},{"id":41,"translation":"41. Kaddibna looga abaal marin si buuxda."},{"id":42,"translation":"42. Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay meel noqodka dambe."},{"id":43,"translation":"43.Waana Kan wax ka qosliya kana oohiya."},{"id":44,"translation":"44. Isagaana wax dhinsiiya waxna nooleeya."},{"id":45,"translation":"45. Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga."},{"id":46,"translation":"46. Ka abuuray dhibic mino ah marka la shubo."},{"id":47,"translation":"47. Isagayna saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada)."},{"id":48,"translation":"48. Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya;"},{"id":49,"translation":"49. Waana Rabbiga xiddiga Shicra [8].","footnotes":"[8]. Waa xiddig ay caabudi jireen qaar ka mid ah mushrikiintii Carbeed."},{"id":50,"translation":"50. Alle Isagaa halaagay Caadkii hore,"},{"id":51,"translation":"51. Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin."},{"id":52,"translation":"52. Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan."},{"id":53,"translation":"53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay [9].","footnotes":"[9]. Dadka degaankaasoo ka hor yimid Nabi Luud."},{"id":54,"translation":"54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah)."},{"id":55,"translation":"55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaa oo ka shaki qabtaa?"},{"id":56,"translation":"56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore."},{"id":57,"translation":"57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame)."},{"id":58,"translation":"58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda)."},{"id":59,"translation":"59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?."},{"id":60,"translation":"60. Oo aad qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Alle darteed)?"},{"id":61,"translation":"61. Idinkoo iska haasaawaya."},{"id":62,"translation":"62. Ee u sujuuda Alle oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin)."}]},{"id":54,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Saacadda (Qiyaame) way soo dhowaatay, dayaxiina wuxuu u kala dhanbalmay labo gabal [1].","footnotes":"[1]. Tani waxay aheyd calaamo mucjisad ah uu Alle siiyey Nabi Muxammad s.c.w. markay Quraysh ka dalbeen inuu tusiyo mucjiso."},{"id":2,"translation":"2. Hadday (gaaladu) arkaan mucjiso (xag Alle ah) waxay u jeestaan dhinac oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan."},{"id":3,"translation":"3. Waxay beeniyeen (Xaqa) oo raaceen hawadooda. Arrin kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado."},{"id":4,"translation":"4. Waxaana dhab ahaan u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino)."},{"id":5,"translation":"5. Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid)."},{"id":6,"translation":"6. Ee iskaga jeeso (Nabi Muxammadow); (oo dhowr) Maalinka uu baaquhu ugu baaqi wax daran [2].","footnotes":"[2]. Waxaa la yidhi waa malag ugu yeedhi dadka xisaab iyo garsoor."},{"id":7,"translation":"7. Iyagoo arag dulleysan, waxay ka soo baxayaan qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay."},{"id":8,"translation":"8. U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan: Kani waa Maalin daran."},{"id":9,"translation":"9. Waxaa (Xaqa) beeniyey iyaga hortood Qolodii Nuux, waxay beeniyeen addoonkayagii (Nuux) oo yidhaahdeen: waa jinnoole, oo la handaday."},{"id":10,"translation":"10. Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli."},{"id":11,"translation":"11. Markaasaan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan."},{"id":12,"translation":"12. Kana soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah), markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray ."},{"id":13,"translation":"13. Waxaana (Nuux) ku qaadnay (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir."},{"id":14,"translation":"14. Ku socota indhahayaga hortood (waxaana harqinnay gaaladii) ka jaazeyn gaalnimadooda (iyo u hiillin ahaan Nuux)."},{"id":15,"translation":"15. Waxaana uga tagnay si ay u ahaato Calaamad (lagu waantoobo), ee ma jiraa mid ku waantoobi?"},{"id":16,"translation":"16. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii?"},{"id":17,"translation":"17. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?"},{"id":18,"translation":"18. Reer Caad waxay beeniyeen (Xaqa), ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii."},{"id":19,"translation":"19. Waxaan ku soo dirnay dushood dabeyl qabow badan maalin baaskeedu is daba joogo."},{"id":20,"translation":"20. Iyadoo u majaxaabineysa dadka [3] sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey.","footnotes":"[3]. Ka soo bixineysa halkay ku gabbanaayeen."},{"id":21,"translation":"21. Ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii."},{"id":22,"translation":"22. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?"},{"id":23,"translation":"23. Reer Thamuud waxay beeniyeen digniinihii."},{"id":24,"translation":"24. Waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya oo naga mid ah (Saalix) yaan raaceynaa, markaas waxaanu ku sugannahay habow iyo heehaab (waalli)."},{"id":25,"translation":"25. Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn [4].","footnotes":"[4]. Waxay ula jeedaan Nabi Saalix."},{"id":26,"translation":"26. Berri bay ogaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah?"},{"id":27,"translation":"27. Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee sug oo samir yeelo [5].","footnotes":"[5]. Aayaddan iyo tan xigta waxay ku socdaan Saalix c.s."},{"id":28,"translation":"28. U sheeg in biyuhu yihiin qayb iyo kaltan dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah."},{"id":29,"translation":"29. Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood [6] oo soo qaatay (seef) oo boqna gooyey hashii (oo dilay).","footnotes":"[6]. Habaar qabe Qudaar."},{"id":30,"translation":"30. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii."},{"id":31,"translation":"31. Waxaan ku soo dirnay dushooda dhawaaq keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo."},{"id":32,"translation":"32. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?"},{"id":33,"translation":"33. Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii."},{"id":34,"translation":"34. Waxaan ku dirnay dushooda dabeyl dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waan badbaadinnay waaberiga hortiis."},{"id":35,"translation":"35. Nicmo Xaggayaga ah, sidaasoo kale baan u abaal marinnaa qofkii (Alle) mahdiya."},{"id":36,"translation":"36. Wuxuu (Luud) uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, wayse ka doodeen oo shakiyeen digniinihii."},{"id":37,"translation":"37. Oo waxay dhab ahaan dooneen inay martidiisii (faro xumeeyaan) markaasaan indha tirray ee dhadhamiya cadaabkeyga iyo digniinaheyga."},{"id":38,"translation":"38. Waxaana ku waabariistay aroortiiba cadaab sugan."},{"id":39,"translation":"39. Ee dhadhamiya Cadaabkeyga iyo Digniinaheyga."},{"id":40,"translation":"40. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?"},{"id":41,"translation":"41. Waxaa u yimid qoladii Fircoon digniino."},{"id":42,"translation":"42. Waxay beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaasaan qabannay Qabasho Awood Badane, Karaan Badan."},{"id":43,"translation":"43. Ma gaaladiinnan baa ka khayr badan kuwaas mise ma waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabahayaga?"},{"id":44,"translation":"44. Mise ma waxay leeyihiin: Waxaanu nahay ciidan dhan oo guuleysan."},{"id":45,"translation":"45. Waa la jabin ciidankooda, dabadayna jeedin."},{"id":46,"translation":"46. Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo kharaar."},{"id":47,"translation":"47. Hubaal kuwa denbiilayaasha ah waxay ku sugan yihiin habow (adduunka), Aakhirona dhex ahaan dab ololaya."},{"id":48,"translation":"48. Maalinka marka wejiyadooda lagu dhex jiidi Naarta (waxaa lagu odhan): Dhadhamiya taabashada Naarta."},{"id":49,"translation":"49.Waxaan ku abuurnay wax kasta Qaddar."},{"id":50,"translation":"50. Amarkayaguna ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi."},{"id":51,"translation":"51. Waxaan dhab ahaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun ku waantoobi?"},{"id":52,"translation":"52. Wax kastoo ay faleenna waxay ku yaalliin kutubta (camalladooda)."},{"id":53,"translation":"53. Wax walibana yar iyo weyn waxay ku yaalliin (Looxa Maxfuudka)."},{"id":54,"translation":"54. Hubaal kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha) waxay ku sugnaan beero iyo webiyo (Janno)."},{"id":55,"translation":"55. Fadhi sharfeed run ah oo (Allaah) Boqorka Awooda wax walba agtiisa ah."}]},{"id":55,"verses":[{"id":1,"translation":"1. (Allaah) Raxmaanka,"},{"id":2,"translation":"2. Wuxuu baray Qur'aanka."},{"id":3,"translation":"3. Abuuray aadmiga."},{"id":4,"translation":"4. Oo baray caddeynta (hadalka iyo waxa uu dooni)."},{"id":5,"translation":"5. Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab."},{"id":6,"translation":"6. Xiddigaha iyo geedahuna way sujuudaan [1].","footnotes":"[1]. Xiddigaha waxaa caabudi jirey qaar ka mid ah Carabta waagii Jaahiliyadda. Halka xiddigaha iyo geeduhuba u sujuudaan Alle, oo u hoggaansan yihiin Xeerarkiisa."},{"id":7,"translation":"7. Samada wuu kor yeelay, wuxuuna dhigay caddaalad 'iyo garsoor wanaagsan'."},{"id":8,"translation":"8. Si aydaan ugu xad gudbin cadaaladda."},{"id":9,"translation":"9. Hagaajiya beegga si caadil ah, hana dhimina miisaanka."},{"id":10,"translation":"10. Dhulka Wuxuu (Alle) degaan uga dhigay uumanka nool oo dhan."},{"id":11,"translation":"11. Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh."},{"id":12,"translation":"12. Iyo haruurka leh balka iyo dhir udug wanaagsan."},{"id":13,"translation":"13. Ee taa baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan (dadka iyo jinkow)?"},{"id":14,"translation":"14. Wuxuu (Alle) ka abuuray Aadmiga dhoobo jilay oo kale ah."},{"id":15,"translation":"15. Jinkana wuxuu ka abuuray olol dab [2].","footnotes":"[2]. Malaa’igta wuxuu ka abuuray nuur ifiya."},{"id":16,"translation":"16. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":17,"translation":"17. (Alle) waa Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed [3].","footnotes":"[3]. Waa halka iyo dhibcaha ay ka soo baxaan qorraxda subaxii dhanka bari iyo halkay u dhacaan galabkii xilliyada jiilaalka iyo xagaayada."},{"id":18,"translation":"18. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":19,"translation":"19. Wuxuu dareersiiyey labada badood [4] iyagoo kulmi.","footnotes":"[4]. Labada badood: Midda biyaha macaan iyo midda biyaha dhanaan."},{"id":20,"translation":"20. Dhexdooda waxaa ah shareer (soohdin), iskuma xad gudbaan."},{"id":21,"translation":"21. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":22,"translation":"22. Waxaa ka soo baxa labadaba luul mid weyn iyo mid yarba."},{"id":23,"translation":"23. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":24,"translation":"24. Isagaa (Alle) leh doonyaha dhex maaxa [5] badda ee buuraha la moodo.","footnotes":"[5]. Haddii loo akhriyo munshi’aatu markaas macnuhu wuxuu noqon ka muuqda."},{"id":25,"translation":"25. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":26,"translation":"26. Dhammaan waxa dhulka korkiisa ah way dhiman."},{"id":27,"translation":"27. Waxaase waari abadki Wejiga Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan."},{"id":28,"translation":"28. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":29,"translation":"29. Waxaa wax weydiista (Alle) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Goor kasta wuxuu agaasimaa arrin."},{"id":30,"translation":"30. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":31,"translation":"31. Waanu idinla xisaabtami labadiinna ciidammow culculus [6].","footnotes":"[6]. Waxaa loola jeedaa labadaa culculus dadka iyo jinka."},{"id":32,"translation":"32. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":33,"translation":"33. Kulanka jinka iyo insigoow! Haddaad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, ka soo gudba. Ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan (xag Alle ah)."},{"id":34,"translation":"34. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":35,"translation":"35. Wuxuu idinku soo diri olol naar ah iyo maar 'la dhalaaliyey' [7], ma kareysaan inaad is difaacdaan.","footnotes":"[7]. Macne kale waa naxaas."},{"id":36,"translation":"36. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":37,"translation":"37. Markay samadu dillaacdo oo ay noqoto gaduud sida idiinta [8].","footnotes":"[8]. Sida harag (maqaar) la magdiyey ee gaduudan, waa Maalinta Qiyaamaha markaas baa la idin abaal marin."},{"id":38,"translation":"38. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin [9] beenineysaan?.","footnotes":"[9]. Macnaha Rabbi waa Abuuraha, Nooleeyaha, Dhinsiiyaha, maamulaha uunka, Irsaaqaha, iwm. Waana Allaah."},{"id":39,"translation":"39. Maalinkaas waxba lagama weydiiyo denbigooda Insi iyo Jinba (oo waa cad yihiin oo la og yahay, waase lagu qiri)."},{"id":40,"translation":"40. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":41,"translation":"41. Denbiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaasaa laga soo qaban foodaha iyo cagaha (oo lagu tuuri Naarta)."},{"id":42,"translation":"42. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":43,"translation":"43. Tanu waa Jahannamadii ay beeniyeen denbiilayaashu."},{"id":44,"translation":"44. Waxay ku meereysan dhexdooda Naarta iyo biyo kulul ee karaya."},{"id":45,"translation":"45. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?."},{"id":46,"translation":"46. Kii se ka cabsada hor istaagga Rabbigi, wuxuu mudan labo beerood (Jannada gudaheed)."},{"id":47,"translation":"47. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":48,"translation":"48. (Labadaa beerood oo) leh midabyo kala duwan iyo laamo."},{"id":49,"translation":"49. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?."},{"id":50,"translation":"50. Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo dur dur ah."},{"id":51,"translation":"51. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?."},{"id":52,"translation":"52. Dhexdooda waxaa ah (labadaa beerood) midho nooc kasta oo lammaane ah."},{"id":53,"translation":"53. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":54,"translation":"54. Iyagoo ku dangiigsan firaashyo cudbi-goodu xariir yahay, midhaha labadaa beeroodna waxay ahaan kuwo goosi dhow."},{"id":55,"translation":"55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":56,"translation":"56. Waxaa ku sugan (Jannada) kuwaa soo laaba araggooda (ku kooba nimankooda keliya) ka hor iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna."},{"id":57,"translation":"57. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":58,"translation":"58. (Haweenkaa oo) la moodo dheeman iyo luul."},{"id":59,"translation":"59. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":60,"translation":"60. Wanaag abaalkiisu ma waxaan ahayn baa wanaag?"},{"id":61,"translation":"61. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":62,"translation":"62. Barbarkoodana labadatani (beerood), waxaa ah labo beerood oo kale (Jannada)."},{"id":63,"translation":"63. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":64,"translation":"64. Madow cagaaran ah."},{"id":65,"translation":"65. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":66,"translation":"66. Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo burqanaya."},{"id":67,"translation":"67. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":68,"translation":"68. Waxaa (labadaa beerood) dhexdooda ah midho, geedo timir iyo Rummaan."},{"id":69,"translation":"69. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":70,"translation":"70. Dhexdooda waxaa ah (afartaa beerood) xaasas khayr iyo qurux badnooyin ah."},{"id":71,"translation":"71. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":72,"translation":"72. Xuurulceyn ku kooban oo aan ka bixin guryahooda."},{"id":73,"translation":"73. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":74,"translation":"74. Aanay horey u taabanin insi iyo jin midkoodna."},{"id":75,"translation":"75. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?"},{"id":76,"translation":"76. Iyagoo ku dangiigsan barkimooyin cagaaran iyo gogollo qurux badan."},{"id":77,"translation":"77. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan [10]?","footnotes":"[10]. Midna beeninmeyno Allow ka mid ah Nicmooyinkaaga oo ammaan iyo mahad idilkeed Adigaa leh oo ku caabudi Adigoo Keliya annagoon waxba kula wadaajin \ncibaadada."},{"id":78,"translation":"78. Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan."}]},{"id":56,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Markay dhacdada weyni dhacdo [1].","footnotes":"[1]. Al-Waaqica: Dhacdada dhici doonta, waxaa loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha."},{"id":2,"translation":"2. Ma jiro dhiciddeeda wax beenin."},{"id":3,"translation":"3. Hoos u dhigeysa (ehlu Naarka) kor u qaadeysa 'ehlu Jannaha' [2].","footnotes":"[2]. Hadba sida camalkoodu yahay oo looma eegayo maal iyo jago uu hayo siduu yahay xaalka adduunkan."},{"id":4,"translation":"4. Marka la gilgilo dhulka gilgilid daran."},{"id":5,"translation":"5. Buuraha la ridqo ridqin daran."},{"id":6,"translation":"6. Oo ay noqoto sida boor firdhisan."},{"id":7,"translation":"7. Oo aad ahaataan (dadow) saddex nooc."},{"id":8,"translation":"8. Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwa ah Gacanta Midig?"},{"id":9,"translation":"9. Kuwase ah Gacanta Bidix, waayo kuwa ah Gacanta Bidix?"},{"id":10,"translation":"10. Kuwa u hor mara (Iimaanka iyo falashada camallada wanaagsan) iyagaa horreyn [3].","footnotes":"[3]. Sida anbiyada Alle iyo kuwa horey ka rumeeyey iyagaa hor geli doona Jannada."},{"id":11,"translation":"11. Waa kuwa loo soo dhoweyn (Ilaahay)."},{"id":12,"translation":"12. Waxay Ku sugnaan Beero barwaaqo ah gudahood (jannooyin)."},{"id":13,"translation":"13. (Ay geli) jameeco badan oo ah horraankii (ummadan iyo ummadaha kaleba)."},{"id":14,"translation":"14.Iyo in yar oo ka mid ah facyadii dambe [4].","footnotes":"[4]. Waxaa loola jeedaa kuwii ahaa aakhirka ummaddan."},{"id":15,"translation":"15. Iyagoo ku sugnaan sariiro dahab lagu qurxiyey."},{"id":16,"translation":"16. Ku dangiigsan korkeeda, si fool ka fool ah."},{"id":17,"translation":"17. Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doona,"},{"id":18,"translation":"18. Koobab iyo kirliyo iyo galaasyo (khamri saafi ah) xagga il socota (Jannada)."},{"id":19,"translation":"19. Aanu marnaba madaxu ku wareerin kuna maan guurin."},{"id":20,"translation":"20. Iyo midho waxay doortaan ah."},{"id":21,"translation":"21. Iyo hilib shimbiro kay rabaanba."},{"id":22,"translation":"22. Oo (ay u wehelin doonaan) xuurul cayn."},{"id":23,"translation":"23. La moodo luul la dhowray."},{"id":24,"translation":"24. Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen."},{"id":25,"translation":"25. Kuma maqlaan (Jannada) hadal macno darro ah iyo denbi midna."},{"id":26,"translation":"26. Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad."},{"id":27,"translation":"27. Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwaa ah Gacanta Midig (ehlu Jannaha)?"},{"id":28,"translation":"28. (Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn."},{"id":29,"translation":"29. Iyo geedo Muus ah midho karooran."},{"id":30,"translation":"30. Iyo har fidsan,"},{"id":31,"translation":"31. Iyo biyo u socda joogto,"},{"id":32,"translation":"32. Iyo midho tiro badan."},{"id":33,"translation":"33. Marnaba aan go’eyn, la isuna diideyn."},{"id":34,"translation":"34. iyo joodariyaal sare loo qaaday (oo sariiro saaran)."},{"id":35,"translation":"35. Waxaan Annaga (Alle ah) ka yeeli inay soo baxaan iyaga (haweenka Jannada) soo bixid gaar ah."},{"id":36,"translation":"36. Kana dhigi bikrooyin ugub ah."},{"id":37,"translation":"37. Gacalooyin (jecel nimankooda), isku wada da’ ah."},{"id":38,"translation":"38. Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig."},{"id":39,"translation":"39. Kuwo badan oo ka mid ah waa facyadii hore."},{"id":40,"translation":"40. Kuwo badan oo ka mid ahna facyada dambe."},{"id":41,"translation":"41.Kuwase ah Gacanta Bidix- waayo kuwaa ah Gacanta Bidix (ehlu Naarka)?"},{"id":42,"translation":"42. Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya."},{"id":43,"translation":"43. Iyo hoos qiiq badan."},{"id":44,"translation":"44. Aan laheyn qabow iyo arag fiican midna."},{"id":45,"translation":"45. Waxay ahaayeen taa horteed (adduunka) kuwo ku raaxeysta (xaaraan)."},{"id":46,"translation":"46. Oo waxay ku adkeysan jireen Denbiga weyn (shirkiga)."},{"id":47,"translation":"47. Waxay odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo nooleyn (dhimashada kaddib)?."},{"id":48,"translation":"48. Sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)?"},{"id":49,"translation":"49. Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba."},{"id":50,"translation":"50. Waxaa hubaal loo soo kulmin wada jir madal Maalin la yaqaan (Qiyaamada)."},{"id":51,"translation":"51. Markaas idinka kuwiinan habowsana- yaasha ahow, ee beeniyow (Qiyaamaha)."},{"id":52,"translation":"52. Waxaad wax ka cuneysaan geed xun oo Zaqquum ah [5].","footnotes":"[5]. Waa geed Naarta ku yaal oo u keena xanuun daran qofkii cuna."},{"id":53,"translation":"53. Oo ka buuxineysaan caloolihiinna."},{"id":54,"translation":"54. Waxaad ku dul cabbeyssan biyo kulul oo karkaraya."},{"id":55,"translation":"55. U cabbeysaan sida cabbidda geel asqoobay."},{"id":56,"translation":"56. Kaasi waa waxa lagu soori (gaalada) Maalinta Abaal marinta (Qiyaamaha)."},{"id":57,"translation":"57. Annagaa (Alle ah) idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen?"},{"id":58,"translation":"58. Ma u fiirsateen minada idinka timaadda (biyo bixiinna - shawada)?"},{"id":59,"translation":"59. Ma idinkaa abuura mise waa Annaga (Alle ah) Abuurayaasha?"},{"id":60,"translation":"60. Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, mana jiro qof naga baxsan kara."},{"id":61,"translation":"61. Inaan idinku beddelno kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo saarno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn."},{"id":62,"translation":"62. Waadna og tihiin abuuriddii hore, ee miyeydaan waantoobeyn?"},{"id":63,"translation":"63. Ma u fiirsateen waxaad beertaan?;"},{"id":64,"translation":"64. Ma idinkaa soo bixiya, mise waa Annaga (Alle ah) Kuwa soo Bixiya?"},{"id":65,"translation":"65. Haddaan Doonno,waxaan ka dhigeynaa xaabo engagan, markaasaad ka xumaan."},{"id":66,"translation":"66. (idinkoo leh): Waa nala khasaariyey."},{"id":67,"translation":"67. Balse waa nala hoojiyey."},{"id":68,"translation":"68. Ma u fiirsateen biyahaad cabtaan?"},{"id":69,"translation":"69. Ma idinkaa kuwa ka soo dejiya daruura- ha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya?"},{"id":70,"translation":"70.Haddaan doonno, Waxaan ka dhigeynaa jaan dhanaan oo milix ah (aan la dhami karin), ee maad ku shukridaan (Alle)?"},{"id":71,"translation":"71. Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan."},{"id":72,"translation":"72. Ma idinkaa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga (Alle ah) weeye soo saarayaasha?"},{"id":73,"translation":"73. Annaga (Alle ah) baa waxaynu ka dhignay xusuus; iyo waxay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha 'iyo qeyrkoodba' [6].","footnotes":"[6]. Musaafiriinta ama socotada waxaa halkan loogu xusay gaar ahaan inuu arrinkaasi mudnaan gaar ah u leeyahay iyaga, inkastoo uu yahay sahay ay u baahan yihiin dadka guud ahaan. Dabkana waxaa lagu xusuustaa Naarta Aakhiro."},{"id":74,"translation":"74. Ee xurmee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan."},{"id":75,"translation":"75. Mayee, waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan."},{"id":76,"translation":"76. Xaqiiqna waa dhaar weyn, haddaad ogaan lahaydeen."},{"id":77,"translation":"77. Hubaal kani waa Qur'aan Sharaf Badan."},{"id":78,"translation":"78. Ku yaal Kitaab aad la dhowray (Looxa Maxfuudka)."},{"id":79,"translation":"79. Cidna taaban kuwa la daahiriyey mooyee (malaa’igta)."},{"id":80,"translation":"80. Waa soo dejinta Rabbiga uumanka."},{"id":81,"translation":"81. Ma warkan (Qur’aanka) baad (gaaloy) u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn?"},{"id":82,"translation":"82. oo aad ka yeeleysaan (mahaddii) risiqiinna beenin (Xaqa)."},{"id":83,"translation":"83. Maxaydaan markay (naftu) dhuunta gaadho."},{"id":84,"translation":"84. Idinkuna markaas aad u jeeddaan (qofka dhiman)."},{"id":85,"translation":"85. Annaguna (Alle ah Ogaal iyo Awood ahaan iyo malaa’igtayada) idiinka dhownahay, laakiinse aydaan arkayn."},{"id":86,"translation":"86. Haddaad tihiin kuwo aan la soo bixineyn oo la xisaabineyn (Aakhirada)."},{"id":87,"translation":"87. Maxaad Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddaad run sheegeysaan?"},{"id":88,"translation":"88. Hadduu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah)."},{"id":89,"translation":"89. Waxaa u ahaaday raaxo, reynreyn, reexaan udgoon iyo Janno barwaaqo ah."},{"id":90,"translation":"90. Hadduu ka mid yahayse kuwa ah gacanta midig (ehlu Jannada)."},{"id":91,"translation":"91. Nabad baa idiin sugnaatay kuwa ahow gacanta midig."},{"id":92,"translation":"92. Haddiise uu ka mid yahay (Xaq) beeniyayaasha, habowsanaaysaha ah."},{"id":93,"translation":"93. Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya."},{"id":94,"translation":"94. Iyo ku gubasho Dabka aan dameyn ee ololka badan (Naarta)."},{"id":95,"translation":"95. Arrinkani waa run la hubo oo xaqiiq ah."},{"id":96,"translation":"96. Ee xurmee oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan."}]},{"id":57,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaa xurmo weyneeya oo (ceeb iyo nuqsaan ka) hufa Alle Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada [1]. Waana Adkaadaha, Xikmadda Badan.","footnotes":"[1]. Iyagoo ammaana oo caddeeya inuu ka hufan yahay xumaan oo dhan oo uusan laheyn xaas, ilmo, iyo shariig."},{"id":2,"translation":"2. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, wax nooleeya oo dhinsiiya; Isagaana wax walba Kara."},{"id":3,"translation":"3. Waa Isaga (Alle) Kan horreeyey iyo Kan dambeyn, iyo Kan ka sarreeya wax walba ee kor jira (samada, Carshigiisa dushiisa) iyo Kan Dhowaanshaha Badan. Isagaana Wax walba Ogsoon."},{"id":4,"translation":"4. Waa Isaga 'Alle' Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshigiisa. Wuxuu Og yahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa, iyo waxa ka soo dega cirka iyo waxa kor u fuula. Wuuna idinla jiraa meel aad joogtaanba [2]. Alle Wuu Arkaa waxaad fashaan.","footnotes":"[2]. Wuxuu idinkula jiraa Cilmigiisa – isagoo ka kor ah cirarka, ka baxsan oo soocan uunkiisa, sidaas oy tahay wuu idin arkaa oo maqlaa oo awood dhan idinku dul leeyahay."},{"id":5,"translation":"5. Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada. Xagga Alle baa loo celiyaa umuuraha oo dhan."},{"id":6,"translation":"6. Wuxuu Habeenka dhex gashaa maalinta, maalintana dhex gashaa habeenka (macnaha kala badiyaa), wuuna Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka)."},{"id":7,"translation":"7. Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad) oo wax ka bixiya waxaa uu idiinka dhigay wakiillo (maamulkiisa); kuwaa idinka mid ah ee rumeeya (Alle) oo wax bixiya [3] waxay leeyihiin Abaalgud Weyn (Jamno).","footnotes":"[3]. Wax ku bixiya waxlaayaha raalli geliya Alle."},{"id":8,"translation":"8. Maxaad leedihiin oo aad la rumeyn weydeen Alle, isagoo Rasuulku (Nabi \nMuxammad) idiinku yeedho inaad rumeysaan Rabbigiin, Isagoo idinka qaaday ballan adag, haddaad tihiin mu’miniin."},{"id":9,"translation":"9. Waa Alle Kan ku soo dejiya Aayado cad addoonkiisa (Nabi Muxammad) si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. Hubaal Alle waa idiin Turid iyo Naxariis Badan yahay."},{"id":10,"translation":"10. Maxaad leedihiin oo aad wax ugu bixin weydeen Jidka Alle? Alle baana leh dhaxalka samooyinka iyo arlada. Ma sinna kuwiinna wax bixiyey ka hor guusha iyo furashada (Makkah) oo diriray (iyo kuwiinna sidaa falay waa' dambe). Kuwaasi (hore) baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyey oo diriray kaddib. Alle wuxuu u yaboohay (abaalgud) wanaagsan intaba. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan."},{"id":11,"translation":"11. Waa kuma kan amaahinaya Alle amaah wanaagsan [4], markaas uu u labolaabo (ajarka), wuxuuna siin abaalgud wanaagsan (Janno).","footnotes":"[4]. Sadaqo bixin ama deyn siin cid baahan kor saar la'aan."},{"id":12,"translation":"12. Maalinta aad arki mu’miniinta iyo mu’minooyinka - nuurkoodu socdo hortooda iyo midigtoodaba: ku bishaareysta Maanta Jannooyin (Beero) ay webiyadu hoos qul-qulaan, iyagoo ku waaraya dhexdeeda (weligood). (Arrin)kaasi waa Liibaanta Weyn."},{"id":13,"translation":"13. Maalinta ay munaafiqiinta iyo munaa- fiqooyinka ku odhan doonaan mu’miniinta: Na suga oo noo oggolaada inaan wax ka qaadanno nuurkiinna. Waxaa la odhan: Dib ugu noqda gadaashiinna [5]. Markaas dalba nuur. Markaas baa xannib la yeeli dhexdooda, derbi leh albaab. Gudahiisa yahay naxariis, xaggiisa debedda ahna cadaab.","footnotes":"[5]. U noqda halka laga helayey nuurka waa noloshii adduunka."},{"id":14,"translation":"14. Way u dhawaaqi (iyagoo leh): Sow ma aanan aheyn la jirkiinna? Waxay odhan: Haayoo, waxaadse balayseen nafahiinna [6], oo sugteen oo shakideen, waxaana idin hoday hawooyin been ah jeer cadaabkii Alle idinku gooddiyey yimid, isagoo kan hodidda iyo dhagarta badan (Shaydaan) idinka hoday xagga Alle.","footnotes":"[6]. Ku beleyseen munaafqinimo ama ku dhicitaan fidnooyinka."},{"id":15,"translation":"15. Maanta la idinkama aqbalo is furasho idinka (munaafiqiinta ah) iyo kuwa gaaloobay midna. Hoygiinnu waa Naarta, waa iyada mudankiinna, waana halka u xun meel la ahaado."},{"id":16,"translation":"16. Miyaanan la joogin waqtigii quluubta kuwa (Xaqa) rumeeyey ay u khushuucaan Xuska Alle iyo waxa loo soo dejiyey oo Xaqa ah (Qur'aanka)? oo ayan la mid noqonin kuwii la siiyey Kitaabka awal hore (Yuhuudda iyo Nasaarada) oo muddadu ku dheeraatay sidaa darteed quluubtoodu noqdeen kuwo adag 'sida dhagax'? In badan oo ka mid ahna waa caasiyaal."},{"id":17,"translation":"17. Ogaada inuu Allaah siiyo nolol arlada dhimashadeeda kaddib [7]. Waan idiin caddeynay Aayadaha si aad u fahantaan.","footnotes":"[7]. In sidoo kale Allaah Subxaanahu watacaalaa uu nooleyn karo qalbiga kaddib markuu noqday mid adag oo hanuunin karo qof horey u lunsanaa."},{"id":18,"translation":"18. Ragga iyo haweenka wax sadaqaysta ee amaahiya Alle amaah wanaagsan, waa loo labo-laabi (ajarka) waxayna xaqiiq leeyihiin Abaal gud Wanaagsan (Janno)."},{"id":19,"translation":"19. Kuwa rumeeyey Allaah iyo Rusushiisa, Kuwaasu weeye run badnayaasha [8], shuhadaduna Rabbigood xaggiis waxay ka heli abaalgudkooda iyo nuurkooda. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, kuwaasi waa ehlu Naarka.","footnotes":"[8]. Tafsiir kale oo sax ah waxaa weeye: Oo kuwaa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa kuwaas weeye run badnayaasha iyo markhaatiyada Rabbigood agtiis."},{"id":20,"translation":"20. Ogaada inay nolosha adduunkan tahay cayaar, madaddaalo, isqurxin, isu faan dhexdiinna iyo ku tartan badsiga maal iyo carruur, waa sida roobka soo saara naqa, bixiddiisuna tahay mid farax gelisa beeroleyda; markaasna engaga oo aad arki isagoo doorsoomayoo caddaaday, markaas noqon xaabo burbur ah. Aakhirose (waxaa jira) cadaab daran ama denbi dhaaf xagga Alle iyo Raallinnimadiisa. Nolosha adduunyana ma aha waxaan ahayn raaxo lagu dagmo."},{"id":21,"translation":"21. U degdega denbi dhaaf ah xagga Rabbigiin iyo Janno ballaceedu yahay ballaca cirka iyo dhulka, loo diyaariyey kuwa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa. Kaasi waa Galladda Alle uu siiyo cidduu doono. Alle waa Kan leh Galladda Weyn."},{"id":22,"translation":"22. Ma jirto masiibo ku dhacda dhulka ama nafahiinna oo aan ku qornayn Kitaab [9], ka hor inta aanu keenin ifka. Hubaal, arrinkaasi waa wax u fudud Alle.","footnotes":"[9]. Looxa Maxfuudka."},{"id":23,"translation":"23. Si aydaan uga murugoon wixii idin seega, uguna aydaan farax taraarin wuxuu idin siiyo. Alle ma jecla mid kastoo isla weyn, faan badan."},{"id":24,"translation":"24. Kuwa ah bakhayllada - amrana dadka bakhaylnimo. Qofkii (Xaqa ka) jeesadana, hubaal Alle waa Hodanka Deeqtoon, Ammaanan."},{"id":25,"translation":"25. Waxaan dhab ahaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, lana soo dejinnay Kitaabka iyo Miisaanka (caddaaladda), si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Waxaana soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka [10], iyo inuu Alle muujiyo kan u gargaari (Diinta) iyo Rusushiisa iyagoon arag. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.","footnotes":"[10]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: “Ogaada in Jannadu tahay seefaha hoostooda”."},{"id":26,"translation":"26. Waxaan dhab ahaan soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, waxaana ka yeellay ubadkooda dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka, waxaa ka mid ah kuwo hanuunay, in badani oo ka mid ahina waa caasiyaal."},{"id":27,"translation":"27. Markaasaan raacinnay raadadkoodii Rusushayada, Waxaana raacinnay Ciise, wiilkii Maryam, oo siinnay Injiilka. Waxaana yeellay quluubta kuwii raacay isu danqasho iyo naxariis. Suufinnimadase 'adduun ka jeedsiga' [11] iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha Alle darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal.","footnotes":"[11]. Waa inayan xaas yeelan, oo iska caagaan, oo dhinac kaga baxaan dadka oo iska joogaan kaniisadda."},{"id":28,"translation":"28.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle oo rumeeya Rasuulkiisa, Wuxuu (Alle) idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, idiinna yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":29,"translation":"29. Si ay ehlu-Kitaabku u ogaadaan inaysan hayn waxna ka mid ah Galladda Alle, iyo in Gallad oo dhan ay ku jirto Gacanta Alle [12], wuxuu siiyaa cidduu doono. Alle waa Rabbiga leh Galladda Weyn.","footnotes":"[12]. Gacanta Alle : Alle kor ahaaye wuxuu ku caddeeyey Qur’aanka inuu leeyahay tilmaamo gaar ah sida maqal, arag, labo indhood, weji, labo gacmood, sacabbo, faro, labo lugood, cago, inuu qoslo, cadhoodo, wax jeclaado, wax naco, wax karho, iwm. Iyadoo taasi jirto buu iska fogeeyey inuu yahay mid ay suureysan karaan aadmiga, oo wax la mid ah ma jiraan waana Isaga Maqal Badanaha, arkidda Badan, sidaas oy tahay waa in loo qiro tilmaamaha u sheegtay Alle ama Rasuulkiisu uu sheegay inuu leeyahay."}]},{"id":58,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Alle wuu ajiibay baryada haweentii kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u sheeganaysey (dhibaatadeeda) Alle. Alle waa maqlayey wada hadalkiinna. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka."},{"id":2,"translation":"2. Kuwa idinka mid ah ee isaga \nxaaraantimeeya [1] xaasaskooda hab ah dihaar (iyagoo ku odhan, \"hooyaday baad iga tahay\") - Sidaa kuma noqonayaan hooyooyinkood. hooyooyinkoodna ma aha cid kale aan ahayn kuwii dhalay. Kuwaasuna waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been abuur. Allese hubaal waa Cafiye, Denbi Dhaaf badan.","footnotes":"[1]. Haweeney la yidhaahdo Khawlah binti Thaclabah a.k.r. baa waxaa habkan isaga xaaraantinimeeyey ninkeeda Aws bin As-Saamit, isagoo ku yidhi xaaskiisa, \"hooyaday baad iga tahay\". Markaasay waxay u timid Nabiga s.c.w. iyadoo wax ka weydiinaysa mas’aladan, markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan iyo Aayadda xigta."},{"id":3,"translation":"3. Kuwa isaga xaaraantimeeya xaasas- kooda hab dihaar ah (ku yidhaahda, hooyaday baa iga tahay) - markaas doonaya inay ka noqdaan waxay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban (galmoon), (arrin)kaasi waa kan la idinku waaninayo. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan."},{"id":4,"translation":"4. Kii aan helin (addoon uu xoreeyo), waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban 'galmoon' [2]; kiise aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan dhan ugu qabtaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwaasi waa soohdimaha Alle (ee ha dhaafina). Gaaladu waxay leeyihiin Cadaab xanuun Badan.","footnotes":"[2]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 4: Aayadda 92."},{"id":5,"translation":"5. Xaqiiq kuwa khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyey. Waxaana dhab ahaan soo dejinnay Aayado cad cad. Gaaladu waxay leeyihiin Cadaab Dulleysa."},{"id":6,"translation":"6. Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, una sheegi waxay faleen. Alle wuu tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Alle wax walba wuu Arkaa."},{"id":7,"translation":"7. Miyaadan ogaan inuu Alle Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku faqda, uusan isagu aheyn kooda afraad [3], mana jiro (faq ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Alle wax walba wuu Og yahay.","footnotes":"[3]. Waa inuu og yahay oo ka war qabo xaalkooda iyo sirahooda oo maqlo oo arko oo awood ku dul leeyahay, laakiinse Alle cirkuu jiraa Carshigiisuu dul ahaaday si u qalanta Weynidiisa."},{"id":8,"translation":"8. Miyaadan ogaan kuwaa (Yuhuudda ah) ee laga reebay faqa xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku faqaan denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, markay kuu yimaadaanna waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin [4], iyagoo si hoose u leh: Muxuu Alle noogu cadaabi waayey waxaan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay gali. Oo u xun meel la ahaado.","footnotes":"[4]. Waa tilmaan xaalkii Yuhuudda wax ka degganeyd Madiina ee ku salaamay muslimiinta As-Saamu Calaykum oo macnaheedu yahay dhinta halkii ay odhan lahaayeen As-salaamu caleykum."},{"id":9,"translation":"9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad faqeysaan, ha ku faqina denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka ee ku faqa samaan iyo ka joogid (denbiyada) dhowrana (amarrada) Alle, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin."},{"id":10,"translation":"10. Sideedaba faqa (xun) waa uun (camal) Shaydaan [5], si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeeyey, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee wuxuu Alle idmo maahee. Alle uun ha tala saarteen mu’miniinta.","footnotes":"[5]. Waxaa loola jeedaa sida muuqata hadalka xanta ah iyo xumaan ku tashiga."},{"id":11,"translation":"11.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la idinku yidhaahdo isu waasiciya fadhiga, isu waasiciya. Alle ha idiin waasiciyee 'Naxariistiisa' [6]. Marka la idinku yidhaahdo u kaca 'khayr' [7] u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey, iyo kuwaa cilmiga la siiyey darajooyin aad u sarreeya. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.","footnotes":"[6]. Alle ha idiin waasiciyee Naxariistiisa ama Jannadiisa gudaheed, ama wax kasta oo wanaagsan. \n[7]. U kaca salaad ama jihaad ama camal kasta oo wanaagsan."},{"id":12,"translation":"12. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka (aad dooneysaan) inaad la faqdaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan faqiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":13,"translation":"13. Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydaan) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la faqiinna (Nabiga)? Haddii aydaan sidaas falin, Alle wuu idinka tawbad aqbalaye ooga salaadda oo bixiya sakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan."},{"id":14,"translation":"14. Mawaadan arag kuwaa (munaafiqiinta ah ee) iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha (munaafiqiinta) kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) kamana tirsana (gaalada), waxayna ku dhaartaan been iyagoo og."},{"id":15,"translation":"15. Alle wuxuu u diyaariyey cadaab daran. Xumaa waxay falaan."},{"id":16,"translation":"16. Waxay (munaafiqiintu) ka dhigteen dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan) markaasay ka weeciyeen (dadka) jidka Alle, sidaas awgeed waxay leeyihiin cadaab dufeysa."},{"id":17,"translation":"17. Maalkooda ama awlaaddoodu waxna ugama taraan Alle Xaggiisa. Kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari weligood."},{"id":18,"translation":"18. Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, way u dhaaraan siday idiinku dhaartaan [8] iyagoo mooda inay wax (xujo ah) heystaan. Hubaal waa iyaga beenaalayaasha.","footnotes":"[8]. Waxay moodayaan in beenahooda la rumeysan, oo aan la garan doonin sida waagii nolosha adduunka."},{"id":19,"translation":"19. Shaydaan baa duufsaday oo hilmaan- siiyey xusidda Alle. Kuwaasi waa xisbiga Shaydaanka. Ogaada hubaal waa xisbiga shaydaanka kuwa khasaaray."},{"id":20,"translation":"20. Hubaal kuwa khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa; kuwaasi waxay ka mid ahaan kuwa dulleysan."},{"id":21,"translation":"21. Alle wuxuu qoray - hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. Hubaal, Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah."},{"id":22,"translation":"22. Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro haddana jecel kuwa colaadiya Alle iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama qaraabadooda. Kuwaa weeye kuwa uu (Alle) quluubtooda ku qoray Iimaan, uuna ku xoojiyey Ruux [9] Xaggiisa ah, wuxuu galin Jannooyin (Beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Alle raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Alle. Ogaada, hubaal, Xisbiga Alle waa iyaga liibaanayaasha.","footnotes":"[9]. Ruux ay ku helayaan nolol, waxaana loola jeedaa go’aan adeygga, quwadda gudaha, daahirsanaanta qalbiga, hanuunka, guul, iwm."}]},{"id":59,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaa xurma weyneeya oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah."},{"id":2,"translation":"2. Waa Kan ka saaray kuwaa gaaloobay ee ka mid ahaa Ehlu Kitaabka [1] daarahooda kulmintii hore. Ma aydaan maleyneyn inay baxayaan, halka iyagu moodayeen inay dhufaysyadooda ka celinayaan Alle. Wuxuuse Alle uga yimid meel aysan marnaba filayn, kuna tuuray argagax quluubtooda, sidaa awgeed waxay ku baabbi’iyeen guryahooda gacmahooda iyo gacmaha mu'miniinta, ee ku cibrad qaata kuwiinaan Indheer garadka ahow.","footnotes":"[1]. Waxay Aayaddu tilmaameysaa Yuhuuddii Banii Nadiir, ee ka baxay ballankii ay la galeen Nabiga s.c.w."},{"id":3,"translation":"3. Haddaanu Alle u qaddarin guuritaanka, Wuxuu ku cadaabi lahaa adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin cadaab Naar ah."},{"id":4,"translation":"4. Sidaas waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii colaadiyana Alle, hubaal Alle wuu daran yahay ciqaabkiisu."},{"id":5,"translation":"5. Geed timreed kastoo aad goyseen ama aad ka tagteen iyadoo ku taagan jirriddeeda, waa Idanka Alle, iyo si uu u dufeeyo caasiyaasha."},{"id":6,"translation":"6. Wixii (maal ah) Alle uga soo ceshay Rasuulkiiisa xaggooda (Yuhuuddii reer Nadheer) - uma aydaan qaadin duullaan aad ku dagaal gasheen fardo ama rakuub midna [2], wuxuuse Alle ku sallidaa Rusushiisa cidduu doono. Alle wax walba wuu Karaa oo awood u leeyahay.","footnotes":"[2]. Macnaha waa kama aydaan marin wax dhib ah (dagaal ah) helitaanka qaniimadaa."},{"id":7,"translation":"7. Wuxuu Alle uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka 'dagaal la'aan' [3], waxaa leh Allaah, Rasuulka, qaraabada dhow 'ee Rasuulka' [4], agoomaha, masaakiinta iyo socotada 'go'doonsan' [5], si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Wuxuu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, wuxuu idinka reebona ka jooga, oo dhowra (amarrada) Alle. Hubaal, Alle wuu Daran yahay Ciqaabkiisu.","footnotes":"[3]. Xukunka la xiriira maalka ay ka tagaan cadowga oo la helo dagaal la’aan waa ka duwan yahay kaa lagu xusay Suuradda Al-Anfaal, Aayadda 41aad. \n[4]. Qaraabdada Rasuulka waa kuwaa ka midka ah Banuu Haashim iyo Banuu Muddalib uu Nabigu s.c.w. ka xaaraanshay qaadashada sadaqada.\n[5]. Waxaa soo galaya socotada go'doonsan, qaxootiga, dadka qalaad aan degaanka u dhalan ee dhoofka ku yimid ee la nool, ajaanibta, iwm."},{"id":8,"translation":"8. (Waxaa wax ku leh maalkaa) saboolka ka soo haajiray guryahooda iyo maalkooda iyagoo raadinaya Fadli xag Alle ah iyo raallinimodiisa [6], una gargaaraya Alle iyo Rasuulkiisa: kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha.","footnotes":"[6]. Ka hor inta ay muhaajiriintu dhex degin Ansaarta. Kuwaasoo saami laga siiyey qaniimadaa."},{"id":9,"translation":"9. Kuwii (Ansaarta) degganaa Daarta (Madiina) ee (qaatay) Iimaanka ka hor (intaysan u soo hijroon walaalahood muhaajiriinta). Waxay jecel yihiin kuwaa u soo haajiray xaggooda, kamana helaan laabahooda wax u hanqal taag ah wax ka mid ah waxa (muhaajiriinta) la siiyey, waxayse ka hormariyaan (oo uga dooraan) nafahooda, inkastaba iyagu faqri ha hayee. Qofkii laga dhowro bakhaylnimada naftiisa, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha."},{"id":10,"translation":"10. Kuwa yimaada (asxaabta Nabiga) kaddib waxay dhihi : Rabbigayow, Noo denbi dhaaf innaga iyo kuwaa walaalahayaga ah ee nooga horreeyey Iimaanka, hana u gelin quluubtayada wax naceyb ah kuwa (xaqa) rumeeyey. Rabbigayow! Waxaad tahay Turid Badane, Naxariis Badan."},{"id":11,"translation":"11. Ma waadan arag kuwaa munaafiqiinta ah ee ku leh kuwaa walaalahood ah ee gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka: Haddii la idin saaro, waa idin la baxeynaa, mana jiro cid aan idiin maqleyno weligeed, haddii la idinla dagaallamana waan idiin soo hiillin. Alle baana ka Marag ah inay yihiin beenalayaal."},{"id":12,"translation":"12. Haddii la saaro (Yuhuuddaa), marnaba (munaafiqiinta) lama baxayaan, haddii lala daggaalamana, marnaba uma soo hiillinayaan, hadday u soo hiilliyaanna dhabarkay jeedin, loomana gargaarayo."},{"id":13,"translation":"13. Idinka (Mu'miniinta ah) cabsida ay idiinku hayaan (Yuhuuddaa iyo munaafiqiintaa) laabahooda baa ka daran tay ugu hayaan Alle. Sidaas waxaa ugu wacan waa qolo aan wax fahmin."},{"id":14,"translation":"14. Idiinlama dirirayaan (Yuhuudda) qof ahaan inay ku jiraan maahee meelo dhufeysyo adag leh gudahood ama gidaarro gadaashood [7]. Cadaawadda dhexdooda ah baa daran. Waxaad moodeysaa inay yihiin kuwo wada jira, quluubtoodu se waa qaybsan yihiin, arrinkaasi waxaa ugu wacan waa qolo aan garasho lahayn.","footnotes":"[7]. Iyo gawaari gaashaaman."},{"id":15,"translation":"15. Waa sida kuwii iyaga wax yar ka horreeyey [8]. Waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.","footnotes":"[8]. Waa Yahuuddii reer Banuu Qaynuqaac ee horay iyaguna looga raray Madiina."},{"id":16,"translation":"16. (Munaafiqiinta iyo gaaladaa xaalkoodu) waa sida Shaydaanka ku yidhaahda aadmiga: Gaalow. Markase uu gaaloobo, yidhaahda: Anigu barii baan kaa ahay, anigu waxaan ka cabsan Alle, Rabbiga uumanka."},{"id":17,"translation":"17. Sidaa awgeed cidhibtooda waa inay ahaan Naarta gudaheed, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waana sidaas abaal marinta daalimiinta (gar ma qaatayaasha)."},{"id":18,"translation":"18. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle, naf walbana ha eegto waxay u hormarsatay berritoole (Qiyaamaha), kana dhowrsada xumaha. Hubaal Alle waa u xog ogaal waxaad fashaan."},{"id":19,"translation":"19. Ha ahaannina sida kuwa hilmaamay Alle, Isna markaas uu hilmaansiiyey nafahooda (inay camal san u fashaan): kuwan weeye kuwa ah fallaagada."},{"id":20,"translation":"20. Ma sinna Ehlu-Naarka iyo Ehlu- Jannaha. Ehlu-Jannaha iyaga weeye kuwa ah liibaanayaasha."},{"id":21,"translation":"21. Haddaan ku soo dejin laheyn Qur’aankan buur, waxaad arki lahayd buurtiyoo soo dhacaysa, la dillaacaysa cabsida iyo ka heybeysiga Alle darti. Waxaana u soo qaadannaa tusaalooyinkan dadka bal inay fekeraan."},{"id":22,"translation":"22. Waa Allaah, uusan jirin ilaah kale (oo xaq lagu caabudo) Isaga maahee, Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda. Waa Naxariistaha, Naxariista Badan."},{"id":23,"translation":"23. Waa Allaah, uusan jirin Ilaah kale (oo Xaq ah) Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka [9]; Nabadgeliyaha, Ammaan bixiyaha [10], Kor ka Ilaashaha, Adkaadaha, Kabaha, (Sandulleeyaha islaweynayaasha), ee iska leh Weynaan oo dhan, Xurmo oo idil waxaa iska leh oo Hufan Alle wuu ka Sarreeya waxay shariig u yeelaan oo ay wax la wadaajiyaan.","footnotes":"[9]. Ceeb aan lahayn iyo wax nuqsaan ah ee Kaamilka ah ama Ammaanlaha. \n[10]. Ama Bixiyaha Iimaanka ama Nabdoonida."},{"id":24,"translation":"24. Alle waa Abuuraha, uumaha wax waliba, sawiraha qaabsiiyaha ah. Isagaa leh Magacyada wanaagsan ee quruxda badan. Waxaa (Alle) Xurmo weyneeya oo ka hufa (xumaan) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waana Adkaadaha, Xakiimka ah."}]},{"id":60,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina cadowgeyga iyo cadowgiinna saaxiibbo [1], idinkoo u muujinaya kalgaceyl xaggooda, iyagoo ku gaalooba waxa idiin yimid oo Xaq ah, oo u soo saaray debedda Rasuulka iyo idinkaba inaad rumeyseen Allaah, Rabbigiin darteed? Haddaad u soo haajirteen inaad u jihaaddaan Jidkeyga oo dooneysaan Raallinimadeyda (ha ka dhigannina gaalada sokeeyayaal), kuwaasoo aad qarsoodi ugu muujisaan kalgaceyl xaggooda, Aniguna (Alle ah) waan Ogahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba; qofkii idinka mid ahna oo sidan fala, wuxuu dhab ahaan ka lumay Jidka Toosan (ee Islaamka).","footnotes":"[1]. Sokeeyayaal iyo gacallo."},{"id":2,"translation":"2. Hadday gacanta sare idinka yeeshaan (gaaladu) waxay idiin noqon cadow, oo idin kula soo fidin gacmahooda iyo carrabyadooda xumaan, waxayna jecel yihiin inaad gaalowdaan."},{"id":3,"translation":"3. Qaraabadiinna iyo awlaadiinnu waxba idiinma tarayaan Maalinta Qiyaamaha. Wuu idin kala xukumi (oo idiin kala saari gaalo iyo mu'miniin). Alle wuu Arkaa waxaad fashaan."},{"id":4,"translation":"4. Waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray [2], markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Innagu barii baan idinka nahay idinka iyo waxaad caabuddaan Alle sokadi, idin diidnay, oo cadaawad iyo naceyb baa ahaaday dhexdeenna innaga iyo idinka abad ah jeer aad rumaysaan Alle keliya - marka laga reebo qowlkii Ibraahiim ku yidhi aabbihi: Waxaan kuu baryayaa denbi dhaaf Alle [3], umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Alle horti. Rabbigayow! Adigaynu ku tala saarannaa, oo Xaggaaga u soo laabannaa, waana Xaggaaga noqodka dambe.","footnotes":"[2]. Waxaa idiinku sugan tusaale fiican ee lagu daydo oo la raaco. \n[3]. Ma bannaana mu’miniinta inay u denbi dhaaf dalbaan gaalada hadday gaalnimo ku dhintaan. Eeg suuradda An-Nisaa Aayadda 48, iyo Suuradda At-Tawba Aayadaha 113-114."},{"id":5,"translation":"5. Rabbigayow! Ha nagu salladin gaalada, oo noo denbi dhaaf, Rabbigayow! Waa Adiga Adkaadaha, Xakiimka ah."},{"id":6,"translation":"6. Waxaa dhab ahaan idiinku sugan ku dayasho wanaagsan uu raaco qofkii rajeeya Allaah oo (ku haya maanka) Maalinta Aakhiro. Kiise ka jeesta (Xaqa), hubaal Alle waa Hodanka, Ammaanan."},{"id":7,"translation":"7. Waa intaasoo Alle yeelo kalgaceyl dhexdiinna idinka iyo kuwaad collaytanteen ee ka midka ah (gaalada oo soo islaamaan). Alle wax walba wuu Karaa [4]. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.","footnotes":"[4]. Inuu hirgeliyo tani ama waxa uu doonoba."},{"id":8,"translation":"8. Alle idinkama reebayo kuwaan idinkula diririn arrinka diinta oo aan idiinka soo saarin debedda guryihiinna inaad u samo iyo caddaalad fashaan. Hubaal Alle waa jecel yahay kuwa caadiliinta ah."},{"id":9,"translation":"9. Wuxuu Alle idinka reebayaa uun kuwa idinkula diriray diinta darteed oo idinka soo saaray guryihiinna, ama ku taageeray (kuwo kale) qixintiinna inaad ka dhigataan xulufo. Qofkii ka dhigta kuwaasi xulufo, waa kuwaas kuwa ah daalimiinta."},{"id":10,"translation":"10. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Hadday idiin yimaadaan haween mu’minooyin ah iyagoo ka soo haajiray (gaalada), imtixaama (inuu dhab ka yahay Iimaanka iyo in kale); Alle baa aad u ogsoon iimaankooda, haddaad ogaataan inay yihiin mu’minooyin dhab ah, ha u celinnana gaalada, uma aha (dumarkani) xalaal iyaga, umana aha (nimanka gaalada ah) xalaal iyaga oo siiya (nimakoodii hore ee gaalada ah waxay bixiyeen) meher ahaan. Ma jiro wax denbi ah oo korkiinna ah inaad guursataan markaad siisaan meherradooda, hase u haysannina haweenka gaalada (mushrikiinta) ah xaasas ahaan, oo weydiista (in la idiin soo celiyo) waxaad bixiseen (meher ahaan) iyaguna (gaalada) ha weydiistaan in dib loogu soo celiyo waxay bixiyeen (meher ahaan). Kaasu waa xukunka Alle, Isaga baa idin kala xukumi. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah."},{"id":11,"translation":"11. Hadday wax ka mid ahi xaasaskiinna idinka aadaan xagga gaalada, markaas guul heshaan iyo qaniimo, siiya kuway xaasaskoodu tageen (oo gaalada ku biireen) wax u dhigma waxay bixiyeen 'oo meher ah' [5]. Alle ka cabsada ee ah Kan aad rumaysan tihiin.","footnotes":"[5]. Waxaa loola jeedaa intaan loo qaybinin qaniimada shan meel, waxaa la siin meherkii ay bixiyeen raggaa dumarkooda riddoobeen oo ka aadeen xagga gaalada."},{"id":12,"translation":"12. Nabiyow! Markay kuu yimaadaan dumar mu’minooyin ah si ay kuugula ballantamaan inaysan u shariiik yeeleyn waxba la jirka Alle, inaysan wax xadeyn, oo zineysaneyn, oo aysan dileyn carruurtoo- da, oo la imaneyn masabbid ay iyagu naf ahaantoodu ku been abuuran gacmahooda iyo addimadooda [6], kuguna diideyn wixii wanaag ah aad amarto, markaa aqbal ballankooda, ugana bari Allaah inuu u denbi dhaafo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.","footnotes":"[6]. Waxaa loola jeedaa waxay ku falaan gacmahooda iyo lugahooda oo been abuur iyo massabidasho ah (inay wiil la korsaday aanay dhalin ama zino ku dhashay loogu abtiriyo) haweenta ninkeeda."},{"id":13,"translation":"13. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina sokeeye (ama saaxiibbo dhow) qolo Cadho Alle qaba (Yuhuudda), Aakhirana ka quustay, sidayba gaaladu (mushrikiinta) uga quusteen ehlu qubuurka."}]},{"id":61,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaa xurmo weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah."},{"id":2,"translation":"2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaad u leedihiin (oo ugu baaqdaan dadka) wax aydaan falin?"},{"id":3,"translation":"3. Waa wax uu Alle neceb yahay inaad ku hadashaan (oo amartaan dadka) wax aydaan falin."},{"id":4,"translation":"4. Xaqiiq Alle wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama Jidkiisa iyagoo saf ah aad mooddo dhismo laysku dhajiyey."},{"id":5,"translation":"5. (Xus, Nabi Muxammadow) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkayow! Maxaad ii dhibeysaan idinkoo og inaan ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray? Markay (Xaqii) ka iisheen, ayuu Allena sii iilay quluubtooda [1]. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah.","footnotes":"[1]. Sababta waxaa weeye waxay ka iisheen Xaqa oo diideen hanuunka, markaasuu Alle sii iilay quluubtooda oo ay ka sii fogaadeen Xaqa."},{"id":6,"translation":"6. (Xus) markuu Ciise, wiilkii Maryam, yidhi: Ilmahii Israa’iilow! Waxaan anigu ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray, rumeyn Towraadda (la soo dejiyey) hortay, idiinkuna bishaaraynaya Rasuul imaan gadaashay oo magaciisu yahay Axmad [2]. Markiise uu ula yimid Xujooyin cad, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad.","footnotes":"[2]. Axmad waa magac kale uu leeyahay Nabi Muxammad s.c.w."},{"id":7,"translation":"7. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle isagoo loogu yeedho Islaamka? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah."},{"id":8,"translation":"8. Waxay doonayaan (gaaladu) inay Nuurka Alle (Xaqa) ku damiyaan afafkooda. Alle se waa taam yeeli Nuurkiisa haba naceen gaaladuye."},{"id":9,"translation":"9. Waa Kan la soo diray Rasuulkiisa (Muxammad) hanuunka iyo diinta Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha (khilaafsan) oo dhan, haba naceen mushrikiintuye."},{"id":10,"translation":"10. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ma idin tusaa ganacsi idinka badbaadineysa cadaab xanuun badan."},{"id":11,"translation":"11. (Waa) inaad rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad) oo u jihaaddaan Jidka Alle idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinna, sidaasaa idiin khayr badan haddaad og tihiiin."},{"id":12,"translation":"12. Wuxuu idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idin gelin Jannooyin ay webiyo hoos qul-qulaan iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaal Beeraha negaya (ee Jannada), kaas baa ah Liibaanta Weyn."},{"id":13,"translation":"13. Arrin kaloo aad jeceshihiinna (wuu idin siin) gargaar xag Alle ah iyo guul dhow. Ee u bishaaree mu’miniinta."},{"id":14,"translation":"14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u gargaara (diinta) Alle, siduu ku yidhiba Ciise, ina Maryam, xertiisii Waa kuwee kuwa iigu gargaaraya (diinta) Alle? Xertii waxay yidhaahdeen: Innagaa ah u gargaarayaasha (diinta) Alle, Markaasay qayb ka mid ah ilmahii Israa’iil rumeeyeen, oo qayb kale gaaloobeen. Waxaana taageernay kuwii (xaqa) rumeeyey (oo ka adkaadeen) cadowgoodii, markaasay muuqdeen (oo ka taliyeen arlada)."}]},{"id":62,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaa Xurma weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, waa Boqorka, Daahirka, Adkaadaha Sare, Xakiimka ah."},{"id":2,"translation":"2. Waa Isaga 'Alle' Kan ka soo saaray ummiyiinta [1] dega (Makkah) dhexdood, Rasuul ka mid ah, u akhriyaya Aayadahiisa, daahiriniya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda, inkastoo horay u ahaayeen kuwo ku sugan habow cad.","footnotes":"[1]. Ummiyiinta waxaa loola jeedaa Carabta oo ahaa kuwo aan wax akhrisan, heysan markaa Kitaab iyo Dhambaal Alle."},{"id":3,"translation":"3. (Wuxuu sidoo kale u diray) kuwo kale oo ka mid ah aan weli ku soo biirin. Alle waa Aadkaadaha Sare, Xikmadda Badan."},{"id":4,"translation":"4. Arrinkaasi (Islaamka iyo Nabiga la soo diray) waa deeq Ilaahay uu siiyo cidduu doono. Alle waa deeq iyo Fadli weyn yahay."},{"id":5,"translation":"5. Tusaalaha kuwaa loo xil saaray Towraad- da, markaas aan ku camal falin oo gabay qaadista 'xilkaa' [2], waa sida dameer xambaarsan kutub [3] culus (aanse waxba ka fahmin). Xumaa tusaalaha kuwa beeniya Aayadaha Alle. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar diidka).","footnotes":"[2]. Waa dayacay xilkooda ka saarnaa inay dhaqan geliyaan waxa ku soo arooray oo amarro ah Kitaabkooda oo ka joogaan waxa laga reebay. \n[3]. Ha yeeshee aan ka faa’idin waxa ku yaal oo xikmad iyo khayr ah."},{"id":6,"translation":"6.Dheh: Idinka heysta diinta Yuhuudiyadow! Haddaad sheegataan inaad tihiin awliyo Alle [4], dadka kale ka sokow, jeclaada dhimasho haddaad run sheegeysaan.","footnotes":"[4]. Awliyo Alle waxaa loola jeedaa kuwo rumeysan towxiidka ee hanuunsan ee iska jira shirkiga iyo macaasida, awliyo Ilaahay waa kuwa ku dhaqma sharciga Ilaahay."},{"id":7,"translation":"7. Ma jeclaanayaanna weligood 'dhimasho' waxay gacmahoodu horay u geysteen darteed (oo denbiyo ah). Alle waa Og yahay daalimiinta (gar ma qaatayaasha)."},{"id":8,"translation":"8. Waxaad ku dhahdaa: Geerida aad ka carartaan, way idinla kulmi, markaasaa dib la idiinku soo celin xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Wuxuuna idiin sheegi (idinka jaazeyn) waxaad camal fali jirteen."},{"id":9,"translation":"9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la isugu yeedho salaadda maalinta Jimcaha, u degedga Xusidda Alle, kana taga ganacsiga, sidaas baa idiin khayr badan, haddaad ogtihiin."},{"id":10,"translation":"10. Markase salaadda la dhammeeyo, ku kala faafa arlada, dalba Deeqda Alle [5], xusana Alle in badan aad liibaantaane.","footnotes":"[5]. Macnaha waa aada qaraabo salaan, booqda qof buka, fasha camallo san, akhrista Qur'aanka, xusa Alle, oo badiya ku sallinta Nabiga s.c.w."},{"id":11,"translation":"11. Mar ay arkeen ganacsi ama madaddaallo way u kala yaaceen xaggeeda, kaana tageen (Nabiyow) adigoo taagan (oo khudbo jeedin). Dheh: Waxa Alle uu heysto baa ka khayr badan madaddaallo oo (ka khayr badan) ganacsi kasta. Alle waa Kan u wanaagsan inta wax irsaaqda."}]},{"id":63,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Markay munaafiqiintu kuu yimaadaan (Nabi Muxammadow) waxay yidhaahdaan: Waxaanu marag ka nahay inaad tahay Rasuul Alle [1]. Alle waa Og yahay inaad tahay Rasuulkiisa, Allena wuxuu marag ka yahay inay munaafiqiintu yihiin beenaalayaal.","footnotes":"[1]. Waxay ugu dhaarteen si ay u badbaadsadaan maalkooda iyo nafahooda oo loo nabad geliyo maadaama ay daahirka muslimiiin yihiin."},{"id":2,"translation":"2.Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaashaan. Oo sidaas uga weeciyaan (dadka) jidka Alle. Xumaa waxay falaan."},{"id":3,"translation":"3. (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inta rumeeyaan (af ahaan) bay haddana (hoosta) ka gaaloobaan, markaasaa quluubtooda la daboolay, sidaas awgeed wax ma fahmaan."},{"id":4,"translation":"4. Markaad aragto (munaafiqiinta) wuu ku cajab gelin muuqaalka jirarkooda; hadday hadlaanna, waad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey [2] oo dhar la huwshay. Waxay moodi dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (Xaqa)?","footnotes":"[2]. \"Sida inay yihiin dogoybo la tiirtiiriyey” waxaa loola jeedaa waxay leeyihiin jirar leh cuquul iyo qalbiyo maran, inkastoo jirkoodu qurxoon yahay oo ay cod kar yihiin hadalka heli og."},{"id":5,"translation":"5. Marka lagu yidhaahdo (munaafiqiinta): Kaalaya, ha idiin denbi dhaaf dalbee Rasuulka Alle, waxay dib u jeediyaan madaxyadooda, oo arkeysaa iyagoo sii jeesanaya oo isla weyn."},{"id":6,"translation":"6. Waa isugu mid haddaad u denbi dhaaf dalabto (Nabiyow) iyo haddaadan u denbi dhaaf dalbin. Marnaba Alle u denbi dhaafi maayo. Alle ma hanuuniyo qolada caasiyaasha ah (fallaagada)."},{"id":7,"translation":"7. Iyaga weeye kuwa yidhaahda: Wax ha ku bixinnana kuwa la jira Rasuulka Alle, jeeray ka kala yaacaan. Alle baa iska leh khasnadaha samooyinka iyo arlada, munaafiqiintuse ma fahansana."},{"id":8,"translation":"8. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Markaan u laabanno Madiina, kan gobta ahi [3] wuxuu ka saari halkaa kan gunta ahi [4], Allaah baa se iska leh Sharaf iyo Cizoo dhan (sidaa awgeed waxay u ahaan cizo) Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, munaafiqiintuse ma oga.","footnotes":"[3]. Waxay ula jeedaan Cabdullaah bin abii Salool, madaxii munaafiqiinta waagaas.\n[4]. Waxay ula jeedaan Nabi Muxammad, Rasuulul Laah s.c.w."},{"id":9,"translation":"9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Yeysan maalkiinnu iyo awlaaddiinnu idinka shuqlin Xusidda Alle (salaadda). Qofkii falaa sidaas, kuwaa weeye kuwa khasaaray."},{"id":10,"translation":"10. Oo bixiya wax ka mid ah waxa aanu idin siinnay, inta aysan geeridu u iman midkiin oo markaas odhan: Rabbiyow! Maad muddo dhow dib ii dhigtid, markaa waxaan la baxayaa sadaqo oo ka mid ahaan kuwa wanaagga fala."},{"id":11,"translation":"11. Alle se dib uma dhigo nafi marka ajasheed la gaaro. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan."}]},{"id":64,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaa Xurma weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle baana leh Boqortooyada (runta ah), oo leh Ammaan idilkeed iyo Mahad, oo wax walba Kara."},{"id":2,"translation":"2. Alle waa Kan idin abuuray, markaas qaarkiin noqdeen gaalo, qaarkiinna m’uminiin. Alle wuu Arkaa waxaad fashaan."},{"id":3,"translation":"3. Wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq, wuuna idin suureeyey oo wanaajiyey suuradahiinna, waana Xaggiisa Noqodka Dambe (Aakhirada)."},{"id":4,"translation":"4. Wuxuu Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Wuxuuna Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba. Alle waa ogaha waxa ku jira laabaha (dadka)."},{"id":5,"translation":"5. Miyuusan idin soo gaadhin warka kuwii gaaloobay awal hore, waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan?"},{"id":6,"translation":"6. (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, waxayse yidhaahdeen: Ma qof aadmi ah baa na hanuuninaya? markaasay gaaloobeen oo ka jeesadeen (Xaqa). Alle uma baahna (cidna). Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan."},{"id":7,"translation":"7. Kuwa gaalooba waxay moodaan inaan marnaba laga soo bixinaynin (iilka). Dheh: Haayoo! waa igu Rabbigaye, waa la idin soo bixin, markaas waxaa la idiin sheegi (oo la idinka jaazeyn) waxaad fasheen, (arrin)kaasina Alle wuu u fudud yahay."},{"id":8,"translation":"8. Ee rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo Nuurka (Qur’aanka) aan soo dejinnay. Alle waa ka war hayaa waxaad fashaan."},{"id":9,"translation":"9. Maalinta (Qiyaamada) uu idiin soo kulmin idinkoo dhan Maalinta Kulanka [1], taasu waa maalin kedo uu qof khayr heli (mu’minka) ama uu ku dhici khasaaro weyn (gaalka). Qofkii rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu (Alle) ka tiri denbiyadiisa oo gelin Jannooyin ay hoostoodu webiyo qulqulaan ay ku dhex waarayaan weligood, taasi waa Liibaanta Weyn.","footnotes":"[1]. At-Taqaabun waa magac kale oo loo yaqaan Maalinta Qiyaamaha."},{"id":10,"translation":"10. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Xumaa aayotiin ahaan iyo meel la ahaado."},{"id":11,"translation":"11. Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Alle. Qofkii rumeeya Alle, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa (oo xasila). Alle wax walba wuu Og yahay."},{"id":12,"translation":"12. Adeeca Allaah, adeecana Rasuulka, haddaadse jeesataan (Xaqa diiddaan), waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad."},{"id":13,"translation":"13. Allaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Allaah (oo keliya) ha talo saarteen mu’miiniintu."},{"id":14,"translation":"14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waxaa ka mid ah xaasaskiinna iyo ilmahiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddaadse iska cafidaan (gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb qarisaan, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."},{"id":15,"translation":"15. Maalkiinna iyo awlaadiinna waa uun imtixaan [2], Alle agtiisase waxaa ah abaalgud Weyn (Janno).","footnotes":"[2]. Waxay ku noqon karaan ilmuhu fidmo iyagoo ku xambaara waalidiinta inay falaan waxyaalaha la reebay ee xaaraanta ah ."},{"id":16,"translation":"16. Ee dhowra (amarrada) Alle intii karaankiinna ah [3]; oo maqla, adeecana, lana baxa sadaqo idinkay idiin roon tahaye. Qofkii laga dhowro bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa liibaani.","footnotes":"[3]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Markaan wax idin amro la imaada waxaad kartaan, markaanse wax idinka reebo ka reebtoonaada oo ka fogaada”."},{"id":17,"translation":"17. Haddaad amaahisaan Alle amaah wanaagsan [4], Wuu idiin labo laabayaa (ajarka) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Tixgeliye wanaagga, ajar siin iyo Dul qaad Badan.","footnotes":"[4]. Waa bixisaan sadaqo Alle darti ama deymisaan walaal Muslim ah deyn aan kor saar lahayn."},{"id":18,"translation":"18. Waa Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha, Xakiimka ah."}]},{"id":65,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Nabiyow! Markaad furaysaan haween, fura iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka [1], oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada 'muddada ay sugayaan furitaanka kaddib' [2], Alle ka cabsada, Rabbigiin, ha uga saarina (xaasaskiinna) debedda guryahooda, yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan ee la soo ceshan karo) inay la yimaadaan maahee xumaan cad. Kuwaas waa soohdimaha uu dhigay Alle. Qofkii ka tillaaba soohdimaha uu dhigay Alle, wuxuu dulmiyey naftiisa. (Midka furayow xaaskiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Alle dib ka keeno xaal cusub [3].","footnotes":"[1]. Haweeni waxaa bannaan in la furo markuu dhammaado dhiigga caadadeeda oo ka daahir noqoto, ka hor inta aan loo galmoon ama iyadoo uur leh. \n[2]. Waa inaan lagu dirqin inay baxaan ama is madax furtaan. \n[3]. Sida inay ka xumaadaan waxa ka dhex dhacay ama uu jaceyl hor leh uu galo ninka iyo xaaskiisa oo isku soo noqdaan."},{"id":2,"translation":"2. Markay ku dhowaadaan (dhammaadka) ciddadooda la qabtay [4], dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) una toosiya maragga Alle darti. (Arrin)kaasi waa waano lagu waanin qof kastoo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta).","footnotes":"[4]. Intay ciddada ku jiraan, waa xaasaska la furay furriin la soo ceshan karo."},{"id":3,"translation":"3. Oo wuxuu ka siin risiq xagga (meel) uusan fileyn. Qofkii talo saarta Alle wuu ku filan yahay. Hubaal, Alle wuu fulaa muraadkiisa. Alle Wuxuu u yeelay wax walba qaddar iyo waqti go'an."},{"id":4,"translation":"4. Kuwa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaydka (dhiigga caadada), haddaad shakideen, ciddadoodu waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin xaydka. Kuwase uurka leh (haddii la furo) ciddadooda waa intay ka dhigaan culeysyadooda oo ka dhalaan [5]. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) wuxuu uga dhigi arrinkiisa wax u fudud.","footnotes":"[5]. Xukunkan waxaa sidoo kale soo galaya marka uu ninka dhinto, haweenta uu ninkeeda dhinto iyadoo uur leh, ciddadeeda waa intay ka dhasho."},{"id":5,"translation":"5. Kaasi waa Amarka Alle uu idiin soo dejiyey. Qofkii dhowra (amarka) Alle wuxuu ka tiri xumaatooyinkiisa, oo siin ajar weyn."},{"id":6,"translation":"6. Dejiya (haweenka ciddada ku jira) meeshaad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, hana dhibina si aad u gelisaan cidhiidhi [6]. Hadday leeyihiinna uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda (dhalaan). Markaas hadday idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is amra dhexdiinna sama falka, haddaad is khilaaftaanna mid kale ayaa u nuujin [7].","footnotes":"[6]. Dhanka hab dhaqanka, degaanka iyo masruufka si ay isu madax furtaan.\n[7]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 233."},{"id":7,"translation":"7. Kan ladani wax ha ka bixiyo maalka loo waasiciyey. Kii ilaha ay wax ka soo galaan cidhiidhi yihiin, ha bixiyo wax ka mid ah wuxuu Alle siiyey. Alle kuma kallifo nafna wuxuusan siin. Alle wuxuu keeni faraj iyo fudayd dhibaatada kaddib."},{"id":8,"translation":"8. Badanaa inta magaalo ku caasiday Amarka Rabbigeed iyo Rusushiisa, markaas aan ugu yeernay xisaab daran (adduunka), oo aan ku cadaabi cadaab adag (Aakhirada)."},{"id":9,"translation":"9. Oo dhadhamisay cidhib xumadii arrinkeeda, cidhibteedana ku dambeysey khasaaro."},{"id":10,"translation":"10. Alle wuxuu u diyaariyey kuwaa cadaab daran. Ee dhowra (amarrada) Alle oo iska jira xumaha wax garadkow (Xaqa) rumeeyey. Wuxuu Alle idiin soo dejiyey Waano (Qur’aankan)."},{"id":11,"translation":"11. Rasuulna (wuu idiin soo diray) idiin akhriya Aayadaha Alle ee cad, si uu ugaga saaro kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mugdiyada xagga Nuurka; qofkii rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu galin Jannooyin ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya waligood. Alle Waa uu wanaajiyey kaasi risiqa."},{"id":12,"translation":"12. Alle waa Kan abuuray toddoba samood, arladana intaa oo kale 'ka abuuray' [8]. Amarkiisa ka soo dego dhexdooda, si aad u ogaataan inuu Alle wax walba Karo iyo in Alle ku koobo wax walba ogaal.","footnotes":"[8]. Macnaha waa tiro la mid ah: toddobo arlo. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dulmiyaa oo ku qaata xaq darro taako dhul ah, waxaa qoorta loo suraa Maalinta Qiyaamaha toddobo dhul”."}]},{"id":66,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) wuxuu Alle kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan."},{"id":2,"translation":"2. Wuxuu Alle horeyba idiinku jideeyey dhaar furyo [1]. Alle waa gargaarahiin. Waa wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah.","footnotes":"[1]. Inaad sameysaan kafaara gud:. Xagga kafaara gudka la bixinayo: eeg Suuradda 5: Aayadda 89"},{"id":3,"translation":"3. Markuu Nabigu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa [2], markayse u sheegaty mid kale [3] warkaa, Allena u soo bandhigay (Nabiga), wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay arrinkani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay (Allaah) Wax walba Ogsoonaha, Xog Ogaalka ah.","footnotes":"[2]. Waa Xafsah a.k.r.\n[3]. Waa Caa'ishah a.k.r."},{"id":4,"translation":"4. Haddaad labadiinnu Alle u noqotaan (oo tawbad keentaan) inkastoo quluubtiinnu iilatay (Alle wuu idiin denbi dhaafi); haddaadse isu kaalmeysataan (Nabiga) dhibkiisa, hubaal, Alle baa ah Gargaarahiis iyo Jabriil iyo mu’miniinta wanaagsan - malaa’igta (kale) baana intaas kaddib garab u ah."},{"id":5,"translation":"5. Waa intaasoo, Rabbigi, hadduu (Nabigu) idin furo, siiyo beddelkiin xaasas idinka khayr badan, muslimooyin ah, mu’minooyin, daacad, soo noqosho iyo tawbad keen badan, caabidooyin, soomanooyin [4], leh garoobbo iyo gabdhaba bikrooyin ah.","footnotes":"[4]. Saa’ixaat waxaa lagu fasiray soomanooyin. Waxaa sidoo kale lagu fasiray kuwa u socda khayrka iyo fidinta diinta Alle (Islaamka) iyo wanaagga iyo samo ka talinta."},{"id":6,"translation":"6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dhowra nafahiinna iyo eheladdiinaba Naar lagu hurinaayo dad iyo dhagax, ay u xilsaaran yihiin malaa’ig adag oo daran, kuma ay caasiyaan Alle wuxuu ku amraba, waxayna falaan wixii la amro."},{"id":7,"translation":"7. Gaaloy! Ha cudur daarannina Maanta. Waxaa la idinku abaal marin uun wax waafaqsan waxaad fasheen."},{"id":8,"translation":"8. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! U tawbad keena Alle tawbad san, si uu Rabbigiin idiinka tirtiro xumaatooyinkiinna, idiin geliyona Jannooyin ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Alle hoojineyn Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeeyey, Nuurkoodu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbigayow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo denbi dhaaf. Adigu wax walba waad Kartaaye."},{"id":9,"translation":"9. Nabiyow! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta (nabad diidka ah), kuna adkow, hoygoodu waa Jahannama - oo u xun meel la ahaado."},{"id":10,"translation":"10. Alle wuxuu tusaale uga dhigay kuwa gaalada ahi, xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud; waxay hoos joogeen labo addoon oo ka mid ah addoomahayaga wanaagsan, waxayse u dhaqmeen si khiyaano ah xaggooda [5], marka waxba iyagu ugama ay tarin (xaasaskoodii) xagga Alle. Waxaana la yidhi: La gala Naarta kuwa gali.","footnotes":"[5]. Xagga arrimaha diinta ee ma aha gogosha, iwm."},{"id":11,"translation":"11. Wuxuuna Alle tusaale uga dhigay kuwa (Xaqa) rumeeyey, xaaskii Fircoon; markay tidhi: Rabbiyow! Iiga dhis guri agtaada jannada gudaheeda, oo iga samata bixi Fircoon iyo camal xumadiisa, igana samata bixi qoloda daalimiinta ah (gar diidka)."},{"id":12,"translation":"12. Iyo sidoo kale Maryam, gabadhii Cimraan, taasoo xafidday farjigeeda; waxaana ka afuufnay (jeebka cambuurkeeda uu ka afuufay malag Jabriil), waxayna rumeysay Kelmedihii Rabbigeed iyo Kutubtiisa, kana mid aheyd kuwa Alle adeeca."}]},{"id":67,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaa khayr iyo barako badan (Alle) ay Gacantiisu ku jirto Mulkiga (iyo Maamulka uunka oo dhan), Isagaana wax walba Kara."},{"id":2,"translation":"2. Ee ah Kan abuuray geeri iyo nololba, si uu idiin imtixaano kiinna idiinku camal wanaagsan. Waana Adkaadaha sare, Denbi Dhaafka Badan."},{"id":3,"translation":"3. Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya, ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka Raxmaanka. Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello."},{"id":4,"translation":"4. Misna ku celi aragga mar labaad, araggaagu adiga buu kugu soo noqon isagoo dulleysan oo daallan."},{"id":5,"translation":"5. Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo), Waxaana ka yeellay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta [1], waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa ah.","footnotes":"[1]. Xiddigahaa waa qurux iyo ilaalo."},{"id":6,"translation":"6. Kuwa ku gaalooba Rabbigood waxay leeyihiin cadaab jahannamo, oo u xun aayotiin iyo meel la ahaado."},{"id":7,"translation":"7. Marka (gaalada) lagu tuuro Naarta, waxay ka maqli cartan daran iyadoo karaysa."},{"id":8,"translation":"8. Waxay ku sigan inay la kala dillaacdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda weydiin: Miyuusan idiin imaan dige (Rasuul Alle)?"},{"id":9,"translation":"9. Waxay odhan: Haayoo waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Alle ma soo dejin wax (Waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow weyn."},{"id":10,"translation":"10. Waxay odhan: Haddaan wax maqli laheyn ama garowsan laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka."},{"id":11,"translation":"11. Marka waxay qiran denbigooda, ee ha fogaadeen [2] qolada Naarta Hureysa.","footnotes":"[2]. Iyagoo laga fogeeyey wax khayr ah oo dhan ama wax Naxariis Alle ah."},{"id":12,"translation":"12. Hubaal, kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay leeyihiin Denbi Dhaaf iyo Ajar Weyn (Janno)."},{"id":13,"translation":"13. Hoos u dhiga hadalkiinna ama kor u qaada. Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka)."},{"id":14,"translation":"14. Miyuusan Ogeyn Kan abuuray 'uunkiisa iyo arrimahooda' [3]? Waa Roonaan Badanaha, Xog Ogaalka ah.","footnotes":"[3]. Tafsiirka kale waxaa weeye: Miyuusan Alle ogeyn xaalka kuwa uu abuuray?"},{"id":15,"translation":"15. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka dhigay dhulka hayin ee ku socda aagaggiisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu (Qiyaamada)."},{"id":16,"translation":"16. Ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ee ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, ayna idin la dhaqdhaqaaqdo [4].","footnotes":"[4]. Sida dhul gariirka."},{"id":17,"translation":"17. Mise ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu?"},{"id":18,"translation":"18. Waxaa dhab ahaan beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii?"},{"id":19,"translation":"19. Miyeyna arag shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka. Hubaal, wax walba wuu Arkaa."},{"id":20,"translation":"20. Waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Alle) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan."},{"id":21,"translation":"21. Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu (Alle) heysto Risiqiisa? Waxayse ku adkeystaan kibir iyo didmo."},{"id":22,"translation":"22. Ma mid socda wejigiisoo foorara baa hanuunsan, mise mid ugu socda si quman Jid Toosan?"},{"id":23,"translation":"23. Dheh: (Alle) waa Kan idin uumay idiinna yeelay maqalka, aragga iyo laabaha. Yaraa intaad (ku) mahdisaan."},{"id":24,"translation":"24. Dheh: (Alle) waa Kan idinku fidshay (abuuray) dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin (Qiyaamada)."},{"id":25,"translation":"25. Waxay odhan: Waa goorma waqtiga gooddigani la fulin haddaad run sheegi?"},{"id":26,"translation":"26. Dheh: Alle baa Og (waqtigay tahay), waxaanse ahay anigu dige cad."},{"id":27,"translation":"27. Markayse arkaan (cadaabka Alle) oo ku soo dhow, waxaa xumaan wejiyada gaalada, waxaana lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen (in la idiin soo dedejiyo oo cadaab ah)."},{"id":28,"translation":"28. Dheh: Bal ka warrama haddii Alle na oofsado aniga iyo inta ila jirta (mu'miniinta), ama noo naxariisto, yaa ka badbaaadin gaalada cadaab xanuun badan?"},{"id":29,"translation":"29. Dheh: Alle waa Raxmaanka, waanu rumeynay, Isagaana tala saarannaa. Waad ogaan doontaan waa kee kan ku sugan habow cad."},{"id":30,"translation":"30. Dheh: Bal ka warrama hadday biyihiin- nu dhulka ku guraan, waa kee kan idiin keeni kara biyo socda oo dur dur ah [5]?","footnotes":"[5]. Ma jiro waxaan Alle ahayn oo keeni kara."}]},{"id":68,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Nuun [1].\nWaxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.","footnotes":"[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1."},{"id":2,"translation":"2. Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole."},{"id":3,"translation":"3.Waxaad leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn."},{"id":4,"translation":"4. Waxaa xaqiiq kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad san oo sare."},{"id":5,"translation":"5. Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki,"},{"id":6,"translation":"6. Kiinna fidmeysan (ama la cadaabo)."},{"id":7,"translation":"7. Hubaal Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhuma Jidkiisa, Isagaana Og kuwa hanuunsan."},{"id":8,"translation":"8. Ee ha adeecin xaq beeniyayaasha."},{"id":9,"translation":"9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato (oo ku raacdo wax ka mid ah baadilkooda), iyaguna (markaa) kuu soo iishaan."},{"id":10,"translation":"10. Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan qiimo laheyn."},{"id":11,"translation":"11. Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah)."},{"id":12,"translation":"12. Khayr diid, xad-gudbe, denbi badan."},{"id":13,"translation":"13. macangag ah madax adag - intaasoo dhan ka sokow mid liita ah (aan nasab ahayn)."},{"id":14,"translation":"14. Haba lahaadee maal iyo wiilal."},{"id":15,"translation":"15. Kaasoo marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii kuwii hore."},{"id":16,"translation":"16. Waxaanu ka calaameyn sanqaroorka dushiisa."},{"id":17,"translation":"17. Waxaanu u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaheeda aroorta hore."},{"id":18,"translation":"18. Iyagoon dhihin inshaa Allaah (dooneyna inay qayb u dhigaan saboolka)."},{"id":19,"translation":"19. Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadii (oo beertii gubatay) intay hurdeen."},{"id":20,"translation":"20. Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay."},{"id":21,"translation":"21. Waxay isu dhawaaqeen subaxnimadii,"},{"id":22,"translation":"22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha."},{"id":23,"translation":"23. Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah,"},{"id":24,"translation":"24. Inuusan qof miskiin ah u soo gelin maanta (beerta, waxnana siin)."},{"id":25,"translation":"25. Waxayna kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta)."},{"id":26,"translation":"26. Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: xaqiiq waanu dhunnay."},{"id":27,"translation":"27. Mayee, waa la ina hoojiyey ."},{"id":28,"translation":"28. Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) u tasbiixsada oo hufa?"},{"id":29,"translation":"29. Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan Rabbigeen. Hubaal Waanu gefnay."},{"id":30,"translation":"30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya."},{"id":31,"translation":"31. Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay."},{"id":32,"translation":"32. Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan innagu xaqiiq khayr ka rajeyne."},{"id":33,"translation":"33. Waa sidaas cadaabku. Cadaabka Aakhiraana ka sii weyn. Hadday ogaan lahaayeen."},{"id":34,"translation":"34. Hubaal kuwa Alle ka cabsada (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa Jannooyin barwaaqo ah."},{"id":35,"translation":"35. Ma Muslimiinta (Alle u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha."},{"id":36,"translation":"36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u xukumeysaan?"},{"id":37,"translation":"37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan -"},{"id":38,"translation":"38. Inaad heleysaan waxaad doorataanba?"},{"id":39,"translation":"39. Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba?"},{"id":40,"translation":"40. Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin."},{"id":41,"translation":"41. Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan."},{"id":42,"translation":"42. Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo 'dhudhunka Alle' [2] oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta).","footnotes":"[2]. Dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada weyn, waa Maalinta Qiyaamaha."},{"id":43,"translation":"43. Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow 'mase yeelin'."},{"id":44,"translation":"44. Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan fileyn."},{"id":45,"translation":"45. Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan oo adag."},{"id":46,"translation":"46. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn?"},{"id":47,"translation":"47. Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan?"},{"id":48,"translation":"48. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan,"},{"id":49,"translation":"49. Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan."},{"id":50,"translation":"50. Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan."},{"id":51,"translation":"51. Kuwaa gaalada ahise waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aankan); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole."},{"id":52,"translation":"52. Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan."}]},{"id":69,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Xaqiiqda dhabta ah ee sugan [1]!","footnotes":"[1]. Al-Xaaqqah: Xaqiiqda dhabta ah, waa magac kale oo loo yaqaan Qiyaamaha."},{"id":2,"translation":"2. Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi?!"},{"id":3,"translation":"3. Maxaad ka og tahay waxay tahay xaqiiqdaa dhabta ahi ee sugan?!"},{"id":4,"translation":"4. Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaame)."},{"id":5,"translation":"5. Ma Thamuud, waxaa lagu halaagay Qeylo Daran [2].","footnotes":"[2]. Qarax xoog leh oo ay la dhinteen dadkii."},{"id":6,"translation":"6. Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl daran oo qabow badan."},{"id":7,"translation":"7. (Alle) uu ku salliday toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay."},{"id":8,"translation":"8. Ee ma aragtaa wax ka hadhay?"},{"id":9,"translation":"9. Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la rogay [3] waxay joogto ula yimaadeen gefaf weyn.","footnotes":"[3]. Ee qowmu Luud- Sodom iyo Gomorrah."},{"id":10,"translation":"10. Waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu (Alle) qabtay 'ciqaabay' qabasho 'ciqaab' daran."},{"id":11,"translation":"11. Markay biyihii xad dhaafeen waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux)."},{"id":12,"translation":"12. Si aan idiinkaga dhigno waano, oo una xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto."},{"id":13,"translation":"13. Ee marka Buunka (Qiyaame) la afuufo afuufid keliya (afuufka hore),"},{"id":14,"translation":"14. Dhulka iyo buurahana laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah."},{"id":15,"translation":"15. Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici (Qiyaamada)."},{"id":16,"translation":"16. Samadu Maalintaa u kala dillaaci gaballo, marka waxay ahaan mid jilicsan."},{"id":17,"translation":"17. Malaa’igtu waxay ahaan agagaar- keeda, waxaana ku xambaari Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah)."},{"id":18,"translation":"18. Maalintaas waa la idin soo bandhigi, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan."},{"id":19,"translation":"19. Kan laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa midig, wuxuu odhan: Waa kane, akhriya kitaabkeyga."},{"id":20,"translation":"20. Anigu waan hubay inaan la kulmi Xisaabteyda."},{"id":21,"translation":"21. Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh."},{"id":22,"translation":"22. Beer sare gudaheed ah (Janno),"},{"id":23,"translation":"23. Midhaheedu (goosasho iyo) gurasho dhow yihiin."},{"id":24,"translation":"24. Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye."},{"id":25,"translation":"25. Kanse laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa bidix, wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen kitaabkeyga."},{"id":26,"translation":"26.Oo aan ogaadeen, waxay xisaabteydu tahay?"},{"id":27,"translation":"27. Alla hadday taa (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga."},{"id":28,"translation":"28. Maalkeygii waxba iima tarin."},{"id":29,"translation":"29. Awooddeydii waa iga baabba’een."},{"id":30,"translation":"30. (Waxaa la odhan): Qabta oo xidha."},{"id":31,"translation":"31. Markaas geliya dabka ololka badan."},{"id":32,"translation":"32. Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood."},{"id":33,"translation":"33. Ma uu rumeysneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn."},{"id":34,"translation":"34. Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka."},{"id":35,"translation":"35. Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah."},{"id":36,"translation":"36. ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee."},{"id":37,"translation":"37. Aanay cidi cunin geflowyada maahee."},{"id":38,"translation":"38. Mayee, waxaan ku dhaartay waxaad aragtaan."},{"id":39,"translation":"39. Iyo wax aydaan aragba,"},{"id":40,"translation":"40. Kani hubaal waa hadal (Alle) uu keenay Rasuul sharaf leh (Nabi Muxammad s.c.w.)"},{"id":41,"translation":"41. Ma aha hadal gabyaa, yaraa intaad rumeysaan."},{"id":42,"translation":"42. ama hadal curraafle, yaraa intaad waantowdaan."},{"id":43,"translation":"43. Waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka (Allaah)."},{"id":44,"translation":"44. Hadduu (Nabi Muxammad) naga been sheegi lahaa;"},{"id":45,"translation":"45. Waxaan ku qaban laheyn gacanta Midig."},{"id":46,"translation":"46. Oo waxaan goyn laheyn halbowlaha."},{"id":47,"translation":"47. Ma jiro qof idinka mid ahi oo naga celin lahaa."},{"id":48,"translation":"48. (Qur'aanku) waa u waano kuwa ka dhowrsada xumaha ee Alle u hoggaansan."},{"id":49,"translation":"49. Waan ognahay dhabtii inay idinka mid yihiin kuwa beeniya (Xaqa)."},{"id":50,"translation":"50. (Qur’aanku) hubaal waa qoomamada gaalada (Maalinta Qiyaame)."},{"id":51,"translation":"51. Waana xaq dhab ah oo la hubo."},{"id":52,"translation":"52. Ee ku tasbiixso, oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan [4].","footnotes":"[4]. Subxaannallaah wa bi xamdihi Subxaanallaahi Cadiim."}]},{"id":70,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Mid wax dalbaya baa dalbay in cadaab ku dhacda 'gaalada loo soo dedejiyo' [1].","footnotes":"[1]. Gaaladu waxay ka hor yimaadeen Nabiga s.c.w. iyagoo ka dalbay inuu ku keeno cadaab dushooda."},{"id":2,"translation":"2. (Cadaabkaasna) ma jiro wax gaalada ka celin -"},{"id":3,"translation":"3. Ka iman xagga Alle, ee leh jidadka kor loogu fuulo (samooyinka)."},{"id":4,"translation":"4. Kor u koraan Malaa’igta iyo Ruuxa (Jabriil) Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano."},{"id":5,"translation":"5. Ee samir (Nabiyow) samir wanaagsan."},{"id":6,"translation":"6. Waxay (gaaladu) u arkaan (cadaabka Qiyaame) wax fog."},{"id":7,"translation":"7. Annaguse waxaan u aragnaa inuu dhow yahay."},{"id":8,"translation":"8. Maalintay samadu noqon sida maar shuban."},{"id":9,"translation":"9. Buuruhuna noqon sida cudbi la dhilay."},{"id":10,"translation":"10. Saaxiib uusan saaxiib kale wax weydiineyn."},{"id":11,"translation":"11. Wayse is arkayaan, denbiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto Maalintaasi (Qiyaamada) cadaabka ilmahiisa."},{"id":12,"translation":"12. Iyo xaaskiisa iyo walaalki."},{"id":13,"translation":"13. Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo,"},{"id":14,"translation":"14. Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaas uu isagu badbaado."},{"id":15,"translation":"15. Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa."},{"id":16,"translation":"16. Diiraneysa haragga Madaxa."},{"id":17,"translation":"17. U yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday."},{"id":18,"translation":"18. Oo maal kulmiyey oo afka u xiray (wax ka bixin sadaqo ahaan)."},{"id":19,"translation":"19. Hubaal Aadmigu waxaa lagu abuuray samir yaraan iyo degdegsiinyo."},{"id":20,"translation":"20. Markuu dhib taabto wuu murugoodaa oo samir yar yahay."},{"id":21,"translation":"21. Markuu khayr helana waa bakhayl (aan wax bixin)."},{"id":22,"translation":"22. Kuwa salaadda tukada mooyaane."},{"id":23,"translation":"23. Ee ah kuwa salaaddooda daa’ima;"},{"id":24,"translation":"24. Ee ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan."},{"id":25,"translation":"25. Kan wax weydiista, iyo kan aan wax heysan."},{"id":26,"translation":"26. Ee ah kuwa rumeysan Maalinta jaazeynta (Qiyaamaha)."},{"id":27,"translation":"27. Ee ah kuwa iyagu ka baqa cadaabka Rabbigood."},{"id":28,"translation":"28. Hubaal Cadaabka Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn."},{"id":29,"translation":"29. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah."},{"id":30,"translation":"30. Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan (markaa) ma laha wax eed ah."},{"id":31,"translation":"31. Kiise doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah."},{"id":32,"translation":"32. Ee ah kuwaa ilaaliya ammaanooyinkoo- da iyo ballankooda;"},{"id":33,"translation":"33. Ee ah kuwaa iyagu si toosan u guta oo u fura maraggooda;"},{"id":34,"translation":"34. Ee ah kuwa xafida oo dhowra salaaddooda,"},{"id":35,"translation":"35. Kuwaasi waxay geli Beeraha Jannada iyagoo sharfan."},{"id":36,"translation":"36. Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareerahaada’e."},{"id":37,"translation":"37. Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga?"},{"id":38,"translation":"38. Ma wuxuu qof walba oo ka mid ahi damci in la geliyo Jannada barwaaqada ah?"},{"id":39,"translation":"39. Mayee, Waxaanu xaqiiq ka abuurnay waxay og yihiin (biyo liita oo haddana is kibriyaan)."},{"id":40,"translation":"40. Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada (waa isla Alle'e oo naf ahaantiisa ku dhaaran) inaan xaqiiq Karno;"},{"id":41,"translation":"41. Inaan ku beddelno (kuwo kale) oo ka wanaagsan; nalagamana adkaado."},{"id":42,"translation":"42. Ee iska dhaaf ha dhumbadeene (xumaanta) hana iska cayaareen, intay kala kulmaan Maalinkooda loogu gooddiyo."},{"id":43,"translation":"43. Maalintay ka soo bixi qubuuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan taallooyin loo taagay."},{"id":44,"translation":"44. Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli (korka oo dhan)! Kaasi waa Maalin- kii loogu gooddiyey (ay beeninayeen)."}]},{"id":71,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaanu xaqiiq u dirnay Nuux qolodiisii (Annagoo leh): U dig qolodaada intaysan u iman cadaab xanuun badan."},{"id":2,"translation":"2. (Nuux) Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan anigu idiin ahay dige cad."},{"id":3,"translation":"3. Ee caabuda Alle oo keliya, oo ka cabsada, anigana i adeeca."},{"id":4,"translation":"4. Wuxuu 'Alle' idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. Ajasha Alle (mowdku) markuu yimaado lama dib dhigo, waase haddaad og tihiin."},{"id":5,"translation":"5. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan qolodeydii ugu baaqay (Towxiid iyo falasho camallo san) habeen iyo maalinba."},{"id":6,"translation":"6. Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo."},{"id":7,"translation":"7. Mar kastoo aan u yeedhana si aad ugu denbi dhaafto, waxay yeelaan farahooda dhegahooda, iskuna dadaan maryahooda [1], oo madax adaygaan, wayna is kibriyaan iskibrin.","footnotes":"[1]. Iyagoo diidaya inay fiirshaan ama dhageystaan Xaqa."},{"id":8,"translation":"8. Haddana waxaan xaqiiq ugu baaqay (Towxiidka oo uga digay shirkiga) si cad."},{"id":9,"translation":"9. Markaasaan ula hadlay si kore, si hoosana waan ula hadlay oo wax ugu sheegay [2].","footnotes":"[2]. Wuxuu Nuux c.s. la soo maray ku baaqiisa Islaamka heerar iyo xaalado kala duwan:"},{"id":10,"translation":"10. Waxaan ku idhi: Ka barya denbi dhaaf Rabbigiin; waa Denbi Dhaaf Badane’e."},{"id":11,"translation":"11. Wuxuu idiinka keeni daruuraha roob darar ah;"},{"id":12,"translation":"12. Oo idiinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, idiinna yeeli webiyaal."},{"id":13,"translation":"13. Maxaad leedihiin aydaan uga heybeysan Alle?"},{"id":14,"translation":"14. Isagoo dhabtii idin abuuray idinkoo soo maray xaalado iyo heerar (kala duwan)."},{"id":15,"translation":"15. Miyeydaan arag sida Alle u abuuray toddobada samo ee kala korreeya."},{"id":16,"translation":"16. Oo dayaxa uga yeelay dhexdooda nuur, qorraxdana ka yeelay nal shidan?"},{"id":17,"translation":"17. Alle Waa Kan idinka beeray (abuuray) dhulka beeritaan (abuuris)."},{"id":18,"translation":"18. Haddana idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxniin (cusub)."},{"id":19,"translation":"19. Alle waa Kan idiinka yeelay dhulka gogol fidsan."},{"id":20,"translation":"20. Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah."},{"id":21,"translation":"21. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waa ii caasiyeen, waxayna raaceen mid aan maalkiisa iyo dhashiisa u kordhin waxaan ahayn khasaaro."},{"id":22,"translation":"22. Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn."},{"id":23,"translation":"23. Oo yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina (gaar ahaan) Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar."},{"id":24,"translation":"24. Waxay lumiyeen dad badan, ee (Allow) ha u kordhin daalimiinta 'gar diidka' waxaan aheyn habow."},{"id":25,"translation":"25. Gefafkoodii dartood baa loo harqiyey, Naarna loo geliyay, marka ma helin cid u soo gargaarta Alle sokadi."},{"id":26,"translation":"26. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa gaalada qofna."},{"id":27,"translation":"27. Waayo haddaad kaga tagto, waxay xaqiiq dhumin addoomahaaga, mana dhalayaan waxaan aheyn faajir, gaalnimo badan."},{"id":28,"translation":"28. Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Hana u kordhin daalimiinta (gar diidka) waxaan aheyn baabba’."}]},{"id":72,"verses":[{"id":1,"translation":"1. (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Qur’aanka). Markaasay yidhaahdeen: Waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh."},{"id":2,"translation":"2. Oo wax ku hanuunin dhabbaha toosan ee abbaarta ah, markaasaan rumeynay, umana shariig yeeleyno cidna Rabbigayo."},{"id":3,"translation":"3. Waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda (Alle) Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas iyo ilmo midna [1].","footnotes":"[1]. Waxay qaarkood rumeysnaayeen jinku inuu Allaah leeyahay xaas iyo ilmo, laakiin kaddib markay soo Islameen waa ka hareen odhaahdaasi xun iyo caqiidadaas gurracan oo ka hufeen Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo."},{"id":4,"translation":"4. Wuxuu ahaa kan maan gaabka ahi [2] ee dhexdeenna ah mid ka sheega hadallo xadgudub ah aan habbooneyn Alle.","footnotes":"[2]. Ibliis. Waxaa sidoo kale lagu fasiri karaa wadar ahaan, markaas waa in la yidhaahdo: “iyo in kuweenna maangaabka ahi ee naga mid ah”."},{"id":5,"translation":"5. Waxaan u malaynaynay inaysan dadka iyo jinkaba ka been sheegin Alle."},{"id":6,"translation":"6. Waxay rag ku jira dadka magan galayeen rag ku jira jinka, markaasay u kordhiyeen dhib iyo culeys (denbi)."},{"id":7,"translation":"7. Waxay moodeen sidaad idinkuba mooddeen inuusan Alle ka soo bixineyn (iilka) qofna."},{"id":8,"translation":"8. Waxaan doonnay inaan gaarno samada, waxaanse la kulannay iyadoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo danabyo."},{"id":9,"translation":"9. Waxaan ka fadhiisan jirnay rugag laga fadhiisto si aan u raaricinno maqalka, kiise (isku dayaa) inuu wax soo dhegaysto haatan wuxuu la kulmayaa danab sugaya."},{"id":10,"translation":"10. Ma ogin in shar lala maagay waxa jooga dhulka korkiisa, ama in Rabbigood la doonay hanuun toosan."},{"id":11,"translation":"11. Waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo kaleba aan sidaasi ahayn, waxaanu nahay kooxo raaca dariiqooyin kala duwan."},{"id":12,"translation":"12. Waxaan hubnaa inaan uga fakan karin (ciqaabka) Alle dhulka, oo ugama fakan karno (ciqaabka) carar."},{"id":13,"translation":"13. Markaan maqallay Hanuunkana waan rumaynay, qofkii rumeeya Rabbigi (Alle) kama baqo nuqsaan ajar ama dulmi midna."},{"id":14,"translation":"14. Waxaa naga mid ah kuwo 'Alle u' hoggaansan (Muslimiin ah), iyo kuwo xadgudba; qofkii u hoggaansama (Alle), kuwaasi waxay raacaan hanuun toosan."},{"id":15,"translation":"15. Kuwase ah xadgudbayaasha, kuwaasu waa xaabada Naarta,"},{"id":16,"translation":"16. Hadday ku toosaan (dadku) Jidka (Islaamka) waxaan ka waraabin laheyn biyo badan (risiq wanaagsan)."},{"id":17,"translation":"17. Si aan ugu imtixaanno. Qofkii ka jeesada Xusidda (Alle) Rabbigi, Wuxuu galin cadaab sii kordheysa."},{"id":18,"translation":"18. Masaajidda (iyo dhulkoo dhan) waxaa leh Alle keliya, ee ha kula baryina (caabudina) Alle cid kale."},{"id":19,"translation":"19. Markuu addoonkaa Alle (Nabi Muxammad) istaagay isagoo (Alle Keliya) baryaya, waxay jinku u dhowaadeen inay is buurtaan dushiisa (si ay u dhageystaan)."},{"id":20,"translation":"20. Dheh: Waxaan uun baryayaa (caabudi Allaah Keliya) Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna cibaadada."},{"id":21,"translation":"21. Dheh: Anigu xaqiiq idiin ma hayo dhib ama dheef (habow ama hanuun) midna."},{"id":22,"translation":"22. Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Alle (Haddaan ku caasiyo), mana helayo sokadi wax ciirsi iyo agab ah."},{"id":23,"translation":"23. (Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Alle iyo Farriimahiisa (Towxiidka). Qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta Jahannama ay ku dhex waari weligood."},{"id":24,"translation":"24. Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar."},{"id":25,"translation":"25. Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli waqti go’an."},{"id":26,"translation":"26. Waa Ogsoonaha Ghaybka (waxaan muuqan ee qarsoon), umana bandhigo Ghaybkiisa qofna."},{"id":27,"translation":"27. Mid maahee uu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba."},{"id":28,"translation":"28. Si uu u muujiiyo inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimihii Rabbigood, (Allena) wuu koobay waxa agtooda ah, wayna u tira kooban yihiin wax walba."}]},{"id":73,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Kani isku duuduubayow maryaha [1].","footnotes":"[1]. Nabiga s.c.w. waxaa la amray halkii hurda macaansiga inuu xilkaa weyn qaado oo u kaco cibaado iyo Alle bari iyo inuu dadka amro (towxiidka) iyo camalka san oo kaga digo shirkiga iyo xuma falka."},{"id":2,"translation":"2. U kac (salaad) habeenka in yar maahee."},{"id":3,"translation":"3. Barkiis ama ka nusqaami in yar."},{"id":4,"translation":"4. Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon."},{"id":5,"translation":"5. Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus [2].","footnotes":"[2].Waxaa loola jeedaa Waxyiga iyo xeerarka sharciga, oo ku soo degayey Nabiga s.c.w. ee ah xil culus."},{"id":6,"translation":"6. Xaqiiq, habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan [3].","footnotes":"[3]. Tafsiir kale oo aqbal ah ee isla ereyadaa waa: Hubaal kicitaanka habeenka baa sii adag."},{"id":7,"translation":"7. Waxaad xaqiiq leedahay inta maalinta ah howl dheer."},{"id":8,"translation":"8. Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u ahow daacad si dhan Isagoo Keliyana u go'."},{"id":9,"translation":"9. Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil (maamula arrimahaaga oo dhan)."},{"id":10,"translation":"10. U samir waxay (gaaladu) yidhaahdaan, oo uga dheerow si qurxoon."},{"id":11,"translation":"11. Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) ee nicmeysan, una sug in xoogaa ah."},{"id":12,"translation":"12. Xaqiiq waxaa agtannada ah jeebbado iyo dab ololaya."},{"id":13,"translation":"13. Iyo cunno lagu margado, iyo cadaab xanuun badan."},{"id":14,"translation":"14. (Waxay ku dhici arrintaasi) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, buuruhuna ahaan (sida) bacaad la shubay."},{"id":15,"translation":"15. Waxaanu xaqiiq idiin soo dirnay Rasuul markhaati idinku ah, sidaan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon."},{"id":16,"translation":"16. Fircoon se wuu caasiyey Rasuulka, markaasaan qabannay qabasho daran."},{"id":17,"translation":"17. Ee sidee baad isaga celin (cadaabka), haddaad gaalowdaan Maalin ka dhigi carruurta cirroole."},{"id":18,"translation":"18. Samada arrinkaa darti la dildillaaci. Yabooha (Alle) waa mid abad fula."},{"id":19,"translation":"19. Hubaal tani wa waano, ee qofkii doonaa ha u samaysto xagga Rabbigi jid."},{"id":20,"translation":"20. Xaqiiq, Rabbigaa waa og yahay inaad u istaagto (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) kala barkiis, (marmarna) saddex meeloodoo meel, iyo in koox ka mid ah kuwaa kula jira. Alle waa u qaddaran yahay habeenka iyo maalintuba. Wuxuu og yahay inaydaan fali kareyn sidaas (inaad tukataan habeenka intiisa badan), sidaa awgeed wuu idinka cafiyey oo tawbad aqbalay. Ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid yihiin kuwo buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Alle; iyo kuwo kale oo u diriraya Jidka Alle. Ee akhriya wixii idiin fududaada (oo Qur’aan ah), oo ooga salaadda, bixiyana Zakada, amaahsada Alle Amaah wanaagsan. Waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli Alle agtiisa; sidaasaa khayr badan oo ajar weyn. Weydiista Denbi dhaaf Alle. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan."}]},{"id":74,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Kani ku dedanow dharka!"},{"id":2,"translation":"2. Kac oo dig,"},{"id":3,"translation":"3. Rabbigaa weynee."},{"id":4,"translation":"4. Maryahaagana daahiri."},{"id":5,"translation":"5. Fadaradana (sanamada iyo najaasooyinka) ka fogow."},{"id":6,"translation":"6. Waxna ha u bixin si aad u hesho wax ka badan."},{"id":7,"translation":"7. Rabbigaana dartiis u samir."},{"id":8,"translation":"8. Marka Buunka (Qiyaame) la afuufo;"},{"id":9,"translation":"9. Maalintaasi waa maalin aad u Daran."},{"id":10,"translation":"10. Gaalada aan u fududeyn."},{"id":11,"translation":"11. Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan)."},{"id":12,"translation":"12. Oo aan siiyey hanti ballaadhan."},{"id":13,"translation":"13. Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah."},{"id":14,"translation":"14. (Oo aan u waasiciyey risiqa), una goglay wax walba hortiisa goglid."},{"id":15,"translation":"15. Haddana damci inaan u ziyaadiyo;"},{"id":16,"translation":"16. Mayee, kaasi wuxuu diiday Aayadahayaga."},{"id":17,"translation":"17. Waxaan ku kallifi inuu kor u fuulo cadaab silic iyo saxariir badan."},{"id":18,"translation":"18. (Gaalkaasu) wuu fekaray, wax buuna goostay;"},{"id":19,"translation":"19. Nacaladi ha ku dhacdee! Siduu wax u qorsheeyey."},{"id":20,"translation":"20. Misna, nacladi ha ku dhacdee, siduu wax u qorsheeyey."},{"id":21,"translation":"21. Kaddib wuu eegay;"},{"id":22,"translation":"22. Markaasuu wejiga kaduuday oo soo uruuriyey."},{"id":23,"translation":"23. Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay;"},{"id":24,"translation":"24. Wuxuu yidhi: Kani (Qur'aanka) wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale."},{"id":25,"translation":"25. Kanu (Qur'aanku) ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi."},{"id":26,"translation":"26. Waxaan galin kaasi Saqaro (Naar)."},{"id":27,"translation":"27. Maxaad ka og tahay waxay Saqaro tahay?"},{"id":28,"translation":"28. Ma reebto (hilib iyo laf midna) waxnana kama tagto."},{"id":29,"translation":"29. Waxay doorisaa jirka oo gubtaa."},{"id":30,"translation":"30. Waxaa kor jooga sagaal iyo toban (malag oo adadag)."},{"id":31,"translation":"31. Kama aanu yeelin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, umana aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada - si ay ehlu Kitaabku u yaqiinsadaan (Xaq ahaanta Islaamka), mu’miniintuna u kororsadaan Iimaan - oo aanay kuwaa ehlu Kitaabka ah iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada (mushrikiinta ah) u yidhaahdaan: Muxuu Alle ugala jeedaa tusaalahan? Sidaasuu Alle u lumiyaa qofkuu doono, oo u hanuuniyaa qofkuu doono. Ma jiro wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Waxan la soo sheegayna ma aha waxaan aheyn waano ku socota dadka."},{"id":32,"translation":"32. Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa,"},{"id":33,"translation":"33. Iyo habeenka markuu tago."},{"id":34,"translation":"34. Iyo waagu markuu caddaado."},{"id":35,"translation":"35. Hubaal iyadu (Naartu) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn."},{"id":36,"translation":"36. Digniin u ah dadka."},{"id":37,"translation":"37. Qofkii doona inuu ku hormaro (camallo san) ama dib ugu haro (xume fal),"},{"id":38,"translation":"38. Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay kasbato."},{"id":39,"translation":"39. Qolada midigta maahee."},{"id":40,"translation":"40. Jannooyin gudahood waxay iska wareysan,"},{"id":41,"translation":"41. Xaalka denbiilayaasha:"},{"id":42,"translation":"42. Maxaa idin keenay Naarta Saqaro?"},{"id":43,"translation":"43. Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada."},{"id":44,"translation":"44. Mana aannaan aheyn kuwo quudiya miskiinka;"},{"id":45,"translation":"45. Waxaanu ahayn kuwo la dhumbada waxyaalo been ahoo aan jirin iyo xumaan kuwa dhumbada."},{"id":46,"translation":"46. Waxaanu ahayn kuwa beeniya Maalinta abaal marinta (jaazeynta)."},{"id":47,"translation":"47. Jeer ay noo timid yaqiinta la hubo (geeridu)."},{"id":48,"translation":"48. Marka waxba u tarimeyso shafeecada kuwa shafeeca."},{"id":49,"translation":"49. Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada?"},{"id":50,"translation":"50. Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan."},{"id":51,"translation":"51. Ee ka soo cararay libaax?"},{"id":52,"translation":"52. Mayee, qof walba oo ka mid ahi wuxuu rabaa in la siiyo kitaab faahfaahsan (oo xag Alle ah)."},{"id":53,"translation":"53. Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Alle)."},{"id":54,"translation":"54. Mayee, hubaal kani (Qur’aanka) waa waano."},{"id":55,"translation":"55. Ee qofkii rabaa ha ku waano qaato."},{"id":56,"translation":"56. Ma waantoobayaanse in Alle doono maahee; waa Isaga Kan mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Denbi Dhaafo."}]},{"id":75,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha."},{"id":2,"translation":"2. Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda [1] 'in la idin soo bixin Aakhirada'.","footnotes":"[1]. Waa mu’minka, ee is canaanta markuu ku dhaco denbi ama gef oo ka xumaada."},{"id":3,"translation":"3. Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu soo kulmineyn lafahiisa?"},{"id":4,"translation":"4. Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan."},{"id":5,"translation":"5. Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya 'ee sugaya' [2].","footnotes":"[2]. Macnaha waa inuu denbi isaga sii socdo. Waxaana loola jeedaa qofka gaalka ah ee beeniya maalinta xisaabta ee iska wata shirkiga iyo macaasidiisa."},{"id":6,"translation":"6. Wuxuu weydiin: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha?"},{"id":7,"translation":"7. Ee marka araggu argagaxo (taagmo)."},{"id":8,"translation":"8. Oo dayaxu madoobaado."},{"id":9,"translation":"9. Oo la kulmiyo qorraxda iyo dayaxa."},{"id":10,"translation":"10. Aadmigu wuxuu Maalintaas odhan: Xaggee loo cararaa?"},{"id":11,"translation":"11. Mayee! Ma jiro agab (meel la magan galo)."},{"id":12,"translation":"12. Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah."},{"id":13,"translation":"13. Waxaa looga warrami Aadmiga Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday."},{"id":14,"translation":"14. Balse Aadmigu wuxuu ku marag furi naftiisa Isagaana is og."},{"id":15,"translation":"15. Si kasta hadduu u cudurdaarto (wax uma tarto cudur daarasho)."},{"id":16,"translation":"16. Ha ku dhaqaajin (Nabiyow) carrabkaaga (markuu Waxyigu soo degayo) inaad ku degdegto (Qur’aanka akhrintiisa)."},{"id":17,"translation":"17. Xaqiiq, waa xil Annaga na saaran inaan ku kulminno (laabtaada, ku xifdisiinno) oo kuu (sahalno) akhrintiisa (iyo fahankiisa)."},{"id":18,"translation":"18. Ee markaan akhrinno (Jabriil kuu akhriyo) u raarici (maqalka) akhriskiisa."},{"id":19,"translation":"19. Kaddib xaqiiq Annaggay na saaran tahay inaan kuu caddeyno (fasirkiisa)."},{"id":20,"translation":"20. Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa."},{"id":21,"translation":"21. Oo dayacdaan Aakhirada."},{"id":22,"translation":"22. Wejiyo Maalintaas way ifi."},{"id":23,"translation":"23. Xagga Rabbigood iyagoo eegaya;"},{"id":24,"translation":"24. Wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo kuduudsan."},{"id":25,"translation":"25. Waxay hubtaa in lagu fali balaayo weyn;"},{"id":26,"translation":"26. Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (waqtiga geerida)."},{"id":27,"translation":"27. Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi oo dabiibi?"},{"id":28,"translation":"28. Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda (geerida)."},{"id":29,"translation":"29.Oo lagu isku maro labada jeeni (kafno)."},{"id":30,"translation":"30. Waa xagga Rabbigaa Maalintaas halka laysu wadaa."},{"id":31,"translation":"31. (Gaalkuse) ma rumeyn (Xaqa) mana tukan."},{"id":32,"translation":"32. Wuuse beeniyey oo jeesaday."},{"id":33,"translation":"33. Markaasuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh."},{"id":34,"translation":"34. Dhowaa hooggaagu oo dhowaa."},{"id":35,"translation":"35. Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa."},{"id":36,"translation":"36. Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi bilaash (ujeeddo la'aan)?"},{"id":37,"translation":"37. Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo?"},{"id":38,"translation":"38. Markaas noqota xinjir oo (Alle) abuuro qaab wanaagsanna u yeelo."},{"id":39,"translation":"39. Oo ka yeelo labo nooc, lab iyo dheddig."},{"id":40,"translation":"40.Miyuusan Kaasi (Alle) awoodin inuu soo nooleeyo maytida [3]?","footnotes":"[3]. Haayoo wuu Karaa."}]},{"id":76,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaa Aadmiga soo maray waqti wax la sheego uusan aheyn (uusan jirinba)."},{"id":2,"translation":"2. Waxaanu xaqiiq ka abuurnay Aadmiga dhibic mani ah isku dhafanta [1], si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka.","footnotes":"[1]. Isku dhaf biyaha ninka iyo haweenta ee gala riximka haweenta."},{"id":3,"translation":"3. Waxaanu xaqiiq tusnay jidka ama waa mid mahad naqa ama mid abaal dhac badan (gaal ah)."},{"id":4,"translation":"4. Waxaanu xaqiiq u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal, iyo dab huraya."},{"id":5,"translation":"5. Hubaal, kuwa baarriyiinta ah waxay ka cabbi galaas (khamro saafi ah) oo lagu dheehay Kaafuur."},{"id":6,"translation":"6. Il ay ka cabbi addoomaha Alle oo ay u burqin sida iyo halkay doonaan burqin."},{"id":7,"translation":"7. Waa kuwa oofiya nidarradooda, ka cabsadana Maalin sharkeedu fidi (Maalinta Qayaamaha)."},{"id":8,"translation":"8. Waxay siiyaan cunno iyagoo jecel miskiinka, agoonka iyo maxbuuska."},{"id":9,"translation":"9. (iyagoo laabta ka leh) Waxaan uun idiin siin raashinka Wejiga Alle Darti idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna."},{"id":10,"translation":"10. Xaqiiq, waxaanu ka cabsan Rabbigayo Maalin (wajigu) doorsoomi, murugo badan."},{"id":11,"translation":"11. Sidaa awgeed Alle wuxuu ka samata bixin sharka Maalinkaas, oo siin nuur iyo farxad."},{"id":12,"translation":"12. Oo ku abaal marin sabarkooda dartiis Janno iyo xariir."},{"id":13,"translation":"13. Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arkayaan (Jannada) gudaheeda kuleyl qorrax iyo dhaxan midna."},{"id":14,"translation":"14. Waxaa u dhow (geedaha Jannada) Hoosaskooda, waana loo soo raaricin midhaheeda raaricin."},{"id":15,"translation":"15. Waxaa lagula dhex wareegi weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah."},{"id":16,"translation":"16. Quraarado fiddo (qalin) ah si fiicanna u qiyaasan."},{"id":17,"translation":"17. Waxaa laga waraabin galaas (khamro saafi ah) lagu dheehay Sanjabiil,"},{"id":18,"translation":"18.Il 'Jannada' gudaheeda ah, la yidhaahdo Salsabiil."},{"id":19,"translation":"19. Waxaa u adeegi wiilal da’ yar aan gaboobin oo waari markaad aragto aad moodi sida luul la firdhiyey."},{"id":20,"translation":"20. Haddaad aragto halkaas (Jannada), waxaad arki barwaaqo iyo boqortooyo weyn."},{"id":21,"translation":"21. Dharkoodu (ehlu Jannaha) waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adagba. Waxaana lagu qurxin jin-jimo qalin ah, wuxuu Rabbigood ka waraabin sharaab daahir ah."},{"id":22,"translation":"22. Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, dadaalkiinniina waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin."},{"id":23,"translation":"23. Xaqiiq, Annagaa kugu soo dejinnay Qur’aanka (Muxammadow) si qayb qayb ah (Suurado iyo Aayado) soo dejin dhan."},{"id":24,"translation":"24. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, hana adeecin denbiile iyo abaal darne midna."},{"id":25,"translation":"25. Xus Magaca Rabbigaa subax iyo galabba."},{"id":26,"translation":"26.Habeenka qaarkina u sujuud, oo ammaan (hufna) in dheer oo habeenka ah."},{"id":27,"translation":"27. Xaqiiq, kuwaasi (gaalada ah) waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, waxayna mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin) Maalin culus (Qiyaamada)."},{"id":28,"translation":"28. Annagaa abuurnay oo adkaynay seedahooda, haddaan doonnona Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan."},{"id":29,"translation":"29. Suuraddani xaqiiq waa waano, ee qofkii doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi."},{"id":30,"translation":"30. Waxna ma dooni kartaan in Alle doono mooyee. Hubaal, Alle waa wax walba Oge, Xikmad Badan."},{"id":31,"translation":"31. Wuxuu geliyaa qofkuu doono Naxariistiisa, daalimiintana (mushrikiinta, gaalada, denbiilayaasha) wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan."}]},{"id":77,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay dabeylaha wanaagga lala soo diro."},{"id":2,"translation":"2. Iyo dabeylaha sida daran u kaca."},{"id":3,"translation":"3. Iyo dabeylaha u kaxeeya daruuraha meelahooda loogu tala galay;"},{"id":4,"translation":"4. Iyo (malaa'igta) kala saara (Xaqa iyo baadilka) kala saarid dhan [1].","footnotes":"[1]. Xalaasha iyo xaaraanta."},{"id":5,"translation":"5. Iyo malaa’igta keena Waxyiga"},{"id":6,"translation":"6. Si loo caddeeyo (Xaqa) ama loo digo;"},{"id":7,"translation":"7. Ee waxa (dadow) la idiinku yabooho ( Qiyaamada) waa Xaq dhacaya."},{"id":8,"translation":"8. Marka xiddiguhu beelaan nuurkooda;"},{"id":9,"translation":"9. Oo samadu dildillaacdo,"},{"id":10,"translation":"10. Oo buuraha la rujiyo."},{"id":11,"translation":"11. Oo Rusulladii la kulmiyo (iyo dadkoodii) waqtigii loo qabtay."},{"id":12,"translation":"12. Maalintee baa loo dib dhigay?"},{"id":13,"translation":"13. Maalinta kala baxa (Qiyaamada)."},{"id":14,"translation":"14. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta kala baxu tahay?"},{"id":15,"translation":"15. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka)."},{"id":16,"translation":"16. Miyaanaan halaagin facyadii hore (ee gaaloobay)?"},{"id":17,"translation":"17. Misna waxaan raacin kuwa (facyada) dambe (ee eynigood ah)."},{"id":18,"translation":"18. Sidaasaan u galnaa denbiilayaasha."},{"id":19,"translation":"19. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka)."},{"id":20,"translation":"20. Miyaanaan idinka abuurin biyo daciif ah liita?"},{"id":21,"translation":"21. Markaas yeelnay meel aamin ah gudaheed (riximka),"},{"id":22,"translation":"22. Ilaa muddo la yaqaanno,"},{"id":23,"translation":"23. Sidaasaan wax u qaddarnay, Annagaana u fiican kuwo wax qaddara."},{"id":24,"translation":"24. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka)."},{"id":25,"translation":"25. Miyaanaan ka dhigin dhulka mid qaada oo ku filan?"},{"id":26,"translation":"26. Kuwa nool iyo kuwa mowtanba [2].","footnotes":"[2]. Alle wuxuu ku kulmiyey dadka nool arlada dusheeda, mowtidana arlada hoosteeda."},{"id":27,"translation":"27. Oo ka yeelin dhulka dhexdiisa buuro sugan oo dhaadheer oo aan idinka waraabinin biyo macaan?"},{"id":28,"translation":"28. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka)."},{"id":29,"translation":"29. Aada waxaad beenin jirteen."},{"id":30,"translation":"30. Aada hoos (qiiqa Naarta ah) oo seddex laamood leh [3].","footnotes":"[3]. Xagga seddex jiho: Midigta, bidixda, iyo dusha sare, macnaha waa cadaabka wuxuu uga iman oo ka hareereyn gaalada jiho kasta."},{"id":31,"translation":"31. Oo aan harsi laheyn, waxnana ka tareyn ololka dabka."},{"id":32,"translation":"32. Waxay (Naartu) tuuri dhimbilo daran oo daaro oo kale ah ."},{"id":33,"translation":"33. Aad mooddo awr aydin ah."},{"id":34,"translation":"34. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka)."},{"id":35,"translation":"35. Kanu waa Maalin aysan (gaaladu) hadleyn."},{"id":36,"translation":"36. Oo aan idan la siineyn si ay u cudurdaartaan."},{"id":37,"translation":"37. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka)."},{"id":38,"translation":"38. Kani waa Maalinka kala Baxa. Waa idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyey."},{"id":39,"translation":"39. Ee haddaad wax dhagri kartaan, Aniga I dhagra."},{"id":40,"translation":"40. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka)."},{"id":41,"translation":"41. Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo."},{"id":42,"translation":"42. Iyo midho waxay doonaan ah."},{"id":43,"translation":"43. Cuna oo cabba si raaxo leh waa waxaad camalsan fali jirteen darteed."},{"id":44,"translation":"44. Sidaasaan xaqiiq u abaal marinnaa sama falayaasha."},{"id":45,"translation":"45. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka)."},{"id":46,"translation":"46. (Gaaloy) cuna oo raaxeysta in yar. waxaad tihiin denbiilayaal."},{"id":47,"translation":"47. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka)."},{"id":48,"translation":"48. Marka lagu yidhaahdo: Rukuuca ma ay rukuucaan [4].","footnotes":"[4]. Marka lagu yidhaahdo u hoggaansama Amarka Alle uma hoggaansamaan, sidoo kale waxaa lagu fasiray marka lagu yidhaahdo tukada ma ay tukadaan."},{"id":49,"translation":"49. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka)."},{"id":50,"translation":"50. Ee Hadalkee bay kan (Qur’aanka) kaddib (gaaladu) rumeynayaan?"}]},{"id":78,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Maxay isweydiinayaan (gaaladu)?"},{"id":2,"translation":"2. Ma Warka Weyn (Qur’aanka ama Qiyaamada)."},{"id":3,"translation":"3. Ay isku khilaafsan yihiin (mid rumeysan iyo mid beeninaya)?"},{"id":4,"translation":"4. Mayee, way ogaan doonaan (waxa ku dhaca beenintooda Xaqa darteed)."},{"id":5,"translation":"5. Misna, mayee way ogaan doonaan (waxa ku dhaca)."},{"id":6,"translation":"6. Miyaanaan ka yeelin dhulka gogol?"},{"id":7,"translation":"7. Buurahana tiirar (dhulka lagu adkeeyey)?"},{"id":8,"translation":"8. Oo idinka abuurin noocyo (lab iyo dheddig)?,"},{"id":9,"translation":"9. oo ka yeelin hurdadiinna nasiino?,"},{"id":10,"translation":"10. Oo ka dhigin habeenka hu’ oo kale (idinku daboola mugdigiisa)?,"},{"id":11,"translation":"11.Oo ka dhigin maalinta maciishad raadin,"},{"id":12,"translation":"12. Oo ka dhisin korkiinna toddobo (samo) oo adadag?."},{"id":13,"translation":"13. Oo yeelin nal shidan aad u ifi (qorrax)?."},{"id":14,"translation":"14. Oo ka soo dejinin daruuraha biyo badan oo shubmaya (roob)?."},{"id":15,"translation":"15. Si aan ugu soo saarno haruur iyo naq."},{"id":16,"translation":"16. Iyo beero isku maran."},{"id":17,"translation":"17. Xaqiiq, Maalinka kala baxu (Qiyaamaha) waa waqti go’an."},{"id":18,"translation":"18.Maalinka marka Buunka la afuufi, oo aad iman idinkoo ummado kala duwan ah;"},{"id":19,"translation":"19. Oo samada la furi oo yeelan albaabbo."},{"id":20,"translation":"20. Buurahana la rujin oo noqon dhalanteed oo kale."},{"id":21,"translation":"21. Xaqiiq, Naartu waa heegan sugeysa,"},{"id":22,"translation":"22. Xad gudbayaasha, meel noqod u ah."},{"id":23,"translation":"23. Iyagoo ku negaadi waayo badan,"},{"id":24,"translation":"24. Ma ku dhadhaminayaan dhexdeeda wax qabow ah iyo cabbitaan midna."},{"id":25,"translation":"25. Biyo kulul oo karaya iyo malax maahee (dhacaanka ehlu Naarka ah)"},{"id":26,"translation":"26.Waa abaal marin ku habboon (gaalada)."},{"id":27,"translation":"27. Waxay ahaayeen kuwo aan fileyn Xisaab (Aakhiro)."},{"id":28,"translation":"28. Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga beenin cad."},{"id":29,"translation":"29. Wax walba se (oo camalladooda ah) waxaan ku koobnay qoraal."},{"id":30,"translation":"30. Ee dhadhamiya (ciqaabka); idiinma kordhineyno waxaan ahayn Cadaab."},{"id":31,"translation":"31. Xaqiiq, kuwa Alle ka cabsada ee (ka) dhowrsada (xumaha) waxay leeyihiin meel lagu liibaano (Janno)."},{"id":32,"translation":"32. Beero iyo canabyo."},{"id":33,"translation":"33. Iyo gashaantiyo da' yar oo isla eg."},{"id":34,"translation":"34.Iyo galaas buuxa (oo khamri saafi ah)."},{"id":35,"translation":"35.Kuma maqlayaan (Jannada) gudaheeda hadal macno darro ah ama wax been ah."},{"id":36,"translation":"36. Abaal marin xagga Rabbigaa; deeq (daa'in ah badan) oo ku filan."},{"id":37,"translation":"37. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, - Raxmaanka, ma jiro wax ku soo celin karaa hadal (Qiyaamada)."},{"id":38,"translation":"38. Maalinka uu Ruuxu iyo malaa’igtu ay u istaagi saf saf, ma jiro wax hadli, mid maahee Allaah - Raxmaanku u idmo, oo ku hadla hadal toosan oo abbaar ah."},{"id":39,"translation":"39. Kaasi waa Maalinka la hubo ee xaqa ah, ee qofkii doona, ha u maro Rabbigi jid toos ah uu ugula laabto (caqiido sax ah iyo camallo san)."},{"id":40,"translation":"40. Waxaanu idiinka dignay cadaab dhow - Maalinka uu qofku arki waxay gacmihiisu hormarsadeen (oo khayr ah ama shar), oo gaalku odhan:Hoogaye! Maan ciid ahaado."}]},{"id":79,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha (gaalada)."},{"id":2,"translation":"2. Iyo (malaa'igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta waqtiga dhimashada)."},{"id":3,"translation":"3. Iyo (malaa'igta) hawada dabaalata (iyagoo u socda fulin amarrada Alle)."},{"id":4,"translation":"4. Iyo (malaa'igta) u dheereeya 'khayrka iyo wanaagga' dheereyn."},{"id":5,"translation":"5. Iyo 'malaa'igta' isku duwa arrin 'walba' [1]","footnotes":"[1]. Si waafaqsan amarka Alle, in dadow la idin soo bixin oo xisaabin Aakhirada."},{"id":6,"translation":"6. Maalinta ay gilgilatadu gilgilan (waa afuufka hore ee Buunka)."},{"id":7,"translation":"7. Oo ay raaci tan xigta (afuufka labaad)."},{"id":8,"translation":"8. Quluub (qalbiyada gaalada) Maalintaas way gariiri."},{"id":9,"translation":"9. Indhahoodu dulleysnaan."},{"id":10,"translation":"10. Waxay (haatan) leeyihiin: Ma waxaa naloo soo celin (dhimashadayada kaddib) sidayadii hore (ee nolosha adduunka)?"},{"id":11,"translation":"11. Ma markaan noqonno lafo bololay?"},{"id":12,"translation":"12. Waxay odhan: Taasi waa noqosho khasaaro ah."},{"id":13,"translation":"13. Waase hal Qeylo keliya."},{"id":14,"translation":"14. Mise, waxay ahaan (kuwo nool) dhulka guudki (dhimashadoodii kaddib)."},{"id":15,"translation":"15. Ma ku soo gaaray warkii Muuse?"},{"id":16,"translation":"16. Markuu Rabbigi (Alle) uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwa."},{"id":17,"translation":"17. Aad Fircoon, wuu xadgudbaye."},{"id":18,"translation":"18. Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad iska daahiriso (shirkiga iyo macaasida)?"},{"id":19,"translation":"19. Oo aan kugu hanuunsho xagga Rabbigaa si aad uga baqdo?."},{"id":20,"translation":"20. Markaasuu tusay Calaamddii Weyneyd [2].","footnotes":"[2]. Gacantii ifeysay ama ushii maska weyn noqoneysay."},{"id":21,"translation":"21. (Fircoon) se wuu beeniyey oo caasiyey."},{"id":22,"translation":"22. Markaasuu dib u jeestay isagoo (xumaan u) socda."},{"id":23,"translation":"23. Oo soo kulmiyey (dadkiisii) oo kor u dhawaaqay."},{"id":24,"translation":"24. Oo yidhi: Waa aniga rabbigiin, sarreeya."},{"id":25,"translation":"25. Markaasuu Alle ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe (sheegashadiisa ilaahnimo) iyo tii hore darteed (beeninta Muuse)."},{"id":26,"translation":"26. Arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan cibrad (digniin) qof kastoo ka baqa Alle."},{"id":27,"translation":"27. Ma idinkaa adag abuur ahaan, mise samada, wuu dhisay."},{"id":28,"translation":"28.Wuxuu (samada) kor yeelay jurmigeeda oo waliba simay."},{"id":29,"translation":"29. Oo ka yeelay mugdi habeenkeeda oo soo bixiyey maalinteeda (ifiyey)."},{"id":30,"translation":"30. Dhulka markaa kaddib fidshay."},{"id":31,"translation":"31. Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda;"},{"id":32,"translation":"32. Buurahana wuu dhidbay;"},{"id":33,"translation":"33. Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba."},{"id":34,"translation":"34. Markase ay timaaddo musiibada weyni."},{"id":35,"translation":"35. Maalinka uu Aadmigu xusuusan wuxuu falay oo dhan."},{"id":36,"translation":"36. Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya,"},{"id":37,"translation":"37. Ma qofkii xad gudba."},{"id":38,"translation":"38. Oo door bida nolosha adduunkan."},{"id":39,"translation":"39. Hubaal Naarta waa hoygiisa."},{"id":40,"translation":"40. Qofkiise ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta hawa raaca."},{"id":41,"translation":"41. Hubaal Jannada - waa hoygiisa."},{"id":42,"translation":"42. Waxay wax kaa weydiin (Nabiyow) Saacadda (Qiyaame) goortay tahay."},{"id":43,"translation":"43. Maxaa ku ogeysiiyey waqtigeeda? Waxaad tahay mid ka mid ah calaamadaha soo dhowaanshaheeda."},{"id":44,"translation":"44. Waa xagga Rabbigaa halkay ku dhammaan (ogaanshaheeda)."},{"id":45,"translation":"45. Waxaad uun tahay (Nabiyow) u dige kuwa ka baqa."},{"id":46,"translation":"46. Maalinta ay arkayaan waxay ahaan sida inaysan ku nagaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed."}]},{"id":80,"verses":[{"id":1,"translation":"1. (Wejiguu) kuduuday oo jeesaday (Nebiga s.c.w),"},{"id":2,"translation":"2. Inuu u yimid indhoolihii [1] darteed,","footnotes":"[1]. Waa Cabdullaah ibn Um Maktuum a.k.r."},{"id":3,"translation":"3. Miyaadse ogtahay waa intaasoo uu dooni inuu hanuuno oo is daahiriyo,"},{"id":4,"translation":"4. Ama waansamo, oo waanadu anfacdo."},{"id":5,"translation":"5. Kan is deeqtoonsiiya (ee isla weyn),"},{"id":6,"translation":"6. Miyaad adigu u banbixi,"},{"id":7,"translation":"7. Eedna kaama saarna hadduusan hanuunin oo daahirin naftiisa,"},{"id":8,"translation":"8. Kan se kuu yimid isagoo dadaalaya,"},{"id":9,"translation":"9. Oo (Alle ka) baqa,"},{"id":10,"translation":"10. Miyaad adigu ka mashquuli."},{"id":11,"translation":"11. Mayee, Aayadahani waa waano."},{"id":12,"translation":"12. Ee qofkii doona ha ku waano qaato."},{"id":13,"translation":"13. Waxay ku sugan tahay (waanadan) kutub la sharfay (Looxa Maxfuudka)."},{"id":14,"translation":"14. Kor ah, la dahiray."},{"id":15,"translation":"15. Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig)."},{"id":16,"translation":"16. Sharaf leh oo baariyaal ah."},{"id":17,"translation":"17. Belo ha ku dhacdo aadmigee (waa kan gaalka ahi)! Muxuu jazaar yahay!"},{"id":18,"translation":"18. Muxuu Alle ka abuuray?"},{"id":19,"translation":"19. Dhibic mani ah buu ka abuuray wuuna ekeeyey."},{"id":20,"translation":"20. Markaas uga dhigay sahal dhabbaha [2];","footnotes":"[2]. Waa ka soo bixitaanka uurka hooyadi ama dhabbaha nolosha Ama jidka hanuunka."},{"id":21,"translation":"21. Markaasuu sababaa inuu dhinto, oo qabri lagu aaso;"},{"id":22,"translation":"22. Markuu doonana wuu soo bixin."},{"id":23,"translation":"23. Mayee, ma uusan yeelin wuxuu amray."},{"id":24,"translation":"24. Ee qofku bal ha eego cunnadiisa."},{"id":25,"translation":"25. Annagaa soo shubna biyaha (roobka) soo shubid badan,"},{"id":26,"translation":"26. Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin."},{"id":27,"translation":"27. Oo ka soo bixinnaa hadhuudh,"},{"id":28,"translation":"28. Iyo cinab iyo naq."},{"id":29,"translation":"29. Iyo zaytuun iyo geedo timireed."},{"id":30,"translation":"30. Iyo beero tanaad ah."},{"id":31,"translation":"31. Iyo midho iyo caws."},{"id":32,"translation":"32. Sahay aad leedihiin ah idinka iyo xoolihiinnuba."},{"id":33,"translation":"33. Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo (afuufka labaad ee Buunka)."},{"id":34,"translation":"34. Maalinta uu qofku ka carari walaalki,"},{"id":35,"translation":"35. Iyo hooyadi iyo aabbihi."},{"id":36,"translation":"36. Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa,"},{"id":37,"translation":"37. Qof walba oo ka mid ah Maalinkaas waxaa heysan arrin ku filan."},{"id":38,"translation":"38. Wejiyo (qaar) Maalinkaas way ifi."},{"id":39,"translation":"39. Iyagoo qosli ku faraxsan (Jannada) loogu bishaareyey."},{"id":40,"translation":"40. Wejiyona Maalinkaas (Qiyaame) waxay ahaan kuwo booreysan dulli ka muuqdo;"},{"id":41,"translation":"41. Mugdi baa dabooli (iyo naxdin)."},{"id":42,"translation":"42. Kuwaasi waa kuwa ah gaalada, denbiilayaasha."}]},{"id":81,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Marka qorraxda la duubo (oo la iftiin tiro),"},{"id":2,"translation":"2. Oo xiddiguhu daataan (oo nuurkoodu tago),"},{"id":3,"translation":"3. Oo buuraha la rujiyo 'oo budo noqdaan'."},{"id":4,"translation":"4. Oo geela rimman [1] la cidleeyo (oo laga hayaamo).","footnotes":"[1]. Qofka waxa uu maal ugu jecel yahay."},{"id":5,"translation":"5. Oo dugaagga la soo wada kulmiyo (qisaas darteed)."},{"id":6,"translation":"6. Oo badaha la shido (ama isku soo fatahmaan);"},{"id":7,"translation":"7. Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkoodii [2];","footnotes":"[2]. Macno kale lagu lammaansho eynigood iyo waxay is leeyihiin oo la mid ah."},{"id":8,"translation":"8.Oo (tii kastoo yaraan) lagu nolol xabaalay la weydiiyo,"},{"id":9,"translation":"9. Maxaa denbi ahoo loo dilay?"},{"id":10,"translation":"10. Marka kutubta (acmaasha aadmiga ee malaa'igtu qorayeen) la fidiyo."},{"id":11,"translation":"11. Oo samada laga rujiyo meesheeda,"},{"id":12,"translation":"12. Oo Naarta la huriyo."},{"id":13,"translation":"13. Oo Jannada la soo dhoweeyo."},{"id":14,"translation":"14. Waxay ogaan nafi waxay la timid (khayr ama shar)."},{"id":15,"translation":"15. Waxaan ku dhaartay xiddigaha qarsooma (maalintii)."},{"id":16,"translation":"16. Ee ku socda rugahooda ee qarsoomee (dhaca)."},{"id":17,"translation":"17. Iyo habeenka markuu yimaado (ama tago)."},{"id":18,"translation":"18. Iyo subaxu markuu neefsado (oo soo baxo iftiinkiisa)."},{"id":19,"translation":"19. Hubaal kani (Qur'aanka) waa hadal 'Alle' uu keenay Rasuul sharaf badan (Jabriil)."},{"id":20,"translation":"20. Awood iyo meeqaan sare ku leh (Alle) agtiis, Rabbiga Carshiga Weyn,"},{"id":21,"translation":"21. La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo."},{"id":22,"translation":"22. Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha jinnoole."},{"id":23,"translation":"23. Horay buuna ugu arkay (Jabriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa)."},{"id":24,"translation":"24. Ma aha (Nabi Muxammad) mid ceshada 'bakheyla amaba looga shakiyo' cilmiga ku saabsan Ghaybka 'ee Qarsoon'."},{"id":25,"translation":"25. (Qur’aankuna) ma aha hadalka Shaydaan laga fogeeyey (Naxariista Alle)."},{"id":26,"translation":"26. Ee xaggee 'gaalooy' aadeysaan?"},{"id":27,"translation":"27. (Qur’aanku) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota ummadaha oo dhan."},{"id":28,"translation":"28. Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa)."},{"id":29,"translation":"29. Oo waxna ma dooni kartaan wuxuu Alle doono maahee, Rabbiga uumanka."}]},{"id":82,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Markay samada dildillaacdo."},{"id":2,"translation":"2. Markay xiddiguhu daataan oo kala firdhaan."},{"id":3,"translation":"3. Marka badaha laysku furo oo soo fatahaan."},{"id":4,"translation":"4. Marka qabuuraha la soo qufo."},{"id":5,"translation":"5. Naf walbaa waxay ogaan waxay hormarsatay iyo (waxay) dib marisay (khayr ama shar oo laga jaazeyn)."},{"id":6,"translation":"6. Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan?"},{"id":7,"translation":"7. Kaasoo ku abuuray, kuna ekeeyey oo ku simay?"},{"id":8,"translation":"8. Suuradduu doonana kuu sameeyey?."},{"id":9,"translation":"9. Mayee bal waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta (jaazeynta)."},{"id":10,"translation":"10. Waxaana xaqiiq korkiinna ah (oo idiin xil saaran malaa’ig) gaar idinka haya."},{"id":11,"translation":"11.Sharaf leh, qoraya (acmaashiinna),"},{"id":12,"translation":"12. Ogsoon wax kastoo aad fashaan."},{"id":13,"translation":"13. Hubaal, baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo (Janno)."},{"id":14,"translation":"14. Oo hubaal xume falayaashu waxay ku sugnaan Naar ololaysa."},{"id":15,"translation":"15. Ay geli oo ku guban Maalinta Is abaalmarinta (Jaazeynta)."},{"id":16,"translation":"16. Kamana maqnaadaan marnaba xaggeeda (Naarta)."},{"id":17,"translation":"17. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?"},{"id":18,"translation":"18. Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?"},{"id":19,"translation":"19. (Waa) maalinta aysan nafi wax u tarin naf kale. Amarkana Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah."}]},{"id":83,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Hoog waxaa leh kuwa dadka (xaqooda) duudsiya oo dhima 'nuqsaamiya'."},{"id":2,"translation":"2. Waa kuwa markay wax beegan u oofsada si dhan oo kaamil ah."},{"id":3,"translation":"3. Markase ay u beegi dadka kale ama miisaami ka dhima oo nuqsaamiya."},{"id":4,"translation":"4. Miyeyna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo)."},{"id":5,"translation":"5. Maalin weyn (Qiyaamada)."},{"id":6,"translation":"6. Maalinta dadku istaagi Rabbiga uumanka horti?"},{"id":7,"translation":"7. Mayee, hubaal diiwaanka (camalka) dadka xun wuxuu yaal Sijjiin."},{"id":8,"translation":"8. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiin yahay [1]?","footnotes":"[1]. Sijiin waa meel cidhiidhi ah oo ah halka u hooseysa arlada toddobaad."},{"id":9,"translation":"9. Waa (aayahooda) kitaab (ku) calaameysan."},{"id":10,"translation":"10. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka)."},{"id":11,"translation":"11. Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta (Qiyaamada)."},{"id":12,"translation":"12.Cidina ma beeniso aan aheyn xadgudbe kastoo denbiile ah."},{"id":13,"translation":"13. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore."},{"id":14,"translation":"14. Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood."},{"id":15,"translation":"15. Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi Rabbigood."},{"id":16,"translation":"16. Markaasay waxay hubaal gali oo ku guban Naar olol badan."},{"id":17,"translation":"17. Waxaa markaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen."},{"id":18,"translation":"18. Mayee, hubaal, diiwaanka (camalka) dadka wanaagsan wuxuu yaal Cilliyyiin (samada toddobaad)."},{"id":19,"translation":"19. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyiin yahay?"},{"id":20,"translation":"20. Waa (aayaha mu'miniinta) kitaab (ku) calaameysan."},{"id":21,"translation":"21. Waxaa arka (malaa’igtaa) ku dhow (Alle)."},{"id":22,"translation":"22. Hubaal, baarriyiinta waxay ku sugnaan barwaaqo (Janno)."},{"id":23,"translation":"23. Sariiro boqoreed korkood iyagoo ka daawan (wax waliba oo nicmooyinka Jannada ah)."},{"id":24,"translation":"24. Waxaad ka garan wejiyadooda dhalaalka barwaaqada."},{"id":25,"translation":"25. Waxaa laga waraabin khamri (saafi ah) ee la abburay."},{"id":26,"translation":"26. Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu."},{"id":27,"translation":"27. Dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah."},{"id":28,"translation":"28. Il ay ka cabbi kuwa (Alle) u dhow."},{"id":29,"translation":"29. Denbiilayaashu waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeeyey ee mu'miniinta ah."},{"id":30,"translation":"30. Hadday soo ag maraanna waa isu il-jabin jireen."},{"id":31,"translation":"31. Markay u laabtaanna ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya,"},{"id":32,"translation":"32. Markay arkaan (mu'miniinta) waxay odhan jireen: Kuwakanu xaqiiq waa kuwo lunsan."},{"id":33,"translation":"33. Ma loo dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda."},{"id":34,"translation":"34. Maalinta (Qiyaame) kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku qosli gaalada."},{"id":35,"translation":"35. Sariiro boqoreed (sare) korkood iyagoo ka daawan."},{"id":36,"translation":"36. Miyaan laga abaal marin gaalada waxay (xume) falayeen?"}]},{"id":84,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Markay samadu dildillaacdo (Qiyaamada)."},{"id":2,"translation":"2. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo;"},{"id":3,"translation":"3. Marka arlada la fidiyo,"},{"id":4,"translation":"4. Oo u soo tuurto debedda waxa gudaheeda ku jira oo ka marnaato,"},{"id":5,"translation":"5. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo [1].","footnotes":"[1]. Wuxuu la kulmi qof walba camalkiisa."},{"id":6,"translation":"6. Qofyahow! Waad dhibboon oo u camal fali xagga Rabbigaa, waadna la kulmi [2].","footnotes":"[2]. Natiijada camalkaaga khayr ama shar wuxuu yahayba Maalinta Qiyaamaha."},{"id":7,"translation":"7. Ee ma kan lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig,"},{"id":8,"translation":"8. Waxaa la xisaabin xisaab fudud."},{"id":9,"translation":"9. Wuxuu u laaban ehelkiisa (Jannada ku sugan) isagoo faraxsan."},{"id":10,"translation":"10. Kanse laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa,"},{"id":11,"translation":"11. Wuxuu u yeedhan hoog iyo ba'."},{"id":12,"translation":"12. Oo geli naar ololeysa oo hur badan."},{"id":13,"translation":"13. Wuxuu ahaa xaqiiq mid Ehelkiisa dhexdooda (waagii adduunka) kibirsan."},{"id":14,"translation":"14. Wuxuu xaqiiq moodayey inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga)."},{"id":15,"translation":"15. Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday."},{"id":16,"translation":"16. Mayee, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac;"},{"id":17,"translation":"17. Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo;"},{"id":18,"translation":"18. Iyo dayaxa markuu buuxsamo."},{"id":19,"translation":"19. Waxaad (dadow) mari heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba)."},{"id":20,"translation":"20. Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn xaqa?"},{"id":21,"translation":"21. Marka Qur’aanka loo akhriyana uma sujuudaan Rabbigood (umana hoggansamaan)?"},{"id":22,"translation":"22. Waxayse kuwa gaalooba beeniyaan (Xaqa)."},{"id":23,"translation":"23. Oo Alle waa og yahay waxay qarsan."},{"id":24,"translation":"24. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan."},{"id":25,"translation":"25. Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’eynin (waa Jannada'e)."}]},{"id":85,"verses":[{"id":1,"translation":"1.Waxaan ku dhaartay samada xiddigaha waaweyn leh iyo (jidadkooda)."},{"id":2,"translation":"2. Iyo Maalinta ballanta ah (Qiyaamada)."},{"id":3,"translation":"3. Iyo Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi 'oo ummadda ah.'"},{"id":4,"translation":"4. Lacnadi ha ku dhacdo qoladii godka lahaa (mu'miniinta lagu caddibo)."},{"id":5,"translation":"5. Ee ahaa dab olol iyo huritaan badan."},{"id":6,"translation":"6. Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka)."},{"id":7,"translation":"7. Waxay ka ahaayeen goob joog waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta."},{"id":8,"translation":"8. Kuma ay qoonsan wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh, Ammaanan."},{"id":9,"translation":"9. Ee iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada! Alle wax walba waa u Jeedaa."},{"id":10,"translation":"10. Xaqiiq kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, haddana aan tawbad keenin, waxay mudan cadaab Naar ah, waxayna mudan cadaab gubeysa."},{"id":11,"translation":"11. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn."},{"id":12,"translation":"12. Xaqiiq, Qabashada Rabbigaa (Ciqaabtiisu) way daran tahay."},{"id":13,"translation":"13. Xaqiiq (Alle) Isagaa uumay (uunka) dibna u soo nooleyn (dhimasho kaddib)."},{"id":14,"translation":"14. Waana Denbi Dhaaf Badanaha, Jecel (kuwa adeeca)."},{"id":15,"translation":"15. Ee iska leh Carshiga Sharafta Badan."},{"id":16,"translation":"16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono."},{"id":17,"translation":"17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii,"},{"id":18,"translation":"18. Fircoon iyo Thamuud?"},{"id":19,"translation":"19. Kuwase gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta Xaqa."},{"id":20,"translation":"20. Allena wuu koobay (oo kama baxsan karaan)."},{"id":21,"translation":"21. Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan."},{"id":22,"translation":"22. Oo ku qoran Loox la dhowray (Looxul Maxfuudka)."}]},{"id":86,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura."},{"id":2,"translation":"2. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay?"},{"id":3,"translation":"3. Waa xiddiggaa iftiinka badan."},{"id":4,"translation":"4. Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag)."},{"id":5,"translation":"5. Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray."},{"id":6,"translation":"6. Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda."},{"id":7,"translation":"7. Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood,"},{"id":8,"translation":"8. Hubaal (Alle) wuu Karaa inuu u soo celiyo nolosha (dhimasho kaddib)."},{"id":9,"translation":"9. Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo siraha la soo bandhigi (xaqiiqdooda)."},{"id":10,"translation":"10. Ma leh (gaalku Maalintaas) xoog ama wax u soo gargaara midna."},{"id":11,"translation":"11. Waxaan ku dhaartay cirka leh roobka soo noqnoqda."},{"id":12,"translation":"12. Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa),"},{"id":13,"translation":"13. Xaqiiq, kani (Qur'aanku) waa hadal cad oo kala saara (xaqa iyo baadilka)."},{"id":14,"translation":"14. Oo ma aha dhayal (dheel)."},{"id":15,"translation":"15. Xaqiiq (gaaladu) wax bay dhagri oo qorsheyn."},{"id":16,"translation":"16. Aniguna (sidoo kale) Waxaan qorsheyn qorshe."},{"id":17,"translation":"17. Ee u sug gaalada: Daa wax yar."}]},{"id":87,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Xurmo weynee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa ee Sarreeya."},{"id":2,"translation":"2. Ee abuuray (uunka) oo ekeeyey."},{"id":3,"translation":"3.Ee ah Kan wax walba qaddaray, ee hagay."},{"id":4,"translation":"4. Ee ah Kan soo saara daaqa."},{"id":5,"translation":"5. Ka dhiga markaas kaddib caws \nengagan oo madow."},{"id":6,"translation":"6. Waxaan kuu akhriyeynaa (Nabiyow) Qur’aanka mana illaaweysid,"},{"id":7,"translation":"7. Wuxuu Alle doono ma’ahee, Wuxuu xaqiiq Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba."},{"id":8,"translation":"8. Waxaanu kuu fududeyn waddada sahlan (Islaamka)."},{"id":9,"translation":"9. Ee waani, markay wax tari waanadu."},{"id":10,"translation":"10. Waxaa waantoobi Kan (ka) baqa (Alle)."},{"id":11,"translation":"11. Waxaana ka fogaan 'waanada' qofka xun."},{"id":12,"translation":"12. Kaasoo geli Naar weyn oo ku guban."},{"id":13,"translation":"13. Uusan ku dhimanayn dhexdeeda, kuna noolaanayn."},{"id":14,"translation":"14. Waxaa liibaani qofkii ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida)."},{"id":15,"translation":"15. Oo xusa Magaca Rabbigi oo tukada."},{"id":16,"translation":"16. Waxaadse door biddaan nolosha adduunkan;"},{"id":17,"translation":"17. Aakhiro baase khayr badan oo baaqi ah."},{"id":18,"translation":"18. Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore,"},{"id":19,"translation":"19. Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse."}]},{"id":88,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Mawuusan kuu iman warka dabooshada (Qiyaamada)."},{"id":2,"translation":"2. Wejiyaal maalintaas waxay ahaan kuwo dullaysan (waa gaalada)."},{"id":3,"translation":"3. (Ku) howlan (adduunka caabuddaada cid kale la jirka Alle), daallan (Aakhirada)."},{"id":4,"translation":"4. Gali Naar kulul oo ku guban."},{"id":5,"translation":"5. Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa."},{"id":6,"translation":"6. Ma laha wax cunto ah qodxo maahee."},{"id":7,"translation":"7. Kaasoo aan waxna cayilineynin, gaajona wax ka tareyn."},{"id":8,"translation":"8. Wejiyo Maalintaas waxay ahaan kuwo nicmeysan (waa wejiyada mu'miniinta)."},{"id":9,"translation":"9. Raalli ah dadaalkoodii darti."},{"id":10,"translation":"10. Ku sugnaan Janno sare gudaheed."},{"id":11,"translation":"11. Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah."},{"id":12,"translation":"12. Waxaa ah dhexdeeda il socota."},{"id":13,"translation":"13. Iyo sariirro la kor yeelay."},{"id":14,"translation":"14. Iyo koobab diyaar laga dhigay."},{"id":15,"translation":"15. Iyo barkimooyin la safay."},{"id":16,"translation":"16. Iyo gogollo la fidshey."},{"id":17,"translation":"17. Mawaysan fiirin geela, sida loo abuuray?"},{"id":18,"translation":"18. Iyo cirka, sida loo kor yeelay?"},{"id":19,"translation":"19. Iyo buuraha, sida loo taagay?"},{"id":20,"translation":"20. Iyo dhulka, sida loo fidiyey?"},{"id":21,"translation":"21. Ee waani (dadka), waayo waxaad adigu (Nabiyow) uun tahay waaniye."},{"id":22,"translation":"22. Ma tihid adigu mid qasab ku leh."},{"id":23,"translation":"23. Qofkiise (Xaqa) ka jeesada oo gaalooba;"},{"id":24,"translation":"24. Wuxuu Alle ku cadaabi cadaab aad u weyn."},{"id":25,"translation":"25. Hubaal waa Xaggayaga meel noqodkoodu;"},{"id":26,"translation":"26. Markaas hubaal Annagay na saaran tahay xisaabintooda."}]},{"id":89,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay waaberiga,"},{"id":2,"translation":"2. Iyo habeennada tobanka ah [1].","footnotes":"[1]. Tobanka maalmood ee u horreeya bisha Arrafo (Xajka)."},{"id":3,"translation":"3.Iyo dhabanka iyo witirka (tirada is dheer)."},{"id":4,"translation":"4. Iyo habeenka markuu (soo galo ama) baxo."},{"id":5,"translation":"5. Miyey dhaarahaasi ahayn wax uu ku qanco in loogu dhaarto qof caqli leh?"},{"id":6,"translation":"6. Mawaadan ogaan sida (Alle) Rabbigaa u galay (reer) Caad?"},{"id":7,"translation":"7. Qolodii Iram, ee xoogga lahaa, aadna u dhaadheeraa [2].","footnotes":"[2]. Sidoo kale lahaa dhismooyin dhaadheer iyo waddooyin habeysan."},{"id":8,"translation":"8. Aan wax la mid ah lagu abuurin dhulka."},{"id":9,"translation":"9. Iyo (siduu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad)."},{"id":10,"translation":"10. Iyo (siduu u galay) Fircoon, ee tiirarka lahaa (iyo ciidammada tirada badan)?"},{"id":11,"translation":"11. Kuwaasoo ku xadgudbay dhulka."},{"id":12,"translation":"12. Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda?"},{"id":13,"translation":"13. Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah."},{"id":14,"translation":"14. Xaqiiq, Rabbigaa baa u jeeda (addoomahiisa) oo gaar ka haya."},{"id":15,"translation":"15. Aadmiga (kan gaalka ahi), markuu Rabbigi imtixaano oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay."},{"id":16,"translation":"16. Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday."},{"id":17,"translation":"17. Mayee’ ma daryeeshaan agoonka."},{"id":18,"translation":"18. Oo iskuma boorrisaan in masaakiinta wax la siiyo."},{"id":19,"translation":"19. Waxaadna cuntaan dhaxalka cunid xaqdarro ah."},{"id":20,"translation":"20. Oo aad jeceshihiin maalka jaceyl daran."},{"id":21,"translation":"21. Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo,"},{"id":22,"translation":"22. Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah."},{"id":23,"translation":"23. Oo la keeno Maalintaas Naarta. Maalintaas buu Aadmigu (gaalku) waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari?"},{"id":24,"translation":"24. Wuxuu odhan: Alla haddaan u soo hormarsan lahaa wanaag noloshaydatan (Aakhirada)."},{"id":25,"translation":"25. Maalintaas, cidna wax uma cadaabto (si daran sida) Cadaabka (Alle) oo kale."},{"id":26,"translation":"26. Cidna wax uma xidho (si adag sida), \n Xidhidda (Alle) oo kale."},{"id":27,"translation":"27. (Waxaa lagu odhan mu'minka): Naf yahay xasillooneey."},{"id":28,"translation":"28. U noqo Rabbigaa, adigoo raalli ah oo raalli lagaa yahay."},{"id":29,"translation":"29. Ee gal addoomaheyga (wanaagsan) dhexdood."},{"id":30,"translation":"30. Gal Jannadeyda."}]},{"id":90,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh)."},{"id":2,"translation":"2. Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan [1] (aad horey u degganeyd).","footnotes":"[1]. Nabigu s.c w. Wuxuu yidhi: Aniga waxaa la I banneeyey inaan kula dagaalo (gaalada mushrikiinta ah) saacad keliya Makkah, haddana xurmadeedda waa sidii hore.\"\nRasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi maalintii furashada Makkah: Beledkan Alle waa caagay, waa inaan la goyn qodaxdiisa, oo la didin ugaadhiisa, oo la qaadan wixii ku luma oo dad ka dhaca qof naadinaya oo carrifaya maahee."},{"id":3,"translation":"3. Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo wiilkiisa 'Ismaaciil' [2].","footnotes":"[2]. Waxaa kaloo lagu fasiray: Waa igu Aadam iyo durriyadiisa."},{"id":4,"translation":"4. Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka)."},{"id":5,"translation":"5. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn?"},{"id":6,"translation":"6. Wuxuu leeyahay (isagoo ku faani): Waxaan lumiyey maal tiro badan."},{"id":7,"translation":"7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag?"},{"id":8,"translation":"8. Miyaannaan u yeelin labo indhood?."},{"id":9,"translation":"9. Iyo carrab iyo labo bishimood?"},{"id":10,"translation":"10. oo aan tusin labada jidood (khayrka iyo sharka)?."},{"id":11,"translation":"11. Ee muu ka gudbo jidka buurta ah?"},{"id":12,"translation":"12. Maxaa ku ogeysiiyey (waxa looga gudbo) jidka buurta ah?"},{"id":13,"translation":"13. Waa addoon la xoreeyo."},{"id":14,"translation":"14. Ama siinta cunno maalin gaajo (abaar) jirto."},{"id":15,"translation":"15. Agoon kuu dhow."},{"id":16,"translation":"16. Ama miskiin dhulka yaal."},{"id":17,"translation":"17. Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo samirka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta)."},{"id":18,"translation":"18. Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada)."},{"id":19,"translation":"19. Kuwase ku gaalooba Aayadahayaga waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka)."},{"id":20,"translation":"20. Waxaa lagu dabooli dushooda Naar (dab aan dameyn ah)."}]},{"id":91,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo caddaanta barqadeeda;"},{"id":2,"translation":"2. Iyo dayaxa markuu raaco (qorraxda)."},{"id":3,"translation":"3. Iyo maalinta markay muujiso (arlada) oo ifiso."},{"id":4,"translation":"4. Iyo habeenka markuu daboolo arlada (oo madoobaado)."},{"id":5,"translation":"5. Iyo samada iyo siduu (Alle) u dhisay;"},{"id":6,"translation":"6 Iyo arlada iyo siduu (Alle) u fidshay,"},{"id":7,"translation":"7. Iyo nafta iyo siduu (Alle) u ekeeyey."},{"id":8,"translation":"8. Markaas kala garansiiyey xumaheeda iyo toosnideeda,"},{"id":9,"translation":"9. Waxaa liibaani qofka (ka) daahiriya naftiisa (shirki iyo macaasi)."},{"id":10,"translation":"10. Waxaa khasaari qofka xumeeya naftiisa."},{"id":11,"translation":"11. Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti."},{"id":12,"translation":"12. Markuu soo baxay koodii uga sharka badnaa (si uu hasha u dilo)."},{"id":13,"translation":"13. Markaasuu Rasuulkii Alle (Nabi Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Alle (ha dilana) oo siiya waraabkeeda."},{"id":14,"translation":"14. Wayse beeniyeen oo boqna gooyeen hashii (dileen). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey denbigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii)."},{"id":15,"translation":"15. Kama uuna cabsado cidhibteeda [1].","footnotes":"[1]. Cidhibta kuwa uu halaagay oo wax loo soo raacdo ama looga daba yimaado, waayo waa Adkaadaha aan laga adkaan."}]},{"id":92,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah)."},{"id":2,"translation":"2. Iyo maalinta markay muuqato (ifto);"},{"id":3,"translation":"3. Iyo abuurista labka iyo dheddigga."},{"id":4,"translation":"4. Xaqiiq, camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay."},{"id":5,"translation":"5. Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi)."},{"id":6,"translation":"6. Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada):"},{"id":7,"translation":"7. Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka)."},{"id":8,"translation":"8. Qofkiise ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya)."},{"id":9,"translation":"9. Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada)."},{"id":10,"translation":"10. Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta);"},{"id":11,"translation":"11. Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo."},{"id":12,"translation":"12. Annagaa xaqiiq wax hanuuninna,"},{"id":13,"translation":"13. Oo Annagaa xaqiiq leh Aakhiro iyo adduunba."},{"id":14,"translation":"14. Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa."},{"id":15,"translation":"15. Uusan galaynin qof xun mooyaane."},{"id":16,"translation":"16. Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada."},{"id":17,"translation":"17. Waxaana laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha kale)."},{"id":18,"translation":"18. Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo."},{"id":19,"translation":"19. Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo."},{"id":20,"translation":"20. Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya."},{"id":21,"translation":"21. Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi."}]},{"id":93,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay Barqada."},{"id":2,"translation":"2. Iyo habeenka markuu xasilo (madoobaado)."},{"id":3,"translation":"3. Rabbigaa kaama tagin (Nabi Muxammadow), mana uu kuu cadhoon."},{"id":4,"translation":"4. Aakhiro baa kaaga khayr badan noloshatan (hore ee adduunka)."},{"id":5,"translation":"5. Rabbigaa baa ku siin (khayr badan), waadna raalli noqon."},{"id":6,"translation":"6. Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin?"},{"id":7,"translation":"7. Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin?"},{"id":8,"translation":"8. Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin?"},{"id":9,"translation":"9. Ee agoon, ha dhibin."},{"id":10,"translation":"10.Kan wax ku weydiistana, ha ku qeylin."},{"id":11,"translation":"11. Nicmadda Rabbigaana (Islaamka, Towxiidka, Qur'aanka, Xaqa, sheeg (oo ka mahad celi)."}]},{"id":94,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Miyaanaan kuu waasicinnin (Nabi Muxammadow) laabtaada?"},{"id":2,"translation":"2. Oo sidaa kaaga dejin culeyskii ku saarnaa [1],","footnotes":"[1]. Macnaha waa aan kuu dhaafin oo cafin gefafkaaga kuwii hore iyo kuwa dambeba, ama kaa qaadin culeyskii aad dareemeysey billowgii gaarsiinta iyo fidint diinta."},{"id":3,"translation":"3. Kaasoo cusleeyey dhabarkaaga,"},{"id":4,"translation":"4. Oo aanaan kor yeelin meeqaankaaga?"},{"id":5,"translation":"5. Xaqiiq, dhibka waxaa la socda faraj."},{"id":6,"translation":"6. Xaqiiq, waxaa dhibka la socda faraj."},{"id":7,"translation":"7. Ee markaad bogto (salaadda) ku dadaal duceysiga (iyo Alle ammaanka iyo Xuskiis)."},{"id":8,"translation":"8. Xagga Rabbigaa (keliyana) wax ka rajee."}]},{"id":95,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka [1].","footnotes":"[1]. Waa tilmaan sidoo kale halkay ka baxaan ee Falastiin ee ah halka laga soo saaray Ciise c.s. Nabi ahaan."},{"id":2,"translation":"2. Iyo Buurta Siinaay [2].","footnotes":"[2]. Ee ah halkuu Alle kula hadlay Muuse c.s."},{"id":3,"translation":"3. Iyo magaaladan Aaminka ah 'Makkah' [3],","footnotes":"[3]. Ee Nabi Muxammad laga soo doortay Rasuul Alle ahaan."},{"id":4,"translation":"4. Waxaan dhab ahaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan."},{"id":5,"translation":"5. Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya [4].","footnotes":"[4]. Naarta gudaheeda ama da'da asaasqnimada."},{"id":6,"translation":"6. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno)."},{"id":7,"translation":"7. Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?"},{"id":8,"translation":"8. Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta [5]?","footnotes":"[5]. Haayoo, wuu Yahay."}]},{"id":96,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Ku akhri 'Nabiyow' Magaca Rabbigaa ee abuuray (wax waliba)."},{"id":2,"translation":"2. Ka abuuray aadmiga xinjir."},{"id":3,"translation":"3. Akhri! Rabbigaana waa Sharaf Badnaha,"},{"id":4,"translation":"4. (Dadka) baray sida wax loogu qoro qalinka."},{"id":5,"translation":"5. Baray Aadmiga wax uusan aqoon."},{"id":6,"translation":"6. Mayee! Aadmigu (kan gaalka ahi) wuu xadgudbaa oo kibraa."},{"id":7,"translation":"7. Markuu isku ogaado Hodantinnimo iyo deeqtoonaan."},{"id":8,"translation":"8. Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku."},{"id":9,"translation":"9. Ka warran midka ka reeba."},{"id":10,"translation":"10. Addoon (Alle) oo tukan salaad?"},{"id":11,"translation":"11. Bal ka warran hadduu ku sugan yahay (addoonkaa) jid toosan?"},{"id":12,"translation":"12. Amaba uu amro Alle ka cabsiga iyo xume ka dhowrsiga?"},{"id":13,"translation":"13. Bal ka warran hadduu kaasina (gaalka ahi) beeniyo Xaqa, kana jeesado?"},{"id":14,"translation":"14. Mawuusan ogeyn in Alle arko?"},{"id":15,"translation":"15. Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban foodda,"},{"id":16,"translation":"16. Food beenley ah oo gefley ah."},{"id":17,"translation":"17. Ha u yeedho golihiisa."},{"id":18,"translation":"18. Waxaanu u yeedhi malaa’ig daran."},{"id":19,"translation":"19. Mayee, ha adeecin oo sujuud, una dhowow (Alle)."}]},{"id":97,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaanu xaqiiq soo dejinnay (Qur’aanka) habeenka Qadarka."},{"id":2,"translation":"2. Maxaa ku ogeysiiyey wuxuu habeenka Qadarku yahay?"},{"id":3,"translation":"3. Habeenka Qadarku wuxuu ka khayr badan yahay kun bilood [1].","footnotes":"[1]. 83 sano iyo afar bilood, waa camalka iyo cibaadeysiga habeenkaa."},{"id":4,"translation":"4. Malaa’igta iyo Jabriil baa la soo dega (habeenkaa) Idanka Rabbigood arrin walba oo xukun ah,"},{"id":5,"translation":"5. Nabad weeye (habeenkaa) ilaa waagu ka baryo [2].","footnotes":"[2]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Ka doondoona layaltul Qadarka tirooyinka is dheer ee tobanka habeenood ee u dambeeya Ramadaanka."}]},{"id":98,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad."},{"id":2,"translation":"2. Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Alle oo akhriyaya waraaqo daahir ah."},{"id":3,"translation":"3. Ay ku yaallaan xukunno wanaagsan."},{"id":4,"translation":"4. Kuwaa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) isma ay khilaafin oo kala tegin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid [1].","footnotes":"[1]. Waa Nabi Muxammad s.c.w iyo Qur'aanka."},{"id":5,"translation":"5. Lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Alle keliya iyagoo u gooni yeelaya cibaadada oo toosan, iyo inay oogaan salaadda oo bixyaan Zakada, sidaas baana ah diinta toosan."},{"id":6,"translation":"6. Xaqiiq, kuwa gaalooba oo ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta waxay dhex ahaan Naarta Jahannama iyagoo ku waaraya gudaheeda. Kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan uumanka."},{"id":7,"translation":"7. Xaqiiq, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan uumanka."},{"id":8,"translation":"8. Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah (Jannooyin) oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku waari weligood, Alle Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ku yihiin. Sidaas waxaa leh qofkii ka baqa Rabbigi 'oo ka dhowrsada xumaha'."}]},{"id":99,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Marka arlada la gilgilo gilgilashadeeda daran (Qiyaamada)."},{"id":2,"translation":"2. Oo arladu soo bixiso culeysyadeeda (wixii ku aasnaa),"},{"id":3,"translation":"3. Aadmigu yidhaahdo: Maxay leedahay?"},{"id":4,"translation":"4. Maalintaas waxay ka warrami akhbaarteeda."},{"id":5,"translation":"5. Inuu Rabbigaa u waxyooday darteed."},{"id":6,"translation":"6. Maalintaas dadku wuxuu u soo dareeri rac rac si loo tusiyo 'jazaha' acmaashooda."},{"id":7,"translation":"7. Ee qofkii fala samaan le’eg saxar wuu arki,"},{"id":8,"translation":"8. Qofkii falana xumaan le’eg saxar wuu arki."}]},{"id":100,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay ordayaasha dheereeya iyagoo qaylyi (fardaha dagaalka, iwm)."},{"id":2,"translation":"2. Iyo kuwa kiciya dhimbilaha dabka."},{"id":3,"translation":"3. Iyo kuwa (cadowga) weerara subaxa horeba,"},{"id":4,"translation":"4. Ee boodhka kiciya,"},{"id":5,"translation":"5. Ee bartanka u gala kulanka 'cadowga';"},{"id":6,"translation":"6. Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi (Allaah)."},{"id":7,"translation":"7. Isaga baana taasi ka markhaati ah."},{"id":8,"translation":"8. Oo hubaal waa ku daran yahay Jaceylka maalka."},{"id":9,"translation":"9. Ma wuusan ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo."},{"id":10,"translation":"10. Waxa ku jirana laabaha la caddeeyo."},{"id":11,"translation":"11. Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal (arrimahooda oo dhan)."}]},{"id":101,"verses":[{"id":1,"translation":"1.Garaacdada (qalbiyada waa Qiyaamada)."},{"id":2,"translation":"2. Maxay tahay Garaacdadu?."},{"id":3,"translation":"3. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay tahay Garaacdadu?"},{"id":4,"translation":"4. Waa Maalintay dadku noqon sida baalallay kala firdhay."},{"id":5,"translation":"5. Oo buurahu noqon sida cudbi la dhilay."},{"id":6,"translation":"6. Qofka miisaankiisa (camallada wanaagsan) uu culeys yahay."},{"id":7,"translation":"7. Wuxuu ku noolaan nolol barwaaqo iyo farxad leh oo raalli lagu yahay (Janno)."},{"id":8,"translation":"8. Qofkase uu miisaankiisa (camallada wanaagsan) fudeyd yahay."},{"id":9,"translation":"9. Hoygiisu waa Haawiya."},{"id":10,"translation":"10. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay tahay?"},{"id":11,"translation":"11. (Waa) Naar kuleyl badan."}]},{"id":102,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaa idin shuqliya (dadow) adduun badsi (iyo isu faan)."},{"id":2,"translation":"2. Ilaa aad siyaarataan qubuuraha (macnaha dhimataan oo la idinku aaso)."},{"id":3,"translation":"3. Mayee! Waad ogaan doontaan."},{"id":4,"translation":"4. Misna, mayee! Waad ogaan doontaan."},{"id":5,"translation":"5. Mayee! haddaad og tihiin ogaansho dhab ah."},{"id":6,"translation":"6.Waxaad hubaal arki Naarta ololka badan."},{"id":7,"translation":"7. Markaas waxaad u ark si yaqiin leh."},{"id":8,"translation":"8. Waxaana Maalintaa la idin weydiin Nicmooyinkii (Alle idinku galladeystay)."}]},{"id":103,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaan ku dhaartay waqtiga."},{"id":2,"translation":"2. Hubaal Aadmigu wuxuu ku sugan yahay khasaaro dhan."},{"id":3,"translation":"3. Kuwa (Xaqa) rumeeyey mooyee oo samaha fala, ee isu dardaraama Xaqa (iyo caddaalad falka), isuna dardaarama sabarka (iyo sugnaanta)."}]},{"id":104,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Hoog waxaa leh dure kasta, wax xanta."},{"id":2,"translation":"2. Kaasoo maal ururiya oo u heysta sahay ahaan (aanse ka bixin xaqa lagu leeyahay: sakada, iwm);"},{"id":3,"translation":"3. Wuxuu moodaa in maalkiisu waarin."},{"id":4,"translation":"4. Mayee! Waxaa lagu tuuri burburisada."},{"id":5,"translation":"5. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay burburisadu tahay?"},{"id":6,"translation":"6. Waa Naar Alle oo la huriyey."},{"id":7,"translation":"7. Ee kor ugu baxda quluubta dushooda (iyadoo gubeysa),"},{"id":8,"translation":"8. Waxaa lagaga xidhi dusha (gaalada)."},{"id":9,"translation":"9. Tiirar la taagay dhexdood."}]},{"id":105,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Mawaadan ogaan sida Rabbigaa u galay qoladii maroodiga?"},{"id":2,"translation":"2. Sow kama uu dhigin dhagartoodii wax dhumay (ku dhammaaday jab iyo jah wareer),"},{"id":3,"translation":"3. Oo ku soo dirin shimbiro guutoooyin ah,"},{"id":4,"translation":"4. Ku soo ganeysa dhagaxyo dhoobo la kululeeyey ah,"},{"id":5,"translation":"5. Markaas ka yeelay sidii bal la daaqay?"}]},{"id":106,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Caadeysigii Quraysh darteed."},{"id":2,"translation":"2. Ay ka caada yeesheen safarka xagaaga iyo jilaalka (si nabdoonaan ah ganacsiga)."},{"id":3,"translation":"3. Ee ha caabudeen Rabbiga Baytkan (Kacbada Makkah ku taal)."},{"id":4,"translation":"4. Kaasoo ka quudiyey gaajo, kana aamin yeelay cabsi."}]},{"id":107,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro)."},{"id":2,"translation":"2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan [1].","footnotes":"[1]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Aniga iyo kan daryeela agoonka oo kafaala qaada, waxaan gali Jannada innagoo sidaas oo kale ah. Wuxuuna kor u qaaday fardhexeda iyo murugsatada oo simay oo isu dhoweeyey."},{"id":3,"translation":"3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka [2].","footnotes":"[2]. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofka u dadaala oo u shaqeeya dumarka da'da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka u diriraya Jidka Alle ama kan habeenkii oo dhan u taagan salaad oo aan daaleyn iyo soomanaha aan afurin."},{"id":4,"translation":"4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),"},{"id":5,"translation":"5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda)."},{"id":6,"translation":"6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko."},{"id":7,"translation":"7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye)."}]},{"id":108,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Waxaanu xaqiiq ku siinnay (Nabi Muxammadow) Al-Kawthar (webi ah Jannada iyo khayr tiro badan)."},{"id":2,"translation":"2. Ee u tuko Rabbigaa Dartiis, (oo u) gawrac xoolo (adigoo Isaga Keliya Magaciisa ku xusi, uguna dhowaan)."},{"id":3,"translation":"3.Hubaal nacabkaaga waa kan cidhib go’i [1].","footnotes":"[1]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan ku dhaartay Kan ay Gacantiisu ku jirto nafteyda, midkiinna ma ahaan doono mu'min dhan jeer uu i jeclaado in ka badan waalidki iyo ilmahiisa iyo dadka oo dhammi\"."}]},{"id":109,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Dheh: Gaalooy."},{"id":2,"translation":"2. Anigu ma caabudayo waxaad caabudeysaan,"},{"id":3,"translation":"3. Idinkuna ma caabuddaan Kaan Anigu caabudo (Alle Keliya)."},{"id":4,"translation":"4. Anigu ma caabudayo waxaad idinku caabudeysaan (oo ilaahyo been ah)."},{"id":5,"translation":"5. Idinkuna ma caabuddaan Kaan anigu caabudo (Alle Weyne kor ahaaye)."},{"id":6,"translation":"6.Waxaad leedihiin diintiinna (camalkiinna), aniguna waxaa leeyahay diinteyda (camalkeyga, oo barii baan idinka ahay)."}]},{"id":110,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Markuu yimaado Gargaarka Alle iyo guusha (Furashada Makkah)."},{"id":2,"translation":"2. Oo aad aragto dadka oo u soo galaya diinta Alle (Islaamka) rac-rac (kooxo),"},{"id":3,"translation":"3. Markaas ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa, weydiisona Denbi Dhaaf. Hubaal Alle waa Tawbad aqbal Badane."}]},{"id":111,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab [1], hoogyeyna [2].","footnotes":"[1]. Waa Nabiga adeerki oo ahaa cadow Islaam, waxaana la mid ah oo soo galaya cadow Islaam kasta.\n[2]. Markay soo degtay Aayadda Qur'aanka ee leh: \"U dig xigaaladaada kuu dhow\". Nabigu s.c.w. wuxuu billaabay inuu u yeeraa ( qabaa'isha Carbeed): Reer Banii Fihirow, Reer Banii Cadiyow, isagoo mid mid u xusaya jilbaha iyo laamaha ay ka kooban yihiin Quraysh. Xitaa ninkii aan imaan karin wuxuu soo dirsaday cid ka socota isaga si uu u soo eego waxa jira. Markaasaa waxaa yimid Abuu Lahab iyo odayaashii Quraysh. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ka warrama haddaan idiin sheego ciidan fardooley ah oo soo socda toggan gadaashiisa ee dooneysa inay idin weeraraan ma iga rumeysan laheydeen? Waxay yidhaahdeen: Haa , kuguma baran waxaan run aheyn.. markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Haddaba waxaan idiinka digayaa cadaab daran oo idinku soo fool leh haddii aydaan Allaah rumeyn iyo Rusushiisa. Abuu Lahab wuxuu yidhi: Hoog oo ba' maanta oo idil, ma waxaan baad isugu kaaya yeertay? Markaasaa waxaa soo degay Tabbat Yadaa Abii Lahab…."},{"id":2,"translation":"2. Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday."},{"id":3,"translation":"3. Wuxuu geli oo ku guban Naar olol badan."},{"id":4,"translation":"4. Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah, (xanta, xinta iyo dirdirada badan),"},{"id":5,"translation":"5. Qoorteeda waxaa la yeeli xadhig adag xaskul la soohay (oo Naar) ah."}]},{"id":112,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Dheh: Allaah waa Mid Keliya [1].","footnotes":"[1]. Axad ah aan wax shariig ah lahayn."},{"id":2,"translation":"2. Allaah waa Sayidka Deeqtoon [2].","footnotes":"[2]. Ee ah ma baahdaha loo wada baahan yahay."},{"id":3,"translation":"3. Ma dhalin [3], lamana dhalin [4].","footnotes":"[3]. Macnaha waa ma leh ilmo. \n[4]. Macnaha waa ma leh waalid - aabbe iyo hooyo iyo xaas midna."},{"id":4,"translation":"4. Mana jiro axad u dhigma [5].","footnotes":"[5]. Alle oo la mid ah ama la barbar dhigo iyo cid wax la wadaagta midna."}]},{"id":113,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Dheh: Waxaan ka magan galayaa Rabbiga oogga (dillaacsha, waa Alle'e),"},{"id":2,"translation":"2. Sharka wuxuu abuuray;"},{"id":3,"translation":"3. Iyo sharka habeenka mugdiga badan markuu mugdigiisa daboolo (samada iyo arlada dhexdooda)."},{"id":4,"translation":"4. Iyo sharka kuwa wax ku tufa guntimaha (saaxirooyinka iyo sixiroolayaasha)."},{"id":5,"translation":"5. Iyo sharka xaasidka markuu wax xasdo."}]},{"id":114,"verses":[{"id":1,"translation":"1. Dheh: Waxaan ka magan galayaa Rabbiga dadka."},{"id":2,"translation":"2. Boqorka dadka."},{"id":3,"translation":"3. Ilaaha dadka."},{"id":4,"translation":"4. Sharka waswaasiyaha (sheydaanka) soo noqnoqodka badan."},{"id":5,"translation":"5. Kaasoo waswaasiya laabaha dadka."},{"id":6,"translation":"6. (Shaydaankaa) oo jin iyo dadba leh."}]}]
